Hal-abuurkii Xisbiga Hantiwagaagga
Kacaanka Soomaaliyeed, waxaa lagu tilmaami karaa tallaabo
hilan culus oo hayaankii dagaalka ku kordhisey xowlo-orod.
Inkasta oo GS ee Kacaanku uu horey u go’aansadey guddoonka
dagaalka, misana sida inoo muuqan doonta, ku dhawaaqii
xisbiga wuxuu soo dedejiyey fulintii mashruuca dagaalka.
Bilowgii bishii julay 1976-kii ayaa Xamar lagaga dhawaaqey
xisbiga. Saddex bilood dabadeed waxaa bilowdey dab-shidkii
dagaalka oo ay horseedayaal ka ahaayeen dhallinyaradii
naftooda hurayaasha ahaa oo xeryaha ku jirey. Saraakiishii
Kacaanka oo markii u muuqdeen kuwo talada dalka ku haysta
muruq-tuujin iyo fara-maroor, ayaa xisbigu wuxuu
siiyey fursad ah in ay u xuub-siibtaan maamul si buuxda
u haysta sharciyaddii u saamixi lahayd talada dalka.
Waxaa
jirey sababo loo aaneeyo in abuurka xisbiga lagu beegay
xilligaas. Waxaa ugu weynaa cadaadis gudaha iyo dibadda
ka haystey dowladda kacaanka ah, kaas oo ku dirqinayay
in ay wax ka beddelaan xukunka ciidanka qayaxan ah. Aqoonyahanno
Soomaaliyeed oo xambaarsanaa aragtida hantiwadaagga ah
ayaa iyagu gudaha ka cadaadinayey dowladda. Ujeeddadu
waxay ahayd in la helo xukuumad sal-ballaaran oo taladeeda
aanan ku ekeyn saraakiishii af-gembiga ka qeyb-qaatey.
Dowladdii Soofyeetiga ayaa iyana dhankeeda ka wadey aragtida
ah in xukunka la baahiyo oo laga qeyb-geliyo dabaqadaha
bulshada, gaar ahaan kawaadirta shuuciga ah oo dalku leeyahay
iyo kuwa la aragtida ah.
Soofyeetigu waxay si buuxda u ogaayeen, xubnaha hoggaaminayay
Kacaanka Soomaalida, badankoodu in eeyan ahayn xubno aaminsan
caqiidada Shuuciyadda ah. Bal xataa aanan ku qanacsaneyn
hirgelinta hannaanka hantiwadaagga ah. Arrimaha loo cuskado
waxaa kamid ah in uu xabsiga ku abaadey ninka loo aaneeyo
in uu hormood ka ahaa aragtida Hantiwadaagga ah ee Soomaaliya.
Qareen Yuusuf Cismaan Samatar
(Bardacad) ayaa lagu neynaasaa
aabihii hantiwadaagga ee dalkeena. Ninkaasi wuxuu
kamid ahaa raggii asaasey xisbigii Great Somali League,
intaanan gobanimada la qaadan. Waxaa xusid mudan in xisbigaasi
uu bilowgiisii horeba xambaarsanaa aragtida bidixda ah.
Kacaanka oo cusub ayuu Jeneraal
Maxamad Siyaad ka codsadey Bardacad
in uu soo gudbiyo magacyada dhallinyaradii uu wax soo
barey iyo kuwa la aragtida ah. Waa uu ka diidey, isaga
oo cuskanaya in nadaamka Soomaaliya ka abuurmey uusan
ahayn mid ay hor-mood ka yihiin rag hantiwadaagga aaminsan.
Talskii Kacaanka, mar uu Bardacad
u soo direy dhambaal uu wadey G
/ Dh. Cabdalla Maxamad Faadil, si looga helo magacyada
raggaas kawaadirta ah, Bardacad
wuxuu ku jawaabey sidan :
(Laba
qodob baanan idin ku siineyn magacyada dhallinyaradan.
Waa mare, ma tihidin bulsho ka daacad ah aragtidan iyo
u adeegga danyarta. Waa tan kale’e haddii aad magacyada
heshaan, waxaa idiin sahlanaanya in aad soo qab-qabataan
oo aad xabsiyada dhigtaan). (Waxaan
ka soo xiganey C abdi-Nuur Axmad, oo kamid ahaa
ardeydii Bardacad)
Waxaa
kale oo jirtey dhacdo uu Soofyeetigu ka xumaadey, taas
oo uu kaga beeg-qaatey hantiwadaagga ay Soomaalidu sheeganayeen.
Xilligii uu socdey barnaamijkii ololaha reer miyiga ee
la dagaalanka jahliga, Soofyeetigu wuxuu soo direy maraakiib
ku shixnadan kutub ka hadlaya kacaankii uu V. I. Lenin
hor-moodka ka ahaa iyo aragtida Hnati-wadaagga Cilmiga
ku dhisan. Taliskii Kacaanka Soomaaliya ayaa horey u ballan-qaadey
in uu kutubtaas raaciyo ardeyda miyiga u baxaya, gaar
ahaan kuwa aadaya degmooyinka uu xadku maro. Ujeeddadu
waxay ahayd in ay u gudbiyaan ardeyda Itoobiya, kuwooda
soo gaarey degmooyinka xadku mar. Ruushku wuxuu daneynayay,
ardeyda kacaanyahanka ah ee Itoobiya, in ay helaan ilo
ay ka akhristaan aragtida ay indha-la’aanta ku caashaqeen.
Cabsi ay ku reebtey maamulkii Soomaalida darteed, ayaa
kutubtaasi eeyan Xamar la dhaafin. Waraaqihii kutubtaasi,
iyaga o dayac ah ayay ka dhex muuqdeen seyladaha wax agu
kala iibsado. Dhacdadaasi waxay kamid ahayd arrimaha xoojiyey
cadaadiskii dowladda kaga imanayay in la abuuro xisbi
xambaarsan aragti hor u socod ah oo dalka majaraha u qabta.
Horraankii
sanadkii 1975-kii, ayuu Kacaanku bilaabey ku tallaabsiga
howlaha loogu gogol xaarayey abuurka xisbigan. Sanadkaas
ayaa dowladdu ay ku dhawaaqdey xeerkii la magac baxay
Xeerka Qoyska ee xambaarsanaa aragtiyaalo ku ugub ahaa
Soomaalida. Markii ay bulshadu ku mergatey baaqii xeerkaas,
si loo cunsiiyo, waxaa u dhintey toban kamid ah
culimadii diinka iyo dhallinyaro weheliyey. Isla sanadkaas
bartamihiisii waxaa xabsiyada loo taxaabey qaar kamid
ah raggii huwanaa hooshaarka aqooneed ee bulshada, kuwaas
oo laga baqayey in ay carqalad ku keenaan howlaha la xiriira
abuurka Xisbiga. Waxaa kamid ahaa
Shiikh Maxamad Macallin Xasan, Shiikh
Cabdulqaadir Nuur Faarax, Dr.
Yuusuf Axmad Xirsi, Dr.
Xuseen Barre Muuse, Qareen
Yuusuf Cismaan Samatar, Qareen
Cabdi Faarax Baashane, Qareen
Xuseen Cabdulle Cismaan, Qareen
Maxamad Jaamac Xabeeb. Waxaa kale oo iyaguna
xabsiyada la dhigey dhallinyaradii hor-moodka ka ahaa
baraarugga diiniga ah oo xilligaas bilow ahaa. Dhallinyaradaa
waxaa kamid ahaa Nuur Baaruud,
Cismaan Cabdulle Rooble,
Cabdiraxmaan Faarax Faahiye,
Cabdulqaadir Axmad Xirsi
(Lakari), Cabdi-waaxid
Xaashi Xasan, Najiib Cali
Mire, Cabdul-qaadir Axmad
Warsame, Shariif Axmad
Calawi.
Dadkaasi
ayaa kuwoodii ugu horeeyey la soo daayey dabayaaqadii
sanadkii 1977-kii, markaas oo siyaasaddii xisbigu ay caga-dhigatey.
Qodobka loo cuskaday xabsigooda wuxuu ahaa qodobka 52-aad
ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu
ahaa mid loogu tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada,
kaas oo saamaxayay in qofka eedeysan, saddex cisho
lagu hayo xarunta biliiska dabadeedna ama la daayo ama
loo gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn lahayd dembiga. (Waxaanu
ka wariney Xuseen Cabdulle Cismaan, Boosaaso, 14/ 11-
2000).
Saraakiil
sare oo ka tirsanaa ciidamada XDS ayaa shirka hortiis
la dallacsiiyey, kuwaas oo darajadooda la gaarsiiyey jeneraallo.
Raggaas oo dhamaantood kamid noqon doona golaha dhexe
ee xisbiga waxaa kamid ahaa :
G / S. Cismaan Saalax
Cabdi-kariin, abbaan-duulihii ciidanka
XD.
G / S. Cumar Xaaji Masalle, taliyihii
hggaanka ciidanka cagta
G / S. Yuusuf Axmad Salxaan, taliyihii
qeybta 26-aad
D / S. Axmad Sahal, taliyihii ciidanka
cirka
G / S.
Aadan Cabdullaahi (Gabyow),
taliyihii xarunta tababarka ee Xalane
Bishii
abriil 1976-kii, waxaa Xamar yimid toddoba nin oo Ruush
ah, kuwaas oo kamid ahaa golihii dhexe ee Xisbigii Shuuciga
ahaa ee ka talin jirey Midowga Soofyeeti. Raggaas oo uu
hoggaaminayay nin la yiraahdo I.
A. Dnesev ayaa socdaalkoodu wuxuu la xiriirey in
ay taageero iyo tala-bixin xagga farsamada ah ka geystaan
xisbigan ay Soomaalidu dhisanayaan. Raggaas ayay ahaayeen
kuwii ka danbeeyey dhamaan qoraallada la xiriirey xeerka
iyo barnaamijka xisbiga. Sidoo kale waxay talooyin ka
dhiibteen dhismaha golayaasha xisbiga, tirada xubnihiisa
iyo qaabka loo noqon karo xubin xisbi.
Tallaabooyinka loogu gogol-xaarayay abuurka xisbiga waxaa
kale oo kamid ahaa, fadhiyo heer gobol, degmo iyo tuulo
ah, kuwaas oo looga gollahaa in lagu diyaariyo kawaadirtii
ka qeyb geli lahayd abuurka xisbigan isla markaana noqon
lahaa xubnihii qaadi lahaa aragtida xisbiga iyo rsiaalada
uu xambaarsan yahay. Fadhiyadaas waxaa soo af-jarey fadhigii
guud ee lagu abuurey xisbiga ee ka dhacay Kuliyadda Leyliga
Saraakiisha ee Xamar
bishii juun 1976-kii. Ardeydii kuliyadda iyo macallimiintoodii
waxaa loo rarey xero ku tiil Ceel-cadde. Kuliyaddii
waxaa lagu reebey taliyihii Jeneraal
Abuukar Suulalley iyo Gaashaanle
Ibraahim Aadan Doolaal
oo ahaa sarkaalka af-soomaaliga u rogey qoraalladii ay
dhigeen khubaradii Ruushka.
Xubnaha
fadhiga ka soo qeyb-galey waxaa soo xuley xafiiskii xiriirka
dad-weynaha. Waxaa markaas ka odey ahaa G
/ Dh. Cabdulqaadir Xaaji Masalle, sarkaal kamid
ahaa GS ee K. Sidoo kale waxaa ku lug lahaa xafiisyadii
nabad-sugidda. Fadhiga waxaa shir-guddoomiye ka ahaa G
/ Dh. Ismaaciil Cali Asbokor, sarkaal kale oo ka
tirsanaa GS ee K. Fadhigaasi oo socdey muddo saddex toddobaad
ah, waxaa la soo gaba-gabeeyey 1/ 7- 1976-kii. Waxaa halkaas
ku curtey xisbi siyaasadeed oo nooc cusub ah, kaas oo
qaatey magaca ah XHKS. Wuxuu yeeshey gole dhexe (dhowr
iyo siddeetan xubnood) iyo guddi siyaasadeed (shan xubnood)
iyo xoghaye guud. Xubnaha golaha dhexe, saddex meelood
meel waxay ahaayeen saraakiishii sare ee ciidamada, intoodii
gaarsiisnaa darajada janannimo. Saraakiishii GS ee K,
dhamaantood waxay xubno ka noqdeen golihii dhexe ee xisbiga.
Hoggaamiyihii kacaanka Jeneraal
Maxamad Siyaad Barre, waxaa fadhigii lagu guddoonsiiyey
xilalka ah :
1.
Xoghayaha Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed
2.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya
3.
Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada ee Dowladda Soomaaliya
4.
Guddoomiyaha Golaha Difaaca Qaranka Soomaaliya
5.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya
6.
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed
7.
Waxaa loo ansixiyey in uu dalka dagaal gelin karo goortii
uu doono
8.
Waxaa loo ansixiyey, iyada oo dagaal lagu jiro in uu nabad
ku baaqi karo
Xisbigan
ayaa hannaankiisa siyaasadeed wuxuu ahaa mid ku saleysan
dimoqraadiyadda ku dhisan keligi-taliska dan-yarta
proletariate dictator.
Qoraalkii
barnaamijka xisbiga ayaa lagu xusey in kal-fadhiga xisbigu
uu yahay midka leh awoodda sare. Waxaa kale oo lagu xusey
in la dhowro qodobadii ahaa axdigii koowaad ee kacaankii
oktoobar. Qodobkii ugu horeeyey ee barnaamijkaas wuxuu
ku soo baxay sidan :
"
Hanti-wadaaggu malahan midabyo kala duwan, waa mid
qura, waana hanti-wadaagga cilmiga. ................
"
(Maxamad Fariid Al-Sayid Xijaaj,
1983-kii, p, 111)
Xisbigu
wuxuu waajib isaga dhigey in uu dhiso bulsho hanti-wadaag
ah oo leh mu’asasaad dowli ah oo xooggan, islamarkaana
uu bulshada gaarsiiyo barwaaqa-sooran iyada oo la ilaalinayo
caddaaladda iyo sinnaanta xubnaha bulshada. Waxaa kale
oo waajibaadkiisa kamid ahaa in uu soo diyaariyo dastuurkii
dalka lagu dhiqi lahaa.
Siyaasadda
dibadda ee xisbiga waxaa lagu qeexay qodobka saddexaad
ee barnaamijkii xisbiga. Lambarka afaraad wuxuu dhigayey
sidan :
" Si buuxda
waxaanu u taageereynaa halganka cadaaladda ku dhisan oo
sshacabka Soomaaliyeed ee gumeysigu uu kala jarjarey,
kaas oo ay ugu jiraan in ay soo ceshadaan madax-bannaanidooda
iyo midnimada gobolladooda " (Ibid.
p. 115)
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore