|
Casharkii I-aad
 |
|
Dr
Enow
|
Marka la doonayo in si buuxda looga waramo dagaalkii
Ogaadeenya (D. O.), waxaa mudnaan leh in la eego dhamaan
xaglaha uu dagaalku lahaa. Somaaliya iyo Itoobiya oo ku
muransanaa gobolka Ogaadeenya, ayaa waxay ahaayeen kuwii
sida gaarka ah ugu qahranaa waleecada dagaalkan. Waxaase
jirtay dowlado badan ee ku weheliyay waldaamintiisa, kuwaas
oo ahaa xoogaggii isku hardafayay Dagaalkii Qaboobaa (D.
Q.).
Dagaalka Ogaadeenya wuxuu ahaa kii ugu milgaha culsaa
dagaalladii dunida ka dhacay xilligii uu socday Dagaalka
Qaboow. Waxaa xusid mudan in dagaal kasta oo xilligaas
dhacay ay xoogaggii dunida si buuxda u kala safteen. Dagaalkanse
wuxuu ahaa mid gudihiisa ay isku kala fireeyeen labadii
quwadood ee dunida ugu xooga weynaa. Dalkii la oran jiray
Midowga Soofyeeti, oo markuu dagaalka bilowda la dhan
ahaa Soomaalida ayaa markuu dagaalkii dhamaaday ka dhan
ahaa. Waxaa taas ka soo horjeeday Mareekanka oo Itoobiya
ku sugnaa bilowgii dagaalka ayaa dhanka Soomaaliya ka
soo saftay.
Labada quwadood oo ku hardamayay D. Q. (SSR &
USA), waxaa mid waliba ku daba safnaa ummado badan oo
sababo kala duwan iyo doon-doon maslaxadeed, hiilo la
garab taagnaa. Sababahaasi waxay isugu jireen dano siyaasadeed,
dano ciidameed, dano dhaqaale iyo dano diineed. Soomaalidu
waxay ahaayeen kuwo baadi-goob ugu jira baylahdood maqan
oo ay muddo raadkeeda hayeen, taas oo goortii la dhacay
iyo raggii dhacayba ay u xusan yihiin. Itoobiya ayaa iyaduna
u muqatay dal difaacaya jiritaankiisa dowladnimo iyo is-heysashada
dalkeeda.
Qarnigii XX-aad, waxaa dunida ka dhacay dagaallo caalami
ah, kuwaas oo galaaftay naf iyo maal badan. Bulshada Soomaaliya,
inkasta oo tirada dadkeedu uu yar-yahay, misana degaanka
istraateejiga ah oo ay dadkeedu ku nool yihiin dartiis,
ayaa wuxuu kalifay in ay, qayb aanan la dhayalsan karin
ka qaataan dagaalladii caalamiga ahaa.
Dagaalkii I-aad, kii II-aad iyo Dagaalkii Qaboobaa
ayaa waxay yihiin dagaallada waaweyn ee qarnigii tegay
sida xoogan ugu baahay dunida guudkeeda. Dagaalladii Daraawiishta
ayaa waxay socdeen sanooyin badan intuusan dagaalkii I-aad
dunida ka qarxin. Markuu joogsadayna, dagaalladii Soomaaliya
ka socday waa ay ka danbeeyeen. Sidoo kale lix sano horteed
ayaa degaankayaga hur ka baxayay intuusan dagaalkii II-aad
bilaaban, kaas oo hardidiisii ay gaartay dhamaan gobollada
Soomaaliyeed. Dagaalkii Ogaadeenya ayaa isna ah mid taariikhda
inoo galay oo safxado badan ka qaatay qoraallada laga
allifay Dagaalkii Qaboobaa.
Sanadkii 1945-kii, waxaa dhamaaday dagaalkii II-aad
ee aduunka. Waxaa halkaas ku soo af-jarmay itaalkii ay
lahaayeen dadyowgii dunida ku amar ku-taaglayn jiray qarniga
qaybtiisii hore. Waxaa safka hore kaga jiray Ingiriis,
Faransiis iyo Jabaan. Waxaa isna dagaalkii ku jabay Jarmalka
oo markaas xag dhaqaale iyo xag sancaba ka soo xoogoobayay.
Dowladahaas aanu soo xusnay, xoogoodii wuxuu ku wiiqmay
dagaalka. Dabadeed waxaa halkaas ka abuurmay laba xoog
oo cusub. Waa Mareekan iyo Midowga Soofyeeti. Jarmalka
oo ahaa dowladda hurinaysay dabkii dagaalkan ayaa jabay
markii ciidamada labadaas dal ay ku soo biireen gulufyadii
colaadeed ee Jarmalka lagaga soo hor jeeday. Ciidankii
Casaa ee Soofyeetiga the red army waxay u soo dhaqaaqeen
galbeed, halka kuwii Mareekanka ay u soo dhaqaaqeen bari.
Dagaalkii wuxuu joogsaday bartamihii sanadkii 1945-kii,
markaas oo ay labada ciidan ku kulmeen webiga
la yiraahdo Elbe ee ku yaal bartamaha dhulkii dowladdii
laga adkaaday ee Jarmalka.
Inkasta oo la sheego in D. Q.
uu bilowday sanadkii 1945-kii, markaas oo uu dhamaaday
dagaalkii II-aad ee dunida, misana isu muuqashada labada
dowladood ee xooga leh, waxay bilaabatay sanadkii 1948-kii,
markaas oo la dhisay derbigii ku teednaa magaalada Berliin,
kaas oo u qeybiyay degmada laba qeybood (East Berlin
& West Berlin). D. Q. wuxuu dhamaaday sanadkii
1989-kii. Taasina waxay ka dambeysay markii la bur-buriyay
drebigii Berliin, xaafadihii degmadana dib laysugu furay.
Ciidamadii xulufada ahaa oo ka dhanka ahaa Jarmalka,
guushii ay ka soo hoyeen dagaalka, ayaa waxay abuurtay
is-tuhun labada xoog ee waaweyni ay is-dareensadaan. Isu
muuqashadooda waxay bilaabatay sanadkii xigay markii uu
dhamaaday dagaalka, taas oo si buuxda u istaagay sanadkii
1990-kii. Ooraahda ah Dagaalkii Qaboobaa the cold war,
waxaa bixiyay nin la yiraahdo Bernard M. Baruch (bishii abriil, 1947-kii), markaas oo khilaafka labada
xoog uu soo if-baxay. Wuxuu ku bilowday muran lagu difaacayo
aragti siyaasadeed iyo isu caga-jugleyn ay weheliso is-hubayn.
Dagaalkan oo ahaa colaad buuxda
iyo iska soo hor-jeed dhex yiil Mareekan iyo xulufadiisa
(dowladaha yurubta galbeed) oo dhan ah iyo Midowga Soofyeeti
iyo xulufadiisa (dowladaha yurubta bari) oo dhanka kale
ah. Labada quwadood, waxay muddadaas ka fogaadeen inay
si toos ah isu hardiyaan. Waxaa casharro lama ilaawaan
ah u noqday hoog iyo biŽii ay ka dhaxleen labadii dagaal
ee qaaradda ka huray nuskii hore ee qarniga.
Inkasta oo uu ka dhexeeyay falal
colaadeed oo tilmaamaya is-diidanaanta ay isu qabeen,
misana muddadii uu D. Q. socday, quwadahaasi waxay ku
guuleysteen in ay degaamadooda ka fogeeyaan fagaaraha
lagu hardamayo. Falalkaasi waxay isugu jireen dagaallo
dowli ah oo dhex mara dowlado aanan iyaga ahayn, hurin
dagaallo sokeeye, howlo jaajuusnimo ah, loolan siyaasadeed
iyo dhaqaale, is-hubayn iyo khilaafaad diblomaasiyadeed,
af-gembiyo ciidameed, saldhigyo laga sameysto dunida dacalladeeda,
wada-hadallo qarsoon iyo fadeexooyin siyaasadeed, kuwo
dhaqan iyo kuwo dhaqaale. Howlahaas ayaa dowlad waliba
waxay ku dooneysay wadiiqadii ay kaga gacan sareyn lahayd
tan kale.
 |
|
Stalin,
roosevelt & Churchil
|
Intuusan dagaalku dhamaan, waxaa jiray fadhi ka dhacay
dalka Soofyeetiga oo ay isugu yimaadeen saddex madaxweyne
oo ka socday dalalka USSR, USA iyo UK. Fadhigaas waxaa
loogu magac daray magaaladii uu ka dhacay, waxaana la
yiraahdaa Yalta Conference. Mudddada uu socday
fadhigu waxay ahayd 4 - 11/ 1945-kii. Hoggaamiyihii Soofyeetiga
Joseph Stalin, madaxweynihii
Mareekanka Franklin Delano Roosevelt iyo raŽiisul wasaarihii
Ingiriiska Winston Churchill
ayaa halkaas isgu yimid.
GoŽaamadii ay madaxdaasi gaareen ayaa waxay ahaayeen kuwo sir ah
oo aanan la baahin sababo ciidan iyo kuwo siyaasadeed
awgeed. Waxaa kamid ahaa in dagaalka la wado illaa ay
dowladda Jarmalku shuruud laŽaan isla dhiibto, dabadeedna
dalkeeda loo qaybiyo gobollo federaali ah oo ay dusha
ka maamulaan dowladaha xulufada ah. Qorshihii qarsoonaa
oo ay dowladahaasi ku heshiiyeen ayaa dhulkii Jarmalka
u qaybiyay afar qeybood oo maamul dhexe oo ku meel-gaar
ah leh, kaas oo wax ka diyaariya maxkamadihii la saaray
denbiilayaashii dagaalka, isla markaasna wuxuu wax ka
qiimeeyay dhaawacii uu Jarmalku geystay. Maamulladaas
afarta ah waxaa kala hagayay Mareekan Faransiis, Ingiriis
iyo Midowga Soofyeeti, waxaana magaalo madax u ahayd Berliin.
Mareekanku wuxuu doonayay oo
kale in caalamka uu yeesho ganacsi xor ah. Hoggaamiyihii
Soofyeetiga ayaa arintan ku eegay il ay ka muuqato kalsooni
darro. Sababtoo ah, Mareekanku wuxuu xilligaas lahaa 75
% wax soo-saarka wershadeed ee dunida. Madaxda Soofyeetigu
waxaa u muuqday haddii ganacsiga dunida uu noqdo mid madax-bannaan,
in Mareekanku uu si fudud seylado ugu helayo wax soo-saarkiisa
xooga badan. Isla markaasna uu sicir jaban ku soo iibsanayo
macaadinta uu dibadda uga baahan yahay.
Wada-hadallada ay isugu iman jireen hoggaamiyayaasha
dowladaha adkaaday, ayaa Winston
Churchill wuxuu Soofyeetiga
ku eedayn jiray in ay doonayaan in ay ballaariyaan maamulkooda,
iyaga oo baahinaya aragtida shuuciyadda ah. Stalin wuxuu ku dadaalay
dhankiisa in uu mag-dhow ka helo wershadaha Jarmalka.
Inkasta oo madaxweyne S.
Truman uu arintaas diiday,
misana Stalin wuxuu ogolaaday tanaasulaad waaweyn. Taas oo uu dhaafsiistay
ballan qaad ku saabsan nabadgelyada dalkiisa. Tanaasulka
uu Stalin sameeyay baa waxaa kamid ahaa arimahakan :
Isaga oo ciidamadiisa kala baxay
kanaalka la yiraahdo Dardanells ee u dhexeeya badda
Marmara iyo badda Dhexe (Turkiya).
Isaga oo ka kacay dhul uu ka
qabsaday Iiraan ee ku yaal waqooyiga.
Isaga oo oggolaaday in uusan
Finland ka dhisin dowlad shuuci ah.
Isaga oo oggolaaday in uusan
taageero u fidin dhaqdhaqaaqa shuuciga ah ee ka jira dalka
Giriiga oo markaas Ingiriisku maamulayay.
Waxaa kale oo jiray muran ku saabsanaa wejiga ay qaaradda
Yurub yeelan doonto mustaqbalka, gaar ahaan Jarmalka oo
ahaa dalkii jabay oo la hooshey. Waxaa arintaas xigay,
in Soofyeetigu uu faraha la soo galo arimaha dowladihii
ka dhisnaa bartamaha Yurub, gaar ahaan degaanka Balkaan.
Taasina waxay ka dambeesay markii ay caga-dhigteen maamulladii
shuuciga ahaa ee dowlaaddii Midowga Soofyeeti ay ka dhistay
bariga qaaradda Yurub. Arinta Balkaan, waxay kordhisay
dareenkii dowladaha reer galbeedku ka qabeen Soofyeetiga.
Madaxweynihii Mareekanka S. Truman,
ayaa wuxuu gudoonshay in dowladdiisu ay taageerto halgamada
hubaysan oo lagu diidan yahay cadaadiska siyaasadeed.
Aragtidaas oo loo yiqiin Truman-docrine, ayaa soo baxday sanadkii
1947-kii, waxayna ku wajahnayd ka hor-tagga is-ballaarinta
shuuciyadda.
Mareekanka, si uu Yurub uga saaro
diiftii badnayd ee dagaalka ka soo gaadhay ayuu wuxuu
diyaariyay mashruucii la magac baxay Marshall Plane,
kaas oo ujeeddadiisu ahayd in qaaradda dib loo dhiso.
Waxaa jiray qorshe arintan hoos tiil oo ahayd in uu caqabad
hor dhigo faafidda ay aragtida shuuciyaddu ku soo baahayso
Yurub. Sidaa darteed, Soofyeetiga iyo dowladihii la xulufada
ahaa waa ay diideen in ay qayb ka helaan kaalmada Mareekanka
uu bixinayay.
5/ 6- 1947-kii, xoghayihii dowladda Mareekanka George C. Marshall, markii ugu horeesay ayuu
ku dhawaaqay howlaha lagu kicinayo dib u habaynta dhismaha
hoose ee dowladaha qaaradda Yurub. Qorshahaas oo fulintiisa
ay socotay muddadii u dhaxaysay 1948 - 1952, ayaa Mareekanka
waxaa kaga baxay dhaqaale ka badan 13 bilyan oo doolar.
Xoolahaas waxay ku baxeen kaalmo deyn ah oo loo qaybiyay
dhamaan dowladaha Yurubta galbeed. Waxaa halkaas ka abuurmay
xiriir is-kaashi oo xagga dhaqaalaha ah ee dhex-maray
dowladihii deeqdan qaatay iyo Mareekanka oo deeq-bixiyaha
ahaa. Xiriirkaas waxaa lagu magacaabaa ECA (Economic
Cooperation Act).
waa
socotaa ...........Gadaal
ugu noqo casharada
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
|