ASAASKII
XISBIGII LEEGADA (SYL)
Qeybtii 4-aad
W.Q. Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid
ah Asaasayaashii 13-kii SYL
Ugu horreeyntii,
waxaan jeclahay inaan halkaan uga soo tabiyo dhammaan
dadweeynaha Soomaaliyeed meel kastuu joogaaba, salaan
iyo hambalyo ku aadan munaasabada 1da July. Waxaan Eebbe
ka baryayaa inuu heshiis iyo isafgarasho ka dhaliyo shirka
dib-u-hesiishiinta hadda loo fadhiyo, oo bishaan July
gudaheeda suurtageliyo in lagu dhiso dawlad Soomaaliyeed
oo loo wada dhanyahay, raalli laga wada yahay, ummadda
Soomaaliyeedna u horseeda nabadgelyo, midnimo iyo horumar
lagaga daawoobo burburkii iyo cadawaddii soo jiitamaysay
14kii sano ee la soo dhaafay. Waxaan Eebbe ka baryayaa
in Qarankii Soomaaliyeed ee dumay dib u dhismo, Calankii
dhacayna dib u istaago. Aamiin, Allaha aqbalo.
Waxaan
horey uga soo hadlay asaaskii
iyo dhidib-u-aasiddii Xisbiga Leegada. Waxaan
jeclahay inaan sidoo kale wax yar ka taataabto dhacdooyin
dhowr ah oo taariikhi ah, qaybna ka aha halgankii Leegada.
Qoraaladii hore,
waxaan ku soo aragnay in markii la gaaray sanadkii 1947
ay xiisaddii siyaasadeed aad u kululaatay. Waxaa xusid
mudan in, bishii Juun 1946 uu Wasiir Dibadeedka Dawladda
Ingriisku, mudane Bevin soo jeediyey in gayiga
Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku
gacanta ku hayey, la isu geeyo hal maamul oo Ingiriiska
hoos yimaada, Qaramada Midobayna kor ka ilaaliyaan.
Waxaa qorshaha Ingiriiska ka soo horjeestay Ruuushka
iyo Maraykanka. Leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas
oo waafaqsanaa himiladeena iyo bartilmaameedka siyaasadeed.
Dhanka kale, Talyaaniga oo ka ficil qaadanaya
Hindisaha Ingiriiska, damacweeyna ka qabay Soomaaliya,
ayaa dardar cusub gelieyey dadaalkuu ugu jirey inuu
carriga Soomaaliya mar kale gacanta ku dhigo.
Dhacdadii
11ka Jannaayo 1948
 |
|
Astaanta
SYL
|
Dhammaadkii
1947, ayaa waxaa nalaku wargeliey inuu magaalada Xamar
imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka,
Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power
Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis
iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed
ee shacabka Soomaaliyeed .
Intaan guddigu
imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen
Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil,
si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka
Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer
ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la
codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood.
Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:
- Inaan
marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga
oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatda
uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed.
- Inkastoo
Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel
isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa
la istusay inaan la aamini Karin Ingiriiska. Leegadu
waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir
ah oo aan la iska kicin Karin mar hadday kugu habsato.
Guddugii wuxuu
yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey
in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa
oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna
ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska. Waxaa buuq, sawaxan
iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed
oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo
Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani.
Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy
cududooda muujiyaan. Waxaan ka warhelnay in la rabo
in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada.
Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay,
in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto
Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.
Subaxdii 11
Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro
horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan
abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas,
waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray
Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu
soo diray. Ka dib, waa isqaybinay. Qaar waxaan u dirnay
Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen
Talyaaniga. Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani
ah , waxaana lagu dhaawacay 55. Dhankayaga waxaa
la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako). Waxaa Leegada
gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey
oo hoos Leego ka ahaa. Naadigu wuxuu ku yiil ka soo
horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.
Dhacdadii
Dhagaxtuur.
Bishii
Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha
Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey
inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu
gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu
waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise
si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood
ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku
gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka
lagu soo celin Talyaani. Waxaa xusid mudan in kharashkii
ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada
oo gaday dahabkoodii.
Bishii Oktoobar
horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya
loo dhiibi doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949 ayaa
Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey
goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Ingiriiska wuxuu
soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo
gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee,
lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu
tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas
loogu baxshay Dhagaxtuur. Askartii waxay dadkii ku fureen
xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana
ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas
lagu dhaawacay.
Ingiriisku intaas
kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid
ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriye Aniga
oo Daahir ah, Mohamud Maalinguur, Cali
Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.
21kii Nofembar
1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray
go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani
ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.
Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay
xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione
Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa
Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar,
Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah
Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo
hawsha lagu aaminay.
Ka dib markuu
soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada
dheereeysto. Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida,
kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro
axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey
wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya
in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho
lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.
Waxaan jeclahay
inaan wax yar ka iraahdo taariikh na dhexmartay aniga
iyo Xubinta Filibiin ee Qaramada Midoobay. Waxaan dareemnay
in wakiilka Filibiin uu u nugul yahay Leegada. Aniga
oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaa Leegadu ii dirtay
inaan xiriri hoosaad la sameeyo Wakiilka Filibiin. Wakiilkii
waa isbaranay. Aad ayuu noo taageeray, asagoo na siin
jiray xog iyo akhbaar muhim ah. Waxayse iigu darnayd
maalintuu i yiri ma iisiin kartaa billawihii
aad ku disheen Talyaaniga. Aad ayaan u naxay. Anigoo
argagaxsan ayaan ku iri wax qalab ah oo aan hayno ma
jiro. Weli ma fahmin sababtuu ii weydiiyey, waxaanse
u qaatay in asaga naftigiisu ku jiray halgan gobanimadoon
ooy ka ahayd taariikh uruurin.
Waxaa dhacday
in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada
ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad.
Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Anigu
markaas waxaan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee Leegada
(Comitato Centrale) oo Xamar fadhigiisu yahay.
Anigoo ka khudbeeynaya Naadiga habeen Axad ah sidii
caadadu ahaan jirtey, waxaan iri “ Waxaa habboonaan
lahayd in 8 Talyaani ah la dilo meesha hal kaliya laga
dilay”. Subaxdii ayaa Dhiinsigu ii yeeray, waxaana la
ii musaafiriyey magaalada Eyl.
Leegadu waa
sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii
dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay
oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu
soo dhaweeyo Leegada.
Waxaa farxad
iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la
taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa
iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad
Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.
Guushii halgankii
waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor
ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda
Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn
xorriyaddii iyo dawladnimadii.
Dib
ugu noqo qeybtii 3-aad ee Asaaskii xisbigii Leegada(SYL)
W.Q. Daahir Xaaji
Cismaan
(oo ka mid ah Asaasayaashii
13-ka SYL)
Waxaa
Tafatiray:
Mohamed Dalmar
Mudugonline.com