|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL) - Qeybtii 2-aad
W.Q. Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid ah Asaasayaashii SYL


Dhismihii Xisbiga

Sidaan qaybtii hore ku xusay, waxaan isku helnay 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa kuwaan:

  1. Yaasiin Xaaji Cismaan
  2. Xaaji Maxamad Xuseen
  3. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
  4. Khaliif Huudow Macallin
  5. Maxamad Cismaan Baarbe.
  6. Cismaan Geedi Raage
  7. Maxamad Faarax Hilowle
  8. Dheere Xaaji Dheere
  9. Sayidiin Xirsi Nuur
  10. Maxamad Cabdalla Xayeesi
  11. Maxamad Cali Nuur
  12. Cali Xasan Maxamad "Verdura
  13. Daahir Xaaji Cismaan

Asaasayaashi Xisbiga SYL waxaa manta ifka ku nool aniga oo ah Daahir Xaaji Cismaan oo ku nool magaalada Ottawa, dalka Kanada oo 80 jir ah iyo Cali Maxamad Xasan "Verdura" oo ku nool Qoryooley, Soomaaliya oo isaguna 80 jir ah.

Runahaan, Xisbiga SYL waxaa dhisay oo dhidibada u aasay shacbiga Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray. Annagu waxaannu ahayn dhallinyaro Ilaahay talada waafajiyey oo tillaabadii ugu horreeysay qaaday.

Ugu horreeyntii, waxaan qol, aannu ku shirno, ka kireeysannay waddada "via Roma" ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:

  1. In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
  2. In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
  3. In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
  4. In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
  5. In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
  6. In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa. Qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada dhammaan waa la isku wada waafaqay.

Yaasiin wuxuu kaloo noo soo jeediyey in la doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen. Wuxuu ku taliyey in labadaas jago aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa'ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqda xisbiga, halgankana curyaamisa. Iyadoo taladaas la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:

  1. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin - Guddoomiye
  2. Xaaji Maxamad Xuseen - Guddoomiye-xigeen

Yaasiin Xaaji Cismaan isaga qudhiisa waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go'aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah "Somali Youth Club" ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go'an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxaa sharaf noo ahayd inaan tagno xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, annagoo wadana codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga. Codsiga waxaa u qadimay Dhiinsiga mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga.

Dhiinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri " Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan haba yaraatee wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah" Annaguna waxaan niri hawraarsan.

Xagge wax ka bilaabi doonnaa, mar haddii Xisbigii la furay?
Qeybta 3-aad u gudub


W.Q. Daahir Xaaji Cismaan
(oo ka mid ah Asaasayaashii SYL)

Waxaa Tafatiray:
Mohamed Dalmar

Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.