|
Casharkii II-aad
 |
|
Dr
Enow
|
Dagaalkii Qaboobaa, ummado badan
ayuu dhibaato u geystay, isaga oo ku keenay dhaawacyo
culus hannaankii nololeed iyo kii dhaqan-dhaqaale oo ay
hiddaha u lahaayeen. Taasina waxay ka dambeysay dowladihii
tabarta yaraa ee madax-bannaanida qaatay ayaa siyaasad
ahaan waxay u diidanaayeen dowladihii gumeysatada, iyagoo
u janjeersaday aragtidii dowladihii reer bariga. Isla
markaas dhaqaale ahaan waxay ku xiraayeen dowladaha reer
galbeedka.
Mid
kamid ah sababihii ugu horeeyay is-diidkii siyaasadeed
ee ka dhex-dhacay xoogaggii xulufada ahaa ee ku adkaaday
dagaal-weynihii dunid ee labaad (1939-1945), waxaa kamid
ahaa isku-qabsigii ka talinta dhulalkii uu Talyaanigu
ku haysatay dul-maamulka (Soomaaliya, Eriteriya iyo Liibiya).
Liibiya markii ay xoriyad heshay,
Eriteriya waxaa federaal lagala dhigay maamulkii Itoobiya
oo uu Xayle Selaese boqorka ka ahaa. Soomaaliya waxay
noqotay meel kale oo muran xoogan ka dhex abuurta siyaasaddii
ay ku wada socdeen dowladihii xulufada ahaa. Ingiriiska
oo markaas gacanta ku hayay dhamaan gobolladii Soomaaliyeed,
marka laga reebo, ayaa wuxuu soo bandhigay taladiisii
ahayd in isaga faraha looga qaado maamulka gobolladan,
dabadeedna uu gaarsiiyo dowladnimo buuxda.
Faransiiska oo markaas Jabuuti
gacanta ku hayay ayaa qaatay aragti ah in talada Soomaaliya
la hoos geeyo Qaramada Midoobay Q. M. Soofyeetiga, wuxuu
raacay taladii Faransiiska, wuxuuse ku darsaday in muddadaas
la sameeyo maamul daakhili ah oo Soomaalidu ay iyaga is-maamulaan.
Mareekanka ayaa markaas soo bandhigay talo ah in gobollada
koonfureed iyo kuwa bariga iyo bartamaha loo celiyo Talyaanigii
laga qabsaday. Sababtu waxay ahayd hiilo uu u geysanayay
Talyaaniga si xisbigii dalka qabtay dagaalkii kadib oo
ahaa Christian Democratic uu u helo qaab uu ku
hanto maamulka dalkiisa.
Waxaa kale oo jiray dhambaal
uu xambaarsanaa goŽaanka Mareekanka, kaas oo ah in Ingiriisku
garto in uu dhamaadey xilligii uu siyaasadda dunida ka
ahaa kabiir wax yeeriya. Mareekankana uu safka hore kaga
jiro dowladaha kala wareegaya xilkaas. Sidaas ayay Soomaaliya
waxay kaga mid noqotay dhibanayaashii ugu horeeyay ee
uu Dagaalkii Qaboobaa ku reebay raad xoog badan. Gobolkan
Ogaadeenya ayaa wuxuu yahay mid si toos ah iyo si dadbanba
uu u dhaawacay dagaalkaas. Ayaan darrada aanu la wadaagno
dad-yowga dhlkooda laysku haystay waxaa inoo dheer, dowladihii
xulufada oo dhamaantood u janjeeray hiilka Xabashida.
Waxaa taas ka culus hiilada ay ka heleen caqliga Soomaaliyeed
ee guracan ee aanan qaan-gaarin. Caqliga ku dabran is
eegasho gudaheena ah iyo u adeeg dan gaar ah. Qoraalladeenaan hore waxaanu
wax kaga xuseynaa ummadihii uu gaaray dhimbilihii dagaalkaas
iyo is maan-dhaafyadii uu ku reebay dowladihii adkaaday.
Bartamihii sanadkii 1948-kii,
waxaa dhimbil muran keentay ay ka shidantay magaalada
Berliin. Dowladdii Soofyeetiga ayaa xayiraad ku soo rogtay
gaadiidkii dhulka ee u kala shaqaynayay gobolladii Jarmalka
Galbeed iyo xaafadihii galbeedka kaga yiil degmada Berliin.
Waxaa xusid mudan magaalada Berliin, inkasta oo afartii
xoog ee adkaaday ay wada galeen, misana ay bartamaha kaga
tiil dhulkii ay ciidamada Soofyeetiga qabsadeen. Taasi
waxay magaaladii ka dhigtay jasiirad ku dhextaal bad-weyn
ciidamadii casaa ah. Xiriirkii oo xumaaday darteed, Soofyeetiga
waxay maamulkii xulifada oo reer gelbeedka ahaa ka reebeen
in ay xagga dhulka ugu kala gooshaan degmada iyo gobolladii
ay haysteen.
27/ 6- 1948-kii ayay xayiraadaasi
bilaabatay. Arintaasi waxay ka danbeysay markii ay dowladihii
reer galbeedka ahaa damceen in ay Jarmalka u sameeyaan
lacago mid ah. Soofyeetiga ayaa markiiba lacag u soo daabacay
degaankii uu isagu maamulayay ee ku yiil dhanka bari.
Taasina wuxuu uga dan lahaa in kala gooynta Jarmalka ay
noqoto qadiyad aanan dood gelin.
Dhibaatada xayiraadda waxay socotay
tan iyo 1/ 5- 1949-kii. Soofyeetiga ayaa markaas doonayay
in uu dagaal maskaxeed ku qaado reer galbeedka. Wuxuu
bedelay muuqaalkii ay lahaayeen xaafadahii magaalada Berliin.
Wuxuu dhisay derbi weyn oo taagiisu yahay 4 m. oo magaalada
kala teeda. Dhanka bari waxay noqotay meel uu fadhiyo
maamlkii isaga la xulufada ahaa. Dhanka galbeed oo ay
ku noolaayeen dad laba melyan gaaraya, ayaa muddadaas
laga quudinayay xagga hawada. Muddadii ay xayiraadu taagnayd,
daqiiqad walba dayuurad xamuul ah ayaa soo caga-dhiganeysay
gegida dayuuradaha ee Berliin. . (Swedish
National Encyclopedia. 1993. Vol. 2, p. 467).
Dowladihii reer galbeedka waxay
xayiraadan kaga jawaabeen in sanadkii xigay ay Jarmalka
ka dhisaan dowlad isu-tag ah oo ka kooban gobolladii ay
kala haysteen. Waxaa halkaas ku baxay magaca Dowladda
Federaaliga ah ee Jarmalka. Isla sanadkaas waxaa la dhisay
is-bahaysiga ciidameed ee North Atlantic Treaty Organisation
NATO.
Sanadkaas waxaa dhacay kacdoonkii
degmada Parag oo markaas ahayd magaaol-madaxdii
dalkii la oran jiray Tjeckoslovakia. Dad-weynaha
kacdoonkaas dhigay waxay diidanaayeen maamulkii shuuciga
ahaa ee halkaas ka dhisnaa. Waxaase cadaadiyay ciidamadii
Soofyeetiga oo si toos ah ugu soo hiiliyay maamul ay dhiseen
rag shuuciyiin ahaa. Dad gaaraya 100.000 ayaa loo taxaabay
xabsiyada iyo shaqooyinka culus. Isla markaas dowladdii
Soofyeetigu waxay bilawday in ay bariga Yurub ka dhisto
dowlado sita magac dimoqraadiyadeed oo hal xisbi u taliyo.
Dhismaha is-bahaysiga NATO,
Soofyeetigu waxay kaga jawaabeen, in gobolkii ay
ka haysteen Jarmalka ay ka dhisaan dowladdii la oran jiray
Dowaladda Jarmalka Dimoqraadiga. Waxaa kale oo ay dhiseen
is-bahaysigii dhaqaalaha oo la oran jiray COMECON (The
Council of Mutual Economic Cooperaion), kaas oo ku
dhisnaa wax is-dhaafsi iyo qeybsi wax soo-saar.
Sanadkii 1955-kii, dowladdii Is-bahaysiga ee Jarmalkii
galbeed, waxay ku biirtay is-bahaysigii ciidamada ee NATO.
Soofyeetiga ayaa arintan kaga jawaabay in uu dhiso is-bahaysigii
ciidameed ee dowladihii reer bariga oo la oran jiray WARSZAWA.
Waxaa halkaas ka abuurmay labo xulufo oo haysta hub halis
ah, kuwaas oo Yurub bartamaheeda degay, isla markaasna
aragtidooda siyaasadeed ay is diidan tahay.
Bilowgii sanadkii 1950-kii,
Mareekanku wuxuu heshiis la dhigtay Jabaan. Heshiiskaas
waxaa ku xusan in Mareekanku ka helo dhulka Jabaan saldhigyo
ciidameed oo uu muddo dheer fadhiyo. Taasi waxay ka caraysiisay
dowladihii shuuciga ahaa, gaar ahaan Soofyeetiga iyo Shiinaha.
Dabadeed iyada oo aanan wax sabab ah oo horaysay eeyan
jirin, ayaa dowladda Waqooyiga Kuuriya ay bartamihii sanadkaas,
ku duushay Kuriyada koonfureed. Markaas dowladda Waqooyiga
Kuuriya waxay sheegatay in iyada lagu soo duulay, runtuse
waxay ahayd in Soofyeetiga iyo Shiinuhu ay gadaal ka taagnaayeen
iyaga oo kaga jawaabayay heshiiskii Jabaan.
Markiiba, dowladaha Mareekanka
iyo Ingiriiska ayaa si buuxda ugu hiiliyay Kuuriyada Koonfureed
oo ciidamo u diray, iyaga oo weliba ogolaansho ka haysta
Q. M. Markaas waxaa bilowday in Dagaalkii Qaboobaa uu
ka soo wareego Yurub, isaga oo u soo tallaabay dowladihii
ku yiil bariga fog.
Inkasta oo goor danbe ay kala
furteen, misana xiriirkii ku dhisnaa aragtida shuuciyadda
ah ee dhex-maray Soofyeetiga iyo Shiinaha ayaa culays
ku kordhiyay miisaankii ay lahayd dowladda Soofyeetiga.
Taas ayaa ka danbeysay in Shiinaha ay ku fekeraan fara-gelinta
siyaasadda dowladaha la deriska ah. Taasi waxay sabab
u ahayd dagaalkii Kuuriya iyo kii goor danbe ka dhacay
Fyetnaam.
Dagaalkii Kuuriya dabadeed, waxaa bilaabatay in labadii
xoog ay qolo waliba adduunka kale ka raadsato xulufo ay
is bahaystaan. Mareekanka oo loolankan bilaabay wuxuu
saaxiibo ka raadsaday waddamada ku yaal bariga fog. Sanadkii
1954-kii waxaa magaalo-madaxda Filibiin (Maniila) lagu
saxiixday heshiiskii la magac baxay SEATO (South East
Asia Treaty Organisation). Dowladaha ku bahoobay heshiiskan
waxay ahaayeen Mareekan, Ingiriis, Faransiis, New Zeeland,
Bakistaan, Awstreeliya, Taylaand iyo Filibiin. Sanadkii
1955-kii waxaa kale oo la dhisay is-bahaysigii Baqdaad
oo ay bilaabeen Turkiya iyo Ciraaq. Waxaa goor danbe ku
soo biiray Bakistaan, Iiraan iyo Ingiriis. Labadaas is-bahaysi
waxay ka dhan ahaayeen Shuuciyadda.
Kadib markii ciidamada Soofyeetiga ay ku guuleysteen
in ay dhisaan gantaallada qaaradaha isaga tallaaba, kaas
oo gaari kara dhulka Mareekanka, waxaa bilaabatay in labada
dal ay kala cabsadaan. Waxay hakad badan geliyeen hanjabaad
ay is-dhaafsan jireen, taas oo dhalin kartay in ay dagaal
furan isaga hor yimaadaan. Labada maamul waxaa u muuqatay
in uusan midkoodna bad-baadeyn haddii ay diriraan. Muddadii
uu socday D. Q., marna labadaas xoog dagaal furan isagama
hor iman. Waxaase jirtay in uu mid walba taageerayay dhinac
kamid ah dagaalladii dunida ka socday, iyadoo kan kalena
uu dhinaca kale la safnaa. Taageerada dowladahaasi waxay
isugu jirtay bixin jaadad kala duwan oo hub ah, kaalmo
dhaqaale iyo waxbarasho aqoonta kala duwan ee ciidamada.
Soofyeetiga oo markaas dareensanaa in reer galbeedku
eeyan weli aqoonsan awooddiisa ayaa isna dhankiisa dadaal
ka muujiyay sidii uu raad siyaasadeed ugu yeelan lahaa
siyaasadda dowladaha aduunka saddexaad. Taasi waxay kaliftay
afgembiyadii ciidamada ee ka dhacay waddamada Carabta
iyo qaaradda Afrika, kuwaas oo hir-gelintooda ay ku beegnayd
sanadihii 50-aadkii iyo 60-aadkii.
Bilowgii sanadihii 60-aadkii, Mareekanka ayaa bilaabay
falal kuwaas lamid ah. Wuxuu la beegsanayay dowladaha
u janjeera siyaasadda Hanti-wadaaga ah. Sanadkii 1963-kii,
waxaa af-gembi ku dhacay dowladda Grenada. Sanadkii 1965-kii,
waxaa la af-gembiyay dowladdii Domenika. Waxaa jiray af-gembi
lala damacsanaa dowladda Kuuba sanadkii 1961-kii, kaas
oo fashilmay. Af-gembiyadaas ayaa dhamaantood waxaa ka
dambeeyay Mareekanka.
Geeridii Stalin dabadeed,
xisbigii shuciga ahaa wuxuu hoggaamiye u doortay Nikita Khrshchev, kaas oo sanadkii 1956-kii
ku dhawaaqay in hanti-wadaaga iyo hanti-goosigu ay wada
noolaan karaan iyaga oo aanan wax dagaal ah dhex-marin.
Taasina waxaa mahadeeda leh shuuciyadda oo yeelatay xoog
aanan la dhayalsan karin. Taasi waxay neef ku afuuftay
rajo ah in labada xoog ay wada shaqeyn dhex-marto. Waxaa
kale oo jiray damac waalan oo labada xoog ay ku doonayeen
in ay iyagu buuxiyaan meelihii ay baneeyeen quwadihii
gaboobay (Ingiriis iyo Faransiis).
Dagaalkii biya-mareenka Suweys ayaa kamid ah dhacdooyinka
uu reebay D. Q. hogaamiyihii dalka Masar Jamaal Cabdi
Naasir, oo ku dhawaaqay in uu qarameeyay maamulka biya-mareenka
Suweys. Dhacdadaas waxay ku beegneyd 26/ 7- 1956-kii.
Waxaa jiray shirkad Ingiriisku ah oo gacanta ku haysay
maamulka biya-mareenka. Dowladdii Masar ayaa waxay eriday
shaqaalihii shirkadda. Ingiriiska oo falkaas ka xumaaday
ayaa duulaan ku soo qaaday Masar. Wuxuu horay u soo kaxaysaty
Faransiiska oo ka xumaa taageerada ay Masaaridu siinayeen
jabhaddii gobanimo-doonka ahayd ee JasaaŽir. Dowladda
IsraaŽiil ayaa iyaduna is tusisay in ay fursadda ka faaŽiideysato
si ay ugu wiiqdo awooda cadowgeeda la deriska ah midka
ugu weyn.
Muddadii u dhexeysay 22-kii iyo 25-kii oktoober, waxaa
socday duulimaad xagga cirka ah oo lagu duqeynayay degmooyin
ku yaal waqooyiga Masar. 29/ 10- 1956-kii waxaa bilaabatay
in ciidamada Ingiriiska ay qabsadaan degmooyinkii ku yiil
daanka biya-mareenka oo ay ugu horeysay Bur-saciid. IsraaŽiil
ayaa iyaduna dhl weyn ka qabsatay lama-degaanka Siinay.
Laba fikrad ayuu dagaalkaas soo kordhiyay. Mid waxay
ahayd, madax-bannaanida la siiyay dowladaha aduunyada
saddexaad in ay tahay mid siyaasadee oo eeyan ahayn mid
dhaqaale. Haddiise ay doonayaan madax-bannaani dhaqaale
waa in ay halgankii ay galeen mid lamid ah isu taagaa.
Oo ay diyaar u ahaadaan dagaal furan oo ay la galaan dowladaha
gumeysatada ah. Midda labaad waxay tahay quwadihii cusbaa
(USA & USSR) oo isu diyaariyay in ay bedelaan kuwii
gaboobay. Taasina waxaa tilaamay mowqifkii midka ahaa
oo dowladaha Mareekanka iyo Soofyeetiga ay ka qaateen
dagaalka biya-mareenka. Labadaas dowladood ayaa si buuxda
ugu caga-jugleeyay Ingiriis iyo Faransiis. Waxay ku khasbeen
in ay xushmeeyaan madax-bannaanida Masar, kana soo baxaan
meelaha ay ciidamadooda geeyeen. Sidoo kale ayaa IsraaŽiilna
looga saaray dhulkii ay boobtay ee
lama degaanka Siinay.
waa
socotaa ...........
Gadaal
ugu noqo casharada
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
|