|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Qeybtii 4-aad
W.Q. Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid ah Asaasayaashii 13-kii SYL


Ugu horreeyntii, waxaan jeclahay inaan halkaan uga soo tabiyo dhammaan dadweeynaha Soomaaliyeed meel kastuu joogaaba, salaan iyo hambalyo ku aadan munaasabada 1da July. Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu heshiis iyo isafgarasho ka dhaliyo shirka dib-u-hesiishiinta hadda loo fadhiyo, oo bishaan July gudaheeda suurtageliyo in lagu dhiso dawlad Soomaaliyeed oo loo wada dhanyahay, raalli laga wada yahay, ummadda Soomaaliyeedna u horseeda nabadgelyo, midnimo iyo horumar lagaga daawoobo burburkii iyo cadawaddii soo jiitamaysay 14kii sano ee la soo dhaafay. Waxaan Eebbe ka baryayaa in Qarankii Soomaaliyeed ee dumay dib u dhismo, Calankii dhacayna dib u istaago. Aamiin, Allaha aqbalo.
Waxaan horey uga soo hadlay asaaskii iyo dhidib-u-aasiddii Xisbiga Leegada. Waxaan jeclahay inaan sidoo kale wax yar ka taataabto dhacdooyin dhowr ah oo taariikhi ah, qaybna ka aha halgankii Leegada.

Qoraaladii hore, waxaan ku soo aragnay in markii la gaaray sanadkii 1947 ay xiisaddii siyaasadeed aad u kululaatay. Waxaa xusid mudan in, bishii Juun 1946 uu Wasiir Dibadeedka Dawladda Ingriisku, mudane Bevin soo jeediyey in gayiga Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku gacanta ku hayey,  la isu geeyo hal maamul oo Ingiriiska hoos yimaada, Qaramada Midobayna kor ka ilaaliyaan. Waxaa qorshaha Ingiriiska ka soo horjeestay Ruuushka iyo Maraykanka. Leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas oo waafaqsanaa himiladeena iyo bartilmaameedka siyaasadeed. Dhanka kale, Talyaaniga  oo ka ficil qaadanaya Hindisaha Ingiriiska, damacweeyna ka qabay Soomaaliya, ayaa dardar cusub gelieyey dadaalkuu ugu jirey inuu carriga Soomaaliya mar kale gacanta ku dhigo. 

Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948

Astaanta SYL

Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa nalaku wargeliey inuu magaalada Xamar imaanayo  Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed .

Intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib,  Leegadu waxay go’aansatay in  la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatda  uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed.
  2. Inkastoo Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la istusay inaan la aamini Karin Ingiriiska. Leegadu waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir ah oo aan la iska kicin Karin mar hadday kugu habsato.  

Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska. Waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani. Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy cududooda muujiyaan. Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.

Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, waa isqaybinay. Qaar waxaan u dirnay Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen  Talyaaniga. Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55. Dhankayaga waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako). Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa. Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.

Dhacdadii Dhagaxtuur.

 Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani. Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Ingiriiska wuxuu soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas loogu baxshay Dhagaxtuur. Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaas kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriye Aniga oo Daahir ah, Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto. Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaan jeclahay inaan wax yar ka iraahdo taariikh na dhexmartay aniga iyo Xubinta Filibiin ee Qaramada Midoobay. Waxaan dareemnay in wakiilka Filibiin uu u nugul yahay Leegada. Aniga oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaa Leegadu ii dirtay inaan xiriri hoosaad la sameeyo Wakiilka Filibiin. Wakiilkii waa isbaranay. Aad ayuu noo taageeray, asagoo na siin jiray xog iyo akhbaar muhim ah. Waxayse iigu darnayd maalintuu i yiri ma iisiin kartaa billawihii aad ku disheen Talyaaniga. Aad ayaan u naxay. Anigoo argagaxsan ayaan ku iri wax qalab ah oo aan hayno ma jiro. Weli ma fahmin sababtuu ii weydiiyey, waxaanse u qaatay in asaga naftigiisu ku jiray halgan gobanimadoon ooy ka ahayd taariikh uruurin.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Anigu markaas waxaan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee Leegada (Comitato Centrale) oo Xamar fadhigiisu yahay. Anigoo ka khudbeeynaya Naadiga habeen Axad ah sidii caadadu ahaan jirtey, waxaan iri “ Waxaa habboonaan lahayd in 8 Talyaani ah la dilo meesha hal kaliya laga dilay”. Subaxdii ayaa Dhiinsigu ii yeeray, waxaana la ii musaafiriyey magaalada Eyl.

Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada.

Waxaa farxad iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dawladnimadii.

Dib ugu noqo qeybtii 3-aad ee Asaaskii xisbigii Leegada(SYL)


W.Q. Daahir Xaaji Cismaan
(oo ka mid ah Asaasayaashii 13-ka SYL)

Waxaa Tafatiray:
Mohamed Dalmar

Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.