Xil Ka-qaadista Gudoomiyaha Baarlamanka, Hees Wanaagsan ee Shimbiraha!

Filed under: Maqaalo |

Qore: Xassan Xayle

Talaabo lama filaan ah

Ma aheyn arrin la rumeysan karo in xubnaha Baarlamaanka ay sameeyaan INQILAAB aan dhiig ku daadan, daqar iyo dhaawac fudud mooyaane, ayna ku dhawaaqaan inay xilka ka qaadeen Af-hayeenkii Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Adan, haddana ay ku talo jiraan inay gudoomiye cusub magacanaan?!

Intaa waxaa dheer, xildhibaanada gudoomiyenimada ka qaaday Shariif Xassan, sidoo kale, waxay meel iska dhigeyn hadal kasoo baxay dhinaca madaxatooyada oo ahaa qoraal War Saxaafadeed, iyagoo ku tilmaamay hadalkaas inuusan aheyn amar, hayeeshee ku siman yahay, oo kaliya ‘TALO BIXIN’ guud iyo tusaaleyn; dhawr jeer aw madaxweynuhu la kulmay xildhibaanadasaa isagoo doonaya inuu ku qanciyo inay mawqifkooda dabciyaan laguma guuleysan

Sida jirta, xil-dhibaanadu waxay ku eedeeyeen in gudoomiyaha baarlamaanka kasoo bixiwaayay xilka uu hayay, islamarkaana ku mashquulay arrimo aan isaga quseyn. Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen in gudoomiyuhu baajiyay qabashada fadhiyada caadiga ah ee baarlamaanka, taasna ay keentay inaysan socon hawlo loo baahnaa in la fuliyo

Waxay ahaataba, arrinta ay ku dhaqaaqeyn xildhibaanadu waa xaalad aan la filaneyn, taasoo dad badan, markii la fiiriyo dhawar umurood, ku noqotay inay isweydiiyaan sida ay ku dhacday iyo waxa ku xigi doona talaabadaas khatarta siyaasadeed leh, (Political risk), oo ay xil-dhibaanadu qaadeen

Dhinac kale, bulshada Soomaalida ee joogta gudaha dalka iyo dibadda ee dhaliilsan xubnaha Baarlamaank ayaa, markaan, aad ugu riyaaqay, soona dhaweeyay arrinkan. Waxaa ilaa waqti dheer loo arkayay in Shariif Xassan aw u dhaqmo qaab aad uga duwan gudoomiye baarlamaan oo caadi ah; iyadoo la ogsoonyahay inuu door PORTAGONIST ka ciyaaray muranadii siyaasadeed ee fashiliyay dowladdii Koloneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed madaxweynahay ka ahaa; dowladdan KMG ah ee hadda jirtana isaga ayaa maqaar saar looga dhigay markii danajire Mahiiga iyo hay’adaha Neyroobi fadhiya ee ku daneysta dhiibaatada Soomaaliya ay goosteen inay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wassaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Formaajo; waxaana muuqta saameynta xun ee Heshiiskii Kambala ku yeeshay socodka arrimaha siyaasadeed ee dalka

Shirkii wadatashiga iyo khilaafka baarlamaanka

Iyadoo ay jirto in xaaladda siyaasadeed ee dalka aysan aheyn mid sugan ama leh qaab iyo hanaan ay ku socoto, ayaa haddan waxaa isku dul furan dhawr barnaamij oo laga rabo DKMG inay waqti kooban wax uga qabato; fulinta barnaamijyadaas oo runtii ah qaar su’aalo badan dhalinaya, (Controversial issues), gaar ahaan haddii si dhab ah loo fiiriyo ama la qiimeeyo duruufta guud ee dalka iyo dabeecadda ay arrimuhu leeyihiin

Barnaamijyadaas, sida la ogyahay waa yareynta tirada xubnaha baarlamaanka, dhameystirka iyo ansixinta Distuurka Qaranka iyo in laga gudbo marxaladda ku meel gaarka ah, dalkana loo sameeyo dowlad joogto ah

Shirka Wadatashiga ee doorkiisa 2aad lagu qabtay magaalada Garowe bishan Diseember 21-23, 2011 ayaa waxuu kusoo aaday iyadoo xaaladda siyaasadeed ee Muqdishow aad u kacsantahay. Ka qeeb kalka dhamaan madaxda dalka ay xaadireyn shirka Garowe ma noqon mid daah saara ama yareeya xiisadda siyaasadeed ee taagan; islamarkaana lagam soo saarin shirkaas war cad oo ku saabsan khilaafka u dhexeeya xubnaha baarlamaanka iyo xil ka qaadista Gudoomiya Baarlamaanka

Dhinac kale, muran iyo far isku taag ka dib, ergooyinkii shirka ka qeyb galay waxay ka badin waayeen in tirada xubnaha baarlamaanka lagu ekeeyo 225, iyadoo qaabka mudnayaasha cusub lagu xulayo uu noqonayo sidii hore ee 4.5 –Waxaana xildhibaanada soo magacaabi doona, mar kale, hogaamiye dhaqameedyada, sababtoo ah inaysan waqtigan surta galna aheyn doorashoyin laga sameeyo dalka intiisa badan.

Runtii, duruufta siyaasadeed ee jirta iyo natiijada lagu gaaray Shirka Garowe waxay, labadubay, muujinayaa dib-u-dhiska iyo hagaajinta umuurahay dowladeed ee dalka inaysan ku socon wado lagu kalsoonaan karo; cadaadiska dowladda KMG ah ugu imaanaya Beesha Caalamka ee ku saabasan fulinta Road Map-ka iyadoo aan tixgalin la siineyn xaaladda guud ee dalka waa sababta kowaad ee keenta jahwareerka iyo muranka ka dhex kaca madaxda iyo hey’adaha dowladda

Haddii aan si kale u yiraahdo, maxaa kalifaya in mar kale dib loogu noqdo qaabka 4.5 ee la hubiyay inuu caqabd ku yahay dhismo nidaam dowladeed oo hogaan iyo hawl-wadeeno tayo leh ka kooban

Sidey ku noqon kartaa iyadoo gobolada dalka, intooda badan iyo qaybo caasimadda ka mid ah, ay weli gacanta kooxda Al-Shabaab ay ku jiraan in laga hadlo ka bixitaanka marxaladda ku meel gaarka ah iyo sameyn baarlamaan joogto ah oo weliba qabaa’ilku ay soo xulayaan xubnihiisa!

Sidee dalka looga hirgalinayaa qaab iyo distuur FEDERAAL ah iyadoo aysan jirin Dowladda Dhexe oo leh awood iyo qalab, (Mechanism) ay ku fulido nidaamkaas, islamarkaana ay ku kormeeri Karto xaladda dowlad gobleedyada

Waxaan u maleynayaa jawaabta su’aalhaas iyo fakarkeena ku wajahan arrimahaas inay noo mujinayaan sida loogu baahanyahay qiimeyn in lagu sameeyo qaabka ay wax u socdaan iyo xalka la doonayo inloo helo dhibaatooyinka jira

Dhamaad aan la saadalin Karin

Shaki la’aan, talaabada ay xildhibaanadu ku dhaqaaqeyn, iyagoo si cad ay u sheegeen inay ka qaadeyn xikla gudoomiynimada Baarlamaankana, Shariif Xassan Sheekh Aden, ugu horeyn waa arrin siyaasadeed inta ay tahay mid xeer iyo sharci, tasoo u baahan in si dhab ah loo ogaado halka ay ka soo bilaabata iyo duruufta ku hareereysan; sidoo kalena la hubiyo meesha ay ku danbeyb doonto iyo wax ku xig doona

Waxaa dhab ah inaan la saadalin karin sida ay xaaladda jirta iyo khilaafka xubnaha baarlamanku isku badly doono; taasoo marka dib loo fiiriyo tixda dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka soo maray, ilaa iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka labaatan sano ka hor, ay tusineydo inaan, marnaba, la odorosi karin mustaqbalka umuuraha siyaasadeed ee dalka

Waa arrin la fahmi karo sababta ay dad badan ugu riyaaqeen mawqifka xildhibaanada iyo inay markaan SHIMBIRUHU HEESEEN, HEES WANAAGSAN, hayeeshee caqligu ma aqbali karo in muranka iyo khilaafka socda ay dalka u horseedaan nidaam daro iyo burbur kale, sidaasna lagu waayo dowladnimada qabyada ah ee hadda la heesto!

 

hassanhaile@hotmail.com