Ayaamo
ka hor intuusan fadhiga Cadan dhicin, dowladda
Soomaaliyeed waxay dirtay wafdi ka kooban lix
nin oo isugu
jira saddex ay saraakiil ahaayeen saddexna rayid.
Waxay u dirtay afar dal oo Afrikaan ah. Wafdiga
wuxuu sii qaaday dhambaal qoraal ah
oo ay ka sideen madaxweyne Maxamad Siyaad, kaas oo ku socday madaxda dalalka
ay booqdeen. Axmad Maxamad
(Siilaanyo) oo markaas ahaa wasiirka ganacsiga ayaa hor
kacayay wafdiga. Dalalka ay booqdeen
waxay ahaayeen Ugaandha, Musambiik, Koongo (Brazzavilli)
iyo Madagaskar.
Marka
laga reebo dalka Koongo, wafdiga Soomaaliyeed
waxay la kulmeen madaxweynayaashii dalalkaas.
Dhambaalka ay gudbiyeen waxaa ku qornaa
xog-waran ku saabsan Jabhadda Gobanimo-doonka
Soomaali Galbeed (WSLF), in ay tahay
mid u halgameysa madax-bannaani. Haddana in badan
oo dhulkeedii kamid ah ay gacanta ku
hayso. Isla dhambaalkaas ayuu madaxweynaha Soomaaliyeed
ku codsaday in madaxda Afrika ay garab is-taagaan
jabhaddaas.
Saddex
hoggaamiye oo dhambaalku gaaray ayaa si toos ah
u diiday codsigii Soomaalida. Kuwaasi waxay ahaayeen
madaxweynihii Ugaandha Iidi
Amiin, kii Mosambiik Samoro
Machel, iyo kii Madagaskar Didier Ratsiraka. Madaxdaas ayaa dhamaantood
waxay ahaayeen rag gacan-saar la lahaa Soofyeetiga
oo dalalkooda ku hoggaaminaya mabaadiida
hanti-wadaagga ah. Madaxweynihii Koongo Marien Ngouabi, nasiib-darro ayaa heshay.
Wafdigii Soomaaliyeed oo ku sugan magaalo-madaxdii,
iyaga oo aanan weli la kulmin madaxweynaha, ayaa
waxaa dalka ka dhacay af-gembigii lagu dilay madaxweyne
Ngouabi (waxay ahayd 17/ 3- 1977). Waxaa taladii
la wareegay Joachim Yhombi
Opango. Wafdigii Soomaalida waxay dalkaas
ka dhoofeen iyaga oo aan cidna la kulmin.
Fadhigii
Xiddigta Cas ayaa wuxuu ku beegnaa socdaalka wafdigan.
Sida aanu ka soo sheekeynay, fadhigaasi wuxuu
dhamaaday isaga oo Fidel
Castro uu ku fashilmay muhimaddii uu kulanka
u qabtay. Laakiin wuxuu ka tegey, sida
goor danbe la fahmay, erey mudnaa in madaxda Soomaalidu
ay qiimeeyaan, kaas oo ahaa :
"
Inkasta oo aan qabo wal-wal weyn, misana ma
aan filayo, muranka u dhexeeya labada dowladood
in uu sabab u noqon karo dagaal ka
dhex dhaca labada shacab. Maxaa yeelay, dagaalku
wuxuu dabada ku wataa waxyaabo adag
". (Minutes
of the Conversation between Comrade Erich Honecker
and Comrade Fidel Castro. Sunday, 3
April 1977.
House of the Central Committee).
Ninkaasi
waa uu ku dadaalay in uu degaanka ka badbaadiyo
hoogga iyo ba'a la xiriira dagaalka ku soo food
leh. Islamarkaa, isagu wuxuu ahaa nin
goobayay caal-hel uu Itoobiya kaga badbaadiyo
mashaqada culus ee kaga soo socota
dhanka Soomaaliya. Kalsoonida muuqatay ee uu u
muujiyay rijiimkii shuuciga ahaa ee ka curtay
Itoobiya iyo dadaalka uu u galay in
uu ku badbaadiyo nadaamkaas, ayaa wuxuu ceeryaamo
kala dhex-geshay shakhsiyaddii Castro
iyo madaxdii Soomaalida. Sidaa darteed, fadhigii
Cadan ma noqon mid hakiya damacii ay dagaalka
u qabeen raggii waayeelka ka ahaa maamulka
Soomaaliya.
Sida
aanu arki doono, waxaa halkaas yaal il-duuf siyaasadeed
kaas oo natiijadiisu eeyan Soomaali mahadin. Inkasta
oo madaxda Soomaalida ay xilligaas qaadeen tallaabo
ay ku helaan saaxiibo cusub oo laysku halleyn
karo, misana waxaa aad uga dahsoonaa
khatarta ay leedahay in lala colloobo is-bahaysiyada
caalamka ee xoogga weyn. Saadaasha
iyo mala-awaalka hoggaankii Soomaaliya, wuxuu
ahaa mid aanan la socon qaab-dhiska saldhigga
u ah aragtiyaalka lagu ilaaliyo danaha dowladaha
carri-edeg iyo xirfadaha ay diblomaasiyaddu leedahay.
Waxay
aragtidoodii ku koobeen fursad markaa u muuqatay
oo ahayd in Itoobiya laga aarsado oo dhulkii ay
boobtay laga soo ceshado. Shacabka
iyo ciidamada oo si buuxa ula qabay qodobka ah
xoreynta dhulalka maqan ayaa waxay
ahaayeen mid kuwo maqan taladoodii, waayo hoggaanku
wuxuu ahaa mid xafiis qura looga taliyo oo waa
xafiiskii madaxweynaha.
Hadalka
uu yiri Fidel Castro,
macnaha uu xambaarsan yahay waxaa weeye, haddii
ay Soomaaliya doorato in ay dagaal
qaaddo, markaas dowladaha hanti-wadaagga ah waxay
taageerayaan Itoobiya. Sidaasna wuxuu ka muujiyay
fadhigii uu la qaatay madaxdii Jarmalka
Bari oo uu u tegay fadhigii Cadan dabadeed. Fidel
Castro, ayaa markaa yiri sidan
:
"
Haddii kaalmadayada aanu siino Itoobiya, markaas
Siyaad Barre ma uu lahaan doono anshax xaq ah oo uu nagu
eedeeyo. Si cad ayaan ugu sheegay in Itoobiya
uu ka jiro kacaan. Sidaa darteed waxaa nagu waajib
ah in aanu kaalmeyno Itoobiya ".
(Transcript of meeting
between East German leader Erich Honecker and
Cuban leader Fidel Castro, East Berlin,
3 April 1977 -excerpts-).
Madaxdii
Itoobiya, iyagu madashii fadhiga waxay kala tageen
dareen isku dhafan oo isugu jira guul iyo guul-darro.
Dhan waxaa u muuqatay in ay fadhigii
ka soo hoyeen guul siyaasadeed oo ay ku hanteen
kalsoonida dowladaha hanti-wadaagga
ah. Kuwaasi waxay ahaayeen cududda keliya oo ay
filayeen in ay ka helayaan hiillo buuxda. Dhan
kale, Itoobiyaanku waxay ogaayeen, ku kala-kaca
fadhiga in micnihiisu yahay dagaal furan oo ay
is-wajahaan ciidamada Soomaaliyeed.
Taasina hadday dhacdo, waa ay maleynayeen in lagaga
gacan-sareynayo.
Maantii
xigtay maalintii fadhiga lagu kala kacay, waxaa
kulmay Gaashaanle Berhanu Bayeh iyo qunsulkii Ruushka
S. Ia. Sinitsin
ee fadhiyay Addis-ababa. Hadalkii ay is-dhaafsadeen
ayaa wuxuu kamid yahay ilaha laga qaato
ogaallada la xiriira taariikhdii dagaalkan. Gaashaanle Berhanu oo xubin ka ahaa golihii Dergo ayaa qunsulka
u sheegay in fadhigii Cadan uu ku dhamaaday natiijo
la'aan. Wuxuuna taas sabab uga dhigay halka uu
Siyaad Barre
ka istaagay dooddii lays dhaafsanayay. Sida uu
qunsulku goor danbe ku war-bixiyay, hadalladii
Berhanu Bayeh
waxaa kamid ahaa sidan :
"
Madaxweynaha JDS (Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya),
si islaweyni leh ayuu Itoobiya ugu sheegtay dhul,
isaga oo Itoobiya ku magacaabay xoog gumeysi ah.
Wuxuuna caddeeyay in uu wadayo siyaasaddiisa ku
wajahan xiriirka Itoobiya, inta Soomaali
dhamaanteed eeyan haysan madax-bannaani. Siyaad
Barre ma uusan xushmeyn Mengistu
H. Mariam, si fool-xun buu ugu sheegay
in uu isagu yahay mid xambaarsan siyaasad lamid
ah tii Xayle
Selaesse. Hoggaamiyaha Soomaaliyeed waxaa
kale oo uu sheegay, haddii Itoobiya ay isu ogtahay
in ay tahay dowlad hanti-wadaag ah,
markaas waa in gobolka Ogaadeenya ay si degdeg
badan ugu wareejisaa JDS.
Si
loo xasiliyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya,
Siyaad Barre wuxuu soo jeediyay in labada dal laga abuuro
maamul kon-federaal (Confederation)
ah, kaas oo lagu jaangooyay qowmiyad. Taasi waxay
gogol u tahay in Itoobiya ay Ogaadeenya
ku wareejiso Soomaaliya. Ra'yigaas
waxa diiday maahayn Mengistu
oo keliya. Bal Fidel
Castro iyo Saalim Rubeyc qudhoodu waxay muujiyeen in
ay ka soo horjeedaan arintan oo ay ku tilmaameen
in Siyaad Barre uusan xataa iyaga xushmeyn ".
(TOP
SECRET. Copy No. 2. From the journal of Sinitsin
S. Ia. Memorandum of Conversation between Soviet
Acting Charge d' affaires in Ethiopia S.
Sinitsin
and Ethiopian official Major Berhanu Bayeh. 18/
3- 1977). Berhanu
Bayeh wuxuu sheegay, madaxweynaha Soomaaliyeed
in kulankaas uu ku caddeeyay, dowladaha hanti-wadaagga
ah, haddii ay doonayaan in ay xiriirka u jaraan
Soomaaliya, in ay taasi tahay mid iyaga u taal.
Dad-weynaha
Soomaaliyeed, iyaga ayaa curiyay kacaankooda,
iyada oo aanan dibadda laga taageerin. Haddaba
haddii dowladaha hanti-wadaagga ahi
ay diidaan in ay Soomaalida ku kaalmeeyaan qadiyaddoodaan,
markaas dowladaha dib u-socodka ah
ayaa kaalmeynaya ayuu yiri Maxamad Siyaad. (Isla marjicii
hore).
Fadhigii
Cadan ka dhacay, wuxuu ahaa barta ay ku dhilqatay
siyaasaddii xasilloonayd ee xiriirineysay is-bahaysiyada
waaweyn ee dunida ka jirey iyo dowladaha geeska
Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya. Labada
quwadood ee dunida ugu xoogga weynaa (USSR
iyo USA)
ayaa markaas midba ay dhankeeda ka bilowday tallaabadii
ay ku meel-beddelan lahayd. Diblomaasiyaddii Soofyeetiga
ayaa bilowday in ay u iilato dhanka Itoobiya.
Taas oo markeedii horeba, xiriirkii ay la lahaayeen
Soomaaliya ay ujeeddadiisu ahayd baadi-goob hadaf
fog oo ay ku doonayeen in ay ku gaaraan
Itoobiya iyo Afrika inteeda kale. Mareekanka ayaa
isna qaaday tallaabo lamid ah shaxdii
uu Soofyeetiga ku horeeyay. Sida aanu arki doono,
madaxda aqalka Cad, waxay guddoonsadeen, maadaama
uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Itoobiya,
in ay ku agaagaan Soomaaliya. Dabadeed ay halkaas
kala diriraan hannaanka shuuciga ah
ee ka curtay Itoobiya iyo hadafka uu leeyahay
saaxiibka weyn (USSR)
oo ay dhabarka ku hayaan. Qorshahaas,
Mareekanku waxay kaga deydeen Ruushka, waana ay
ku guuleysteen.
Sida
aanu soo xusnay kala-kaca fadhigan wuxuu dabada
ku watay arimo badan oo ay ugu weyn tahay kor
u-kaca gulfyada colaadeed oo ay Soomaalidu
la maagganaayeen Itoobiya. Inkasta oo ay dowladda
Itoobiya ahayd midda ugu cabsida badnayd,
misana waxaa wal-walka la qabay dowladaha hanti-wadaagga
ah oo uu Ruushku ugu horeeyo. Isla
arintaa ayaa waxay ahayd qadiyad ay Soomaalidu
u awlax tumanayeen tan iyo maantii ay madaxa-bannaanida
qaateen. Dowladdii Itoobiya waxaa soo food saaray
khatar keeni karta in ay ka tir-tiranto joqraafiga
dunida. Maahayn hubka uu Midowga Soofyeeti siiyay
Soomaalida oo keliya midka halista ku hayay, bal
urursanaanta shacabka Soomaaliyeed iyo hanka xooggan
oo ay ku doonayeen in dadkooda iyo dhulkooda ay
isu soo urursadaan ayaa waxay ahayd
qodob ka hilan culus kaas hore. War-bixintii uu
qunsulka Ruushku ka helay Berhanu
Bayeh waxaa kamid ahaa sidan :
"
Natiijooyinkii kulanka, sida uu Berhanu
Bayeh sheegay, dood kama
taagna in madaxda Itoobiya ay rumeysan yihiin
in kulankan uu Itoobiya u ahaa guul diblomaasiyadeed.
Sida la arkayay madaxda Kuuba iyo Yamanta Koonfureed
waxaa u muuqatay meesha ay Soomaalidu taagan yihiin.
Maahan oo keliya mowqifkooda ku wajahan Itoobiya,
bal waa mowqifkooda ku wajahan halganka guud ee
lagula jiro imberiyaaliyadda iyo dib u-socodka.
Sida uu qabo Berhanu
Bayeh, wuxuu yiri : Waxaa kale oo jaalayaashaya
Kuuba u muuqatay, meesha heshiis la'aanta
ah ee uu Siyaad Barre
ka istaagay la kulankii Mengistu,
in ay u sabab tahay taageero ah ballanqaad la
hubo oo uu dhowaan ka helay dowladaha
Carbeed ee dib u-socodka ah. Madaxda Itoobiya,
sida ay u qiimeeyeen fadhigaas, Berhanu
Bayeh wuxuu hadalkiisii ku daray : Waa
muuqataa natiijadii fadhiga Cadan dabadeed, in
ay suuragal tahay malaha ah in uu
bilowdo howlo adag oo ka dhan ah Itoobiya. Dhaqdhaqaaqaas
ayaa wuxuu yahay mid ay Soomaalidu
wadaan. Waxaa ku weheliya dowladaha Carabta dib
u-socodka ah ..................................
Hoggaanka golaha ciidanka (ee Itoobiya)
waxay indhaha ku hayaan kooxaha ciidamada Soomaaliya
oo soo guda-gelaya gobolka Ogaadeenya.
Kuwaas oo hadda isu beddelay ciidamadii rigliga
ahaa oo ku lebisan dhar rayid ah, islamarkaa
sita hub casri ah ". (Isla marjicii hore).
Gaashaanle
Berhanu oo sii wada war-bixintii uu qunsulka
siinayay wuxuu yiri :" Sidaasi
waxay ka muuqatay cimilada adag ee iska hor-imaadka
ciidameed ee hadda ka jira degaanka Harar iyo
Jigjiga. Taasina waxay ka dhalatay
abaabulka Soomaalidu wadaan oo lala beeganayo
gaadiidka ciidamada Itoobiya. 17-kii maarso, dayuurad
ah kuwa dagaalka oo nooceedu yahay MiG 21, oo
ay Soomaalidu leeyihiin ayaa ku soo
xad-gudubtay ciidda Itoobiya. Duulimaadkaas oo
ahaa fal daan-daansi, ayaa waxay ku soo gaartay
agagaarka degmada Jigjiga. .................................
". (Isla marjicii
hore).
Dabadeed
Berhanu Bayeh,
oo ahaa ku xigeenkii Mengistu,
wuxuu ka codsaday qunsulka Ruushka in uu madaxda
Midowga Soofyeeti u gudbiyo dalab ay codsanayaan
saraakiisha golaha sare ee Itoobiya. Dalabkaasi
wuxuu ahaa codsi ah in dowladda Soofyeetigu
ay ku dhaqaaqdo tallaabo kasta oo suurogal ah
oo ay ku hakinayaan dadaalka ay Soomaalidu
ugu jiraan in ay ku soo duulaan Itoobiya. Wuxuu
hadalkiisii raaciyay in ay uga mahad celinayaan
Soofyeetiga khabar kasta oo uu soo gaarsiiyo
Itoobiya oo la xiriira arintan. (Isla
marjicii hore).
Sida
ka muuqata, dhambaalka sarkaalkan wuxuu gudbinayaa
risaalad caal-waa ah, kaas oo tilmaamaya wejiga
qarsoon oo ay umadda Soomaaliyeed leedahay.
Weji leh haybad iyo qaddarin, marka uu gurigu
u hagaagsan yahay. Kaas oo ka duwan
kan
maanta lagu bartay ee maangaabka iyo makastadu
ka taliyeen. Codsigii Berhanu Bayeh ayaa la filayaa in markiiba
uu gaaray Moosko. Diblomaasiyaddii Ruushka ma
eeyan la daahin in codsiga Itoobiya
ay kaga jawaabto qaabkii ay ula muuqatay. Si ay
u badbaadiyaan dowladda ay caashaqeen ee Itoobiya,
waxay Soomaaliya u soo direen wafdi
uu hoggaaminayo madaxweynihii dowladdii Midowga
Soofyeeti Nicolay V.
Podgorny.
Ninkan iyo wasiirkii difaaca ee Soofyeetiga Marshal
Sergey Grejko ayaa waxay ahaayeen laba
nin oo la caadifad ah Soomaalida iyo
madaxdooda. Sida laga wariyay saraakiil sare oo
kamid ahaa ciidamadii Soomaaliya, labadan
nin ayaa mahad ku lahaa in Soomaalidu ay Ruushka
ka helaan hub casri ah oo la'aantood eeyan heleen.
Sidaa darteed Ruushka kuma eeyan khaldanayn
in xilligaas xasaasiga ah ay Xamar u soo diraan
Podgorny. Socdaalka
madaxweynahan wuxuu kaloo ahaa risaalad uu Itoobiya
ugu raadinayo hiillo caalami. Wuxuu ku hor maray
dowlado Afrikaan ah, oo kamid ah kuwii la
oran
jirey dowladaha safka hore. Waa dowladihii xuduudda
la lahaa Koonfur Afrika oo markaas
ay ka talinayeen caddaan tira yar. Dowladaha uu
booqday waxay ahaayeen Saambiya iyo
Muusambiik. Wuxuu kaloo booqday dalka Tansaaniya.
Kasokow xiriirka u dhexeeya dalalkuu wafdigu
booqday iyo Soofyeetiga, Podgorny
iyo madaxdii Afrika ee uu u martiyay, waxaa
dhex-maray dood aanan la faafin. Waxay
ku saabsanayd xaaladda qallafsan ee geeska Afrika.
Dowladahaas Afrikaanka ah waxay kamid
ahaayeen kuwii la meereysanayay siyaasadda Ruushka.
Sidaa darteed Podgorny wuxuu ka doonayay in ay Itoobiya
la mowqif noqdaan. Qoraal laga diyaariyay socdaalkii
N.V. Podgorny baa wuxuu ahaa sidan :"
................................. Muddadii
uu socday wada-hadalku, waxay ka doodeen aragtiyaal
la xiriira xaaladda geeska Afrika,
iyaga oo si gaar ah u eegay xiriirka sii xumaanaya
ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxweynayaashii
Afrika, gaar ahaan Nyerere
(Tansaaniya) iyo Machel
(Mosambiik), waxay caddeeyeen sida ay uga
wal-wal qabaan cadaawadda sii xoogoobeysa
ee ka dhex aloosan labada dal ee hor u-socodka
ah. Waxaa kale oo ay wal-wal ka muujiyeen,
iyaga oo ka xun, kobta cadaawadeed oo madaxda
Soomaaliya ay ka taagan yihiin rejiimka kacaanka
ah ee Itoobiya. Aragtida uu Nyerere
qabay, saadaasha mustaqbalka, ma jiro qof
mala-awaali kara in la xasiliyo xiriirka
saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Arinta
ugu weyn oo wax laga qaban karo waxay tahay in
loo dadaalo sidii loo fogayn lahaa
dagaal dhex-mara Itoobiya iyo Soomaaliy. Taasina
waxay ku imanaysaa qanaacad ay labada
dhinac ku gaaraan in ay mid waliba is-qabato iyo
kalsooni lays dhaafsado. Nyerere
iyo Machel waxay yiraahdeen : qanaacada ay Soomaaliya
ku sheeganayso dhulka, wuxuu sababayaa in uu bur-buro
rejiimka hor u-socodka ah ee ka jira
Itoobiya ". (Repport From CPSU CC to SED CC, Results of N.V. Podgorny's Visit
to Africa, late March 1977 -excerpts- Strictly Confidential).
Waxaa
kale oo qoraalkii kulankan kamid ahaa sidan :
"
Dhamaan saddexda hoggaamiye waxay si xooggan
u qiimeeyeen meesha uu Midowga Soofyeeti ka is-taagay
arintan. Waxay taageereen aragtida ah in
dowladaha hor u-socodka ahi ay kordhiyaan dadaalka
lagu taageerayo kacaanka Itoobiya.
Islamarkaa loo how-galo sidii looga yeeli lahaa
xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya mid
caadi ah ". (Isla
marjicii hore).
Wafdigii
Soofyeetiga ayaa markii uu ku laabanayay dalkiisii
wuxuu ku hakaday Soomaaliya. Booqashadaas oo ahayd
mid sir ah, waxay ku beegnayd labadii maalmood
oo ay taariikhdu ahayd 31-kii maarso iyo 1-dii
abriil 1977-kii. Nicolay
Podgorny waxay kulmeen madaxweyne Maxamad
Siyaad. Dooddii labada madaxweyne waxay
ahayd mid ku saabsan xiriirka Itoobiya
iyo Soomaaliya. Iyo xaaladda gobolkan shiddeysan
oo mashaqadiisu ay la xiriirto, sida
uu Podgorny ku
tilmaamay, dowladaha Carabta ee dib u-socodka
ah. Qoraalkii wada-hadalka labada madaxweyne
waxaa kamid ahaa sidan :
"
Is-dhaafsi aragtiyaal la faafiyay oo ah in hoggaanka
Soomaaliya uu weli ku dheggan yahay aragtiyaalkii
gaboobay ee la xiriira dhulka ay ku
sheeganayso Itoobiya. Siyaad Barre wuxuu ku cilleeyay in uu jiro cadaadis gudaha
ka jira oo ay wadaan kooxaha qowmiyiinta Soomaaliya.
Islamarkaas, Siyaad Barre
ma uusan beenin in Itoobiya uu ka jiro
is-beddel hor u-socod ah. Isagu wuxuu iska fogeeyay
hoggaamada waddamada Carabta dib u-socodka
ah sida Suudaan, Masar iyo Sacuudiga .................................
". (Isla marjicii
hore).
Sida
ka muuqata ereyada soo noq-noqday ee la adeegsanayo,
dib u-socod iyo hor u-socod, waa ereyadii caalamka
lagu wareeriyay xilligii uu jirey dagaalkii
qaboobaa oo ay wax-magaratada durbaanka u tumeen.
Waa ereyo ka dheer garashada iyo dhaqanka
ay Soomaalidu wax ku kala soocaan. Ereyadaas oo
ahaa kuwo lagu duudsiyay xuquuq badan
ayaa waxay dhig u yihiin kuwa maanta la adeegsado
oo nin dan leh intuu ku dhawaaqo, dabadeed ay
maksatadu ku hadaaqaan.
Qoraalkii
la xiriiray socdaalkii
Podgorny, waxaa lagu soo xiray sidan :"
Siyaad Barre
wuxuu caddeeyay, Soomaaliya sidii ay horeyba u
doonaysay in ay ballaariso wada-shaqeynta ay la
leedahay USSR,
bey haddabna u doonaysaa. Isagu wuxuu sheegay
in uu ictibaar ku filan siinayo sidii uu u qaban
lahaa fadhi uu kula kulmo Mengistu,
kaas oo USSR uu ka yahay dhex-dhexaadiye. Wuxuu
adkeeyay in Midowga Soofyeeti oo keliya
uu yahay mid sharciyad buuxda iyo khibrad u leh
howshan. Taasi waxay kaalmo u noqon
kartaa Soomaaliya iyo Itoobiya si ay uga shaqeeyaan
in labada dal ay helaan waddadii ay ku gaari lahaayeen
musaalaxad iyaga oo aanan waxba lumin ".
(Isla marjicii hore).
Maanagaa
gudihiisiyo
Gobolladiisa
colaadda
Galowgaa
ka ciyaayiyo
Gonda
dhiig leh ka yeelay
Uu
na galaafanayaa
Maanagaa
gubniyaal iyo
Dubaabaadka
gurguurtiyo
Intaan gaas ku afuufnay
Ku
garaacnay rasaasta
Dadkuu
waayo gumeystay
Gibilkooda
cunaayay
Haddii ay gurgurkii iyo
Godobtiiba
rideenoo
In ay gaar u baaxn iyo
Xornimadooda
garteenoo
Gendi kuugu dhigteenoo
Maanagaa
galladdoodiyo
Goolka ay dhaliyeen iyo
Gaashaanka
u heynoo
Guutadaadii ku leefnay
Gamaahiirta
ku taagnay (Cali
Cilmi Af-yare). Saadiq Enow
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore