SOOMAALI-WAYN DHALASHADEEDII IYO DHABAR-JABKEEDII – Casharkii XVIII-aad W/Q; Dr. Saadiq Enow

Filed under: Maqaalo |

Dabkii ka shidmay Geeska Afrika (Dhacdadii Wal-waal) waxaa xigay
colaad baaxad wayn ee ka aloosantay meelo kamid ah gobollada dunida.
Middeedii ugu horeysey waxay ahayd dab-shid ka qarxay koonfur-galbeed
qaaradda Yurub. Dalka Isbaaniya ayaa markaas waxaa ka hurey
dagaal-sokeeye oo ay ku riiqmeen dadkii ku dhaqnaa halkaas. Colaaddaas
oo socotay muddo saddex sano ku dhowaad ah, waxay bilaabatay
bartamihii 1936-kii. Waxay soo gaba-gabowdey bilowgii bishii abriil
1939-kii. Sababta ay colaaddu ku bilaabatay waxay ahayd, afgembi ay
koox saraakiil ahkula wareegeen taladii dalka. Waxaa hoggaaminayay
sarkaal la yiraahdo Francisco Franco. Af-gembiga hortiis dad-waynuhu,
siyaasad ahaan wuxuu u qeybsanaa laba qeybood oo waawayn. Qeyb
siyaasaddoodu ay raacsan tahay bidix iyo qeyb kale oo siyaasaddoodu ay
raacsan tahay midig. Qeyb kasta oo labadaas kamid ah waxay ka
koobnaayeen kooxo kala tagsan, laakiin ka mideysnaa aragti guud.
Kooxaha midigta ah waxaa isku bahaystay saddex urur oo lakala yiraahdo
CEDA (Confederación Española de Derechas Autónomas), Carlism oo iyagu
doonayay in la xoojiyo hannaankii boqortooyada ee dhaxalka ahaa iyo
kooxda Phalang oo iyagu ahaa koox xag-jir ah, dalkana ka curisey
siyaasadda cunsuriyadda ku dhisan. (Payne Stanley. Fascism in Spain.
1923-1977. Pp. 200-203. 1999. University of Wisconsin).
Qeybta siyaasaddoodu u janjeertey dhanka bidix, qudhoodu waxay
ahaayeen kooxo kala duwan. Waxay isugu jireen qolo aaminsan aragtida
shuuciyadda xag-jirka ah, qolo kale waxaa la oran jiray Syndicalist oo
iyagu ka debecsanaa qoladaas hore iyo qolo saddexaad oo ahayd
hanti-wadaag. Kooxahan danbe  xooggoodu waxay ahaayeen beeraleyda
saboolka ah ee miyiga ku dhaqan. Iyagu, sanadkii 1933-kii waxay ku
guul-dareysteen, doorasho dalka ka dhacdey. Taasi waxay sababtey in ay
ku midoobaan hal xisbi. Af-gembigii ka dhacay Isbaaniya, waxaa ku
qeybsamey gobolladii iyo degmooyinkii dalka. Kooxihii ka danbeeyey
af-gembiga waxay gacan ka heleen kooxihii muxaafidka ahaa ee raacsanaa
siyaasadda midigta ah. Waxaa si xooggan uga hor-yimid kooxihii
siyaasadda bidixda raacsanaa oo iyagu isku magacaabey jamhuuriyiin.
Qeybsanaantaasi waxay dhalisey, kooxihii af-gembiga in ayan gacan ka
helin degmooyinkii waawaynaa ee ku yiil bartamaha dalka. Waxaa kamid
ahaa Madrid,  Barcelona, Oviedo, Bilbao, Badajoz, iyo Malaga. Waxaase
saraakiishu ay gacan ka heleen degmooyin ku yaal waqooyiga dalka.
Waxaa kamid ahaa Pamplona, Burgos iyo Valladolid. Waxaa kale oo
taageerey af-gembigii degmooyin ku yaal koonfurta Isbaaniya. Waxaa
kamid ahaa Cadiz, Cordoba, Seville iyo Jerez.
17/ 7- 1936-kii, af-gembigii ka dhacay Isbaaniya waxaa dibadda ka
taageerey dowladdii Jarmalka ee Nazi-ga ahayd iyo dowladdii Talyaaniga
ee Fashiistada ahayd. Kooxihii ka soo hor-jeedey af-gembiga ee bidixda
ahaa, iyaguna waxay gacan ka heleen dowladdii Midowga Soofyeeti iyo
dhaqdhaqaaqyadii shuuciga ahaa ee ka jiray qaaradda Yurub. Dowladda
Mareekanka si rasmi ah ulama safan midkoodna labadii kooxood ee
halkaas ku hardamayay. Laakiin waxaa xusan 2000 oo naftood-hurayaal ah
oo Mareekan ah in ay ka qeyb-qaateen dagaalka iyaga oo la dhan ah
kooxda jamhuuriyiinta ee bidixda ah. Dhanka kale qaar kamid ah
shirkadihii waawaynaa ee Mareekanka ayaa waxay la safteen kooxaha
garabkii muxaafidka ahaa. Waxaa shirkadahaas kamid ahaa shirkadda
shidaalka ee Texaco, labada shirkadood ee gawaarida sameeya General
Motors iyo Ford Motors, iyo shirkadda shaagagga gawaarida ee la
yiraahdo The Firestone. Shirkadahaas ayaa muddadii uu dagaalku socdey
waxay ugu deeqeen garabka muxaafidka ah agab isugu-jira gawaari,
cagaf-cagafyo, shaagag, shidaal iyo qalab kale oo ay dagaalka u
adeegsadaan. (Tierney, Dominic. Spanish Civil War. Neutrality and
Commitment in the Struggle That Divided America. Pp. 67-8, Duke
University. Press 2007).
Sida u caadada ah dagaal kasta ee dhex-mara dad sokeeye ah, colaaddii
Isbaaniya waxaa ku bas iyo baad beelay qoysaskii qaraabada iyo ehelka
isu ahaa iyo dadkii derisnimada iyo ood-wadaaggu ay ka dhexeeysay.
Waxaa birta isu afeestey qoysaskii, saaxiibadii, deriskii, eheladii,
xigtadii iyo dadkii qaraabada isu ahaa. Nin kasta kii uu wax u qabey
oo gacantiisu ay gaari kartey ayuu ka aar-goostey. Fowdadii bilaabatey
meel kasta ayay ku habsatay. Muddo saddex sano ah oo dagaalkaas uu
socdey dadku waxay isku leynayeen kala duwanaansho aragti siyaasadeed,
aragti caqiido iyo aragti maslaxadeed. Taangiyadii iyo dayuuradihii
loo sameystey in ciidamo cadow ah lagula diriro ayaa degmooyinkii iyo
tuulooyinkii dalka ay ku bas-beeleen.
Dagaalkaasi wuxuu gaarey dhamaan degaanka dalka Isbaaniya. Muddadii uu
socdey dadka ku naf-waayay waxaa lagu qiyaasaa 500.000 oo qof.
Dagaalkii wuxuu si buuxda u soo af-jarmey bartamihii bishii julay
1939-kii, markaas oo ay guushii raacdey kooxihii qowmiyiinta
muxaafidka ahaa. Iyagu waxay gacanta ku dhigeen gebi ahaan gobolladii
dalka. Kooxihii bidixda ee jamhuuriga ahaa, wixii ka bad-baadey waxay
u qaxeen waddamadii deriska ahaa. Intoodii badnayd waxay galeen xeryo
qaxooti oo looga sameeyey dalka Faransa oo la deriska ah. (Thomas
Barria-Norton, The Spanish Civil War, 2001, pp. xviii & 899-901).
Markii uu bilowday dagaalkii sokeeyey ee Isbaaniya, sanad dabadeed
bariga fog ayaa waxaa ka bilowday dagaal mug wayn. Ciidamada dalka
Jabaan ayaa weerar ku qaadey gobollada bari ee dalka Shiinaha.
Dagaalkaasi wuxuu ahaa midkii ugu xoogga waynaa ee ka dhaca qaaradda
Aasiya muddadii uu socdey dagaal-waynihii II-aad ee dunida.  Wuxuu
socday muddo dhan siddeed sano (7-dii julay 1937-kii iyo  9-kii
sebtember 1945-kii). Dadka ku naf waayay waxaa lagu qiyaasaa in ay
yihiin kala bar (50 %) dadkii ku dhintey guud ahaan dagaalladii dhex
marey dowladaha ku weegaaran bad-waynta Baasifikada.
Intuusan dagaalku bilaaban, Jabaan waxay qorsheysey mashruuc
baaxad-wayn  oo ay ku dooneysey in ay ku qabsato gebi ahaan dalka
Shiinaha. Xilligaas Jabaanku waxay ka talinayeen gobolka la yiraahdo
Manchuriya oo ku yaal waqooyi-bari ee dalka shiinaha. Waa dhul
dooxooyin ah oo ay buuro ku hareereysan yihiin. Dhulkaas oo hodan ku
ah macdanta birta ah ayaa baaxadda uu ku fadhiyo waxay dhan-tahay
1.200.000 km2. Bishii juun 1937-kii, Jabaanku waxay bilaabeen, ciidamo
badan oo uu weheliyo qalab-dagaal in ay u daad-gureeyaan
jasiiradahooda ku wajahan xuduudda Shiinaha. Ujeeddada u qarsooneyd
Jabaan waxay ahayd, ciidankan in ay bilaabaan weerarka hore oo ay ku
doonayeen qabashada gobollada bari ee Shiinaha.
Ciidankan, markii hore waxay tiradoodu dhamaayayd 10.000 oo nin. Iyagu
waxay soo degeen kaabadda ugu wayn ee marta webiga la yiraahdo Yellow
River. Kaabaddaas oo magaceeda loo yaqaan Marco Polo Bridge,  waxay 15
km. oo qura u jirtaa magaalo-madaxda Shiinaha (Beijing). Shiinuhu
waxay kaabaddan u yaqaaniin kaabadda Logou. Xilligaas waxaa halkaas
mari jiray xuduudda u dhexeysey labada dalka Shiinaha iyo gobolkaas ay
Jabaanku gumeysanayeen. Ciidamadii Jabaan ee xuduudda la keeney, waxay
bilaabeen, habeen walba in ay dab-rid iyo falal ah tababar ciidameed
ka sameeyaan dhanka galbeed ee kaabadda. Dowladdii Shiinaha waxay
walaac ka muujisay tababarkan culus ee ciidamada Jabaan ay ku
qaadanayaan dhulka ku aaddan xuduudda u dhexeysa labada dal. Shiinuhu
waxay markaas codsadeen,  in la soo ogeysiiyo habeenka ciidamada
Jabaan ay sameynayaan tababarka. Waxay u cuskadeen, dab-ridku in uusan
argagax ku noqon dad-waynaha Shiinaha ah ee ku dhaqan dhanka kale ee
kaabadda. Inkasta oo Shiinaha qudhoodu ay ciidamo ka joogeen goobta,
misana ciidamadii Jabaan waa ay oggolaadeen codsigii. Laakiin
aqbalaaddii Jabaan ma noqon mid ay ku kala bad-baadaan labadii ciidan.
Habeen ayaa waxaa dhacday in ciidamadii Jabaan ay goor fiid ah
bilaabaan dab-rid, iyaga oo aanan wax ogeysiis ah gaarsiin dhankii ka
soo hor-jeedey. Ciidamadii Shiinaha oo mar walba heegan ahaa ayaa
waxay u qaateen in dagaal lagu soo qaaday. Sidaa darteed waxay kaga
jawaabeen in ay rasaas digniin ah ku soo furaan dhankii ay fadhiyeen
ciidamada Jabaan. Waxaa halkaas ka bilaabatay in labadii ciidan ay
rasaas is-dhaafsadaan. Habeenkaas oo ay taariikhdu ahayd 7/ 7-
1937-kii ayaa xabbadihii leys-dhaafsaday waxay sabab u noqdeen
colaaddii ka hurtay bariga-fog.
Muddo gaaban dabadeed waxaa joogsadey rasaastii ay labada ciidan
is-weydaarteen. Askari Jabaan ah ayaa goobtiisii ku soo laaban waayay.
Sarkaalkii taliyaha ka ahaa qeybtii uu askarigu ka maqnaa, wuxuu u
qaatey in askarigiisii maxbuus ahaan loo qabsadey. Khabarkii wuxuu
gaarey taliyihii qeybta. Isla-habeenkii ayuu taleefan kula soo hadley
taliyihii ciidamada Shiinaha oo ay is-hor fadhiyeen. Hor-joogihii
ciidamada Shiinaha wuxuu sheegey in ayan xog ka hayn askariga Jabaanka
ah. Taliyihii ciidamada Jabaan ayaa markaas wuxuu codsadey in loo
saamaxo ciidamadiisa in ay baaritaan ku sameeyaan degmada Wanping, si
ay u baadi-goobaan askariga ka maqan. Sarkaalkii Shiinaha ahaa waa uu
diidey codsigii uga yimid taliayaha ciidanka Jabaan. (Feuerwerker,
Albert, Twitchett, Denis Crispin, 1986, History of China. Cambridge
University Press. Pp. 547-551).
Saraakiishii ciidanka Jabaan waxay arinkii u qaateen ihaano lagula
kacay qarannimadooda. Sidaa darteed, ka-hor intuusan waagu baryin
waxay bilaabeen weerarkii u qorsheysnaa, iyaga oo sabab uga dhigaya
askarigii ka maqnaa. Ciidankii Jabaan iyo qalabkoodii waxay ka soo
tallaabeen kaabaddii. Qorshaha u degsanaa taliska ciidanka bqortooyada
Jabaan wuxuu ahaa, markuu weerarku bilowdo, muddo saddex bilood ah in
ay gacanta ku dhigaan saddex degmo oo waawayn oo dalka Shiinaha kamid
ah. Degmooyinka ay tilmaansadeen waxay ahaayeen Shanghai, Nanjing iyo
Shanxi.
Jabaanku waxay markaas ku soo weerartameen ciidan gaaraya 200.000 oo
nin. Laakiin goor danbe tiradaas waxay gaadhay 3.900.00 oo nin. Waxaa
weheliyay 900.000 oo ay ka qorteen dalka Shiinaha gudihiisa. Difaacii
adkaa oo Shiinuhu ay dhigeen xuduudda ayaa wuxuu u suurogelin waayay
in Jabaanku ay si fudud ku gaaraan guushii ay filayeen in ay deg-deg
ku gaaraan oo ay ku qabsadaan saddexdii degmood. Bishii disember
1937-kii, ciidamo Jabaan ah oo tiradoodu ay tahay 50.000 ayaa waxay
weerareen gobol koonfur-galbeed xiga ee la yiraahdo Jiangsu. Waxay
doonayeen, guushii ay ka filayeen Shanghai oo ay waayeen, in ay ka
helaan meel ka daciifsan. Magaalada la yiraahdo Nanking oo
magaalo-madax u ahayd gobolkaas lagu dagaalamayay, ayaa muddo saddex
toddobaad ah Jabaanku waxay ku laayeen dad tiradoodu lagu qiyaasay
300.000. Waxaa halkaas ka dhacay mid kamid ah fadeexooyinkii ugu
waynaa ee aadamiga laga galey taariikhda casriga ah. Dhacdadaas oo loo
yaqaan kufsashadii Nanking (The Rape of Nanking) ayaa waxay astaan u
noqotey xasuuqii uu dagaalku ku reebey degaamada bariga fog.
Mooryaanimada ay ciidamada Jabaan kula kaceen dadkii ku dhaqnaa
magaalada Nanking, waxay bilaabatay 13/ 12- 1937-kii. Jabaanku wuxuu
arintaas ku doonayay in uu argagax ku abuuro dad-waynaha Shiinaha, si
ay ugu sahlanaato guushii uu filayay oo u suurogeli-weydey. Taasina
waxay qeyb ka ahayd siyaasaddii uu ku doonayay in uu dalka ku qabsado,
kadib markii ay u caddaatay in ay adag-tahay in uu gacanta ku dhigo
dalka Shiinaha. Waxaa kaloo ciidamadii Jabaan ay weerar xagga cirka ah
ku bur-biriyeen dhamaan dhisma-hoosaadkii ay lahaayeen degmooyinka
waawayn. Ceelashii biyaha, matooradii dhalinayay tamarta korontada iyo
waddooyinkii ayay bur-buriyeen. Xataa isbitaalladii oo ay ka lushaan
astaantii caafimaadka iyo calamadii laan-kheyrta casa yay la
beegsadeen qaraxyadii ay wax ku bur-burinayeen.
Jabaanku awood uma uusan lahayn uu ku maamulo dalka baaxadda way nee
Shiinaha iyo weliba tira-badnida dadka Shiinaha ah. Sidaa darteed
wuxuu doortey in uu dhiso dowlad la saaxiib ah oo si dadban uu dalka
ugu xukumo.  Dowladdii uu dhisey ma noqon mid soo dhoweyn ka hesha
dad-waynaha. Gaar ahaan xasuuqii ay sameeyeen ciidamada Jabaan ayaa
wuxuu noqdey fal sumcad u kordhiya laba kooxood ee xilligaas
hoggaaminayay siyaasadda dalka Shiinaha. Koox waxay ahaayeen qowmiyiin
oo iyagu waxay markaas ka talinayeen dalka. Waxaa la oran jiray
(Kuomintang). Koox kale waxay ahaayeen dhaqdhaqaaqii shuuciyiinta.
Waxaa kordhey taageeradii ay dad-waynaha ka helayeen labadaas kooxood
oo xilligaas dagaal kula jiray ciidamada Jabaan.
Qorshaha Jabaanku wuxuu ahaa, muddo saddex bilood ah in ay ku soo
gaba-gabeeyaan dagaalka ay ku qabsanayaan gobollada bari ee Shiinaha.
Laakiin arintaas uma suuragelin oo laba sanadood ayay ku qaadatay.
Shiinaha ayaa dhankooda waxay qaateen istraateejiyadda ah ka
faa’iideysiga wakhtiga iyo meesha (Trading Time and Space). Taas oo
macnaheedu yahay, dhulka dagaalku ka socdo oo ah mid baaxad wayn,
marka lagu daro wakhtiga dagaalku soconayo oo la dheereeyo. Labadaas
arimood waxay garab siinayaan ciidamada Shiinaha, isla-markaas waxay
dhaawac ku yihiin ciidamada Jabaan. Sidaa darteed, Shiinuhu waxay
bilaabeen dagaal xooggan oo qaab dhuumaaleysi ah. Dabayaaqadii
sanadkii 1939-kii, dagaal wayn oo ka dhacacay koonfurta dalka, ayaa
ciidamadii Shiinuhu waxay ku qabsadeen  degmada Changsha ee ku taal
koonfur-galbeed. Dagaalkaas oo kamid ah dagaallada ka sheeggan
dhacdooyinkii xilligaas ka dhacay degaanka ayaa waxaa leysu adeegsadey
hubka naabaalka. Waxaa ku xigey weerar ay Shiinuhu ku qabsadeen
gobolka Guangxi ee dhanka galbeed xuduudda kala leh Fiyetnam, dhanka
koonfureedna xeebta Badda Koonfurta Shiino. Labadaas guul waxay
dhiiri-geliyeen ciidamadii Shiinaha oo iyagu bilaabay weerer ballaaran
oo rogaal celis ah.
Disember 1941-kii, ciidamada cirka ee Jabaan waxay weerareen
saldhiggii ugu waynaa ee ciidanka badda Mareekanka ay ku lahaayeen
bad-waynta Baasifikada. Shiinuhu waxay markaas ku dhawaaqeen in ay si
buuxda ula dagaalamayaan boqortooyada Jabaan. Dhacdooyinkaasi
dabadeed, Madax-waynihii Mareekanka Franklin D. Roosevelt wuxuu ku
dhawaaqay afar waddan oo uu ku sheegey in ay yihiin biliiskii
adduunka. Afartaas dal ayuu ku sheegey USA, UK, USSR iyo Shiinaha.
Arintaasi waxay kor u qaaday hankii dowladda Shiinaha. Waxaa markaas
bilaabatay in saddexdaas dal ay gargaar ciidan u fidiyaan dalka
Shiinaha. Dhulkii xeebta ahaa dhamaantiis waa laga qabsadey Shiinaha.
Dowladdii Midowga Soofyeeti, inkasta oo ay gaadiid tariin ah ku
gaarsiisey wixii gargaar ah oo ay Shiinaha u fidineysey, misana waa ay
diidey gargaarka Mareekanka iyo Ingiriiska in loo sii mariyo xuduudda
Kasakhistaan. Sidaa darteed habka keliya oo lagu gaarsiin karo
gargaarka wuxuu noqdey dhanka hawada. Mashruucaas oo la magac baxay
Kuruska Dushiisa (Over The Hump) ayaa dayuuradaha ka qeyb-qaadanayay
waxay ka soo kacayeen Hindiya. Waxay soo dulmarayeen buuraha taagga
dhaadheer ee la yiraahdo Himalaaya, kuwaas oo ku teedan 2.900 km.
Silsiladda buuraha Himalaaya, kuwooda ugu dhaadheer waxay ka sareeyaan
dusha biyo-badeedka 6.000 m. Markey taariikhdu ahayd 8/ 4- 1942-kii
ayaa duulimaadkii ugu horeeyey wuxuu ka soo kacay degmada Dinjin ee ku
taal gobolka Dibrugarha ee waqooyi-galbeed. (Weaver and Rapp. 1944.
pp. 1-196).
Inkasta oo dhamaan wixii wershado hub ahaa oo Shiinuhu ay lahaayeen,
ay noqdeen wax la qabsadey iyo wax la bur-buriyay, misana waxaa jiray
hub gacantooda ku haray oo ay u kaashadeen dagaalkii ay kula jireen
ciidamada Jabaan. Waxaa kaloo jiray kaalmo ay Shiinuhu ka heleen
dowlado ka soo horjeedey in Jabaanku qabsadaan degaanka. Bilowgii
dagaalka dowladaha kaalmada bixiyay waxay ahaayeen Midowga Soofyeeti
iyo Jarmalka. Sanadkii 1937-kii ayaa labada dal waxay kala saxiixdeen
heshiis la magac-baxay Sino-Soviet Non-agression Pact. Heshiisku wuxuu
dhigayay in ayan isku soo duulin oo ay nabad ku wada-noolaadaan. Waxaa
xigey howl-galkii qarsoodi ahaa oo ay ku magacaabeen Operation Zet,
kaas oo Soofyeetigu uu Shiinaha ugu fidinayay kaalmo ciidameed. Waxaa
kamid ahaa farsamo-yaqaano, khubaro dagaal iyo duuliyayaal
naftood-hurayaal ah oo ka dagaalama dhanka Shiinaha. Khuburada
Soofyeetiga ee Shiinaha gacan-siiyay waxaa kamid ahaa Jeneraal Vassily
Ivanovich Chuikov. Isagu wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay dagaalkii
waynaa eek a dhacay magaalada Stalin-graad (Battle of Stalin-garad) ee
Jarmalka lagu jebiyay sanadkii 1943-kii.
Kaalmada dowladihii xulufada ahaa ay siinayeen Shiinaha wxay
balaabatay wakhti ay cirka isku shareertay dhimbilaha colaaddii
socotay. Waxaa jiray arimo xoojinayay taageerada ay Shiinuhu ka
helayeen dowladaha reer gal. Dacdooyinkii waxashnimada ahaa ee lagula
kacay dadka rayidka ah sanadkii 1937kii, waxaa weheliyay in
dayuuradaha Jabaan ay duqeeyeen markab uu leeyahay Mareekanka oo
marayay webiga la yiraahdo Yangtze. Webigan ayaa wuxuu yahay midka
saddexaad ee ugu dheer webiyada adduunka. Biyihiisu waxay ka yimaadaan
buuraha barafka ah ee ku yaal xuduudda bari ee Shiinaha, waxayna ku
qabtaan badda Shiinaha (Yellow Sea). Markabkaas la dejiyay waxaa la
oran jiray Panay. Wuxuu daad-gureynayay jaaliyaddii Mareekanka ahayd
ee xilligaas ku dhaqneyd degmooyin kamid ah Shiinaha.
Dhacdooyinkaas waxay soo jiiteen in Shiinuhu ay gacan ka helaan
dowladihii xulufada ahaa. Agabka dagaal iyo khuburada ka sokow,
Mareekanku wuxuu Shiinaha ugu deeqey duuliyayaal naftood-hurayaal ah
oo la dagaalama Jabaanka. Raggaas oo loo yiqiin Flying Tigers, ayaa
waxay buuxiyeen meeshii ay duuliyayaasha Soofyeetiga ugu jireen
Shiinaha. Weerarkii xoogganaa oo Jarmalku uu ku soo qaaday Soofyeetiga
ayaa hakiyay deeqdii xagga duuliyayaasha oo Shiinuhu ay ka heli jireen
dhanka Soofyeetiga.
Taageerada Mareekanka ee Shiinaha kuwoodii ugu milgaha cuslaa waxaa
kamid ahaa waddo ay ka dhiseen dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya
Hindiya iyo Shiinaha. Waddadaas oo (Ledo Road) ayaa waxay kamid ahayd
agabkii lagu jebiyay Jabaanka kuwoodii ugu waynaa. Muddada uu
dhismaheedu socday waxay ahayd 16/ 12- 1942-kii illaa 20/ 3- 1945-kii.
Waddadaas oo ahayd mid aanan aad u dheereyn (436 km.) ayaa kharajka ku
baxay wuxuu dhamaa 148.000.000 US $. Waxaa halkaas la soo mariyay
hubkii ay Shiinuhu u adeegsadeen dagaalkii waynaa oo ay dhulkooda kaga
xoreeyeen Jabaanka. Haddii ayan waddadaas jiri lahayn, suuragal ma
noqoteen in hubkaas la gaarsiiyo gacanta dagaalyahannadii Shiinaha.
Dabayaaqadii 1944-kii weerar ballaaran oo ay soo qaadeen ciidamo
xooggan oo dhanka Hindiya lagu diyaarinayay muddo dhowr sanadood ah
ayaa xuduudda galbeed ka dhacay. Ciidankaas oo hub iyo tababar ka
heley xoogaggii xulufada ayaa waxaa hoggaaminayay General Sun Li-jen
oo lagu naaneyso (Rommel-kii bariga). Dagaalkii ay la galeen ciidamada
Jabaan, waxaa ku soo biiray ciidan kale oo qudhoodu gacan ka heley
xoogagga xulufada. Ciidankan danbe waxay ka yimaadeen gobolka la
yioraahdo Yunnan (koonfur-galbeed), oo waxaa hoggaaminayay General
Mong-Yu. Labadaas ciidan waxay ku guuleysteen in ciidamadii Jabaan ay
ka fogeeyaan xuduudda Shiinaha ee waqooyiga Burma.
Xagaagii 1945-kii, ciidamadii Jabaan waxaa laga kiciyay gobolka
Guandong ee ku yaal xeebta koonfureed dalka Shiinaha. Dabadeed dhanka
waqooyi ayaa loo riixay illaa laga gaaray magaalo-madaxda labaad
Shanghai. Dabadeed ciidamadii Soofyeetiga oo u soo tallaabay gobolka
ku yaal xuduudda waqooyi Manchuriya iyo qaraxyadii atoomikada ahaa ee
lala beegsaday labada degmo Hisroshima iyo Nagazaki, ayaa waxay soo
af-jareen awooddii boqortooyada Jabaan.
Gardaroy waxbaad geysataa goor iyo ayaane
Gaf ayaad sameysaa bas iyo godobahaagiiye
Gashi aan yareyn baad qabtaa goor lagaa gudo’e
Waxaad goyso mooyee la waa nimaad gar-gaartaaye
Gurigii  barwaaqeysan  baad  gubi  taqaanaaye
Ruux aad gar-qaaddaa wallee guul ma soo hoyo’e
Adiga iyo geeridu  dadkii  waad  gablamiseene   (Dhoodaan)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com