Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXVII-aad
Dr Enow

Dhaqaaqilyadii diblomaasiyadeed ee ka dhashay xiisadda ka oogantay geeska Afrika waxay ahayd mid ay isku arkeen diblomaasiyiin iyo masuuliyiin badan oo meelo badan ku wada-hadlay. Islamarkaas waxay ka wada arinsadeen umuuro badan oo la xiriira qadiyaddan uu gobolka la xasili la’yahay. Kulamadaas oo intooda badan ka dhan ahaa dalabka Soomaalida ayaa waxay muujinayeen go’doonka caalamiga ah oo ay qadiyaddu ku sugnayd. Waxaa tusaale loo soo qaadan karayaa kulan ay isku arkeen laba diblomaasi oo Addis-ababa u fadhiyay labada dal ee xoogga weyn (USA iyo USSR). Fadhigaas oo labada diblomaasi ay isku dhaafsanayeen  ogaallo la xiriira xaaladda Itoobiya ayay si gaar ah uga sheekeysteen xaaladda Ogaadeenya. 2/ 2- 1977-kii, maalin ka hor intuusan Mengistu la wareegin talada dalka, ayuu dhacay kulankan oo ay isku arkeen qunsulkii safaaradda Ruushka S. Sinitsin iyo qunsulka arimaha siyaasadda ee safaaradda Mareekanka Herbert Malin.

H. Malin oo kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu tilmaamay in xataa haddii maamulka Itoobiya uu caga-dhigto, uusan joogsanayn  loolanka ay isku reebayaan xubnaha saraakiisha ahi oo mid waliba uu ku doonayo in uu isaga u haro xukunka. Waxaa kale oo uu fadhigaas ku xusay in dagaalada ka bilowmay gobollada Eriteriya iyo Ogaadeenya oo ay kala taageerayaan Suudaan iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo sii murginaya arimaha qallafsan ee ka taagan gudaha Itoobiya. Qunsulkaas oo iska indha-tiraya fara-gelinta uu Ruushku ku hayay siyaasadda Itoobiya ayaa xusay xaaladaha qallafsan oo Itoobiya ay ku sugan tahay in ay yihiin kuwo la xiriira fara-gelin toos ah oo dowlado carbeed ay ku hayaan dalkan. Waxaa hadalkiisii kamid ahaa sidan :

Dadaalka ay arintan ku bixinayaan qaar kamid ah dowladaha carbeed waa mid ay la beegsanayaan degaanka oo idil. Ujeeddaduna waa in ay xasiliyaan si ay gebi ahaan u maamulaan biyaha badda Cas, taas oo ay ka yaalliin xeer caalami ah oo tilmaamaya  in biyahaasi ay yihiin waddo caalami ah. Khalal kasta oo halkaas ka yimaada, wuxuu sababi karaa xasillooni xumi iyo weliba iska hor-imaad ciidameed ”. ( SECRET, Copy No. 2, From the diary of S.Y. Sinitsin. Memorandum of Conversation between Soviet Counselor-Minister in Ethiopia S. Sinitsin with Political Counselor of the U.S. Embassy in Ethiopia Herbert Malin, 2/ 2- 1977)

Isaga oo ka waramaya xiriirka Itoobiya iyo Mareekanka, qunsulku wuxuu yiri :

Mareekanku iskama uu indha-tiri karo in ay jirto xilli uu xiriirku yahay mid  khariban, taasina ay sabab u tahay dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Mareekanka ee dalka ka jira. 27-kii janaweri ee sanadkan, waxaa Addis-ababa ka dhacay bannaan-bax dowladda looga soo horjeedo oo ay wadeen dhallinyaro. Bambooyin laga sameeyay gaas ayay ku tuureen xaruntii war is-gaarsiinta ee Mareekanka USIS (United States Information Service), halkaas oo ay quraarado ku jejebiyeen. .................................... Bambooyin kuwaas lamid ah waxaa lagu tuuray xarunta MAAG (American Military Advisory Group) “. (Isla marjicii hore).

Mar uu ka hadlay xaaladda qallafsan ee uu ku sugan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Herbert Malin wuxuu sheegay in uu ogsoon yahay in Mareekanku uusan weli qaadin wax tallaabo ah oo lagu hagaajinayo xiriirka sii xumaanaya ee labada dal. Taasina waxaa u sabab ah buu yiri, Itoobiya oo aanan wax codsi ah u soo gudbin dowladda Mareekanka. Labada diblomaasi waxaa kale oo ay isla soo qaadeen in uu jiro qodob culus kaas oo shiddo ku kordhinaya xaaladda cakiran ee geeska Afrika. Dalka Jabuuti ayay ku sheegeen in uu yahay mid sii cakrinaya xaaladda, kaas oo la filayay in dhowr bilood dabadeed uu madax-bannaanidiisa qaato.

Sida ka muuqata sheekada labada diblomaasi, Jabuuti oo ah gobol Soomaaliyeed, gayaana u ah in ay Soomaaliya raacdo, ayaa iyana halkaas ku noqotay qadiyad u galaalan xoogagga shisheeye. H. Malin oo arinkaa ka hadlay wuxuu yiri :

Bilihii tegey Soomaalidu waxay ku guuleysteen in ay xoojiyaan raadka siyaasadeed oo ay ku leeyihiin Jabuuti iyo weliba xiriirka ay la leeyihiin madaxda cusub. Arintaasi waxay wal-wal daran ku abuurtay Itoobiya. Waa arin muuqata in madax-bannaanida dabadeed, Jabuuti ay xubin ka noqoneyso jaamacadda Carabta. Arintaasi waxay ku heleysaa xushmad siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxaa iyana jidha, meesha uu dalka Jabuuti is-taago, madax-bannaanida dabadeed in  ay taasi qallafsanaan ku kordhinayso xaaladda hadda taagan. Xubnaha jaamacadda Carabta, goor hore ayay qunsullo ka furteen Jabuuti  “.  (Isla marjicii hore).

S. Sinitsin ayaa isna ka waramay xiriirka Itoobiya iyo Ruushka, kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid la xiriira hor u marinta dalka. Waxaa hadalkiisii kamid ahaa sidan :

Dhacdada ah, wada-hadalkii dhex-maray Soofyeetiga iyo qaar kamid ah  saraakiisha Dergo 14/ 1- 1977-kii, waxay sababtay in ay Moosko booqdaan wafdi ka socda dowladda Itoobiya. Waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo khuburada farsamada (sida macallimiin jaamicadeed, takhaatiir, iwl). Waxaa halkaan ka shaqeynayay tan iyo qeybtii danbe ee sanadkii tegay khuburo xagga dhaqaalaha oo Soofyeeti ah. Waa arin muuqataa, xiriirka u dhexeeya labada dal, in uu ku socdo meel sare. Iyada oo xaaladdan qallafsan lagu jiro ayuu weliba qaab dabiici ah u socdaa. Welise qorshe cad noolama eeyan iman. Annagu waa aanu ka fogaaneynaa khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Arinkaasina waa mowqifkayaga aanan is-beddelka lahayn oo ku wajahan xiriirkaas. Taasi waxay inaga yeelaysaa in aanu labada dal ku abuurno dareen ah in ay u dhaqaaqaan xagga nabadda oo ay khilaafkooda ku xalistaan miis dushiis, si gobolkan looga  baajiyo xaalad halaag ah. ........................ ”. (Isla marjicii hore).

Ugu danbeyntii qunsulkii Mareekanka ayaa su’aal soo jeediyay oo wax ka weydiiyey meelaha uu qunsulka Ruushku filayo in ay iska waafaqsan yihiin masaalixda Mareekanka iyo midda Ruushka ee ku wajahan dalka Itoobiya. S. Sinitsin ayaa arimo dhowr ah ka tilmaamay jawaabta su’aashii la weydiiyay oo wuxuu yiri :

Wax-walba horteed aanu oggolaano anshaxa siyaasadeed ee xushmeynaya madax-bannaanida iyo is-haysashada dhulka Itoobiya, inaan la soo faragashan arimahheeda gudaha, in mowqif xalaal ah laga istaago isbeddelka dhaqan-dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee ka taaba-galay dalka, loona daayo hadba sida ay dad-weynuhu u doonayaan. In dalka laga curiyo nabadgelyo iyo xasillooni, iyada oo la hakinayo kobcinta xiisadda iyo khilaafka u dhexeeya dalalka gobolka. In lagu fara-adeygo ilaalinta mabaadiida ah inaan cidna is hor-taagin adeegsiga biyaha badda Cas. Taasina waxay ku hir-geleysaa aqoonsiga qaanuunka caalamiga ah “.(Isla marjicii hore).

Dooddaas waxay gudbinaysaa ishaaro cad oo tilmaameysa in qadiyadda Ogaadeenya eeyan la jaad ahayn qadiyadaha kale ee ah aaya ka-taliska ummadaha la gumeysto. Bal waa qadiyad ka culus oo dhex-mushaaxeysa loolan dowlado waaweyn iyo masaalix caalami ah. Islamarkaa waxaa inoo muuqanaya shiddada ay la iman karto haddii laysku deyo in qadiyadda la gees-furo. Sikastaba ha ahaatee, Soomaalidu kama eeyan hakan in ay ka gaabsadaan qadiyaddooda. Ladaadyada iyo laqanyada ay qadiyaddu ku haysay ayaa kallifayay in maamulka iyo dad-wynuhuba uu u guntado soo celinta gobolladaa la kala fur-furey.

Shantii ay duq wada foolatee duud ka wada uunmay

Eey kala duddeeyeen kufrigi gelin ku soo duulay

In mar leysku soo daro war hooy kulan ku daaweysta

Waagii  doorki Leegada  sidaas loogu dacal feytay

Kolkii labada daamoode hore duubni lagu keeney

Docahaan baneynee xoriyo  ugu damaashaadnay

Daruur curatay bay noo ahayd daa'in mahaddiiye

Kulanki loo dabaal-degay Dulley diirshe wadarteene (Yuusuf Maxamad Sugaal).

Waxaa isna jirey fadhi uu G/ Dhexe Mengistu kula kulmay danjirihii Kuuba ee fadhiyay Addis-abab Jose Peres Novoa. Fadhigaas oo dhacay 8/ 2- 1977-kii, ayuu Mengistu wuxuu dowladda Kuuba ku weydiistay hub iyo khubaro ciidameed. Waxaa xusid mudan in kulankaas uu dhacay iyada oo dowladdii Mengistu eeyan toddobaad dhisneyn. Danjiraha oo ka sheekeynaya kulankoodii ayaa wuxuu yiri :

Mengisgu wuxuu iga codsaday inaan Fidel Castro ka gaarsiiyo farriin af ah, taas oo ah dalab golaha sare ee ciidanka ay Kuuba weydiisanayaan in ay ka helaan khubaro tababara ciidamada maaleeshiyada Itoobiya iyo hub fudud. Isla codsigaas ayuu Mengistu ku sheegay in Mareekanku uu diiday in uu Itoobiya siiyo qalab dayac tira taangiyada. Waxaa kale oo uu joojiyay dayac-tirkii,  dhamaan wixii hub ahaa. Golaha sare ee ciidanku wuxuu filayaa, dhacdadii saddexdii febraweri darteed, in Mareekanku uu ku soo rogo cuna-qabateyn adag. .......................... . Mengistu wuxuu ku waramay in golaha ciidanku uu ku deyanayo tusaalaha Kuuba oo uu doonayo in uu ka dhiso guddiyo kacaanka difaaca wershadaha, hey’adaha iyo dhamaan tuulooyinka, kuwaas oo howl-galladoodu ay noqonayaan kuwo garabka ku haya qeybaha ciidanka maaleeshiyada ah. ......................... ”.  (TOP SECRET, Copy No. 2 From yhe diary of “ 30 ” Issue No. 129. RECORD OF CONVERSATION With the Ambassador of Cuba in Ethiopia Jose Peres Novoa 10 February 1977).

 

Falalka ciidamada jabhadaha Soomaali Galbeed iyo Soomaali Abboo, ay ka wadeen Ogaadeenya, wuxuu mar walba kordhinayay heer-kulka ay la caga-gubyoonayeen maamulka ka jirey Itoobiya.  Waxaa arintaas la xoogoobayay oo garab socday dhaqaaqilyada diblomaasiyadeed oo dowladaha hanti-wadaagga ahi ay ka ergeynayeen Itoobiya. Teedii ugu humbulsanayd waxay ahayd kulankii lagu magacaabay Fadhigii Xiddigta Cas. Sababta uu magacan ula baxay waxay ahayd iyada oo fadhiga ay daneynayeen shan dowladood oo hanti-wadaag ah. Kuwaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Itoobiya, Yamanta Koonfureed, Kuuba iyo Midowga Soofyeeti. Ninka ka danbeeyay abaabulka risaaladii fadhigan, wuxuu ahaa madaxweynaha Kuuba Fidel Casstro, kaas oo isu xil-saaray in uu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Isaga oo maamuus kaga doonayay dowladihii hanti-wadaagga ahaa, ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd in uu badbaadiyo dowladda Itoobiya iyo aragtida hanti-wadaagga ah ee ka taabba-gashay degaanka.

 Hoggaamiyaha dowladda Kuuba ayaa markaas isa soo qamaamay isaga oo adeegsanaya khibraddiisa diblomaasiyadeed iyo magaciisa hanaqaadka noqday. Waxaase jirtay in uu ka dhacsanaa, in qadiyadda qowmiyadeed iyo midda caqiido ay Soomaalidu u yihiin kuwo uga hilan culus aragtida hanti-wadaagga ah oo ay sheeganayeen. Labadii maalmood oo ay taariikhdu ahayd 13 iyo 14 ee bishii maarso 1977-kii ayaa Fidel Castro, uu booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Xamar. Wuxuu hor kacayay wafdi sare ee ka socday xisbiga shuuciga ah ee Kuuba. Waxaa kamid ahaa Rafael Carlos, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes. Galabtii ay wafdigu yimaadeen, waxay madaxdii Soomaalida isku arkeen casho-sharaf lagu martiqaaday xubnihii wafdiga. Fidel Castro, wuxuu halkaas ka sheegay sida ay isaga la ahayd, muuqaalka uu filayay in kacaanka Soomaaliyeed uu leeyahay. Madaxweyne Maxamad Siyaad ayaa ugu jawaabay in kacaanka Soomaaliyeed uu qaatey isbeddel koritaan ah (evalution). Habeenkaas wax wada-hadal ah ma dhicin.

 Maalintii labaad, waxaa wafdigii loo sameeyay barnaamij buuxa oo ay kamid ahayd booqasho ay ku tageen xeradii guulwadayaasha, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil Kuubaan ah oo kamid ahaa macallimiintii tababarrada bixinayay. Waxaa kale oo ay booqdeen dugsigii beeraha ee Afgooye iyo dugsiyo ay leeyihiin caruur reer miyi ah. Barnaamijkaas oo afar saacadood qaatay, waxaa xigay qado sharaf. Casarkiina wafdigii waxaa la geeyay garoonkii kubbad cagta ee la oran jirey Banaadir. F. Castro, oo isagu jeclaa in uu helo fadhi rasmi ah oo ay madaxda Soomaaliyeed isku wareystaan ayaa barnaamijyada loo sameeyay wuxuu u qaatay wakhti lumis iyo in aanan diyaar loo ahayn hadakiisa.  

Markii la gaaray xilligii nasashada (15-ka mirir) oo labada kooxood ay garoonka isku weydaaranayeen ayaa Madaxweyne Maxamad Siyaad, wuxuu bilaabay in uu inta istaago uu hadal gaaban u jeediyo dad-weynihii garoonka isugu yimid. Madaxweynaha ayaa hadalkiisii ku soo gunaanaday in uu cod-baahiyaha ku soo dhoweeyo madaxa wafdiga Kuuba. Dabadeed hoggaamiyihii Kuuba F. Castro ayaa bilaabay in uu dadkii u jeediyo khudbad lagu kediyay oo  uusan diyaar u ahayn. Hadalkiisa oo la turjumayay ayuu wuxuu ku bilowday weerar iyo gees-gelin uu ku qaaday siyaasadda dowladaha bariga-dhexe ee u adeegaya imberiyaaliyadda caalamiga ah. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay taliska boqortooyada Sacuudiga iyo kuwa la xulufada ah oo uu ku sheegay dib u-socod. Fidel Castro oo goor danbe,  socdaalkiisii iyo wuxuu kala kulmay, uga waramaya hoggaamiyihii Jarmalka Bari Eric Honecker, ayaa wuxuu sheegay sidan :  

Khudbaddii aan u jeediyay dad-weynaha waxaan kaga hadlay siyaasadda imberiyaaliyadda ee ku wajahan bariga-dhexe, roolka dib u socodka ah oo bqortooyada Sacuudigu ay ka qaadato iyo falalka xoogagga dib u

socodka ah. Anigu waxaan markaa ogsoonaa in ay jidhay in la ictibaar siiyo in dalku uu u janjeero xiriirka qotada dheer oo ay labada dal leeyihiin (waa Soomaaliya iyo Sacuudiga). Waxaa kale oo aan ka hadlay halganka PLO (Ururka Gobanimo-doonka ee Falastiin) ee hor u socodka ah iyo kacaanka jasaa’ir, kacaanka Liibiya iyo maamulka Musambiik. Waxaan ka hadkay sida imberiyaaliyaddu ay u doonayaan in ay gooni ka yeelaan hannaanka hor u socodka ah eek ala danbeynta ku dhisan ee Itoobiya .  (Minutes of Conversation between Comrade Erich Honecker and Comrade Fidel Castro. House of the Central Committee. Sunday, 3 April 1977).    

Inkasta oo F. Castro uu qiimo u yeelay khudbaddiisii, misana xaqiiqadu waxay ahayd in dad-weynihii halkaa isugu soo baxay ay ku oryeen markii uu dhameeyay hadalka. Sababtuna waxay ahayd, hadalkiisii buu wuxuu ku soo gunaanaday ooraahda ah (vivo la revoluzione Somala, vivo la revoluzione Ethiopia). Dad-weynihii ku sugnaa garoonka ayaa markii ay maqleen ha noolaado kacaanka Itoobiya, mar keliya bilaabay qeylo iyo sawaxan ay ku muujinayaan sida xooggan oo ay uga soo horjeedaan aragtida uu F. Castro doonayo in uu iibiyo. Casho sharaf nabeenkaas loo sameeyay wafdiga ayaa waxaa ka soo qryb galay Madaxweyne Maxamad Siyaad. Kulankii cashadaas ayaa waxaa ka bilawmay dood dhex-marta labada hoggaamiye. Dhamaadkii sheekada ayaa F. Castro wuxuu tilomaamay in Itoobiya uu ka hana-qaaday maamul hor u-socod ah. Maxamad Siyaad ayaa isna aragtidiisa ka dhiibtay in maamulkaas uu lamid yahay kii qeysarkii Ruushka. Castro oo ka sheekeynaya arintaas wuxuu yiri :

" Nadaamka Itoobiya ayuu wuxuu ku tilmaamay kii qeysarkii Ruushka, isaga oo oranaya Itoobiya waa nadaamka keliya ee ka haray xoogaggii gumeysiga ahaa. Wuxuu yiri : Mahadi ha gaadho Leenin, xikmaddiisii baa keentay in qeysarkii Ruushka uu libdho. Laakiin wuxuu ku nool yahay Itoobiya ". (Isla marjicii hore)   

Madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu u sheegay Castro in muddo ka hor uu Mengistu u soo bandhigay in labada dal ay wada dhistaan hannaan federaal ah ama ayba midoobaan. Inkasat oo eeyan Itoobiya wax jawaab ah ka bixin arintaas, misana weli diyaar baanu u nahay ayuu yiri Maxamad Siyaad. Castro ayaa markaas, sida uu sheegay, ka faa'iideystay hadalkaas oo tilmaamay in uu jecel yahay in uu Itoobiya booqdo maalinta maantaas xigta. Wuxuu Maxamad Siyaad su'aalay in uu doonayo in uu la kulmo Mengistu. Haa ayuu ugu jawaabay.

Saadiq  Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.