|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XIV-aad

Dr Enow

Geeska Afrika wuxuu u ekaadey degaan ay miidi taal oo hunguriga ka soo ridey dowlado badan ee ku kala dhaqan daafaha dunida. Damacaasi maahayn mid ku ekaa dowladahan aanu soo xusnay oo keliya, bal waxaa jirey dowlado intaas ka badan oo siyaabo kala duwan u daneynayay xasaraddii aloosneyd. Talaooyinkoodii, ragoodii iyo qalabkoodiiba waxay ka dhex-muuqdeen dagaalkii ka shidmay gobolka Ogaadeenya. Waxaa dalalkaas kamid ahaa Giriig, Talyaani, Baakistaan, Marooko, Ciraaq, Liibiya, Jarmalka-galbeed, Sweden, Keenya, Suudaan, Kuweyt, Imaaraadka Carabta, Koonfur Afrika. Waxaa kale oo dagaalkaa, heer diblomaasiyadeed u xiiseeyay ururada caalamiga ahaa, sida J.Q. ka Dh., Jaamacada Carabta iyo Ururka Midowga Afrika. Dagaalku wuxuu raad xoog leh ku yeeshay wada-hadalladii dhimista hubka halista ah ee xilligaas ka dhex socday dowladaha waaweyn USA iyo USSR.

Sidaan soo xusnay, fadqalalkii ku yimid boqortooyadii gorofowdey ee Itoobiya, waxay dadkeedii dhaxalsiisey hoojin iyo hoolato. Isu-laba murqeyntii ka dhex aloosantay askartii uu boqorku ku rabeeyey maddiidada, ma noqon mid iyaga oo keliya ku ekaata. Bal dhibiibkii ayay kula galgasheen dadkii rayidka ahaa oo ay u geysteen xasuuq eeyan iyagu isku dhigin.  Saraakiishu waxay cabsi xoogan ka qabeen dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee mucaaradka ku ahaa maamulkii boqorka cimrigiisu dhamaadey. Markii ay muuqatay in ciidamadu ay leeyihiin damac siyaasadeed, ayaa xisbigii ugu hilan cuslaa ururadii mucaaradka ahaa, wuxuu bilaabay in uu abaabulo dhaq-dhaqaaq qarsoon oo ka duwan kii hore ay ugu jireen. Ururkaasi wuxuu ahaa xisbi siyaasi ah  oo magaciisa la yiraahdo Ethiopian Peolle's Revolutionary Party (EPRP). Bishii agosto 1975-kii, xubnihiisii waxay bilaabeen in ay soo saaraan wargeys ku hadla magacooda oo qarsoodi ku soo baxa. Bilowgii waxay u qeybin jireen ardeyda oo keliya. Waxaase dhacday in uu si dhakhsa ah ku faafay oo wargeyskii uu ku baahay degmooyinkii waaweynaa ee Itoobiya.

Waxaa jirey xisbiyo kale oo xisbigan gacan-saar la lahaa. Waxaa kamid ahaa All Ethiopian Socialist Movement oo loo yiqiin (MEISON). Labada xisbi waxay ka mideysnaayeen yididiilada ah in Itoobiya laga abuuro hanaan siyaasadeed oo hanti-wadaag ah. Qodob baa jirey ay isku diidanaayeen madaxda labad xisbi. Wuxuu ahaa, xisbigan danbe oo ogolaa in uu la shaqeeyo golaha kacaanka ee saraakiisha. Xisbiga EPRP, si adag ayuu u diidanaa in uu tala-wadaag la noqdo saraakiisha. Wuxuu qabay aragti ah in dhismaha bulsho hanti-wadaag ahi eeyan ka bilaaban meel kore iyo kooxda xukunka haysa, balse ay ka bilaabato meel hoose, gaar ahaan dabaqadaha dan-yarta iyo aqqonyahanada. Inkasta oo xubnaha xisbigaasi ay u badnaayeen dhalinyaro ah dabaqadii aqoonyahannada, misana waxay ahaayeen kuwo ku ad'adag aragtidooda oo aanan ogoleyn in ay u debcaan aragtiyaalka kale. Arintaasi waxay kamid noqotay sababihii horseedey halaag haleelet naftooda iyo dalka.

Saraakiishu waxay xilligaas ku jireen in ay isa-sifeeyaan iyo in ay soo saaraan hoggaamiyaha u sharaxan dhaxalkii embraadoorka, ee sida mucjisada ah ku soo bixi doona. Xilligaa hore,  G/ Dh. Mengistu Xayle Mariam iyo saaxiibadiis, waxay sheegteen in ay la aragti yihiin xisbiga EPRP. Waxay ujeeddadoodu ahayd in ay ka faa'iideystaan xoogan  siyaasadeed ee diyaarka ah. Mengistu X. Mariam wuxuu bilaabay in uu ku hadlo afkii xisbiga, iyada oo xisbigu uusan adeegsan. Bishii abriil 1975-kii, G/ Dh. Mengistu, talo ayuu soo dhex-dhigay golihii saraakiisha. Waxay ahayd in golaha ciidamada iyo xisbiga EPRP ay hal gole wada dhisaan, sidaasna ay talada dalka kula wareegaan. Saraakiishii waa ay ogolaadeen. Laakiin waxaa diidey madaxdii xisbiga. Maantaas ayaa waxaa bilawdey cadaawadda uu Mengistu iyo ragiisa u qaadeen xubnihii xisbigan. Dabadeed Mengistu, si uu gacan u helo ayuu wuxuu u iishey dhankii xisbigii MEISON. Xisbigan qudhiisu wuxuu ahaa mid taag-daran oo u saraakiisha ugu baahnaa hiillo siyaasadeed, waayo wuxuu ahaa xisbi cusub oo aanan bulshada ku lahayn kalsoonida ay EPRP lahayd.

Is-qaadashadii G/ Dh. Mengistu iyo xisbigii MEISON, waxaa ka dhashay colaad afka ah ee dhex marta labadii xisbi ee hanti-wadaaga ahaa. Xubnihii EPRP ayaa markaa waxay bilaabeen in ay u howlgalaan sidii ay ku daciifin lahaayeen awooda saraakiisha. Waxay ku baaqeen dhowr bilood oo  shaqa ka-fariisi ah. Taasi waxay sababtay in rag badan ay ka hoobtaan xilalkii ay dowlada u hayeen. Bishii sebtember 1975-kii, xubnihii EPRP waxay bilaabeen howlo argagixiso ah oo ay la beegsanayeen ragga ay iska soo horjeedeen. Bishaas, waxay sigeen in ay dilaan Mengistu X. Mariam qudhiisa. Xisbigii MEISON iyo kooxdii uu hoggaaminayay Mengistu ayaa markaa bilaabay in ay wadooyinka ka ugaarsadaan EPRP oo si arxan-darro ah u laayaan. Markaas baa Itoobiya waxaa u bilaabatay in ay is-cunto. Dalku wuxuu galay fowda adag oo dhexdeeda qofkii doonaya uu raadsado qofkuu doonayo. Waxaa guntamay unugyadii argagixisada ee magaaladii Adis-ababa u ekeysiiysay balli dhiig ah. Waxay galaafteen nafaf badan oo aanan denbi lahayn, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaaso tobaneeye kun.

Is-xasuuqaas dhexdiisii ayaa bishii disember 1975-kii, ay ardeyda jaamicadaha ku aadeen ololihii la dagaalanka jahliga, oo reer miyiga lagu barayay qoraalka iyo akhriska. Xilligaas, xoogaggii abaabulayay dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed waxay ku ekaayeen magaalo-madaxda. Waxaa soo raacay degmooyinka looga taliyay gobollada, sida Dessiye, Gondhar, Asmara, Jimma, Harar, Maqdalla, Masawac iyo Dirir-dhabe.

Waajibaadka ardeyda maahayn oo keliya cirib-tirka aqoon-darrida. Waxaa arintaas u weheliyay in ay fahamka reer miyiga gaarsiiyaan siyaasadda cusub ee hanti-wadaaga ah. Ardeyda baxday waxaa kamid ahaa qaar badan oo xambaarsanaa aragtidii EPRP. Waxay baadiyaha la aadeen fikradihii xisbiga oo ku mucaaradka ahaa golihii saraakiisha. Ardeydaasi, reer miyigii ay u tageen ayaa waxay u gudbiyeen aragtidii xisbigooda. Taasi waxay sii hurisay iska hor-imaadkii ciidamada iyo ardeyda. Markaas baa xasuuqii wuxuu gaarey baadiyihii. Waxaa la ugaartey ardeydii iyo reer miyigii la talada noqdey. Sidaas baa waxaa ku balaartay argagixiskii ay saraakiishu ku hayeen dadka rayidka ah, miyi iyo magaalo. Dhacdooyinkaas gumaadka ah waxaa loo yaqaan Argagixii Casaa The Red Terror, waxaa ku dhintay.

Muddadii uu argagixiskaas socday ayuu G/ Dh. Mengistu Xayle Mariam si wanaagsan u adeegtay. Wuxuu markaas laayay rag badan oo laf-dhabar u ahaa kacdoonkii lagu af-gembiyay Boqor Xeyle Seleasse. Raga xilligaas la dilay waxaa ugu magac weynaa Jeneraal Amha Desta iyo Jeneraal Fanta Belai. Labaduba waxay kamid ahaayeen hormoodkii saraakiisha ciidanka cirka. Waxay ahaayeen aqoonyahano sumcad wanaagsan ku lahaa bulshada. Waxaa kale oo ragga uu xilligaas laayay kamid ahaa Jeneraal Getachew Nadew oo ahaa gudoomiyihii gobolka Eriteriya. Janankan, xilka culus oo uu hayay ayaa wuxuu cabsi ku ridey Mengistu. Wuxuu u baqay damaca fog oo uu lahaa ee ahaa in uu talada dalka qabsado. Sida u caadada ah caqliyadda keligi-talisyada wax yeeriya, Maengistu wuxuu ahaa nin aanan adkeysi u lahayn in uu la shaqeeyo ragga caynkan ah oo ka aqoonta iyo sumcadda sareeya.

25/ 7- 1976-kii, laba sarkaal oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa golihii ciidamada ayaa baxsaday kadib markii ay ka cabsadeen Mengistu iyo kooxdiisa. Saraakiishaas ayaa la soo qabtay, dabadeedna suuqa dhexdiisa ayaa lagu diley. Sababtu waxay ahayd iyaga oo ahaa rag ka soo hor jeeda G/ Dh. Mengistu X. Mariam. Waxaa magacyadooda la oran jirey Bewketu Kassa iyo Sileshi Beyene. Falkii lagu leynayay dadka, ayaa dhamaan waxaa laga sheegi jirey idaacadaha dalka. Ujeeddadu waxay ahayd in lagu cabsi geliyo kacaan-diidka Itoobiya.

Dadweynaha Itoobiya ma eeyan ogeyn in sarkaal dhalinyar ee la yiraahdo G/ Dh. Mengistu Xayle Mariam uu yahay shakhsiga ka danbeeya layntan bahalnimada ah. Waxaase jirtey in golaha saraakiishu ay si buuxda u ogaayeen in uu isagu yahay ninka keliya ee ka danbeeya xasuuqan. Laakiin midkoodna kuma dhicin in uu ka hadlo arinta, waayo waxay ahaayeen rag isku cusub oo aan horey isu aqoon. Waxay ka yimaadeen gobollo kala duwan, isla markaasna aqoon kala duwan ugu adeegayay ciidanka. Khabar li'idii dadweynaha, waxay ilaalisay sumcaddii wanaagsaneyd ee Mengistu uu ku dhex lahaa bulshada.

Dilka iyo xasuuqa xad ka-baxa ah, wuxuu culeys iyo qalafsanaan ku keenay socodsiinta howlihii siyaasadeed ee saraakiishii xilka qaadey. Qaar badan oo kamid ah xubnihii golaha ciidamada, waxay dareensadeen taageerada xooga leh ee xisbiga MEISON uu siinayay Mengistu, taas oo korneylku uu ku helay in uu miisaan culus ku yeesho golaha ciidamada dhexdiisa. Jeneraal Tafarre Baanti oo ahaa gudoomiyihii golaha, ayaa markaas wuxuu bilaabay in uu dhiiri geliyo koox saraakiil ah oo kamid ahaa golaha. Ujeeddada Jananku waxay ahayd in uu xasiliyo maamulka uu talada u hayay, islamarkaasna uu yareeyo mucaaradka maamulka. Ayaamihii ugu danbeeyay sanadka, Mengistu iyo koxdiisii waxay si buuxda u lumiyeen awoodii ay ku jaheynayeen siyaasaddii golaha.

Jeneraal Tafarre Baanti, wuxuu xilal muhiim ah u dhiibay rag xaggiisa lagu tiriyo. Waxaa kamid ahaa Gaashaanle Alemayahu Xayle, taliyihii ciidanka biliiska. Wuxuu ahaa nin isla-weyn laakiin aqoonyahan ah. Waxaa lagu magacaabay xoghaynta golaha. Waxaa kale oo kamid ahaa Dhamme Mogus Wolde, sarkaal madax-bannaan, aqoonyahan ku takhasusey dhaqaalaha. Waxaa odey looga dhigay hanti-dhowrka qaranka. JeneraalTafarre, wuxuu kordhiyay awoodii xileed ee uu u hayay golaha. Wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay madaxii dowladda Itoobiya.

G/ Dh. Mengisu oo markaas ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha, ayaa xilkiisii wuxuu ku soo baxay mid aanan wax miisaan ah ku lahayn maamulkii golaha. Qorshaha Jeneraal Tafarre iyo raggiisa ayaa wuxuu ahaa in Mengistu laga xayuubiyo awooda uu ku shaqeynayo, si hoos loogu dhigo hanka uu leeyahay. Dabadeedna golaha laga eryo, si markaas ay EPRP suuqyada uga ugaarato. Laakiin jananku shakhsiyad daciif ah ayuu lahaa, oo ma uusan qiimeyn waxa ka suuroobi kara ninka uu cadowga ka dhigtay. Arintan ayay ahayd sababtii Mengistu ku bixisey in uu laayo saraakiishii golaha oo gacanta kala horeeyo. (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 26 - 29).

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com

Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001

Mudugonline.com keeping you Informed.