|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Qeybtii 3-aad
W.Q. Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid ah Asaasayaashii SYL


Ku dhawaaqiddii SYL

Sidaan ku xusay qaybtii 2aad, waxaan ku guuleeysannay, Alle Mahaddii, inaan diiwaangelinno Xisbiga. Isla markiiba, waxaan ku dhaqaaqnay hawshii baaxadda weeyneyd ee na sugeeysay. Waxaan afar qol ka kireeysannay daar u dhow Afarirdoodkii Xamar. Afartaas qol waxaan u adeegsannay fasallo lagu barto farta Soomaaliga, Afka Carabiga iyo Ingiriiska. Waxaan qorannay macallin Sudaani ah oo duruusta Carabiga iyo Ingiriiska bixiya. Waxaan kaloo qolalkaas ugu isticmaalnay xarunta Xisbiga iyo Makhaayad Shaah iyo Kafee oo lacag jaban lagaga gado xubnaha Xisbiga iyo weliba meel lagu dhageeysto Raadiyaha, laguna akhristo jaraa'idka si loola socdo akhbaarta adduunka.

Astaanta SYL

Waxaan kaloo qaadnay tillaabooyin ku aadan nidaamka iyo maamulka Xisbiga. Waxaa la hirgeliyey calanka iyo astaanta Xisbiga. Waxaa la daabacay kaaraka xubinimada (membership card) iyo qorallo qeexaya mabaadii'da Xisbiga. Waxaa xubnaha lagu qoray tabarucaad joogto ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya, oo aan anigu ka mid ahaa, waxaan isku qornay inaan bixinno 20% mushaharkayaga. Habeenka axadda waxaa loogu talagalay in la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha iyo in lala qaybsado wixii war ahoo cusub iyo qorshe ah ee soo aadan.

Shan ilaa lix bilood markuu furanaa Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh. Dhiinsiga Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran farta Cismaaniya. Wuxuu yiri "Warqaddaan waxaa laga helay jeebka nin shufto ah oo ciidamadu dileen, sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa ianaad joojisaan hawsha Xisbiga oo dhan ilaa iyo inta arrintaan laga baarayo, lagana salgaarayo inaad lug ku leedihiin iyo in kale". Arrintii markii la baaray waxay noqotay warqad uu ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo ku sugan, kana wareeysaneeysa xaaladiisa iyo sababta akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay Hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda loogu hayey Xisbiga.

Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.

Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go'aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

  1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.
  2. Damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.
  3. Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba'an kula jira gumeeysiga.

Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuun aan u maleeynay inuu yahay Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah. Wuxuu ka dardaarmay in jaga Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen. Rag aan anigu ka mid ahay ayaa tagay Beledweeyne oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi wuxuu la kulmay Yaasiin, wuuna aqbalay taladiisii. Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.

Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday. Wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.

Qeybtii 4-aad


W.Q. Daahir Xaaji Cismaan
(oo ka mid ah Asaasayaashii SYL)

Waxaa Tafatiray:
Mohamed Dalmar

Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.