 |
|
Dr
Enow
|
Casharkii III-aad
Qeybtii danbe ee qarnigii 20-aad,
dhimbilihii uu dhaliyay dab-shidkii D. Q, ayaa si xoog
badan wuxuu u ololiyay qaaradda Afrika. Dowladaha ku dhaqan
qaaradaha Aasiya iyo Laatiin Ameerika, waxay madax-bannaanidooda
qaateen qarnigii 19-aad iyo horaankii qarnigii 20-aad.
Qarnigii tegay, sanadihiisii 50-aadkii, 60-aadkii iyo
70-aadkii, ummadaha ku jiray halgamada lagu dalbayay madax-bannaanida
siyaasadeed, waxay u badnaayeen qaaradda Afrika. Sanadkii
1960-kii, 17 dowladood oo Afrikaan ah ayaa ka xoroobay
maamulladii gumeysiga ee reer Yurub. Dowladaha madax-bannaanidooda
qaatay waxay ahaayeen Kamiruun, Toogo, Maali, Senigaal,
Madagaskar, Koongo Kinshasa, Soomaaliya, Beniin, Neyjer,
Burkina Faaso, Xeebta Foolka, Jaad, Bartamaha Afrika,
Koongo Braasifiil, Gaboon, Neyjeeriya, Mowritaaniya, Seraliyoon
iyo Tansaaniya.
Gobanimadaasi
waxay ahayd miro laga dhaxlay halgamo hubeysnaa oo dadyowga
Afrikaanka ah ay ku qaadeen maamulladii gumeysatadu ka
dhiseen Afrika. Jabhadaha caanka baxay waxaa kamid ahaa
jabhadihii Angoola (MPLA, FNLA iyo UNITA),
kacdoonkii dadka reer Jasaa;ir, jabhaddii Mosambiik(FRELIMO),
jabahddii Keenya ee MAU-MAU, halgankii xertii reer
Liibiya ee uu hoggaaminayay Shiikh Cumar Mukhtaar, ururkii
dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL). Waxaa xusid mudan
in kacdoonkii dadka reer Jasaa'ir uu ahaa midka uguna
wakhti dheeraa uguna khasaaro badnaa. Kacdoonkaas oo lagu
magacaabo kacaankii halka melyan oo shahiid ayaa wuxuu
socday muddadii u dhexaysay 1954 - 1962.
Madax-bannaanidii dabadeed, dadkii
ku noolaa qaaradda Afrika waxaa u bilaabatay nolol laba
weji leh. Weji wuxuu ahaa xoriyadda dabran iyo calamada
aan ciirsiga lahayn ee ka dul babanaya dhulalkoodii. Wejiga
kalena wuxuu ahaa barnaamijyada uu gumeysiga cusubi danihiisa
kaga fushanayay qaaradda xorta ah. Labadii xoog oo waaweynaa
ayaa markiiba bilaabay in ay ku tartamaan qaaradda iyo
hantideeda dabiiciga ah. Halka dhanka bari, ay aragtidii
shuuciyadda ahayd kaga soo fooftey Afrika, waxaa dhanka
galbeedka kaga yimi fara-gelin siyaasadeed oo ay ka danbeysay
dowladda Mareekanka. Howlihii siyaasadeed oo labadaa dowladood
ay ka wadeen dalalka cari-edeg ayaa waxay wal-wal gelisay
dowladihii reer Yurub oo horay u gumeystay qaaradda, gaar
ahaan Ingiriis iyo Faransiis. Arintaas ayaa sababtay
dhismihii ururka barwaaqo sooranka oo ay isku bahaysteen
dowladaha ku hadla afka Ingiriiska iyo ururka kale oo
ay isku bahaysteen kuwa ku hadla afka Faransiiska. Ururadaas
oo la asaasay bartamihii sanadihii 1960-aadkii ayaa ujeeddadoodu
ahayd in lagu ilaaliyo xiriirka siyaasad-hoosaadka ah
ee gumeysiga wejiga cusubi uu ka doonayay dowladihii ka
xoroobay. Waxaa kale oo ujeeddadu ahayd ilaalada danaha
dhaqan iyo kan dhaqaale oo ay dowladaha gumeysatada ah
ka leeyihiin dalalkii ay gumeysteen.
Waxaa
iyana jirtay ragaad culus oo ay gumeysatadu kaga tageen
qaaradda taas oo ahayd xudduudaha aanan dabiiciga ahayn
oo ay ku reebeen bulshooyinkii Afrikaanka ahaa. Xudduudahaas
oo loo xariiqay si ka fog danaha dadkii ku noolaa gobollada
qaaradda ayaa ka dhex abuuray dadkii Afrikaanka ahaa cimilo
colaadeed oo aanan horay u jirin. Waxaa tusaale wacan
loo soo qaadan karaa dalka Neyjeeriya oo ay ku nool yihiin
qabiilooyin ka badan 250, kuwaas oo mid waliba uu af gaar
ah leeyahay. Dalkaas ayaa gumeysatadu waxay uga tageen
dowlad hal meel laga maamulo. Taas ka soo hor-jeedkeeda
waa Soomaalida oo hal qabiil ah, isla markaasna dalkoodii
loo qeybiyay shan maamul oo kala duwan.
Haddaan
dib u noqono, guud ahaan, is maan-dhaafkii D. Q. uu reebay
sanadihii 1960-aadkii, maahayn kuwo ka shiddo yaraa kuwii
sanadihii 40-aadkii iyo 50-aadkii. Inkasta oo ummadaha
ku nool qaaradda Afrika ay ahaayeen kuwa ugu nasiibka
badnaa shiddooyinkii dagaalka, misana waxaa jiray meelo
kale oo taariikhda is-diidkan uu si xoog badan uga muuqdey.
Muran ka dhashay gantaallo ay Soofyeetigu ka qotomiyeen
jasiiradda Kuuba, ayaa lagu tilmaami karaa qadiyadda ugu
hilan cuslayd is-diidkii labada dowladood ee waaweyn.
Shakhsiyaddii
madaxweynihii Mareekanka Jhon Fitzgerald Kennedy iyo isla-weyni heshay hoggaamiyihii Soofyeetiga
Nikita Khrushchev,
ayaa qeyb ka qaatay khilaafkaas. Madaxweyne J. F. Kennedy wuxuu doorashada
ku soo galay in uu wax ka qabanayo maamulka Shuuciga ah
oo ka abuurmay Kuuba. Waxaa xusid mudan, Kacaankii
ka dhashay dalka Kuuba in uu markiiba bilaabay in uu xiriir
dhaqaale iyo mid siyaasadeedba la yeesho dowladaha Shuuciga
ah oo uu Soofyeetigu ugu weyn yahay. Isla markaasna uu
mowqif colaadeed ka is-taago dowladaha reer galbeedka
ee uu Mareekanka ugu horeeyo.
Dhanka
kale waxaa jiray arimo Soofyeetiga ku abuuray isla-weyni.
Waxaa ugu weynaa mashruuc ay aad u qariyeen oo ahaa tijaabooyin
gantaallo loo diro hawadaa sare (Cosmos). Taas
oo ku biya-shubatay gantaalkii ay direen 12/ 4- 1961-kii,
ee uu la socday cir-mareen la yiraahdo Yuri Gagarin. Isla markaas madaxdii
Soofyeetiga waxay arkayeen hirarkii gobanimo-doonka
ahaa oo ka socday qaaradihii dadkooda la gumaysanayay.
Sidaa darteed ayaa Soofyeetigu ay is tusiyeen in xilligii
hanti-goosigu uu mugdi sii gelayo.
Khilaafka
Kuuba wuxuu si muuqata u bilowday 27/ 10- 1960-kii, markaas
oo dayuurad kuwa wax basaasa ay Kuubaanku ka soo rideen
Mareekanka. Waxaa dayuuradda la socday sarkaal duuliye
ahaa oo magaciisa la oran jiray Rudolf Anderson Rr. Sarkaalkaas oo ahaa ninka keliya oo dhintay
ayaa geeridiisii waxay sababtay in saacado dabadeed ay
dunidu ku sigatay in uu ka qarxo dagaal leysu adeegsado
hubka halista ah.
Inkasta
oo arinkaa laga heshiiyay misana waxaa khilaafkii uu soo
laba-kacleeyay bishii abriik 1962-kii, markaas oo Mareekanku
uu Kuuba u diray dayuurad kamid ah kuwa wax basaasa jaadka
U-2. Socdaalkii ugu horeeyay waxay soo qabatay sawiro
labo gantaal oo ah kuwa tiirada dhexe oo Soofyeetigu ay
ku rakibeen gobolka San Cristobal ee koonfurta jasiiradda Kuuba.
Markii la hubsaday xaaladda gantaallada
halkaas ku rakiban, Mareekanku wuxuu diyaariyay hubkiisii
halista ahaa oo ay ku rakibeen gantaallada tiirada dhexe
iyo dayuuradaha B-52. Heeganka dalka la geliyay ayaa wuxuu
gaaray meeshii ugu sareysay muddadii uu socday Dagaalkii
Qaboobaa. Dad-weynihii Mareekanka ayaa waxay ku yaaceen
dukaamadii si ay u iibsadaan raashin keyd ah. Magaalooyinka
Berliin iyo Moosko ayaa waxay ahaayeen meelo dadku aad
u kacsanaayeen. Kuuba iyadu ciidamadii ayay heegan gelisay.
Waddooyinkii waaweynaa waxay dhamaantood ku aastay miinooyin
iyo waxyaabaha qarxa.
Inkasta
oo hoggaamiyaha Kuuba Fiedel
Castro uu Soofyeetiga
ka codsaday in ay Mareekanka la dhacaan gantaallo badan
oo xambaarsan hubka sida baŽan wax u laaya, misana hoggaamiyihii
Soofyeetiga, Nikita
Khrushchev marna
ma uusan ku tala-gelin in uu Mareekanka la galo dagaal
leysu adeegsado hubka halista ah. Waayo Mareekanku wuxuu
awood u lahaa in uu saacado ku burburiyo Kuuba iyo hubka
yaal. Madaxweynaha Mareekanka J.
F. Kennedy,
qudhiisu, isaga oo dareensan khatarta ay leedahay
hubkan halista ah oo Soofyeetigu hoosta kala soo galeen,
misana diyaar uma uusan ahayn in uu muranka gaarsiiyo
in laysu adeegsado hubka halista ah. Arinkii wuxuu qaboobay
markii ay xiriir hoose yeesheen labadii dowladood oo uu
muranku ka dhexeeyay. Sheekadiina waxay ku qabowday markii
uu Soofyeetigu ogolaaday in uu dib ula laabto gantaalladii
uu Kuuba ku rakibay. Mareekanka ayaa arintaas ku iibsaday
in uu isaguna dib u soo ceshado gantaallo uu ku rakibay
dalka Turkiya.
Isla sanadkii 1961-kii, waxaa abuurmay
ururka dowladaha dhex-dhexaadka ah None-Aligned Movement.
Arintaasi ayaa waxay daba socotay fadhi lagu qabtay degmada
Gomandum ee dalka Indooniisiya sanadkii 1955-kii. Fadhigaas
hore waxay ujeeddadiisu ahayd in la dhameystiro madax-bannaanida
ay qaateen dowladaha qaaradda Aasiya, gaar ahaan gobolka
Indo-shiina. Waxaa halkaa ka dhashay aragtidii lagu asaasay
is-bahaysiga dowladaha dhex-dhexaadka ah. Aragtidu waxay
si buuxda u hirgashay bishii sebtember 1961-kii, markaas
oo magaalada Belgraad ay isugu yimaadeen 25 dowladood
oo madax-bannaan. Halkaas ayuu Marshall Tito, madaxweynihii Yugoslaafiya, ka sheegay
khatarta uu dunida ku hayo hubka ay ku tartamayaan dalalka
Midowga Soofyeeti iyo Mareekanka. Madaxda arintaas wax
ka hirgeliyay ayaa waxaa kamid ahaa ra'iisul-wasaarihii
Hindiya Jawaharlala Nehru, madaxweynihii Indooneesiya Ahmed Sukarno iyo madaxweynihii Masar Jamaal Cabdi Naasir.
Fadhigii
labaad oo ururku lahaa waxaa lagu qabtay magaalada Qaahira.
Waxaa ka soo qeyb galay 47 dowladood oo madax-bannaan,
kuwaas oo ka dambeeyay in ururku hanaqaado. Dowladaha
ururkan ayaa intooda badan waxay madax-bannaani ka qaateen
dowladihii gumeysatada ahaa ee Yurubta galbeed. Sidaa
darteed baa sanooyinkaas hore, ururku waxay muujiyeen
siyaasad ka dhan ah damaca reer galbeedka. Waxaase jirtay
in ay si xor ah u tallaabsan waayeen, waayo madax-bannaanida
ay qaateen maaheyn mid buuxda. Dhaqaale iyo dhaqan ahaan
waxay ku xirnaayeen dowladihii gumeysatada ahaa. Taasi
waxay is hor taagtay in ururku uu noqdo mid si madax-bannaan
uga shaqeeya arimaha murugsan ee la xiriira dhaqaalaha
cari-edeg (global economic problems).
Waa socotaa....
Gadaal
ugu noqo casharada
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
|