Waxaa jirey hakadyo mudan in la xuso, kuwaas oo ku lamaanaa
abuurkii jabhadda. Hakadyadaas waxay goor danbe sabab
u noqdeen umuuro siyaasadeed oo aanan la mahadin. Midda
ugu weyn waxay ahayd, beelaha
ku dhaqan degaamada loo hayaamayey oo ahaa beelo ay ka
taliyaan odeyaal-dhaqameed aanan wax xiriir ah la lahayn
siyaasaddii lagu midabeeyey jabhadda. Maamulkii Kacaanka
waa ay u muuqatey in eeyan sahlaneyn in golahan uu si
fudud u helo kalsoonida odeyaashaas iyo dad-weynaha degaanka.
Sidaa darteed, taliskii Kacaanka iyo xubnihii fariistey
waxay is tusiyeen in fikradda lagu dagaal gelayo ay ahaato
mid diineed, dagaalkana loo yeelo weji ah gaalo iyo islaan
diriraya. Siyaasadda dalka lagu hagayay xilligaas, waxay
ahayd Hantiwadaaga Cilmiga. Wuxuu si xoogan uga
soo hor jeedaa diinta iyo dadkeeda. Go'aankan, dowladdu
waxay u araktey mid fududeynaya taageerada beelaha
ku dhaqan gobolka.
Dadka xilligaas matalayey gobolka ayaa badankoodu waxay
qabeen in halganku uu ahaado mid ka madax-bannaan maamulka
Soomaaliya ka taliya. Taas ayay ahayd midda sababtey fashilaad
ku timid fadhi laba jeer ay dhallinyaradii gobolka kula
kulmeen
Jeneraal Maxamad Siyaad.
Inkasta oo dhallinyaradu ay jimiimic iyo jeel-qab u hayeen
mideynta Soomaali-weyn, misana waxay doonayeen in halganka
uu lahaado weji lamid ah jabhadihii qaan-gaarka noqdey
oo xilligaas ka guuxayay dacallada qaaradda Afrika. Soomaaliya
waxay ka doonayeen in ay ka helaan taageero walaal curad
ah uu bixiyo.
Shiikh Ibraahim Cabdullaahi
oo ah aqoonyahan, qoraallo badan ka sameeyey qadiyaddan,
isla markaasna rayid ahaan uga qeyb-galey dagaalkii Ogaadeenya,
ayaa yiri :
"
Qadiyadda mideynta Soomaali-weyn, waxay ahayd midda
aanu u halgameyney. Taasi waa mid aanu weligeen
ku heyney niyadda. Marna ujeeddadu maahayn in gobol madax-bannaan
la abuuro, wallow ay jireen dad tira yar oo arintaas uurka
ku hayay ". (Wareysi
aanu la yeelaney Shiikh Ibraahim Cabdullaahi. London.
20/ 4-2004).
Haddeeyan dhicin in jabhaddii
la madax-banneeyo, abbaartu waxay ahayd in loo tala
badsado oo la doono wax-garadkii Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintii
hanaqaadka noqotey oo u kacay umadda Soomaaliyeed. Waxaa
kale oo iyana meesha ka maqneyd, inaan talada wax laga
siin saraakiishii aqoonta lahaa ee ciidamada wax ka hoggaaminayay.
Waxaa halkaa ka yimid hakad kale oo xoojiyey kii hore.
Sanadkii 1976-kii, waxaa Soomaaliya gudaheeda ka dhacay
umuuro waaweyn oo dhamaantood ifinayay waddada la doonayay
in lagu hayaamo. Umuurahaas ayaa waxay ahaayeen kuwo gogol-dhig
u ahaa dabshidkii dagaalkii Ogaadeenya. Sida aanu soo
xusney, maalintii ugu horeysey ee sanadka waxaa si rasmi
ah u soo af-jarmey fadhigii lagu dhisey jabhadda. Xafladdii
lagu khatimey fadhiga waxaa ka soo qeyb-galey hoggaamiyihii
Kacaanka
Jeneraal Maxamad Siyaad.
Wuxuu halkaa ka jeediyey khudbad dhiirri-gelin ah oo uu
wax kaga tilmaamey taariikhdii halganka. Isla maantaas,
waxaa si rasmi ah u bilowdey barnaamijkii ururinta dhallinyaradii
gobolka, kuwooda u diyaarka ah in ay halganka horseedayaal
ka noqdaan. Waxaa weheliyey in ciidamada laga soo sooco
ragga u heybta ah gobolka. Raggaas waxaa leysugu geeyey
xeryo ay ku qaataan tababarro ciidameed oo dheeri ah.
Waxaa xusid mudan in barnaamijka ururinta dhallinyarada
ay ahayd mid ka horeysey qabashadii fadhiga muddo dhowr
bilood ah. Howlahaas oo si aanan rasmi ahayn dalka uga
bilowdey bartamihii sanadkii 1975-kii, waxaa dowladda
uga masuul ahaa
Laba/xiddigle Yuusuf Maxamad Sugaal.
Sarkaalkan wuxuu XD ugu magacownaa Hoggaanka Qorshaha
iyo Abaabulka Saraakiil-xigeenada. Waa hoggaan aanan
wax xil ah saareyn.
Yuusuf
wuxuu ahaa sarkaal loo madax-banneeyey abaabulka jabhadda.
Isaga weeye ninka ka danbeeyey cafiskii ay dowladdu ku
soo deysey ardeydii iyo odeyaashii gobolka ee xabsiyada
ku jirey. Waxaa kale oo uu dowladda ka codsadey in la
soo daayo nimankii Oromada ahaa oo xabsiga Mandheera lagu
xirey sanadkii 1973-kii. Raggaas Oromada ah oo uu odey
u ahaa
Shiikh Xuseen Surra,
ayaa waxay xubno ka noqdeen raggii lagu martiqaadey fadhigii
lagu dhisey jabhaddii ahayd Soomaali Abboo.
Intuusan dhicin fadhigii lagu dhisey WSLF,
Laba/xiddigle Yuusuf Maxamad Sugaal,
wuxuu fadhiyo badan la qaatey odeyaashii reer Ogaadeenya.
Wuxuu ku qanciyey in ay si midnimo iyo urursanaan leh
ugu hinqadaan hayaanka lagu baadi-goobayo madax-bannaanida
gobolka.
Yuusuf
waa nin karti badan oo daacad ka ahaa howlaha halganka.
Habeen ay odeyaashii wada fadhiyeen ayaa odey la yiraahdo
Cumar Dheere
wuxuu fadhigii ka yiri :
"
Ilma adeerayaalow, hal ma yeelnaa. Guul inooga sokeysa
oo inoo muuqta ma jirtee, aanu ninkaa ku deyno howsha,
gacanna ku siino ". (Waxaan
ka soo xiganay Yuusuf Maxamad Sugaal, London, 30/ 10-
2003).
Sidaas buu
Yuusuf
wuxuu ku noqdey horseede calanka u qaadey dab-shidkii
dagaalkii Ogaadeenya. Dhanka wasaaraddii gaashaan-dhigga
ee Soomaaliya, ma jirin xafiis u gaar ah oo laga maamulayey
arimaha la xiriira tabaabulyada jabhadda. Laakiin waxaa
jirey sarkaal sare oo loo gacan banneeyey socodsiinta
abaabulkan. Kaasi wuxuu ahaa
Gaashaanle/Sare Maxamad Nuur Galaal,
oo isagu madax ka ahaa Hoggaanka Sahanka ee Xooga Dalka
Soomaaliyeed. Labada sarkaal waxay si toos ah ugu
xiraayeen hoggaamiyihii Kacaanka iyo wasiirkiisii difaaca.
Si
wada-jir ah ayaa
Sugaal
iyo
Galaal ay
u sahansadeen goobtii ugu horeyey oo ay u doorteen saldhig
lagu tababaro ciidamada jabhadda. Halkaasi waxay ahayd
meel la yiraahdo Laan-kheyr oo u dhexeysa Cadale iyo Warshiikh.
L/X.
Yuusuf M. Sugaal,
ayaa halkii u bixiyey magaca loo yaqaan oo ah Qoriley.
Howlahaas waxay bilawdeen intaanan la magacaabin golaha
cusub ee jabhadda. Waxaa xilligaas howlaha ka odey ahaa
Uurdoox.
Raggii ugu horeeyey oo lagu xereeyo waxay ahaayeen raggii
ku soo tababartey Kuuriyada Waqooyi. Waxaa jirey dhowr
odeyaal oo raggaas kamid ahaa oo ka cudur daartey in ay
galaan xeradii Qoriley. Raggaas waxaa kamid ahaa
Xasan
Xaali,
Cabdi Axmad Xaaji
iyo
Xasan Maa-mire.
Dhammaan golihii dhowaan la dhisey ee jabhadda WSLF, oo
uu weheliyo guddoomiye
Cabdullaahi Xasan Maxamuud,
waxay ku biireen dadkii lagu xereeyey Qoriley. Halkaas
waxay ku qaateen tababar ciidan oo saddex bilood socdey.
Waxaa kale oo iyadana xero laga furey meel Hargeysa ku
dhow. Waxaa lagu magacaabey Aga-bar. Waxaa jirey saraakiil
iyo saraakiil-xigeeno Soomaaliyeed oo howlaha wax ka wadey.
Markii ay garteen halka ay ujeeddadu tahay, dowladda iyo
madaxdii jabhadda ayay weydiisteen in loo oggolaado in
ay xubno ka noqdaan ragga qaadaya risaalada halgankan.
Qeyb kamid ah raggaas, jabhaddii ayay ku biireen.
Farriimo ayaa loo direy beelaha
ku dhaqan gobolka iyo odeyadoodii. Waxaa laga codsadey
in ay soo diraan dhallinyarada hub-qaadka ah. Islamarkaana
ay ka foojignaadaan in ragga la soo dirayo, maamulka Itoobiya
uusan ku yeelan xubno u adeega mu'asasaddeeda war-doonka.
Inkasta oo taxadar badani uu jirey, misana Itoobiya oo
dowlad guun ah, kuma eeyan hungoobin in ay hesho dus-dus
ay kala socoto ololaha colaadeed oo ay Soomaalidu wadeen.
Muddo gaaban waxaa xeryihii leysugu keeney tira kumanyaal
ah oo u diyaar ah in ay ka qeyb-qaataan halganka.
Saraakiishii Soomaaliyeed
ee howl-wadeenada ka ahaa barnaamijka, waxay muujiyeen
karti badan. Laakiin qudhoodu kama marreyn tadbiir-xumo.
Waxaa jirey qaar kamid ah saraakiishaas oo dadaal u galey
in ragga la xereeyey ay ka dhex abuuraan is-tuhun iyo
is-dareensi, si loo wiiqo itaalkooda. Taasi waxay ka danbeysey
siyaasaddii rijiimka talada hayay. Waxay ka cabsi qabeen,
xoogga halkaa ka abuurmaya in uu noqdo mid ku shaqeeya
hannaan ka baxsan qaabka ay wax u rabeen.
Yuusuf
M. Sugaal
iyo rag saaxiibadiis ah ayaa la dirirey in aanan jabhadda
lagu tallaalin aragti beeleed oo xoogooda qeybisa, taas
oo aanan cidna u daneyneen. Hadalladuu
Yuusuf ku
oran jirey ciidanka waxaa kamid ahaa :
"
Ilma adeerayaalow, goortaanu xorowno ninkii doona ha
laan-dheereeyo. Laakiin inta aanu gobanimo-doonka nahay,
waxa aanu qeybsaneyno waa xabad iyo geeri, ee aanu iska
deyno kala qoqobka iyo is-findhicilka ".
(Waxaan
ka soo xiganay Yuusuf Maxamad Sugaal, London, 30/ 10-
2003).
Xeryahaas la furey waxaa weheliyay dhoolla-tus ay ciidamada
Soomaaliyeed ku sameynayeen dab-rid (Carbis), kiisii ugu
weynaa. Bishii mey 1976-kii ayuu carbsikaasi ka dhacay
meel la yiraahdo Buur-dacan oo koonfur kaga aadan degmada
Beled-weyne. Waxaa ka qeyb-qaatey dhamaan laamihii ciidamada
XD (dhul, cir, difaac-cir). Xataa ciidanka badda xiriir
bey la lahaayeen carbiskaa. Khuburadii Ruushka ahaa ee
dalka ku sugnaa dhamaantood waa ay ka qeyb-galeen dab
ridkaa. Falkaasi oo tilmaamayay istraateejiyada ciidameed
ee Soomaaliya, wuxuu ahaa mid ay cadowga ugu muujinayeen
inta ay gaarsiisan tahay itaalka Soomaaliya. Inkasta oo
cadow wahmi ah la weerarayey, misana xoogaggii ka qeyb-galay
waxay matalayeen saddex ciidan oo ka kala baxaya Hargeysa,
Beled-weyne iyo Doolow. (Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal,
Dubai, 10/ 4- 2004).
Ruushka, ayaa ciidamada Soomaaliyeed kala qeyb-geli jirey
carbisyada. Soomaalidu marna ma eeyan muujin hadafka ay
niyadda ku hayaan iyo ceelka ay dhaanka u wadaan. Dab-ridka
carbisyada waxaa lala beegtaa aagag ay fadhiyaan cadow
wahmi ah oo la weerarayo, kaas oo tiro iyo tayo leh, laakiin
xilligaas aanan wax magac ah lahayn.
Jeneraal Maxamad Cali Samantar oo
arintan inooga waramey wuxuu yiri :
"
Ruushku ma uusan ogeyn waxa aanu niyadda ku heynay.
Heshiisyada Carbisku wuxuu la xiriiraa yididiilada ay
leeyihiin ciidanka iyo hoggaanka dalka. Wuxuu ka dhacaa
meel bannaan oo dalkaaga ah. Weerarku wuxuu ku dhacaa
cadow wahmi ah oo jiid fadhiya, qaab ciidanna u fadhiya,
adiga oo aanan sheegin magaca lagu duulayo ama degaanka
la weerarayo ". (Waxaan
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad
Cali Samantar. Virginia - USA 9/5- 2004).
Dharbaaxada gumeysiga ninkii
hoos u dhugan waaya
Aan maanta dhaxalkiisa deyin wey la dheeliyiye
Dhoomaha kuwii nagu rartaye dheega naga saarey
Nimankii na dhaansadey sidii dhoocillada geela
Dhulkayaga kuwii qeybsadaye cunayey dheeftiisa
Aan shaley ka dhiidhiyey hadeer bay dhergaan weliye
(Cali
Xuseen Xirsi).
Sida caadadu tahay, dowladuhu markii ay deris yihiin,
colaadna ay ka dhexeyso, foojignaanta iyo iska war-heynta
ay kala qabaan waa mid sareysa. Maamulka Itoobiya wuxuu
si wanaagsan ula socdey abaabulka ka socdey Soomaaliya.
Bishii
jenawari 1976-kii, waxaa Addis-ababa ka dhacay fadhigii
madaxda dowladaha Afrika ee ku bahoobey ururka OAU. Dowladda
Itoobiya ayaa halkaas waxay ka caddeysey dareenka xoogan
oo ay ka qabto qorshaha colaadeed ee kaga soo wajahan
Soomaaliya. Waxay fadhigii soo hor-dhigtay qoraal ka kooban
soddon iyo sagaal safxadood oo ay ku magacawday War
Clouds in the Horn of Africa - Daruurihii Dagaalka
oo Geeska Afrika Haya. Ujeeddada qoraalku
wuxuu ahaa ishaaro ay Itoobiya ku ifineyso dab ay kuleylkiisa
la harsan la'dahay oo kaga soo gufaacaya dhanka Soomaaliya.
Waxaa kale oo Itoobiyaanku ay qoraalkaas ku muujiyeen
in Kacaanka Soomaaliyeed iyo dadkiisuba ay ka go'an tahay
in ay ku soo duulaan Itoobiya.
(Hillary
Ngweno, "Ethiopia Alerts Heads of States, "Weekly
Review Magazine, January, 1976, p.4).
Isla fadhigaas, ayaa laba jeer waxaa si gaar ah isu arkey
hoggaamiyaha Kacaanka Soomaaliya
Jeneraal Maxamad Siyaad,
iyo hoggaamiyaha Kacaanka Itoobiya
Jeneraal Tafarre Baanti.
Labada masuul waxay is dhaafsadeen aragtida uu midba ka
qabo gobolka ay ku muransan yihiin ee Ogaadeenya. Waxay
ku heshiiyeen in ay si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda,
ayna wadaan wada-hadalka nabadeed.
Ayaan-darro, saraakiisha Itoobiya, sidii boqorkii ka horeeyey
ayeeyan diyaar u ahayn aragtida ah in nabad wax lagu raadiyo,
oo ay ka tanaasulaan aragtida gumeynta ummadaha la deriska
ah. Sidaa darteed majirin wax tallaabo ah oo dhankaas
loo qaadey. (Third
African Department, Soviet Foreign Ministry, Information
Report on Somali-Ethiopian Territorial Disputes, 2 February
1977).
Isla bishaas jenaweri 1976-kii, ayaa
Jeneraal Siyaad
wuxuu gaarsiiyey dowladda Soofyeetiga in uu diyaar u yahay
wada-hadal uu la yeesho madaxda Itoobiya si dabadeed ay
Bariga Afrika uga abuuraan dowlad sal-ballaaran oo ku
dhisan qaabka federaaliga ah. Isla xogtaas ayuu hoggaamiyaha
Soomaaliya ku dalbadey in Soofyeetiga uu ka qeyb-qaato
wada-hadalkaas isaga oo dowrkiisu yahay dhex-dhexaad.
Soofyeetiga waa ay u muuqan weydey hadafka uu
Jeneraal
Siyaad
ka leeyahay arintan iyo sida ay Itoobiya uga suurowdo
in ay dowlad federaali ah ay la dhisato Soomaaliya. Sidaa
darteed ayuu Soofyeetigu muddo sanad ku dhowaad
ah uga gaabsadey in uu u ololeeyo arinkan.
Madaxdii Kacaanka Soomaaliyeed, waxaa markaas u muuqatey
aragti ah, gobollada ay Itoobiya u taliso (Eriteriya iyo
Ogaadeenya) in ay kamid noqdaan taliska federaaliga ah,
iyaga oo ka si buuxda uga madax-bannaan maamulka Addis-ababa.
Soomaalida, Ogaadeenya waxay la doonayeen in ay
kamid noqoto Soomaaliya, Eriteriyana gobol madax-bannaan.
Dabadeed sidaas lagu dhiso dowlad federaal ah. Bishii
nofember 1976-kii, iyada oo ay jabhaddii WSLF ay bilaabatey
howlgalladeedii ciidameed, ayuu
Jeneraal Maxamad Siyaad
markale la xiriirey Soofyeetiga. Wuxuu weydiiyey in ay
gaarsiiyeen golihii ciidamada ee Itoobiya, rabitaanka
Soomaalida ay ku doonayaan wada-hadal nabadeed iyo dhismo
dowlad federaal ah. Markaas kaddib ayaa Soofyeetigu bilaabey
in safaaraddii uu ku lahaa Addis-ababa uu gaarsiiyo codsiga
Soomaalida, si dabadeed ay ugu gudbiso madaxda Itoobiya.
Hoggaankii Kacaanka Itoobiya, waa uu diidey in uu Soomaaliya
kala hadlo wax ku saabsan dhul lagu sheegto. Wuxuuna kaga
jawaabey codsigii Soomaalida, in Itoobiya ay ogoshahay
wixii wada-hadal ah oo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa
nabadda xuduudda u dhexeysa labada dowlad. Iyo qorshe
kasta oo xuduudda looga yeelayo dhul ka caagan hubka.
Waxaa kale oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin wixii
wada-hadal ah ee la xiriira hor u marka dhaqaale, dhaqanka
iyo xiriirada kale.
(Third
African Department, Soviet Foreign Ministry, Information
Report on Somali-Ethiopian Territorial Disputes, 2 February
1977).
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore