Waxaanu Waraysi la yeelanay
isku dubaridihii iyo xidhiidhiyihii xafladii lagu
soo dhawaynayay Dowlada Soomaaliya ee ka dhacday
Ottawa, Canada. Faarax Maxamuud Aw-Cismaan
isla markaana ah asaasaha iyo gudoomiyaha ururka
lagu magacaabo Saaxiibada Kanada ee Soomaaliya.
(Canadian Friends of Somalia)
 |
|
Faarax
Maxamuud Aw-Cismaan
|
Waraysigiina
wuxuu u dhacay sidan:
Su’aal: Faarax warbixin kooban naga sii
sidii aad barnaamijkaan ku bilowdeen iyo sida
uu ku dhamaaday?
Jawaab:
Barnaamijkan ulajeedadiisu waxay ahayd mid caam
ah iyo dan Soomaaliyeed, waxay ahayd sidii loo
taageeri lahaa Dowlada Curdinka ah ee Soomaaliya
u dhalatay, Waxay ahayd sidii aanu Dowlada Kanada
uga dhaadhicin lahayn inay taageero aqoonsi, kaalmo,
mid maadi iyo macnawiba ula garab istaagi lahayeen
dowlada u dhalatay Soomaliya. Sida aad adiguba
goobtii xaflada ku aragtay waxaa xaflada ka soo
qayb galay madax aad u fara badan iyo xubno ka
tirsan Baarlamaanka Canada , xubnahaasi oo dadka
hortooda ka muujiyay inay nagu ayidi doonaan mashruucaan
lagu taageerayo Dowlada Soomaaliya, sidoo kale
waxaa barnaamijka ka soo qayb galay safiiro ka
socda dowladaha taageerada buuxda la garab istaagay
dib u heshiinta Soomaaliya sida, Sweden, Itaaliya
, Shiinaha, Kenya, Uganda, Itoobiya, Sudan, Eretereeya,
Masar iyo Maraykanka.
Gabagabadii barnaamijka waxaan oran karaa wuxuu
u dhacay sidii aanu u qorshaynay iyo si ka sii
fiicanba, taas mahadeedana waxaa leh marka Hore
Allah, marka xigana dadkii nagala qayb qaatay.
Su’aal: Faarax ma jiraan cid ka baxsan
ururkiina oo howshaan idinkala qaybqaatay?
Jawaab: Haa oo way jiraan wayna badan
yihiin dadka iyo ururada nagala qayb qaatay howshaan
iyada ah, waxaa ka mid ah ururo badan oo reer
Toronto ah iyo ururo kale oo reer Otaawa ah kuwaas
oo kala ah:
Ottawa:
World Somali Congress
Canadian Friends of Somalia
Ogaden Human Rights Committee (OHRC)
Somali Centre for Family Services
Arladun Somali Canadian Society
Horn of African Women’s Organisation (HAWA)
Somali Teachers Association
Dr. Umad Foundation
Toronto:
Somali Relief Network of North America
Somali Canadian Association of Etobicoke
Family Support & Youth Services of Etobicoke
(Etobicoke)
Somali Immigrant Aid Organization
Midaynta
Dejinta Beesha
Moon Light Trading Company
Intaas
waxaa sii dheer shakhsiyaad aad u tiro badan oo
nagu ayiday howshaan sida kuwa ka soo safray
Toronto iyo Montreal, kuwa lacagta noogu deeqay,
dumarka raashinka noo soo kariyay, hablaha dadka
u adeegay , wiilasha gaadiidka naga gargaaray.
Dhamaan cidkasta oo nagala qayb qaadatay howshaana
way ku mahadsan yihiin, waxaanan oran karaa arintaani
waa waajib dusha naga wada saaran maadaama aanu
nahay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Sidoo
kale waxaa xusid mudan howsha inay nagala soo
qayb galeen xafladan shakhsiyaad ka socday saxaafada
dalkan iyo mida Soomaaalidu maamusho sida,
Muuqaalka Soomaalida TV ee Toronto, markacadeey.com,
mudugonline.com iyo somaliaonline.com, dhamaantiid
mahadsanidiin.
Su’aal:
Faarax ma sii wadaysaan arintaan iyada ah mise
waa mid ku koobnayd xafladaan oo qudha?
Jawaab:
Walaal, fari kama qodna faanoole, howshaani waa
bilow, wajiyo badan oo isdaba joog ah ayay leedahay.
Qorshayaal dhow iyo kuwo dheer ayay leedahay sida:
inaanu Kanada ku casuno madaxda iyo mas’uuliyiinta
Soomaaliyeed, Inaanu sii xoojino xiriirka labada
dowladood, inaanu ka shaqayno sidii safaaradii
Soomaliyeed ee Canada dib loogu furi lahaa, sidii
aanu xubno ka socda baarlamaanka Kanada u gayn
lahayn ama ugu casumi lahayn gudaha dalka Soomaaliya.
Iyo sidii aanu hay’adaha deeqda bixiya ee reer
Kanada uga dhaadhicin lahayn inay ka qayb qaataan
dib u dhiska iyo dib u heeshiisiinta Soomaaliyeed.
Su’aal:
Cidii inay idinla soo xidhiidho ama idin la shaqayso
doonaysa, ama inay hesho cajiladii video-ga ahaa
ee habeenkaasi goobta laga duubay, ma jirtaa meel
ay idinkala soo xidhiidhi karto?
Jawaab: Walaal ururkayagu wuxuu leehayay
bog internetka ah kaas oo cinwaankiisu yahay
www.canadianfriendsofsomalia.org sidoo kale
qofkii email-kayaga doonaya wuxuu nalaga soo xidhiidhi
karaa:
canadianfriendsofsomalia@yahoo.com
Su’aal:
Ugu danbaystii maxaad u soo jeedin lahayd Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa?
Jawaab: Waxaan odhan lahaa ku dadaala sidii
aad u garab istaagi lahaydeen dowladaan inoo dhalatay,
hadiiba ragii qoryaha isku haystay maanta heshiiyeen
islana shaqaynayaan, dhamaantoodna ay ka mid noqdeen
maamulkan cusub, waxaa ila haboon inayku ku qanacno
habka wax u socdaan. Maanta waxa tacliin, khibrad
maamul iyo maarayna waxa haya waa dadka
dibada jooga sidaa awgeed waa in aynu dalkeena
hooyo ugu taba rucnaa wax kasta oo aynu awoodno.
Hadii aynaan awoodi karin anaynu ku noqono oo
wax ka dhisno dalkeena waxaa inoo furan inaynu
dibada ka taageerno, ha ogaado qofkasta rag iyo
dumarba inaynu nahayn safiiro matalaya Soomaali
magaceed, sidaa awgeed waa inaynu isku xidhno
dalka hooyo iyo dalka aynu maanta hoyga ka dhiganayno.
Ugu danbaystii waxaan oran lahaa maskaxdii iyo
aqoontii , dhalintii iyo dhaqaalihii intaba dibad
ayuu ku sugan tahaye ku fekera sidii aynu dalka
dib ugu celin lahyn.
Dowlada Cusubna waxaan odhan lahaa Muwaadiniinta
iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed u saamaxa inay dalka
wax ka dhisaan, u ogaalada inay maamulka ka mid
noqdaan, qadariya khibaradahooda iyo aqoontooda,
xoogii hadaad tihiin maskaxdii ayaanu nahaye aynu
isku kaashano kana wada shaqayno badbaadada dalka
hooyo.
Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga aan noo saamaxday
iyo waraysigaba.
Idinkaa Mudan.
Mohamed Gabanow
Mudugonline.com
Ottawa, Canada