|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii  XX-aad

Dr Enow

Intii ka dambeysay dhismahii XHKS, Soomaaliya waxaa ka abuurmey hannaan siyaasadeed oo si buuxda ceynaanka ugu haya hoggaanka dalka. Xisbigu wuxuu lahaa dhammaan mu´asasaadkii siyaasadeed oo uu u kaashan lahaa hoggaanka dalka. Barnaamijkii falsafadda xisbiga ayaa lagu xusey sida ay xisbigu uga go´an tahay in uu la keli noqdo hoggaanka dalka. Qormadii barnaamijkan waxaa ku ymid sidan :

" Maadaama xisbigu yahay mu´asasaadka dalka midda ugu sareysa, waa in uu hoggaamiyaa dhammaan dhaqdhaqaaqa ururada bulshada 
iyo mu’asasaadka dowladeed, maxaa yeelay hoggaan siyaasadeed iyo mid aragtiyeed la’aantood, xisbigu ma uusan gudan doorkii laga rabey.

Taasina waxaa ka dhalaneysa in jihadii laga weecdo oo halis loo galo siyaasadaha embriyaaliyadda. Dabadeed waxaa halkaa ku lumaya
baraaruggii kacaanka. ................ 
". (Maxamad Fariid Al-Sayid Xijaaj, 1983-kii, p, 117).

Inkasta oo xisbigu uu la midab ahaa axsaabtii ka talin jirtey dowladihii reer bariga ee shuuciga ahaa, misana raggii xambaarsanaa aragtida
shuuciyadda ahayd, waa ay ku hungoobeen inay buuxiyaan xubnihii golaha dhexe ee xisbiga. Iyada oo la oran karo, xubnahaasi, qiyaastii kala
bar baa waxay ahaayeen dadkii xambaarsanaa aragtida hanti-wadaagga ah, misana qudhoodu waxay isku khilaafsanaayeen mad-habta
hanti-wadaagga ah ee ku haboon in dalka lagu dhaqo. Inkasta
oo shakhsiyadda Soomaaliga ahi ay ku adag tahay in uu wax aamino,
misana waxaa jirey qolooyin kamid ahaa goihii dhexe oo sheeganayay in ay xambaarsanaayeen aragtida Naasiriyadda ee ah Islaamic
Socialism
, taas oo ka soo jeedda hoggaamiyihii kacaankii Masar
Jamaal Cabdi Naasir. Raggaas waxay u badnaayeen saraakiishii
GS ee K, gaar ahaan kuwoodii wax ku soo bartey dalalka Carabta iyo kuwooda ay u horeysey aqoonta carabta iyo diinta. Waxaa
raggaas kamid ahaa
Cismaan Maxamad Jeelle, Cabdirisaaq Maxamad Abokor, Axmad Suleymaan Cabdalle, Cabdulqaadir Xaaji Masale,
Cabdi Warsame Isaaq
. Qolooyin kale waxay qabeen aragti ku sidkan hanti-wadaagga reer galbeedka Social-democratic. Raggaas oo
dhamaantood wax ku soo bartey dalka Talyaaniga, waxaa kamid ahaa
Maxamad Yuusuf Weyrax, Maxamad Shiikh Aadan Maxamuud iyo
Warsame Juguf. Waxaa iyana jirey qolo saddexaad oo iyagu qabey aragti xag-jir ah oo ku saleysan hanti-wadaagga cilmiga Marxism Leninism. Waxaa raggaas kamid ahaa Cabdiraxmaan Ceydiid, Cumar Salaad  iyo Cabdi Muxumad Amiin.

Ruushkii kuma eeyan qancin qaabkaas isku-dhafka ah oo Soomaalidu ay ku saleeyeen hoggaankii xisbiga. Taasi waxay ka muuqatey
xaflad lagu sagootinayay toddobadii khabiir ee ka socdey xisbigii Shuuciga ee Soofyeetiga. Waxaa kale oo xafladdaas lagu marti-qaadey
12 macallimiin xisbi ahaa oo qudhoodu Ruush ahaa, kuwaas oo dalka u joogey in ay casharro siiyaan madaxda hoggaamada Xisbiga iyo
kuwa dowladda. Xafladdaasi waxay ka dhacdey aqalkii la oran jirey Villa-Beydhabo, waxayna dhacdey bishii disember 1
976-kii, iyada
oo jabhadiintii Ogaadeenya ay dhexda uga jireen halgankii ay ku dalbayeen madax-bannaanida. Xafladda gudaheedii ayaa dood
siyaasadeed ee qallafsan waxay dhex martey Ruushkii martida ahaa iyo xubno kamid ahaa golihii dhexe ee XHKS. Kaddib markii lagu
sakhraamey wixii la cabayay, ayaa murankii wuxuu gaarey meel aanan habooneyn. Ruushkii iyaga oo tilmaamaya qaabkii loo xuley
xubnaha golaha dhexe in uu ahaa mid aanan mabaadi ku saleysneen, ayay Soomaalidii ku yiraahdeen :  

" Hanti-wadaag ma tihidin ee Itoobiya ka daaya culeyska iyo dhulka aad ku sheeganeysaan ". Soomaalidii oo hadalkii ka jawaabaya ayaa Ruushkii ku yiri :  

" Idinka ayaanan Hanti-wadaag ahayn oo doonaya dad dhulkoodii la heysto inay  raali ku noqdaan ".

  Dabadeed waxaa bilaabatey gacan ka hadal iyo in quraaradihii leysla dhaco oo goobtii ay rag ku dhaawacmaan. (Waxaan ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).

 Midab-kasta ha yeeshee, xisbigu wuxuu lahaa guddiyo matalaya dabaqadaha bulshada iyo mu´asasaadka dowladda. Muddadii ka danbeysay hal-abuurkiisii, dowladdii Soomaaliyeed waxay yeelatay weji ah sidan hoos ku xusan :

I) Xfiisyada Madaxtooyada Jamhuuriyadda :

a- Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada
b- Xafsiiska Guddoomiyaha Golaha Difaaca Qaranka
c- Xafsiiska Taliyaha Guud ee Ciidammada Soomaaliyeed

d- Xafsiiska Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka
e- Xafsiiska Xoghayaha Guud ee XHKS

 II) Xafiisyada Madaxweyne ku xigeennada :

a- Xafsiiska Madaxweyne ku Xigeenka Koowaad
b- Xafsiiska Madaxweyne ku Xigeenka Labaad
c- Xafsiiska Madaxweyne ku Xigeenka Saddexaad

III) Xafiisyada Guddiyada Golaha Sare ee kacaanka :

a- Xafsiiska Guddiga Difaaca iyo amniga
b- Xafsiiska Guddiga Dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda
c- Xafsiiska Guddiga Siyaasadda
d- Xafsiiska Guddiga Bulshada
e- Xafsiiska Guddiga Hanti-dhowrka

IV) Xafiisyada Golaha Dhexe ee XHKS :

a- Xafiiska Arrimaha Golaha Dhexe
b- Xafiiska Ururada iyo Abaabulka Dad-weynaha
c- Xafiiska Ideoloojiyada
d- Xafiiska Arrimaha Dibadda
e- Xafiiska Howl-galka
f- Xafiiska Arrimaha Bulshada
g- Xafiiska Iskaashatooyinka
h- Xafiiska Degmooyinka iyo Gargaarka Deg-degga ah
i- Xafiiska Dabagalka Golaha Dhexe
j- Xafiiska Baarista Golaha Dhexe

V) Xafiisyada Golayaasha Dad-weynaha :

a- Xafsiiska Guddiga Siyaasadda
b- Xafsiiska Guddiga Arrimaha bulshada
c- Xafsiiska Guddiga Sharciga
d- Xafsiiska Guddiga Dhaqaalaha
e- Xafsiiska Guddiga Difaaca iyo Nabad-gelyada

VI) Xafiisyada Ururada Bulshada :

a- Xafsiiska Isutagga guud ee Ururada Shaqaalaha
b- Xafsiiska Ururka Dhallinta
Kacaanka Soomaaliyeed
c- Xafsiiska Ururka Dimoqraadiga Haweenka Soomaaliyeed

VII) Xafiisyada Golaha Wasiirrada :

1- Xafiiska Wasiirka Beeraha
2-
Xafiiska Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
3-
Xafiiska Wasiirka Ganacsiga
4-
Xafiiska Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare
5-
Xafsiiska Wasiirka
Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
6- Xafiiska Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga
7- Xafiiska Wasiirka Difaaca
8- Xafiiska Wasiirka Waxbarashada
9- Xafiiska Wasiirka Macaadinta iyo Horumarinta Biyaha
10- Xafiiska Wasiirka Maaliyadda
11- Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda
12- Xafiiska Wasiirka Qorsheynta Qaranka
13- Xafiiska Wasiirka Kalluumeysiga
14- Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
15- Xafiiska Wasiirka Warshadaha
16- Xafiiska Wasiirka Caafimaadka
17- Xafiiska Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
18- Xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha
19- Xafiiska Wasiirka Dalxiiska
20- Xafiiska Wasiirka Gaadiidka
21- Xafiiska Wasiirka Caddaaladda iyo Diinta
22- Xafiiska Wasiirka Cayaaraha iyo Dhallinyarada
23- Xafiiska Wasiirka Danaha dad-weynaha.

Markii uu xisbigu soo shaac baxay, muddo gaaban dabadeed wuxuu ku guuleystay in uu sal-ballaaran ku yeesho dad-weynaha dhexdiisa.
Waxaa arrintaas kaalmo ka geystay dicaayaddii wasaaraddii warfaafinta iyo abwaannadii dowladda ee u adeegayey xisbiga. Sannadkii 1980-kii tirada xubnaha xisbiga waxaa ay kor u dhaafeen 20.000 oo xubin. Dadkaasi badankood waxay ahaayeen kuwo aavan wax ka aqoom mabaadiida hanti-wadaagga. Waxaa u dheeraan damaca siyaasadeed oo gurracan.

Dhismaha ciidamada Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda, meel wanaagsan ayay ka xigsatey barnaamijkii ahaa waajibaadka xisbiga. Qodobka sagaalaad ee barnaamijkii xisbiga, ayaa ka waramayay arintan, wuxuuna ku soo baxay sidan :

" Xisbigu wuxuu aaminsan yahay, xilligan cusub, in ciidamada qalabka sida ay kaalinta koowaad ka cayaaraan dhismaha bulshada
iyo difaaca da
lka. Xisbigu wuxuu fiiro gaar ah siinayaa in la xoojiyo tamarta difaaca dalka, iyo in ciidamada lagu qalabeeyo awoodda
teknolojiyada iyo in la xoojiyo itaalka difaaca, iyada oo la hor u marinayo wacyiga siyaasadeed ee ciidamada, islamarkaas kor loo qaadayo
tababarka askarta laguna tarbiyadeynayo waddaninimo, iyo in la abuuro ruux difaac u noqota mabaadiida Hanti-wadaagga Cilmiga
.....................
" (Maxamad Fariid Al-Sayid Xijaaj, 1983-kii, p, 117)

Madaxda
Soomaaliyeed waxaa ay xilligaas si wanaagsan ula socdeen xaaladda qallafsan ee uu ku sugnaa maamulka dalka Itoobiya.
Mahadi haka gaartee, Danjire Cabdiraxmaan Axmad Cali (Tuur), oo markaas fadhigiisu ahaa Addis-ababa ayaa iska xil saarey in maamulka
Xamar uu ka haqab tiro ogaallada la xiriira waayaha ay marayaan Addis iyo dadkeeda. Danjiraha Soomaaliyeed waxaa u suurogashay in uu xiriir
qarsoodi ah la yeesho saraakiil Dergo ah oo dhalashadoodu tahay Eriteriya.

Bishii xisbiga lagu dhawaaqey bishii xigtey, agosto 1976-kii, ayaa wafdi hilan culus waxay u kaceen  Moosko. Socdaalkan ayaa wuxuu qeyb
ka ahaa isu diyaarintii dagaalka. Wafdiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenkii koowaad Jeneraal Maxamad Cali Samatar, ayaa wuxuu ka koobnaa lix xildhibaan oo xubno ka ahaa golihii dhexe ee XHKS. Raggaas oo isugu jirey saddex ciidan ah iyo saddex rayid ah ayaa waxay ahaayeen sidan, Jeneraal Maxamad Cali Samatar, Jeneraal Cismaan Saalax Cabdikariin, G/ S. Maxamad Macallin, Xildhibaan Cabdiraxmaan Ceydiid, Xildhibaan Cumar Salaad iyo Xildhibaan Axmad Maxamad.

Wafdigii Soomaalida waxay la kulmeen guddigii siyaasadda oo uu ka maqnaa hoggaamiyihii xisbiga Leonid Brezchnev. Isagu wuxuu markaa ku jirey Sochi, oo  ah meel ay madaxda ku nastaan oo ku taal badda madow. Kulankaas ayaa wafdigii Soomaalida waxay ku dalbeen qalab hub ah oo ay kamid yihiin gawaarida waaweyn ee Taangiyada xambaara. Wasiirkii gaashaandhigga ee Soofyeetiga, Krilenko, ayaa wafdigii Soomaalida weydiiyey sababta ay u doonayaan baabuurtan. Jeneraal Maxamad Cali Samatar oo Soomaalida u hadlayay ayaa yiri :  " Waanu isku daafaceynaa ". Krilenko wuxuu kaga jawaabey arintaas sidan :

" Badaha wax idiin ka imanaya ma jiraan oo annaga ayaa joogna. Dowladaha aad deriska tihiinna isku xoog ayaad tihiin. Hub hor leh oo Iootbiya u soo socdana ma jiro oo iyaga iyo Mareekankii waa ay isku xun yihiin. Haddaba yaad ka baqeysaanoo aad iska ilaalineysaan.  ................ Waxaanu aragnaa in aad dooneysaan inaad Itoobiya ku weerartaan hubkan aad dalbeysaan  ". (Waxaan ka soo xiganay Cumar Salaad, London, 28/ 6- 2004).

Taasi waxay ahayd ishaaradii ugu horeysey oo madaxdii Soomaaliyeed si dhab ah loogu

muujiyo in maamulka Krimilliinku uusan raali ka ahayn in Soomaalidu ay ku duulaan  Iootbiya. Weliba xilligan oo uu ka curtey kacaan, sideenaas, hanti-wadaag sheeganaya. Waxaa xusid mudan, gawaarida Soomaalidu dalbayeen in ay ahaayeen kuwo sahlaya in Taangiyadu ay ka dagaallamaan aagag aad uga fog goobaha lagu hayo. Diidmadii ay madaxdii Ruushka ka horkeeneen dalabkii Soomaalida, waxay ugu beddeleen gawaari kale oo ay kamid ahaayeen gawaarida gaashaaman, nooca birri-biyoodka ah (tiro afartan ah).

Madaxdii Soomaaliya ayaa diidmadii Ruushka kaga jawaabey diidmo dhankooda ah. Taasina waxay ka danbeysey markii ay bil dabadeed amar ku bixiyeen in xuduudda Itoobiya laga tallaabiyo ciidan gaaraya 1300 oo nin, si cadaadiska madax-bannaanida gobolka uu uga yimaado fagaaraha. Waxaa sidaas  ku bilowdey dhimbishii uu ka qarxey dab-shidkii dagaalkii Ogaadeenya. Yuusuf Maxamad Sugaal oo kamid ahaa raggii dabkaa huriyey ayaa isla markaa wuxuu kamid ahaa abwaanada reebey maansooyinka taariikhiga ah. Tix uu lahaa oo uu kaga hadlayay qadiyaddan baa waxay ahayd :

Gurmad waxay ka doontiyo gargaar deg-deg u ciidamiya

Oo maciin daryeela iyo ka sugi daafac iyo kaalmo

Waa diricyadeedoo kiciyo daa´inkaa qurahe

Doobki reer galbeedow adoo daadka fara weyn leh

Oo sida dareem iyo camuud meel kasta u daadsan

Oo durbaba xil oofin kara duudka kaa saaran

Deg-deg iyo isqaad iyo haddaad hiil ku daahi weydo

Sow guhaad dartii iyo inaad ciil darbato maahan

Dareen cidla ah kuma yimaad dal xornimadiiye

Waa wax dhiig ku daatoo ku baxa duuyo loo huro´e

Dambaaburiyo dhamac buu maraa kii dalbahayaaye

(Yuusuf Maxamad Sugaal).

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.