|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA

Dahir_Dalmar_shaafici_&_marwadiisaHabeenimadii 6dii Disembar 2004, ayaa waxaa xarunta Barlamaanka Kanada ee magaalada Ottawa lagu qabtay xaflad ballaraan oo lagu taageerayo DFKM ee Soomaaliya. Xafladdaas oo ahayd mid la yaab leh oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ahna xafladdii ugu horeysay oo Somalidu si wadajir ah ugu qabtaan gudaha xurunta baarlamaanka Kanada ayaa waxaa ka qaybgalay mudanayaal ka tirsan barlamaanka Kanada, safiiro, saraakiil sare ee Xukuumadda Kanada, marti sharaf iyo dadweeyne tiro badan oo ka socda Jaaliyadaha Ottawa iyo Toronto ee Soomaaliyeed.

Ulajeedada xafladdu waxay ahayd in la mujiyo taagerada iyo niyadsamida jaaliyaddu u hayso Dawladda cusub ee Soomaaliya iyo guudahaan dadaalka ku wajahan dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska qarankii Soomaaliyeed; iyo in Dawladda Kanada lagu wargeliyo horumarka laga gaaray arrimaha dib-u-heshissinta Soomaaliyed, islamarahaantaasna laga codsado inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato nabadeeynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Safiyo_Cabdic_asiis_X_XaashiWaxaa xafladda si habsami ah u daadihinayey Shoon Omar oo ka tirsan Jaaliyadda Ottawa., Waxay xafladdu u dhacday sidaan:

 

Safiyo_Cabdic_asiis_X_XaashiUgu horreyntii, Safiyo Cabdicasiis X. Xaashi oo ah gabar yar oo dhigata fasalka sideedaad, oo Soomaaliya ka soo qaxday markay jirtey hal sano, ayaa xafladda ku furtay tixo gabay ah oo af Ingiriis ah ooy ku tilmaamayso hilowga ay u qabto dalkeedii hooyo ooyan tagi karin waqtigaan. Safiyo waxay isweeydiisay cidda leh eeddas? Ma siyaasiyiintaa leh, ma aqonyahankaa leh? Ma waalidiintaa leh, ma adduunkaa leh? Yaa leh edda oo u diiday iny ku noqto dalkeedii hooyo? Safiyo waxay tiri, ka dib markaan arkay sanooyin badan oo burbur ah, waxaan hadda arkaa iftiin meel fog ka soo bidhaamaya oo malaha u noqon doona abshir ummadeenna Soomaaliyeed.

Safiyo_Cabdic_asiis_X_XaashiShiikh Aden Ciise, oo ah Guddoomiyaha Somali Relief Network of North America, ayaa soo jeediyey khudbad furitaan ah oo qiimo badan. Shiikh Aden wuxuu guudmaray dhibaatooyinkii iyo aafooyinkii Soomaaliya soo martay 14 sano ee la soo dhaafay oo uu ku tilmaamay masiibo weeyn oo taarikhi ah la soo daristay ummadda Soomaaliyed. Shiikh Aden wuxuu yiri waxaa aad loogu baahan yahay manta in la taageero dawladda la dhisay. Wuxuu ka codsaday asxaabta mucaaradka iyo dawladda Kanada inay taageeraan dawladda cusub ee Soomaaliya, aqoonsadaana, la sameeystaana xiriir dibolomaasi ah, lana garab istaagaan kaalmo maaliyeed iyo xirfadeedba. Shiikh Aaden wuxuu xusay inay barlamaanka Soomalaiya hadda ku jiraan 12 xubin oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Kanada.

Mudane Marco Colombo, safiirka Itaaliya ee Kanada, ayaa soo jeediyey erayo uu ugu hambalyeeynayo Soomaalida guusha laga gaaray dhismaha dawladda cusub. Safiirku wuxuu carrabka ku dhuftay inay Soomaaliya leedahay saaxiibo la garab taagan hiil iyo hooba.

laytonMudane Jack Layton, Madaxa Xisbiga New Democratic Party (NDP) ee Kanada ayaa ka qaybgalayaashii ku soo dhoweeyey xarunta Barlamaanka oo lagu qabtay xafladda, wuxuuna u soo gudbiyey salaan iyo bogaadin uu ka wado xisbiga NDP. Mudane Layton, wuxuu yiri axsaabta Kanada oo idili waxay ku mideeysan yihiin in Soomaaliya la kaalmeeyo, la gacan qabto, iyadoo Kanada hiddo u leedahay inay ka shaqeeyso nabadda iyo kaalmada dalalka tabaaleeysan.

amb_swedenMudane Lennart Alvin, Safiirka Sweden ee Kanada ayaa isaguna u hambalyeeyy ummadda Soomaaliyeed guusha laga gaaray dhismaha dawladda cusub. Safiirku wuxuu sheegay in 29kii Oktoobar 2004, Sweden marti galisay shir caalami ah oo looga arrinsanayey sidii loo taageeri lahaa dawladda cusub. Wuxuu kaloo sheegay inuu dhowaan dhici doono shir caalami ah ooy martigalin doonaan dawladaha Itaaliya iyo Sweden oo lagu qaban doono Rooma, oo ku wajahan sidii Soomaaliya loogu fidin lahaa kaalmo.

Fawsiya Cabdulqaadir ayaa iyana halkaas ka soo jeedisey khudbad. Fawsiya waxay tiri si loo helo dawlad Soomaaliyeed oo taabbagal ah, waxaa loo baahan yahay in la isweeyddiyo maxaa horta khaldamay. Fawsiya, iyadoo xiganeeysa qoraallo cilmi ah, waxay xustay in dhibaatadu ka timid maamulkii laga dhaxlay gumeeystayaashii oo ku dhisnaa cadaadis iyo kali-talisnimo. Si loo saxo khaladkaas, waxaa loo baahan yahay in la helo heshiis salballaaran oo bulshadoo dhammi ka qaybgasho. Si taas lagu helana waa in la wacyigeliyaa bulshaweeynta, waa in laga shaqeeyna horumar isu dheellitiran, waana in xuquuqda dumarka la dhowraa. Fawsiyo waxay isweeydiisay sida la isu-waafajin karo habka wax-ku-xulashada qabiilka ku dhisan iyo xuquuqda dumarka?

Marlene_ CatterallMudane Marlene Catterall, oo ah mudane laga soo doortay Galbeedka Ottawa, ayaa ka-qayb-galayaashii ku soo dhoweeysay xarunta Barlamaanka, uguna hambalyeeysey munaasabadaan qaaliga ah. Mudane Marlene waxay mahad u celisey dawladda Kenya oo sabur muujisey ilaa shirku ka mira dhalo. Mudane Marlene waxay tiri waxaa hadda la qaaday tillaabadii ugu horreysay, dariiquna waa dheeryahay, boholuhuna waa badan yihii. Waxaa la rabaa in gaariga si taxadar leh loo kaxeeyo ilaa yolkii la rabay la gaaro.

Dr_qasim_Osman_Xaaji_nnur_&_Axmed_boqorDr. Mohamed Kassim, oo ah macallin Soomaaliyeed wax ka dhiga Seneca College, ayaa ugu horreyntii mahad ballaran u soo jeediyey dawladda Kanada oo soo dhoweeysey Soomaali farabadan, markii dalal badan laga soo cayriyey. Dr. Kassim wuxuu yiri waxaa mucjiso ahayd in Soomaalidu u adkeeysatay 14 sano oo dagaal iyo rafaad ah. Nasiib wanaag hadda waxaa la dhisay dawlad Soomaaliyeed. Caqabadda ugu weeyn oo dawladda hortaagan waa shuruudaha Deeq-bixiyayaasha caalamiga ahi ku xirayaan. Waxay yiraahdaan waa in Dawladduu horta shaqeeysaa, waa inay hantida awoodda dalkoo idil. Taasi waxay ka dhigan tahay iyadoo dagaalkii labaad, dalakii Naazigu qabsaday, la yiiraahdo horta is-xoreeya, ka dib ayaan idin caawimi doonaaye. Dr. Kassim wuxuu Kanada ka codsaday inay aqoonsato dawladda cusub, inay ka qayb qaadato dhismaha ciidamada amniga sida Haiti iyo in wafdi ka socda Barlamaanka loo diro Soomaaliya si loo hubiyo baahida halkaas ka jirta. Wuxuu ku khatimay in Kanada ay hawlgaliso dadka Soomalida ah ee Kanadiyaanka ah oo hadda leh waayo-aragnimo ku filan ee aayan adeegsan La-taliyayaal dibadeed (consultants).

laytonMudane Rahim Jafar, oo ah mudane laga doortay Edmonton-Strathcona, ayaa ka qaybgalayaasha u soo gudbiyey salaam uu ka wado xisbiga Conservative Party. Mudane Rahim wuxuu yiri aniguba waxaan dalkaan ku imid qaxootinimo ka dib markii Iidi Amiin naga soo qaxiyey Uganda, waxaanna rajeeynayaa inaan arko Soomaali ah mudane barlamaan goor aan fogeyn. Mudane Rahim wuxuu ballan qaaday in xisbigiisu la shaqeeyn doono Soomaalida si loo sii hormariyo tillaabooyin hadda la qaaday.

Safiyo_Cabdic_asiis_X_XaashiMudane Cissy Taliwaku, safiirka Uganda ee Kanada, ayaa ku mahadisey dadkii qaban qabiyey xafladdan taariikhiga ah. Waxay u hambalyeysey ummadda Soomaalida, dawladda Kenya iyo Ururka IGADD oo madaxweyne Museveni guddoomiye ka yahay. Mudane Cissy waxay kula talisay Soomaalida inay go'aansadaan inay dalkooda dhistaan ooyan mar dagaal dambe u oogin. Waxay tiri haddii Soomaalidu ayan wax qabsan deeq dibadeed waxay tarayso ma jirto.

Roy_Cullen_mp_under_secMudane Roy Cullen, oo ah mudane laga doortay Etobicoke-North, iyaa isaguna u hambalyeeye ummadda Soomaalida. Mudane Roy wuxuu yiri waa inaan iska ilaalinaa in lagu celiyo khaldkii hore oo ahaa inaa la taageerin dawldii Carte, inkastoo ay ahayd mid aan loo dhammayn. Waa in laga shaqeeyaa sidii dawladdaani ku hirgali lahayd.

Toronto_MPsMudane Wajid Khan, oo ah mudane laga doortay Mississauga, ahna Muslim, iyaa isaguna hambalyo u soo jeediyey ummadda Soomaaliya oo ay u dhalatay dawlad. Mudane Wajid wuxuu yiri waa inaan culays saarna dawladda Kanada si ay u kaalmeeyso Soomaaliya, taas keliya ma ahee waa inaan dawladaha kalena culeys saarna si loo garab-istaago dawladad cusub ee Soomaaliya.

Itoobian_ambaasador_in_ottawaLiu Wutong, Xoghayaha labaad ee safaaradda Shiinaha, iyaa isaguna u soo jeediyey ummadda Soomaaliya hambalyo iyo bogaadin. Wuxuu sheegay in Dawladda Shiinihu diyaar u tahay in kaalmeeyso dawladda cusub ee Soomaaliya.

Toronto_MPsMudane Borys Wrzesnewskyj, oo ah mudane laga doortay Etobicoke-Centre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweeyne Cabdullaahi Yuusuf, iyo Prof. Cali Geedi Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Mudane Borys wuxuu yiri Kanada waa inay noqotaa dawladdii ugu horreysey ee Qarbiga oo aqoonsata dawladda Soomaaliya. Mudane Borys wuxuu soo jeediyey in la dhiso ururka Barlamaanada Soomaaliya iyo Kanada oo caawa shaqo bilaaba. Wuxuu yiri waa in xoogga la saaraa Soomaaliya oo aan laga seexan. Wuxuu yiri waxaan ku dadaalaya inaan Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yusuf ku casumo Kanada.

Itoobian_ambaasador_in_ottawaMudane Dr. Berhanu Dibaba, Safiirka Itoobiya ee Kanada, ayaa isaguna dadkii meesha isugu yimid iyo dawladda Soomaaliyaba u soo jeediyey hambalyo iyo bogaadin ku aadan munaasabadaan.

karod_toganeProf. Mohamed Togane ayaa soo jeediyey khudbad qiiro badan oo dadkii goobta isugu yinid kicisay. Prof. Togane wuxuu yiri, haddaan Soomaali nahay waxaan gaarnay heerkii ugu hooseeyey ee baniiaadminimo, taxtigii ugu hooseeyey ee hadda ma gaarnaa fiintii ugu sarreeysey ee sharafnimo. Prof. Togane wuxuu tiriyey tixo gabay ah o af Ingiriis ah. Wuxuu dadka weeydiiye diyaar ma u nahay inaan dalkii dhisanno? Inaan wada noolaanno? Inaan dagaalka joojinno? Inaan qabyaaladda ka weeynaano? Prof. Togane wuxuu yiri waxaan hadda joognaa waqtigii heshiiska, waqtigii Soomaalinimada, waqtigii Hanoolaatada. Waxay ahayd khudbad mar dadkii kicisey, mar ka qoslisey, marna ka fakarsiisey.

Safiyo_Cabdic_asiis_X_XaashiUgu dambeeytii, waxaa halkaas erayo qiime badan oo isugu jira waano, duco iyo guubaabo ka soo jeediey Mudane Dahir Xaaji Cismaan (Dahir Dhagaweyne) oo ka mid ah Asaasayaashii Xisbigii S.Y.L. Mudane Daahir Wuxuu xusay dagaalkii iyo halgankii loo soo maray gobanimada, wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in la taageero Dawladda, in gacmaha la isqabsado oo walaalo la noqdo.. Wuxuu ku khatimay heestii Soomaaliyey Toosoo, Toosoo iskutiirsadee……….

ka_qaybgalayaasha1Barnaamijkii wuxuu dhammaaday iyadoo dadkii ay ka muuqato farxad, shucuur wadaninimo, iyo xamaasad, ayna ka maqsuudeen sida habsamida ah ooy xafladdu u dhacday iyo farriinta qiimaha badan ooy xambaarsaneyd. Waxaana la oran karaa xafladaan lagu soo dhaweynayay Dawlada cusub ee Somaliya waa tii ugu heersaraysay wixii xaflado lagu soo dhaweeyay ee ka dhacay wadanka dibaddiisa. Mar aan wax ka weydiinay mid ka mid ahaa ururaddii qabanqaabiyay xafladaan ayaa Mudugonline u sheegay inay xafladaan dib u dhigeen inta la samaynayo dawlada oo dhan oo haatan la soo dhamaystiray, taasina waxay wax weyn ka qaadatay inaan Somalidu u kala harin ka soo qayb galka xafladaan.

Dhinaca saxaafada Somalida waxaa ka soo qayb galay Somali TV Toronto, Markacadeey.com iyo Mudugonline.com, waxaa kaloo ka soo qaybgalay xafladaan qaar ka mida saxaafada Canada.

> Waraysi aanu la yeelanay Isku dubaridihii Xafladii ka dhacday Baarlamaanka Dalka Canada ee lagu soo dhawaynayay Dowlada Cusub ee Soomaaliya

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Dalmar & Mohamed Gabanow
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.