Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii  XI-aad
Dr Enow

Saraakiishii hoggaaminayay kacaankii Itoobiya, xilliga ay dadkooda xasuuqayeen, kacaanka Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid uga agab iyo arxan roonaa dadkiisa. Waxaa jiray arimo kacaanka Soomaalida gacan ku siiyay xasilloonidii wanaagsanayd ee uu dalku ku sugnaa bilowgii maamulkiisa. Arimahaas kuwooda ugu milga cuslaa waxay ahaayeen mashaariic dalka laga fuliyay oo  isugu jirey kuwo lagu hor marinayo dhaqaalaha iyo kuwo dhisme-hoosaad ah oo dowladaha deeqda bixiya ay horay ugu deeqeen dowladdii rayidka ahayd. Waxaa arinkaa weheliyay dhallinyaro boqollaal ah, oo bilowgii sanadihii 1970-aadkii, dalka ku soo laabtay kadib markii ay waxbarasho ku soo dhameysteen dalal shisheeye. Dhallinyaradaas oo ahaa kuwo hanaqaaday xilligii gobanimo-doonka ayaa badankoodu waxay ahaayeen kuwo ku ababisnaa waddaniyad aanan barax lahayn. Markii ay gacanta ku dhigeen mashaariicdii dalka ka socday, waxaa u suurogashay in badankoodu ay si hufan u fuliyaan howlihii loo xil saaray ee la xiriiray hor u marinta dalka.

Arrimahaasi waxay sababeen in saraakiishii kacaanka Soomaaliyeed ay ka badbaadaan mucaarado ku soo deg-degta dowladdii ay dhiseen. Inkasta oo badankood eeyan xabsiyada ku daahin, misana odeyaashii siyaasiyiinta ahaa ee xilka ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa, dhamaantood xabsiga ayaa ladhigay. Qaar kamid ah raggaas, markii la soo daayay, dalka dibaddiisa ayay u baxsadeen. Waxaa kale oo jiray odeyaal uu hoggaamiyihii kacaanka si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka dhoofaan si aanan loo dhibaatayn. Waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo Cali Barre Jaamac  (Ciddi Libaax). Waxaa shaqadii laga eryay agaasimayaal badan oo xilal ka hayay mu´asasaadka dowladda, dabadeed waxaa halkoodii lagu buuxiyay dhallinyaro aqoonyahanno ah laakiin lagu xushay kacaannimo. Ciidamada qudhooda kama eeyan badbaadin siyaasaddii fara-gelinta ee lagu shaandheynayay masuuliintii wax ka hoggaaminayay mu’asasaddii ciidanka.

Baraarug la’aanta shacabka ayaa waxay abuurtay jawi xasillooni iyo nabad buuxda oo aysan wax fadqalalo ah wehelin. Shacbiga Soomaaliyeed intiisa   badan wuxuu ku qancay siyaasaddii kacaanka. Wax dowladda mucaarad ku ah oo la tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa sumcadda dowladda kor u sii qaaday mashaariic xilligaas la fuliyay oo ay ka mid ahaayeen in lala wareego oo dhamaan ilihii dhaqaalaha oo ay dadka shisheeyaha ah lahaayeen, qoristii alif-ba’da af-soomaaliga iyo ololihii waxbarashada reer miyiga oo uu ka oday ahaa Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, mashruucii abaartii Daba Dheer ee sida hagaagsan loo fuliyay, taas oo uu ka oday ahaa Gaashaanle Dhexe Abshir Kaahiye, mashruucii kordhinta wax soo saarka beeraha ee la oran jiray " Crush program " ee uu ka oday ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Hor u kacaasi wuxuu sababay in sanadkii 1974-kii Soomaaliya ay mar qura bixiso lacagihii amaahda ahayd oo bangiga dunida uu ku lahaa. Wasiirkii dhaqaalaha  Dr. Weyrax ayuu ahaa ninkii iridaha u xiray xafiiskii IMF-ta (Internationa Monetory Found) ay ku lahayd Xamar. Taasina waxay ka danbeysay markii uu 40 melyan oo doolar oo Soomaaliya lagu lahaa uu wasiirku u shubay. (Waxaan ka soo xiganay Dr. Maxamad Yuusuf Weyrax, Boosaaso,    11/ 12- 2000).

Dowladdu waxay dhistay mu’asasaad shaqo u abuura dadweynaha. Waxaa kamid ahaa wakaaladdii ENC (Ente Nazionzle Comerce) ee raashinka dibadda ka keeni jirtay odayna uu kaahaa Jeneraal Jaamac Aw-Muuse iyo wakaaladdii ADC (Agency Devolopment Commerce) ee gacanta ku qabatay wixii beeraha dalka ka soo go’ayay, odayna uu ka ahaa G/Dh. Maxamad Cali Shire. Waxaa kale oo intaas weheliyay baraarujintii iyo wacyi-gelintii joogtada ahayd oo ay wadeen shaqaalihii wasaaradda war-faafinta, halkaas oo uu wasiir ka ahaa sarkaal ka tirsanaa golihii sare ee Kacaanka (G/Dh. Ismaaciil Cali Abokor). Sidaas baa dowladdii kaga nabad gashay shiqaaq siyaasadeed ee kaga yimaada gudaha dalka.

1974-kii, waxaa la abuuray xafiiskii la oranjiray PRO Xafiiska Xiriirka Dad-weynaha (Public Relation Office) oo oday looga dhigay sarkaal dhallinyaro ah oo la yiraahdo Dhamme Jaamac Cali Jaamac. Xafiisku wuxuu ahaa midka ka danbeeyay abaabulkii dad-weynaha iyo dhismayaashii ururada bulshada. Heer degmo iyo heer xaafadeed, xafiisku wuxuu dalka ka dhisay guddiyo shaqaale, dhallinyaro, hooyooyin, guul-wadayaal iwm. Xoogaggaas ayaa laf dhabar u noqday hirgelinta siyaasaddii kacaanka. Waxaa kale oo ururadan ay gacan ka geysteen howlo badan oo aanan wax kharaj ah dowladda kaga bixin, kuwaas oo dhamaantood lagu fuliyay mashruuc lagu magacaabay Iskaa Wax u Qabso.

Siyaasadda dibadda qudheeda, dowladdii Soomaaliya waxay xilligaas ka soo hoyday  guulo muuqda oo dowladdii kacaanka iyo shacabkeeduba uu ku faani karo. Dhacdooyinka la tilmaami karo oo aanu ku sharfanayn waxaa ka mid ahaa :

1972-kii, Soomaaliya waxaa ay ku guuleysatay in ay heshiis ka dhex abuurto labada dal Ugaandha iyo Tansaaniya oo labadooda madaxweyne uu dhex yiil khilaaf adag.
1973-kii, waxaa Xamar yimid Jeneraal Iidi Amiin Dada (Madaxweynihii dalka Ugaandha) iyo Jeneraal Jacfar Maxamad Al-Numeyri (Madaxweynihii dalka Suudaan), iyaguna halkaas ayaa lagu heshiisiiyay. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa ay xubin ka noqotay Jaamacadda dowladaha Carabta, iyada oo matasha dowladda qura oo aanan afka carabiga ku hadlin, xubina ka ah ururka. Fir-fircoonidii siyaasadeed oo Soomaaliya ay sanadahaas muujisay ayaa waxay gayeysiiyay in dalkeena loo aqoonsado midka u kala dab-qaadi kara dowladaha Islaamka ah iyo waddadamada Afrikada madow ee koonfurta saxaraha.    

Shir-weynihii madaxda dowladaha Afrika ee Xamar lagu qabtay 1974-kii ayaa qudhiisu kamid ah munaasabadaha wanaaga ku kordhiyay wejigii ay lahayd  siyaasaddii dibadda ee Soomaaliya. Arintaas waxaa laga dhaxlay in Jeneraal Maxamad Siyaad uu si toos ah uga qayb-qaato fadhiyo caalami ah iyo gobol. Waxaa kamid ah kal-fadhigii J.Q. ka Dh. ee shan sanadeedka ahaa. Fadhiyadii dhex-maray dowladda Portuguese oo dhinac ah iyo dowladihii ay gumeysan jirtay Angoola iyo Mosambiik. Fadhiyadaasi waa kuwii loogu gogol-xaarayay madax-bannaanida dalalkaas Afrikaanka ah.

Mashaariicdii lagu kobcinayay ciidamada Soomaaliyeed ayaa iyagana dhankooda si xowli-orod leh looga hirgelinayay dalka. Dowladdii Midowga Soofyeeti oo horay u ballan-qaaday in ay Soomaaliya gacan ka siiso xagga dhismaha ciidamada, waxay bilowday in ay wax ka qabato heshiisyadii ay Soomaalidu la saxiixdeen markii wasiirkoodii difaaca uu yimid Xamar (1972). Howlo taxnaa oo loogu talagalay ciidamada ayuu Ruushku xilligaas ka fuliyay Soomaaliya. Waxaa kamid ahaa dhismo xarumo shidaal, dhismo xarumo talis iyo bakhaaro dhulka hoostiisa ah oo muddo dheer keydiya rasaasta. Waxaa kale oo uu bilaabay in uu dhiso xeryo ay ciidamadu degaan, dekado iyo garoomo ay dayuuraduhu soo caga dhigtaan. Wuxuu bilaabay dhismaha kuliyaddii tababarka ee layli-saraakiil oo laoran jiray (Jaalle Siyaad). Wuxuu kor u qaaday ardaydii uu ciidan ahaan u qaadi jirey ee uu dalkiisa ku soo tababari jirey, isaga oo islamarkaas kordhiyay tiradii iyo tayadii qalabkii uu ciidamada siin jirey.

Bartamihii sanadkii 1973-kii, Soofyeetigu waxay qaadeen laba guuto oo kamid ah ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed. Ujeeddadu waxay ahayd in ay soo qaataan tababar is-wata oo ku saabsan adeegsiga qalabka difaaca cirka (raadaar iyo gantaallo). Waxaa xusid mudan in ciidankaasi uu ahaa kuwii lagu bilaabay dhismaha ciidanka difaaca circa ee Soomaaliya. Gaashaanle Maxamad Shiikh Cismaan (Cirro) iyo Gaashaanle Axmad Maxamad Shiikh (Neero) ayay ahaayeen labadii hoggaamiye ee labada guuto. Laba sano dabadeed  ciidankaasi dalka ayay ku soo laabteen. Labadii sarkaal ayaa halkaas ku helay  darajada Gaashaale / dhexe. Islamarkaas waxaa ay la yimaadeen qalabkii iyo hubkii ciidanka difaaca circka, kuwaas oo qeybna ay ka soo degeen dekadda Xamar qeyb kalena dekadda Berbera. (Waxaan ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).

Tallaabsigaa hor u kaca ah, wuxuu mar kasta bulshada ku abuurayay hiyi-kac ay ku higsanaysay in dhulalka Soomaaliya ka maqan ay xoroobaan. Wuxuu ahaa mid danqinayay niyadii ay Soomaalidu u hayeen in ay dhabowdo rajada taariikhiga ah oo uu shacabku ku mideysnaa ee ah soo hoyashada baadida qiimiga leh ee agtooda lagu haysto. Abwaan Cali Cilmi (Afyare) ayaa xilligaas tiriyay gabeygiisii ahaa Qabyo. Waxaa kamid ahaa tix uu G. S. ee K. ku xasuusinayo qadiyadda Soomaaliyeed. Abwaanku wuxuu yiri :   

Waa golon-gollaan niman haday xil u go’doomaane
Gabalkiin  cayilay baan arkaa gaajo  ku adeega
Sidii qaansadii godan ahayd wada galluubnaada
Garbihiina  caaryada  ku taal gaashi ha ahaato
Gawaarida cad iyo dumarka yaan damac idiin geynin
Jeer ay guryaha soo galaan gaarka lagu ooday
Shimbir garab la’ iyo beynu nahay deero gees jabane
Guutooyinkaas  inaga  maqan   geliya  laabtiina

Dabayaaqadii sanadkii 1974-kii, waxaa Soomaaliya booqasho ku yimid madaxweynihii dowladdii Soofyeetiga Nikolai I. Podgorny. Xilligaas waxay ahayd mar uu Soofyeetigu ka raali noqday hayaanka siyaasadeed ee kacaanka Soomaaliya. Madaxweyne  N. I. Podgorny iyo hoggaamiyihii Soomaaliyeed Jeneraal Maxamad Siyaad waxay kala saxiixdeen heshiis uu Soofyeetigu ku magacaabi jirey  saaxiibtinimo iyo wax wada-qabsi. Soofyeetigu wuxuu heshiiska caynkan ah la dhigan jirey dowladaha la xulafada ah iyo kuwa uu ku kalsoonaado hannaankooda siyaasadeed. Xilligaas Soomaaliya waxay ahayd dowladda keliya ee qaaradda Afrika ku taal oo Soofyeetigu uu la lahaa heshiiska caynkan ah. Horey Masar iyo Suudaan ayuu ula dhigtay, waase uu ku fashilmay markii labada dalba laga soo eryay khubaradiisii.

Qodobka ugu hilan cuslaa heshiiskaas waa midka tilmaamayay in labada dal ay ka reeban tahay in midkood uu heshiis la galo dal u cadow ah kan kale. Waa qodobkaas midka abuuray khilaafka goor danbe ku yimid xiriirkii ay labada maamul kala saxiixdeen. Markaas oo Soofyeetigu uu la saftay maamulkii Itoobiya ee  Soomaaliya ay colaadu ka dhexaysay. Caadada lagu yaqaan dowladaha xooga weyn, iyaga ayaa ballanta dhiga, goortay rabaana waa ay ka baxaan. Sida aanu casharrada danbe ku arki doono, dowladdii Soofyeetiga ayaa Soomaaliya ku ballan-furtay xilli baahi badan loo qabay in uu ku taagnaado heshiiskii uu madaxweynahoodu saxiixay.

Heshiiskii dhexmaray Soomaalida iyo Soofyeetiga, waxaa kale oo qodobadiisii kamid ahaa in ciidamada Soofyeetigu ay adeegsan karaan dekadaha Soomaaliya goortii ay doonaan. Shardiga keliya oo lagu xiray wuxuu ahaa in ay soo  war-geliyaan markay imanayaan, ugu yaraan laba toddobaad ka hor.

Qodobkanna waxaa ka qeyliyay dowladdii Mareekanka oo Soomaaliya ku tilmaamtay meel uu Soofyeetigu ku yeeshay saldhig ciidameed. Xilligaas baa siyaasaddii Soomaaliya waxaa u bilaabatay in ay dhex mushaaxdo dagaalkii qaboobaa iyo haraatidii ay isku hayeen xoogagga waaweyn ee dunida. Waxaa cagta la saaray khatar aanan lagu baraarug-sanayn waxa ay sidato.

Sanadihii 1974-kii iyo 1975-kii, abaar xoog weyn ayaa ku habsatay geeska Afrika. Abaartaas oo ahayd middii soo af-jartay taariikhdii dowladdii boqortooyada ee Itoobiya, dowladdii kacaanka ee Soomaaliya waxaa ay ka heshay magac. Taasina waxaa ay ka danbeysay gurmad daacad ah oo ay u fidisay dadkeedii tabaalaysnaa. Dowladda  Soofyeetiga ayaa dhankeeda si hagar la’aan ah gacan uga geysatay barnaamij lagu taakuleynayay dadkaa Soomaaliyeed oo ay wax yeellada ka soo gaareen abaarta. Kasokow garoomada uu banneeyay iyo dayuuradaha xamuulka ah oo uu ku daad-gureeyay reer miyigii tabaaleysnaa iyo xoolahoodii, Soofyeetigu  waxay keeneen 300 oo gaari iyo raggii waday, kuwaas oo ka qeyb qaatay rarkii iyo dejintii dadkaas. Markii ay howshii dhamaatayna, gawaaridii wuxuu ku wareejiyay ciidamadii Soomaaliya.

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharada

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.