 |
|
Dr
Enow
|
Bartamihii
sanadihii 1970-aadkii, kadib markii dhowr sanadood
laga nasatay shiddadii ay wateen colaadihii dunida
gilgilay ee ka aloosmay bariga fog (Fiyetnaam) iyo
bariga dhexe (Carab & Israa’iil) ayaa qaaradda
Afrika waxaa ka bilaabatay dabayl hor leh ee hurisa
dhimbilihii Dagaalkii Qaboobaa. Gaar ahaan geeska
Afrika waxaa lushay shiraacii is xag-xagashada siyaasadeed
ee dowladaha waaweyn. Waxaa ku weheliyay dowlado badan
oo xiiso ka muujiyay hardankii halkaas ka dhacay.
Dowladahaas ayaa si toos ah iyo si dadban uga qeyb
qaatay mashaqadii Dagaalkii Ogaadeenya.
Dowladda
Midowga Soofyeeti waxay ahayd midda ugu itaalka rooneyd
jilayaashii riwaayadihii lagu tallaalay mushkiladda.
Waxay degaanka ka lahayd hadaf istraateeji ah kaas
oo ku kallifayay in ay sanad walba buuxiso inta badan
dalabaadka ciidamada Soomaaliya. Ruushku wuxuu u gur-guuranayay
himilo fog oo ah in uu reer galbeedka ka hor istaago
hantida ceyriin ee qaaradda Afrika ku dihan. Waxaa
u muuqatay tijaabadii ay dowladaha carbeed ku guuleysteen
sanadkii 1973-kii, markaas oo ay ku tallaabsadeen
in ay batroolka u adeegsadaan dagaalka ay kula jireen
dowladda Israa’iil. Waddamada Carabta, ayaa sanadkaas
dabayaaqadiisii xayiray batroolka ay ka iibiyaan dowladaha
reer galbeedka. Taasi waxay sababtay in ay curyaanto
noloshii dowladahaas. Waxaa kale oo Soofyeetigu uu
arkayay waddooyinka istraateejiga ah ee qaaradda Afrika
ay leedahay, halkaas oo inta badan, gaadiidka ganacsiga
caalamiga ah uu ku qulqulo.
Damacaas
ballaaran ee xilligaas ku dhashay madaxdii Soofyeetiga
waxaa inoo cadeynaya maqaal ku soo baxay wargeyskii
(Pravda) ee ku hadli jirey codka xisbigii shuuciga
ahaa ee dalka Soofyeetiga ka talin jirey. 14/ 4- 1975-kii,
wargeyskaas ayaa wuxuu qoray maqaal ay qormadiisii
kamid ahayd sidan :
"
Dhibaatada ay dhaliyeen shidaalka iyo hantida
ceyriinka ah ee gilgishay caalamka hanti-goosiga,
qeybtii hore ee sanadaha 70-aadka, waxay xoojisay
dowrkii ay hantidaasi ka cayaari lahayd dhaqaalaha
aduunka. Hantidaasi ayaa u muuqatay mid leh tilmaam
siyaasad-dowladeed oo khatar ah, taas oo aanan wax
lamid ah horay loo arag ". (Al-Siyaasa
Al-Dowliya. Tirsiga 54-aad. p. 47 ).
Masuul
Soofyeeti ah ayaa isna hadal ku darsaday maqaalkii
wargeyska oo yiri :
"
Xayiraaddii batroolka, waxay tusaale wanaagsan u soo
bandhigtay dowladaha soo koraya ee ku hodanka ah kheyraadka
dabiiciga ah iyo miraha beeraha ka soo go’a. Qaaradda
Afrikana waxaa qiimigeedii kordhiyay caalamka hanti-goosiga
ah ee wax soo saarka uu ku sii badanayo ".
(Ibid.
p. 47).
Reer galbeedka oo uu
Mareekanku u weyn yahay, qudhoodu ma eeyan moogayn
yoolka istraateejiga ah ee uu Ruushku ka hadlay.
Bishii disember 1974-kii, guddi sare ee dowladda
Mareekanka u qaabilsan siyaasadda dhaqaale-dowladeedka
ayaa fadhi ku qaatay magaalo madaxda Washington. Go’aan
ay guddigu u soo gudbiyeen aqalka Cad ayaa wuxuu ahaa
sidan :
"
Dowladda Mareekanka waxay si muddo dheer oo mustaqbalka
ah ugu tiirsan tahay dowlado dhowr ah oo Afrikaan
ah, kuwaas oo ay ka soo qaadato kheyraadka dabiiciga
ah. Waxaa arintaas ku xiran nabadgelyada ummadeed
ee Mareekanka iyo wax soo saarka waershadeheena
". (Ibid.
p. 48 ).
Waxaa
hubaal ah in dowladaha Yurub iyo Jabaan ay uga baahi
badnaayeen dalka Mareekanka, kheyraadkaas qaaraddu
leedahay. Sidaa darteed khal-khal kasta oo ku yimaada
xiriirada ay dowladahaasi ku helayaan kheyraadkaa
ceyriin, wuxuu dhibaato weyn u keeni karaa socodsiinta
nolosha dadkooda.
Waxaa
kale oo Soofyeetigu uu xiiso u hayay in uu ka taliyo
waddooyinka biyaha qaaradda, halkaas oo ay sii maraan
maraakiibta ganacsiga ee reer galbeedku leeyihiin.
Hantida ceyriinka ah oo ay u baahan yihiin wershadaha
reer galbeedka, 60 % ayaa waxay sii maraan biyaha
qaaradda Afrika. Waxaa kale oo halkaas mara 80 % batroolka
ay ka qaataan dowladaha Khaliijka iyo Iiraan. Marka
laga reebo maraakiibta waaweyn ee taangiyada ah (Oil
Tankers) ee boqollaalka kun oo tan ee batroolka
ah xambaarsan, hantidaasi waxay sii martaa geeska
Afrika. Maraakiibta waaweyn ee aanan mari karin biya-mareenka
Suweys, waxay ka weecdaan raaska koonfurta Afrika
cape of the good hope. Biyaha badda Cas ee
ku beegan geeska Afrika, 24-kii saac oo walba waxaa
mara maraakiib sida qiyaastii 400.000 oo barmiil oo
batrool ah, kuwaas oo ku sii jeeda Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika. Waa sababtaas midda ay dowladihii ina gumeeyay
isu hor taageen in la hor mariyo dhismo-hoosaadka
degmooyinka ku yaal xeebaha waqooyi bari iyo waqooyi
galbeed ee Soomaaliya.
Dadaalkii
madaxda Soofyeetiga ay ku bixiyeen yoolkan istraateejiga
ah, waxay ka muuqatay dowladaha Afrikaanka ah oo ay
xiriirka la lahaayeen xilligaas, kuwaas oo dhamaantood
ahaa kuwo ku yiil dhul xeeb leh. Marka laga reebo
dowladda Ugaandha, Ruushku wuxuu xilligaas xiriir
la yeeshay dalalka kala ah :
Soomaaliya, Tansaaniya,
Muusambiik, Angoola, Koongo Braasifiil, Ekwatoorial
Geni, Siralyoon iyo Geni Bisaw, kuwaas oo dhamman
ku jeeda xeebaha qaaradda.
Arin
kale oo ka qeyb-qaadatay kuleylka xilligaas ka shidmay
geeska Afrika ayaa waxay ahayd, shirkad Mareekan leeyahay
oo kamid ah kuwa batroolka baara ayaa gobolka Ogaadeenya
waxay ka bilowday howlo ay ku baadi-goobayso shidaalka
halkaas ku jira. Bishii febraayo 1973-kii ayaa shirkaddu
waxay degaanka ka heshay dhul uu ceegaago batrool
badan. Meesha ay shirkaddu fagatay waa dhul 30 km
oo qura u jira xuduudda waqooyi ee Soomaaliya. Dowladda
Itoobiya ayaa markaas xuduuddeeda waxay soo dhoobtay
ciidamo badan, iyada oo ku andacoonaysa in ay ilaalinayso
amaanka shirkadda iyo shaqaalaheeda. Dowladda Soomaaliyeed
oo markasta xasaasiyad ka qabtay dhaq-dhaqaaqa ciidamada
Itoobiya, waxay arintaas kaga jawaabtay in ay dhankooda
ciidamo geeyaan.
Boqorkii
Itoobiya Xayle
Selassie
ayaa markaas cabasho u diray Mareekanka, oo markaas
si wanaagsan u garanayay xujooyinka loojiistikada
ah oo uu ku difaacayo Itoobiya. Mareekanka oo weligiis
ka soo horjeeday hubeynta Soomaaliya ayaa wuxuu
ogaa in Soomaaliya ay yeelatay awood ay kaga tallaabsan
karto xuduudda dheer oo ay Itoobiya la wadaagto. Bilowgii
sanadkii 1974kii, waxaa labada dal ka abuurmay cimilo
colaadeed ee xoogan, waxayse ku hakatay af-gembigii
ay ciidamadii Itoobiya kula wareegeen taladii dalka.
(Ibid.
p. 49 ).
Mareekanka
iyo xulufadiisa ayaa sanadahaas dareensaday xiriirka
sii xoogoobaya ee Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Dowladaha
Mareekanka la qabay wal-walka, waxaa ugu weynaa Farasa
iyo Ingiriis. Faransiiska wuxuu ahaa dowladda keliya
ee xilligaas fariisimo ciidan ku lahayd degaanka.
Waxay lahaayeen 12 maraakab oo kuwa ciidamada ah ee
si joogto ah u kala goosha Jabuuti iyo degmada
Le-Rinion. Waxaa
weheliya laba markab oo kuwa dayuuradaha xambaara
oo magacooda la yiraahdo Vorsan iyo Kalminsou.
Ingiriisku, waxuu fariisimo ciidanka cirka ku lahaa
Keenya, maraakiibta ciidamada badda ee boqortooyadana
sanad walba dhowr jeer ayay degaanka soo booqan jireen
(Mombasa).
Dowladaha
la deriska ah geeska Afrika ee ku sidkanaa siyaasadda
Mareekanka waxaa ugu xoog weynaa Iiraan. Xilligaas
waxaa lagu tilmaami jirey in ay degeenka ka ahayd
biliis ilaaliya danaha Mareekanka. Iyada iyo boqortooyada
Sacuudiga ayaa reer galbeedka waxay la wadaageen wal-walka
hubeynta Soomaaliya iyo xiriirka xoogoobaya ee ka
dhex abuurmay Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Xilligaa
wixii ka horeeyay dowladda Sacuudigu waxay ahayd mid
qun-yar socod ah. Siyaasaddeeda dibadda ma eeyan dhaafsiisnayn
ilaalinta xasilloonida khaliijka iyo faafinta diinta
Islaamka oo ahayd tilmaamta jiritaankeeda.
Kadib
markii la dilay boqor Feysal
bin Cabdulcasiis, waxaa dhaxalkii la wareegay
Khaalid bin Cabdicasiis
oo walaalkiisii xigay ahaa. Khaalid waa uu xanuunsanaa.
Sidaa darteed waxaa howsha waday Fahad
bin Cabdulcasiis, oo ahaa walaalkii ka yaraa.
Fahad wuxuu ahaa dhaxl-suge
modaraat ah. Markaas ayaa maamulkii boqortooyada wuxuu
bilaabay in uu dowr muuqda ka cayaaro siyaasadda dibadda.
Tallaabadii ugu horeysay oo ay qaadaan baa waxay ahayd
mid ay ku daneynayeen xaaladda degaanka. Meeshii ugu
horeysay oo ay ku fushay waxay ahayd geeska Afrika
(Soomaaliya). Waxaa arintaa raali uga ahaa Mareekanka,
oo doonayay in uu sii xoojiyo xiriika Sacuudiga, si
ay dowladaha kale uga hesho xiriir wanaagsan.
Waxaa
xusid mudan in kororka soo saarka batroolka Sacuudiga,
oo xilligaas aad u xoogoobay, uu ahaa qodob xoojinayay
xiriirka ay lahaayeen labada dowlad (Boqrtooyada Sacuudiga
& USA). Sanadkii 1974-kii Sacuudigu waxay soo
saareen batrool qiimihiisu dhan yahay 24.8 milyaar
oo doollar. Sanadkii 1976-kii waxay soo saareen 33.3
milyaar oo doollar. Sidaa darteed baa deyn-siinta
iyo deeq-bixisku ay ahaayeen qodobada ugu hilan cuslaa
ee hagayay siyaasadda dibadda ee Sacuudiga.
Aragtida
ay dowladda Sacuudigu xilligaas ka qaadatay geeska
Afrika, wuxuu taageeray tii ay reer galbeedku qabeen
oo ahayd in Ruushka laga dheereeyo gobolkaas, isla
markaa degaanka laga abuuro dowlado qun-yar socod
ah oo aan khatar ku hayn nabadgelyadooda dowladeed
iyo waddooyinka ay sii maraan ganacsigooda. Sucuudigu
waxaa u muuqatay wax-tarka ay arintaasi u leedahay
xasilloonida degaanka, gaar ahaan maamulkooda. Dowladdii
boqortooyada Iiraan oo aragtidaa la qabtay ayaa mar
walba waxay il gaar ah ku eegeysay dhaqdhaqaaqa shuuciyadda
ee degaanka, talooyinkana wax ku lahayd. Dowladahan
ayaa khatar u arkay xoogeysiga ciidamada Soomaaliyeed
iyo qalabkooda. Waxaa kale oo ay cabsi ka qabeen foofka
aragtida shuuciyadda iyo joogitaanka Soofyeetiga xeebaha
Soomaaliya. Dowladahaas oo raad xoog badan ku
lahaa bur-burkii Soomaaliya ayaanan degaanka ka lahayn
dan dhaafsiisan maslaxaddooda gaarka ah.
Heesihii
wadaniga ahaa ee ka bixi jirey idaacadda raadiyo Muqdishow
waxaa kamid ahaa hees ay abwaanadu ku magacaabeen
Gobanimo, taas oo ereyadeedii uu kamid ahaa :
Gobanimadu waa geed ku
baxa dhiiga geesigayeey
Gobanimadu waa geed aan
fuley goosan mirihiisayeey
Gobanimadu waa geed aan
gaal iyo islaan gacalo kuu siineey
Gobanimadu waa geed ninkii
gelin harsada eedi garab taaleey
Sanadkii
1975-kii, waxaa cirka isku shareeray cabsidii laga
qabay hubeynta geeska Afrika. Soomaaliya waxay noqotay
dhimbil hureysa oo kuleylkeeda ay dareensadaan dowlado
inoo dhow iyo kuwo inaga dheer. Kasokow jabhadaha
aanu ka qeyb qaadanay hubeyntooda ee dacallada qaaradda
Afrika, waxaa jiray Ururu ciidamo ah oo sanadkaas
bilowgiisii ay Soomaaliya u dirtay Geni-Bisaw. Taasi
waxay ka dambeysay markii niman calooshood u-shaqeystayaal
ah, ay af-gembi kula wareegeen taladii dalka. Ciidamada
Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Gaashaanle
Koosaar ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo
celiyaan dowladdii, isla markaasna ay xasiliyaan sharcigii
iyo kala danbeyntii. Isla sanadkaas, wasiirkii dibadda
Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad,
mar uu booqasho ku tegey dalka Saambiya ayuu wariyayaasha
u sheegay, in maamulka Roodeesiya (Simbaabwe), haddii
uusan ka harin xad-gudbka dalka Saambiya, markaa Soomaaliya
ay keeneyso xuduudda Saambiya ciidamo Soomaaliyeed
ee ilaaliya.
Inkasta
oo arimahaasi ay kamid ahaayeen waxa kordhiyay xiisaddii
Dagaalka Qabow ee ku wajahaneyd geeska Afrika, misana
arintu waxay cuslaatay bartamihii sanadkaas, markii
hey´adda sir-doonka ee Mareekanka CIA, ay si
rasmi ah uga war-heeleen in Soofyeetigu ay Berbera
ka sameysteen fariisimo ciidameed,[Guji
Halkaan], kadib markii halkaas ay keeneen
qalab culus. Taasi waxay ka dambeysay duulimaad ay
sameysay dayuuradda wax basaasta ee nooceedu
yahay U-2s. Duulimaadkaas oo xog-raadis ahaa ayaa
wuxuu dhacay bishii juun 1975-kii, waxaana lala soo
beegsaday degmada Berbera dusheeda. Waxaa halkaas
lagu tuhunsanaa saldhig ciidameed oo Soofyeetigu uu
ka dhisay meel Berbera u dhow. Hubka uu Soofyeetigu
halkaas keenay waxay ahaayeen gantaallada tiirada
gaaban, nooca lagula diriro maraakiibta. Waxaa kale
oo uu ka dhisay bakhaaro dhulka hoostiisa ah oo gantaallada
iyo qaraxyadooda lagu qariyo laguna keydiyo. (Aerial
Espionage. Secret Intelligence Flights by East and
West. Dick
van der Aart, Airlife Publishing Ltd., England, 1985,
p. 42).
Waxaa
intaa u weheliyay raadaar weyn oo halkaas la dhigay,
kaas oo lagala socdo maraakiibta ku gooshaya
badda Cas iyo jahooyinkooda. Waxaa kale oo Berbera
laga dhisay gegi dayuuradeed oo casri ah, taas oo
ay soo caga dhigan karaan dayuuradaha xamuulka culus,
isla markaasna leh dhowr garoon oo ay mar qura ka
kici karaan dhowr dayuuradood oo is feer rooraya.
Waxaa halkaas la dhigay kala bar gantaalladii (SAM
- 3 iyo SAM - 4) oo ay lahaayeen ciidanka difaaca
cirka Soomaaliyeed. Inkasta oo dhismayaasha iyo hubka
halkaa yiil ay dhamaantood ku magacawnaayeen hanti
ay leeyihiin ciidamada Soomaaliyeed, misana waxay
noqdeen qodob culus oo geeska Afrika u soo jeediya
indhaha dowladaha caalamka.
Booqashadii
uu Jaalle Siyaad ku
tegay xarunta J.Q. ka Dh dabayaaqadii sanadka, waxay
si gaar ah ayay isugu arkeen madaxweynihii Mareekanka
Girald Ford. Qodobka
ugu hilan cuslaa wada-hadalkooda ayaa ahaa arinta
Berbera. Soomaaliya waxay markaa ogolaatay in wafdi
Mareekan ah uu soo booqdo magaalada Berbera iyo hareereheeda.
Qalabkii cuslaa ee halkaa yiil ayaa la raray inteeyan
iman wafdiga. Taasi waxay sababtay in la waayo wax
raad ah oo tilmaamaya saldhig ciidamo shisheeye.
(Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal,
Dubai, 10/ 4- 2004).
Waxaa xusid
mudan, in 176 gantaal ay halkaa ku hareen markii ay
dowladdii Soomaaliyeed burburtay. Si loo burburiyo
gantaalladaas haraaga ah, dadka degaanka iyo maamulkooda,
waxaa gacan ka siiyay hey´ad ka socotay dalka Danmark.
Hey´addaas oo magaceeda la yiraahdaa DDG (Danish
Demining Group), waxay howshaas qabatay bilowgii
sanadkii 2002.
Jeneraal
Maxamad Cali Samantar,
Taliyihii ciidamada Soomaaliyeed, oo aan ka wareysanay
saldhiggii xilligaas caalamku dareensaday ee Berbera,
wuxuu ku jawaabay sidan :
"
Saldhig
ciidameed, macnaheedu waxaa weeye, waa meel lamid
ah dhul ka baxsan xuduudda aad leedahay, halkaas oo
uusan geli karin qof u dhashay dalka laga sameystay.
Waayo waa dhul kaa baxay oo gacantaada aanan ku jirin.
Wixii kaa soo galaana, raggaa fadhiya ayaad kala xaajooneysaa.
Iyaga ayaadna u mareysaa. ................
. Heshiiska aanu Ruushka la galnay wuxuu lamid ahaa
midkii aanu goor danbe la galnay Mareekanka. Mana
ahayn saldhig ciidan ee wuxuu ahaa adeegsi xilli ku
eg oo nala weydiisanayay
".
(Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Maxamad Cali Samantar oo aanu
khadka taleefanka ku wareysanay, Stockholm - Filadelfia,
9/5- 2004).
Dowladda
Mareekanka waxaa xilligaas cusleeyay fadeexado siyaasadeed,
taas oo u diiday in sidii lagu yiqiin ay uga hor tagto
foofka Soofyeetiga. Fadeexaddii lamagac baxday
Watergate Scandle iyo jabkii kharaaraa ee ciidamadooda
ay kala kulmeen dagaalkii Fiyetnaam, ayaa culeys xoogan
ku reebey siyaasaddii dibadda ee Mareekanka. Taasi
waxay kalliftay in ay ka didaan tijaabo kale
oo eeyan garanayn waxa ka dhalan doona. Sidaa darteed
baa dagaalkii Fiyetnaam dabadeed, duqeydii Kongreeska
waxay ansixiyeen qodob tilmaamaya in la xadeeyo xoriyadda
madaxweynaha uu ku maamulayo siyaadda dibadda. Waa
qodobkaas midkii u diiday madaxweynohoodii ahaa
Girald
Ford
in uu Angoola u diro ciidamo ka hor-taga ciidamada
Kuuba oo u dagaalamayay jabhaddii shuuciyadda ahayd,
ee sanadkii 1975-kii halkaa ka dirireysay. Arin kale
ayaa jirtay oo kalliftay in Mareekanka uu ka gaabsado
loolanka Soofyeetiga ee ku wajahan Afrika. Waxay ahayd
dowladaha qaaradda oo badankoodu xiriir la leh dowlado
reer galbeed ah oo Mareekanka la saaxiib ah sida Ingiriis
iyo Faransiis.
Doorashadii
ka dhacday Ameerika sanadkii 1975-kii, waxaa ku guuleystay
Jimmy Carter oo
nin qunyar socoda ahaa. Dowladdan cusubi waxay markiiba
yeelatay laba kooxood oo ku legdama caynaanka siyaasadeed
ee lagaga hor tegayo siyaasadda Soofyeetiga ee Afrika.
Qolo waxaa hor kacayay Andrei
Yang
oo ahaa danjiraha u fadhiya Mareekanka J.Q. ka Dh.
Wuxuu ahaa wadaad madow oo nabadda jecel. Aragtida
ay kooxdan qabeen waxay ahayd in Soofyeetiga faraha
la daayo meeshii uu doono faraha ha la galee. Waxay
aamin-sanaayeen in uu ugu danbeyn faraha kaga guban
doono sidii ay iyaguba Fiyetnaam ugu gubteen. Qolada
kale waxaa hor kacayay la taliyihii madaxweyne
J.
Carter
xagga amniga Zebgniew
Brezezinski.
Wuxuu kamid yahay ragga bahallada ah ee xilligoodii
curiyay naqshadaha dagaallada aduunka saddexaad. Inkasta
oo kooxdan ay la qabtay aragtida kooxda hore, misana
waxay tilmaamayeen, haddii Soofyeetiga laga aamuso
in uu markaas abuuri karo cimilad wanaagsan oo mustaqbalka
u hiilisa foofka shuuciyadda.