Markasta oo lagu xeel-dheeraado fahamka aayadaha abuurka ah, waxaa si
wacan loo helayaa ogaallada la xiriira aayadaha ooraaheed ee ku soo
aroorey kitaabka quraanka ah. Taas ka soo hor-jeedkeeda waxaa ah,
markasta oo caadifad la raaco oo laga fogaado jaan-tusyada abuurka iyo
cimilada, waxaa lagu sikanayaa nolol ah fadhiid iyo fadhi ku-dirir.
Waxaa laga fogaanayaa xeerarkii nolosha oo quraanku uu inoo ifinayay.
Haddii quraanku uu yahay adduun hadlaya, adduunkuna wuxuu yahay quraan
aamusan. Macallinkii Eebe inoo adeejiyay, suubanihii Maxamad ahaaa
(Shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) ayaa isaguna wuxuu ahaa
adduunkii aamusnaa oo socda iyo quraankii hadlayay oo socda. Garashdii
laga dhaxlay adeegahaas suuban (sh.n.d.a.) ee ku saleysneyd wax
ku-akhriska magaca Eebe (kor ahaaye) waxay tahay mid iftiimineysa
abuur kasta oo dduunka ka muuqda in uu sheegayo tilmaan kamid ah
tilmaamaha ku xusan quraanka. Abuurkaas ayaa waxy isugu jiraan mid
xagga Eebe laga diyaariyay iyo mid u baahan farsamadeena, kaas oo
iyaarrintiisa leynagu adoonsadey.
Fahamka xeerarka cimilada, waxaa lagu helaa maan la-miirey iyo
tijaabooyin leh xog-raacyo la ururshey, kuwaas oo facuhu ay inta wax
ku biirshaan haddana iska dhaxlaan. Casrigan oo lagu tilmaamo xilli uu
aadamigu u kordhey ogaallo badan, ayaa waxay saameyn ku yeelatay hor
u-marka iyo nolol-maamlmeedka qofka. Taasi waxay dhiiri-gelisey in
aqoonyahanno badan ay xiiso u qaadaan akhriska abuurka Eebe (kor
ahaaye) iyo raad-raacooda. Jaan-tusyada laga heley tijaabooyinka
aqooneed ee casriga ah, kuwoodii ugu danbeeyey waxaa kamid ah mashruuc
dhismo deegaan-cireed (Geostionary Earth Orbit), kaas oo la xiriira
lana meereysta dhulka. Aragtidaas ayaa waxay ka danbeysey sawir
maan-miir lagu heley ee tilmaamaya degaan dushaas sare laga dhiso,
isla-markaana leh kaabad dhulka ku rakiban oo lagula xiriiro (Space
Elavator). Aragtidan oo maanta noqotey mashruuc uu aadamigu si xooggan
ugu howlan yahay, ayaa waxaa ku hor-maray kitaabka quraanka. Waxaa
laga dhex-helayaa aayad fahamkaas xambaarsan, taas oo muddo qarniyo
badan dhex-taaley kitaabka, laakiin nolosha fadhiidka ah ayaa u diidey
bulshada muslimka ah in ay ku baraarugaan. Suuradda Al-Ancaam, aayadda
35-aad, iyada oo la hadleysa suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo
nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), waxay leedahay sidaan:
(وَإِنْ كَانَ كَبُرَ عَلَيْكَ إِعْرَاضُهُمْ فَإِنِ اسْتَطَعْتَ أَنْ
تَبْتَغِيَ نَفَقًا فِي الْأَرْضِ أَوْ سُلَّمًا فِي السَّمَاءِ
فَتَأْتِيَهُمْ بِآيَةٍ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَمَعَهُمْ عَلَى
الْهُدَىٰ ۚ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْجَاهِلِينَ)
(Haddii ay kugu waynaatey dhabr-jeedintooda, haddaba haddaad awood u
leedahay in aad dhulka ka doonato god ama aad cirka (ka doonto)
jaran-jaro si aad aayad ugu keento (ku dhaqaaq), hadduu Eebahaaga
doono wuxuu ka yeeli lahaa waddada saxa ah dusheeda, haddaba haka mid
noqonin kuwa aanan wax kala ogeyn)
Ayaddan ayaa waxay soo degatey goor Eebe-diidyadu ay si xoogan u
beeniyeen suubanihii (sh.n.d.a.). Waxay ahayd xilli uu cirka isku
shareerey mashruucooda xaq-diidka ah. Arintaasi waxaa dhibsadey oo ay
culeys ku noqotey adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.) oo isagu dhambaal ka
sidey boqorka cirarka, dhulalka iyo inta u dhexeysa. Eebe (kor ahaaye)
isaga oo adeegihiisa kala diriraya in saburka ku yaraado, ayuu farayaa
in mashruucan uu keli ahaan ugu dhaqaaqo, iyada oo weliba la cajsi
geliyay oo lagu leeyahay, maba aad awooddide haddiiba aad awood u
leedahay samee. Sida ay aayaddu sheegtay, mashruucu wuxuu yahay god
dheer oo dhulka laga qodo iyo dabaq-geeye lagu gaaro dusha sare,
kuwaas oo lagu doonayo ogaansho xeerarka Eebe (kor ahaaye) iyo
astaamahooda. Dabadeed uu kala yimaado calaamado uu markhaati ka
dhigto si dhambaalkiisa loo rumeeyo.
Mashruucan aayaddu fareyso suubanaha Maxamad ah (sh.n.d.a.), maahan
mid adeegihii Eebe uu ku howlanaa, amaba uu tabar u lahaa
howl-galkiisa iyo wax ka-qabadkiisa. Waxaa dhamaan la qirayaa,
mashruuca baaxaddaas leh in uu yahay mid ka baxsanaa awooddiisa qofeed
iyo ogaalladiisa garasho. Laakiin Eebaha boqorka ah, oo isagu u ogaal
badan tagtada iyo timaatada, muuqatada iyo ma-muuqatada, wax-walba
awoode, awooddiisa iyo oggolaanshihiisa ayay wax walba ku ahaadaan.
Ciddii uu la doono wuxuu u sahlaa sababihii ay ku gaari lahaayeen
wixii uu la doono oo ogaallada aayadihiisa ah. Aayadda waxaa laga
dheehanayaa in cid awooddaas leh ayan jirin, cid uu Eebe (kor ahaaye)
la doono mooyee. Sidaas ayay ku ahaatay in aadamiga uu helo qarnigii
20-aad aragtida ah mashruuca godka iyo dabaq-geeyaha cirka ee lagu
baadi-goobayo aayadaha Eebe.
Inkasta oo ay ayaan-darro tahay, dadkii quraanka rumeysnaa in ayan
marna u tallaabsan mashruuc caynkan oo kale ah, misana aragtidaasi ma
noqon mid ka maqan hanka aadamiga. Labadii qarni ee la soo dhaafay
ayaa waxaa abuurmay fikrado badan oo aadamigu wax-tar u yeeshay.
Ninkii ugu horeeyey oo dhigaal ka smaeeya hindisaha mashruucan wuxuu
ahaa Konstantin Eduardovich Tsiolkovsky (1857 – 1935). Isagu wuxuu
qorey aragti-cilmiyeed iyo mala-awaalo badan oo la xiriira aragtida
deegaan-cireedka. Ninkan oo u dhashay Ruush ayaa sanadkii 1895-kii
wuxuu aragti ahaan u dhigey sawir uu ku naqshadeeyay dhismo taag ah oo
dhererkiisu gaarayo 35,786 km. kaas oo leh asaas adag. Bilowgii
qarnigii tegey, waxaa soo baxay rag sii xoojiyay aragtidii uu ka tegey
K.E. Tsiolkovsky. Sanadihii 1920-aadkii, waxaa iyana soo baxay laba
aqoonyahan oo sii raad-raacay aragtida deegaan-cireed iyo agab
dabaq-geeye ah oo ku rakiban. Labadaas aqoonyahan oo kala ahaa Hermann
Oberth (1894 – 1989) iyo Herman Potocnik (1892 – 1929) ayaa
qoraalladii ay ka sameeyeen aragtidan waxay ahaayeen kuwii ugu qiimi
badnaa oo xilligaas laga diyaariyay fahamka aragtidan. Mid walba wuxuu
tijaabo ku heley, meel bannaanka dusheena ah oo qiyaastii dhulka u
jirta 35.900 km. in ay tahay meel wakhtigeedu uu la xilli yahay
wakhtiga dhulka.
Nin la yiraahdo Arthur Charles Clarke (1917 – 2008) oo u dhashay
Ingiriis ayaa noqdey ragga mala-awaalay halka aadamiga ay gaarsiin
doonto aqoonta. Bishii oktoober, sanadkii 1945-kii wuxuu qorey maqaal
ah saadaal-aqooneed (science fiction). Wuxuu cinwaan uga dhigey sidan:
Xarumaha Gantaallada, ma ay Gaarsiin Karaan Idaacadaha Dunida
Dacalladeeda (Can Rocket Stations Give World-wide Radio Coverage?).
Aqoonta gantaallada (Rocketary) oo Jarmalka ay ku horeeyeen xilligaas,
ayuu mala-awaalay in lagu gaari karo xarumo laga dhiso bannaanka
dusheena ah, kuwaas oo loo adeegsado lalinta wararka.
Haleelka aragtida deegaan-cireedka la meereysta dhulka, waxaa qeyb ka
ahaa fahamka xeerkii ku magacawnaa Newton’s Low of Gravity iyo
xeerkiisii labaad ee dhaqaaqa iyo cadaadiska ka hor-imanaya (Second
Low of Motion). Iyada oo laga duulayo aragtidii K.E. Tsiolkovsky,
dadaal badan oo ay sameeyeen aqoonyahanno u dhashay dowladdii Midowga
Soofyeeti, waxaa cirka loogu diray dayax-gacmeedkii ugu horeeyey
sanadkii 1957-kii. Dayx-gacmeedkaas oo magaciisa la yiraahdo
Sputnik-1, ayaa Soofyeetigu ay kaga hor-mareen Mareekanka oo ay kula
jireen loolankii dagaalkii qaboobaa. Markii uu gaarey hawada-sare,
wuxuu ka furtey saaruukhii sidey. Dabadeed si madax-bannaan ayuu u
bilaabay in uu dhulka kuna meereysto lana meereysto. Xawaaraha
orodkiisu wuxuu ahaa saacaddii 28,800 km. Inkasta oo muddo 55 sano ah
oo laga joogo, misana waxaa maanta jira 5,500 oo dayax-gacmeed, kuwaas
oo qaarkood ku meereysta dhulka, qaar kalena la meereysta. Ummadaha
yeeshay farsamada dayax-gacmeedyada waxay agabkan u adeegsadaan dano
kala duwan oo ay kamid yihiin dano is-gaarsiin, dano dhaqaale, dano
aqoon-baaris, dano ciidameed, dano sir-doon, iyo ogaallo la xiriira
cimilada hawada.
Tijaabooyinkii ugu horeeyey ee loo qaado baaritaanka mashruuca
deegaan-cireedka, waxaa qabtay wakaaladda NASA (National Aeronautics
and Space Administration) ee Mareekanka. Shirkadda dayuuradaha sameysa
ee la yiraahdo Hughes Aircraft Company’s, bilowgii sanadihii
1960-aadkii waxay dhistay dhamaan agabkii uu dayax-gacmeedku ka
rakibnaa. Markay taariikhdu ahayd 14/ 2- 1963-kii, NASA waxay cirka u
dirtay tijaabadii ugu horeysey ee dayax-gacmeed ku sugan meel qura,
kaas oo la meereysta wareegaaleysiga dhulka. Ujeeddada laga-lahaa
waxay ahayd in uu is-gaarsiin u soo kala laliyo meelo kamid ah
degaanka uu dul-joogo. Mashruucii dayax-gacmeedkaas oo ay ku
magacaabeen Syncom 1, ayaa wuxuu noqdey mid dhicisooba. Taasina waxay
ka danbeysey markii ay ka xumaatey elektroonikadii uu ku shaqeynayay.
Lix bilood dabadeed (26/7 -1963-kii) waxaa lagu tallaabsadey
isku-deygii labaad, markaas oo cirka loo diray Syncom 2. Waxaa markaan
lagu guuleystey in dayax-gacmeedkan uu soo laliyo barnaamijyo maqal-
iyo muuqaal leh, kuwaas oo uu ka soo tebiyay xarumo ay leeyihiin
kanaallo talevision ah.
Tijaabada mashruucii saddexaad qudheedu ma ayan raagin. Inkasta oo
dayax-gacmeedkii saddexaad cirka loo diray sanadkii 1964-kii, misana
wuxuu ku guuleystay in uu dalka Mareekanka u soo tebiyo tartanka
cayaarihii adduunka ee xagaagii sanadkaas ka dhacay dalka Jabaan.
Tijaabadaas wixii ka danbeeyey aadamigu wuxuu galay casrigii
dayax-gacmeedyada. Si xooggan ayaa looga faa’iidey dayax-gacmeedka ku
jooga meel qura ee ogaallada kala gudbinaya. Waxaa loo adeegsaday
hagidda gaadiidka dayuuradaha iyo maraakiibta (Navigation Satellite).
Heer waxaa la gaaray in loo adeegsado hagidda qofka iyo gaarigiisa
(Global Positioning System). Is-gaarsiintii waxay noqotay mid aanan
xuduud lahayn oo qofku uu taleefankiisii iyo internet-kii uu gacanta
ku wato. Taasi waxay hunguriga u furtay cid kasta oo nolosha fadhiidka
ah neceb. Ummadihii awoodda u lahaa in ay ka qeyb-qaataan loolanka
aqoonta dayax-gacmeedyada waxay u ban-baxeen baratanka aqoonta
dayax-gacmeedyada. Inkasta oo arintaasi ay aadamiga ku kordhisey aqoon
iyo wax-tar, misana mashruucii deegaan-cireedka kama marnaan adeegsiga
xagga sir-doonka iyo ciidamada ee aadamigu uu isku dhibaateynayay.
Markii guusha intaas le’eg laga mira-keeney, waxaa bilaabatay aragtida
ah in cirka degaan laga sameysto. Waxaa la mala-awaaley in degaankaasi
laga dhisi karo meel dhulka u jirta 35.786 km. oo dhulka oogadiisa ah.
Waxaa halkaas ku eg xadka meereysiga sugan ee wakhtigeedu uu la
saacado yahay wakhtiga dhulka. Wixii xadkaas la dhigo, xawaaraha
meereysigiisa wuxuu noqonayaa 3.07 km./ilbiriqsigii. Isla-markaas
wuxuu yeelanayaa muddo-meereysi buuxa oo ku dhaca 1.436 daqiiqadood.
Xawaarahaasi wuxuu u dhigmaa maalin cireed buuxa (One Sidereal Day).
Ujeeddada ugu wayn ee daba-galka hindisahan ka danbeysay waxay ahayd
in la helo degaan u dhow dusha sare oo ay ka adeegtaan
cir-bixiyeennada ku howlan aqoonta cir-baradka (Cosmology).
Tan iyo intii la heley ogaallada lagu hakinayo dayax-gacmeedka, waxaa
lagu fekerayay mashruuc la xiriira deegaan-cireed. Waxaa taasi lagaga
hor-tegayaa kharajka badan ee ku baxaya gantaallada xambaara
dayax-gacmeedyada, howsha badan ee ku baxda iyo khatarta uu
socdaalkaasi leeyahay. Waxaa kaloo arinkaas weheliyay aragti ah in la
helo dabaq-geeye lagu gaaro dusha sare (Space Elevator). Kaas oo
noqonaya dhisme dhulka oogadiisa ka taagan oo dhererkiisu gaarayo
100.000 km. Dacalka hoose ee dhismahaas dhulka ayuu ku aasan yahay.
Dacalka sarena wuxuu ku rakiban yahay deegaan-cireed sugan oo la
meereysanaya dhulka.
Aragtida dabaq-geeyaha waxay ahayd mid jirtay tan iyo qarnigii 19-aad.
Mar-kasta oo aadamigu uu ka fekero dabaq-geeye uu oogada fog ku gaaro,
waxaa ka hor-imanayay arimo culus oo ku reeba han-jab. Shiddada ugu
wayn oo hor-taagneyd waxay ahayd farsamadii uu ula tacaali lahaa
xeerka fiisikada ah (Inertia) ee isla xiriirsa dhaqaaqa walaxda iyo
awoodda dhaqaajisa. Gaar ahaan markii la doonayo in sheyga dhaqaaqaya
uu kor u dhaqaaqo. Agabka keliya ee aragtidan la xiriira ee maanta
aqoonta loo leeyahay waa dabaq-geeyaha (elevator) loo raaco aqallada
dhaadheer (skyscrapers). Mashruuca dhismaha agabka dabaq-geeyaha cirka
(Space Elevator) waa hal-abuur ballaaran oo ay ku gadaafan tahay
caqabado badan iyo khatar ballaaran. Sidaa darteed, hirgelintiisa
waxaa isugu tegey aqoonyahanno la xulay oo leh xirfado kala duwan.
Waxay isugu jiraan rag ku xeel dheer aqoonta handasada (engineers),
aqoonta farsamada (manufacture), aqoonta dabiicadda (physics).
Fikrad tii ugu horeysey oo ay aqoonyahnnadu helaan waxay ahayd dhismo
dhulka oogadiisa ka taagan, halkaas oo ay ka kacaan tamarta hore ee
kor loogu qaadayo sil-siladda dabaq-geeyaha iyo xamuulka uu sido.
Xooggaasi wuxuu qaadayaa agab gaadiid ah, dabadeed wuxuu gaarsiinayaa
meel dhexe oo ku xiriirisa xoog kale oo ku xiran deegaan-cireedkii
dusha ka dhisnaa. Xadkaas dhexe wixii ka shisheeya, xooggaas danbe
ayaa dabaq-geeyaha kor u sii riixaya. Sida aanu soo xusnay,
fiilooyinka taxan ee uu raacayo gaadiidka dabaq-geeyaha waa kuwa
dhulkana ku mudan, korna ka haysta deegaan-cireedka.
Si haddaba looga dhabeeyo aragtidan, ayaa aqoonyahannadu inbadan isku
howleen in ay helaan fiilooyin (cables) ay ka dhisaan xargaha loo
adeegsanayo dabaq-geeyaha. Sanadkii 1966-kii afar nin oo injineero ah
oo u dhashay dalka Mareekanka (Isaacs, Vine, Bradner iyo Bachus) ayaa
waxay tilmaameen in dabaq-geeyaha deegaan-cireedka (Space Elevator),
ay suuragal tahay in loo adeegsado fiilooyin laga tidcay isku-dhaf
canaasirta ugu ad-adag ee aqoonta loo leeyahay. Canaasirta ay
tusaalaha u soo qaateen waxay ahaayeen Graphit, Quartz, iyo Diamond.
(Isaacs, J. D.; A. C. Vine, H. Bradner and G. E. Bachus (1966).
“Satellite Elongation into a True ‘Sky-Hook’”. Science 11 (3711):
682).
Goor danbe waxaa tijaabo lagu ogaadey in canaasirtaas ayan awood u
lahayn adeegsiga mashruucan. Sanadihii 1980-aadkii waxaa xoog yeeshay
agabkii loo adeegsanayay fiilooyinka ad-adag. Taasina waxay ka
danbeysey markii la heley walaxda la yiraahdo Zylon. Waa fiilooyin
farsamo lagu sameeyey (synthetic fibers), kuwaas oo aad u ad-adag
aadna u yar-yar, isla-markaas si aad ah ugu adkeysi badan kuleylka.
Machadka layiraahdo Stanford Research Institute (SRI International -
California), ayaa wuxuu ku guuleystey farsamo fiilooyinka Zylon.
Markiiba waxaa loo adeegsadey howlo badan oo baahi loogu qabay
fiilooyinkaas ad-adag. Shirkadda maanta ugu soo-saar badan Zylon waa
shirkad Jabaan ah oo la yiraahdo TOYOBO. Laakiin waxaa nasiib-darro
noqotay in maaddada Zylon, qudheedu ay noqon waydey mid loo adeegsado
sil-silad isku xirta dhulka iyo degaanka fog ee dusheena ah.
Aqoonyahannada ku howlanaa arintan, waxay doonayeen cunsur leh tilmaan
adeyg iyo jileec (tensile strength and elastic modulus). Adeyg wax
badan ka adag canaasirta la yaqaan, kaas oo isla-markaas ka jilicsan
cusur kasta oo jileec ah oo la yaqaan. Maqnaanshaha cunsur tilmaantaas
leh, wuxuu dib u dhigey farsamadii lagu heli lahaa dabaq-geeyaha
deegaan-cireedka.
Sanadkii 1991-kii, aqoonyahan u dhashay dalka Jabaan ayaa wuxuu heley
walaxda la yiraahdo Carbon Nano-Tube (CNT). Ninkaas oo magaciisa la
yiraahdo Prof. Yoshio Aoki, wuxuu macalin ka ahaa Nihon University,
isla-markaas wuxuu odey ka noqdey Jamciyadda Jabaan ee ku howlan
dhismaha dabaq-geeyaha cirka (Japan Spase Elevator Assosiation). Prof.
Yoshio Aoki, farsamada Nano-Technology ayuu wuxuu ku dhisey tubooyin
yar-yar oo lix-geesood ah (long narrow cylindrical moleculus).
Tubooyinkaas oo ah kuwo aad u yar-yar ayaa wuxuu ka dhisey jareero
(atoms) ah cunsurka Carbon, kuwaas oo gumucoodu yahay 1 nm. Aragti
ahaan, walaxda laga dhiso carbon-nanotube, waxay 100 jeer ku-dhowaad
ka adag tahay walaxda laga dhiso birta. Arintaasi waxay raja gelisey
aqoonyahannadii ku howlanaa fikradda mashruuca dabaq-geeyaha cirka.
Sanadkii 2000 waxaa la tijaabiyay xoogga ay leedahay fiilo laga
sameeyey CNT. Aqoonyahanno ka yimid waddamo kala duwan ayaa
tijaabadaas ka qeyb-qaatay. Iyagu waxay ahaayeen Yu Min-Feng, Lourie
Oleg, D.J. Mark, Kelly F Thomas, iyo R.S. Rodney. Natiijadii ay heleen
waxay ku sheegeen in awoodda ay leedahay walaxda ah CNT ay gaarsiisan
tahay 63 Gpa (Giga-Pascals = waa beeg lagu qiyaaso xoogga walxaha).
Waxaa halkaas lagu xaqiiqsaday in walaxdan ay tahay midda ugu adag ee
aadamigu ogaal u leeyahay. (Strength and Breaking Mechanism of
Multiwalled Carbon Nanotubes Under Tensile Load”. Science 287 (5453):
637–640).
Walaxda ah CNT (Carbon Nano-Tube), waxay kulan-satay tilmaantii
adkaanta iyo tii jilicsanaanta oo aqoonyahannadu ay muddo
baadi-goobayeen. Markaas waxaa caddaatay in CNT loo adeegsan karo
waddadii cirka loogu gaadiidi lahaa xamuul culus. Tijaabooyinkii ugu
horeeyey ee la xiriira arintan waxay muujiyeen saadaal wacan oo
tilmaameysa in dhowaan lagu guuleysanayo mashruuca dabaq-geeyaha
deegaan-cireedka. Waxaa kaloo muuqatay, haddiiba arinkan lagu
guuleysto, in markaas ay dhab noqoneyso mashruucan qudhiisa lagu
gaarayo dayaxa, iyada oo la adeegsanayo cuf-jiidka dayaxa (Moon
Gravity). Fiilooyinka dabaq-geeyaha (Elevators Cable) waxaa isku
heynaya awoodda cuf-jiidka dhulka (earth gravity) iyo awoodda ka
dhalata meereysiga uu degaanku la meereysanayo dhulka (Centripetal
Force).
David Smitherman, waa aqoonyahan u dhashay dalka Mareekanka. Isagu
wuxuu odey ka yahay mashruuca baadi-goobka dabaq-geeyaha cirka. Wuxuu
sheegey aqoonta Nano-Technology in ay gacan ka geysaneyso dhismaha
dabaq-geeye cirka lagu aado. Ninkaasi iyo kooxdiisa waxay cilmi-baaris
ka sameeyaan machadka Institute for Scientific Research (ISR) ee dalka
Mareekanka. Iyagu waxay xuseen, fiilooyinka lagu farsameeyo aqoonta
Nano, in ay soo dedejinayaan guushii laga gaari lahaa arintan.
“ Fiilo tin le’eg ayaa markaas waxay awood u yeelaneysaa in ay qaaddo
xamuul miisaankiisu dhan-yahay 20 ton. Taas oo loogu qaado sidii horey
wax loogu qaadi jiray “. (The Space Elevator: Phase I Study” by
Bradley Carl Edwards).
Aragtida hadda taal ayaa waxay tahay dhismo laba xarig oo
dhuu-dhuuban, , kuwaas oo kor u jiidi kara ah 20 tan oo xamuul ah. Si
aanu u ogaano yaraanta fiilooyinkan, 50.000 oo tuubo ee ka sameysan
CNT waxay le’eg-tahay hal tin ah. Mid walba oo fiilooyinkaas ah, waxay
ku rakiban tahay dhismo dhulka ka mudan. Dacalkooda kale wuxuu hoos
kaga xiran yahay deegaan-cireed. Fiilooyinka waxaa loo adeegsanayaa oo
dushooda ku cararaya gantaal dabaq-geeye ah, kaas oo muddada uu
socdaalka ku jiro la fal-gelaya awoodda culeyska ee fal-celiska ah
(Countraweight). Xarigga fiilada ah ee ka sameysan CNT, waxaa la socda
oo ilko u ah agab laga sameeyey maaddooyin ay kamid yihiin Graphite,
Alumina iyo Quartz. Aqoonyahannadu waxay dareemeen cadaadiska ku
imanaya xargaha fiilooyinka ah ee dabaq-geeyaha uu ka dhisan yahay.
Sidaa darteed dhuubnaanta fiilooyinku waxay cayaarayaan doorkii laga
doonayay ee ahaa adayg iyo jileec wada socda. Haddii bir loo adeegsado
dhismaha dabaq-geeyaha, fursadda ah in ay soo jajabto waa tobaneeye
kun oo jeer. Dhagaxa diamond-aha ah haddii la adeegsado, isaguna
fursadda ah in uu soo jajabo waa 27 jeer. Jajabkaas ayaa waxaa u
weheliya halista ka imaaneysa markii ay soo jajabaan.
Waxaa kale oo raja-gelin wanaagsan u ah mashruucan, hor u-marka
aadamigu uu ka gaarey farsamada hayaanka xawaaraha orodka badan. Taasi
waa awoodda mikaanikada ah ee loo adeegsado gaadiidka tariinnada
xawaarahoodu dheereeyo ee ku carara labada khad oo ay cagaha ku
hayaan. Taasina waxay kamid tahay aragtiyaalka horey loogu guuleystey
adeegsigooda ee rajada gelisey aqoonyahannada ku howlan dhismaha
dabaq-geeyaha cirka. Meesha ugu haboon ee asaaska degaanka laga
dhisayo waxay u dooreen in ay noqoto meel ku dhow degaanada uu
dhul-baruhu maro. Taas oo asaaskeedu uu noqonayo 300 m. oo dhulka
hoostiisa ah. Dhismaha dabaq-geeyaha, ifka qorraxda iyo hawada wuxuu
ka qaadanayaa meel ku beegan bartamaha dhismaha si degaanka dusha ah
uu u helo cimilo lagu noolaan karo.
Wax-tarka uu mashruucan geysanayo waxaa laga dheehan hoos u-dhaca ku
yimid kharajka ku baxaya wixii agab ah oo dusha sare loo gaadiidi
jiray. In hawada sare la geeyo walax culeyskeedu yahay 1 kg. waxaa
hadda ku baxa qiimo ah 80.000 US.$. Laakiin haddii la dhiso
degaan-cireed iyo dabaq-geeye u gaadiida, qiimaha xamuulka 1-ka kg.
wuxuu noqonayaa 200 US.$. Waxaa kaloo faa’iido ah oo aadamiga uu ka
dhaxlayaa dabaq-geeyahan, tamar koronto ah oo aanan dhamaaneyn inta ay
qoraxdau jirto. Taasina waxay ka dhalaneysaa agabka tamarta ka dhaliya
kuleylka qoraxda oo lagu rakibo jaran-jarada dheer ee dabaq-geeyaha.
Waxaa kaloo mashruucan uu sahlayaa in dhulka laga fogeeyo qashinka ah
haraaga tamarta nuclear-ka. oo waxaa lagu soo qubayaa bannaanka ka
baxsan dhulka. Ballaca dabaq-geeyaha waa 1 m. gumuciisuna waa ½ cm.
Sida qorshuhu yahay, xamuulka uu halkii mar qaadayo wuxuu gaarayaa 20
ton oo uu gaarsiinayo dusha sare.
Mashruucaan oo ah mid aragtidiisa, iyada oo xujo ah goor hore lagu
sheegey quraanka, ayaa isla-markaas aayaddu waxay xustey in Eebe
ciddii uu doono uu siinayo hanuunka lagu gaaro guul aduun iyo guul
aakhiro. Maanta mashruucu wuxuu kamid yahay mashaariicda ugu baaxadda
wayn, looguna xiisa badan yahay ee maanta dunida ka jira. Wakaaladda
NASA waxay soo bandhigtay yabooh gaarsiisan 2,000,000 US.$. taas oo ay
ugu yaboohdey qof kasta oo fikrad wax-tar ah ku soo biirsha
mashruucan. Sidaas ayaa khayaalka waxaa kaga baxay aragtida mashruucan
oo quraanku uu ku hor-maray.
Allaa mahad leh oo mudan amaan waana loo marage
Rabbi baa macbuud xaq ahoo muran la’aaneede
Rabbi baan midnimadiisa uga marag kacaynaaye
Rabbi baan musaawaad lahayn lala maseeyaaye
Rabbi baan tajdiid naga mudneyn amase miisaane
Rabbi baa midduu sugo ta’wiil loo macneyn karine
Rabbi baa musiibo iyo kheyr maamuloo wada’e
Rabbi baa midduu kuu qaddaro maaro loo heline (Faarax Abshir – Bacadle)
http://www.youtube.com/watch?v=F2UZDHHDhog
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
Recent Comments