Hal-abuurkii mu'sasaadkii dhaqaalaha oo
ay kamidka ahaayeen iskaashatooyinkii beeraha iyo kalluumeysiga,
mashaariicdii waaweynaa ee lagu fuliyey iskaa wax u-qabso
iyo qarameyntii shirkadihii shisheeyuhu lahaa, ayaa
waxay kobciyeen xoogii dhaqaale ee Soomaaliya. Xilligaas
wuxuu ahaa mar ay xoogowdey aragtidii ahayd ururinta
Soomaali weyn. Labadaa arimood ayaa waxay sababeen in
magaalada Xamar iyo degmooyinka kaloo waaweyn ee dalka,
ay noqdaan meelo soo jiita ardeydii iyo dhallinyaradii
Soomaaliyeed ee shaqa-la'aanta ahaa ee ku dhaqnaa gobollada
maqan.
Wasaaraddii waxbarashada ayaa kamid ahayd
meelaha ay dhallinyaradu soo beegsadaan. Wasaaraddu
waxay fursad siisey dhamaan ardeydii ka kala imanayay
gobolladaas ku harey gacanta maamullada shisheeye. Waxay
gudoomisey, in la imtixaano ardey kasta oo jamhuuriyadda
yimaada, dabadeedna lala fariisiyo ardeyda uu la heerka
yahay. Sida uu dastuurkii dalku xusayay, dowladdu, qof-kasta
oo af-soomaali ku hadla, waxay u arkeysay in uu yahay
muwaadin Soomaali ah. Islamarkaasna, qofkaasi wuxuu
xuquuq dhalasho oo buuxda ku lahaa jamhuuriyadda madaxa-bannaan.
Ardeydii cusbeyd, xataa waxay qeyb ka heleen deeqihii
waxbarasho oo jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka heli jirtey
dowladaha shuuciga ah. Waxay ahayd xilli ay fidnadu
yareyd. Majirin xasad iyo xasarad dhex-tiil beelaha
Soomaaliyeed.
Qorshihii
uu Kacaanku ku tiigsanayey madax-bannaanida Jabuuti,
wuxuu ahaa mid uu ku baabi'inayey dareen diilalyo iyo
dal-tabyo xanuun badan ku hayay bulshada Soomaaliyeed.
Xowli-orodkii qorshahan, waxaa garab socdey tabaabulyo
qunyar socod ah oo uu Kacaanku kaga ajiibayey dalab
soo noq-noqdey oo ka imanayay aqoonyahannada reer Ogaadeenya.
Kaasi wuxuu ahaa in la dhiso gole siyaasadeed oo horseed
ka noqda hayaanka lagu doonayey xoreynta gobolka. Sanadihii
1974-1975, hoggaamiyihii Kacaanka
Jeneraal Maxamad Siyaad,
wuxuu ahaa guddoomiyihii Ururka Midnimada Afrika OAU.
Sidaa darteed kuma uusan qanacsaneyn in uu qaaradda
dhexdeeda colaad ka abaabulo, isaga oo ka waayeel ah
golihii ay ku bahoobeen dowladihii qaaradda.
Bartamihii
sanadkii 1975-kii, waxaa Soomaaliya ka wareegey xilkii
ay u haysey ururka OAU. Dabayaaqadii sanadkaas Kacaanku
wuxuu bilaabey in uu ururiyo dhowr boqol oo qof, kuwaas
oo kamid ahaa dabaqadihii matalayey qadiyadda Ogaadeenya.
Dadkaasi waxaa fadhi loogu qabtey tuulo lagu magacaabo
Yaaq-bariweyn ee ka tirsan degmada Wanla-weyn. Waxaa
xusid mudan in fadhigaas hortiis, xabsiyada laga soo
daayey dhamaan dadkii reer Ogaadeenya ahaa oo Kacaanka
u xirnaa. Waxaa maxaabiistaa ugu weynaa gudoomiyihii
ururka
Maxamad Diiriye Uurdoox.
Madashii fadhiga waxaa isugu yimid rag ruug-cadaa ah
oo ku xusan taariikhda halgankan. Waxaa raggaas kamid
ahaa
Garaad Maqtal Daahir,
Shiikh
Cali-Suufi,
Maxamad
Xaaji Xuseen (Sheeko-xariir),
Maxamad Diiriye Uurdoox,
Suldaan Maxamuud Ciid,
Cali Yaasiin Cabdi
iyo
Shiikh Cabdi Oomaar,
ikk.
Waxaa jirey
saraakiil sare ee ka tirsanaa ciidamada Soomaaliyeed,
kuwaas oo wax ka wadey farsamada socodsiinta fadhiga,
islamarkaasna xiriirinayey maamulkii Kacaanka iyo xubnaha
shirka lagu marti-qaadey. Raggaas oo qudhoodu ahaa rag
dhalashadoodu ahayd gobolka loo hayaamayo, waxay ahaayeen
kuwo xulashadooda ay ka timid dhanka dowladda. Waxaa
saraakiishaas kamid ahaa
G/ S. Maxamad Cumar Jees,
G/ S. Faarax Waceys Duule,
G/ S. Bile Rafle Guuleed,
G/ Dh. Cilmi Isaaq,
G/ Dh. Cabdiraxmaan Xuseen,
Gaashaanle Axmad Mahdi Xaaji,
Gaashaanle Maxamad Shiikh Yuusuf Kaariye,
Gaashaanle Cabdiraxmaan Caabi,
............. .
Doodihii
badnaa oo halkaa ka dhacay ayaa waxaa leys tusiyey xaaladda
qalafsan oo ay Itoobiya mareyso. Waxaa la gudoonsadey
in dadkii degaanka la abaabulo si ay heeryada gumeysiga
isaga dul-qaadaan, isla markaasna la dhiso gole siyaasadeed
oo matala qadiyadda. Doorashadii guddoomiyaha, waxaa
isu soo taagey odeyaal dhowr ah oo uu kamid ahaa
Garaad
Maqtal Daahir. Dadkii
fadhiga joogey ayaa waxay tilmaameen in loo baahan yahay
wejiyo cusub oo dhallinyaro ah, si halganka looga mira
dhaliyo. Odeyaashii waa ay ku qanceen taladan. Dabadeed
waxaa is sharaxay
Maxamuud Axmad Kooni
iyo
Cabdullaahi Aadan
(Sacab),
kuwaas oo isu soo taagey in ay qabtaan xilka doorashada
guddoomiyaha golaha jabhadda. Waxaa jirey iin wehelisey
labada nin, taas oo ka hor taagneyd in ay odey ka noqdaan
halganka.
Kooni wuxuu ahaa
nin ka soo baxay jaamacad ku taal Addis-ababa, sidaa
darteed waxaa adag in nin dhaqan Itoobiyaan xambaarsan
uu hoggaamiye ka noqdo halgan Soomaaliyeed.
Sacab
wuxuu isna wax
ku soo bartey dalka Ruusiya. Wuxuu ahaa nin xambaarsan
aragtidii shuuciyadda ahayd. Waxaa intaa wehelisey,
labada nin oo ka dhashey laba jifiyood oo Ogaadeen ah,
kuwaas oo ku loolama talada reerka. Si cilladahaas looga
tallaabsado ayaa xilkii laga weeciyey labadaas aqoonyahan.
Fadhigaa oo bil iyo ayaamo socdey, waxaa
lagu dhisey golihii dhexe ee jabhadda. Tiradoodu waxay
ahayd 25 xubnood. Toban ka mid ah golahan, waxay lahaayeen
aqoon heer jaamicadeed ah. Shan ka mid ah waxay wax
ku soo barteen dalka Masar. Saddex kamid ah , waxay
ka mid ahaayeen raggii ku soo tababartey dalka Kuuriyada
Waqooyi. Waxaa kale oo golaha xubin ka ahaa hal dumar
ah. Inta badan xubnihii golaha dhexe, da'dooda aad bey
uga yareyd in ay hoggaamiyaan halgan heer qaran oo kan
oo kale ah. Golahaasi ayaa intiisa badan waxay ahaayeen
beesha Ogaadeen, qabaa'ilka kale ee degaanka waxaa kaga
jirey dad matala.
 |
|
Cabdullaahi
Xasan Maxamuud
|
Saraakiishii
Soomaaliyeed ee howl-wadeenada ka ahaa fadhiga, waxay
gudoonsadeen in ninka la yiraahdo
Cabdullaahi Xasan Maxamuud,
ay u sharaxaan xilka guddoomiyaha. Isagu wuxuu markaas
ahaa isu-duwaha waxbarashada ee gobolka Banaadir. Wuxuu
ku dhashey Qarri-jaqood. Waa nin u dhashey beesha Jid-waaq
(Bartire). Wuxuu wax la soo bartey oo ay xer wada ahaayeen
culimada Soomaalida kuwooda ugu waaweyn, sida
Shiikh
Maxamad Macallin Xasan,
Shariif Cabdi Nuur iyo
Shiikh Maxamad Haadi.
Xamar wuxuu yimid isaga oo 18 jir ah. Casharradii xalqadaha
ahaa ee ka bixi jirey masaajidkii Shiikh Cabdulqaadir
ayuu aqoon diineed iyo mid af-carabi ka kororsadey.
1964-kii ayuu Masar ka heley deeq waxbarasho, halkaas
oo uu jaamicadda Qaahira uu kaga qalin jebiyey shahaadada
Majisteer sanadkii 1969-kii. Waa nin fir-fircoon, leh
hal-abuur iyo dad la dhaqan. Geesi, xikmad badan, xambaarsan
aragti waddaninimo. Ardey-nimadiisii, wuxuu odey ka
ahaa naadiga ardeyda ee Qaahira. Wuxuu kamid ahaa ardeydii
loo xirey mudaahaaraad ay kaga dhii-dhiyeen dad Soomaaliyeed
oo uu Faransiisku ku laayay Jabuuti 1966-kii. Dhacdadaas
ayaa waxay ka danbeysay booqasho uu madaxweynihii Faransa
Jeneral Charles de Gaulle ku
tegey Jabuuti.
Saraakiisha
ka danbeeyey in
Cabdullaahi Xasan uu
guddoomiye noqdo waxay ahaayeen
Maxamad Shiikh Yuusuf Kaariye,
Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen
iyo
Axmad Mahdi Xaaji Faarax.
Raggan iyo
Cabdullaahi waxay
ahaayeen sheeko-wadaag. Fiidkii bey waxay isugu iman
jireen xafiiskii isu-duwaha waxbarashada ee gobolka.
Waxay ka sheekeysan jireen qadiyadda. Saraakiishaas
ayaa waxay ku qanacsanaayeen in
Cabdullaahi Xasan
uu yahay nin mudan xilkan. Dabadeed waxay aragtidoodii
ay ku qanciyeen
Faarax Waceys Duule
iyo
Maxamad Cumar Jees
oo labaduba kamid ahaa saraakiishii GS ee K. Iyaguna
waxay taladii ula tageen
Jeneraal Maxamad Siyaad
oo ka oggolaadey.
Maxamad Diiriye Uurdoox
oo xabsiga ka soo baxay ayaa waxaa loo magacaabey ku
xigeenka guddoomiyihii golaha. Fadhigii wuxuu soo gaba-gaboobey
kowdii bishii janaweri sanadkii 1976-kii. Abwaanadii
fadhiga ka tiriyey gabeyada milgaha culus ee qiimiga
leh waxaa kamid ahaa
Cabdullaahi Macallin
(Dhoodaan).
Gabeygiisii lamagac-baxay Xaajo ee uu ayaamahaas tiriyey,
waxaa tixihiisii kamid ahaa :
Xaajadii huluulaha gashee haatuf ka adeegey
Xaajadii hurgumadeedu ay heerka culus gaadhey
Xaajadii halaaguba ka dhacay ee huq igu reebtey
Xaajadii kolkay hoga gashaba la isku haaraamey
Xaajadii habeenkii ardaa lagaga haasaawey
Xaajadii ciroolaha hufiyo hanadyo loo raadshey
Xaajadii harkii loo fadhiyey geedo hoos badan leh
Xaajadii halyey daacad iyo hebello loo dooney
Xaajadii hagoog iyo waxay belo hulaabneydba
Markay hoos u jiidaan waxay kor u hayaantaaba
Hunfi iyo waxay qoomamiyo hibasho keentaaba
Belo ka hig-lahayd iyo waxay baas la hugantaaba
Xaajadii hagaag diidayee hadal ka soo daashey
Inkasta oo qiiro weyn ay ka muuqatey madashii
shirku ka dhacay, misana fadhigu wuxuu ahaa mid taladiisa
laga maamulayay daahyo gadaalkood. Waxaa jirey codsi
ay dowladdu u gudbisey qaar kamid ah duqeydii dhaqdhaqaaqa,
kaas oo ahaa in jabhaddu ay si buuxda u hoos timaado
maamulka dowladda. Duqeydiina waxay is tusiyeen in ay
taageeraan codsigaas, marba haddii xilkii qadiyadda
uu Kacaanku dusha u dhiganayo. Taasi waxay sahal ka
dhigtey in khilaafku ku yaraado habsamidii uu shirku
u dhacay iyo ku tallaabsiga falalka xigi doona. Waxyaabaha
ay ka doodeen xubnihii isu yimid waxaa ugu hilan cuslaa
magaca ururka, kaas oo markii danbe leysku raacey in
uu ahaado Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed Western
Somali Libration Front W.S.L.F. Waxaa kale oo si
xoogan looga doodey dhulka ay jabhaddu ka howl geleyso.
Waxaa la qeexey xuduuddii uu lahaa dhulka Ogaadeenya,
waxaana lagu heshiiyay sidatan :
Xuduudda waqooyi, waxay ku eg tahay webiga
Hawaash.
Xuduudda koonfur, waxay ku eg tahay degmada
Feerfeer.
Xuduudda bari, waxay ku eg tahay degmada
Ceelcad.
Xuduudda galbeed, waxay ku eg tahay degmada
Mooyaale.
In badan oo ka mid ah dhulkii ay ku dhaqnaayeen
Oromada ku dhaqan Baali iyo Siidaamo, waxaa la raaciyey
xadkii Ogaadeenya. Laakiin dowladdii Kacaanka lama eeyan
daahin in dadkaasi Oromada ah ay u dhisto jabhad gobanimo-doon
ah iyo gole siyaasadeed oo iyaga u gaar ah. Jabhadda
Oromadu, lix bilood oo qura ayay ka danbeysey tii Soomaali
Galbeed. Oromada ku dhaqan labadaa gobol waxay yihiin
Caruusha iyo Booran. Labadaas beelood oo iyagu walaalo
ah, ayaa xiriirka ay Soomaalida la leeyihiin aanan isku
mid ahayn. Caruushada iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeyo
xiriir dhaqan oo xoogan, kaas oo ku dhisan xushmad iyo
is walaaleysi. Halka Booranta iyo Soomaalida uu xiriirkoodu
ahaa mid ku dhisan colaad joogto ah iyo naceyb. Waxaase
jirtey in Boorantu ay si buuxda ula safatey Soomaalida
markii uu qarxey dab-shidkii dagaalkii Ogaadeenya.
Bartamihii bishii
juun, sannadkii 1976-kii ayaa beelihii Oromada ahaa,
waxaa fadhi loogu qabtey degmada Qoryooley. Waxaa ka soo
qeyb galey saraakiishii hoggaaminayey kooxaha dagaalka
wadey iyo odeyaashii qaxootiga ahaa ee gobolladaas ka
yimid. Halkaa waxaa lagu doortey sagaal nin oo guddi
fulin ah. Xoghaye guud waxaa loo doortey
Maxamad Cali Ruubey,
ku xigeen waxaa isna loo doortey
Waaqoow Guuto Uso
oo labaduba ay ahaayeen
Caruusha. Golaha waxaa ka mid ahaa labo nin oo
tacliintoodu gaarsiisan tahay heer jaamicadeed.
Maxamad C. Ruubey
sababta loo doortey waxaa ay ahayd
isaga oo Soomaalida xiriir wanaagsan la lahaa. Waxaa
fadhigaas lagu guddoonsadey calan uu ururka Abboo
leeyahay iyo in la joogteeyo dagaalka lagula jiro
dowladda Itoobiya.
Waxaa kale
oo muran dhaliyey iyaduna magacii jabhadda loo bixin
lahaa. Muranka ka dhashey arintaas ayaa kallifey in
fadhigaasi uu ku sigto in leysku af-garanwaayo. Ugu
dambeyntii waxaa la soo bandhigey aragtiyaal kala duwan
oo ku saabsan magaca ururku yeelan doono. Qolo waxaa
ay soo jeediyeen in la qaato magaca Soomaali Galbeed
oo uu
Waaqow Guuto horey
u adeegsan jirey sannadihii 1960-aadkii. Taasi waxaa
ku qanci waayey xubnihii Oromada ahaa. Iyagu waxay jeclaayeen
in la reebo magaca Soomaali, oo ay haboon tahay in halkiisii
loo adeegsado magaca Oromo. Waxaase jirtey magacaas
oo qayaxan Soomaalida in eeyan raalli ku noqoneyn. Waayo
waxaa jira Oromo badan oo diintoodu tahay kirishtaan,
afkooduna yahay af-amxaariga, kuwaas oo ku milmey siyaasadda
Itoobiya. Oromada ceynkaas, bulshada Itoobiya ee rayidka
ah iyo ciidamadooduba waxaa ay ku leeyihiin miisaan.
Saraakiil iyo askar badan oo Oromo ah ayaa jira, kuwaas
oo la amxaareeyey. Waxaa laga xusi karaa oo ka mid ah
Jeneraal Tafarre Baanti
oo ahaa janeraalkii uu
Mengistu ka qabsadey
xukunka.
Magacyada la soo bandhigey waxaa ka mid
ahaa (Jabhadda Baali iyo Siidaamo). Iyaduna si wadajir
ah ayaa loo diidey. Ugu dambeyntii waxaa leysku waafaqay
magaca ah (Soomaali Abboo) kaas oo magaca Soomaalina
lagu xusey, ereyga Abboona lagu xusey. Abboo waa eray
leysugu yeero oo la macna ah halka ay Soomaalidu ka
tiraahdo (Waryaa). Waxaana adeegsada Oromada ku dhaqan
gobollada Baali iyo Siidaamo oo keliya. Sidaas baa muwaafaqo
lagu helay lagula baxo magac ay ka muuqdaan dadkii degaanka.
Waxaa kale oo iyadana muran adag ka yimid shakhsiyadda
(Identity) ay jabhaddu yeelaneyso iyo degaankeeda.
Iyaduna culeys kuma noqon fadhigii oo waa laga heshiiyey.
Ragga Golaha fulinta loo doortey badankood
waa raggii sannadihii 1960-aadkii ka soo qeyb qaatay
dagaalladii Itoobiya lala galay. Arrin muran dhalisey
baa waxay ahayd markii leysku dayey in la sawiro joqraafiga
uu dhulka Abboo ku fadhiyo. Waxaa halkaa ka yimid khilaaf
aragtiyeed oo ku saabsan dhulka ay labada jabhadood
kala sheeganayaan. W.S.L.F. ayaa sheeganeysey gobolka
Baali intiisa badan iyo koonfurta Siidaamo.
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore