Bulshooyinka ay madaxdoodu ka
caajisaan fulinta waajibaadka qowmiyadeed,
waxay ku danbeeyaan in ay iyagu is-cunaan.
Waxay yeeshaan weji lamid ah kii ay Itoobiya
lahayd xilligaas fool-xumida huwiyey taariikhdii
dalkooda. Taasi waxay salka ku heysaa ballan-qaadyada
beenta ah oo madaxdu ay ummaddooda kaga maaweeliyaan
ururinta iyo hagaajinta nolosha. Dabadeed
dad-weynuhu waxay ku hoobtaan marxalad
fowda ah oo aayahooda khatar gelisa. Aqoonyahannada
bulsho-baradka ah kuwooda u kuur-gala wacaallada
nolosha, waxay xaaladdaas ku magacaabaan a-politic
(howtal-hamag).
Markaas baa waxaa furmaya dhamaan mus-ciliilihii
ay bulshadu dugsaneysey.
Is-cunkii saraakiishii Itoobiya,
waxay himilo madax-bannaani ku abuurtey ummadihii
ay xooga ku heysteen oo ay Soomaalidu kamidka
ahaayeen. GS ee K Soomaaliyeed, waxaa soo
fuuley culeys kaga imanayey odeyaashii iyo
dhallinyaradii ku noolaa Xamar ee u dhashey
beelaha ku dhaqan gobolka Ogaadeenya. Dadkaasi
waxay dalbayeen in dowladdu ay ku taageedho
abaabul lagu diyaarinayo gulufyo colaadeed
oo gobolka looga kiciyo maamullada ku xiran
Addis-ababa.
Saraakiishii Soomaaliyeed, xilli
hore ayay bilaabeen in ay la xiriiraan saraakiisha
Itoobiyaanka ah ee la wareegey taladii dalkooda.
Labadii hoggaamiye ee ugu horeeyey (Jeneraal
Andom iyo Jeneraal
Baanti) ayay hor-dhigeen
codsi ah in ay madax-bannaani siiyaan gobolka
ay Soomaalida ka heystaan. Itoobiyaanku waa
ay ku adkaatey in ay bixiyaan dhul baaxaddiisu
ay ku dhowdahay kala-bar (46 %) dhulka ay
ka taliyaan. Waxaa kale oo u muuqatey
in dalku uu sida kuulo firdhadey u kala fur-furanayo
haddii ay qeyb ka bixiyaan. Sidaa darteed
diidmo qayaxan ayay kaga jawaabeen codsigii
Soomaalida. Waxaa xusid mudan, sarkaalka saddexaad
oo talada Itoobiya boobey, Col.
Mengistu Xeyle Mariam, in uu la soo
xiriirey saraakiisha ka
talisey Soomaaliya.
Wuxuu ka codsadey in ay Itoobiya ku taageeraan
ciidamo Soomaaliyeed oo tiradoodu dhantahay
10.000 nin iyo qalabkoodii. Mengistu
danta uu lahaa waxay ahayd in ciidankaas
uu ku muquuniyo dabka cagaha ka gubey maamulkiisa,
kaas oo ka hurayey gobolka Ereteriya. Hoggaamiyaha
Itoobiya ayaa xilligaas ku baryootamey in
uu yahay nin mabaadiida Maarkisiyaddu ay dhab
ka tahay, sidaa darteed uu Soomaalida ka mudan
yahay in ay taageero u fidiyaan. Saraakiisha
Soomaaliyeed, oo xilligaas ahaa kuwo aanan
u xaad-qaboobeyn Itoobiya, waxay ku guda jireen
taakuleynta howlgalladii ciidameed ee jabhaddii
xoreynta Soomaali Galbeed oo markaas dhowr
bilood ka socdey gudaha Itoobiya. (Wargeyska
Al-Ahraam. 27/ 5- 1977).
GS ee K, bartamihii 1975-kii,
ayay ishaaradii ugu horeysey siiyeyeen dadkii
reer Ogaadeenya. Waxay u oggolaadeen in ay
si madax-bannaan qadiyaddooda uga jeedsadaan
golayaasha dadku isugu yimaadaan, gaar ahaan
xarumihii xaafadaha iyo degmooyinka ee la
oran jirey Golayaasha Hanuuninta. Waxaa Xamar
ka bilowmey fadhiyo ay isku arkaan dhallinyaro
gobolka u dhashey oo wax ka baranayey dugsiyadii
Xamar. Fadhiyadaas,
waa ay ku kala war qaadan jireen, islamarkaa
waxay isku dhaafsan jireen aragtiyaalka
ay doonayeen in ay dalka ku xoreeyaan. Waxay
sameysteen guddi dhallinyaro, iyaga oo markiiba
bilaabey in ay dhaqaale iska ururiyaan. Isla
markaas waxay diiwaan
geliyeen magacyada iyo cinwaanada dhamaan
dadkoodii ku sugnaa gobollada Soomaaliyeed
ee xorta ah.
Waxaa iyana xiiso ku kordhiyey
dhaqdhaqaaqii ardeyda, labadii kooxood ee
ka soo laabtey Kuuriyada Waqooyi oo ay u soo
dhamaatey tababarka ciidan. Raggaas oo tiradoodu
ay 100 nin dhaafsiisneyd, dowladdii kacaanka
waxay u soo bandhigtey in ay kamid noqdaan
ciidamada Soomaaliyeed. Laakiin dhamaantood
waa ay diideen oo waxay hal cod ku sheegeen
in ay yihiin naftooda hurayaal u diriraya
qadiyadda gobolkooda. Sidaa darteed waxay
muujiyeen in ay doonayaan in ay food-saar
ciidameed kaga howl-galaan gobolka, kaas oo
lagaga kicinayo maamulka
qanjir-xanuunka ku haya degaanka iyo dadkiisa.
Qaar kamid ah dhallinyaradii
ardeyda ahaa ee horey Xamar ugu sugnaa, iyaga
oo aad u xamaasadeysan, ayaa waxay bilaabeen
in ay qoraallo sameeyaan oo ay ku firdhiyaan
magaalooyinka. Waraaqahaas oo ay ku daadiyeen
Xamar iyo Kismaayo ayaa taladooda
waxay ahayd mid eeyan dhallinyaradu u dhameyn.
Hase ahaatee waxaa markiiba ururiyey
ciidamadii nabad-sugidda. Dabadeed waxaa la
hakiyey dhamaan howlihii ay ardeydu bilaabeen.
Qaar ardeydii kamid ah xabsiyada ayaa loo
taxaabey, isla markaas dowladdu waxay soo
xereysatay dhamaan wixii qoraalo ahaa oo diiwaanka
ardeyda
ku jirey. Taasina waxay ahayd tilmaan
ay dowladdu ku muujineysey
sida ay uga go'an tahay in ay dooneyso in
halganku uusan gacantooda ka bixin. (Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Cabdiraxmaan Caabi,
Qaahira, 10/4- 2004).
Xilliga uu dhaqdhaqaaqaasi ka
socdo magaalo-madaxdii Soomaaliya, waxaa xabsiga
ku jirey hoggaamiyihii jabhadda Ogaadeenya
Maxamad Diiriye Uurdoox.
Isaga waxaa la xirey bishii abriil 1974-kii.
Sababtuna waxay ahayd is-diid aragtiyeed ee
dhex tiil isaga iyo hoggaamiyihii Kacaanka
Jeneraal Maxamad Siyaad.
Uurdoox wuxuu
arkayey, muddada
lagu jiro hayaanka, in jabhaddu ay
ahaato mid u madax-bannaan
talooyinkeeda iyo howl-galladeeda. Waxa ay
Soomaalida
isugu yimaadaana
in ay ahaato taageero
walaal curad ah uu siiyo yaraankiis.
Maamulkii
Kacaanka ayaa
isagu arkayey in jabhaddu ay ahaato
mid 100 % hoos timaada rijiimka,
isla markaas, gobolka in uusan ahayn mid ka
duwan gobollada uu kacaanku ka taliyo.
Khilaafkaasina wuxuu bilowdey maamulkii Kacaanka
oo aanan 60 maalmood dalka heyn. Markaas oo
Jeneraal Maxamad Siyaad
uu ku casumey xafiiskiisii Maxamad
Diiriye. Doodii ugu horeysey oo dhex-martey
ayuu midba midka kale u sheegey aragtidiisii.
Markii ay adkaatey
in leysu tanaasulo, ayaa waxaa dhacdey in
ay is-dhaafsadaan hadallo adag.
Sidaas bey labada nin ku kala fogaadeen. (Waxaan
ka soo xiganay Maxamad Diiriye Uurdoox, Nairoobi,
28/7- 2004).
Waxaa jirey nin ay dhallinyaradu
u direen gudaha Ogaadeenya sanadkii 1974-kii.
Howshaasi waxay ka danbeysey markii xabsiga
loo taxaabey guddoomiyihii ururka
Maxamad Diiriye Uurdoox. Ninkaa la
direy waxaa magaciisa la yiraahdaa Cumar-Nuur
Shiikh Khaliif. Wuxuu ahaa macallin
wax ka dhiga dugsiyadii sare ee Xamar. Markii
dhallinyaradii Xamar lagu xirxirey, Cumar-Nuur
iyo saaxiibo uu gobolka ka heley,
waxay
go'aansadeen in ay bilaabaan howl-gallo ciidan
oo ay kula dagaalamayaan ciidamada Itoobiya
iyo taakuladooda. Dhaqdhaqaaqa uu
Cumar-Nuur bilaabey
wuxuu ahaa mid xaddidan, waxaana loo yiqiin
Goraya-cawl.
Madaxdii Soomaalida waxaa ay
qorsheysteen in ay marka hore culeyska saaraan
madax-bannaanida Jabuuti, waayo waxaa fadhiyey
gumeysi reer Yurub ah (Faransiis). Waxaa u
muuqatey in taasi ay sababeyso in ay gacan
kaga helaan dowladaha Afrika iyo caalamka
Carabta intaba. Dhanka Itoobiya, Soomaalidu
waxaa ay is tuseen in ay isha kala socdaan
xaaladda burburka ah oo ay dowladda Itoobiya
ku socoto, isla markaasna ay ka bilaabaan
howlo ay ku urursanayaan ogaallada ciidammada
Itoobiya.
Jabuuti
waxay kamid tahay gobollada ay Soomaalidu
degaan oo ay ku hawoonayeen in ay helaan maamulkeeda.
Qeybsigii Barliin iyo maamulladii gimeysiga
ee ka danbeeyey, dhaawacyada ay gaarsiiyeen
gobolka Jabuuti, waa ay noqon waayeen kuwo
daah saara xaqa ay Soomaalidu u leeyihiin
aaya ka-taliska gobolka. Ururkii Leegada oo
ahaa urur-siyaasadeed kii ugu horeeyey oo
ay beelaha Soomaaliyeed ku midoobaan, baaqoodii
ugu horeeyey waxaa kamid ahaa midnimo iyo
madax-bannaani Soomaali-weyn. Sanadkii 1959-kii,
Maxamuud Xarbi
oo odey ka ahaa urur ka jirey Jabuuti oo ay
ganacsatada iyo wax-garadku lahaayeen, ayaa
Xamar yimid. Ujeeddada booqashadu waxay ahayd
in uu ka qeyb galo marti-qaad uu xisbigii
Gareedka u fidiyey dhallinyaro matalayay gobollada
Soomaaliyeed ee shanta ah. Fadhigaas oo lagu
magacaabay Pan Somali Congress, raggii
ka hadley ayuu kamid ahaa
Maxamuud Xarbi.
Hadalladiisii waxaa kamid ahaa :
"
....... Madax-bannaanidan soo dhowaatey
ee laba gobol oo Soomaali ah ay ku naaloon
doonaan, waxay iigu muuqataa mid aanan calfaneyn.
Waanse ku faraxsanahay, waayo bulsho ballaaran
ee Soomaaliyeed iyo caruurtooda ayaa hoos
harsanaya. Waan rumeysnahay, gobollada ku
harey gacanta gumeysigana in ay maalinteeda
iska kicin doonaan oo ay gacmaha qabsan
doonaan walaalahooda Soomaaliyeed. ..
.......... . Waxaan maqlayaa shanta Soomaaliyeed.
Waxaan idiin sheegayaa in gobollada Soomaaliya
aanay ahayn shan. Marka lagu daro jasiiradda
Suqadara, gobollada aanu leenahay ee shisheeyuhu
qeybsadeen waa lix ......... ".
(Waxaanu
ka soo xiganey danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud
oo maalintaa goob-jooge ahaa).
Gobanimo
daryeel baan lahaa dawladnimo taage
Doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
Deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
Maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
Dadkii dhaxal la'aa baan lahaa dooga haw hadho'e
Shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
Dakharada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle
(Maxamad
Ibraahim Hadraawi).
Inkasta oo Jabuuti ay tahay
dalka Afrika ugu yar oo baaxaddiisu ay le'eg
tahay 23.000 km square, misana miisaan
culus ayuu ku lahaa qadiyadda ay isku heysteen
Soomaaliya iyo Itoobiya. Xuduudda ay Jabuuti
la leedahay Itoobiya waxay shan jeer ka weyn
tahay midda ay Soomaaliya la leedahay (349
km : 58 km). Soomaalidu waxay arkayeen in
Jabuuti ay tahay dhul kamid ah gobolladeeda,
halka ay Itoobiya arkeysey in gobolku uu yahay
halbowlihii nolosheeda.
Faransiisku wuxuu ku dadaaley
in gobolka uu ku magacaabo Dhulka Cafarta
iyo Ciisaha, isaga oo daba taagan aragtida
gumeysiga ee filka weyn ee ah qeybi oo xukun.
Laakiin waxaa ka hor yimid diidmo caalami
ah. Gobolka waxaa loo yiqiin magaca ah Xeebta
Soomaaliyeed (La Cote des Somalis).
Faransiiska wuxuu mar walba dadka Cafarta
ah ku abuurayey colaad ay u qaadaan Soomaalida.
Wuxuu Jabuuti ka dhisey laba urur siyaasadeed
oo kala matalaya labada reerood oo ku nool
degaanka oo kala ah Soomaalida iyo Cafarta.
Waxaa kale oo jirey urur gobanimo-doon ahaa
oo dibadda ka dhisnaa, kaas oo taakuleyn ka
haystay Soomaaliya. Ururadaasi waxay kala
ahaayeen sidan :
1.Union et Progres dans LŽEnsemple
Francais UPEF : Waa xisbiga ay lahaayeen
dadka Cafarta. Waxaa ay gacan saar la lahaayeen
maamulkii Faransiiska. Doorasho la qaadey
sannadkii 1974-kii, dhamaan fadhiyadii barlamaanka
waxaa ku guuleystey xubnihii xisbigan.
2. Ligue Populaire Africaine
pour LŽ Independence LPAI : Waa xisbi
gobannimo-doon ah. Waxaa ku bahoobey Soomaalidii
ku nooleyd degaanka, haba u badnaadaane beesha
Ciise. Saldhigga xisbiga wuxuu ku yiil Jabuuti,
wuxuuna ahaa xisbi qunyar socod ah.
3. Fronte de LibeŽration
la Coste des Somalia FLCS : Wuxuu ahaa
urur hubeysan oo u dagaalamayey madax-bannaanida
Jabuuti. Madaxda ururkan waxay fadhiyeen Xamar
oo ahayd meesha laga asaasey.
Kacaankii Soomaaliyeed, culeys
ayuu saarey maamulkii Faransiiska ee ka dhisnaa
Jabuuti. Meelaha uu ka cadaadiyay waxay isugu
jireen mid diblomaasiyadeed, mid siyaasadeed
iyo mid ciidameed. Ujeeddadu waxay ahayd in
Jabuuti ay hesho madax-bannaani, dabadeedna
ay la midowdo Soomaaliya. Dowladaha Carabta
ah ee Faransiisku uu la leeyahay xiriirka
gaarka ah (Marooko, Aljeeriya iyo Tuunis)
ayaa Soomaalida gacan ku siiyey sidii Faransiiska
loo qancin lahaa. Waxaa kale oo Faransiiska
culeys ku hayay falalka kordhayay oo xubno
naftooda hurayaal ah ay kula dirirayeen maamulkii
Jabuuti. Dhacdooyinkaa waxaa ugu cuslaa fal,
xubno kamid ah jabhaddu, ay ku af-duubeen
danjirihii Faransiiska u fadhiyey magaalada
Xamar. Waxaa kale oo jirey fal kale oo ay
Jabuuti kaga af-duubeen bas ay saaraayeen
ardey u socotay dugsiyo, kuwaas oo ay dhaleen
shaqaale Faransiis ah.
Arimahaasi
waxay ka danbeeyeen doorashadii Jabuuti ka
dhacdey sannadkii 1974-kii,oo ay si xoog leh
ugu guuleysteen xisbigii Cafarta ee la oran
jirey Union et Progres dans LŽEnsemle Francais.
Xisbigaas oo uu hoggaamiye ka ahaa nin la
yiraahdo
Cali Burhaan Caarif ayaa
ku guuleystay fadhiyadii oo idil. Xilligaas,
xisbiga matalayey dadka Soomaalida ah ee Jabuuti
ku nool LPAI, waxaa hoggaaminayey
Xasan Guuleed Abtidoon.
Cali Caarif wuxuu
ahaa nin ku dhashay Jabuuti, aabihiis oo ganacsade
ahaa ayaa wuxuu ka yimid dalka Turkiya.