Xaaladda aadka u murugsan ee ku habsatay umadda Soomaaliyeed ayaa waxay keentay in wax walbaa is dhexyaacaan,bililiqaduna ay noqotay mid iska caam ah oo aan xitaa laga xishoon. Waxyaabaha ay bililiqadu saamaysayna waxaa ka mid ah dhinacyada kala duwan ee saxaafadda. Waxaa telefishan walbaa kaaga soo boodaya mid ku leh weriyaan ahay, xitaa wax kale iska daayoo aanba sixi karin luqaddii soomaaliga ahayd. Dhinaca bogaga shabakada internetkana waxaa ku soo batay qorayaal farabadan oo aan mas’uuliyad diineed iyo mid saxafiyadeed toona biya u kabbanaynin.
Hordhacaas yar waxaan uga gol leeyahay markii dhowaan ay isheeydu qabatay hadal aan aad ula yaabay oo lagu soo qoray mid ka mid ah bogaga internetka, kaasoo lagu been abuurtay in Allaha xifdiyee Sh. C/qaadir Nuur Faarax uu kulankii Garoowe ka dhacay ee muxaadarada gaaban ka jeediyay uu ku soo dhaweeyay in gaalo madowdu ay soo galaan dalka Soomaaliya. Ishaydu markii ay ku dhacday arinkaasi aad baan u yaabay, way ii cadeyd anigoo aan meesha joogin amaba maqal kalmadda in ay been abuur cad tahay, waxaanse la yaabay war nimanku ma waanay is ogayn in caalamkii maanta uu noqday tuula yar, wax walboo la sheegaana ay kaydsan yihiin, oo aanayba ka baqayn in ay ceeboobaan oo warkooda laga daba yimaado halkaasna ay ku burhaan beelaan. Waxba kama soo wareegin markii ay walaalaha qoraa Halgan ( Allaha ka abaalmariyee) ay umadda u caddeeyeen oo soo gudbiyeen kalmaddii shiikha oo maqal iyo muuqaalba ah. Taasi waxay muujisay cadaawada iyo inxiraafka caabuqay ee muddo la qarsanaayay in uu soo daahirmay, oo xitaa qofka muslimka ah, iskaba dhaaf culimada e, aan habayaratee wax xeerin iyo qadarin ah loo sameyneynin.
Haddaba arintaasi waxay igu dhalisay inaan isla rogrogno dhowr arimood:
عَنْ أَبِي بَرْزَةَ الْأَسْلَمِيِّ رَضِيَ الله عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: “يَا مَعْشَرَ مَنْ آمَنَ بِلِسَانِهِ وَلَمْ يَدْخُلِ الْإِيمَانُ قَلْبَهُ لَا تَغْتَابُوا الْمُسْلِمِينَ وَلَا تَتَّبِعُوا عَوْرَاتِهِمْ فَإِنَّهُ مَنْ يَتَّبِعْ عَوْرَاتِهِمْ يَتَّبِعْ اللَّهُ عَوْرَتَهُ وَمَنْ يَتَّبِعِ اللَّهُ عَوْرَتَهُ يَفْضَحْهُ فِي بَيْتِهِ”. أخرجه أحمد (4/420 ، رقم 19791) ، وأبو داود (4/270 ، رقم 4880) ، والبيهقي (10/247 ، رقم 20953) . وأخرجه أيضًا: ابن أبى الدنيا فى الصمت (ص 121 ، رقم 168) ، وأبو يعلى (13/419 ، رقم 7423) . وصححه الألباني (المشكاة ، 5044.
” Kuwa carrabka ka rumeeyoow, iimaankuna uusan qalbigooda galin ha xamanina muslimiinta, hana raac-raacina cawraadkooda, maxaa yeelay qofkii dabagalaa cawraadka muslimiinta, Allaah ayaa isaguna raacraacaya cowraadkiisa, qofkii uu Allaah cawraadkiisa raac-raacana wuxuu ku ceebeeynayaa gurigiisa”.
Soow ma ahan arin tusaale cad kuugu filan akhristoow nimankii shiikha been abuurka weyn dusha u saaray inuu Ilaahay shabakaddii internetka ahayd dhexdeeda uu ku ceebeeyay. Waliba taa waxaa ka sii darnaa in cudurdaarka la soo gudbiyayna uusan ahayn mid macquul ah, maxayse tari kun cudurdaar oo aad sheegtaa xilli waqtigiisii la dhaafay, sidii uu horeba ninka soomaaliga ah u yiri ” sanbuusa laga adimay”. Waxaa kaloo soomaalidu tiraahdaa ” wixii uurka kuugu qarsoon afkaa kaa xada ”, waa mid muujinaysa cadaawada caabuqday iyo tacasubka indha la’aanta ah ee la doonayo in culimadii diintan iyo dalkanba u soo dadaashay oo waqtigoodii ku qaatay islaaxinta dadka iyo dalkaba dhiigooda iyo cawraadkoodaa lagu bannaysto.
Haddaba waxaan leeyahay : war raggiinaan shaqada ka dhigtay arimahaas ogaada Allaah ayaa naga danbeeya, oo maalin baa jirta qof walbaa kitaabkiisa qoorta loo suri doono, Nabiguna (NNKH) wuxuu yiri :
قال رسول الله ( ومن قال في مؤمن ماليس فيه أسكنه الله ردغة الخبال حتى يخرج مما قال ) رواه الإمام أحمد وأبو داود .
”Qofkii ku sheega qof mu’min ah wuxuusan ahayn, Ilaahay wuxuu dejinayaa ” Radqatu Al-khabaal” illaa uu ka baxo wixii uu yiri: Markaasay saxaabadu weydiiyeen maxaa laga wadaa Radqatu Al-khabaal?, wuxuuna nabigu (NNKH) ugu jawaabay : waa dhecaanka, dhididka iyo wasakhda ka baxaysa Ahlu naarka”. waxaa weriyay Imaam Axmed iyo Abuu Da’uud.
Ugu danbayntii Waxaan ku soo afjarayaa ”Timir Laf baa ku jirta ”, taasoo aan uga gol leeyahay, in maraykan iyo Ingiriis ay Al-qaacida iyo wixii afkaarteeda xanbaarsan ay kula dagaalamayaan meelo aad u fogfog sida Afgaanistaan iyo Ciraaq, haddana rag isla afkaartaas xanbaarsan ay bogag internet u furaan oo waliba wadadamooda ka howlgala, oo aanan marnaba wax talaabo ah laga qaadayn !!! toloow ma geesinimo ay raggaasi wax qorayaa leeyihiinbaa? mise ujeeddo kalaa jirta oo waa ” Timir laf baa ku jirta”.
Waxaan oran lahaa waa waxaan marnaba macquul ahayn in arin noocaas oo kale ahi dhacdo haddii aanay dani ugu jirin dalalka reer galbeedka ah. Ogaada amaba ha ogaanina waxaad haysaan shaqo muhiim ah oo ay ku raaxaysanayaan dadkii cadowga u ahaa diintan Islaamka. Inaad shaqo ka dhigataan in dadkii xanbaarsanaa manhajkan saxiixa ah ee saafiga ah oo har iyo habeen u taagnaa sidii ay u ummaddan caqiidadooda u badbaadin lahaayeen la caayo, lagu been abuurto, sharaftoodana lagu xadgudbo, waa arin qofkii caqli yar iyo xishood uu ku jiro uu ka sariiganayo., iska dhaaf qofkii uu dareen diimeed ku jiree.
Waxaadse ogaataan in dicaayad iyo xumaan qof laga faafiyaa aanay cid kale oo aan ahayn kii qoray dhibaynin, waayo waxaa kuu taala su’aal ah in aad ka jawaabto dhammaanba waxa aad qofkaa muslimka ah ee walaalkaa ah aad ka samaysatay, haddii dadka la haystaana ay yihiin culimadii diinta, horaa loo arkay natiijada arinkaasi ka dhalnaya oo ah in dadka howshaas caadada ka dhigtay ay ku danbeeyaan addunkan dhexdiisa duf xumo aakhirana su’aal iyo xisaab.
W.Q Abdirazaak Sugulle Mohamed
Recent Comments