Inteynaan u tallaabin dabshidkii ciidamada
jabhadaha Soomaali Galbeed iyo Soomaali Abboo, waxaa
xusid mudan baraarugga siyaasadeed ee shacabka labada
jabhadood in uusan xilligaas ahayn mid isu dheelli tiran.
Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan galbeedka, waxay ahaayeen
kuwo si toos ah xiriir ula lahaa wacaallada la soo dersa
gobollada madaxa bannaan. Waxay si buuxda uga qeyb-qaateen
dhaq-dhaqaaqyadii lagula dirirayay xoogaggii gumeysiga
sida kii Daraawiishta iyo kii Leegada. Taasi waxay dhaxalsiisey
in beelahaasi ay si buuxda ula jaan-qaadaan anshaxii
aqooneed ee facihii danbe ay ka dhaxleen maamulkii dowladeed.
Arrimahaas waxaa ka qadey beelaha Soomaaliyeed iyo Oromada
ku dhaqan koonfurta Itoobiya.
Labada gobol ee Baali iyo Siidaamo, kasokow
Soomaalida ku dhaqan, waxaa halkaas ku nool Oromo tiradooda
ay ku dhowdahay toban melyan. Bulsho-weyntaas ayaa inteeda
badan waxay la diin, dareen iyo danqashoba yihiin beelaha
Soomaaliyeed ee xoolo-dhaqatada ah. Maamuuska iyo qadarinta
ay Soomaalida u hayaan waxaa laga garanayaa ooraah ay
ku tilmaamayaan dadka Soomaalida ah. Ooraahdu waxay
leedahay sidan : " Soomaali Safarti Alooje Rabitti
". Waxay la macna tahay Soomaalidu waa dad
socoto ah, waana caruurtii Eebe. Fogaanshaha degaanka
kasokow, dhaqaale xumi iyo aqoon yari ayaa sababay xiriirkii
gaabiska ku sugnaa ee ka dhexeeyey dowladihii dalka
soo maray iyo dadka ku dhaqan degaamadaas.
Kaddib markii la dhisey jabhaddii Soomaali
Galbeed, howlihii lagu ururinayay dhallinyarada naftooda
hurayaasha ah waxaa dacal socdey mashruuc lagu doonayay
in lagu hanto kalsoonida bulshooyinka ku dhaqan Baali
iyo Siidaamo. Ogaanshaha iyo oggolaanshaha guddigii
siyaasadda ee XHKS, ayaa madaxdii WSLF waxay ku dadaaleen
in ay farriimo u diraan odeyaashii dhaqanka ee labadaa
gobol. Ninka howshaas u xil-saaraa wuxuu ahaa Cabdullaahi
Xasan Maxamuud, guddoomiyihii jabhadda Soomaali
Galbeed.
Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadaa
gobol waxaa kamid ah Xawaadle, Harti, Ajuuraan, Cawlyahan,
Mareexaan, Dir, Garre iyo Dagoodiye. Labadan danbe ayaa
awood tiro xooggan oo xoolo-dhaqato ah ay ka joogaan
degaanka. Tirada wax tarka leh ka sokow, beesha Garraha
ah waxay la gaar tahay tayada Soomaalinimada xambaarsan
oo ay ku tilmaaman yihiin. Beeshaas ayaa waxay ku caan
baxday dhaqan ah hilba u-dirir Soomaalinimo.
Iyada oo la adeegsanayay rag u shaqeynayay
dowladdii Soomaaliyeed, islamarkaana u dhashey beelaha
ku nool koonfurta Itoobiya ayaa waxaa la abuurey xiriir
dhex-mara madaxdii Soomaalida iyo odey-dhaqameedyadii
beelahaas. Dabadeed si dhuumaaleysi ah ayaa odeyaashii
xuduudda looga soo tallaabshey oo Xamar lagu keeney.
Waxaa kamid ahaa ugaaska Gariirre Xannaa
Suuban Dhagoole, ugaaska Cawlyahan Faatulle
Dhaqane Beylah, iyo ugaaska Garre Xasan
Goorow. Raggaas ayaa mid walba lala kulansiiyey
hoggaamiyihii XHKS, madaxweynihii jamhuuriyadda Maxamad
Siyaad Barre. Kulamadaas ayaa dhamaantood waxay
ahaayeen kuwo looga beeg qaadan karo sida ay dowoladdii
Soomaaliyeed uga go’neyd in ay Itoobiya ka soo ceshato
dhulkii ay Soomaalida ka boobtey muddo ku dhow qarni
horteed.
Ugaas Xasan Goorow,
wuxuu ahaa nin dakana ka qabey labada dowladood ee Itoobiya
iyo Keenya. Waxaa jirtey, sanadihii 1960-aadkii in Ugaasku
uu laayay rag ka tirsanaa ciidamada labada maamul. Sidaa
darteed ayuu Ugaasku wuxuu ka fogaadey degmooyinkii
ay ka dhisnaayeen maamullada Addis iyo Nayroobi. Wuxuu
xoolo ku heystey baadiye lama-galaan ah ee ka tirsan
gobolka Siidaamo. Markii Xamar la keeney oo uu la kulmey
madaxweynihii jamhuuriyadda, Maxamad
Siyaad hadalladii uu ku soo dhoweeyey ugaaska
waxaa kamid ahaa
sidan :
" Xasan
Goorow, geesi Soomaaliyeed, amxaaro laayaan ah.
Adigoo kale maahan in uu gabasho ku noolaado. Haddaad
horey u ahayd halgamaa, hadda ayaad heysataa dowlad
ku taageedha ee tuutahaagii lebiso ". (Wareysi
aanu la yeelaney Cabdullaahi Xasan, 6/ 10- 2004, Qaahira).
Ugaas Faatulle
Dhaqane Beylah oo ay Maxamad
Siyaad yaraantoodii is yiqiineen ayaa kulankoodii
isagu ku dhiiri geliyey madaxweynaha Soomaaliyeed in
gobollada Soomaaliya ka maqan si dhakhso ah loo qabto.
Ugaaska wuxuu madaxweynaha uga xog-waramey xaaladda
ay Itoobiya ku sugan tahay. Hadalladsii waxaa kamid
ahaa sidan :
" Nin Amxaaro iiga daba-dhilifsanaa
oo Soomaali ah in uu jiro maleyn maayo. Weligey maamulka
Itoobiya ayaan la shaqeynayay oo aan daacad u ahaa.
Maantana anigii baa socda oo Xamar dhex-taagan. Haddaba
Itoobiya jabtaye haddaad raganimo yeelaneysaan oo aad
dalkii qabaneysaan, dadkii waa idiin diyaar ee ordayoo
aada ". (Wareysi aanu
la yeelaney Cabdullaahi Xasan, 6/ 10- 2004, Qaahira).
Xilligaas waxaa jirey odeyaal Caruusha
ah oo Xamar ku sugnaa. Raggaas oo ka qeyb-qaatey gadoodkii
sanadihii 1960-aadkii ka jirey gbolka, ayaa Soomaalida
la lahaa xiriir qoto-dheer. Waxaa kamid ahaa Waaqow
Guuto, Maxamad Cali Ruube
iyo Xuseen Xaaji Isaaq Daadi .
Waxaa xusid mudan in ninkan danbe ay dhashey gabar ah
ina Sayid Maxamad Cabdulle Xasan.
Raggani waxay ahaayeen kuwii xiriirinayay bulshadii
Caruushada iyo Dowladdii Soomaaliyeed, islamarkaa waxay
wax ka hoggaaminayeen howlihii ciidameed ee jabhaddii
Soomaali Abboo.
Qowmiyadda Booranta ah, qudhooda waxaa
laga casumey odeyaal ay kamid yihiin
Xaaji Maxamad Kunta iyo Qaadi
Jeena Ejersa. Raggaas oo
u dhashey beesha Guji ama (Jaan-jaan) ayaa beeshoodu,
sanadihii 1960-aadkii waxay ahayd mid la dhan ah dowladda
Itoobiya, iyaga oo markaas ka soo hor-jeedey beelihii
kale oo Booranta ahaa ee Soomaalida la qadiyadda ahaa.
Nimankaasi ayaa xilligan danbe waxay ka tallaabsadeen
khilaaf taarikheed ee soo jireen ahaa ee ku saleysan
af iyo dhaqan, kaas oo u dhexeeyay beeshooda iyo beelaha
Soomaaliyeed. Waxay markan oggolaadeen in ay si toos
ah ugu biiraan jabhaddii Soomaali Abboo oo ay ka feer
dagaalamaan.
Waxaa kale oo jabhadda ku biirey qabaa´il
kale oo Booran ah, kuwaas oo u doortey in uu golaha
dhexe uga qeyb-galo nin la yiraahdo
Saari Jarso, kaas oo macallin ka´ahaa magaalada
Nageyle. Dhallinyaro u badan aqoonyahanno iyo ciidamo
oo dhalashadoodu tahay Booran ayaa xilligaas waxay ka
soo baxsadeen taliskii ka dhisnaa Addis-ababa. Waxay
si toos ah ugu biireen jabhadda Soomaali Abboo. Dhallinyaradaas
waxaa ugu daraja weynaa nin la yiraahdo G/
Dh. Wolde Ammanuel, kaas oo horey gobolka Siidaamo
guddoomiye uga noqdey. Xilliga uu socdey fadhigii lagu
dhisayey XHKS, odeyaasha Soomaalida iyo kuwa Abboo,
intooda badan waxay ku sugnaayeen Xamar, iyada oo qaar
kamid ah lagu casumey shirkii Xisbiga. Waxaa xusid mudan
in Waaqow Guuto uu ahaa
ninka keliya ee Af-caruusha ku gudbiyey khudbaddii uu
ka akhriyey fadhigii xisbiga. Raggaas aan magacyadooda
soo xusney, intooda badan, waxay ka qeyb-qaateen dhismihii
ururkii Soomaali Abboo. Qaar kamid ahina waxay xubno
ka noqdeen golihii dhexe ee ururka.
Heyjad iyo qeylo ayay odeyaashii u direen
degaankii. Nin waliba wuxuu reerkiisii gaarsiiyey dhambaal
xambaarsan colaad. Farriimihii la direy waxaa ku yimid
dhallinyaro badan oo doonayay in ay horseedayaal ka
noqdaan gulufyadan la diyaarinayo. Ciidankaas waxaa
lagu ururshey xeryo looga furey degmada Doolow iyo tuulada
Mooriga, halkaas oo markiiba looga bilaabey tababarro
ciidameed oo deg-deg ah.
Bartamihii bishii agosto, 1976-kii, Guddugii
Siyaasadda ee XHKS, waxay gaareen go'aan qarsoodi ah,
kaas oo tilmaamaya in qeyb kamid ah ciidamada xeryaha
ku jira fasaxaan si ay u bilaabaan dab-shidka dagaalka.
Ciidankii Soomaali Abboo ayay ahaayeen kuwii ugu hreeyey
ee nasiibka u yeeshey fulinta arintan. Ayaamo dabadeed
markii go'aanka la gaarey ayaa afar ciidan ay ku baxeen
Baali iyo Siidaamo, kuwaas oo mid waliba u sii qeybsamayey.
Dhinaca Baali ciidamada jabhadda waxaa loo qeybiyey
labo qeybood iyada oo loo eegayo qaab degaan. Mid wuxuu
ahaa ciidankii Ginnir, midna wuxuu ahaa ciidanka Delo.
Sidoo kale ayaa ciidamada Siidaamo afar qeybood loo
qeybiyey iyadoo la´eegayo qaabka degaanka. Qeyb waxaa
hoggaaminayey Xaaji Kunta
(Booran), qeybta labaad waxaa hoggaaminayey Xaaji
Xasan (Caruusha), qeybta saddexaad waxaa hoggaaminayey
Maxamad Barre
(Marreexaan), qeybta afaraad waxaa hoggaaminayey
Maxamad Cabdullaahi Xaaji
Xasan (Dagoodiye).
Jabhadda Soomaali Abboo, ma eeyan lahayn
saraakiil ku filan oo hor-kaca ciidamada lagu tala galey
in ay ka howl-galaan gobolladaas. Sidaa darteed ayaa
waxaa lagu dhafey saraakiil-xigeeno laga soo xuley XDS.
Ujeeddada hayaankii ciidamadaas waxay ahayd in dad-weynaha
gobolladaas lagu baraarujiyo dagaalka, iyaga oo isla
markaas khalal ku ridaya dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya
iyo waddooyinka ay taakulada ka helaan. Waxaa kale oo
la farey in meelo tilmaaman ay ka kiciyaan ciidamada
Itoobiya. Howlaha ciidamada jabhadda, waxaa 100 % gacanta
ku hayay wasaaraddii gaashaan-dhigga ee Soomaaliya.
Ciidankii ugu xoogga weynaa wuxuu tiradsiisu
dhamaa 800 oo nin. Waxaa hor-kacayay nin ah reer Harar
oo la yiraahdo Jibriil.
Ciidankaas waxaa la siiyey waajib ah in ay abbaaraan
degmada Ceel-karre oo ahayd magaalo-madaxda gobolka
Baali isla markaana ahayd xarun ay ku urursanaayeen
ciidamada Itoobiya ee loo diyaariyey ilaalada gobolka.
Magaaladu waxay ku taal meel hoose oo buuro ayaa ku
hareereysan. Dhaqdhaqaaqii ciidanka jabhadda ay ka bilaabeen
tuulooyinkii la xiriirey degmada, ayaa ciidamadii Itoobiya
waxay kaga jawaabeen in ay magaalada uga soo baxaan
dibadda. Waxay fariisimo ka sameysteen meel buuraha
hoostooda ah. Muddo laba bilood ah ayaa sidaas leysku
hor fadhiyey.
Taakuladii oo ka go'dey iyo cudurro ay
ka qaadeen dhufeysyadii ay ku saxaroonayeen ayaa waxay
sababtey in ay hoobato niyaddii ciidamadii magaalada
difaacayey. Dabayaaqadii oktoober, 1976-kii ayay degmadii
si buuxda gacanta ugu gashay ciidamadii jabhadda Soomaali
Abboo. Taasina waxay ka danbeysey markii ciidan Gariirre
ah oo gaaraya 400 oo nin ay dhankii buuraha ka soo weerareen
cadowgii. Waxaa xusid mudan in Gariiruhu ay ku dhaqan
yihiin buuraha degaankaas. Ciidankii Dergada intoodii
badneyd halkaa ayaa lagu laayey. Saraakiisha halkaa
looga diley waxaa ugu weynaa
Gaashaanle Baqale Amru
oo ahaa taliyihii saldhigga.
Saraakiishii ka talinayay Itoobiya, arintan
waxay ku noqotey qaadan-waa. Waxaa u muuqatey culeyska
ku soo food leh nadaamkooda, haddiiba Soomaaliya ay
bilowdo in ay si daacad ah u taakuleyso jabhadaha ku
kacsan dowladdooda. Iyaga oo la tallaabsanaya heer-kaca
dagaalka ayaa waxay bilaabeen in ay ciidan u soo ururiyaan
gobolladii gubanayey, si ay u soo ceshadaan degmadii
laga qabsadey iyo tuulooyinkii ay ka yaaceen ciidamadeeda.
Nasiib-darrida heshey baa waxay ahayd in markiiba dhanka
Soomaalida ay ka soo taallabeen ciidan hor leh oo gaaraya
1300 oo nin. Ciidankan danbe ayaa waxay ahaayeen ciidankii
ku jirey xeradii Qoriiley ee ku xereysnaa magaca Soomaali
Galbeed. Inkasta oo ciidankan danbe uusan jahadoodu
ahayn Baali iyo Siidaamo, misana waajiboodu wuxuu ahaa
in ciidamada Ogaadeenya fadhiya eeyan u gurman gobollada
shidan.
Mar haddii gurigaagiyo
Gogooshaadiyo ciidda
Gurboodkaaga caruurtiyo
Geyigaaga la sheegto
Gafuur duub iyo ciil iyo
Gujo tii ugu weyn iyo
Gartoo aan la maqleyn iyo
La gulaalo runtiiyoo
Gowrac leysugu jiido
Gobtu waa dirirtaayee
Jabhadaha gurdamaayiyo
Dadka jooga galbeedku
Markaasey gilgisheenoo
Garbaduubka xanuunkiyo
Gambadii ku gabowdiyo
Iney geeri xalaal iyo
Guusha weyn hantiyaan baa
Go’aankii ku dhammaadey
(Cali Cilmi Af-yare).
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore