 |
|
Dr
Enow
|
Dhaqaaqilyadii
diblomaasiyadeed ee ka dhashay xiisadda ka oogantay
geeska Afrika waxay ahayd mid ay isku arkeen
diblomaasiyiin iyo masuuliyiin badan oo meelo badan ku
wada-hadlay.
Islamarkaas waxay ka wada arinsadeen umuuro badan oo
la xiriira qadiyaddan uu gobolka la xasili la’yahay.
Kulamadaas oo intooda badan ka dhan ahaa dalabka
Soomaalida ayaa waxay muujinayeen go’doonka caalamiga
ah oo ay qadiyaddu ku sugnayd. Waxaa tusaale loo soo
qaadan karayaa kulan ay isku arkeen laba diblomaasi oo
Addis-ababa u fadhiyay labada dal ee xoogga weyn (USA
iyo USSR). Fadhigaas oo labada diblomaasi ay isku
dhaafsanayeen ogaallo la xiriira xaaladda Itoobiya
ayay si gaar ah uga sheekeysteen xaaladda Ogaadeenya.
2/ 2- 1977-kii, maalin ka hor intuusan
Mengistu la wareegin
talada dalka, ayuu dhacay kulankan oo ay isku arkeen
qunsulkii safaaradda Ruushka
S. Sinitsin iyo qunsulka arimaha siyaasadda ee
safaaradda Mareekanka Herbert
Malin.
H. Malin oo kulankaas
ka hadlay ayaa wuxuu tilmaamay in xataa haddii
maamulka Itoobiya uu caga-dhigto, uusan joogsanayn
loolanka ay isku reebayaan xubnaha saraakiisha ahi oo
mid waliba uu ku doonayo in uu isaga u haro xukunka.
Waxaa kale oo uu fadhigaas ku xusay in dagaalada ka
bilowmay gobollada Eriteriya iyo Ogaadeenya oo ay kala
taageerayaan Suudaan iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo sii
murginaya arimaha qallafsan ee ka taagan gudaha
Itoobiya. Qunsulkaas oo iska indha-tiraya fara-gelinta
uu Ruushku ku hayay siyaasadda Itoobiya ayaa xusay
xaaladaha qallafsan oo Itoobiya ay ku sugan tahay in
ay yihiin kuwo la xiriira fara-gelin toos ah oo
dowlado carbeed ay ku hayaan dalkan. Waxaa hadalkiisii
kamid ahaa sidan :
”
Dadaalka ay arintan ku bixinayaan qaar kamid ah
dowladaha carbeed waa mid ay la beegsanayaan degaanka
oo idil. Ujeeddaduna waa in ay xasiliyaan si ay gebi
ahaan u maamulaan biyaha badda Cas, taas oo ay ka
yaalliin xeer caalami ah oo tilmaamaya in biyahaasi
ay yihiin waddo caalami ah. Khalal kasta oo halkaas ka
yimaada, wuxuu sababi karaa xasillooni xumi iyo weliba
iska hor-imaad ciidameed ”. (
SECRET, Copy No. 2, From the diary of S.Y. Sinitsin.
Memorandum of Conversation between Soviet
Counselor-Minister in Ethiopia S. Sinitsin with
Political Counselor of the U.S. Embassy in Ethiopia
Herbert Malin, 2/ 2- 1977)
Isaga oo ka waramaya xiriirka Itoobiya iyo Mareekanka,
qunsulku wuxuu yiri :
“
Mareekanku iskama uu indha-tiri karo in ay jirto
xilli uu xiriirku yahay mid khariban, taasina ay
sabab u tahay dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Mareekanka
ee dalka ka jira. 27-kii janaweri ee sanadkan, waxaa
Addis-ababa ka dhacay bannaan-bax dowladda looga soo
horjeedo oo ay wadeen dhallinyaro. Bambooyin laga
sameeyay gaas ayay ku tuureen xaruntii war is-gaarsiinta
ee Mareekanka USIS (United States Information
Service), halkaas oo ay quraarado ku jejebiyeen.
.................................... Bambooyin kuwaas
lamid ah waxaa lagu tuuray xarunta MAAG (American
Military Advisory Group) “. (Isla
marjicii hore).
Mar uu ka hadlay xaaladda qallafsan ee uu ku sugan
yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya,
Herbert Malin wuxuu
sheegay in uu ogsoon yahay in Mareekanku uusan weli
qaadin wax tallaabo ah oo lagu hagaajinayo xiriirka
sii xumaanaya ee labada dal. Taasina waxaa u sabab ah
buu yiri, Itoobiya oo aanan wax codsi ah u soo gudbin
dowladda Mareekanka. Labada diblomaasi waxaa kale oo
ay isla soo qaadeen in uu jiro qodob culus kaas oo
shiddo ku kordhinaya xaaladda cakiran ee geeska Afrika.
Dalka Jabuuti ayay ku sheegeen in uu yahay mid sii
cakrinaya xaaladda, kaas oo la filayay in dhowr bilood
dabadeed uu madax-bannaanidiisa qaato.
Sida ka muuqata sheekada labada diblomaasi, Jabuuti oo
ah gobol Soomaaliyeed, gayaana u ah in ay Soomaaliya
raacdo, ayaa iyana halkaas ku noqotay qadiyad u
galaalan xoogagga shisheeye.
H. Malin oo arinkaa ka hadlay wuxuu yiri :
“
Bilihii tegey Soomaalidu waxay ku guuleysteen in ay
xoojiyaan raadka siyaasadeed oo ay ku leeyihiin
Jabuuti iyo weliba xiriirka ay la leeyihiin madaxda
cusub. Arintaasi waxay wal-wal daran ku abuurtay
Itoobiya. Waa arin muuqata in madax-bannaanida
dabadeed, Jabuuti ay xubin ka noqoneyso jaamacadda
Carabta. Arintaasi waxay ku heleysaa xushmad
siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxaa iyana jidha,
meesha uu dalka Jabuuti is-taago, madax-bannaanida
dabadeed in ay taasi qallafsanaan ku kordhinayso
xaaladda hadda taagan. Xubnaha jaamacadda Carabta,
goor hore ayay qunsullo ka furteen Jabuuti “. (Isla
marjicii hore).
S. Sinitsin ayaa isna
ka waramay xiriirka Itoobiya iyo Ruushka, kaas oo uu
ku tilmaamay in uu yahay mid la xiriira hor u marinta
dalka. Waxaa hadalkiisii kamid ahaa sidan :
“
Dhacdada ah, wada-hadalkii dhex-maray Soofyeetiga
iyo qaar kamid ah saraakiisha Dergo 14/ 1- 1977-kii,
waxay sababtay in ay Moosko booqdaan wafdi ka socda
dowladda Itoobiya. Waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo
khuburada farsamada (sida macallimiin jaamicadeed,
takhaatiir, iwl). Waxaa halkaan ka shaqeynayay tan iyo
qeybtii danbe ee sanadkii tegay khuburo xagga
dhaqaalaha oo Soofyeeti ah. Waa arin muuqataa,
xiriirka u dhexeeya labada dal, in uu ku socdo meel
sare. Iyada oo xaaladdan qallafsan lagu jiro ayuu
weliba qaab dabiici ah u socdaa. Welise qorshe cad
noolama eeyan iman. Annagu waa aanu ka fogaaneynaa
khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Arinkaasina waa mowqifkayaga aanan is-beddelka lahayn
oo ku wajahan xiriirkaas. Taasi waxay inaga yeelaysaa
in aanu labada dal ku abuurno dareen ah in ay u
dhaqaaqaan xagga nabadda oo ay khilaafkooda ku
xalistaan miis dushiis, si gobolkan looga baajiyo
xaalad halaag ah. ........................ ”. (Isla
marjicii hore).
Ugu danbeyntii qunsulkii Mareekanka ayaa su’aal soo
jeediyay oo wax ka weydiiyey meelaha uu qunsulka
Ruushku filayo in ay iska waafaqsan yihiin masaalixda
Mareekanka iyo midda Ruushka ee ku wajahan dalka
Itoobiya. S. Sinitsin
ayaa arimo dhowr ah ka tilmaamay jawaabta su’aashii la
weydiiyay oo wuxuu yiri :
“
Wax-walba horteed aanu oggolaano anshaxa
siyaasadeed ee xushmeynaya madax-bannaanida iyo is-haysashada
dhulka Itoobiya, inaan la soo faragashan arimahheeda
gudaha, in mowqif xalaal ah laga istaago isbeddelka
dhaqan-dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee ka
taaba-galay dalka, loona daayo hadba sida ay dad-weynuhu
u doonayaan. In dalka laga curiyo nabadgelyo iyo
xasillooni, iyada oo la hakinayo kobcinta xiisadda iyo
khilaafka u dhexeeya dalalka gobolka. In lagu
fara-adeygo ilaalinta mabaadiida ah inaan cidna is
hor-taagin adeegsiga biyaha badda Cas. Taasina waxay
ku hir-geleysaa aqoonsiga qaanuunka caalamiga ah
“.(Isla marjicii hore).
Dooddaas waxay gudbinaysaa ishaaro cad oo tilmaameysa
in qadiyadda Ogaadeenya eeyan la jaad ahayn qadiyadaha
kale ee ah aaya ka-taliska ummadaha la gumeysto. Bal
waa qadiyad ka culus oo dhex-mushaaxeysa loolan
dowlado waaweyn iyo masaalix caalami ah. Islamarkaa
waxaa inoo muuqanaya shiddada ay la iman karto haddii
laysku deyo in qadiyadda la gees-furo. Sikastaba ha
ahaatee, Soomaalidu kama eeyan hakan in ay ka
gaabsadaan qadiyaddooda. Ladaadyada iyo laqanyada ay
qadiyaddu ku haysay ayaa kallifayay in maamulka iyo
dad-wynuhuba uu u guntado soo celinta gobolladaa la
kala fur-furey.
Shantii ay duq wada
foolatee duud ka wada uunmay
Eey kala duddeeyeen
kufrigi gelin ku soo duulay
In mar leysku soo daro
war hooy kulan ku daaweysta
Waagii doorki Leegada
sidaas loogu dacal feytay
Kolkii labada daamoode
hore duubni lagu keeney
Docahaan baneynee xoriyo
ugu damaashaadnay
Daruur curatay bay noo
ahayd daa'in mahaddiiye
Kulanki loo
dabaal-degay Dulley diirshe wadarteene
(Yuusuf
Maxamad Sugaal).
Waxaa isna jirey fadhi uu
G/ Dhexe Mengistu
kula kulmay danjirihii Kuuba ee fadhiyay Addis-abab
Jose Peres
Novoa. Fadhigaas oo dhacay 8/
2- 1977-kii, ayuu Mengistu
wuxuu
dowladda Kuuba ku weydiistay hub iyo khubaro ciidameed.
Waxaa xusid mudan in kulankaas uu dhacay iyada oo
dowladdii Mengistu
eeyan toddobaad dhisneyn. Danjiraha oo ka sheekeynaya
kulankoodii ayaa wuxuu yiri :
” Mengisgu
wuxuu iga codsaday inaan
Fidel Castro ka gaarsiiyo farriin af ah, taas
oo ah dalab golaha sare ee ciidanka ay Kuuba
weydiisanayaan in ay ka helaan khubaro tababara
ciidamada maaleeshiyada Itoobiya iyo hub fudud. Isla
codsigaas ayuu Mengistu
ku sheegay in Mareekanku uu diiday in uu Itoobiya
siiyo qalab dayac tira taangiyada. Waxaa kale oo uu
joojiyay dayac-tirkii, dhamaan wixii hub ahaa. Golaha
sare ee ciidanku wuxuu filayaa, dhacdadii saddexdii
febraweri darteed, in Mareekanku uu ku soo rogo
cuna-qabateyn adag. .......................... .
Mengistu wuxuu ku
waramay in golaha ciidanku uu ku deyanayo tusaalaha
Kuuba oo uu doonayo in uu ka dhiso guddiyo kacaanka
difaaca wershadaha, hey’adaha iyo dhamaan tuulooyinka,
kuwaas oo howl-galladoodu ay noqonayaan kuwo garabka
ku haya qeybaha ciidanka maaleeshiyada ah.
......................... ”. (TOP
SECRET, Copy No. 2 From yhe diary of “ 30 ” Issue No.
129. RECORD OF CONVERSATION With the Ambassador of
Cuba in Ethiopia Jose Peres Novoa 10 February 1977).
Falalka ciidamada jabhadaha
Soomaali Galbeed iyo Soomaali Abboo, ay ka wadeen
Ogaadeenya, wuxuu mar walba kordhinayay heer-kulka ay
la caga-gubyoonayeen maamulka ka jirey Itoobiya.
Waxaa arintaas la xoogoobayay oo garab socday
dhaqaaqilyada diblomaasiyadeed oo dowladaha
hanti-wadaagga ahi ay ka ergeynayeen Itoobiya. Teedii
ugu humbulsanayd waxay ahayd kulankii lagu magacaabay
Fadhigii Xiddigta Cas. Sababta uu magacan ula baxay
waxay ahayd iyada oo fadhiga ay daneynayeen shan
dowladood oo hanti-wadaag ah. Kuwaasi waxay ahaayeen
Soomaaliya, Itoobiya, Yamanta Koonfureed, Kuuba iyo
Midowga Soofyeeti. Ninka ka danbeeyay abaabulka
risaaladii fadhigan, wuxuu ahaa madaxweynaha Kuuba
Fidel Casstro,
kaas oo isu xil-saaray in uu dhex-dhexaadiyo
Soomaaliya iyo Itoobiya. Isaga oo maamuus kaga
doonayay dowladihii hanti-wadaagga ahaa, ayaa
ujeeddadiisu waxay ahayd in uu badbaadiyo dowladda
Itoobiya iyo aragtida hanti-wadaagga ah ee ka
taabba-gashay degaanka.
Hoggaamiyaha
dowladda Kuuba ayaa markaas isa soo qamaamay isaga oo
adeegsanaya khibraddiisa diblomaasiyadeed iyo
magaciisa hanaqaadka noqday. Waxaase jirtay in uu ka
dhacsanaa, in qadiyadda qowmiyadeed iyo midda caqiido
ay Soomaalidu u yihiin kuwo uga hilan culus aragtida
hanti-wadaagga ah oo ay sheeganayeen. Labadii maalmood
oo ay taariikhdu ahayd 13 iyo 14 ee bishii maarso
1977-kii ayaa Fidel
Castro, uu booqasho
rasmi ah ku yimid magaalada Xamar. Wuxuu hor kacayay
wafdi sare ee ka socday xisbiga shuuciga ah ee Kuuba.
Waxaa kamid ahaa
Rafael Carlos, Osmany
Cienfuegos, Raul
Valdez Vivo,
Jose Abrantes.
Galabtii ay wafdigu yimaadeen,
waxay madaxdii Soomaalida isku arkeen casho-sharaf
lagu martiqaaday xubnihii wafdiga.
Fidel Castro,
wuxuu halkaas ka sheegay sida ay isaga la ahayd,
muuqaalka uu filayay in kacaanka Soomaaliyeed uu
leeyahay.
Madaxweyne
Maxamad Siyaad
ayaa ugu jawaabay in kacaanka
Soomaaliyeed uu qaatey isbeddel koritaan ah (evalution).
Habeenkaas wax wada-hadal ah ma dhicin.
Maalintii
labaad, waxaa wafdigii loo
sameeyay barnaamij buuxa oo
ay
kamid ahayd booqasho ay ku
tageen xeradii guulwadayaasha, halkaas oo ay ku
sugnaayeen saraakiil Kuubaan ah oo kamid ahaa
macallimiintii tababarrada bixinayay. Waxaa kale oo ay
booqdeen dugsigii beeraha ee Afgooye iyo dugsiyo ay
leeyihiin caruur reer miyi ah.
Barnaamijkaas oo afar saacadood qaatay, waxaa xigay
qado sharaf. Casarkiina wafdigii waxaa la geeyay
garoonkii kubbad cagta ee la oran jirey Banaadir.
F. Castro,
oo isagu jeclaa in uu helo fadhi rasmi ah oo ay
madaxda Soomaaliyeed isku wareystaan ayaa
barnaamijyada loo sameeyay wuxuu u qaatay wakhti lumis
iyo in aanan diyaar loo ahayn hadakiisa.
Markii la gaaray xilligii nasashada (15-ka mirir) oo
labada kooxood ay garoonka isku weydaaranayeen ayaa
Madaxweyne Maxamad Siyaad,
wuxuu bilaabay in uu inta istaago uu hadal gaaban u
jeediyo dad-weynihii garoonka isugu yimid.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisii ku soo gunaanaday in uu
cod-baahiyaha ku soo
dhoweeyo madaxa wafdiga Kuuba. Dabadeed hoggaamiyihii
Kuuba F. Castro ayaa
bilaabay in uu dadkii u jeediyo khudbad lagu kediyay
oo uusan diyaar u ahayn. Hadalkiisa oo la turjumayay
ayuu wuxuu ku bilowday weerar iyo gees-gelin uu ku
qaaday siyaasadda dowladaha bariga-dhexe ee u adeegaya
imberiyaaliyadda caalamiga ah. Wuxuu si gaar ah u
tilmaamay taliska boqortooyada Sacuudiga iyo kuwa la
xulufada ah oo uu ku sheegay dib u-socod.
Fidel Castro oo goor
danbe, socdaalkiisii iyo wuxuu kala kulmay, uga
waramaya hoggaamiyihii Jarmalka Bari
Eric Honecker,
ayaa wuxuu sheegay sidan :
“
Khudbaddii aan u jeediyay dad-weynaha waxaan kaga
hadlay siyaasadda imberiyaaliyadda ee ku wajahan
bariga-dhexe, roolka dib u socodka ah oo bqortooyada
Sacuudigu ay ka qaadato iyo falalka xoogagga dib u
socodka ah. Anigu waxaan
markaa ogsoonaa in ay jidhay in la ictibaar siiyo in
dalku uu u janjeero xiriirka qotada dheer oo ay labada
dal leeyihiin (waa Soomaaliya iyo Sacuudiga). Waxaa
kale oo aan ka hadlay halganka PLO (Ururka
Gobanimo-doonka ee Falastiin) ee hor u socodka ah iyo
kacaanka jasaa’ir, kacaanka Liibiya iyo maamulka
Musambiik. Waxaan ka hadkay sida imberiyaaliyaddu ay u
doonayaan in ay gooni ka yeelaan hannaanka hor u
socodka ah eek ala danbeynta ku dhisan ee Itoobiya
“ .
(Minutes of
Conversation between Comrade Erich Honecker and
Comrade Fidel Castro. House of the Central Committee.
Sunday, 3 April 1977).
Inkasta oo F. Castro
uu qiimo u yeelay khudbaddiisii, misana xaqiiqadu
waxay ahayd in dad-weynihii halkaa isugu soo baxay ay
ku oryeen markii uu dhameeyay hadalka. Sababtuna waxay
ahayd, hadalkiisii buu wuxuu ku soo gunaanaday
ooraahda ah (vivo la revoluzione Somala, vivo la
revoluzione Ethiopia). Dad-weynihii ku sugnaa
garoonka ayaa markii ay maqleen ha noolaado kacaanka
Itoobiya, mar keliya bilaabay qeylo iyo sawaxan ay ku
muujinayaan sida xooggan oo ay uga soo horjeedaan
aragtida uu F. Castro
doonayo in uu iibiyo. Casho sharaf nabeenkaas loo
sameeyay wafdiga ayaa waxaa ka soo qryb galay
Madaxweyne Maxamad Siyaad.
Kulankii cashadaas ayaa waxaa ka bilawmay dood
dhex-marta labada hoggaamiye. Dhamaadkii sheekada ayaa
F. Castro wuxuu tilomaamay in Itoobiya uu ka
hana-qaaday maamul hor u-socod ah. Maxamad Siyaad ayaa
isna aragtidiisa ka dhiibtay in maamulkaas uu lamid
yahay kii qeysarkii Ruushka. Castro oo ka sheekeynaya
arintaas wuxuu yiri :
"
Nadaamka Itoobiya ayuu wuxuu ku tilmaamay kii
qeysarkii Ruushka, isaga oo oranaya Itoobiya waa
nadaamka keliya ee ka haray xoogaggii gumeysiga ahaa.
Wuxuu yiri : Mahadi ha gaadho Leenin, xikmaddiisii baa
keentay in qeysarkii Ruushka uu libdho. Laakiin wuxuu
ku nool yahay Itoobiya
". (Isla
marjicii hore)
Madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu u sheegay Castro in
muddo ka hor uu Mengistu
u soo bandhigay in labada dal ay wada dhistaan
hannaan federaal ah ama ayba midoobaan. Inkasat oo
eeyan Itoobiya wax jawaab ah ka bixin arintaas, misana
weli diyaar baanu u nahay ayuu yiri
Maxamad Siyaad.
Castro ayaa markaas,
sida uu sheegay, ka faa'iideystay hadalkaas oo
tilmaamay in uu jecel yahay in uu Itoobiya booqdo
maalinta maantaas xigta. Wuxuu
Maxamad Siyaad
su'aalay in uu doonayo in uu la kulmo
Mengistu. Haa ayuu ugu
jawaabay.
Saadiq Enow
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore