Dhaqaaqilyadii
diblomaasiyadeed ee ka dhashay xiisadda ka oogantay
geeska Afrika waxay ahayd mid ay isku arkeen diblomaasiyiin
iyo masuuliyiin badan oo meelo badan ku wada-hadlay. Islamarkaas waxay ka wada arinsadeen umuuro badan oo la xiriira
qadiyaddan uu gobolka la xasili la’yahay. Kulamadaas oo intooda badan ka dhan ahaa dalabka
Soomaalida ayaa waxay muujinayeen go’doonka caalamiga
ah oo ay qadiyaddu ku sugnayd. Waxaa tusaale loo soo
qaadan karayaa kulan ay isku arkeen laba diblomaasi
oo Addis-ababa u fadhiyay labada dal ee xoogga weyn
(USA iyo USSR). Fadhigaas oo labada diblomaasi ay isku
dhaafsanayeen ogaallo la xiriira xaaladda Itoobiya ayay si
gaar ah uga sheekeysteen xaaladda Ogaadeenya. 2/ 2-
1977-kii, maalin ka hor intuusan Mengistu
la wareegin talada dalka, ayuu dhacay kulankan oo ay
isku arkeen qunsulkii safaaradda Ruushka S. Sinitsin iyo qunsulka arimaha siyaasadda ee safaaradda
Mareekanka Herbert Malin.
H.
Malin oo
kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu tilmaamay in xataa haddii
maamulka Itoobiya uu caga-dhigto, uusan joogsanayn
loolanka ay isku reebayaan xubnaha saraakiisha
ahi oo mid waliba uu ku doonayo in uu isaga u haro xukunka.
Waxaa kale oo uu fadhigaas ku xusay in dagaalada ka
bilowmay gobollada Eriteriya iyo Ogaadeenya oo ay kala
taageerayaan Suudaan iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo sii
murginaya arimaha qallafsan ee ka taagan gudaha Itoobiya.
Qunsulkaas oo iska indha-tiraya fara-gelinta uu Ruushku
ku hayay siyaasadda Itoobiya ayaa xusay xaaladaha qallafsan
oo Itoobiya ay ku sugan tahay in ay yihiin kuwo la xiriira
fara-gelin toos ah oo dowlado carbeed ay ku hayaan dalkan.
Waxaa hadalkiisii kamid ahaa sidan :
”
Dadaalka ay arintan ku bixinayaan qaar kamid ah dowladaha
carbeed waa mid ay la beegsanayaan degaanka oo idil.
Ujeeddaduna waa in ay xasiliyaan si ay gebi ahaan u
maamulaan biyaha badda Cas, taas oo ay ka yaalliin xeer
caalami ah oo tilmaamaya
in biyahaasi ay yihiin waddo caalami ah. Khalal
kasta oo halkaas ka yimaada, wuxuu sababi karaa xasillooni
xumi iyo weliba iska hor-imaad ciidameed ”. (
SECRET, Copy No. 2, From the diary of S.Y. Sinitsin.
Memorandum of Conversation between Soviet Counselor-Minister
in Ethiopia S. Sinitsin with Political Counselor of
the U.S. Embassy in Ethiopia Herbert Malin, 2/ 2- 1977).
Isaga
oo ka waramaya xiriirka Itoobiya iyo Mareekanka, qunsulku
wuxuu yiri :
“
Mareekanku iskama uu indha-tiri karo in ay jirto
xilli uu xiriirku yahay mid khariban, taasina ay sabab u tahay dhaqdhaqaaqa
ka soo horjeeda Mareekanka ee dalka ka jira. 27-kii
janaweri ee sanadkan, waxaa Addis-ababa ka dhacay bannaan-bax
dowladda looga soo horjeedo oo ay wadeen dhallinyaro.
Bambooyin laga sameeyay gaas ayay ku tuureen xaruntii
war is-gaarsiinta ee Mareekanka USIS (United States
Information Service), halkaas oo ay quraarado ku jejebiyeen.
.................................... Bambooyin kuwaas
lamid ah waxaa lagu tuuray xarunta MAAG (American Military
Advisory Group) “. (Isla
marjicii hore).
Mar
uu ka hadlay xaaladda qallafsan ee uu ku sugan yahay
xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Herbert
Malin wuxuu sheegay in uu ogsoon yahay in Mareekanku
uusan weli qaadin wax tallaabo ah oo lagu hagaajinayo
xiriirka sii xumaanaya ee labada dal. Taasina waxaa
u sabab ah buu yiri, Itoobiya oo aanan wax codsi ah
u soo gudbin dowladda Mareekanka. Labada diblomaasi
waxaa kale oo ay isla soo qaadeen in uu jiro qodob culus
kaas oo shiddo ku kordhinaya xaaladda cakiran ee geeska
Afrika. Dalka Jabuuti ayay ku sheegeen in uu yahay mid
sii cakrinaya xaaladda, kaas oo la filayay in dhowr
bilood dabadeed uu madax-bannaanidiisa qaato.
Sida
ka muuqata sheekada labada diblomaasi, Jabuuti oo ah
gobol Soomaaliyeed, gayaana u ah in ay Soomaaliya raacdo,
ayaa iyana halkaas ku noqotay qadiyad u galaalan xoogagga
shisheeye. H. Malin oo
arinkaa ka hadlay wuxuu yiri :
“
Bilihii tegey Soomaalidu waxay ku guuleysteen in
ay xoojiyaan raadka siyaasadeed oo ay ku leeyihiin Jabuuti
iyo weliba xiriirka ay la leeyihiin madaxda cusub. Arintaasi
waxay wal-wal daran ku abuurtay Itoobiya. Waa arin muuqata
in madax-bannaanida dabadeed, Jabuuti ay xubin ka noqoneyso
jaamacadda Carabta. Arintaasi waxay ku heleysaa xushmad
siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxaa iyana jidha, meesha
uu dalka Jabuuti is-taago, madax-bannaanida dabadeed
in ay taasi qallafsanaan ku kordhinayso xaaladda
hadda taagan. Xubnaha jaamacadda Carabta, goor hore
ayay qunsullo ka furteen Jabuuti
“. (Isla marjicii hore).
S.
Sinitsin
ayaa isna ka waramay xiriirka Itoobiya iyo Ruushka,
kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid la xiriira hor
u marinta dalka. Waxaa hadalkiisii kamid ahaa sidan
:
“
Dhacdada ah, wada-hadalkii dhex-maray Soofyeetiga
iyo qaar kamid ah saraakiisha Dergo 14/ 1- 1977-kii, waxay sababtay
in ay Moosko booqdaan wafdi ka socda dowladda Itoobiya.
Waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo khuburada farsamada
(sida macallimiin jaamicadeed, takhaatiir, iwl). Waxaa
halkaan ka shaqeynayay tan iyo qeybtii danbe ee sanadkii
tegay khuburo xagga dhaqaalaha oo Soofyeeti ah. Waa
arin muuqataa, xiriirka u dhexeeya labada dal, in uu
ku socdo meel sare. Iyada oo xaaladdan qallafsan lagu
jiro ayuu weliba qaab dabiici ah u socdaa. Welise qorshe
cad noolama eeyan iman. Annagu waa aanu ka fogaaneynaa
khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Arinkaasina
waa mowqifkayaga aanan is-beddelka lahayn oo ku wajahan
xiriirkaas. Taasi waxay inaga yeelaysaa in aanu labada
dal ku abuurno dareen ah in ay u dhaqaaqaan xagga nabadda
oo ay khilaafkooda ku xalistaan miis dushiis, si gobolkan
looga baajiyo
xaalad halaag ah. ........................ ”. (Isla marjicii hore).
Ugu
danbeyntii qunsulkii Mareekanka ayaa su’aal soo jeediyay
oo wax ka weydiiyey meelaha uu qunsulka Ruushku filayo
in ay iska waafaqsan yihiin masaalixda Mareekanka iyo
midda Ruushka ee ku wajahan dalka Itoobiya. S. Sinitsin ayaa arimo dhowr ah ka tilmaamay jawaabta
su’aashii la weydiiyay oo wuxuu yiri :
“
Wax-walba horteed aanu oggolaano anshaxa siyaasadeed
ee xushmeynaya madax-bannaanida iyo is-haysashada dhulka
Itoobiya, inaan la soo faragashan arimahheeda gudaha,
in mowqif xalaal ah laga istaago isbeddelka dhaqan-dhaqaale
iyo midka siyaasadeed ee ka taaba-galay dalka, loona
daayo hadba sida ay dad-weynuhu u doonayaan. In dalka
laga curiyo nabadgelyo iyo xasillooni, iyada oo la hakinayo
kobcinta xiisadda iyo khilaafka u dhexeeya dalalka gobolka.
In lagu fara-adeygo ilaalinta mabaadiida ah inaan cidna
is hor-taagin adeegsiga biyaha badda Cas. Taasina waxay
ku hir-geleysaa aqoonsiga qaanuunka caalamiga ah
“. (Isla marjicii hore).
Dooddaas
waxay gudbinaysaa ishaaro cad oo tilmaameysa in qadiyadda
Ogaadeenya eeyan la jaad ahayn qadiyadaha kale ee ah
aaya ka-taliska ummadaha la gumeysto. Bal waa qadiyad
ka culus oo dhex-mushaaxeysa loolan dowlado waaweyn
iyo masaalix caalami ah. Islamarkaa waxaa inoo muuqanaya
shiddada ay la iman karto haddii laysku deyo in qadiyadda
la gees-furo. Sikastaba ha ahaatee, Soomaalidu kama
eeyan hakan in ay ka gaabsadaan qadiyaddooda. Ladaadyada
iyo laqanyada ay qadiyaddu ku haysay ayaa kallifayay
in maamulka iyo dad-wynuhuba uu u guntado soo celinta
gobolladaa la kala fur-furey.
Shantii ay duq wada foolatee duud ka
wada uunmay
Eey kala duddeeyeen kufrigi gelin ku
soo duulay
In mar leysku soo daro war hooy kulan
ku daaweysta
Waagii doorki Leegada sidaas loogu dacal feytay
Kolkii
labada daamoode hore duubni lagu keeney
Docahaan
baneynee xoriyo ugu
damaashaadnay
Daruur
curatay bay noo ahayd daa'in mahaddiiye
Kulanki
loo dabaal-degay Dulley diirshe wadarteene (Yuusuf
Maxamad Sugaal).
Waxaa
isna jirey fadhi uu G/
Dhexe Mengistu kula kulmay danjirihii Kuuba ee fadhiyay Addis-abab Jose Peres
Novoa. Fadhigaas oo dhacay 8/ 2- 1977-kii, ayuu Mengistu
wuxuu dowladda
Kuuba ku weydiistay hub iyo khubaro ciidameed. Waxaa xusid mudan in kulankaas
uu dhacay iyada oo dowladdii Mengistu
eeyan toddobaad dhisneyn. Danjiraha oo ka sheekeynaya
kulankoodii ayaa wuxuu yiri :
” Mengisgu wuxuu iga codsaday inaan Fidel Castro ka gaarsiiyo farriin af ah, taas oo ah dalab
golaha sare ee ciidanka ay Kuuba weydiisanayaan in ay
ka helaan khubaro tababara ciidamada maaleeshiyada Itoobiya
iyo hub fudud. Isla codsigaas ayuu Mengistu ku sheegay in Mareekanku uu diiday in uu Itoobiya
siiyo qalab dayac tira taangiyada. Waxaa kale oo uu
joojiyay dayac-tirkii,
dhamaan wixii hub ahaa. Golaha sare ee ciidanku
wuxuu filayaa, dhacdadii saddexdii febraweri darteed,
in Mareekanku uu ku soo rogo cuna-qabateyn adag. ..........................
. Mengistu wuxuu ku waramay in golaha ciidanku uu ku deyanayo
tusaalaha Kuuba oo uu doonayo in uu ka dhiso guddiyo
kacaanka difaaca wershadaha, hey’adaha iyo dhamaan tuulooyinka,
kuwaas oo howl-galladoodu ay noqonayaan kuwo garabka
ku haya qeybaha ciidanka maaleeshiyada ah. .........................
”. (TOP SECRET, Copy No.
2 From the diary of “ 30 ” Issue No. 129. RECORD OF
CONVERSATION With the Ambassador of Cuba in Ethiopia
Jose Peres Novoa 10 February 1977).
Falalka ciidamada jabhadaha Soomaali
Galbeed iyo Soomaali Abboo, ay ka wadeen Ogaadeenya,
wuxuu mar walba kordhinayay heer-kulka ay la caga-gubyoonayeen
maamulka ka jirey Itoobiya. Waxaa arintaas la xoogoobayay oo garab socday
dhaqaaqilyada diblomaasiyadeed oo dowladaha hanti-wadaagga
ahi ay ka ergeynayeen Itoobiya. Teedii ugu humbulsanayd waxay
ahayd kulankii lagu magacaabay Fadhigii Xiddigta Cas.
Sababta uu magacan ula baxay waxay ahayd iyada oo fadhiga
ay daneynayeen shan dowladood oo hanti-wadaag ah. Kuwaasi
waxay ahaayeen Soomaaliya, Itoobiya, Yamanta Koonfureed,
Kuuba iyo Midowga Soofyeeti. Ninka ka danbeeyay abaabulka
risaaladii fadhigan, wuxuu ahaa madaxweynaha Kuuba Fidel Casstro, kaas oo isu
xil-saaray in uu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya.
Isaga oo maamuus kaga doonayay dowladihii hanti-wadaagga
ahaa, ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd in uu badbaadiyo
dowladda Itoobiya iyo aragtida hanti-wadaagga ah ee
ka taabba-gashay degaanka.
Hoggaamiyaha dowladda Kuuba ayaa markaas isa soo
qamaamay isaga oo adeegsanaya khibraddiisa diblomaasiyadeed
iyo magaciisa hanaqaadka noqday. Waxaase jirtay in uu
ka dhacsanaa, in qadiyadda qowmiyadeed iyo midda caqiido
ay Soomaalidu u yihiin kuwo uga hilan culus aragtida
hanti-wadaagga ah oo ay sheeganayeen. Labadii maalmood
oo ay taariikhdu ahayd 13 iyo 14 ee bishii maarso 1977-kii
ayaa Fidel Castro, uu booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Xamar. Wuxuu hor
kacayay wafdi sare ee ka socday xisbiga shuuciga ah
ee Kuuba. Waxaa kamid ahaa Rafael Carlos, Osmany Cienfuegos,
Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes.
Galabtii
ay wafdigu yimaadeen, waxay madaxdii Soomaalida isku
arkeen casho-sharaf lagu martiqaaday xubnihii wafdiga. Fidel Castro, wuxuu halkaas ka
sheegay sida ay isaga la ahayd, muuqaalka uu filayay
in kacaanka Soomaaliyeed uu leeyahay. Madaxweyne Maxamad Siyaad ayaa ugu jawaabay in kacaanka Soomaaliyeed uu qaatey
isbeddel koritaan ah (evalution). Habeenkaas wax wada-hadal ah ma dhicin.
Maalintii
labaad, waxaa wafdigii
loo sameeyay barnaamij buuxa oo ay
kamid ahayd booqasho ay ku tageen xeradii guulwadayaasha,
halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil Kuubaan ah oo
kamid ahaa macallimiintii tababarrada bixinayay. Waxaa
kale oo ay booqdeen dugsigii beeraha ee Afgooye iyo
dugsiyo ay leeyihiin caruur reer miyi ah. Barnaamijkaas oo afar saacadood qaatay, waxaa xigay
qado sharaf. Casarkiina wafdigii waxaa la geeyay garoonkii
kubbad cagta ee la oran jirey Banaadir. F. Castro, oo isagu jeclaa
in uu helo fadhi rasmi ah oo ay madaxda Soomaaliyeed
isku wareystaan ayaa barnaamijyada loo sameeyay wuxuu
u qaatay wakhti lumis iyo in aanan diyaar loo ahayn
hadalkiisa.
Markii la gaaray xilligii nasashada (15-ka mirir)
oo labada kooxood ay garoonka isku weydaaranayeen ayaa
Madaxweyne Maxamad Siyaad, wuxuu bilaabay in uu inta
istaago uu hadal gaaban u jeediyo dad-weynihii garoonka
isugu yimid. Madaxweynaha ayaa hadalkiisii ku soo gunaanaday
in uu cod-baahiyaha ku soo dhoweeyo madaxa wafdiga Kuuba. Dabadeed hoggaamiyihii
Kuuba F. Castro ayaa
bilaabay in uu dadkii u jeediyo khudbad lagu kediyay
oo uusan diyaar
u ahayn. Hadalkiisa oo la turjumayay ayuu wuxuu ku bilowday
weerar iyo gees-gelin uu ku qaaday siyaasadda dowladaha
bariga-dhexe ee u adeegaya imberiyaaliyadda caalamiga
ah. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay taliska boqortooyada
Sacuudiga iyo kuwa la xulufada ah oo uu ku sheegay dib
u-socod. Fidel Castro oo goor danbe, socdaalkiisii iyo wuxuu kala kulmay, uga waramaya
hoggaamiyihii Jarmalka Bari Eric
Honecker, ayaa wuxuu sheegay sidan :
“
Khudbaddii aan u jeediyay dad-weynaha waxaan kaga
hadlay siyaasadda imberiyaaliyadda ee ku wajahan bariga-dhexe,
roolka dib u socodka ah oo bqortooyada Sacuudigu ay
ka qaadato iyo falalka xoogagga dib u
socodka ah. Anigu
waxaan markaa ogsoonaa in ay jidhay in la ictibaar siiyo
in dalku uu u janjeero xiriirka qotada dheer oo ay labada
dal leeyihiin (waa Soomaaliya iyo Sacuudiga). Waxaa
kale oo aan ka hadlay halganka PLO (Ururka Gobanimo-doonka
ee Falastiin) ee hor u socodka ah iyo kacaanka jasaa’ir,
kacaanka Liibiya iyo maamulka Musambiik. Waxaan ka hadkay
sida imberiyaaliyaddu ay u doonayaan in ay gooni ka
yeelaan hannaanka hor u socodka ah ee kala danbeynta
ku dhisan ee Itoobiya “
. (Minutes of
Conversation between Comrade Erich Honecker and Comrade
Fidel Castro. House of the Central Committee. Sunday,
3 April 1977).
Inkasta oo F. Castro
uu qiimo u yeelay khudbaddiisii, misana xaqiiqadu waxay
ahayd in dad-weynihii halkaa isugu soo baxay ay ku oryeen
markii uu dhameeyay hadalka. Sababtuna waxay ahayd,
hadalkiisii buu wuxuu ku soo gunaanaday ooraahda ah
(vivo la revoluzione Somala, vivo la revoluzione
Ethiopia). Dad-weynihii ku sugnaa garoonka ayaa
markii ay maqleen ha noolaado kacaanka Itoobiya, mar
keliya bilaabay qeylo iyo sawaxan ay ku muujinayaan
sida xooggan oo ay uga soo horjeedaan aragtida uu F.
Castro doonayo in uu iibiyo. Casho sharaf habeenkaas
loo sameeyay wafdiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne
Maxamad Siyaad. Kulankii cashadaas ayaa waxaa
ka bilawmay dood dhex-marta labada hoggaamiye. Dhamaadkii
sheekada ayaa F. Castro
wuxuu tilmaamay in Itoobiya uu ka hana-qaaday maamul
hor u-socod ah. Maxamad Siyaad
ayaa isna aragtidiisa ka dhiibtay in maamulkaas uu lamid
yahay kii qeysarkii Ruushka. Castro
oo ka sheekeynaya arintaas wuxuu yiri :
" Nadaamka Itoobiya ayuu wuxuu
ku tilmaamay kii qeysarkii Ruushka, isaga oo oranaya
Itoobiya waa nadaamka keliya ee ka haray xoogaggii gumeysiga
ahaa. Wuxuu
yiri : Mahadi ha gaadho Leenin, xikmaddiisii baa keentay in qeysarkii Ruushka uu libdho.
Laakiin wuxuu ku nool yahay Itoobiya
". (Isla marjicii hore)
Madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu u sheegay Castro in muddo ka hor uu Mengistu
u soo bandhigay in labada dal ay wada dhistaan
hannaan federaal ah ama ayba midoobaan. Inkasat oo eeyan
Itoobiya wax jawaab ah ka bixin arintaas, misana weli
diyaar baanu u nahay ayuu yiri Maxamad
Siyaad. Castro ayaa
markaas, sida uu sheegay, ka faa'iideystay hadalkaas
oo tilmaamay in uu jecel yahay in uu Itoobiya booqdo
maalinta maantaas xigta. Wuxuu Maxamad
Siyaad su'aalay in uu doonayo in uu la kulmo
Mengistu. Haa ayuu ugu
jawaabay.
Waa socotaa....
Gadaal ugu noqo casharadii hore