Intii
ka dambeysay dhismahii XHKS, Soomaaliya waxaa ka abuurmey
hannaan siyaasadeed oo si buuxda ceynaanka ugu haya
hoggaanka dalka. Xisbigu wuxuu lahaa dhammaan mu´asasaadkii
siyaasadeed oo uu u kaashan lahaa
hoggaanka dalka. Barnaamijkii
falsafadda xisbiga ayaa lagu xusey sida ay xisbigu uga
go´an tahay in uu la keli noqdo hoggaanka
dalka. Qormadii barnaamijkan waxaa ku ymid sidan :
" Maadaama xisbigu yahay mu´asasaadka dalka midda ugu sareysa, waa in uu hoggaamiyaa dhammaan dhaqdhaqaaqa ururada bulshada
iyo mu’asasaadka dowladeed, maxaa yeelay hoggaan siyaasadeed iyo mid aragtiyeed la’aantood, xisbigu ma uusan gudan doorkii laga rabey.
Taasina waxaa ka dhalaneysa in jihadii laga weecdo oo halis loo galo siyaasadaha embriyaaliyadda. Dabadeed waxaa halkaa ku lumaya
baraaruggii kacaanka. ................ ". (Maxamad Fariid Al-Sayid Xijaaj, 1983-kii, p, 117).
Inkasta oo xisbigu
uu la midab ahaa axsaabtii ka talin jirtey dowladihii
reer bariga ee shuuciga ahaa, misana raggii xambaarsanaa
aragtida
shuuciyadda ahayd, waa ay ku hungoobeen inay buuxiyaan
xubnihii golaha dhexe ee xisbiga. Iyada oo la oran karo,
xubnahaasi, qiyaastii kala
bar baa waxay ahaayeen dadkii xambaarsanaa aragtida
hanti-wadaagga ah, misana qudhoodu waxay isku khilaafsanaayeen
mad-habta
hanti-wadaagga ah ee ku haboon in dalka lagu dhaqo.
Inkasta oo shakhsiyadda Soomaaliga
ahi ay ku adag tahay in uu
wax aamino,
misana waxaa jirey qolooyin kamid ahaa goihii dhexe
oo sheeganayay in ay xambaarsanaayeen aragtida Naasiriyadda
ee ah Islaamic
Socialism, taas oo ka soo jeedda hoggaamiyihii kacaankii
Masar Jamaal Cabdi
Naasir. Raggaas waxay
u badnaayeen saraakiishii
GS ee K, gaar ahaan kuwoodii wax ku soo bartey dalalka
Carabta iyo kuwooda ay u horeysey aqoonta carabta iyo
diinta. Waxaa
raggaas kamid ahaa Cismaan
Maxamad Jeelle,
Cabdirisaaq Maxamad Abokor,
Axmad Suleymaan Cabdalle,
Cabdulqaadir Xaaji Masale,
Cabdi Warsame Isaaq.
Qolooyin kale waxay qabeen aragti ku sidkan hanti-wadaagga
reer galbeedka Social-democratic. Raggaas oo
dhamaantood wax ku soo bartey dalka Talyaaniga, waxaa
kamid ahaa Maxamad Yuusuf
Weyrax, Maxamad
Shiikh Aadan Maxamuud
iyo
Warsame Juguf.
Waxaa iyana jirey qolo saddexaad oo iyagu qabey aragti
xag-jir ah oo ku saleysan hanti-wadaagga cilmiga
Marxism Leninism.
Waxaa raggaas kamid ahaa
Cabdiraxmaan Ceydiid,
Cumar Salaad
iyo Cabdi Muxumad Amiin.
Ruushkii kuma eeyan
qancin qaabkaas isku-dhafka ah oo Soomaalidu ay ku saleeyeen
hoggaankii xisbiga. Taasi waxay ka muuqatey
xaflad lagu sagootinayay toddobadii khabiir ee ka socdey
xisbigii Shuuciga ee Soofyeetiga. Waxaa kale oo xafladdaas
lagu marti-qaadey
12 macallimiin xisbi ahaa oo qudhoodu Ruush ahaa, kuwaas
oo dalka u joogey in ay casharro siiyaan madaxda hoggaamada
Xisbiga iyo
kuwa dowladda. Xafladdaasi waxay ka dhacdey aqalkii
la oran jirey Villa-Beydhabo, waxayna dhacdey
bishii disember 1976-kii,
iyada
oo jabhadiintii Ogaadeenya ay dhexda uga jireen halgankii
ay ku dalbayeen madax-bannaanida. Xafladda gudaheedii
ayaa dood
siyaasadeed ee qallafsan waxay dhex martey Ruushkii
martida ahaa iyo xubno kamid ahaa golihii dhexe ee XHKS.
Kaddib markii lagu
sakhraamey wixii la cabayay, ayaa murankii wuxuu gaarey
meel aanan habooneyn. Ruushkii iyaga oo tilmaamaya qaabkii
loo xuley
xubnaha golaha dhexe in uu ahaa mid aanan mabaadi ku
saleysneen, ayay Soomaalidii ku yiraahdeen :
" Hanti-wadaag
ma tihidin ee Itoobiya ka daaya culeyska iyo dhulka
aad ku sheeganeysaan ".
Soomaalidii oo hadalkii
ka jawaabaya ayaa Ruushkii ku yiri :
" Idinka ayaanan
Hanti-wadaag ahayn oo doonaya dad dhulkoodii la heysto
inay raali ku noqdaan ".
Dabadeed waxaa
bilaabatey gacan ka hadal iyo in quraaradihii leysla
dhaco oo goobtii ay rag ku dhaawacmaan. (Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal,
Dubai, 10/ 4- 2004).
Midab-kasta
ha yeeshee, xisbigu wuxuu lahaa guddiyo matalaya dabaqadaha
bulshada iyo mu´asasaadka dowladda. Muddadii ka danbeysay
hal-abuurkiisii, dowladdii Soomaaliyeed waxay yeelatay
weji ah sidan hoos ku xusan :
I) Xfiisyada Madaxtooyada Jamhuuriyadda :
a- Xafiiska Guddoomiyaha
Golaha Wasiirrada
b- Xafsiiska Guddoomiyaha Golaha Difaaca Qaranka
c- Xafsiiska Taliyaha Guud ee Ciidammada Soomaaliyeed
d- Xafsiiska Guddoomiyaha
Golaha Sare ee Kacaanka
e- Xafsiiska Xoghayaha Guud ee XHKS
II)
Xafiisyada Madaxweyne ku xigeennada :
a- Xafsiiska Madaxweyne
ku Xigeenka Koowaad
b- Xafsiiska Madaxweyne ku Xigeenka Labaad
c- Xafsiiska Madaxweyne ku Xigeenka Saddexaad
III) Xafiisyada Guddiyada
Golaha Sare ee kacaanka :
a- Xafsiiska Guddiga Difaaca
iyo amniga
b- Xafsiiska Guddiga Dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda
c- Xafsiiska Guddiga Siyaasadda
d- Xafsiiska Guddiga Bulshada
e- Xafsiiska Guddiga Hanti-dhowrka
IV) Xafiisyada Golaha Dhexe
ee XHKS :
a- Xafiiska Arrimaha Golaha
Dhexe
b- Xafiiska Ururada iyo Abaabulka Dad-weynaha
c- Xafiiska Ideoloojiyada
d- Xafiiska Arrimaha Dibadda
e- Xafiiska Howl-galka
f- Xafiiska Arrimaha Bulshada
g- Xafiiska Iskaashatooyinka
h- Xafiiska Degmooyinka iyo Gargaarka Deg-degga ah
i- Xafiiska Dabagalka Golaha Dhexe
j- Xafiiska Baarista Golaha Dhexe
V) Xafiisyada Golayaasha
Dad-weynaha :
a- Xafsiiska Guddiga Siyaasadda
b- Xafsiiska Guddiga Arrimaha bulshada
c- Xafsiiska Guddiga Sharciga
d- Xafsiiska Guddiga Dhaqaalaha
e- Xafsiiska Guddiga Difaaca iyo Nabad-gelyada
VI) Xafiisyada Ururada
Bulshada :
a- Xafsiiska Isutagga guud
ee Ururada Shaqaalaha
b- Xafsiiska Ururka Dhallinta Kacaanka
Soomaaliyeed
c- Xafsiiska Ururka Dimoqraadiga Haweenka Soomaaliyeed
VII) Xafiisyada Golaha
Wasiirrada :
1-
Xafiiska Wasiirka Beeraha
2- Xafiiska Wasiirka
Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
3- Xafiiska Wasiirka
Ganacsiga
4- Xafiiska Wasiirka
Hiddaha iyo Tacliinta Sare
5- Xafsiiska Wasiirka
Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
6- Xafiiska Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta
Reer Miyiga
7- Xafiiska Wasiirka Difaaca
8- Xafiiska Wasiirka Waxbarashada
9- Xafiiska Wasiirka Macaadinta iyo Horumarinta Biyaha
10- Xafiiska Wasiirka Maaliyadda
11- Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda
12- Xafiiska Wasiirka Qorsheynta Qaranka
13- Xafiiska Wasiirka Kalluumeysiga
14- Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
15- Xafiiska Wasiirka Warshadaha
16- Xafiiska Wasiirka Caafimaadka
17- Xafiiska Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
18- Xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha
19- Xafiiska Wasiirka Dalxiiska
20- Xafiiska Wasiirka Gaadiidka
21- Xafiiska Wasiirka Caddaaladda iyo Diinta
22- Xafiiska Wasiirka Cayaaraha iyo Dhallinyarada
23- Xafiiska Wasiirka Danaha dad-weynaha.
Markii uu xisbigu soo shaac
baxay, muddo gaaban dabadeed wuxuu ku guuleystay in
uu sal-ballaaran ku yeesho dad-weynaha dhexdiisa.
Waxaa arrintaas kaalmo ka geystay dicaayaddii wasaaraddii
warfaafinta iyo abwaannadii dowladda ee u adeegayey
xisbiga. Sannadkii 1980-kii tirada xubnaha xisbiga
waxaa ay kor u dhaafeen 20.000 oo xubin. Dadkaasi
badankood waxay ahaayeen kuwo aavan wax ka aqoom mabaadiida
hanti-wadaagga. Waxaa u dheeraan damaca siyaasadeed
oo gurracan.
Dhismaha ciidamada Soomaaliyeed
iyo qalabeyntooda, meel wanaagsan ayay ka xigsatey
barnaamijkii ahaa waajibaadka xisbiga. Qodobka sagaalaad
ee barnaamijkii xisbiga, ayaa ka waramayay arintan,
wuxuuna ku soo baxay sidan :
" Xisbigu
wuxuu aaminsan yahay, xilligan
cusub, in ciidamada qalabka
sida ay kaalinta koowaad
ka cayaaraan dhismaha bulshada
iyo difaaca dalka.
Xisbigu wuxuu fiiro gaar ah siinayaa in la xoojiyo tamarta
difaaca dalka, iyo in ciidamada lagu qalabeeyo awoodda
teknolojiyada iyo in la xoojiyo itaalka difaaca, iyada
oo la hor u marinayo wacyiga siyaasadeed ee ciidamada,
islamarkaas kor loo qaadayo
tababarka askarta laguna tarbiyadeynayo waddaninimo,
iyo in la abuuro ruux difaac u noqota mabaadiida Hanti-wadaagga
Cilmiga
..................... "
(Maxamad
Fariid Al-Sayid Xijaaj, 1983-kii, p, 117)
Madaxda
Soomaaliyeed
waxaa ay xilligaas si wanaagsan ula socdeen xaaladda
qallafsan ee uu ku sugnaa maamulka dalka Itoobiya.
Mahadi haka gaartee, Danjire
Cabdiraxmaan Axmad Cali (Tuur),
oo markaas fadhigiisu ahaa Addis-ababa ayaa iska xil
saarey in maamulka
Xamar uu ka haqab tiro ogaallada la xiriira waayaha
ay marayaan Addis iyo dadkeeda. Danjiraha Soomaaliyeed
waxaa u suurogashay in uu xiriir
qarsoodi ah la yeesho saraakiil Dergo ah oo dhalashadoodu
tahay Eriteriya.
Bishii
xisbiga lagu dhawaaqey bishii xigtey, agosto 1976-kii,
ayaa wafdi hilan culus waxay u kaceen Moosko.
Socdaalkan ayaa wuxuu qeyb
ka ahaa isu diyaarintii dagaalka. Wafdiga Soomaaliyeed
oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenkii koowaad
Jeneraal Maxamad Cali Samatar,
ayaa wuxuu ka koobnaa lix xildhibaan oo xubno ka ahaa
golihii dhexe ee XHKS. Raggaas oo isugu jirey
saddex ciidan ah iyo saddex rayid ah
ayaa waxay ahaayeen sidan, Jeneraal
Maxamad Cali Samatar, Jeneraal
Cismaan Saalax Cabdikariin,
G/ S. Maxamad Macallin,
Xildhibaan Cabdiraxmaan
Ceydiid, Xildhibaan
Cumar Salaad iyo Xildhibaan
Axmad Maxamad.
Wafdigii Soomaalida waxay
la kulmeen guddigii siyaasadda oo uu ka maqnaa hoggaamiyihii
xisbiga Leonid Brezchnev.
Isagu wuxuu markaa ku jirey Sochi, oo
ah meel ay madaxda ku nastaan oo ku
taal badda madow. Kulankaas
ayaa wafdigii Soomaalida waxay ku dalbeen
qalab hub ah oo ay kamid yihiin gawaarida
waaweyn ee Taangiyada xambaara. Wasiirkii gaashaandhigga
ee Soofyeetiga, Krilenko,
ayaa wafdigii Soomaalida weydiiyey sababta
ay u doonayaan baabuurtan. Jeneraal
Maxamad Cali Samatar oo Soomaalida
u hadlayay ayaa yiri : "
Waanu isku daafaceynaa ".
Krilenko
wuxuu kaga jawaabey arintaas sidan :
"
Badaha wax idiin ka imanaya ma jiraan
oo annaga ayaa joogna. Dowladaha
aad deriska tihiinna isku xoog ayaad tihiin. Hub hor
leh oo Iootbiya u soo socdana
ma jiro oo iyaga iyo Mareekankii waa
ay isku xun yihiin. Haddaba yaad ka baqeysaanoo
aad iska ilaalineysaan. ................
Waxaanu aragnaa in aad dooneysaan
inaad Itoobiya ku
weerartaan hubkan aad dalbeysaan
".
(Waxaan ka soo
xiganay Cumar Salaad, London, 28/ 6- 2004).
Taasi waxay ahayd
ishaaradii ugu horeysey
oo madaxdii
Soomaaliyeed si
dhab ah loogu
muujiyo in maamulka Krimilliinku
uusan raali ka ahayn
in Soomaalidu ay ku duulaan Iootbiya.
Weliba xilligan oo uu ka curtey kacaan, sideenaas,
hanti-wadaag sheeganaya.
Waxaa xusid mudan, gawaarida Soomaalidu
dalbayeen in ay ahaayeen kuwo sahlaya
in Taangiyadu ay ka dagaallamaan aagag aad uga fog
goobaha lagu hayo. Diidmadii ay madaxdii
Ruushka ka horkeeneen dalabkii Soomaalida,
waxay ugu beddeleen gawaari kale oo
ay kamid ahaayeen gawaarida gaashaaman, nooca birri-biyoodka
ah (tiro afartan ah).
Madaxdii Soomaaliya ayaa
diidmadii Ruushka kaga jawaabey diidmo dhankooda ah.
Taasina waxay ka danbeysey markii ay bil dabadeed
amar ku bixiyeen in xuduudda Itoobiya laga tallaabiyo
ciidan gaaraya 1300 oo nin, si cadaadiska madax-bannaanida
gobolka uu uga yimaado fagaaraha. Waxaa sidaas
ku bilowdey dhimbishii uu ka qarxey dab-shidkii dagaalkii
Ogaadeenya. Yuusuf Maxamad
Sugaal oo kamid ahaa raggii dabkaa huriyey
ayaa isla markaa wuxuu kamid ahaa abwaanada reebey
maansooyinka taariikhiga ah. Tix uu lahaa oo uu kaga
hadlayay qadiyaddan baa waxay ahayd :
Gurmad waxay ka doontiyo
gargaar deg-deg u ciidamiya
Oo maciin daryeela iyo
ka sugi daafac iyo kaalmo
Waa diricyadeedoo
kiciyo daa´inkaa qurahe
Doobki reer galbeedow adoo
daadka fara weyn leh
Oo sida dareem iyo camuud
meel kasta u daadsan
Oo durbaba xil oofin kara
duudka kaa saaran
Deg-deg iyo isqaad iyo
haddaad hiil ku daahi weydo
Sow guhaad dartii iyo inaad
ciil darbato maahan
Dareen cidla ah kuma yimaad
dal xornimadiiye
Waa wax dhiig ku daatoo
ku baxa duuyo loo huro´e
Dambaaburiyo dhamac buu
maraa kii dalbahayaaye
(Yuusuf
Maxamad Sugaal).