Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii  XII-aad
Dr Enow

Bartamihii sanadihii 1970-aadkii, kadib markii dhowr sanadood laga nasatay shiddadii ay wateen colaadihii dunida gilgilay ee ka aloosmay bariga fog (Fiyetnaam) iyo bariga dhexe (Carab & Israa’iil) ayaa qaaradda Afrika waxaa ka bilaabatay dabayl hor leh ee hurisa dhimbilihii Dagaalkii Qaboobaa. Gaar ahaan geeska Afrika waxaa lushay shiraacii is xag-xagashada siyaasadeed ee dowladaha waaweyn. Waxaa ku weheliyay dowlado badan oo xiiso ka muujiyay hardankii halkaas ka dhacay. Dowladahaas ayaa si toos ah iyo si dadban uga qeyb qaatay mashaqadii Dagaalkii Ogaadeenya.

Dowladda Midowga Soofyeeti waxay ahayd midda ugu itaalka rooneyd jilayaashii riwaayadihii lagu tallaalay mushkiladda. Waxay degaanka ka lahayd hadaf istraateeji ah kaas oo ku kallifayay in ay sanad walba buuxiso inta badan dalabaadka ciidamada Soomaaliya. Ruushku wuxuu u gur-guuranayay himilo fog oo ah in uu reer galbeedka ka hor istaago hantida ceyriin ee qaaradda Afrika ku dihan. Waxaa u muuqatay tijaabadii ay dowladaha carbeed ku guuleysteen sanadkii 1973-kii, markaas oo ay ku tallaabsadeen in ay batroolka u adeegsadaan dagaalka ay kula jireen dowladda Israa’iil. Waddamada Carabta, ayaa sanadkaas dabayaaqadiisii xayiray batroolka ay ka iibiyaan dowladaha reer galbeedka. Taasi waxay sababtay in ay curyaanto noloshii dowladahaas. Waxaa kale oo Soofyeetigu uu arkayay waddooyinka istraateejiga ah ee qaaradda Afrika ay leedahay, halkaas oo inta badan, gaadiidka ganacsiga caalamiga ah uu ku qulqulo.

Damacaas ballaaran ee xilligaas ku dhashay madaxdii Soofyeetiga waxaa inoo cadeynaya maqaal ku soo baxay wargeyskii (Pravda) ee ku hadli jirey codka xisbigii shuuciga ahaa ee dalka Soofyeetiga ka talin jirey. 14/ 4- 1975-kii, wargeyskaas ayaa wuxuu qoray maqaal ay qormadiisii kamid ahayd sidan :

" Dhibaatada ay dhaliyeen shidaalka  iyo hantida ceyriinka  ah ee gilgishay caalamka hanti-goosiga, qeybtii hore ee sanadaha 70-aadka, waxay xoojisay dowrkii ay hantidaasi ka cayaari lahayd dhaqaalaha aduunka. Hantidaasi ayaa u muuqatay mid leh tilmaam siyaasad-dowladeed oo khatar ah, taas oo aanan wax lamid ah horay loo arag ". (Al-Siyaasa Al-Dowliya. Tirsiga 54-aad. p. 47 ).

Masuul Soofyeeti ah ayaa isna hadal ku darsaday maqaalkii wargeyska oo yiri :

" Xayiraaddii batroolka, waxay tusaale wanaagsan u soo bandhigtay dowladaha soo koraya ee ku hodanka ah kheyraadka dabiiciga ah iyo miraha beeraha ka soo go’a. Qaaradda Afrikana waxaa qiimigeedii kordhiyay caalamka hanti-goosiga ah ee wax soo saarka uu ku sii badanayo  ". (Ibid. p. 47).

Reer galbeedka oo uu Mareekanku u weyn yahay, qudhoodu ma eeyan moogayn yoolka istraateejiga ah ee uu Ruushku ka hadlay.  Bishii disember 1974-kii, guddi  sare ee dowladda Mareekanka u qaabilsan siyaasadda dhaqaale-dowladeedka ayaa fadhi ku qaatay magaalo madaxda Washington. Go’aan ay guddigu u soo gudbiyeen aqalka Cad ayaa wuxuu ahaa sidan :

" Dowladda Mareekanka waxay si muddo dheer oo mustaqbalka ah ugu tiirsan tahay dowlado dhowr ah oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ka soo qaadato kheyraadka dabiiciga ah. Waxaa arintaas ku xiran nabadgelyada ummadeed ee Mareekanka iyo wax soo saarka waershadeheena ". (Ibid. p. 48 ).

Waxaa hubaal ah in dowladaha Yurub iyo Jabaan ay uga baahi badnaayeen  dalka Mareekanka, kheyraadkaas qaaraddu leedahay. Sidaa darteed khal-khal kasta oo ku yimaada xiriirada ay dowladahaasi ku helayaan kheyraadkaa ceyriin, wuxuu dhibaato weyn u keeni karaa socodsiinta nolosha dadkooda. 

Waxaa kale oo Soofyeetigu uu xiiso u hayay in uu ka taliyo waddooyinka biyaha qaaradda, halkaas oo ay sii maraan maraakiibta ganacsiga ee reer galbeedku leeyihiin. Hantida ceyriinka ah oo ay u baahan yihiin wershadaha reer galbeedka, 60 % ayaa waxay sii maraan biyaha qaaradda Afrika. Waxaa kale oo halkaas mara 80 % batroolka ay ka qaataan dowladaha Khaliijka iyo Iiraan. Marka laga reebo maraakiibta waaweyn ee taangiyada ah (Oil Tankers) ee boqollaalka kun oo tan ee batroolka ah xambaarsan, hantidaasi waxay sii martaa geeska Afrika. Maraakiibta waaweyn ee aanan mari karin biya-mareenka Suweys, waxay ka weecdaan raaska koonfurta Afrika cape of the good hope. Biyaha badda Cas ee ku beegan geeska Afrika, 24-kii saac oo walba waxaa mara maraakiib sida qiyaastii 400.000 oo barmiil oo batrool ah, kuwaas oo ku sii jeeda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waa sababtaas midda ay dowladihii ina gumeeyay isu hor taageen in la hor mariyo dhismo-hoosaadka degmooyinka ku yaal xeebaha waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Dadaalkii madaxda Soofyeetiga ay ku bixiyeen yoolkan istraateejiga ah, waxay ka muuqatay dowladaha Afrikaanka ah oo ay xiriirka la lahaayeen xilligaas, kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo ku yiil dhul xeeb leh. Marka laga reebo dowladda Ugaandha, Ruushku wuxuu xilligaas xiriir la yeeshay dalalka kala ah :

Soomaaliya, Tansaaniya, Muusambiik, Angoola, Koongo Braasifiil, Ekwatoorial Geni, Siralyoon iyo Geni Bisaw, kuwaas oo dhamman ku jeeda xeebaha qaaradda.

Arin kale oo ka qeyb-qaadatay kuleylka xilligaas ka shidmay geeska Afrika ayaa waxay ahayd, shirkad Mareekan leeyahay oo kamid ah kuwa batroolka baara ayaa gobolka Ogaadeenya waxay ka bilowday howlo ay ku baadi-goobayso shidaalka halkaas ku jira. Bishii febraayo 1973-kii ayaa shirkaddu waxay degaanka ka heshay dhul uu ceegaago batrool badan. Meesha ay shirkaddu fagatay waa dhul 30 km oo qura u jira xuduudda waqooyi ee Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa markaas xuduuddeeda waxay soo dhoobtay ciidamo badan, iyada oo ku andacoonaysa in ay ilaalinayso amaanka shirkadda iyo shaqaalaheeda. Dowladda Soomaaliyeed oo markasta xasaasiyad ka qabtay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Itoobiya, waxay arintaas kaga jawaabtay in ay dhankooda ciidamo geeyaan.

Boqorkii Itoobiya Xayle Selassie ayaa markaas cabasho u diray Mareekanka, oo markaas si wanaagsan u garanayay xujooyinka loojiistikada ah oo uu ku difaacayo Itoobiya. Mareekanka oo weligiis ka soo horjeeday hubeynta Soomaaliya ayaa  wuxuu ogaa in Soomaaliya ay yeelatay awood ay kaga tallaabsan karto xuduudda dheer oo ay Itoobiya la wadaagto. Bilowgii sanadkii 1974kii, waxaa labada dal ka abuurmay cimilo colaadeed ee xoogan, waxayse ku hakatay af-gembigii ay ciidamadii Itoobiya kula wareegeen taladii dalka. (Ibid. p. 49 ).

Mareekanka iyo xulufadiisa ayaa sanadahaas dareensaday xiriirka sii xoogoobaya ee Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Dowladaha Mareekanka la qabay wal-walka, waxaa ugu weynaa Farasa iyo Ingiriis. Faransiiska wuxuu ahaa dowladda keliya ee xilligaas fariisimo ciidan ku lahayd degaanka. Waxay lahaayeen 12 maraakab oo kuwa ciidamada ah ee si joogto ah u kala goosha Jabuuti iyo degmada Le-Rinion.  Waxaa weheliya laba markab oo kuwa dayuuradaha xambaara oo magacooda la yiraahdo Vorsan iyo Kalminsou. Ingiriisku, waxuu fariisimo ciidanka cirka ku lahaa  Keenya, maraakiibta ciidamada badda ee boqortooyadana sanad walba dhowr jeer ayay degaanka soo booqan jireen (Mombasa).

Dowladaha la deriska ah geeska Afrika ee ku sidkanaa siyaasadda Mareekanka waxaa ugu xoog weynaa Iiraan. Xilligaas waxaa lagu tilmaami jirey in ay degeenka ka ahayd biliis ilaaliya danaha Mareekanka. Iyada iyo boqortooyada Sacuudiga ayaa reer galbeedka waxay la wadaageen wal-walka hubeynta Soomaaliya iyo xiriirka xoogoobaya ee ka dhex abuurmay Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Xilligaa wixii ka horeeyay dowladda Sacuudigu waxay ahayd mid qun-yar socod ah. Siyaasaddeeda dibadda ma eeyan dhaafsiisnayn ilaalinta xasilloonida khaliijka iyo faafinta diinta Islaamka oo ahayd tilmaamta jiritaankeeda.

Kadib markii la dilay boqor Feysal bin Cabdulcasiis, waxaa dhaxalkii la wareegay  Khaalid bin Cabdicasiis oo walaalkiisii xigay ahaa. Khaalid waa uu xanuunsanaa. Sidaa darteed waxaa howsha waday Fahad bin Cabdulcasiis, oo ahaa walaalkii ka yaraa. Fahad wuxuu ahaa dhaxl-suge modaraat ah. Markaas ayaa maamulkii boqortooyada wuxuu bilaabay in uu dowr muuqda ka cayaaro siyaasadda dibadda. Tallaabadii ugu horeysay oo ay qaadaan baa waxay ahayd mid ay ku daneynayeen xaaladda degaanka. Meeshii ugu horeysay oo ay ku fushay waxay ahayd geeska Afrika (Soomaaliya). Waxaa arintaa raali uga ahaa Mareekanka, oo doonayay in uu sii xoojiyo xiriika Sacuudiga, si ay dowladaha kale uga hesho xiriir wanaagsan.

Waxaa xusid mudan in kororka soo saarka batroolka Sacuudiga, oo xilligaas aad u xoogoobay, uu ahaa qodob xoojinayay xiriirka ay lahaayeen labada dowlad (Boqrtooyada Sacuudiga & USA). Sanadkii 1974-kii Sacuudigu waxay soo saareen batrool qiimihiisu dhan yahay 24.8 milyaar oo doollar. Sanadkii 1976-kii waxay soo saareen 33.3 milyaar oo doollar. Sidaa darteed baa deyn-siinta iyo deeq-bixisku ay ahaayeen qodobada ugu hilan cuslaa ee hagayay siyaasadda dibadda ee Sacuudiga.

Aragtida ay dowladda Sacuudigu xilligaas ka qaadatay geeska Afrika, wuxuu taageeray tii ay reer galbeedku qabeen oo ahayd in Ruushka laga dheereeyo gobolkaas, isla markaa degaanka laga abuuro dowlado qun-yar socod ah oo aan khatar ku hayn nabadgelyadooda dowladeed iyo waddooyinka ay sii maraan ganacsigooda. Sucuudigu waxaa u muuqatay wax-tarka ay arintaasi u leedahay xasilloonida degaanka, gaar ahaan maamulkooda. Dowladdii boqortooyada Iiraan oo aragtidaa la qabtay ayaa mar walba waxay il gaar ah ku eegeysay dhaqdhaqaaqa shuuciyadda ee degaanka, talooyinkana wax ku lahayd. Dowladahan ayaa khatar u arkay xoogeysiga ciidamada Soomaaliyeed iyo qalabkooda. Waxaa kale oo ay cabsi ka qabeen foofka aragtida shuuciyadda iyo joogitaanka Soofyeetiga xeebaha  Soomaaliya. Dowladahaas oo raad xoog badan ku lahaa bur-burkii Soomaaliya ayaanan degaanka ka lahayn dan dhaafsiisan maslaxaddooda gaarka ah.

Heesihii wadaniga ahaa ee ka bixi jirey idaacadda raadiyo Muqdishow waxaa kamid ahaa hees ay abwaanadu ku magacaabeen Gobanimo, taas oo ereyadeedii uu kamid ahaa :

Gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesigayeey
Gobanimadu waa geed aan fuley goosan mirihiisayeey
Gobanimadu waa geed aan gaal iyo islaan gacalo kuu siineey
Gobanimadu waa geed ninkii gelin harsada eedi garab taaleey

Sanadkii 1975-kii, waxaa cirka isku shareeray cabsidii laga qabay hubeynta geeska Afrika. Soomaaliya waxay noqotay dhimbil hureysa oo kuleylkeeda ay dareensadaan dowlado inoo dhow iyo kuwo inaga dheer. Kasokow jabhadaha aanu ka qeyb qaadanay hubeyntooda ee dacallada qaaradda Afrika, waxaa jiray Ururu ciidamo ah oo sanadkaas bilowgiisii ay Soomaaliya u dirtay Geni-Bisaw. Taasi waxay ka dambeysay markii niman calooshood u-shaqeystayaal ah, ay af-gembi kula wareegeen taladii dalka. Ciidamada Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Koosaar ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo celiyaan dowladdii, isla markaasna ay xasiliyaan sharcigii iyo kala danbeyntii. Isla sanadkaas, wasiirkii dibadda Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad, mar uu booqasho ku tegey dalka Saambiya ayuu wariyayaasha u sheegay, in maamulka Roodeesiya (Simbaabwe), haddii uusan ka harin xad-gudbka dalka Saambiya, markaa Soomaaliya ay keeneyso xuduudda Saambiya ciidamo Soomaaliyeed ee ilaaliya.   

Inkasta oo arimahaasi ay kamid ahaayeen waxa kordhiyay xiisaddii Dagaalka Qabow ee ku wajahaneyd geeska Afrika, misana arintu waxay cuslaatay bartamihii sanadkaas, markii hey´adda sir-doonka ee Mareekanka CIA, ay si rasmi ah uga war-heeleen in Soofyeetigu ay Berbera ka sameysteen fariisimo ciidameed,[Guji Halkaan], kadib markii halkaas ay keeneen qalab culus. Taasi waxay ka dambeysay duulimaad ay sameysay dayuuradda wax basaasta ee  nooceedu yahay U-2s. Duulimaadkaas oo xog-raadis ahaa ayaa wuxuu dhacay bishii juun 1975-kii, waxaana lala soo beegsaday degmada Berbera dusheeda. Waxaa halkaas lagu tuhunsanaa saldhig ciidameed oo Soofyeetigu uu ka dhisay meel Berbera u dhow. Hubka uu Soofyeetigu halkaas keenay waxay ahaayeen gantaallada tiirada gaaban, nooca lagula diriro maraakiibta. Waxaa kale oo uu ka dhisay bakhaaro dhulka hoostiisa ah oo gantaallada iyo qaraxyadooda lagu qariyo laguna keydiyo. (Aerial Espionage. Secret Intelligence Flights by East and West. Dick van der Aart, Airlife Publishing Ltd., England, 1985, p. 42).

Waxaa intaa u weheliyay raadaar weyn oo halkaas la dhigay, kaas oo lagala socdo  maraakiibta ku gooshaya badda Cas iyo jahooyinkooda. Waxaa kale oo Berbera laga dhisay gegi dayuuradeed oo casri ah, taas oo ay soo caga dhigan karaan dayuuradaha xamuulka culus, isla markaasna leh dhowr garoon oo ay mar qura ka kici karaan dhowr dayuuradood oo is feer rooraya. Waxaa halkaas la dhigay kala bar gantaalladii (SAM - 3 iyo SAM - 4) oo ay lahaayeen ciidanka difaaca cirka Soomaaliyeed. Inkasta oo dhismayaasha iyo hubka halkaa yiil ay dhamaantood ku magacawnaayeen hanti ay leeyihiin ciidamada Soomaaliyeed, misana waxay noqdeen qodob culus oo geeska Afrika u soo jeediya indhaha dowladaha caalamka.

Booqashadii uu Jaalle Siyaad ku tegay xarunta J.Q. ka Dh dabayaaqadii sanadka, waxay si gaar ah ayay isugu arkeen madaxweynihii Mareekanka Girald Ford. Qodobka ugu hilan cuslaa wada-hadalkooda ayaa ahaa arinta Berbera. Soomaaliya waxay markaa ogolaatay in wafdi Mareekan ah uu soo booqdo magaalada Berbera iyo hareereheeda. Qalabkii cuslaa ee halkaa yiil ayaa la raray inteeyan iman wafdiga. Taasi waxay sababtay in la waayo wax raad ah oo tilmaamaya saldhig ciidamo shisheeye. (Waxaan ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).

Waxaa xusid mudan, in 176 gantaal ay halkaa ku hareen markii ay dowladdii Soomaaliyeed burburtay. Si loo burburiyo gantaalladaas haraaga ah, dadka degaanka iyo maamulkooda, waxaa gacan ka siiyay hey´ad ka socotay dalka Danmark. Hey´addaas oo magaceeda la yiraahdaa DDG (Danish Demining Group), waxay howshaas qabatay bilowgii sanadkii 2002.

Jeneraal Maxamad Cali Samantar, Taliyihii ciidamada Soomaaliyeed, oo aan ka wareysanay saldhiggii xilligaas caalamku dareensaday ee Berbera, wuxuu ku jawaabay sidan :

" Saldhig ciidameed, macnaheedu waxaa weeye, waa meel lamid ah dhul ka baxsan xuduudda aad leedahay, halkaas  oo uusan geli karin qof u dhashay dalka laga sameystay. Waayo waa dhul kaa baxay oo gacantaada aanan ku jirin. Wixii kaa soo galaana, raggaa fadhiya ayaad kala xaajooneysaa. Iyaga ayaadna u mareysaa.   ................   . Heshiiska aanu Ruushka la galnay wuxuu lamid ahaa midkii aanu goor danbe la galnay Mareekanka. Mana ahayn saldhig ciidan ee wuxuu ahaa adeegsi xilli ku eg oo nala weydiisanayay ". (Waxaan ka soo xiganay Jeneraal Maxamad Cali Samantar oo aanu khadka taleefanka ku wareysanay, Stockholm - Filadelfia, 9/5- 2004).

Dowladda Mareekanka waxaa xilligaas cusleeyay fadeexado siyaasadeed, taas oo u diiday in sidii lagu yiqiin ay uga hor tagto foofka Soofyeetiga. Fadeexaddii lamagac baxday Watergate Scandle iyo jabkii kharaaraa ee ciidamadooda ay kala kulmeen dagaalkii Fiyetnaam, ayaa culeys xoogan ku reebey siyaasaddii dibadda ee Mareekanka. Taasi waxay kalliftay in ay ka didaan  tijaabo kale oo eeyan garanayn waxa ka dhalan doona. Sidaa darteed baa dagaalkii Fiyetnaam dabadeed, duqeydii Kongreeska waxay ansixiyeen qodob tilmaamaya in la xadeeyo xoriyadda madaxweynaha uu ku maamulayo siyaadda dibadda. Waa qodobkaas midkii u diiday madaxweynohoodii ahaa Girald Ford in uu Angoola u diro ciidamo ka hor-taga ciidamada Kuuba oo u dagaalamayay jabhaddii shuuciyadda ahayd, ee sanadkii 1975-kii halkaa ka dirireysay. Arin kale ayaa jirtay oo kalliftay in Mareekanka uu ka gaabsado loolanka Soofyeetiga ee ku wajahan Afrika. Waxay ahayd dowladaha qaaradda oo badankoodu xiriir la leh dowlado reer galbeed ah oo Mareekanka la saaxiib ah sida Ingiriis iyo Faransiis.

Doorashadii ka dhacday Ameerika sanadkii 1975-kii, waxaa ku guuleystay Jimmy Carter oo nin qunyar socoda ahaa. Dowladdan cusubi waxay markiiba yeelatay laba kooxood oo ku legdama caynaanka siyaasadeed ee lagaga hor tegayo siyaasadda Soofyeetiga ee Afrika. Qolo waxaa hor kacayay Andrei Yang oo ahaa danjiraha u fadhiya Mareekanka J.Q. ka Dh. Wuxuu ahaa wadaad madow oo nabadda jecel. Aragtida ay kooxdan qabeen waxay ahayd in Soofyeetiga faraha la daayo meeshii uu doono faraha ha la galee. Waxay aamin-sanaayeen in uu ugu danbeyn faraha kaga guban doono sidii ay iyaguba Fiyetnaam ugu gubteen. Qolada kale waxaa hor kacayay la taliyihii madaxweyne J. Carter xagga amniga Zebgniew Brezezinski. Wuxuu kamid yahay ragga bahallada ah ee xilligoodii curiyay naqshadaha dagaallada aduunka saddexaad. Inkasta oo kooxdan ay la qabtay aragtida kooxda hore, misana waxay tilmaamayeen, haddii Soofyeetiga laga aamuso in uu markaas abuuri karo cimilad wanaagsan oo mustaqbalka u hiilisa foofka shuuciyadda.

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.