Dagaalkii
Ogaadeenya
Casharkii XIV-aad
 |
|
Dr
Enow
|
Dowladihii
ku fanqooqay is-fitaaxii dagaalkii qaboobaa, ee
siyaasadda qamaam iyo hiilada indhaha la' ku yimid
geeska Afrika waxaa kamid ahaa dowladda kacaanka
ah ee Kuuba. Iyadu waxay markaas u muuqatay biliis
meereysanaya dhulalka carri-edeg ee ilaaliya danaha
dowladdii Midowga Soofyeeti, isla markaas waxay
huwaneyd harag ay isu muujineysay dowlad u taagan
ilaalada danaha dadka dulman. Sidaa darteed baa
waxaa ka muuqday siyaasaddeedii dibadda carriiqsi
xumi ay hadba gobol dunida kamid ah u geynayeen
ciidamadooda. Dowladda Kuuba waxay ahayd midda ugu
milga cusleyd ee ka qeybqaadatay dagaalkii Ogaadeenya,
taasina waxay daba socotay aragtida guracan oo uu
kacaanka Kuuba iyo keligi-taliyahiisuba,
Fidel Castro,
ay ku caan baxeen ee ah in ay dibadda u dhoofiyaan
aragtida kacaannimada ah. Inkasta oo aragtidaasi
ay bilowgii u muuqatay mid hiillo u ah dadyowga
Afrikaanka ah, misana markii danbe waxaa caddaatay
in ay tahay mid u adeegeysa garab kamid ah dowladihii
waaweynaa ee ku hardamayay dagaalkii qaboobaa. Aragtidaasi
waxay qaaradda Afrika u geysatay dhibaatooyin eeyan
u geysan qaaradda Laatiin Ameerika.
Siyaasadda Kuuba
waxay Afrika soo tiigsanaysay tan iyo bilowgii sanadihii
1960-aadkii. Sanadkii 1964-kii wixii ka horeeyay,
Kuubaanku waxay qaaradda ka daneynayeen dalka Jasaa’ir
oo keliya. Waxay gacan siiyeen kacdoonkii weynaa
oo ay dadkaasi isaga xoreeyeen gumeysigii Faransiiska.
Markabkii ugu horeeyay ee sidey kaalmo ka timid
dalka Kuuba, wuxuu Jasaa’ir soo gaaray bishii disember
1961-kii. Markabkaas oo ku soo hakaday degmada Kaasablanka
(Marooko) ayaa waxaa saarnaa hub fudud iyo rasaas.
Wuxuu ku laabtay Kuuba isaga oo sida 76 qof oo dhaawac
ah iyo 20 kamid ah caruurihii ay dhaleen qoysaskii
jabhadiinta ahaa.(Piero
Gleijeses, "Cuba’s First Venture in Africa:
Algeria, 1961-1965," Journal of Latin American
Studies (February 1996), 159-95).
Kaalmadaasi waxay ahayd mid sii xoogowda
madax-bannaanidii dabadeed.
Khilaaf ciidameed oo Marooko iyo Jasaa’ir
ku dhex maray xuduudda, bishii disember 1963-kii,
Kuubaanku waxay keeneen dhanka Jasaa’ir ciidan dhan
686 nin.
Dabayaaqadii
sanadkii 1964-kii ayay Kuubaanku u soo tallaabeen
qaaradda qeybteeda saxaraha ka hooseysa, markaas
oo ay is tusiyeen in ay qaaradda u soo waaridaan
aragtida kacaanka. Waxay si toos ah ula xiriireen
halgamadii madax-bannaanida ee ka socday koonfurta
iyo bartamaha qaaradda Afrika, sida Angoola, Mosambiik
iyo Guinea. Waxaa taa weheliyay kacdoon hubeysan
oo lagu qaaday maamul daba-dhilif ahaa ee ka jirey
dalka Konngo-Leopoldville (Zaire).
Kacdoonkii wuxuu isu beddelay dagaal dhuumaaleysi
iyo jid-gooyo ah oo aad u rafaadiyay maamulkii halkaa
ka jirey. Dabadeed shirkado Mareekan ah oo dalka
dano ka lahaa ayaa waxay bilaabeen in ay dowladdii
ku soo xoojiyaan 1.000 nin oo cadaan calooshooda
u shaqeystayaal ah. (Piero
Gleijeses, "‘Flee! The White Giants Are Coming!’
The United States, the Mercenaries, and the Congo,
1964-1965," Diplomatic History, Spring 1994,
207-37).
 |
|
Che
Guevara
|
Disember 1964-kii,
Che Guevara
oo kamid ah madaxdii
kacaankii Kuuba ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid
qaaradda Afrika. Booqashadaasi oo qaadatay saddex
bilood ayuu bilowgiiba uu ku soo hor-maray degmada
Daar es-Salaam (Tansaaniya). Wuxuu halkaas kula
kulmay dhamaan madaxdii jabhadaha Afrikaanka ah
ee madax-bannaanida u dagaalamaya, gaar ahaan kuwii
ka jirey koonfurta qaaradda. Muddadaas,
Che Guevara,
saddex jeer ayuu si gaar ah ula kulmay hoggaamiyayaasha
kacdoonka Koongo Lauren
Kabila iyo
Gaston Soumialot.
(Interviews with
Godefroid Tschamlesso, an aide to Kabila (Havana,
30 June 1994) and Marcelino dos Santos, a Mozambican).
Bishii abriil
1965-kii, Che Guevara,
wuxuu ku soo laabtay Tansaaniya isaga oo hor kacaya
120 nin, Kuubaan madow oo naftooda hurayaal ah.
Ciidankaasi ayaa isla-markiiba ka tallaabay xuduudda
galbeed ee Tansaaniya iyaga oo u gudbay Koongo.
Dhowr toddobaad dabadeed, waxaa Koongo-Baraasifiil
ka soo degay ciidamo kale oo Kuubaan ah. Ciidankaasi
oo qudhoodu ahaa rag madow ayaa waxaa hoggaaminayay
sarkaal lagu magacaabo
Jorge Resquet.
Waxaa ujeeddadoodu ahayd in ay keyd u noqdaan howl-gallada
ciidanka Che Guevara.
Isku duub, ciidamada Kuuba halkaa ka joogay waxay
ahaayeen 400 oo nin. (Quotations
from CIA, Office of Current Intelligence, "Brazzaville’s
Move to the Left," 30 October 1964, 5, National
Security File Country File: Congo, box 83, Lyndon
B. Johnson Library (hereafter LBJL), Austin, Texas).
Ciidamadaasi
kuma eeyan guuleysan in ay Afrika ka qotomiyaan
aragtidii ay soo ay ku riyoonayeen in ay qaaradda
u soo waaridaan. Falkoodii wuxuu noqdey mid safxadaha
taariikhda meel gaaban kaga xusan. Waayo cimilo
eeyan waxba kala socon, loogana itaal roonaa, ayay
damceen in ay wax ka bedelaan. Dadweynuhuna diyaar
uma uusan ahayn hiillada aragtidan. Ciidankii
Che Guevara,
badankood waa la laayey, isagiina waa uu sigtay.
Dabadeed wuxuu ku khasbanaadey in uu dib ugu soo
laabto Tansaaniya bishii nofember 1965-kii. Ciidankii
Jorge Resquet,
ee ku sugnaa Koongo-Baraasifiil, waxay ka badbaadeen
afgembi lagu dhigay dowladdii ay martida u ahaayeen,
bishii juun 1966-kii. Kadib markii ay dib u laabteen,
Jorge Resquet
wuxuu ahaa ninka dowladdii
Kuuba ka dhaadhiciyay in Koongo eysan jirin kacdoon
dadweyne oo iyaga uga baahan in ay cududeeyaan.
Casharkaas ay madaxdii Kuuba qaadatay
ayaa wuxuu keenay in uu gaabis ku yimaado siyaasaddoodii
ahayd dhoofinta aragtida kacaanka. Sidaa darteed
illaa iyo 1974-kii, xiriirka ay la lahaayeen qaaradda,
qeybteeda saxaraha ka hooseysa, wuxuu ku ekaa taageero
xadidan oo ay u fidineysay dhaqdhaqaaqyadii gobanimo-doonka
ahaa ee ka jirey dalka Geni-Bisaw, kaas oo la oran
jirey Partido Africano da Independencia da Guniea
e Cabo Verdo (PAIGC). Taakuleynta qalabka iyo
daawada ka sokow waxay sanad walba u soo diri jireen
illaa iyo 60 nin oo tababar siiya, mararna ka qeyb-qaata
howlaha dagaalka. Ragga xilligaas la soo dirayay
ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo naftooda hurayaal
ah oo aanan khasab ku soo bixin, isla markaasna
raaskoodu madow yahay.
Sanadkii 1974-kii,
shaxdii Kuuba ee qaaradda waxay u wareegtay dalka
Angoola. Kacaankii ka dhacay dalka Burtuqaal Cornation
Revolution, 25/ 4- 1974-kii, wuxuu soo af-jaray
maamulkii keligi taliska ahaa ee halkaa ka jirey.
Kacaankaasi wuxuu isbeddel ku keeney siyaasaddii
dibadda ee dalka Burtuqaal, taas oo markii hore
saamaxaysay nadaamkii ahaa haraagii gumeysiga ee
qaaradda Afrikaka. Gobollada ku danbeeyay gacanta
Burtuqiiska waxay ahaayeen Angoola iyo Musambiig.
Waxaa halkaa u fadhiyay maamullo gumeysi ah. Angoola
oo ay Kuubaanku ku soo hor-mareen, waxaa xilligaas
ka jirey saddex jabhadood oo gobanimo-doon ahaa.
Popular Movement for the Liberation of Angola
(MPLA), waxaa madax u ahaa
Agostino Neto.
National Front for the Liberation of Angola
(NFLA), waxaa madax u ahaa
Holden Roberto.
National Union for the Total Independence of
Angola (UNITA) waxaa madax u ahaa Jonas
Savimbi. Jabhadahaas
ayaa dowladdii cusbeyd ee Burtuqiiska waxay kula
heshiiyeen in ay dhistaan dowlad ay u dhanyihiin
oo ku-meel gaar ah inta ay madax-bannaanida qaadanayaan
tan iyo 11/ 11- 1975-ka. Dabadeed in doorasho loo
qabto oo dalku barlamaan iyo dastuur uu yeesho.
Iyaga oo raad-raacaya
hida-siyaasadeedka u caadada ah hogaamiyayaasha
qaaradda, ayaa intaanan la gaarin wakhtigii madax-bannaanida
loo qabtay, madaxdii jabhadaha waxaa ka dhex abuurmay
loolan xukun doon ah. Jabhadda MPLA ayaa waxay ku
guuleysatey in ay dowladaha Hantiwadaaga ah ka hesho
kaalmo wax ku ool ah oo damac geliya in ay talada
dalka ku kelisato. Taasina waxay ka danbeysay markii
ay Kuuba u keentay qalab lagu tababaro 5.300 oo
qof. Qalabkaas ayaa wuxuu isugu jirey dhar,raashin,
teendhooyin iyo daawo. Waxaa weheliyay hub ay kamid
ahaayeen 12.000 qori nooca la yiraahdo Czech
Rifles ee sancadoodu tahay Kuubaan. Markaas
ay howshu bilowga ahayd, hubka ay Kuubaanku bixiyeen
lama socon hub sancadiisu tahay Soofyeeti, maxaa
yeelay waxaa jirey heshiis ay labada dowlad dhigteen
1965-kii oo lagu xusay in Kuuba eeyan hubka Ruushka
u gudbin dowlad saddexaad illaa ay ogolaansho ka
hesho dowladda Soofyeetiga. Ku-xigeenka wasiirkii
difaaca Kuuba Diaz
Arguelles oo
arintaa ka hadlay wuxuu yiri :
" Hubka
aanu xilligaas bixinay waxaa weheliyay lacag gaareysa
100.000 oo doollar iyo 480 tababare oo Kuubaan ah.
Xeryihii tababarka ayaa markaas waxaa loo bixiyay
Centros de Instruccion Revolucionaria (CIR). Halkaas,
Kuuba waxay MPLA ku siisay taakuleyn shan jeer ka
weyn codsigii ay na weydiisatay. ........ Waa barnaamijkii
ugu ballaarnaa oo aanu fulino. Wakhti yar ayaanu
xaalad qalafsan ku shaqeynay, iyadoo eeyan jirin
khibrad iyo aqoon aanu u leenahay dalka ".
(Díaz Argüelles
to Colomé, 15 October 1975, 5, 9-11, 12, CID-FAR.
See also MINFAR, "Composición de fuerzas y
medios de la unidad incluyendo el incremento del
Punto 4," n.d. [late October 1975]).
Dabadeed dagaalkii waa uu ballaartay
oo waxaa ku soo biiray ciidamo ka socda dalka
Zair oo xuduudda waqooyi ka soo tallaabay iyo
kuwo kale oo ka socday koonfurta Afrika oo xuduudda
koonfureed ka soo tallaabay. Ciidamadaas ayaa waxay
u hiilinayeen labadii jabhad ee kale (NFLA iyo UNITA).
Kadib markii dowladdii Kuuba ay ku cuslaatay in
ay ciidamo badan ka soo tallaabiso badweynta Atlantiga,
howlihii daad-gureynta ciidamada Kuuba, waxaa la
wareegay wasaaraddii gaashaan-dhigga ee Midowga
Soofyeeti. Sidaas baa mindiyihii loo afeysatay dagaalkii
qaboobaa, gowracoodii ugu horeeyay ee qaarada Afrika,
waxaa nasiib u yeeshay in la saaro dalka Angoola.
Waxaa dalkaasi u bilowday hoog iyo halaag ay boqollaal
kun oo naf ah ku baxeen.
Xiriirka Kuuba iyo geeska Afrika,
sida uu ku bilowday, wuxuu ahaa mid ka qaboobaa
kii Angoola. Saraakiishii Soomaaliyeed ee taladii
dalka la wareegay, markii ay qaateen aragtida hanti-wadaaga
ah, waxay markiiba is-tusiyeen in ay raadka gumeysiga
ku baabi'in karaan is-kaashiga dadyowga hanti-wadaaga
ah. Isla aragtidaasna ay kula diriri karaan xoogagga
hanti-goosiga ah ee caalamka ka dhisan. Taas ayaa
u asaas ahayd xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya
iyo Kuuba ay yeesheen sanadkii 1971-kii. Muddo gaaban
dabadeed Kuubaanku waxay Soomaaliya keeneen macalimiin,
takhaatiir iyo farsamo-yaqaano badan. Waxaa intaa
weheliyay khuburo iyo tababarayaal ciidameed. Isla
markaas waxay dalkooda u qaadeen ardey Soomaaliyeed
oo ay siiyeen deeq waxbarasho oo isugu jira rayid
iyo ciidan. Dowladda Kuuba waxay ahayd midda ka
dambeysay dhismihii iyo hagaajintii ciidamadii la
oran jirey Guul-wadayaal.
Sanadkii 1976-kii,
xaflad ay ugu dabbaaldegayeen sanad-guuradii 20-aad
ee dhismihii ciidamadooda, ayay waxay ku casumeen
wasiiro difaac oo dalal badan ka socday. Ragga la
marti-geliyay waxaa kamid ahaa
Jeneraal Maxamad Cali Samantar,
wasiirkii difaaca ee Soomaaliya. Booqashadaas waxay
ahayd middii ugu horeysay ee masuul sare ee Soomaaliyeed
uu ku tago Kuuba. Bishii maarso 1977-kii, waxaa
booqasho rasmi ah ku yimid magaalo-madaxda Soomaaliya,
hoggaamiyaha Kuuba Fidel
Castro.
Dowladdii la
oran jirey Yamanta koonfureed ayaa iyana saanta
la soo gaadhey geeska Afrika. Dowladdaas ayaa beega
xiisaheedu wuxuu ku jaan-go’naa mabaadiida Maarkisiyada
xag-jirka ah oo raggii hoggaanka u hayay ay ku beecinayeen
dowladdooda. Waxaa xilligaas ka talinayay dalka
xisbigii la oran jirey The People's Democratic
Republic of Yemen (PDRY). Xisbigaasi wuxuu ka
dhashay laba xisbi oo u soo halgamay madax-bannaanida
dalka, kuwaas oo kala ah National Liberation
Front (NLF) iyo The Front for the Liberation
of Occupied South Yemen (FLOSY). Markii ay si
wada-jir ah u curiyeen gobanimadii dalka, ayaa kan
hore oo mitig shuuciya ahaa, raggiisii waxay laayeen
madaxdii xisbigii FLOSY. Waxay dileen madaxweynihii
ugu horeeyay ee dalka Al-qaxdaan,
sanadkii 1970-kii. Dabadeedna goor danbe ayay dhexdoodii
isa-sifeeyeen. Ragga ay is-laayay waxaa kamid ahaa
Saalim Rubeyc
oo madaxweyne ahaa. Cabdil-fataax
Ismaaciil oo hoggaanka
ideoloojiyada xisbigii talada hayay ahaa,
Cali Cantar oo
ahaa madaxweyne xigeen, Saalix
Muslix oo ahaa wasiirkii
difaaca, Cali Shaaciya
Haadi oo ahaa hoggaamiyaha
guddiga daba-galka iyo rag kale oo badan. Waxaa
xusid mudan raggan in ay ahaayeen kuwa Mengistu
kula taliyay in uu
laayo saraakiishii saaxiibadiis ahaa ee ku weheliyay
golihii sare ee kacaanka Itoobiya. Isla ragan ayay
ahaayeen kuwii gudoomiyay ciidamadii dhowrka kun
ahaa ee dalka Yaman ay u soo direen dagaalkii Ogaadeenya.
Siyaasad wixii
yiqiin
Caloosha wuxuu ku sido
Haddii uu sari lahaa
Ama uu saafsaafi laa
Wixii soonahaa ka dhow
Dadkuba waa suuxi laa !!!
Wixii seeraheeda gala
Waxbuu saysaabayaa
Sarbeeb buu riixayaa
Isagu sogordaha gurracan
Wuxuu ku salaynayaa
Inay saxan tahay middani (Jaamac
Kediye Cilmi).
Dr.
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com