ASAASKII
XISBIGII LEEGADA (SYL)
Qeybtii 3-aad
W.Q. Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid
ah Asaasayaashii SYL
Ku
dhawaaqiddii SYL
Sidaan ku xusay qaybtii
2aad, waxaan ku guuleeysannay, Alle Mahaddii, inaan
diiwaangelinno Xisbiga. Isla markiiba, waxaan ku dhaqaaqnay
hawshii baaxadda weeyneyd ee na sugeeysay. Waxaan afar
qol ka kireeysannay daar u dhow Afarirdoodkii Xamar.
Afartaas qol waxaan u adeegsannay fasallo lagu barto
farta Soomaaliga, Afka Carabiga iyo Ingiriiska. Waxaan
qorannay macallin Sudaani ah oo duruusta Carabiga iyo
Ingiriiska bixiya. Waxaan kaloo qolalkaas ugu isticmaalnay
xarunta Xisbiga iyo Makhaayad Shaah iyo Kafee oo lacag
jaban lagaga gado xubnaha Xisbiga iyo weliba meel lagu
dhageeysto Raadiyaha, laguna akhristo jaraa'idka si
loola socdo akhbaarta adduunka.
 |
|
Astaanta
SYL
|
Waxaan kaloo qaadnay tillaabooyin
ku aadan nidaamka iyo maamulka Xisbiga. Waxaa la hirgeliyey
calanka iyo astaanta Xisbiga. Waxaa la daabacay kaaraka
xubinimada (membership card) iyo qorallo qeexaya mabaadii'da
Xisbiga. Waxaa xubnaha lagu qoray tabarucaad joogto
ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya,
oo aan anigu ka mid ahaa, waxaan isku qornay inaan bixinno
20% mushaharkayaga. Habeenka axadda waxaa loogu talagalay
in la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha iyo in lala
qaybsado wixii war ahoo cusub iyo qorshe ah ee soo aadan.
Shan ilaa lix bilood markuu furanaa
Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh. Dhiinsiga
Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran
farta Cismaaniya. Wuxuu yiri "Warqaddaan waxaa
laga helay jeebka nin shufto ah oo ciidamadu dileen,
sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa ianaad joojisaan
hawsha Xisbiga oo dhan ilaa iyo inta arrintaan laga
baarayo, lagana salgaarayo inaad lug ku leedihiin iyo
in kale". Arrintii markii la baaray waxay noqotay
warqad uu ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo
ku sugan, kana wareeysaneeysa xaaladiisa iyo sababta
akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay
Hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda
loogu hayey Xisbiga.
Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu
xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u
farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa
iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid
farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in
Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed
sugayey dhawaaqa oo keliya.
Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga
laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas,
waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku
dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed
sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm.
Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu
ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa
halkaan lagu soo koobi karin.
Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la
go'aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga,
lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:
Galab ayaa Xisbigu qabtay shir
lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas
khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga,
Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo
bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi
siyaasi ah, oo dagaal ba'an kula jira gumeeysiga.
Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa
aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuun aan
u maleeynay inuu yahay Duumo (malaria). Yaasiin wuu
dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay
mid halis ah. Wuxuu ka dardaarmay in jaga Xoghayaha
Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax
ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn
jireen. Rag aan anigu ka mid ahay ayaa tagay Beledweeyne
oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi wuxuu
la kulmay Yaasiin, wuuna aqbalay taladiisii. Maalmo
ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.
Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee,
meeshii ayuu hawshii ka sii waday. Wuxuu ugu adeegay
Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah,
Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo
dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii
ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.