Geeska
Afrika wuxuu u ekaadey degaan ay miidi taal
oo hunguriga ka soo ridey dowlado badan ee ku
kala dhaqan daafaha dunida. Damacaasi maahayn
mid ku ekaa dowladahan aanu soo xusnay oo keliya,
bal waxaa jirey dowlado intaas ka badan oo siyaabo
kala duwan u daneynayay xasaraddii aloosneyd.
Talaooyinkoodii, ragoodii iyo qalabkoodiiba
waxay ka dhex-muuqdeen dagaalkii ka shidmay
gobolka Ogaadeenya. Waxaa dalalkaas kamid ahaa
Giriig, Talyaani, Baakistaan, Marooko, Ciraaq,
Liibiya, Jarmalka-galbeed, Sweden, Keenya, Suudaan,
Kuweyt, Imaaraadka Carabta,
Koonfur
Afrika.
Waxaa kale oo dagaalkaa, heer diblomaasiyadeed
u xiiseeyay ururada caalamiga ahaa, sida J.Q.
ka Dh., Jaamacada Carabta iyo Ururka Midowga
Afrika. Dagaalku wuxuu raad xoog leh ku yeeshay
wada-hadalladii dhimista hubka halista ah ee
xilligaas ka dhex socday dowladaha waaweyn USA
iyo USSR.
Sidaan
soo xusnay, fadqalalkii ku yimid boqortooyadii
gorofowdey ee Itoobiya, waxay dadkeedii
dhaxalsiisey hoojin iyo hoolato. Isu-laba
murqeyntii ka dhex aloosantay askartii uu
boqorku ku rabeeyey maddiidada, ma noqon mid
iyaga oo keliya ku ekaata. Bal dhibiibkii ayay
kula galgasheen dadkii rayidka ahaa oo ay u
geysteen xasuuq eeyan iyagu isku dhigin.
Saraakiishu waxay cabsi xoogan ka qabeen
dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee mucaaradka ku
ahaa maamulkii boqorka cimrigiisu dhamaadey.
Markii ay muuqatay in ciidamadu ay leeyihiin
damac siyaasadeed, ayaa xisbigii ugu hilan
cuslaa ururadii mucaaradka ahaa, wuxuu bilaabay
in uu abaabulo dhaq-dhaqaaq qarsoon oo ka duwan
kii hore ay ugu
jireen.
Ururkaasi wuxuu ahaa xisbi siyaasi ah oo
magaciisa la yiraahdo Ethiopian Peolle's
Revolutionary Party (EPRP). Bishii agosto
1975-kii, xubnihiisii
waxay bilaabeen in ay soo saaraan wargeys ku
hadla magacooda oo qarsoodi ku soo baxa.
Bilowgii waxay u qeybin jireen ardeyda oo keliya.
Waxaase dhacday in uu si dhakhsa ah ku faafay oo
wargeyskii uu ku baahay degmooyinkii waaweynaa
ee Itoobiya.
Waxaa
jirey xisbiyo kale oo xisbigan gacan-saar la
lahaa. Waxaa kamid ahaa All Ethiopian
Socialist Movement
oo loo yiqiin
(MEISON).
Labada xisbi waxay ka mideysnaayeen yididiilada
ah in Itoobiya laga abuuro hanaan siyaasadeed oo
hanti-wadaag ah. Qodob
baa
jirey ay isku diidanaayeen
madaxda labad xisbi.
Wuxuu ahaa, xisbigan danbe oo ogolaa in uu la
shaqeeyo golaha kacaanka ee saraakiisha. Xisbiga
EPRP, si adag ayuu u diidanaa in uu
tala-wadaag la noqdo
saraakiisha.
Wuxuu qabay aragti ah in dhismaha bulsho
hanti-wadaag ahi eeyan ka bilaaban meel kore iyo
kooxda xukunka haysa, balse ay ka bilaabato meel
hoose,
gaar ahaan dabaqadaha dan-yarta iyo
aqqonyahanada. Inkasta oo xubnaha xisbigaasi ay
u badnaayeen dhalinyaro ah dabaqadii
aqoonyahannada, misana waxay ahaayeen kuwo ku ad'adag
aragtidooda oo aanan ogoleyn in ay u debcaan
aragtiyaalka kale. Arintaasi waxay kamid noqotay
sababihii horseedey
halaag
haleelet
naftooda iyo dalka.
Saraakiishu waxay xilligaas ku jireen in ay
isa-sifeeyaan iyo in ay soo saaraan hoggaamiyaha
u sharaxan
dhaxalkii embraadoorka,
ee sida mucjisada ah ku soo bixi doona. Xilligaa
hore, G/
Dh. Mengistu Xayle Mariam
iyo saaxiibadiis, waxay sheegteen in ay la
aragti yihiin xisbiga EPRP. Waxay ujeeddadoodu
ahayd in ay ka faa'iideystaan xoogan
siyaasadeed ee diyaarka ah.
Mengistu X.
Mariam
wuxuu bilaabay in uu ku hadlo afkii xisbiga,
iyada oo xisbigu uusan adeegsan. Bishii abriil
1975-kii,
G/ Dh.
Mengistu,
talo ayuu soo dhex-dhigay golihii saraakiisha.
Waxay ahayd in golaha ciidamada iyo xisbiga EPRP
ay hal gole wada dhisaan, sidaasna ay talada
dalka kula wareegaan. Saraakiishii waa ay
ogolaadeen. Laakiin waxaa diidey madaxdii
xisbiga. Maantaas ayaa
waxaa
bilawdey
cadaawadda uu
Mengistu
iyo ragiisa u qaadeen xubnihii xisbigan.
Dabadeed
Mengistu,
si uu gacan u helo ayuu wuxuu u iishey dhankii
xisbigii MEISON. Xisbigan
qudhiisu wuxuu ahaa mid taag-daran oo
u saraakiisha ugu
baahnaa hiillo siyaasadeed,
waayo wuxuu ahaa xisbi cusub oo aanan bulshada
ku lahayn kalsoonida ay EPRP lahayd.
Is-qaadashadii
G/
Dh. Mengistu
iyo xisbigii MEISON, waxaa ka dhashay colaad
afka ah ee dhex marta labadii xisbi
ee hanti-wadaaga ahaa.
Xubnihii EPRP ayaa markaa waxay bilaabeen in ay
u howlgalaan sidii ay ku daciifin lahaayeen
awooda saraakiisha. Waxay ku baaqeen dhowr
bilood oo shaqa ka-fariisi ah. Taasi waxay
sababtay in rag badan ay ka hoobtaan xilalkii ay
dowlada u hayeen. Bishii sebtember 1975-kii,
xubnihii EPRP waxay bilaabeen howlo argagixiso
ah oo ay la beegsanayeen ragga ay iska soo
horjeedeen. Bishaas, waxay sigeen in ay dilaan
Mengistu X. Mariam
qudhiisa. Xisbigii MEISON iyo kooxdii uu
hoggaaminayay Mengistu
ayaa markaa bilaabay in ay wadooyinka
ka
ugaarsadaan EPRP oo
si
arxan-darro ah u
laayaan.
Markaas baa Itoobiya waxaa u bilaabatay in ay
is-cunto. Dalku
wuxuu galay fowda adag oo dhexdeeda qofkii
doonaya uu
raadsado qofkuu
doonayo.
Waxaa guntamay unugyadii argagixisada ee
magaaladii Adis-ababa u ekeysiiysay balli dhiig
ah. Waxay galaafteen nafaf badan oo aanan denbi
lahayn, kuwaas oo
tiradooda lagu qiyaaso tobaneeye kun.
Is-xasuuqaas
dhexdiisii ayaa bishii disember 1975-kii, ay
ardeyda jaamicadaha ku aadeen ololihii la
dagaalanka jahliga,
oo reer miyiga lagu barayay qoraalka iyo
akhriska. Xilligaas, xoogaggii
abaabulayay
dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed waxay ku ekaayeen
magaalo-madaxda. Waxaa soo raacay degmooyinka
looga taliyay gobollada, sida Dessiye, Gondhar,
Asmara, Jimma, Harar, Maqdalla, Masawac iyo
Dirir-dhabe.
Waajibaadka ardeyda maahayn oo keliya
cirib-tirka aqoon-darrida. Waxaa arintaas u
weheliyay in ay fahamka reer miyiga gaarsiiyaan
siyaasadda cusub ee hanti-wadaaga ah. Ardeyda
baxday waxaa kamid ahaa qaar badan oo
xambaarsanaa aragtidii EPRP. Waxay baadiyaha la
aadeen fikradihii xisbiga oo ku mucaaradka ahaa
golihii saraakiisha. Ardeydaasi, reer miyigii ay
u tageen ayaa waxay u gudbiyeen aragtidii
xisbigooda. Taasi waxay sii hurisay iska
hor-imaadkii ciidamada iyo ardeyda. Markaas baa
xasuuqii wuxuu gaarey baadiyihii. Waxaa la
ugaartey ardeydii iyo reer miyigii la talada
noqdey. Sidaas baa waxaa ku balaartay
argagixiskii ay saraakiishu ku hayeen dadka
rayidka ah, miyi iyo magaalo. Dhacdooyinkaas
gumaadka ah waxaa
loo yaqaan Argagixii Casaa The Red Terror,
waxaa ku dhintay.
Muddadii uu argagixiskaas socday ayuu
G/ Dh.
Mengistu Xayle Mariam
si wanaagsan u adeegtay. Wuxuu markaas laayay
rag badan oo laf-dhabar u ahaa kacdoonkii lagu
af-gembiyay
Boqor Xeyle
Seleasse.
Raga xilligaas la dilay waxaa ugu magac weynaa
Jeneraal Amha Desta
iyo
Jeneraal Fanta Belai.
Labaduba waxay kamid ahaayeen hormoodkii
saraakiisha ciidanka cirka. Waxay ahaayeen
aqoonyahano sumcad wanaagsan ku lahaa bulshada.
Waxaa kale oo ragga
uu xilligaas laayay
kamid
ahaa
Jeneraal Getachew Nadew
oo ahaa gudoomiyihii gobolka Eriteriya. Janankan,
xilka culus oo uu hayay ayaa wuxuu cabsi ku
ridey
Mengistu.
Wuxuu u baqay damaca fog oo uu lahaa ee ahaa in
uu talada dalka qabsado. Sida u caadada ah
caqliyadda keligi-talisyada wax yeeriya,
Maengistu
wuxuu ahaa nin aanan adkeysi u lahayn in uu la
shaqeeyo ragga
caynkan
ah oo ka aqoonta iyo sumcadda sareeya.
25/ 7-
1976-kii, laba sarkaal oo dhalinyaro ah, kana
mid ahaa golihii ciidamada ayaa baxsaday kadib
markii ay ka cabsadeen
Mengistu
iyo kooxdiisa. Saraakiishaas ayaa la soo qabtay,
dabadeedna suuqa dhexdiisa ayaa lagu diley.
Sababtu waxay ahayd iyaga oo ahaa rag ka soo hor
jeeda
G/ Dh. Mengistu X. Mariam.
Waxaa magacyadooda la oran jirey
Bewketu Kassa
iyo
Sileshi
Beyene.
Falkii lagu leynayay dadka, ayaa dhamaan waxaa
laga sheegi jirey idaacadaha dalka. Ujeeddadu
waxay ahayd in lagu cabsi geliyo kacaan-diidka
Itoobiya.
Dadweynaha Itoobiya ma eeyan ogeyn in sarkaal
dhalinyar ee la yiraahdo
G/ Dh.
Mengistu Xayle Mariam
uu yahay shakhsiga ka danbeeya layntan
bahalnimada ah.
Waxaase jirtey in
golaha
saraakiishu ay
si buuxda u ogaayeen in uu isagu yahay ninka
keliya ee ka danbeeya xasuuqan. Laakiin
midkoodna
kuma
dhicin in uu ka hadlo arinta, waayo waxay
ahaayeen rag isku
cusub oo
aan
horey
isu
aqoon.
Waxay ka yimaadeen
gobollo
kala duwan, isla markaasna aqoon kala duwan ugu
adeegayay ciidanka. Khabar li'idii
dadweynaha,
waxay
ilaalisay sumcaddii wanaagsaneyd ee
Mengistu
uu ku dhex lahaa bulshada.
Dilka
iyo xasuuqa xad ka-baxa ah, wuxuu culeys iyo
qalafsanaan ku keenay socodsiinta howlihii
siyaasadeed ee
saraakiishii xilka qaadey.
Qaar badan oo kamid ah xubnihii golaha ciidamada,
waxay dareensadeen taageerada
xooga leh ee
xisbiga
MEISON uu siinayay
Mengistu,
taas oo korneylku
uu ku
helay in uu miisaan culus ku yeesho golaha
ciidamada dhexdiisa.
Jeneraal
Tafarre Baanti
oo ahaa gudoomiyihii golaha, ayaa markaas wuxuu
bilaabay in uu dhiiri geliyo koox saraakiil ah
oo kamid ahaa golaha. Ujeeddada Jananku waxay
ahayd in uu xasiliyo maamulka uu talada u hayay,
islamarkaasna uu yareeyo mucaaradka maamulka.
Ayaamihii ugu danbeeyay sanadka,
Mengistu
iyo koxdiisii waxay si buuxda u lumiyeen awoodii
ay ku jaheynayeen siyaasaddii golaha.
Jeneraal
Tafarre Baanti,
wuxuu xilal muhiim ah u dhiibay rag xaggiisa
lagu tiriyo. Waxaa kamid ahaa
Gaashaanle
Alemayahu Xayle,
taliyihii ciidanka biliiska. Wuxuu ahaa nin
isla-weyn laakiin aqoonyahan ah. Waxaa lagu
magacaabay xoghaynta golaha. Waxaa kale oo kamid
ahaa
Dhamme Mogus Wolde,
sarkaal madax-bannaan, aqoonyahan ku takhasusey
dhaqaalaha. Waxaa odey looga dhigay
hanti-dhowrka qaranka.
JeneraalTafarre,
wuxuu kordhiyay awoodii xileed ee uu u hayay
golaha. Wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay madaxii
dowladda Itoobiya.
G/ Dh. Mengisu
oo markaas ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha,
ayaa xilkiisii wuxuu ku soo baxay mid aanan wax
miisaan ah ku lahayn maamulkii golaha. Qorshaha
Jeneraal
Tafarre
iyo raggiisa ayaa wuxuu ahaa in
Mengistu
laga xayuubiyo awooda uu ku shaqeynayo, si hoos
loogu dhigo hanka uu leeyahay. Dabadeedna golaha
laga eryo, si markaas ay EPRP suuqyada uga
ugaarato. Laakiin jananku shakhsiyad daciif ah
ayuu lahaa, oo ma uusan qiimeyn waxa ka suuroobi
kara ninka uu cadowga ka dhigtay. Arintan ayay
ahayd sababtii
Mengistu
ku bixisey in uu laayo saraakiishii golaha
oo gacanta kala horeeyo.
(Red Tears.
Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 26 - 29).
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore