|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XIV-aad

Dr Enow

Dowladihii ku fanqooqay is-fitaaxii dagaalkii qaboobaa, ee siyaasadda qamaam iyo hiilada indhaha la' ku yimid geeska Afrika waxaa kamid ahaa dowladda kacaanka ah ee Kuuba. Iyadu waxay markaas u muuqatay biliis meereysanaya dhulalka carri-edeg ee ilaaliya danaha dowladdii Midowga Soofyeeti, isla markaas waxay huwaneyd harag ay isu muujineysay dowlad u taagan ilaalada danaha dadka dulman. Sidaa darteed baa waxaa ka muuqday siyaasaddeedii dibadda carriiqsi xumi ay hadba gobol dunida kamid ah u geynayeen ciidamadooda. Dowladda Kuuba waxay ahayd midda ugu milga cusleyd ee ka qeybqaadatay dagaalkii Ogaadeenya, taasina waxay daba socotay aragtida guracan oo uu kacaanka Kuuba iyo keligi-taliyahiisuba, Fidel Castro, ay ku caan baxeen ee ah in ay dibadda u dhoofiyaan aragtida kacaannimada ah. Inkasta oo aragtidaasi ay bilowgii u muuqatay mid hiillo u ah dadyowga Afrikaanka ah, misana markii danbe waxaa caddaatay in ay tahay mid u adeegeysa garab kamid ah dowladihii waaweynaa ee ku hardamayay dagaalkii qaboobaa. Aragtidaasi waxay qaaradda Afrika u geysatay dhibaatooyin eeyan u geysan qaaradda Laatiin Ameerika.

Siyaasadda Kuuba waxay Afrika soo tiigsanaysay tan iyo bilowgii sanadihii 1960-aadkii. Sanadkii 1964-kii wixii ka horeeyay, Kuubaanku waxay qaaradda ka daneynayeen dalka Jasaa’ir oo keliya. Waxay gacan siiyeen kacdoonkii weynaa oo ay dadkaasi isaga xoreeyeen gumeysigii Faransiiska. Markabkii ugu horeeyay ee sidey kaalmo ka timid dalka Kuuba, wuxuu Jasaa’ir soo gaaray bishii disember 1961-kii. Markabkaas oo ku soo hakaday degmada Kaasablanka (Marooko) ayaa waxaa saarnaa hub fudud iyo rasaas. Wuxuu ku laabtay Kuuba isaga oo sida 76 qof oo dhaawac ah iyo 20 kamid ah caruurihii ay dhaleen qoysaskii jabhadiinta ahaa.(Piero Gleijeses, "Cuba’s First Venture in Africa: Algeria, 1961-1965," Journal of Latin American Studies (February 1996), 159-95).

Kaalmadaasi waxay ahayd mid sii xoogowda madax-bannaanidii dabadeed.

Khilaaf ciidameed oo Marooko iyo Jasaa’ir ku dhex maray xuduudda, bishii disember 1963-kii, Kuubaanku waxay keeneen dhanka Jasaa’ir ciidan dhan 686 nin.

Dabayaaqadii sanadkii 1964-kii ayay Kuubaanku u soo tallaabeen qaaradda qeybteeda saxaraha ka hooseysa, markaas oo ay is tusiyeen in ay qaaradda u soo waaridaan aragtida kacaanka. Waxay si toos ah ula xiriireen halgamadii madax-bannaanida ee ka socday koonfurta iyo bartamaha qaaradda Afrika, sida Angoola, Mosambiik iyo Guinea. Waxaa taa weheliyay kacdoon hubeysan oo lagu qaaday maamul daba-dhilif ahaa ee ka jirey dalka Konngo-Leopoldville (Zaire). Kacdoonkii wuxuu isu beddelay dagaal dhuumaaleysi iyo jid-gooyo ah oo aad u rafaadiyay maamulkii halkaa ka jirey. Dabadeed shirkado Mareekan ah oo dalka dano ka lahaa ayaa waxay bilaabeen in ay dowladdii ku soo xoojiyaan 1.000 nin oo cadaan calooshooda u shaqeystayaal ah. (Piero Gleijeses, "‘Flee! The White Giants Are Coming!’ The United States, the Mercenaries, and the Congo, 1964-1965," Diplomatic History, Spring 1994, 207-37).

 

Che Guevara

Disember 1964-kii, Che Guevara oo kamid ah madaxdii kacaankii Kuuba ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid qaaradda Afrika. Booqashadaasi oo qaadatay saddex bilood ayuu bilowgiiba uu ku soo hor-maray degmada Daar es-Salaam (Tansaaniya). Wuxuu halkaas kula kulmay dhamaan madaxdii jabhadaha Afrikaanka ah ee madax-bannaanida u dagaalamaya, gaar ahaan kuwii ka jirey koonfurta qaaradda. Muddadaas, Che Guevara, saddex jeer ayuu si gaar ah ula kulmay hoggaamiyayaasha kacdoonka Koongo Lauren Kabila iyo Gaston Soumialot. (Interviews with Godefroid Tschamlesso, an aide to Kabila (Havana, 30 June 1994) and Marcelino dos Santos, a Mozambican).

Bishii abriil 1965-kii, Che Guevara, wuxuu ku soo laabtay Tansaaniya isaga oo hor kacaya 120 nin, Kuubaan madow oo naftooda hurayaal ah. Ciidankaasi ayaa isla-markiiba ka tallaabay xuduudda galbeed ee Tansaaniya iyaga oo u gudbay Koongo. Dhowr toddobaad dabadeed, waxaa Koongo-Baraasifiil ka soo degay ciidamo kale oo Kuubaan ah. Ciidankaasi oo qudhoodu ahaa rag madow ayaa waxaa hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Jorge Resquet. Waxaa ujeeddadoodu ahayd in ay keyd u noqdaan howl-gallada ciidanka Che Guevara. Isku duub, ciidamada Kuuba halkaa ka joogay waxay ahaayeen 400 oo nin. (Quotations from CIA, Office of Current Intelligence, "Brazzaville’s Move to the Left," 30 October 1964, 5, National Security File Country File: Congo, box 83, Lyndon B. Johnson Library (hereafter LBJL), Austin, Texas).

Ciidamadaasi kuma eeyan guuleysan in ay Afrika ka qotomiyaan aragtidii ay soo ay ku riyoonayeen in ay qaaradda u soo waaridaan. Falkoodii wuxuu noqdey mid safxadaha taariikhda meel gaaban kaga xusan. Waayo cimilo eeyan waxba kala socon, loogana itaal roonaa, ayay damceen in ay wax ka bedelaan. Dadweynuhuna diyaar uma uusan ahayn hiillada aragtidan. Ciidankii Che Guevara, badankood waa la laayey, isagiina waa uu sigtay. Dabadeed wuxuu ku khasbanaadey in uu dib ugu soo laabto Tansaaniya bishii nofember 1965-kii. Ciidankii Jorge Resquet, ee ku sugnaa Koongo-Baraasifiil, waxay ka badbaadeen afgembi lagu dhigay dowladdii ay martida u ahaayeen, bishii juun 1966-kii. Kadib markii ay dib u laabteen, Jorge Resquet wuxuu ahaa ninka dowladdii Kuuba ka dhaadhiciyay in Koongo eysan jirin kacdoon dadweyne oo iyaga uga baahan in ay cududeeyaan.

Casharkaas ay madaxdii Kuuba qaadatay ayaa wuxuu keenay in uu gaabis ku yimaado siyaasaddoodii ahayd dhoofinta aragtida kacaanka. Sidaa darteed illaa iyo 1974-kii, xiriirka ay la lahaayeen qaaradda, qeybteeda saxaraha ka hooseysa, wuxuu ku ekaa taageero xadidan oo ay u fidineysay dhaqdhaqaaqyadii gobanimo-doonka ahaa ee ka jirey dalka Geni-Bisaw, kaas oo la oran jirey Partido Africano da Independencia da Guniea e Cabo Verdo (PAIGC). Taakuleynta qalabka iyo daawada ka sokow waxay sanad walba u soo diri jireen illaa iyo 60 nin oo tababar siiya, mararna ka qeyb-qaata howlaha dagaalka. Ragga xilligaas la soo dirayay ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo naftooda hurayaal ah oo aanan khasab ku soo bixin, isla markaasna raaskoodu madow yahay.

Sanadkii 1974-kii, shaxdii Kuuba ee qaaradda waxay u wareegtay dalka Angoola. Kacaankii ka dhacay dalka Burtuqaal Cornation Revolution, 25/ 4- 1974-kii, wuxuu soo af-jaray maamulkii keligi taliska ahaa ee halkaa ka jirey. Kacaankaasi wuxuu isbeddel ku keeney siyaasaddii dibadda ee dalka Burtuqaal, taas oo markii hore saamaxaysay nadaamkii ahaa haraagii gumeysiga ee qaaradda Afrikaka. Gobollada ku danbeeyay gacanta Burtuqiiska waxay ahaayeen Angoola iyo Musambiig. Waxaa halkaa u fadhiyay maamullo gumeysi ah. Angoola oo ay Kuubaanku ku soo hor-mareen, waxaa xilligaas ka jirey saddex jabhadood oo gobanimo-doon ahaa. Popular Movement for the Liberation of Angola (MPLA), waxaa madax u ahaa Agostino Neto. National Front for the Liberation of Angola (NFLA), waxaa madax u ahaa Holden Roberto. National Union for the Total Independence of Angola (UNITA) waxaa madax u ahaa Jonas Savimbi. Jabhadahaas ayaa dowladdii cusbeyd ee Burtuqiiska waxay kula heshiiyeen in ay dhistaan dowlad ay u dhanyihiin oo ku-meel gaar ah inta ay madax-bannaanida qaadanayaan tan iyo 11/ 11- 1975-ka. Dabadeed in doorasho loo qabto oo dalku barlamaan iyo dastuur uu yeesho.

Iyaga oo raad-raacaya hida-siyaasadeedka u caadada ah hogaamiyayaasha qaaradda, ayaa intaanan la gaarin wakhtigii madax-bannaanida loo qabtay, madaxdii jabhadaha waxaa ka dhex abuurmay loolan xukun doon ah. Jabhadda MPLA ayaa waxay ku guuleysatey in ay dowladaha Hantiwadaaga ah ka hesho kaalmo wax ku ool ah oo damac geliya in ay talada dalka ku kelisato. Taasina waxay ka danbeysay markii ay Kuuba u keentay qalab lagu tababaro 5.300 oo qof. Qalabkaas ayaa wuxuu isugu jirey dhar,raashin, teendhooyin iyo daawo. Waxaa weheliyay hub ay kamid ahaayeen 12.000 qori nooca la yiraahdo Czech Rifles ee sancadoodu tahay Kuubaan. Markaas ay howshu bilowga ahayd, hubka ay Kuubaanku bixiyeen lama socon hub sancadiisu tahay Soofyeeti, maxaa yeelay waxaa jirey heshiis ay labada dowlad dhigteen 1965-kii oo lagu xusay in Kuuba eeyan hubka Ruushka u gudbin dowlad saddexaad illaa ay ogolaansho ka hesho dowladda Soofyeetiga. Ku-xigeenka wasiirkii difaaca Kuuba Diaz Arguelles oo arintaa ka hadlay wuxuu yiri :

" Hubka aanu xilligaas bixinay waxaa weheliyay lacag gaareysa 100.000 oo doollar iyo 480 tababare oo Kuubaan ah. Xeryihii tababarka ayaa markaas waxaa loo bixiyay Centros de Instruccion Revolucionaria (CIR). Halkaas, Kuuba waxay MPLA ku siisay taakuleyn shan jeer ka weyn codsigii ay na weydiisatay. ........ Waa barnaamijkii ugu ballaarnaa oo aanu fulino. Wakhti yar ayaanu xaalad qalafsan ku shaqeynay, iyadoo eeyan jirin khibrad iyo aqoon aanu u leenahay dalka ". (Díaz Argüelles to Colomé, 15 October 1975, 5, 9-11, 12, CID-FAR. See also MINFAR, "Composición de fuerzas y medios de la unidad incluyendo el incremento del Punto 4," n.d. [late October 1975]).

Dabadeed dagaalkii waa uu ballaartay oo waxaa ku soo biiray ciidamo ka socda dalka Zair oo xuduudda waqooyi ka soo tallaabay iyo kuwo kale oo ka socday koonfurta Afrika oo xuduudda koonfureed ka soo tallaabay. Ciidamadaas ayaa waxay u hiilinayeen labadii jabhad ee kale (NFLA iyo UNITA). Kadib markii dowladdii Kuuba ay ku cuslaatay in ay ciidamo badan ka soo tallaabiso badweynta Atlantiga, howlihii daad-gureynta ciidamada Kuuba, waxaa la wareegay wasaaraddii gaashaan-dhigga ee Midowga Soofyeeti. Sidaas baa mindiyihii loo afeysatay dagaalkii qaboobaa, gowracoodii ugu horeeyay ee qaarada Afrika, waxaa nasiib u yeeshay in la saaro dalka Angoola. Waxaa dalkaasi u bilowday hoog iyo halaag ay boqollaal kun oo naf ah ku baxeen.

Xiriirka Kuuba iyo geeska Afrika, sida uu ku bilowday, wuxuu ahaa mid ka qaboobaa kii Angoola. Saraakiishii Soomaaliyeed ee taladii dalka la wareegay, markii ay qaateen aragtida hanti-wadaaga ah, waxay markiiba is-tusiyeen in ay raadka gumeysiga ku baabi'in karaan is-kaashiga dadyowga hanti-wadaaga ah. Isla aragtidaasna ay kula diriri karaan xoogagga hanti-goosiga ah ee caalamka ka dhisan. Taas ayaa u asaas ahayd xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kuuba ay yeesheen sanadkii 1971-kii. Muddo gaaban dabadeed Kuubaanku waxay Soomaaliya keeneen macalimiin, takhaatiir iyo farsamo-yaqaano badan. Waxaa intaa weheliyay khuburo iyo tababarayaal ciidameed. Isla markaas waxay dalkooda u qaadeen ardey Soomaaliyeed oo ay siiyeen deeq waxbarasho oo isugu jira rayid iyo ciidan. Dowladda Kuuba waxay ahayd midda ka dambeysay dhismihii iyo hagaajintii ciidamadii la oran jirey Guul-wadayaal.

Sanadkii 1976-kii, xaflad ay ugu dabbaaldegayeen sanad-guuradii 20-aad ee dhismihii ciidamadooda, ayay waxay ku casumeen wasiiro difaac oo dalal badan ka socday. Ragga la marti-geliyay waxaa kamid ahaa Jeneraal Maxamad Cali Samantar, wasiirkii difaaca ee Soomaaliya. Booqashadaas waxay ahayd middii ugu horeysay ee masuul sare ee Soomaaliyeed uu ku tago Kuuba. Bishii maarso 1977-kii, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalo-madaxda Soomaaliya, hoggaamiyaha Kuuba Fidel Castro.

Dowladdii la oran jirey Yamanta koonfureed ayaa iyana saanta la soo gaadhey geeska Afrika. Dowladdaas ayaa beega xiisaheedu wuxuu ku jaan-go’naa mabaadiida Maarkisiyada xag-jirka ah oo raggii hoggaanka u hayay ay ku beecinayeen dowladdooda. Waxaa xilligaas ka talinayay dalka xisbigii la oran jirey The People's Democratic Republic of Yemen (PDRY). Xisbigaasi wuxuu ka dhashay laba xisbi oo u soo halgamay madax-bannaanida dalka, kuwaas oo kala ah National Liberation Front (NLF) iyo The Front for the Liberation of Occupied South Yemen (FLOSY). Markii ay si wada-jir ah u curiyeen gobanimadii dalka, ayaa kan hore oo mitig shuuciya ahaa, raggiisii waxay laayeen madaxdii xisbigii FLOSY. Waxay dileen madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Al-qaxdaan, sanadkii 1970-kii. Dabadeedna goor danbe ayay dhexdoodii isa-sifeeyeen. Ragga ay is-laayay waxaa kamid ahaa Saalim Rubeyc oo madaxweyne ahaa. Cabdil-fataax Ismaaciil oo hoggaanka ideoloojiyada xisbigii talada hayay ahaa, Cali Cantar oo ahaa madaxweyne xigeen, Saalix Muslix oo ahaa wasiirkii difaaca, Cali Shaaciya Haadi oo ahaa hoggaamiyaha guddiga daba-galka iyo rag kale oo badan. Waxaa xusid mudan raggan in ay ahaayeen kuwa Mengistu kula taliyay in uu laayo saraakiishii saaxiibadiis ahaa ee ku weheliyay golihii sare ee kacaanka Itoobiya. Isla ragan ayay ahaayeen kuwii gudoomiyay ciidamadii dhowrka kun ahaa ee dalka Yaman ay u soo direen dagaalkii Ogaadeenya.

Siyaasad wixii yiqiin
Caloosha wuxuu ku sido
Haddii uu sari lahaa
Ama uu saafsaafi laa
Wixii soonahaa ka dhow
Dadkuba waa suuxi laa !!!
Wixii seeraheeda gala
Waxbuu saysaabayaa
Sarbeeb buu riixayaa
Isagu sogordaha gurracan
Wuxuu ku salaynayaa
Inay saxan tahay middani
(Jaamac Kediye Cilmi).

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001

Mudugonline.com keeping you Informed.