Dagaalladii ay jabhaduhu qaadeen
wuxuu diirimaad ku kordhiyay xiriiradii ka dhexeeyey
dowladihii hanti-wadaagga ahaa. Iyaga oo ka jawaabaya
calaacalka Itoobiya baa diblomaasiyaddii dowladahaasi
waxay bilawday dhaqaaqilyo araareyn oo ay la soo
beegsadaan Soomaaliya. Soofyeetiga oo u weynaa
ayaa wuxuu bilaabey howlo xog-raadis ah oo ku
wajahan xurgufta ka bilaabatay Ogaadeenya. Guddigii
siyaasadda xisbigii shuuciga ee Midowga Soofyeeti,
wuxuu faray wasaaraddiisii dibadda in ay soo diyaariyaan
war-bixin ku saabsan xiisadda ka taagan geeska
Afrika. Fadhi kamid ah fadhiyadii toddobaadlaha
ahaa oo guddigii siyaasadda uu lahaa 2/ 2- 1977-kii,
ayay wasaaraddu ugu soo bandhigtay war-bixin kooban
oo la xiriira ogaallada xiisadda. Waxaa kamid
ahaa :
" Soomaaliya waxay sheeganaysaa
dhul aad u ballaaran oo Itoobiya ay leedahay,
waa Ogaadeenya. Waxaa dhab ah in ay halkaas ku
nool yihiin dad tiro badan oo Soomaali ah (qiyaas
hal melyan). Itoobiya ayaa gebi ahaan diiddan
sheegashada JDS ee dhulka. Waxay ku salaynayaan
arintaas in xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya lagu
xariiqay heshiisyo caalami ah, gaar ahaan waxaa
jira heshiis ah in xuduudda labada dal laga yeelo
meel ka caaggan ciidamada. Heshiiskaas waxaa kala
saxiixday Itoobiya iyo Talyaaniga sanadkii 1908-dii.
Itoobiyaanku waxaa kale oo ay tilmaamayaan qodobka
ay ku heshiiyeen xubnaha OAU-da, kaas oo lagu
gaaray magaalada Qaahira sanadkii 1964-kii. Qodobku
wuxuu sheegayaa in dowladaha Afrikaanka ah dhamaantood
ay oggolaadaan xuduudaha jirey markii ay madax-bannaanida
qaateen. ...................... . Annaga oo tix-raacayna
ogaallo lagu kalsoon yahay, Soomaalidu weli waxay
Ogaadeenya ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan. Waxay
gobolka u gudbiyeen ciidamo ay hoggaaminayaan
saraakiil Soomaali ah ". (Third
African Department, Soviet Foreign Ministry. Information
Report on Somalia - Ethiopia Territorial Disputes.
2 February 1977).
War-bixintaas guracan oo ay qaadanayaan
masuuliyiintii katalinayay dowladdii dunida ugu
xooga weyneed, ayaa waxaa laga garanayaa go'doonka
ay ku sugan tahay qadiyadda ay Soomaalidu wataan.
Heshiiska la xusay oo qarnigii tegey bilowgiisii
ay kala saxiixdeen Talyaaniga iyo Itoobiya, waa
mid aanan loo qaban karin Soomaalida. Waayo dhulka
la xariiqay Soomaali baa leh. Labada dowladood
oo xariiqda sameeyey waxay ahaayeen laba xoog
oo boob iyo gumeysi u socda. Xariiqdii ay sameeyeen
kuma eeyan jaan-goyn wax cadaalad ah. Dadkii dhulka
lahaana lama eeyan tashan markii ay xariiqda sameynayeen.
Sidaa darteed buusan heshiisku u ahayn mid caalami
ah. Haddiise ay jirto gardarro garab og, horey
ayay Soomaalidu uga maahmaaheen inaanan laga bogsoon.
Waxaa kale oo war-bixinta lagu xusay
in xiisadda dhex taal labada dal ay sii murgeyso
marka Jabuuti ay qaadato madax-bannaanida iyo
in Soomaalidu ay adduunka ka doonayso saaxiibo
la fahma qadiyaddooda. Qoraalkii arintaa waxaa
kamid ah sidan :
" Xiriirka labada dal wuxuu
noqonayaa mid aad u sii murga, sababtuna waa Jabuuti.
Faransiiska wuxuu goostay ballanqaad ah in uu
sanadkan gudihiisa uu madax-bannaani siiyo. Dhanka
Itoobiya, markii si dhab ah wax loo eego, gobolkan
wuxuu u leeyahay dano nololeed. Jabuuti waxaa
ku dhamaada waddada tariinka ee ka soo bilaabata
Addis-ababa. Halkaasi waxay saldhig u tahay ganacsiga
dibadda ee Itoobiya. Dhulkaas oo loo yaqaan FTAI
(Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha), iyaguna
ay ku magacaabaan Franch Somali-land (Soomaalidii
Faransa), waa mid kamid ah shanta qeybood ee Soomaali
weyn. Dhab ahaan dadka halkaa ku nool badankoodu
waxay ka soo jeedaan qabaa'il la xiriira Soomaalia.
............................. . Dowladda Soomaaliyeed
waxay hadda waddaa dicaayad ka dhan ah Itoobiya.
Ujeeddadu waa in ay hesho a ". (Third
African Department, Soviet Foreign Ministry. Information
Report on Somalia - Ethiopia Territorial Disputes.
2 February 1977. Somalia's Territorial Disagreement's
with Etiopia and The Position of The USSR. Brief
Information).
Waxaa kale oo ay warbixintaas ku
sheegeen in Soomaaliya ay waddo dacaayad xoog
badan oo Itoobiya ka dhan ah, taas oo heer caalami
ah. Ujeeddada, waxay ku tilmaameen in Soomaaliya
ay dooneyso dowladu ku taageera mowqifka ay ka
taagan yihiin qadiyaddan, taasina waxay dhalinyasaa
xiriir ka dhex abuurma Soomaaliya iyo xoogaggii
imberiyaaliyadda ahaa. Waxay tusaale u soo qaateen,
Jemeraal Maxamad Cali Samatar
oo booqasho ku sii maray dowladaha Hanti-wadaagga
ah ee Yurubta bari markii uu booqanayay Kuuba.
Wada-hadalkii uu jeneraalka Soomaaliyeed la yeeshay
madaxdii dowladahaas, wuxuu ku soo qaaday qadiyadda
Ogaadeenya. Waxaa kale oo ay sheegeen in Soomaaliya
ay ku sikaneyso dalalka Carabta, si ay taageero
ugu hesho sheegashadeeda Ogaadeenya.
23/ 2- 1977-kii, Madaxweyne
Maxamad Siyaad wuxuu xafiiskiisa kula kulmay
danjirihii Ruushka C.V.
Samonov. Dood dheer oo dhex-martay labada
nin ayuu Madaxweynihii Soomaaliya uu ku diidey
in Soomaaliya ay sabab u tahay dabka ka baxaya
Iootbiya. Maxamad Siyaad
waxaa kale oo danjiraha uu u sheegey in uu si
xooggan u qiimeynayo is-beddelka hor u socodka
ah ee Itoobiya ka dhacay. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay
taageerada dowladaha hanti-wadaagga ah ay u fidinayaan
Itoobiya in ay tahay mid caddaalad ah oo islamarkaas
loo baahan yahay. Hadalladii madaxweynaha waxaa
kamid ahaa :
" Waanu fahmeynaa in Midowga
Soofyeeti uu isku deyayo in Itoobiya uu ka dhigo
dal xasilloon islamarkaana ah mid ku socda waddada
hantiwadaagga ah. Hadafkaas dowladda Soofyeetiga
ay ka leedahay degaanka wuxuu waafaqayaa maslaxadda
Soomaaliya. Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliya,
maslaxaddeedu waa in ay leedahay deris hanti-wadaag
ah, ee maahan deris hanti-goosi ah. ......................
. Mengistu maahan
nin ku taagan mabaadiida hanti-wadaagga ah marka
la'eego heerka qowmiyadeed ee mabda'a. Waa in
uu siiyaa xaqa ay u leeyihiin aaya ka-taliska
ummadaha ku nool Ogaadeenya oo ay Soomaalidu kamid
yihiin, iyo weliba dadka reer Eriteriya. Waa arrin
muhiim ah in Mengistu uu
hadda xal u raadiyo dhibaatada dhulka laysku haysto,
ama uu bixiyaa ballan-qaadyo tilmaamaya in uu
diyaar u yahay in mustaqbalka uu su'aashaas xal
hagaagsan ka gaarayo ". (Sedret.
Copy No. C.V. SAMONOV Orig. No. 101, 11 March
1977, Notice from Conversation with President
D.R. of S. Mhammed Siad Barre).
Mar danjiruhu uu su'aal weydiiyey
ku saabsan hadalkii uu Axmad
Suleymaan ka sheegey Suudaan oo ahaa in
xarunta OAU-da laga raro Itoobiya, madaxweynaha
Soomaaliyeed wuxuu ku sheegey in arintaasi ay
tahay ra'yi uu wasiirku la gaar yahay. Waxa ooraahda
ballaariyeyna ay yihiin warbaahinta Suudaan. Waxaa
kale oo uu tilmaamay kacdoonka Itoobiya ka jira
ee lagu diidan yahay maamulka, in uusan ahayn
mid Soomaaliya laga taageerayo. Bal uu yahay mid
taakuladiisa ay ka imanayso dalalka Suudaan, Masar
iyo Keenya.
Maxamad Siyaad wuxuu beeniyey, in
xuduudda Ogaadeenya ay ka dagaalamayaan jabhadiin
lagu tababaray Soomaaliya oo ay weheliyaan kooxo
kamid ah ciidamada rigliga ah ee XDS. Hadalladii
madaxweynaha waxaa kamid ahaa sidan :
" Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Soomaaliya, uma socoto in ay dagaal ku bilowdo
Itoobiya. Dagaalka ceynkaas ah waa mid bur-burinaya
labada dal. Dowladaha embriyaaliyadda ah oo keliya
iyo Carabta dib u socodka ah ayaa ka faa'iidaya
dagaalka. Si wanaagsan ayaanu arintaa u garaneynaa.
...................... . Inkastoose aanu taageereyno
halganka lagu mideynayo ciidda hooyo. Dadka ku
nool Ogaadeenya waa walaalahaya. Hoggaamiye ahaan,
ma diidi karo haddii dadkeygu ay kaalmo i weydiistaan
". (Sedret.
Copy No. C.V. SAMONOV Orig. No. 101, 11 March
1977, Notice from Conversation with President
D.R. of S. Mhammed Siad Barre).
Ugu danbeyntii madaxweyne Siyaad
wuxuu danjiraha uga mahad celiyay mashaariic
dhismo-hoosaad ah dalkiisu uu ka wado Soomaaliya.
Waxaa kamid ahaa dhismaha garoonka dayuuradaha
ee Berbera, biya-xireenka Faanoole iyo kalluumeysiga.
Wuxuu u gudbiyay dowladda USSR codsi ah in ay
kordhiyaan tirada ardeyda reer Jabuuti oo magaca
Soomaaliyeed lagu siinayo deeqda wax-barasho sanad-dugsiyeedka
soo socda.
Waxaa xigay socdaallo is-daba joog
ah oo Xamar iyo Addis-ababa ay ku booqdeen madax
ka socota dowlado hanti-wadaag ah. Booqashooyinkaas
oo isugu jirey kuwo rasmi ah iyo kuwo aanan rasmi
ahayn, waxaa safka hore kaga jirey dowladda Jarmalka-Bari
iyo Kuuba. Labadii maalmood ee ku beegneyd 31-kii
janaweri iyo 1-dii febraweri 1977-kii, waxaa Xamar
yimid wafdi sare oo ka socda dowladdii la oran
jirey Jarmalka-Bari. Wafdigaas waxaa hor kacayay
nin la yiraahdo Warner Lambarz
oo ahaa wasiirka nabad-sugidda, kana mid
ahaa guddigii siyaasadda xisbigii ka talinayey
dalka SED (Scialist Unity Party of East Germany).
Ragga uu hor kacayay waxay ahaayeen Kurt
Tidke, Ebrehard Heidrich
iyo Freidel Trappen,
kuwaas oo dhamaantood masuuliyad sare u hayay
xisbigii dalka ka talinayay.
Fadhigoodii ugu horeeyey waxay la
qaateen madax ka socotay dowladdii Soomaaliya
iyo madax kle oo xubno ka ahaa XHKS. Fadhiga waxaa
goob-joogayaal ka ahaa dhamaan danjirayaasha dalalka
hanti-wadaagga ah. Danjirihii Ruushka C.V.
Samonov ayaa si gaar ah ugu sheegay madaxa
wafdiga Jarmalka in Hoggaamiyaha Xisbiga Shuuciga
ee Midowga Soofyeeti L.
I. Brezhnev uu bilowgii bisha janaweri
u soo direy dhambaal Madaxwene
Siyaad, kaas oo uu kaga hadlayay in uu
ka fogaado khilaaf ciidameed ee dhex-mara Soomaaliya
iyo Itoobiya. Madaxa wafdiga Jarmalka
Lamberz, waxaa u muuqatay in madaxda Soomaaliya
ay ku adag tahay in ay ballan-qaad bixiyaan ay
ku qaboojinayaan xiisadda ka bilaabatay geeska
Afrika. Sidaa darteed buu ka gaabsaday in uu wax
taageero ah u fidiyo Soomaaliya iyo xisbigii talada
u hayay. Wuxuu xisbiyiinta Soomaaliyeed u caddeeyeen,
marka hore in ay muhim tahay in labada xisbi ay
ku heshiiyaan qaabka wada shaqeynta siyaasadeed
ee mabaadiida ku dhisan.
Dabadeed fadhi gaar ah ayay la qaateen
madaxweynihii Soomaaliya. Raggii martida ahaa
ayaa madaxweyne Siyaad u
gudbiyay dhambaal ay ka sideen hoggaamiyahoodii
Eric Honecker. Madaxweynaha
iyo wafdigu markii ay isu mahad celiyeen, waxay
is dhaafsadeen arimo la xiriira labada xisbi iyo
guud ahaan geedi socodka caalamiga ah iyo midka
goboleed ee aragtida hanti-wadaagga. Wafdigii
Jarmalka ayaa bilaabay in ay soo hadal qaadaan
khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne Maxamad Siyaad
oo arintaa uga jawaabaya wuxuu tilmaamay
meesha uu ka taagan yahay dhibaatada dhex taal
Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay
baahida loo qabo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka.
Islamarkaas wuxuu eedeyn dusha ka saarey maamulka
Itoobiya ka dhisan oo uu ku tilmaamey mid ah haraagii
rijiimkii boqortooyada.
W. Lamberz
ayaa fadhigaas
ugu sheegey madaxweynaha Soomaaliyeed in ay muhiim
tahay in ay is af-gartaan xoogagga hor u socodka
ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna ka fogaadaan
in ay imberiyaaliyaddu ka dhex macaashto khilaafkooda.
Maxamad Siyaad wuxuu
isna u sheegey wafdigii in uu diyaar u yahay in
uu si wanaagsan u diraaseeyo xaaladda hoggaanka
Itoobya, iyo in uu xataa la xiriiro Mengistu.
G/ S. Axmad Suleymaan Cabdalla
ayaa maantii labaad casho-sharaf u sameeyey wafdiga.
Cashadaas oo ka dhacdey Jubba. Kaddib markii la
casheeyey ayaa Axmad Suleymaan
(Dafle) uu madaxdii
halkaas fadhidey iyo xubnihii wafdiga uu ka codsadey
in ay isaga tagaan isaga iyo W.
Lamberz. Waxaa xusid mudan in labada nin
uu ka dhexeeyay xiriir gaar ah oo howleed. Waayo
labaduba waxay kamid ahaayeen guddigii siyaasadda
ee labada xisbi. Islamarkaas waxay hoggaaminayeen
xafiiskii looga talinayay ciidamada nabad-sugidda
ee labada dal. W. Lamberz,
wuxuu ahaa ninkan af-ingiriiska si wanaagsan u
yiqiin. Taasi waxay sahashay in isaga iyo Axmad
Suleymaan Dafle aanan
loo kala turjumin. Saacado badan ayay ka doodeen
qadiyadda Ogaadeenya. Axmad
Suleymaan oo ku dadaalay in uu qanciyo
masuulkan martida u ah ayaa ka sheekeeyay sida
ay Soomaalida ugu dulman yihiin qadiyaddan. Wuxuu
ka waraney qaabkii uu gumeysigu u qeybiyay Soomaalida
iyada oo aanan loo aaba yeelin masaalixdooda.
Nasiib darro, Lamberz
wuxuu ahaa nin xambaarsan ragti ah in Soomaaliya
ay culeyska ka deyso Itoobiya, waayo waxaa ka
curtey dowlad hantiwadaag ah. Dafle
wuxuu ku adkeystay in nadaamka Itoobiya ka dhisan
uusan ahayn mid hanti-wadaag ah, bal uu yahay
saraakiil ku loolamaya talada dalka. Dafle
wuxuu si wanaagsan ula socday xaaladda ay ku sugan
yihiin saraakiisha Dergo. Lamberz
iyo wafdigii uu hor kacayay, iyaga oo aanan ku
qanacsaneyn mowqifka Soomaalida ayay Xamar ka
laabteen. Warner Lambarz
oo fadhigaas wax ka qorey ayaa hadalkii
madaxweyne Siyaad
wuxuu ku tilmaamey mid is-burinaya. Qoraal uu
wasiirka Jarmalka ka diyaariyay fadhigaas ayaa
waxaa ku qornaa sidan :
" Dabiicadda uu kacaanka
Itoobiya leeyahay iyo hor u marka halkaas ka socda
ayuu madaxdooda ku tilmaamay niman sahyuuniyad
ah iyo in xoogaggii hor u socodka ahaa la laayey,
kuwaas oo ay kamid ahaayeen raggii
aaminsanaa mabaadiida Maarkisiyadda-Leeniniyadda
ah ". (SECRET,
1 Attachment to no. 122. 18 February 1977. Transilated
from German, Repport concerning a trip to the
Democratic Republic of Somalia by delegation from
the CC CED from 31 January - 1 February 1977).
Samaan
iyo heshiis iyo haddaan sulux layeeleynin
Xaqa
lama saluugee haddii samada loo tuurey
Sasab
iyo luggooyiyo haddaan siri dhamaaneynin
Hanti-wadaag
silloon ee dal kale saarey gogoshiisa
Sogordaha
gumeysiga sirgaxan sun iyo waabaayo
Ma
oggoli sikiin dalab leh iyo saawa-saawaha’e
Sandulle
iyo xoog laga teg iyo salabka ii qaade
Sinnaan
baa dhacdiyo qoolka oo la iska siibaaye
Soo
dhaafyay aadmigu halkaad weli sugeyseene
Soofkaaga
bahalkii cuniyo subagga dhiiggaaga
Salsalooyey
geed dheer intuu saaro jeenyaha’e
Haddaan
la sarin maashu waa inay siyaadaaye
Annaguna
sarriig iyo dul-qaad samirrey dhowr goore
Sudda
hoose iyo waa runtii waxan sugeynaaye
(Cali Cilmi Af-yare)
Saadiq Enow
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore