|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXIV-aad

Dr Enow

 

Howlgalladii ay jabhadiintu ka bilaabeen Ogaadeenya, wuxuu waa cusub u curiyey xiriirradii diblomaasiyadeed ee lama taabtaanka ahaa iyo is-xulufeysigii dowliga ee ka guntamay Geeska Afrika. Saraakiisha Itoobiya, maaheyn kuwo ka diimmoonaa in qaxankan uu bilow u yahay abaabul xoog weyn oo Soomaalidu ay ku doonayaan in ay ku hantaan gobolkan lagu muransan yahay. Islamarkaas, Itoobiyaanka waxaa ka go'naa in eeyan sii deyn qadiyadda lagu galay ee gees-xiradka u ah. Xilligaas saraakiisha Itoobiya, weji raxmadeed uma eeyan oollin Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareekanka. Sidaa darteed, ayay durba u iisheen fagaarihii laga sugayey ee ahaa Aqalka Cas ee Midowga Soofyeeti. Bishii disember, 1976-kii, ayaa maamulka labada dowladood (Itoobiya iyo USSR) ay ku dhigteen magaalada Addis-ababa heshiiskii u horeeyey ee dhexmara, kaas oo sir ahaa. Wuxuu ku saabsanaa iibsi hub qiimihiisu gaarayo 100 melyan oo US.$. ah. Waxaa xusid mudan in hubkaasi badankiisu uu ahaa deeq lagu taakuleynayay ciidamada Itoobiya. G/ Dh. Mengistu Xayle Maryam ayaa Itoobiya u saxiixey heshiiska, isaga oo markaas ahaa ku xigeenka hoggaamiyihii golihii Dergo. Heshiiskaasi wuxuu daba socdey wada-hadal rasmi ah oo Soofyeetiga iyo Itoobiya ay yeesheen lix bilood horteed, kaas oo Soofyeetigu uu ku ballan-qaadey in uu ka taageero xagga hubka. (Colin Legum and Bill Lee, Conflict in the Horn of Africa - New York : Africana Publishing Company, 1977 p. 92).

Kulkii Itoobiya kaga soo gufaacay Soomaaliya, waxaa kale oo uu kallifey in ay calaacal u gudbiso dowlado badan oo ay xiriir la lahayd. Waxay wufuud xoog leh u dirsatay dowladihii Hantiwadaagga ahaa, iyada oo ka codsaneysa in lagu taageero hub ay isku difaacaan. Waxaa xusid mudan in saraakiishii golahii Dergo, ay ku badnaayeen ragga xambaarsanaa aragtida hantiwadaagga ah ee u janjeerta Shiinaha (Maoism). Shiinaha ayaa dhankooda ka xiiseynayay in degaanka uu ka curto kacaan la aragti ah. Taas ayaa ka danbeysey in Shiinuhu noqdey dalkii ugu horeeyey ee ka soo jawaaba dalabkii Itooiya. Waxay si deg-deg leh u soo shixnadeen maraakiib xambaarsan hub fudud oo tira badan. Waqooyiga Kuuriya ayaa iyaduna dhowr markab oo xambaarsan hub fudud ah iyo rasaas bixisey. Waxay soo raacsheen dhambaal ay ku ballan-qaadayaan in ay bixinayaan hub culus, haddii Addis-ababa laga ceyriyo danjiraha dalka Koonfurta Kuuriya. Saraakiishii Itoobiya ayaa maraakiibtii ka timid Kuuriyada Waqooyi iska celiyey, iyaga oo diiddanaa shardigaas la socdey. Dowladda Israa'iil ayaa iyana xilligaas si qarsoodi ah u kordhisey hubkii ay Itoobiya siin jirtey, iyada oo ilaashaneysa danaha istraateejiyada ah ee degaanka ay ka lahayd. Waxay soo gaarsiiyeen hub fudud iyo qalab dayac-tir ah. Mareekanku wuxuu mowqifkiisii cadeystay 25/ 2- 1977-kii, markaas oo xoghayahooda arrimaha dibadda Ceyrus Vance uu ku waramay in dalkiisa uusan wax hub ah siineyn Itoobiya. Wuxuu sabab ka dhigey, nimanka dalka ka taliya oo aanan dhowreyn xuquuqda aadamiga. (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 20).

Dwoladdii Soomaaliyeed oo damac xooggan uu ka hayay in ay ka lib-keento gulufkan ay abaabulkiisa bilowdey, waxaa u muuqatay in eeyan garawsi kaga heleyn dowladaha hanti-wadaagga ah. Sidaa darteed, waxay u iilatay meelaha ugu dhow oo ay il-raxmadeed ka fileysey. Waxay farriimo u dirsatay dowladaha Carabta ah, gaar ahaan kuwa ku hodmey batroolka iyo doollarka. Farriimahaas ayaa waxay ku abyoodeen, Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre iyo wafdi ballaaran ee uu hor-kacayo, in ay booqasho rasmi ah ku maraan dowladaha Khaliijka. Meelaha ay booqdeen waxaa kamid ahaa Sacuudiga, Imaaraadka, Kuweyt iyo Ciraaq. Booqashadaas oo dhacdey bishii janaweri 1977-kii, waxaa lagu hagaajinayay xiriirka ay Soomaaliya la lahayd caalamka Carabta. Xiriirkaas ayaa hoobad ku socdey muddadii ay Soomaalidu sheeganayeen in ay ku dhaqmayaan mabaadiida Hanti-wadaagga Cilmiga.

Madaxweynaha Soomaaliyeed iyo madaxdii dowladaha Carabta ee uu martiyey, waxay ka wada-hadleen ilaalada nabadgelyada Badda Cas. Carabtu waxay xasaasiyad ka qabeen maraakiibta ciidamada Ruushka ee ku soo badanaya badda Cas, kuwaas oo oggolaansho u haystay in ay adeegsadaan dekado kamid ah kuwa Soomaaliya, gaar ahaan Berbera. Sidaa darteed, boqorradii Carbeed, waxay madaxweynaha Soomaaliya u muujiyeen wal-walka ay ka qabaan arintaas. Waxaa kale oo Carabtu ay bixiyeen ballan-qaadyo xagga dhaqaalaha ah iyo is garab-taag siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku taageerayaan baadi-goobka madax-bannaanida dhulalka ka maqan (Ogaadeenya, Jabuuti iyo NFD).

Dalka Suudaan oo kamid ahaa meelaha uu wafdigu booqdey ayaa waxaa ku harey laba wasiir oo kala ahaa wasiirkii arrimaha gudaha G/ S. Axmad Suleymaan Cabdalla (Dafle) iyo wasiirkii caafimaadka G/ S. Muuse Rabiile Good. Labada wasiir oo kamid ahaa saraakiishii GS ee K, ayaa ujeeddada ay Suudaan ugu hareen waxay ahayd in ay fadhiyo la qaataan jabhadaha u dagaalamayay madax-bannaanida Eriteriya. Fadhiyadaas ayaa waxay bilow u ahaayeen howlo ay Soomaalidu iska xil saareen oo ay ku mideynayeen jabhadaha Eriteriya, taas oo goor danbe lagu guuleystay. Shir jaraaŽid oo ay labada wasiir ku qabteen magaalada Kharduum ayuu Axmad Suleymaan Dafle ku sheegey in ay haboon tahay in xarunta ururka OAU laga qaado Addis-Ababa oo meel kale loo raro. Ereygaas wasiirka ka soo yeerey wuxuu cara geliyey dowladihii reer bariga ahaa ee Itoobiya ay ugu muuqatay bil uga curatay qaaradda Afrika.

Waxaa kale oo madaxda Soomaalidu ay booqashadaas ku debcinayeen cabsi ka haysay dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka unkamay dalka Talyaaniga. Dhaqdhaqaaqaas oo magaciisu ahaa SODAF (Somali Democratc Action Front) ayaa waxaa hor kacayay maqaawiir isugu jirey siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahanno kala matalayay beelaha Soomaaliyeed intoodii xilligaas ku baraarugsanayd siyaasadda dalka. Bishii abriil sanadkii 1976-kii ayaa ururkan lagaga dhawaaqey magaalada Rooma. Cismaan Nuur Cali Qonof oo ahaa caqliyaddii ka danbeysey abaabulkii ururkan, ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan kamid ahaa xubnihii uu maamulka kacaanka u doortey golihiisii xogheyayaasha. Inkasta oo uu soo qabtey xil ah wasiirka garsoorka, misana waa la xirey kaddib markii ay Jeneraal Maxamad Siyaad is khilaafeen. Markii uu xabsiga ka soo baxay, dabayaaqadii sanadkii 1975-kii, ayuu xuduudda degmada Feer-feer ka tallaabay isaga oo baxsad ah. Kaddib wuxuu u gudbay dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqan mucaaridka ah. Cismaan Nuur waxaa arinka ku gacan siiyey rag ay kamid ahaayeen Cumar Istarliin, Cabdulqaadir Dhalo-dhalo, Maxamad Cabdullaahi Dukhsi, Cali Kulane, Xasan Cali Mire, Mustafe Shiikh Nuur, Shiikh Ibraahim Gar-yare, Maxamuud Geelle. Dowladaha arinkan xiiseeyey oo ururku uu la xiriirey waxaa kamid ahaa Talyaaniga, Mareekanka, Sacuudiga, Iiraan, Israa'iil iyo Itoobiya.

Saraakiisha u talinayay Soomaaliya ayaa xilligaas hortiis, waxay ka madax adeygeen codsi kaga imanayay boqorradii u talinayay dowladaha Khaliijka. Codsigaasi wuxuu ahaa in Soomaalida ay jaraan ama dhimaan xiriirka ay Ruushka la leeyihiin. Janeraal Maxamad Cali Samatar oo aanu arintaa ka wareysanay wuxuu inoogu jawaabay sidan :

" Xilligaas majirin dowlad nagula dhacday in ay si toos ah inoo tiraahdo Ruushka xiriirka u jara. Waayo waxaanu ahayn dowlad weyn oo laga heybeesto. Waxaase dhici jirey in qaab diblomaasiyadeed oo dadban naloo tusin jirey sida ay uga xumaayeen xiriirka aanu Ruushka la lahayn. Annaguna waxaanu u sheegi jirney inuusan inaga dhaxayn wada-hadal ku saabsan doorashada dowladaha aanu xiriirka la yeelaneyno. Dowlad waliba waxay u madax-bannaaneyd in ay doorato dowladda ay maslaxad u aragto saaxiibtinimadeeda ". (Wareysi aanu la yeelaney Jeneraal Maxamad Cali Samantar, 9/ 5- 2004).

Madaxdii Soomaaliyeed waxaa laga il heley markii ururkii SODAF uu yeeshey heykal siyaasadeed. Bishii juun 1976-kii, fadhi xubnihii ururka ay ku qaateen magaalada Jidda, ee dalka Sacuudiga (hoteelka Aasiya) ayay ku dhisteen gole uu hoggaamiye ka yahay Maxamad Cabdullaahi Dukhsi. Islamarkaa waxaa ururkii ku biirey saraakiil tobaneeye ah oo horey dalka uga baxsadey. Waxaa kamid ahaa Gaashaanle Maxamad Ismaaciil Boqor, Gaashaanle Cabdi Gaawiido, Dhamme Saacid Cumar Qoslaaye, Dhamme Axmad Isbariijo (Salmadhige). Sida ay goor danbe ka sheekeeyeen xubnihii ururka, dowladda Sacuudiga ayaa maamulkii Soomaaliya u gudbisey magacyada xubnaha ururka, si ay dowladda Soomaaliya u saarto cadaadis looga fogeynayo Ruushka. Madaxdii Soomaalida waxay socdaalkii kala soo noqdeen kalsooni sare oo ay ku maleeyaan in ay heleen walaalo la xambaara qadiyaddan ku cuslaatay. Waxaa kale oo ay heleen male ah in iridaha loo xirey taageeradii la filayay in lala garab istaago mucaaradka cusub ee abuurmey. Sida waayuhu inoo caddeeyeen midkoodna ma dhicin.

Madaxdii Soomaaliyeed waxay ku beeg qaateen soo dhoweyntii maamuuska sare lahayd iyo ballan-qaadydii dhaqaale oo loo fidiyey. Sidaa darteed ayay markiiba qaateen go'aan ah in ay horey u wadaan howl-galladii lagu doonayay gudaalladii aynu ku lahayn Itoobiya. Sidaanu soo aragnay, howlahaasi waxay ku bilowdeen si qarsoodi ah. Waxaase daaha ka qaaday khabarka guulihii ay jabhadiintu ka soo hoyeen dagaalladii ugu horeeyey oo ay galeen. Heerka guur-galka ah oo dhallinyaradii jabhadiinta ay qadiyadda soo gaarsiiyeen, ayaa waxaa si xooggan oo xiisa leh u soo dhoweeyey qof kasta oo Soomaali ah oo warku soo gaaray. Madaxdii jabhadda WSLF iyo odeyaashii reer Ogaadeenya ee Xamar ku sugnaa ayaa dhanookda ka dirqinayay maamulkii Soomaaliya in uu taageero u fidiyo dhallinta dagaalamaya. Odeyaashu waxay xoojiyeen olole siyaasadeed oo ay horey u bilaabeen, kaas oo ay ku cadaadinayeen madaxdii dowladda Soomaaliyeed. Taasi waxay ahayd dalab ah in xuduudda laga furo aag kale oo laga howl-galo. Sidaas baa guddigii siyaasadda ee XHKS, ay markaas u guddoonsadeen in ay howlo ciidan ka bilaabaan forontaha waqooyi. (Wareysi aanu la yeeaney Cabduaahi Xasan Maxamuud, Qaahira, 5/ 10- 2004).

Dabayaaqadii bishii janaweri 1977-kii, guuto hor-leh oo jabhadiin ah ayaa ka gudubtay xuduudda waqooyi ee Soomaaliya. Arintaasi waxay dogobyo dhuxul ah dusha ka saartey dabkii ka hurey Geeska Afrika. Iyada oo xaaladdu ay sidaas u cakiran tahay ayaa G/ Dh. Mengistu X. Maryam uu la wareegey taladii dalka Itoobiya. Dowladda Soofyeetiga, daahyo gadaalkood ayay kala socotey shaxda uu Mengistu ku qabsadey dalka. Danjiraheedii u fadhiyey Addis-ababa Anatoli Ratanov, ayuu ahaa diblomaasigii ugu horeeyey oo u tahniyadeeya korneylka. Taasina waxay dhacdey isla maantii uu laayay saraakiishii saaxiibadiis ahaa, iyada oo eeyan faraha Mengistu ka qallalin dhiigii ragga la laayay. Maantii uu Mengistu ku dhawaaqey in uu taladii Itoobiya la wareegey, waxaa jirey wafdi Soomaaliyeed ee ka socdey XHKS, kaas oo ku sugnaa Moosko. Sida uu inoo sheegey Cumar Salaad oo wafdiga la socdey, saacado kaddib markii uu xasuuqu ka dhacay Addis-ababa, ayaa madaxdii Ruushka ay wafdigii Soomaaliyeed ogeysiiyeen in Mengistu uu yahay ninka odeyga u noqdey golihii saraakiisha Itoobiya. Taasina waxay tilmaameysaa sida Aqalka Cas uu raaliga uga ahaa xilkan sida guracan ku yimid iyo wiilkan sida mucjisada ah ku soo baxay. Madaxweynaha dowladda Kuuba Fidel Castro, ayaa isna wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee booqasho ku yimaada Itoobiya muddadii uu Mangistu qabtay hoggaanka golaha. Taasina waxay dhacdey bishii maarso ee sanadkaas, markaas oo uu u socdey dhexdhexaadin Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mengistu wuxuu ahaa nin aan qof dadkiisa ah ku kalsooneyn. Sidaa darteed sanadkii ugu horeeyey ee xukunkiisa, wuxuu maalin-dhaaf ula kulmi jirey danjiraha Ruushka ama midka Kuuba. Fadhigoodaas ayaa qaadan jrey 3-4 saacadood. Taasi waxay ka yeeshey wasaaradihii dalka, gaar ahaan tii dibadda, kuwo xogta siyaasadeed ee dalkooda uga martiya labadaas danjire. G/ Dh. Dawit Wolde Giorgis, oo xilligaas ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha dibadda, kana mid ahaa saraakiishii Dergo, isaga oo arintaa ka hadlaya wuxuu qorey sidan :

"Danjirayaasha Ruushka iyo Kuuba, marka ay imanayaan wasaaradda dibadda, uma eeyan muuqan diblomaasiyiin lamid ah kuwa kale. Marka aanu ka helno wax taleefan ah, wuxuu ahaa oo keliya ogeysiin go'aan ay horey ula gaareen Mengistu. Sidaas baa wasaaraddii waxay ku noqotey shaqaale kuraas ku fadhiya oo sugaya go'aan ay fuliyaan. ................ . Booqashadii uu Mengistu ku tegey Moosko bishii mey, si faq ah ayaan uga ogaadey danjiraha Ruushka. Laakiin illaa ay ka dhabowdo qof ogaa ma-jirin ". (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 35).

Waxaa iyana xusid mudan oo dagaallada ka bilowdey Ogaadeenya ay kordhiyeen, dhaqdhaqaaqyada wardoonka ee labada dowladood ay midba ku dooneysay xogta midda kale. Soomaalida ayaa xlligaas Itoobiya ku lahayd ilo lagu kalsoonaa oo u soo gudbin jirey xogta. Waxaa ugu weynaa xaruntii danjirahoodii fadhiyey Addis-ababa. Qowmiyaadka uu maamulka Itoobiya dulmiga ku hayey ayaa qudhoodu waxay ahaayeen kuwo la caadifad ah Soomaalida. Sidaa darteed, saraakiisha Oromada iy kuwa Eriteriya ee u shqeynayey Itoobiya waxaa laga heli jirey xog wanaagsan. U-qaabilsanaha xagga ciidamada (military attache) ee safaaraddii Masar ee xilligaas fadhidey Addis-ababa, Sarreeye Gaas Maxamad Ridaa Fowda, ayaa qudhiisu soo gaarsiiyey Soomaalida ogaallo taya wanaagsan. Waxaa xusid mudan, ninkaa oo maamulkii Itoobiya uu ka soo eryey dalkiisa, in Soomaaliya loo soo beddeley oo safaaradda Masar uu ka ahaa u-qaabilsanaha arimaha ciidamada. (Wareysi aanu la yeelaney Hormoodka Machadka Diraasaadka iyo Cilmi-baarista Afrika, Dr. Al-Sayid Fuleyfil, Qaahira, 8/ 11- 2004).

Dowladda Itoobiya, qudheedu waxay Soomaaliya ku lahayd shabakado war-doon ah. Laakiin abaabulkii xoogganaa iyo is ururintii ay Soomaalidu ku guuleysteen ayaa caqabad weyn ku noqotey dhaqdhaqaaqa ay jawaasiista Itoobiya ku xog-raadinayeen. Isha ugu hilan cusleyd oo ay xogta ka heli jireen waxay ahayd diblomaasiyiin reer galbeed ah oo Soomaaliya fadhiyey, kuwaas oo xogta ay helaan la qeybsan jirey Itoobiya. Hay'adda war-doonka ee Mareekanka, iyadu si dadban ayay ugu gudbin jidhey ogaallada ay helaan ee la xiriira abaabulka ciidameed ee Soomaalidu la beeganayeen Iootbiya. Waxaa jirey dhib Mareekanka ka haystey habka ay Itoobiya ugu gudbin lahaayeen khabarka ay helaan. Saraakiisha xilligaas la wareegey talada Itoobiya, waxay ahaayeen kuwo colaad xag-jir ah u muujiyey dowladda Mareekanka. Taasi waxay khasabtay in dhambaallada ay ugu xog-waramayaan madaxda Itoobiya ay ku baxaan qaab gurracan. Xafiiska hoggaamiyaha Itoobiya G/ Dh. Mengistu, xafiiska xoghayntiisa iyo xafiiska xoghaynta arrimaha dibadda ayaa waxaa ku soo dhici jirey waraaqo fakis (fax) ah oo meel ay ka yimaadeen aanan la garaneyn. Waraaqahaas oo ay ku magacaabeen warqadihii dahsoonaa (Mysterious Letters), ayaa waxay si tafaf-tiran uga waramayeen abaabulka ciidameed ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Waraaqahaasi, waxaa loo geyn jirey danjiraha Ruushka ee xilligaas Addis-ababa fadhiyey. Dabadeedna waxaa ka doodi jirey danjirayaasha dowladaha Hantiwadaagga ah ka fadhiyey Itoobiya, kuwaas oo run ahaantii ku wareeray. Waayo Ruushku wuxuu fadhiyey Soomaaliya oo xog-ogaal ayuu u ahaa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidammada Soomaaliyeed iyo halka ay ku wajahan tahay siyaasaddoodu. Arintaan waxay ina tusineysaa in Ruushka looga xog-ogaal sanaa xaaladda la xiriirta abaabulka ciidamada jabhadda. Waraaq kamid ahaa kuwii ugu horeeyey ee ku soo dhaca xafiiska arrimaha dibadda Itoobiya, waxaa ku qorraa sidatan :

" Illaa iyo 25-4-1977-kii waxaa socdey diyaargarow lagu abuurayo ciidammo maleeshiyooyin ah, si loogu duulo dalka Itoobiya laguna rido xasillooni darri. Annagaoo tix-raaceyna warar ina soo gaarey, diyaargarow idilkiis oo uu ka mid yahay taakuleyn qalab lagu dagaallamo iyo tababarradiiba waxaa la soo af jarayaa 16-ka bisha sebtember 1977-ka. Waxaana lagu wadaa in howl-galku uu bilaaban doono 1-da bisha oktoober 1977-ka. Magaca sirta ah oo uu howlgalkan leeyahay waa TORCH. Arrinta guud oo looga dan leeyahayna waa in la rido dowladda
Itoobiya, dalkana lagu rido xaalad argagixiso ah. Arrintaasina waxaa ay dhaceysaa markii ciidan col u ah Itoobiya ay duulaan kaga qaadaan gobollada ku yaal koonfur galbeed iyo bariga dalka
". (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 17).

Waraaqahaasi waxay bilowdeen saddex toddobaad kaddib markii la xirey xarun wararka lalisa oo Mareekanku uu ku lahaa Itoobiya. Xaruntaas oo la oran jirey USIS (United States Information Service) ayaa waxay ku tiil magaalada Aasmara (Eriteriya). 3-dii bishii abriil 1977-kii ayaa golihii ciidamada ee Itoobiya waxay soo saareen go'aasn ah in hay'addaasi ay ka guudho dalka, qalabkeedana ay ku rarato muddo afar cisho ah. Waxaa halkaa ku joogsadey heshiisyadii la xiriirey difaaca oo labada dal ay kala saxiixdeen sanadkii 1953-kii. Mengistu ayaa markiisii hore u fasirtay waraaqaha in ay tahay mid la xiriirta xiritaankii saldhiggii wararka oo Mareykanku uu ku lahaa Itoobiya. Wuxuu maleynayay in maamulkiisa la jah-wareerinayo. Laakiin mar danbe ayay u caddaatey in waraaquhu xambaarsan yihiin xog ciidameed oo qiimo ugu fadhiya.

Waayahan ku noolahay nin ogi ima wareysteene
Nin wixiisi diley baan ahoon umal la weyteene
Wacdarraha aduunkeygu wacan waada qeyladaŽe

Intaan weerka ley xirey Calow wahab ka tuuraayo
Wiirsiga cadaawiyo intaan warida reebaayo
Wal-walkiyo guhaad iyo intaan weyda caro goyni

Xilliga iga weecdiyo intaan waaga adag dhaafi
Wadcigaan ciriiryoon intaan waasac uga beyri
Walbahaarka joogiyo intaan wahanka deynaayo

Waraabaha galbeedee colka ah wiiqda kaga yeerin
Waaxyaha dalkeygoo sidii welina loo daaqi
Dugaaggaa wabxaayiyo intaan dib uga wiideyne

Wadeecada qaxootiga intaan warasadey dhaafin
 Intaan waabka ceebtiyo ka rarin xeradan weegaaran
Waxyigaa quraankaa caddeyn inan ku waareyne

Inta uu wanaagiyo nasrigu nagu wareegaayo
Wakhtigaan sugaayiyo intuu waa ka barinaayo
Wareerkiyo dhibaatada intaan dib uga soo waaqsan

Wagaradkaan afeystiyo intaan waran ku ciil beeli
Wardigiyo salaadiyo intaan weysadiyo diinta
Iyo weyne tuugmada ku celin wadar xuquuqdeyda

Intaan calan wiliilici mar uun Harar dul weebaabin
Oo sharaf wacnaan iyo xornimo waaxid naga siinin
Waxba yaan sidaan ahay xogtey cidi i weydiinin

(
Yuusuf M. Sugaal)

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.