Dhowr iyo toban cisho horteed
intaanan dagaalka la qaadin, waxaa jirey
darajooyin loo qeybiyay qaar kamid ahaa
saraakiishii XDS. Dalku wuxuu xilligaas lahaa 29
sarkaal oo darajadoodu tahay Gaashaanle Dhexe.
13 kamid ah raggaas ayaa la gaarsiiyay
Gaashaanle Sare. Waxaa raggaas kamid ahaa
G/ S. Maxamad Nuur Galaal,
G/ S. Maxamad Shiikh
Cismaan Cirro, G/
S. Maxamad Cali Abokor,
G/ S. Cabdi Cismaan
Shaalle. Madashii lagu bixinayay
dallacaadda ayaa ragga ka hadlay waxaa kamid
ahaa Maxamad Cali Abokor.
Isagu wuxuu yiri :
'' Dallacaad baanu qaadanay
aanan garanayn sababta naloo dallacsiiyay.
Dagaal baanu u soconnaa, dagaalkuna waa meel
raggu ay ku qeybsadaan naf iyo geeri. Haddaba
ujeeddada dallacaaddan ma in laysku kaaya diraa
la doonayaa oo aanu isu niyad xumaanno. Maase
laynala sugo inta uu dagaalka bilaabanayo, si
markaas loo ogaado kaayagii xaqa u leh in uu
qaato darajada ''. (Wareysi
aanu ka soo xiganay Jeneraal Maxamad Cali Abokor.
29/ 8- 2004. Minnesota - USA).
Jeneraal Maxamad Cali Samantar
oo ahaa sarkaalka darajada bixinayay ayaa
markaas intuu qoslay yiri :
Hortaa ma aanan
arag nin darajo la siiyay oo diidaya ee
bal qaado darajadan. Ragga
kalena waa la siin doonaa. Taliska ciidanka
Soomaalida, waxaa markaas u muuqday, mar haddii
dagaal la galo, in loo baahanayo ciidan badan.
Sidaa darteed waxay sii diyaarinayeen
saraakiishii wax ka maamuli lahaa hoggaanka sare
ee ciidankaas.
Dowladdii Soomaaliyeed waxay
qaadatay go'aan taariikhi ah, kaas oo ka
turjumaya qadiyadda ay umaddu xambaarsanayd.
Qadiyad uu askari iyo sarkaal waliba u qaatay
lebiska ciidameed. Qadiyad hooyo waliba oo
Soomaaliyeed ay ku habtay caruurteeda. Arimaha
lagu mataaneeyo go'aan-qaadashada dagaalka waa
meeshooda. Laakiin waxaanan shaki ku jirin in
qodobka ugu molgaha culus ee sababay weerarka uu
ahaa muhashada ay umaddu u haysay xoreynta
gobolka. Khaladaadka ka yimaada istraateejiyada
jaangooyada dagaallada, waa arin laga casharo
qaato oo facaha danbe anfaca, ee maahan in uu
noqdo mid qarannimadii bur-buriya. Taasina waa
mid meesheeda iyo xisaabtankeeda leh.
Saraakiisha Itoobiya u talinayay
ayaa iyagu waxaa u caddaa weerarka ay Soomaalida
la damacsan yihiin in ay ku soo qaadaan gobolka
Ogaadeenya. Waxaa u muuqatay in weerarkaas uu ka
iman doono laba aag midkood. Xadka waqooyi ama
xadka koonfur-bari ayaa waxay ahaayeen labada
meelood oo cabsidu ka haysay. Laakiin waxaa ku
adkaatay in ay ogaadaan halka uu qabsan doono
danshidka weerarka hor. Waxaan shaki ku jirin in
weerarka ay Soomaalidu ku qaadaan xuduudda
waqooyi uu noqonayo mid ka milga culus kan lagu
qaado xuduudda koonfur-bari ee Itoobiya. Waayo,
waqooyiga waxaa ka dhow magaalooyinka ugu
waaweyn gobolka. Degmada Harar waxay u jidhaa
Hargeysa 270 km (169 m.) oo qura. Waxaa taa uga
dhow degmada Jigjiga oo iyadu ah midda Harar ku
xidha degmooyinka gobolka. Saraakiisha Itoobiya,
waxay qiimeeyeen, tayada uu itraateejiyada
dagaalka u leeyahay degaanka ku aaddan xuduudda
waqooyi ee Soomaaliya. Haddii magaalooyinkan ay
gacanta u galaan Soomaalida, markaas waxaa u
sahal noqonaya in ay xalaashadaan Ogaadeenya
inteeda kale. Sidaa darteed baa madaxdii
Itoobiya, waxay mala-awaaleen in weerarka
Soomaalida uu noqonayo mid ku soo hor-mara aagga
Harar iyo Jigjiga. Haddaba si ay u difaacaan
halkaas, waxay dhigeen xoog adag oo isugu jira
rag iyo qalab. Ciidanka halkaas ay fariisiyeen
waxaa kamid ahaa guuto dhan oo tekniko ku socota
mechanized brigade. (The
Ethiopia-Somalia War of 1977 Revisited. The
International Journal of African Historical
Study. Vol. 33. No. 3 -2000- 643).
Saraakiisha Soomaalida ayaa
dhankooda waxaa u muuqday xoogga Itoobiya ay
fadhiisisay xadka waqooyi. Sidaa darteed
weerarkooda hore waa ay ka fogaadeen in ay
dhankaas abbaaraan. Waxay doorteen in xoogga
weerarkooda ay saaraan xuduudda koonfureed iyo
kuwa gobollada dhexe. Saddex qodob ayaa la
tilmaamaa in ay sidaas u doorteen. Mid wuxuu
yahay, marka lays barbar-dhigo aagagga
koonfureed iyo kuwa waqooyi, waxaa sahlan
aagagga koonfureed. Midda labaad waxay tahay,
keydka ciidameed iyo midka rasaas ee Soomaaliya,
xooggiisu wuxuu yiil koonfur. Sidaa darteed,
dagaalka lagu qaado xuduudda koonfureed waxaa u
sahlan taakulada la gaarsiinayo. Qodobka
saddexaad wuxuu ahaa, dhulka ballaaran oo ay ku
fadhiyaan degmooyinka soke oo ku yaal gobolka
Ogaadeenya. Taasi waxay saamaxaysaa, haddii
Soomaalidu ay si kedis ah u qabsadaan
degmooyinkan, waxaa Itoobiya ku adkaanaya in
ciidamadeedu ay isu soo gurmadaan. Sidaas baa
hoggaankii ciidamada Soomaaliyeed, waxay is-tusiyeen
in weerarka bilowga ah ay la beegsadaan xadka ku
beegan koonfurta iyo midka ku beegan gobollada
dhexe. (Isla
marjicii hore).
Sida uu xusay nin kamid ah ragga
ka faallooday istraateejiyada dagaalkan, marka
la eego kaydka rasaasta iyo shidaalka oo
Soomaalida u yiil, madaxdii caynaanka u hayay
talada dalka, waxay qorshahooda ku jaangooyeen
muddada weerarka lix bilood. Muddadaas waxay ugu
tala-galeen in ay dhaawac lixaad leh u geystaan
ciidamada Itoobiya. Islamarkaasna ay ka soo
ceshadaan dhamaan dhulka ay Itoobiya ka haysatay
Soomaaliya. Inkasta oo ay ku guuleysteen qeyb
kamid ah qorshahoodii, misana waxaa muuqatay
jaangooyada khaldan oo ay ka qaateen difaaca
Itoobiya u fadhiya degaanka iyo xiriirka uu
dalkaasi la leeyahay dowladaha carri-edeg. (Isla
marjicii hore).
7/ 7- 1977-kii, waxaa bilowday
dagaalkii ay ciidamada Soomaaliyeed sida tooska
ah uga qeyb-qaatee. Taariikhdaas waa markay
bilaabatay xabaddii ugu horeysay oo ay ridaan
guutooyinkan afarta ah. Dagaalkaas oo guushiisa
iyo guul-darradiisa lagu muransan yahay, ayaa
waxaa bilaabay afar guuto oo meelo kala duwan ka
baxay. Iyagu waxay weerareen afar saldhig oo
ciidamada Itoobiya ay ku la haayeen degaanka.
'' Afar magaalo ayaa
habeenkaas la weeraray. Iyagu wacay ahaayeen
Godey, Wardheer, Qabri-daharre iyo Dhagax-buur.
Dagaalladii danbe, waxay ahaayeen dhameystir
howshii habeenkaas bilaabatay. Sida la ogsoon
yahay, dagaal kasta wuxuu leeyahay bilow iyo
dhamaad. Haddii goor dhexe uu khasaaro ama
dhaawac yimaado, meeshii bannaanaata waa la
buuxiyaa. Si aanan loo hakan qalab iyo ciidan
baa lagu gufeeyaa goldaloollada soo baxa.
Qorshaha guud waa meel. In degaan gaar ah la
qabtaana waa meel ''.
(Wareysi
aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Cali Samantar.
9/5- 2004. Philadelphia - USA ).
Halkaas baa waxaa ku bilowday
dagaalkii weynaa oo ay ciidamada labada
dowladood si toos ah wejiga isu saareen. Marka
laga reebo dagaalladii ka dhacay lama degaanka
Siinay, dagaalkani wuxuu ahaa midkii ugu weynaa
ee qaaradda Afrika gudaheeda ka qarxa. Xanuunkii
ay dhimbilihiisu siteen waxaa laga dareemay
dalal ka baxsan qaaraddan Madow. Natiijooyinka
laga dhaxlayay fagaaraha uu dagaalku ka socday,
xurguftii dagaalkii qaboobaa iyo xiriirka uu
dagaalku la lahaa dowladaha carri-edeg ayaa
xiisad gaar ah u yeelayay dagaalkan.
Marxaladdii labaad ee Dagaalkii
Ogaadeenya, markaas ayay bilaabay. Cuntubyo ka
tirsan ciidamada Soomaaliyeed ayaa la amray in
ay weerarar la beegsadaan meelo kamid ah
fariisimaha ciidamada Itoobiya. Afar guuto ayaa
judhii horeba ku nuuxsaday amarkii ka yimid
hoggaankii howlgalka dagaalka, kuwaas oo xilli
isku waqti ah ka tallaabay xuduudda. Guuto lagu
ururiyay Xuddur oo uu hoggaaminayo
G/ Dh. Axmad Teerso,
waxay wejiga saareen degmada Godey. Guuto lagu
ururiyay tuulada Guri-ceel oo uu hoggaaminayay
Gaashaanle Faarax Sugulle,
waxay wejiga saareen War-dheer. Guuto fadhigeedu
ahaa Dhuusa-mareeb oo uu hoggaaminayay
Gaashaanle Ibraahin
Shan-fool, waxay u kaceen magaalada
Qabri-daharre. Guuto fadhiday Burco oo uu
hoggaaminayay G/ Dh. Cali
Xuseen, iyaguna waxay aadeen Dhagax-buur.
Guuto waliba oo kamid ah
ciidamadaas baxay waxay ahaayeen isku-dhaf
ciidamadii Soomaaliya. Waxay isugu jireen XD,
Biliis, Daraawiish, Ciidanka Asluubta iyo ciidan
jabhad ah. Lebiska ciidanku wuxuu ahaa kii
jabhadda, islamarkaa hubka ay siteen wuxuu ahaa
qoryihii AK-ga ahaa oo ay ciidamada jabhaddu ku
dagaalamayeen. Waxaa halkaas ka muuqda in
madaxdii Soomaaliyeed oo markaas ka talisay
qorshaha weerarkan, ay dhayalsadeen milgaha uu
ku fadhiyo aagagga difaaca ciidanka cadowga.
Galabnimadii, ciidanka inteeyan dhaqaaqin ayaa
mid waliba dhankiisa uu ka dirsaday sahamo dhowr
ah, si ay u indha-indheeyaan degaanka. Fiidkii
markii ay soo laabteen ayay bilaabeen
socodkoodii.
Xilligaas ma jirin wax
dhaqdhaqaaq ah oo ciidanka Itoobiya ay ka wadeen
jiidda hore ee ku aaddan meelaha ay ciidamada
Soomaaliya soo marayaan. Weeraradii hore ee
jabhaduhu galeen ayaa ciidamadii Itoobiya ka
dhigay kuwo curyaan ah oo ku urursan goobo
xaddidan. Meelaha ay u joogeen ilaaladana,
ciidamo sahan ah ayaa la kor fadhiisiyay si
looga foojignaado in ay ogaadaan socodka
ciidanka. Guutooyinkii Soomaaliyeed, fiidnimadii
ayay dhaqaaqeen, iyaga oo saaran baabuuro
nalalka ay ka dansanaayeen. Meelo dhexe ayaa
ciidankii lagu daadiyay. Dabadeed ciidan waliba
wuxuu ku foofay bartii uu ka weerari lahaa
cadowga.
Casarkaas sahanka la dirayo,
G/ S. Maxamad Nuur Galaal
ayaa wuxuu la soo hadlay
Axmad Shiikh oo ahaa taliyihii guutada
Duufaan. Wuxuu u sheegay in ciidan uu ku soo
wajahan yahay magaalada Godey. Si gaar ah ayuu
uga codsaday in jabhaddu gacan ka geysato
howlaha ciidameed ee halkaas laga fulinayo.
Galaal wuxuu
sarkaalkan ka qariyay magaca sarkaalka
hoggaaminaya guutada soo baxaysa. Waxaa xusid
mudan in guutada uu Axmad
Shiikh taliyaha ka yahay ay tahay midda
ka howl-geleysay aagagga ay ku fadhiyaan afarta
degmo oo Soomaalidu ay la beegsadeen
weerarkoodii ugu horeeyay. Marka laga beeg qaato
xaaladda, madaxdii jabhadda waxaa u muuqday,
go'aankan dowladda Soomaaliyeed ay gaadhay in uu
yahay mid aanan si wanaagsan looga fiirsan.
Laakiin maadaama eeyan waxba ka qaban karin,
waxay guddoonsadeen in ay si daacad ah ula
shaqeeyaan ciidamada Soomaaliyeed.
Axmad Shiikh oo
arintan inooga waramaya wuxuu yiri :
'' Amarkii nala siiyay
waxaanu gaarsiinay fariisimihii ay taararka inoo
yiileen. Aniga iyo labadii sarkaal oo ergada
ahaa, waxaanu aadnay Godey. Waxaan sii
kaxeysanay gaari noociisu yahay Land-Rover oo
aanu ka qabsanay ciidamada Itoobiya. Waxaa kale
oo horey inoo sii raacay gaari weyn oo ciidan
jabhadda ahi saaran yihiin. Kaas oo qudhiisu
aanu ka qabsanay ciidamada Itoobiya. Markii aan
tegay aagga Godey, Galaal
baa taar ii soo direy. Wuxuu ii sheegay
in ay soo baxayaan ciidan uu ku magacaabay
Kaargoo, kuwaas oo Godey ku soo jeeda. Waa in
gacan aad siisaan ayuu nagu yiri ''. (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/
7- 2003).
Ciidamada Soomaaliyeed ee
weerarka qaaday iyo saraakiishooduba waxba ma
eeyan hagran in ay ka lib keenaan dagaalka.
Laakiin waxaa ka hor yimid caabbis adag oo lama
filaan ku noqday howl-galkii ay fulinayeen.
Tusaale wanaagsan waxaa ahayd weerarkii ay
qaadeen guutadii aaday Godey, taas oo la
kulantay culeyskii ugu weynaa ee afarta guuto
hela. Magaalada Godey ayaa waxay tahay mid cusub,
oo waxaa curiyay boqor
Xayle Selaesse sanadkii 1964-kii.
Ujeeddadu waxay ahayd in ciidamadiisu ay ka
ishaa-falateystaan dhaqdhaqaaqyada jabhadda.
Itoobiyaanku waxay sheegaan in magaalada loo
dhisay dejinta iyo hor u marinta bulshada reer
guuraaga ah ee degaanka ku dhaqan. Waxay
sheegaan, hal-abuurkii magaalada Godey in ay
ahayd mashruuc tijaabo ah oo lagu doonayay sidii
loo reer-magaalayn lahaa reer guuraaga
Soomaaliyeed. In arinku uusan sidaas ahayn waxaa
u markhaati ah, meesha iyo qaab dhismeedka loo
doortay magaalada. Magaaladu waxay leedahay gegi
dayuuradeed oo weyn, islamarkaas malahan waddo
qura oo ku xiriirisa degmooyinka kale ee gobolka.
Waxay leedahay laba qasri oo waaweyn oo boqorku
leeyahay, islamarkaas malahayn hal dugsi hoosaad
oo ay caruurtu wax ku bartaan. Waxay lahayd
saldhigyo ay ku hoydaan ciidamada, islamarkaas
malahayn xarun caafimaad.
Jeneraal Cabdullaahi Axmad (Cirro)
oo hoggaaminayay ciidankii labaad ee qabtay
magaalada ayaa inooga waramay dabiicadda uu
leeyahay dhulka ay magaalada ku taal. Isagu
wuxuu inoo sheegay sidan :
'' Dhulku waa baali,
dhinacyada waxaa kaga weegaaran buuro dhaadheer.
Buurahaas waxaa dhex-mara webiga Shabeelle. Si
magaalada loo gaaro, waxaa laga gudbaa kaabad (buundo)
ku taal meel magaalada ka sokeysa. Ilaalo culus
baa halkaas joogtay. Intaanan magaalada la
gaarin waxaa la marayaa dhul bannaan oo 18 km.
gaaraya. Dabadeed meel webiga ka sokeysa baa
waxaad ugu tegaysaa dhul dhir leh oo howd ah.
Magaalada, webiga dhankiisa kale ayay cabbaar u
jidhaa. Waxay u dhisan tahay hab istraateeji ah.
Waxay u dhexeysaa toddoba buurood, kuwaas oo ah
difaac dabiici ah. Buurta u danbeysa, dusheeda
waxaa ka dhisan laba qasri oo uu lahaa boqor
Xayle Selaesse.
Buur kale waxay ku taal garoonka dayuuradaha
oogadiisa. Buur waxaa saarnaa ciidan kumaandoos
ah. Buur kale waxaa saarnaa ciidanka sancada.
........................... ''. (Wareysi
aanu ka soo xiganay Jeneraal Cabdullaahi Axmad
Cirro. 16/ 6- 2003-dii. Columbus. USA).
G/ Dh. Cabdullaahi Axmad
(
Cirro) oo ahaa
taliye xigeenkii qeybta ayaa ciidanka la joogay
galabta ay baxayeen.
Axmad
Teerso oo ay saaxiib ahaayeen ayaa ka
codsaday in uu u yimaado oo ay isa sagootiyaan.
Iyagu waxay ahaayeen saaxiibo tan iyo
ardeynimadoodii.
''
Axmada Teerso, toddoba sano ayaanu isku
fasal ahayn, oo si gaar ah baanu saaxiib u ahayn.
Isaga ayaa iga codsaday inaan u tago si aan u
sagootiyo. Waxaan ugu tegey meel la yiraahdo
Shimbiraale oo u dhow degmada Ceel-barde.
Habeenkaas waanu wada joognay. Waaberigii markii
ay xuduudda ka tallaabeen baan ka soo laabtay.
Fiidkii danbe buu taar igula soo hadlay. Wuxuu i
wareystay xaaladda aagaggii kale. Waxaan u
sheegay in wax waliba ay diyaar yihiin oo isaga
uun la sugayo in uu dagaalka bilaabo ''. (Isla
marjicii hore).
Haddaan cadawga soo dheelmadka
ah la iska dhooroofin
Dhexda maalintuu kaa galee dhagarna kuu geysto
Dhirif iyo cabaad sida runta ah kaama dhiciyaane
Dharbaaxadu intay kaa fogtee soo dhabbacanayso
Lama dhagabsadee waa inaad dhab u dareentaaye
Markaasaa dhengado loo gurtaa dhaax la diriraaye
Oo dhawrta lays kaga gudbaa dhacamo waaweyne
(Dhoodaan)
Saadiq Enow