 |
|
Dr
Enow
|
Enbraadoor Xayle Selassie, wuxuu Xamar
ka laabtay isaga oo ku mardaadinaya guushii siyaasadeed
ee uu ka helay fadhigii madaxda Afrika. Haashaarkii
boqorka ma noqon mid cimrigeedu raago. Sababtu waxay
ahayd, afgembigii loogala wareegay taladii dalka ayaa
diyaar ahaa xilliga uu boqorku Xamar martida ku ahaa.
Taasi waxay ka danbeysay dhaqdhaqaaq ay dibadda ka
wadeen ardeyda Itoobiya ee ku maqnaa deeqaha waxbarasho.
Dhaqdhaqaaqaas oo xilligaas qaan-gaar noqday ayaa
wuxuu gacan ka helay ciidamada Itoobiya. Waxaa halkaas
ku dhaxal wareegay hanaankii siyaasadeed ee uu lahaa
maamulkii uu ka dhisay Menelik.
Sanadihii 1960-aadkii iyo bilowgii 1970-aadkii,
dalalka Yurubta galbeed iyo Mareekanka waxaa ka jirey
urur xoog badan oo ay lahaayeen ardeyda Itoobiyaanka
ah, kaas oo ay ku bahoobeen dhammaan ardeyda Itoobiya
ee dibadda ku noolaa. Aragtida ay ardeydaasi qabeen
waxay ahayd aragtida hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada
ah. Ardadaasi markii ay Itoobiya ku noqdeen waxay
raad xoog badan ku yeesheen dareenkii siyaasadeed
ee ardadii gudaha wax ka baraneysay. Mushkiladda ay
ardeydu tabanayeen waxay ahayd in Eriteeriya xal loo
helo iyo in lahaanshaha dhulka la xadeeyo.
Saraakiishii ciidamada Itoobiya oo gacan siisay
ardayda, ayaa waxaa u muuqatay car-cartanka siyaasadeed
iyo xowliga ay Soomaaliya ku socotay. Saraakiishu
waxay dareensanaayeen xooga Soomaaliya ka abuurmaya
in uu yahay mid iyaga lagula garrami doono. Sidaa
darteed ayaa qaar badan oo saraakiisha kamid ah waxay
bilaabeen in ay si qarsoodi ah ula shaqeeyaan dhaqdhaqaaqii
ardeyda, si ay talada dalka uga fogeeyaan boqorkan
faasidka ah. Ragga dhaqdhaqaaqa waday waxay doonayeen
in la qarameeyo hantida dalka, Itoobiyana lagu dhaqo
mabaadiida Hantiwadaagga ah. Xilligaas dhulka beeraha
ku wanaagsan ee Itoobiya waxaa lahaa dad tiro yar
oo hanti-goosi ah, kuwaas oo ku dhaqnaa hanaan fiyoodaalnimo.
Dhowrkii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 1974-kii,
dhaqdhaqaaqii ardeyda wuxuu sababay kacdoon ay ka
qeyb qaateen ardeydii, macallimiintii iyo ururadii
shaqaalaha. Waxaa weheliyay darawaliintii tagaasida
oo batrool laŽaantu ay saameysay iyo wadaaddadii muslinka
ahaa oo cadaadiska lagu hayay. Maamulkii boqortooyada
wax waa uu ka qaban waayay kacdoonkii. Boqorkii wuxuu
casiley raŽiisul wasaarihii dalka Aklilu
Habte Wolde. Waxaa halkiisii loo magacaabay
nin la yiraahdo Endalkatchew Makonnen. Waa muuqatay in
uu boqorku uu dhayalsaday baaxadda uu kacdoonku lahaa.
Ugu danbeyntii waxaa khasab noqotay in ciidamadu ay
siyaasaddii faraha la soo galeen.
28/ 6- 1974-kii, ciidamadu waxay dhiseen gole
saraakiil ah oo ay ku magacaabeen Coordinating
Committee (Golaha xiriirinta). Golahaasi ayaa
markiisii hore wuxuu isu muujiyay in uu isu taagayo
maslaxadda ciidamada oo ah in uu dalku helo xasillooni
siyaasadeed. Goluhu wuxuu markiisii hore u muuqday
mid ka fog siyaasad. Inkasta oo ay ka kala yimaadeen
qeybaha ciidamada qalabka sida oo ay Itoobiya lahayd,
misana badankoodu waxay xambaarsanaayeen aragti hor
u-socod ah. Waxayna ka koobnaayeen 108 sarkaal. Badankoodu
waxay ahaayeen saraakiil yaryar oo waxa ay daneynayeen
eeyan dhaafsiisneyn mushaharka oo loo kordhiyo. Laakiin
dadweynuhu waxay doonayeen in goluhu uu qaado tallaabo
siyaasadeed oo degdeg ah, taas oo ay kula wareegayaan
maamulka dalka. Iyada oo ay taasi jirto ayaa saraakiishu
bilowgii si daahsoon ay afgembigoodii u wadeen. Waxay
markaas bilaabeen, raggii xubnaha ka ahaa maamulkii
boqortooyada in ay midba mar qarsoodi ku dilaan. Isla
markaas waxaa jirey fadhiyo iyo doodo qarsoodi ah
oo goluhu ay la gelayeen guddiyadii hoggaaminayay
ardeydii iyo dadweynihii kacdoomay. Goluhu wuxuu wakhti
dambe la baxay Dergo oo macnaheedu yahay Gole. 28/
8- 1974-kii waxaa la soo saaray hal ku dheggii golaha
oo ahaa (Itopia Tikdem) oo ay macnaheedu tahay
Itoobiya ayaa horreysa.
Golihii waxaa ka hoos abuurmay guddi hoosaad oo
ay shaqadiisu tahay in uu soo qabto oo xabsiyada dhigo
wasiiradii iyo siyaasiyiintii maamulka boqortooyada.
Saraakiisha guddi-hoosaadkaas waxaa kamid ahaa :
 |
|
Mengistu
Xayle Mariam
|
Gaashaanle Mengistu Xayle
Mariam oo madaxweyne noqon doona, wuxuu ahaa
ku xigeenka guddoomiyaha golaha ciidamada. Gaashaanle Berhanu Bayeh wuxuu kamid
ahaa raggii ugu horeeyay oo ka hor yimid nadaamkii
Mengistu. Gaashaanle Kiros Alemayehu oo
wakhti dambe inta la xiray xabsiga isku dilay. Gaashaanle
Daniel Asfaw oo aanan golaha kamid ahayn, lase
shaqeeyay, waa la toogtey. Gaashaanle Sisay Habte aqoonyahan
sarkaal ciidanka cirka ka tirsan, waa la toogtey.
Laba Xiddigle Sileshi Beyene
waxaa lagu diley amar uu bixiyey
Mingistu. Laba Xiddigle Bewketu Kassa waxaa
isna lagu diley amar uu Mingistu
bixiyey. Damme Miikail Gebrenegus oo markii dambe
intuu baxsaday ku biiray urukii ka dagaallamyey Eriteeriya
sanadkii 1975-kii.
Guud ahaan, saraakiisha Itoobiya ee dhaqdhaqaaqa
waday, waxaa ku dhex jirey khilaafaad ku saleysan
meelihii kala duwanaa oo ay ku soo qaateen aqoonta
iyo tababarrada ciidameed. Ragga wax ku soo bartay
kulliyadaha reer galbeedka waxay ahaayeen rag akaadeemik
ah oo ay tacliintooda ciidameed ay sarreeyso. Qolo
kale waxay ka soo qalin-jebiyeen kulliyadihii dalka
gudihiisa ahaa. Kuwaas oo lagu xaman jiray in aqoontooda
ay hooseeso, waana ay dareensanaayeen in laga tayo
wanaagsan yahay. Qolo kale ayaa jirtay oo ahaa ciidamada
cirka iyo kuwa badda oo iyagu aamin sanaa in ay yihiin
kuwa ugu aqoon wanaagsan ciidamada Itoobiya. Sida
laŽogsoon yahayna Itoobiya waa dal laga aaminsan yahay
kala sarreynta maaddiga ah.
Bishii agosto, guddi-hoosaadkii
iyo koox kale oo dibadda laga keenay ayaa waxay bilaabeen
in ay u howlgalaan sidii ay boqorka u fogeyn lahaayeen.
Waxay sameeyeen tijaabooyin ay dadweynaha ku eegayaan
heerka uu gaarsiisan yahay niyadda ay boqorka u hayaan.
25-kii bisha, qasrigii boqorka oo la oran jiray Jubilee
Palace, ayay magacii ka bedeleen oo ay u bixiyeen
National Palace.
27-kii bisha gaadiidkii ka shaqeynayay magaalo-madaxda
oo la malaynayo in ay ahaayeen hanti uu boqorku leeyahay
ayaa la qarameeyay. Waxaa xigay Hayle
Selassie Trust iyo
St. George Brewery
oo ahaa laba shirkadood oo waaweyn ayaa lala wareegay
5-tii sebtember.
7-dii iyo 8-dii bishii sebtember sanadkii 1974-kii,
fadhi ay guddi-hoosaadkii qaateen, ayaa waxay isku
tusiyeen in wax ka hor-imaad ah uusan jireynin haddii
uu goluhu boqorka kala wareego talada dalka. 10-kii
sebtember guddigu wuxuu guddoonsaday in ay talada
dalka la wareegaan.
Guddi-hoosaadkii, iyaga oo doonaya in ay sii kororto
colaadda dadweynaha Itoobiya ay u qabaan boqorka iyo
nadaamkiisa, baa waxay adeegsadeen filin dokumenteer
ah oo uu duubay nin la yiraahdo Jonathan
DimbelbyŽs oo ku saabsan abaarihii xilligaas
Itoobiya ka jirey iyo rafaadkii ka muuqday nolosha
dadkii reer miyiga ahaa. Abaartaasi oo ahayd mid degaanka
ku habsatay, ayaa Soomaalidu ay ku magacaabeen Daba
Dheer. Guddigu wuxuu adeegsaday telefishinkii dalka
oo uu ka sii daayay barnaamijkaas oo horay inta loo
duubay la qarinayay. (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 14).
Waxaa kale oo ayaamahaa telefishanka dalka laga
sii daayay filin ku saabsan noloshii raaxada badnayd
ee uu boqorka iyo dadkiisa ay ku jireen. Waxaa kamid
ahaa waxyaabihii dadweynaha loo soo bandhigay, boqorka
oo eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun qalin ka sameysan.
Xilligaas magaalooyinka Itoobiya waxaa telefishan
ka lahaa Adis-ababa oo keliya. Dad-weynihii ku noolaa
magaalo-madaxda oo filinkaas daawaday waxaa u kordhay
caro iyo nacayb ay u qabaan boqorka iyo maamulkiisa.
Waxay diyaar u noqdeen in ay soo dhoweeyaan aragti
walba oo lid ku ah nadaamka Embraadoor
Xayle.
12/ 9- 1974-kii guddi-hoosaadkii waxay xireen
boqorkii iyo wasiiradiisii. Isla maalintaas ayaa golihii
waxay u fariisteen in ay iska doortaan nin hoggaamiye
ah. Waxaa la soo bandhigay in guddoomiye loo doorto
Gaashaanle Atnafu Abate.
Golihii waa ay ku qeybsameen, waayo qolo kale ayaa
waxay wateen in goluhu uu odey ka noqdo Gaashaanle Mengistu Xayle Mariam. Labada
sarkaal waxaa xiiso loo qabay kan danbe, waayo wuxuu
ka yimid qoys sabool ah, mana u dhalan qowmiyadda
Amxaarada ah oo xilligaas ahayd kuwa talada hayay.
Saraakiil badan baa qabay in shakhsiyadda Mengistu
uu sawir qurxoon u noqon karo kacdoonkan xambaarsan
aragtida hantiwadaaga ah. Ragga aragtidaas qabay waxay
doonayeen in ay jebiyaan dhaqankii gacan-sareynta
ahaa oo ay Amxaaradu ku heysatay qowmiyadaha ay isku
degaanka yihiin. Si khilaafka u yaraado ayaa golihii
waxay guddoonsadeen in ay labadii sarkaal ka leexdaan
oo ay doortaan Jeneraal Ammaan
Maikal Andom taliyihii qeybta saddexaad ee
ciidamada Itoobiya. Waa jeneraalkii ku soo duulay
Soomaaliya 1964-kii.
Saraakiisha Itoobiya ee ka soo howl-galay gobolka
Ogaadeenya, ayaa mudnaan gaar ah ku dhex lahaa ciidamada.
Taasina waxaa u sabab ah qalafsanaanta cimilada gobolka
iyo dadkiisa oo ahayd mid askariga jilicsan aanan
u saamaxeyn in uu ku noolaado. Culayska ay Soomaalidu
xilligaas ku hayeen ciidamada Itoobiya waxaa la oran
karay waa mid la muuqaal ah culayska ay ciidamada
Masar ku hayeen ciidamada IsraaŽiil, inteeyan heshiin.
Sidaa darteed Jeneraal Ammaan
oo muddo dhowr iyo toban sano ah ka soo khidmeeyay
ciidamadii fadhiyay Ogaadeenya ayaa helay doorashadii
golaha.
Markii la doortey Jeneraal
Ammaan, waxaa fariisan waayay Mengistu oo ku dadaalay in uu dibin-daabyo
hoose ku maja-xaabiyo jananka, si uu u curyaamiyo
howlaha golaha. Mengistu
waxaa ku weynaa damac ah in uu isaga odey ka noqdo
dalka. Cimilo uu kaashadona waa ay u muuqatay oo dad
badan ayaa u jidbeysnaa. Jeneraal
Ammaan wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah, dad-weynaha
reer Itoobiyana sumcad wanaagsan ku leh. Waxaa u weheliyay
wuxuu ahaa sarkaal daacad u ah howlihiisa. Haddii
uusan Mengistu jiri lahayn
wuxuu noqon lahaa nin Itoobiya ka badbaadiya xasuuq
badan oo ay martay. Jananku wuxuu markiiba golihii
soo dhex-dhigay talo ah in uu doonayo in uu arrinta
Eriteeriya ku xalliyo si nabad ah. Wuxuu ahaa nin
hal-abuur leh. Wuxuu isku deyay in uu dhiso muŽasasad
dowladeed oo si toos ah ula wareegta talada dalka,
isagana uu madax ka yahay. Dhalashadiisa oo Ereteriyaan
ahayd ayaa waxay noqotay duleel loo adeegsado in lagu
jebiyo isaga iyo aragtiyaalkiisii siyaasadeed.
Bartamihii bishii nefember, Jeneraal
Ammaan waa uu is casilay. Wuxuu sheegay in
xilka uu hayay uusan ku soo laabanayn illaa goluhu
u aqoonsado in uu dalka madaxweyne ka yahay. Mengistu, oo ka socda guddi-hoosaadkii
ayaa aroornimadii ay taariikhdu ahayd 23/ 11- 1974-kii
ku kallahay aqalkii uu ku noolaa Jeneraal
Ammaan, isaga oo kala doodaya aragtiyaal ay
kamid ahayd taladii jananka uu ka dhiibtay Ereteriya.
Isla maalintaas ayuu Mengistu
wuxuu amray in jeneraalka lagu xabbiso gurigiisa.
Waxaa kale oo uu xabsiyada u taxaabay 22 kamid ahaa
saraakiishii dalka oo uu ku dareensanaa in eeyan raalli
uga noqoneynin in uu xukunka maroorsado. Isla galabtaas,
koox ciidamo ah oo uu hor kacayo Gaashaanle Daniel Asfaw, ayaa waxay hareereeyeen
aqalkii Jeneraal Ammaan.
Kooxdaasi oo ku baxay amar uu bixiyay Mengistu Xayle Mariam ayaa waxay xabado
is-dhaafsadeen ilaaladii jananka. Waxaa halkaa lagu
laayay saraakiil dhalinyaro ahayd oo jeneraalka taageersanayd.
Dabadeed Jeneraal Ammaan,
waa uu is-dilay, isaga oo qaba lebiskii ciidamada
Itoobiya.
Habeenkaas, fadhi ay goluhu qaateen ayaa Mengistu lagu wareystay in uu war-bixin
ka dhiibo falka uu ku kacay. Dhiiga gacmihiisa ka
qoyan, ma noqon mid uu la xishoodo, bal wuxuu ku adkaystay
in uu jid u leeyahay falkaas. Halka uu goluhu doonayay
in uu xasiliyo siyaasadda dalka, Mengistu
wuxuu isku deyayay in uu ka faaŽiideysto xaaladda
cakiran oo uu marin duwo howlaha golaha, si uu isaga
u dhaxlo miraha kacaanka. Markastana wuxuu ku andacoonayay,
waxa uu ku kacayo in ay tahay mid uu shacabku raali
ka yahay. Wuxuu tilmaamayay in geedi-socodka kacaanka
uu noqonayo mid dhicis ah haddii guddi-hoosaadku uusan
caynkan u shaqeyn.
Mengistu Xayle iyo kooxdiisii, waxay bilaabeen
in ay xabsiyada kala baxaan dad maxaabiis ah oo ay
mid-mid u toogtaan, iyada oo uusan goluhu ogeyn sababta
ay dadkaasi ku muteysteen in la laayo. Dad boqol ka
badan oo ay laayeen, ayaa 59 kamid ah waxay ahaayeen
eheladii boqorka, xubnihii barlamaankiisa iyo saraakiishii
yar-yaraa. Xasuuqaas waxaa goob-joog ka ahaa Dhamme
Mikael Gebrenegus, kaas oo ahaa qareen ka tirsanaa
ciidamada biliiska. Markii Goluhu uu Mengistu
suŽaalay sababta uu dadkaasi u hor keeni waayay
maxkamad, wuxuu ku jawaabay in ay lagama maarmaan
tahay in marka hore qaar laga laayo dadka la maleynayo
in ay ka hor imanayaan kacaanka. (Red
Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 20).
Waxaa la xiray nin kasta oo magac ku lahaa maamulkii
boqortooyada. Dalkiina waxaa u bilaabatay taariikh
cusub oo dil iyo argagixiso ah, taas oo ka miisaan
culus dulmigii iyo argagixiskii yiil xilligii maamulkii
boqorka. Kacaankii ku bilowday hal ku dhegyadii ahaa
(dhiig laŽaan dhiig laŽaan) wuxuu isu beddelay kacaan
dooxato ah. Sidaas baa waxaa ku dhalan rogmay dabiicaddii
ay ku dhismeen golihii ciidamada oo ujeeddadoodu ahayd
in ay dalka ka badbaadiyaan dhibaatooyinka uu ku sugnaa,
si nabadeyn ahna ay xal ugu raadiyaan.
20/ 12- 1974-kii ayuu golihii wuxuu guddoonsaday
in uu ku baaqo bayaankii ahaa in ay dalka ku dhaqayaan
nadaamka Hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada-Liininiyada
ah. Jeneraal Tafari Banti oo ahaa guddoomiyihii
golaha ee ka dambeeyey Jeneraal Ammaan, waxaa dhanka dad-weynaha
uga magac weynaa Mengistu,
waayo Mengistu wuxuu ahaa
nin firfircoon oo geesi ah. Kartidiisa iyo dadaalka
uu halgankan u galay baa wexey keentay in uu noqdo
nin calaamad uŽah halgankii ardeyda. Mengistu
iyo kooxdiisa si naxariis darro ah u laynayeen
haraagii nadaamkii boqorka iyo saraakiisha ay tuhmayeen
in ay caqabad ku noqonayaan howlahaada. Xilligaas
waxaa socday bannaan-baxyo ballaaran, kaas oo ardadu
ay ku taageerayeen goŽaanka ay ciidamadu kula wareegeen
talada dalka. Ardeydaasi waxaa halhees u ahaa oo ay
ku dhawaaqayeen (Viva Mengistu). Mengistu wuxuu xilligaas golaha kaŽahaa
kuxigeen.
3/ 2- 1976-kii ayaa fadhi uu taliskii goluhu ku
lahaa aqalka la yiraahdo Menilik,
ayaa Mengistu iyo
intii raacsanayd si kedis ah fadhigii uga kaceen dabadeedna
ay dibadda u baxeen. Waxaa xigay ciidamadii Mengistu
ilaalada u ahaa oo hubkoodii la soo galay qolkii
ay saraakiishu fadhiyeen, dabadeed halkaas ayaa lagu
laayay dhammaan saraakiishii xubnaha kaŽahaa golahii
badbaadada Itoobiya. Ciidamada wax laayay waxaa hoggaaminayay
sarkaal dhallinyar oo la yiraahdo Daniel
Asfaw. Saraakiisha halkaas ku dhintay waxaa
kamid ahaa guddoomiyihii golaha badbaadad Itoobiya
Jeneraal Tafari Banti. Maalintaas maantii
xigtay ayaa Daniel Asfaw
waxaa weeraray ciidan raacsanaa Jeneraal
Tafari. Markuu arkay in uusan baxsanayn ayuu
qorigiisii isku dilay. Sidaas buu Mengistu
ku noqday guddoomiyihii u soo haray madaxtinimada
golihii saraakiisha ee badbaadinayay Itoobiya.
4/ 2- 1976-kii, golihii wuxuu ku dhawaaqay in
Gaashaanle/Dhexe Mengistu Xayle Mariam
uu yahay madaxa siyaasadda Itoobiya. Andrei
Ivanov oo ah nin Ruusha, diraasaadna ku sameeyay
dagaalkii 1977-kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya,
wuxuu xusay in boqor Xayle Salaisse
oo nool ay dowladda Ruushka u sheegtay madaxweynihii
Soomaaliya, in ay Mengistu la
rabaan in uu madaxweyne ka noqdo dalka Itoobiya. Andrei
Ivanov wuxuu yiri :
" Waxaa isweydiin leh, Maxamad Siyaad hadduu
sidaas u ogaa, muxuu Mengistu ugu qaaday dagaalka
? ". (Waxaan ka soo xiganay Proff. Cabdullaahi Jaamac
oo macallin ka ah Lamumba University Moscow. 2/ 7-
2000)