Howlgalladii ay jabhadiintu ka
bilaabeen Ogaadeenya, wuxuu waa cusub u curiyey
xiriirradii diblomaasiyadeed ee lama taabtaanka ahaa
iyo is-xulufeysigii dowliga ee ka guntamay Geeska
Afrika. Saraakiisha Itoobiya, maaheyn kuwo ka
diimmoonaa in qaxankan uu bilow u yahay abaabul xoog
weyn oo Soomaalidu ay ku doonayaan in ay ku hantaan
gobolkan lagu muransan yahay. Islamarkaas,
Itoobiyaanka waxaa ka go'naa in eeyan sii deyn
qadiyadda lagu galay ee gees-xiradka u ah. Xilligaas
saraakiisha Itoobiya, weji raxmadeed uma eeyan oollin
Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareekanka. Sidaa
darteed, ayay durba u iisheen fagaarihii laga sugayey
ee ahaa Aqalka Cas ee Midowga Soofyeeti. Bishii
disember, 1976-kii, ayaa maamulka labada dowladood (Itoobiya
iyo USSR) ay ku dhigteen magaalada Addis-ababa
heshiiskii u horeeyey ee dhexmara, kaas oo sir ahaa.
Wuxuu ku saabsanaa iibsi hub qiimihiisu gaarayo 100
melyan oo US.$. ah. Waxaa xusid mudan in hubkaasi
badankiisu uu ahaa deeq lagu taakuleynayay ciidamada
Itoobiya.
G/ Dh. Mengistu Xayle Maryam
ayaa Itoobiya u saxiixey heshiiska, isaga oo markaas
ahaa ku xigeenka hoggaamiyihii golihii Dergo.
Heshiiskaasi wuxuu daba socdey wada-hadal rasmi
ah oo Soofyeetiga iyo Itoobiya ay yeesheen lix bilood
horteed, kaas oo Soofyeetigu uu ku ballan-qaadey in uu
ka taageero xagga hubka. (Colin
Legum and Bill Lee, Conflict in the Horn of Africa -
New York : Africana Publishing Company, 1977 p. 92).
Kulkii Itoobiya kaga soo gufaacay
Soomaaliya, waxaa kale oo uu kallifey in ay calaacal u
gudbiso dowlado badan oo ay xiriir la lahayd. Waxay
wufuud xoog leh u dirsatay dowladihii Hantiwadaagga
ahaa, iyada oo ka codsaneysa in lagu taageero hub ay
isku difaacaan. Waxaa xusid mudan in saraakiishii
golahii Dergo, ay ku badnaayeen ragga xambaarsanaa
aragtida hantiwadaagga ah ee u janjeerta Shiinaha (Maoism).
Shiinaha ayaa dhankooda ka xiiseynayay in degaanka uu
ka curto kacaan la aragti ah. Taas ayaa ka danbeysey
in Shiinuhu noqdey dalkii ugu horeeyey ee ka soo
jawaaba dalabkii Itooiya. Waxay si deg-deg leh u soo
shixnadeen maraakiib xambaarsan hub fudud oo tira
badan. Waqooyiga Kuuriya ayaa iyaduna dhowr markab oo
xambaarsan hub fudud ah iyo rasaas bixisey. Waxay soo
raacsheen dhambaal ay ku ballan-qaadayaan in ay
bixinayaan hub culus, haddii Addis-ababa laga ceyriyo
danjiraha dalka Koonfurta Kuuriya. Saraakiishii
Itoobiya ayaa maraakiibtii ka timid Kuuriyada Waqooyi
iska celiyey, iyaga oo diiddanaa shardigaas la socdey.
Dowladda Israa'iil ayaa iyana xilligaas si qarsoodi ah
u kordhisey hubkii ay Itoobiya siin jirtey, iyada oo
ilaashaneysa danaha istraateejiyada ah ee degaanka ay
ka lahayd. Waxay soo gaarsiiyeen hub fudud iyo qalab
dayac-tir ah. Mareekanku wuxuu mowqifkiisii cadeystay
25/ 2- 1977-kii, markaas oo xoghayahooda arrimaha
dibadda Ceyrus Vance uu
ku waramay in dalkiisa uusan wax hub ah siineyn
Itoobiya. Wuxuu
sabab ka dhigey, nimanka dalka ka taliya oo aanan
dhowreyn xuquuqda aadamiga.
(Red
Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 20).
Dwoladdii Soomaaliyeed oo damac
xooggan uu ka hayay in ay ka lib-keento gulufkan ay
abaabulkiisa bilowdey, waxaa u muuqatay in eeyan
garawsi kaga heleyn dowladaha hanti-wadaagga ah. Sidaa
darteed, waxay u iilatay meelaha ugu dhow oo ay
il-raxmadeed ka fileysey. Waxay farriimo u dirsatay
dowladaha Carabta ah, gaar ahaan kuwa ku hodmey
batroolka iyo doollarka. Farriimahaas ayaa waxay ku
abyoodeen, Madaxweyne Maxamad
Siyaad Barre iyo wafdi ballaaran ee uu
hor-kacayo, in ay booqasho rasmi ah ku maraan
dowladaha Khaliijka. Meelaha ay booqdeen waxaa kamid
ahaa Sacuudiga, Imaaraadka, Kuweyt iyo Ciraaq.
Booqashadaas oo dhacdey bishii janaweri 1977-kii,
waxaa lagu hagaajinayay xiriirka ay Soomaaliya la
lahayd caalamka Carabta. Xiriirkaas ayaa hoobad ku
socdey muddadii ay Soomaalidu sheeganayeen in ay ku
dhaqmayaan mabaadiida Hanti-wadaagga Cilmiga.
Madaxweynaha Soomaaliyeed iyo madaxdii
dowladaha Carabta ee uu martiyey, waxay ka
wada-hadleen ilaalada nabadgelyada Badda Cas. Carabtu
waxay xasaasiyad ka qabeen maraakiibta ciidamada
Ruushka ee ku soo badanaya badda Cas, kuwaas oo
oggolaansho u haystay in ay adeegsadaan dekado kamid
ah kuwa Soomaaliya, gaar ahaan Berbera. Sidaa darteed,
boqorradii Carbeed, waxay madaxweynaha Soomaaliya u
muujiyeen wal-walka ay ka qabaan arintaas. Waxaa kale
oo Carabtu ay bixiyeen ballan-qaadyo xagga dhaqaalaha
ah iyo is garab-taag siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku
taageerayaan baadi-goobka madax-bannaanida dhulalka ka
maqan (Ogaadeenya, Jabuuti iyo NFD).
Dalka Suudaan oo kamid ahaa meelaha uu
wafdigu booqdey ayaa waxaa ku harey laba wasiir oo
kala ahaa wasiirkii arrimaha gudaha
G/ S. Axmad Suleymaan Cabdalla
(Dafle) iyo wasiirkii
caafimaadka G/ S.
Muuse Rabiile Good.
Labada wasiir oo kamid ahaa saraakiishii GS ee K, ayaa
ujeeddada ay Suudaan ugu hareen waxay ahayd in ay
fadhiyo la qaataan jabhadaha u dagaalamayay
madax-bannaanida Eriteriya. Fadhiyadaas ayaa waxay
bilow u ahaayeen howlo ay Soomaalidu iska xil saareen
oo ay ku mideynayeen jabhadaha Eriteriya, taas oo goor
danbe lagu guuleystay. Shir jaraaŽid oo ay labada
wasiir ku qabteen magaalada Kharduum ayuu
Axmad Suleymaan Dafle ku
sheegey in ay haboon tahay in xarunta ururka OAU laga
qaado Addis-Ababa oo meel kale loo raro. Ereygaas
wasiirka ka soo yeerey wuxuu cara geliyey dowladihii
reer bariga ahaa ee Itoobiya ay ugu muuqatay bil uga
curatay qaaradda Afrika.
Waxaa kale oo madaxda Soomaalidu ay
booqashadaas ku debcinayeen cabsi ka haysay
dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka unkamay dalka Talyaaniga.
Dhaqdhaqaaqaas oo magaciisu ahaa SODAF (Somali
Democratc Action Front) ayaa waxaa hor kacayay
maqaawiir isugu jirey siyaasiyiin, ganacsato iyo
aqoonyahanno kala matalayay beelaha Soomaaliyeed
intoodii xilligaas ku baraarugsanayd siyaasadda dalka.
Bishii abriil sanadkii 1976-kii ayaa ururkan lagaga
dhawaaqey magaalada Rooma.
Cismaan Nuur Cali Qonof
oo ahaa caqliyaddii ka danbeysey abaabulkii ururkan,
ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan kamid ahaa xubnihii uu
maamulka kacaanka u doortey golihiisii xogheyayaasha.
Inkasta oo uu soo qabtey xil ah wasiirka garsoorka,
misana waa la xirey kaddib markii ay
Jeneraal Maxamad Siyaad
is khilaafeen.
Markii uu xabsiga ka soo baxay, dabayaaqadii sanadkii
1975-kii, ayuu xuduudda degmada Feer-feer ka tallaabay
isaga oo baxsad ah. Kaddib wuxuu u gudbay dalka
Talyaaniga, halkaas oo uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqan
mucaaridka ah. Cismaan Nuur
waxaa arinka ku gacan siiyey rag ay kamid ahaayeen
Cumar Istarliin,
Cabdulqaadir Dhalo-dhalo,
Maxamad Cabdullaahi Dukhsi,
Cali Kulane,
Xasan Cali Mire,
Mustafe Shiikh Nuur,
Shiikh Ibraahim Gar-yare,
Maxamuud Geelle.
Dowladaha arinkan xiiseeyey oo ururku uu la
xiriirey waxaa kamid ahaa Talyaaniga, Mareekanka,
Sacuudiga, Iiraan, Israa'iil iyo Itoobiya.
Saraakiisha u talinayay Soomaaliya
ayaa xilligaas hortiis, waxay ka madax adeygeen codsi
kaga imanayay boqorradii u talinayay dowladaha
Khaliijka. Codsigaasi wuxuu ahaa in Soomaalida ay
jaraan ama dhimaan xiriirka ay Ruushka la leeyihiin.
Janeraal Maxamad Cali Samatar
oo aanu arintaa ka wareysanay wuxuu inoogu jawaabay
sidan :
" Xilligaas majirin dowlad nagula
dhacday in ay si toos ah inoo tiraahdo Ruushka
xiriirka u jara. Waayo waxaanu ahayn dowlad weyn oo
laga heybeesto. Waxaase dhici jirey in qaab
diblomaasiyadeed oo dadban naloo tusin jirey sida ay
uga xumaayeen xiriirka aanu Ruushka la lahayn.
Annaguna waxaanu u sheegi jirney inuusan inaga dhaxayn
wada-hadal ku saabsan doorashada dowladaha aanu
xiriirka la yeelaneyno. Dowlad waliba waxay u
madax-bannaaneyd in ay doorato dowladda ay maslaxad u
aragto saaxiibtinimadeeda ".
(Wareysi
aanu la yeelaney Jeneraal Maxamad Cali Samantar, 9/ 5-
2004).
Madaxdii Soomaaliyeed waxaa laga il
heley markii ururkii SODAF uu yeeshey heykal
siyaasadeed. Bishii juun
1976-kii, fadhi xubnihii ururka ay ku qaateen
magaalada Jidda, ee dalka Sacuudiga
(hoteelka Aasiya)
ayay ku dhisteen gole uu hoggaamiye ka yahay
Maxamad Cabdullaahi Dukhsi.
Islamarkaa waxaa ururkii ku biirey saraakiil tobaneeye
ah oo horey dalka uga baxsadey. Waxaa kamid ahaa
Gaashaanle Maxamad Ismaaciil
Boqor, Gaashaanle Cabdi
Gaawiido, Dhamme Saacid
Cumar Qoslaaye, Dhamme
Axmad Isbariijo (Salmadhige).
Sida ay goor danbe ka sheekeeyeen xubnihii ururka,
dowladda Sacuudiga ayaa maamulkii Soomaaliya u
gudbisey magacyada xubnaha ururka, si ay dowladda
Soomaaliya u saarto cadaadis looga fogeynayo Ruushka.
Madaxdii Soomaalida waxay socdaalkii kala soo noqdeen
kalsooni sare oo ay ku maleeyaan in ay heleen walaalo
la xambaara qadiyaddan ku cuslaatay. Waxaa kale oo ay
heleen male ah in iridaha loo xirey taageeradii la
filayay in lala garab istaago mucaaradka cusub ee
abuurmey. Sida
waayuhu inoo caddeeyeen midkoodna ma dhicin.
Madaxdii Soomaaliyeed waxay ku beeg
qaateen soo dhoweyntii maamuuska sare lahayd iyo
ballan-qaadydii dhaqaale oo loo fidiyey.
Sidaa darteed ayay markiiba qaateen go'aan ah in ay
horey u wadaan howl-galladii lagu doonayay gudaalladii
aynu ku lahayn Itoobiya. Sidaanu soo aragnay,
howlahaasi waxay ku bilowdeen si qarsoodi ah. Waxaase
daaha ka qaaday khabarka guulihii ay jabhadiintu ka
soo hoyeen dagaalladii ugu horeeyey oo ay galeen.
Heerka guur-galka ah oo dhallinyaradii jabhadiinta ay
qadiyadda soo gaarsiiyeen, ayaa waxaa si xooggan oo
xiisa leh u soo dhoweeyey qof kasta oo Soomaali ah oo
warku soo gaaray. Madaxdii jabhadda WSLF iyo
odeyaashii reer Ogaadeenya ee Xamar ku sugnaa ayaa
dhanookda ka dirqinayay maamulkii Soomaaliya in uu
taageero u fidiyo dhallinta dagaalamaya.
Odeyaashu waxay xoojiyeen olole siyaasadeed oo ay
horey u bilaabeen, kaas oo ay ku cadaadinayeen
madaxdii dowladda Soomaaliyeed.
Taasi waxay ahayd dalab ah in xuduudda laga
furo aag kale oo laga howl-galo.
Sidaas baa guddigii siyaasadda ee XHKS, ay
markaas u guddoonsadeen in ay howlo ciidan ka
bilaabaan forontaha waqooyi. (Wareysi
aanu la yeeaney Cabduaahi Xasan Maxamuud, Qaahira, 5/
10- 2004).
Dabayaaqadii bishii janaweri 1977-kii,
guuto hor-leh oo jabhadiin ah ayaa ka gudubtay
xuduudda waqooyi ee Soomaaliya.
Arintaasi waxay dogobyo dhuxul ah dusha ka saartey
dabkii ka hurey Geeska Afrika.
Iyada oo xaaladdu ay sidaas u cakiran tahay ayaa
G/ Dh. Mengistu X. Maryam
uu la wareegey taladii dalka Itoobiya.
Dowladda Soofyeetiga, daahyo gadaalkood ayay kala
socotey shaxda uu Mengistu
ku qabsadey dalka.
Danjiraheedii u fadhiyey Addis-ababa
Anatoli
Ratanov, ayuu ahaa diblomaasigii ugu horeeyey
oo u tahniyadeeya korneylka.
Taasina waxay dhacdey isla maantii uu laayay
saraakiishii saaxiibadiis ahaa, iyada oo eeyan faraha
Mengistu ka qallalin
dhiigii ragga la laayay.
Maantii uu Mengistu ku
dhawaaqey in uu taladii Itoobiya la wareegey, waxaa
jirey wafdi Soomaaliyeed ee ka socdey XHKS, kaas oo ku
sugnaa Moosko.
Sida uu inoo sheegey Cumar
Salaad oo wafdiga la socdey, saacado kaddib
markii uu xasuuqu ka dhacay Addis-ababa, ayaa madaxdii
Ruushka ay wafdigii Soomaaliyeed ogeysiiyeen in
Mengistu uu yahay ninka
odeyga u noqdey golihii saraakiisha Itoobiya.
Taasina waxay tilmaameysaa sida Aqalka Cas uu raaliga
uga ahaa xilkan sida guracan ku yimid iyo wiilkan sida
mucjisada ah ku soo baxay.
Madaxweynaha dowladda Kuuba
Fidel Castro, ayaa isna wuxuu ahaa
madaxweynihii ugu horeeyey ee booqasho ku yimaada
Itoobiya muddadii uu Mangistu
qabtay hoggaanka golaha.
Taasina waxay dhacdey bishii maarso ee sanadkaas,
markaas oo uu u socdey dhexdhexaadin Soomaaliya iyo
Itoobiya.
Mengistu
wuxuu ahaa nin aan qof
dadkiisa ah ku kalsooneyn
.
Sidaa darteed sanadkii ugu horeeyey ee xukunkiisa,
wuxuu maalin-dhaaf ula kulmi jirey danjiraha Ruushka
ama midka Kuuba
.
Fadhigoodaas ayaa qaadan jrey 3-4 saacadood
.
Taasi waxay ka yeeshey wasaaradihii dalka, gaar ahaan
tii dibadda, kuwo xogta siyaasadeed ee dalkooda uga
martiya labadaas danjire
.
G/ Dh.
Dawit Wolde Giorgis,
oo xilligaas ahaa agaasimaha guud ee
wasaaradda arimaha dibadda, kana mid ahaa saraakiishii
Dergo, isaga oo arintaa ka hadlaya wuxuu qorey sidan :
"Danjirayaasha Ruushka iyo Kuuba,
marka ay imanayaan wasaaradda dibadda, uma eeyan
muuqan diblomaasiyiin lamid ah kuwa kale.
Marka aanu ka helno wax taleefan ah, wuxuu ahaa oo
keliya ogeysiin go'aan ay horey ula gaareen
Mengistu.
Sidaas baa wasaaraddii waxay ku noqotey shaqaale
kuraas ku fadhiya oo sugaya go'aan ay fuliyaan.
................ .
Booqashadii uu Mengistu
ku tegey Moosko bishii mey, si faq ah ayaan uga
ogaadey danjiraha Ruushka.
Laakiin illaa ay ka dhabowdo qof ogaa ma-jirin ".
(Red
Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 35).
Waxaa iyana xusid mudan oo dagaallada
ka bilowdey Ogaadeenya ay kordhiyeen, dhaqdhaqaaqyada
wardoonka ee labada dowladood ay midba ku dooneysay
xogta midda kale.
Soomaalida ayaa xlligaas Itoobiya ku lahayd ilo lagu
kalsoonaa oo u soo gudbin jirey xogta.
Waxaa ugu weynaa xaruntii danjirahoodii fadhiyey
Addis-ababa.
Qowmiyaadka uu maamulka Itoobiya dulmiga ku hayey ayaa
qudhoodu waxay ahaayeen kuwo la caadifad ah Soomaalida.
Sidaa darteed, saraakiisha Oromada iy kuwa Eriteriya
ee u shqeynayey Itoobiya waxaa laga heli jirey xog
wanaagsan. U-qaabilsanaha
xagga ciidamada (military attache) ee
safaaraddii Masar ee xilligaas fadhidey Addis-ababa,
Sarreeye Gaas Maxamad Ridaa
Fowda, ayaa qudhiisu soo gaarsiiyey Soomaalida
ogaallo taya wanaagsan.
Waxaa xusid mudan, ninkaa oo maamulkii Itoobiya uu ka
soo eryey dalkiisa, in Soomaaliya loo soo beddeley oo
safaaradda Masar uu ka ahaa u-qaabilsanaha arimaha
ciidamada. (Wareysi
aanu la yeelaney Hormoodka Machadka Diraasaadka iyo
Cilmi-baarista Afrika, Dr.
Al-Sayid Fuleyfil, Qaahira, 8/ 11- 2004).
Dowladda
Itoobiya, qudheedu waxay Soomaaliya ku lahayd
shabakado war-doon ah. Laakiin abaabulkii xoogganaa
iyo is ururintii ay Soomaalidu ku guuleysteen ayaa
caqabad weyn ku noqotey dhaqdhaqaaqa ay jawaasiista
Itoobiya ku xog-raadinayeen. Isha ugu hilan cusleyd oo
ay xogta ka heli jireen waxay ahayd diblomaasiyiin
reer galbeed ah oo Soomaaliya fadhiyey, kuwaas oo
xogta ay helaan la qeybsan jirey Itoobiya. Hay'adda
war-doonka ee Mareekanka, iyadu si dadban ayay ugu
gudbin jidhey ogaallada ay helaan ee la xiriira
abaabulka ciidameed ee Soomaalidu la beeganayeen
Iootbiya. Waxaa jirey dhib Mareekanka ka haystey habka
ay Itoobiya ugu gudbin lahaayeen khabarka ay helaan.
Saraakiisha xilligaas la wareegey talada Itoobiya,
waxay ahaayeen kuwo colaad xag-jir ah u muujiyey
dowladda Mareekanka. Taasi waxay khasabtay in
dhambaallada ay ugu xog-waramayaan madaxda Itoobiya ay
ku baxaan qaab gurracan. Xafiiska hoggaamiyaha
Itoobiya G/ Dh. Mengistu,
xafiiska xoghayntiisa iyo xafiiska xoghaynta arrimaha
dibadda ayaa waxaa ku soo dhici jirey waraaqo fakis (fax)
ah oo meel ay ka yimaadeen aanan la garaneyn.
Waraaqahaas oo ay ku magacaabeen warqadihii dahsoonaa
(Mysterious Letters), ayaa waxay si tafaf-tiran
uga waramayeen abaabulka ciidameed ee ka jira gudaha
Soomaaliya.
Waraaqahaasi, waxaa loo geyn jirey danjiraha Ruushka
ee xilligaas Addis-ababa fadhiyey. Dabadeedna waxaa ka
doodi jirey danjirayaasha dowladaha Hantiwadaagga ah
ka fadhiyey Itoobiya, kuwaas oo run ahaantii ku
wareeray. Waayo Ruushku wuxuu fadhiyey Soomaaliya oo
xog-ogaal ayuu u ahaa xaaladda ay ku sugan yihiin
ciidammada Soomaaliyeed iyo halka ay ku wajahan tahay
siyaasaddoodu. Arintaan waxay ina tusineysaa in
Ruushka looga xog-ogaal sanaa xaaladda la xiriirta
abaabulka ciidamada jabhadda. Waraaq kamid ahaa kuwii
ugu horeeyey ee ku soo dhaca xafiiska arrimaha dibadda
Itoobiya, waxaa ku qorraa sidatan :
"
Illaa iyo 25-4-1977-kii waxaa socdey diyaargarow lagu
abuurayo ciidammo maleeshiyooyin ah, si loogu duulo
dalka Itoobiya laguna rido xasillooni darri. Annagaoo
tix-raaceyna warar ina soo gaarey, diyaargarow
idilkiis oo uu ka mid yahay taakuleyn qalab lagu
dagaallamo iyo tababarradiiba waxaa la soo af jarayaa
16-ka bisha sebtember 1977-ka. Waxaana lagu wadaa in
howl-galku uu bilaaban doono 1-da bisha oktoober
1977-ka. Magaca sirta ah oo uu howlgalkan leeyahay waa
TORCH. Arrinta guud oo looga dan leeyahayna waa in la
rido dowladda
Itoobiya, dalkana lagu rido xaalad argagixiso ah.
Arrintaasina waxaa ay dhaceysaa markii ciidan col u ah
Itoobiya ay duulaan kaga qaadaan gobollada ku yaal
koonfur galbeed iyo bariga dalka ". (Red
Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 17).
Waraaqahaasi waxay bilowdeen saddex toddobaad kaddib
markii la xirey xarun wararka lalisa oo Mareekanku uu
ku lahaa Itoobiya. Xaruntaas oo la oran jirey USIS (United
States Information Service) ayaa waxay ku tiil
magaalada Aasmara (Eriteriya). 3-dii bishii abriil
1977-kii ayaa golihii ciidamada ee Itoobiya waxay soo
saareen go'aasn ah in hay'addaasi ay ka guudho dalka,
qalabkeedana ay ku rarato muddo afar cisho ah. Waxaa
halkaa ku joogsadey heshiisyadii la xiriirey difaaca
oo labada dal ay kala saxiixdeen sanadkii 1953-kii.
Mengistu ayaa markiisii
hore u fasirtay waraaqaha in ay tahay mid la xiriirta
xiritaankii saldhiggii wararka oo Mareykanku uu ku
lahaa Itoobiya. Wuxuu maleynayay in maamulkiisa la
jah-wareerinayo. Laakiin mar danbe ayay u caddaatey in
waraaquhu xambaarsan yihiin xog ciidameed oo qiimo ugu
fadhiya.
Waayahan ku noolahay nin ogi ima
wareysteene
Nin wixiisi diley baan ahoon umal la weyteene
Wacdarraha aduunkeygu wacan waada qeyladaŽe
Intaan weerka ley xirey Calow wahab ka
tuuraayo
Wiirsiga cadaawiyo intaan warida reebaayo
Wal-walkiyo guhaad iyo intaan weyda caro goyni
Xilliga iga weecdiyo intaan waaga adag
dhaafi
Wadcigaan ciriiryoon intaan waasac uga beyri
Walbahaarka joogiyo intaan wahanka deynaayo
Waraabaha galbeedee colka ah wiiqda
kaga yeerin
Waaxyaha dalkeygoo sidii welina loo daaqi
Dugaaggaa wabxaayiyo intaan dib uga wiideyne
Wadeecada qaxootiga intaan warasadey
dhaafin
Intaan waabka ceebtiyo ka rarin xeradan weegaaran
Waxyigaa quraankaa caddeyn inan ku waareyne
Inta uu wanaagiyo nasrigu nagu
wareegaayo
Wakhtigaan sugaayiyo intuu waa ka barinaayo
Wareerkiyo dhibaatada intaan dib uga soo waaqsan
Wagaradkaan afeystiyo intaan waran ku
ciil beeli
Wardigiyo salaadiyo intaan weysadiyo diinta
Iyo weyne tuugmada ku celin wadar xuquuqdeyda
Intaan calan wiliilici mar uun Harar
dul weebaabin
Oo sharaf wacnaan iyo xornimo waaxid naga siinin
Waxba yaan sidaan ahay xogtey cidi i weydiinin
(Yuusuf
M. Sugaal)
Saadiq Enow