|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XIII-aad

Dr Enow
Xilligaas, siyaasadaha Carri-edeg ee geeska Afrika la ciiray, waxaa kale oo dacal ka taagnaa dalka Masar oo weligiis masaalix istraateeji ah ka laa degaanka geeska. Xiisaha taariikheed kasokow, Masaaridu waxay Soomaaliya u arkayeen meel saldhig u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalkooda. Badda Cas oo ah mid miisaan culus ku leh isu socodka dadyowga ku dhaqan dunida ayaa waxay tahay mid si gaar ah u xiriirisa Soomaaliya iyo Masar. Taariikhda aadanaha laguma hayo bad ka dagaalo badan badda Cas. (halkaan ka eeg Map-ka Badda Cas) Taasna waxaa u sabab ah xiriirka ay ka dhex sameyso badweynta Hindiya iyo badda Dhexe oo labaduba yihiin kuwo ku yaal meel xudun u ah qaaradaha dhulka.

Siyaasadaha casriga ah, badda Cas waxay urursatay maasaalix kala duwan oo ay ku daneeyaan dowladaha waaweyn. Waa bad kulansatay dano dhaqaale, dano siyaasad, dano ciidan iyo dano istraateejiyad.

Badda Cas waxaa la deris ah dadyow kala aaminsan diimaha la soo dejiyay ee saddexda ah (Islaam, Masiixiyad iyo Yuhuudiyad). Waxaa xilligaas xeebo ku lahaa toban  dowladoodoo kala siyaasado ah. Waxay ahaayeen Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Suudaan, Masar, Israa段il, Jordan, Sacuudi, Yamanta Waqooyi iyo Yamanta Koonfureed. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay baddaas ku leedahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 600 km. Soomaaliya waxay wakhtigaas waxay ahayd midda ugu xoog weyneed dowladaha xukuma albaabka koonfureed ee badda Cas, kaas oo ku xiriiriya badweynta Hindiya. Masar ayaa iyana xukunta biya-mareenka Suweys ee ku yaal albaabka waqooyi ee badda Cas, kaas oo ku xiriiriya badda Dhexe.

Waxaa kale oo jira in inta badan biyaha webiga Niil, oo saldhig u ah nolosha Masar, ay ka soo hoobtaan buuraha ku yaal galbeedka Itoobiya. Masaaridu waxay garanayaan in siyaasadda Soomaaliya ay si toos ah raad ugu yeelan karto adeegsiga biya-mareenka Suweys iyo xakameynta biyaha macaan ee ku yaacaya dhulkooda. Sidaa darteed, siyaasadda dowladda Masar oo ku salaysan ilaalada maslaxaddeeda ayaa waxay ahayd mid ka dhex muuqatay marxaladihii kala duwanaa oo ay Soomaalidu la mareen qadiyaddooda. Masaaridu waxay markaas siteen anshax diblomaasiyadeed oo miisaaman, kaas oo ay ku ilaashaneyeen danaha ay ka lahaayeen labada dowlad ee muranku dhex yiil (Soomaaliya & Itoobiya). Yoolka ay tooganayeen wuxuu ahaa in Ruushka laga dheereeyo geeska Afrika, Itoobiyana laga yeelo dowlad taag-daran oo aan si buuxda uga faa段ideysan karin ila-biyoodka ay dul-joogto.

Dowladda Israa段il ayaa qudheedu, xilligaas xiiso gaar ah u qabtay guud ahaan qaaradda Afrika, kaas oo isugu jirey qodob siyaasadeed, qodob dhaqaale iyo qodob istraateejiyadeed. Qodobka ugu horeeya ee siyaasadda, wuxuu ahaa mid ay ku daba taagneyd in ay ka baxdo ciriiriga ay geliyeen dowladaha carbeed, si markaas ay u hesho saaxiibo u cududeeya marka leysugu yimaado golayaasha caalamiga ah. Siyaasi u dhashay dalka Israa段il ayaa arintaas xusay mar uu qoray sidan :

" Dowladda Israa'iil, qaaradda Afrika kama ay heyso howlo sama-fal ah. Bal maslaxadda saldhigga ah oo ay leedahay waxaa weeye in ay jebiso cuna-qabateynta dowladaha carabta, in ay ballaariso xiriirkeeda dowliga ah iyo in ay hesho dowlado xushmad ku leh carabta dhexdeeda, kuwaas oo Israa'iil uga ergeeya carabta, wakhtigii ay haboonaato ". (Al-Siyaasa Al-Dowliya. Tirsiga 54-aad. p. 52).

Qodobka dhaqaalaha, waxay doonayeen in ay soo jiitaan seyladaha ballaaran oo ay qaaraddu leedahay, maadaama ganacsigoodii uu u gudbi waayay seyladihii carbeed. Sidaa darteed waxay si sahlan ugu guuleysteen in ay Afrika la yeeshaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo ay qaaradda ugu dhoofiyaan waxyaabaha ay wershadaha Israa段il soo saaraan. Waxaa kale oo ay diraan rag isugu jira khubaro iyo farsamo-yaqaano, si ay u kaalmeeyaan daowladaha ay xiriirka la yeesheen. Islamarkaas Israa段iliyiintu waxay Afrika ka soo dhoofsadaan hantida ceyriin oo ay qaaraddu hodan ku tahay ee sicirka jaban.

Qodobka istraateejiyadda ah ayaa wuxuu ahaa danta ugu hilan cusleyd, welina ugu hilan culus. Wuxuu ahaa mid si xoogan ay ugu xireen nabadgelyada iyo xasilloonida dalkooda. Israa段iliyiintu waxaa u muuqatay, ciidan xoogan oo laga abuuro degaanka badda Cas, haba laga gacan sareeyee, in ay ku gaari karaan hadaf u saldhig ah nabadgelyada dalkooda. Ahmiyadda ay biyaha badda Cas u lahayd jiritaanka dowladda Israa段il waxaa si wanaagsan uga faalooday qoraal uu dhigay abaanduulihii ciidamada Israa段il Jeneraal Shaloom Aara段il, bilowgii sanadkii 1974-kii. Jananku wuxuu qoray sidan :

" Wax baneynaya ma jiraan in aanu ka gaabsano ka-hadalka baahida aanu u qabno in badda Cas ay ahaato meel madax-bannaan. Halkaas waxaa inoo soo mara macaadinta aanu u baahanahay. Waxaa kale oo mara ganacsiga aanu la leenahay bariga fog, Awstraaliya iyo bariga Afrika. Badda Cas waa meel ay waxyeelo u geystaan isbedellada lama filaanka ah, sida markii biya-mareenka Suweys uu ka hakaday adeegii isu socodka ganacsiga. .......... .

Iskudeyga degaanka ee laynagu ciriiri gelinayo, ........ waxaanu kaga gudbi karnaa awooda teknolojiyadeed ee aanu leenahay, taas oo aanu ku higsan karno in aanu ahaano cunsur bad-maax ah ee ku gacan sareeya adeegsiga biyaha badda Cas. Baddatan oo waagii hore ahayd meel ay Israa'iil ku liidatay, waxaa suurogal ah in ay noqoto goob Israa'iil looga danbeeyo xilliyada dagaalka. ........ ". (Ibid. p. 52-53).

Sidaas baa Israa段il waxay goor hore ku dhaqaaqday tallaabooyin kala duwan oo ay ku ilaashaneyso masaalixda ay ka leedahay Afrika iyo badda Cas. Geeska Afrika oo ahayd halka ugu milgaha culus oo ay daneynayeen ayaa islamarkaas wuxuu ahaa degaan daaqad ah oo ay kaga tallaabsato sidii ay u haleeli lahayd masaalixdaas kaga xiran qaaradda. Dowladda Itoobiya waxay noqotay fure ay Israa段iliyiintu gacan ku dhigeen. Waxay markiiba murashax u noqotay saaxiibka istraateejiga ah oo Israa'iil ay dooratay. Inkasta oo xiriirkoodu uu ku bilowday qarsoodi, misana waxay noqdeen laba dowladood oo isqaatay. Waxaa arintaas wax ka qorey Gold Ma'ir oo bilowgii iyo bartamihii 1970-aadkii ahayd raii痴ul-wasaare dowladda Israa段il.

" Xiriirka Israa段il iyo Itoobiya wuxuu ku bilowday si sir ah. Waxay safaarad inoo soo direen sanadkii 1961-kii. Dagaalkii 1956-kii ayaa wuxuu dhexdayada ka furey irido ciriiri ahaa. Markaas dabadeed ayaa maraakiibta Israa段il iyo dayuuradeheeda waxay awoodeen in ay dhisaan buundo ganacsi ee inoo dhexeeya. Isla markaas waxaanu u qabanay wixii hor u marin ah oo aanu awoodney ....... " (Saadiq Cabdoh. Qoraal uu ku difaacay shahaado PhD oo uu ugu magac daray Koonfurta Yaman iyo Geeska Afrika, Jaamacadda Qaahira, 2004. s. 103).

Waxaa jira arimo isku khasbaya wada socodka labada dowladood. Kasokow cabsida ay labada dowladood ka qabaan bulshada ballaaran ee Carabta ah ee ku hareereysan, waxaa jira aragti diineed oo saldhig u ah heshiiskooda. Itoobiya waa dalka keliya ee Afrikada madow oo ay ku nool yihiin qoysas Yahuud ah (Falaasha). Dadka xukunka hayana waxaa u diin ah mad-habta Orthodox-ka oo haysta kitaabkii hore old testament. Sidaa darteed in Israa段il ay la yeelato Itoobiya xiriir gaar ah, wuxuu ka yareynayaa culeyska kaga imanayay dhanka Carabta. Islamarkaas badda Cas oo taariikh ahaan ahayd balli carbeed, waxay noqoneysaa meel weligeed lala wadaago, maadaama Israa段il iyo itoobiya ay wax ku leeyihiin xeebaheeda. Sidaas baa Addis-ababa waxay ku noqotay, marka laga reebo degmada New York, magaalo ay ku nool yihiin diblomaasiyiinta Israa'iil ee ugu badan.

Xiriirka labadan dowladood ayaa bilowday bilowgii sanadihii 1950-aadkii. Si degdeg leh ayuu u kobcay isaga oo saameeyay dhamaan wejiyada nolosha, haba ugu cuslaatee tababarrada aqooneed iyo ganacsiga. Waxaanse cidna ka dahsooneyn in meesha ugu milgaha culus ay ahayd tababarka ciidamada, gaar ahaan manhajka ciidameed ee lagu caabinayay jabhadihii ku kacsanaa Itoobiya oo ay dhulkooda mahoobidey (Ogaadeenya iyo Ereteriya).

Dowladda Jarmalka-Bari ayaa iyaduna ku soo deg-degtay in ay xiriir la sameysato maamulkii kacaanka Soomaaliya. Jarmalka-Bari wuxuu markaa doonayay in uu ka baxo ciriiriga siyaasadeed ee kaga imanayay dowladdii la oran jirey Jarmalka-Galbeed. Waxaa jirey in dowladda isbahaysiga ah ee Jarmalka-Galbeed uu kala dirirayay Jarmalka-Bari in ay aqoonsi ka hesho dunida. Waayo waxay u arkeen in dalku yahay gobol uu Ruushku ka boobay iyaga.

Xiriirkii ugu horeeyay ee Jarmalka-Bari uu la yeesho dowlad Afrikaan ah wuxuu dhexmaray iyaga iyo Masar sanadihii 1960-aad. Taasi uma saamixin in uu u soo tallaabo Afrikada saxaraha ka hooseeya. Soomaaliya oo ahayd dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo xiriir la yeelata ayaa waxay u noqotay daaqad uu ka galo Afrika. Sanadkii 1971-kii ayuu bilowday xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka-Bari. Waxay markiiba bilaabeen in ay kacaankii Soomaalida u fidiso taageero kala duwan oo ay ugu cusleyd xagga ciidamada. Jarmalka-Bari wuxuu ka qeybqaatay dhismihii ciidamadii nabad-sugidda ee Soomaaliya. Wuxuu siiyey deeq waxbarasho oo isugu jira mid rayid iyo mid ciidan. Wuxuu dhisey xabsiyadii ay Soomaalidu wada maqleen ee 20-jirow iyo Laanta-buure, isga oo islamarkaa u fidiyay tababarro saraakiishii ciidankii asluubta ee xabsiyada ilaalada ka ahaa.

Shanta qaaradood waxa ka riday qeyladiyo buuqa
Qunbuladihiyo sawaariikhda iyo qaraxa naabaalka
Waxa qamarka guud iyo hawada qalabka loo saaray
Waa quud nin haystiyo mid raba inuu ka qaataaye
Ama qaab gumeysigu bartiyo waa ququbo riixe

Annagana markii nala qabsaday waa qoraal dhigane
(Dhoodaan).

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.