Tan
iyo markii ay ciidamada jabhadda WSLF, weerarka
ku bilaabeen xarumihii ay fadhiyeen ciidamadii
Itoobiya iyo gaadiidkii u siday sahayda, abriil
ayaa waxay ahayd bishii ugu mashaqada badnayd,
marka la eego kuleylkii dagaalka. Dagaalladaas,
waxaa laga dhaxlay in jabhaddu ay gacanta ku dhigto
dhul baaxad weyn iyo degmooyin leh ahmiyad istraateejiyadeed.
Dhacdadii ay ku gacan-wareegtay Sagag, bartamihii
bishaas, waxay sahashay in lala wareego maamulkii,
dhamaan degmooyinka la deriska ah magaalada. Isla-dhacdadaas,
waxay bannaanka u soo saartay laba arimood oo
ku-joogsi mudan, marka laga sheekeynayo taariikhda
dagaalkan. Mid wuxuu ahaa wal-walka xooggan oo
ku abuurmay hoggaankii Itoobiya, kaddib markii
ay u caddaatay naf ku-reebka ay Soomaalidu ku
doonayaan qadiyaddan ku soo maaxday. Midda kale
waa dulaaleetiyada siyaasadeed ee ka muuqday maamulkii
Soomaaliya, gaar ahaan dibin-daabyadii wehelisay
tab-maamulkii lagu hagayay gulufka colaadeed ee
lagu doonayay madax-bannaanida gobolka.
Haddii
aanu midda hore ku hor-marno, maamulka Addis-baba
xilligaas uma uusan taag hayn in uu caabiyo ciidamada
naftooda-hurayaasha ah ee ku dirirayay magaca
jabhadda Soomaali Galbeed. Sidaa darteed wuxuu
qorsheystay in uu wax ka beddelo dhaqankiisii
siyaasadeed. Tallaabooyinka la xusi karo oo maamulka
Itoobiya uu xilligaas qaaday waxaa ugu hilan cuslaa
xafiiskii danjiraha Mareekanka oo uu irridaha
u ooday. Arintaasi oo ahayd fal uu ku xod-xodanayay
dowladihii hanti-wadaagga ahaa, gaar ahaan Midowga
Soofyeeti ayaa waxay dhacday markay taariikhdu
ahayd 23-kii bishii abriil, sanadkii 1977-kii.
Nadaamka Addis-ababa wuxuu markaas u ban-baxay
in uu ama bur-buro ama dowladihii reer bariga
ahaa uu ka helo kaalmo wax ku-ool ah. Dowladdii
Mareekanka, iyaga oo ka jawaabaya tallaabada xiriir
goosashada ah oo ay dowladdii Itoobiya qaaday,
toddobaad kabacdi waxay hakisay kaalmooyinkii
ciidameed oo ay Itoobiya siin jirtay. Waxay joojisay
qalab diyaar ahaa oo ku socday Itoobiya, kaas
oo lagu qiimeeyay 100 melyan oo doollar. Qalabkan
oo u badnaa dayac-tir ayaa wuxuu diyaar u ahaa
in bil gudaheed lagu soo raro. (United
States Turned Down Ethiopian Request, "New
York Times, May 2, 1977, p. 16).
Hoggaamiyaha
Itoobiya, markaas wuxuu isu muujiyay nin bisleeyay
miro macaan oo dowladdii Midowga Soofyeeti ay
baahi badan u qabtay gurashadooda. G/ Dh. Mengistu kama uusan raagin in uu ka faaŽiideysto
fursadan qiimiga leh. Markii uu jaray xiriirkii
Mareekanka, laba toddobaad kadib ayuu u kicitimay
Moosko. Booqashadaas oo afar cisho ahayad ayaa
waxay ku beegnayd 4-tii illaa 8-dii bishii mey
1977-kii. Mengistu wuxuu halkaas kula kulmay madaxdii dalka hoggaaminayay.
Waxaa kamid ahaa xoghayihii guud ee xisbigii shuuciga
ee Midoowga Soofyeeti L.
I. Brezhnev, wasiirkii dibadda A. A. Gromyko, iyo madaxweynihii dowladda N. V. Podgorny. (Marina
Ottaway, Soviet and American Influence in the
Horn of Africa New York : Praeger Publishers,
1982, p. 149).
G/
Dh. Mengistu X. Mariam, wuxuu Moosko la
tegay dalab ah in Soofyeetiga uu ka helo xiriir
saaxiibtinimo oo lamid ah midkii ay Soomaalida
iyo Soofyeetigu dhigateen sanadkii 1974-kii. Inkasta
oo Mengistu uu xilligaas hoggaaminayay Itoobiya muddo gaaban
oo aanan dhaafsiisnayn saddex bilood iyo dhowr
maalmood, misana madaxdii Soofyeetiga kalsooni
iyo soo dhoweyn ayay ka muujiyeen dalabkii uu
ula yimid. Socdaalkaas ayay labada maamul ku kala
saxiixdeen heshiiskii saaxiibtinimada iyo is-kaashiga.
Heshiisku wuxuu taabanayay dhinacyo badan oo nolosha
dowladeed leedahay. Is-kaashiga noocyaha badan
oo ay kala saxiixdeen wuxuu ku wajahnaa is-gaarsiinta,
waxbarashada, beeraha, dhaqaalaha, dhaqanka, farsamada
iyo wershadaha. Hubka iyo tababarka ciidameed
ayaa wuxuu ahaa qodobka ugu milgaha cuslaa oo
baahidiisa ay taagneyd. Inkasta oo uu jirey heshiis
gaar ah oo dhigayay in Soofyeetigu bixiyo kaalmo
xagga hubka ah, misana Mengistu ayaa soo laabtay isaga oo fara maran.
Dhan
kale heshiisku wuxuu ku tusinayaa ballan-fur uu
Soofyeetigu ku sameeyay Soomaalida. Heshiiskii
dhex-maray labadan dal sanadkii 1977-kii, waxaa
lagu qeexay in labada dowladood middoodna eeyan
la safan dowlad u col ah midda kale. Haddaba haddii
ay ballan oofin jirto, maahayn in madaxda Soofyeetiga
ay xilligaas qallafsan, heshiis saaxiibtinimo
la dhigtaan dowlad ku cadow ah Soomaaliya. Sida
ay Soomaaliyaba isaga ururisay in ay la safato
dowlad ku cadow ah Soofyeetiga. Haddiise Soofyeetiga
uu tallaabadaas u qaaday ilaalada maslaxaddiisa
istraateejiyadeed, Soomaalidu tallaabada ay qaaday
waxay u ahayd maslaxad nololeed. Laakiin sida
lagu bartay caadada xirfadaha diblomaasiyadeed
ee siyaasadaha carri-edeg, ninka xoogga leh ayay
ka timaaddaa shaxda lagu dhigto heshiisyada, isla
isaga ayay ka timaaddaa tallaabada lagu bur-burinayo.
Markii
la dhiganayay heshiiska hore ee Soomaaliya iyo
Soofyeetiga dhexmaray, ayaa Ruushku wuxuu madaxdii
Soomaalida u sheegay in Masar iyo Suudaan ay ku
dheeleen isu-dheellitirkii xoogagga dunida. In
eeyan jirin dowlad hanti-wadaag ah oo u soo gurman
karta saaxiibadeed haddiiba uu dagaal qabsado.
Madaxdii Soomaalida ayaa markaas u muujiyay saraakiishii
Soofyeetiga in ay damacsan yihiin in ay dagaal
ku soo ceshadaan dhulka ka maqan, haddii ay nabad
wax ku waayaan. Madaxdii Soofyeetiguna, soo dhoweyn
ayay u muujiyeen aragtida ka soo yeertay Soomaalida.
(Wareysi idaacadda
BBC-da ay la yeelatay Jeneraal Maxamad Nuur Galaal,
5/ 3- 2000).
Waxaa
xusid mudan in xilligaas ay jirtay booqasho gaar
ah oo ay Soomaaliya ku yimaadeen saraakiil sare
oo Soofyeeti ah, kuwaas oo ka socday xafiiskii
wasiirka hubka iyo ciidamada ee USSR.
Ujeeddadu waxay ahayd in ay Soomaalida la habeeyaan
qorshe ah sidii ay Itoobiya ugu duuli lahaayeen.
Iyaga oo markaas u muujyay in Ruushku daneynayo
dagaalka ay Soomaalida ku damacsan yihiin in ay
ku soo ceshadaan Ogaadeenya. Marshal Sergey Grejko oo ahaa sarkaalka oggaaminayay
wafdiga ayaa wuxuu la kulmay madaxweyne Maxamad
Siyaad iyo ku xigeenkiisii Jeneraal
Maxamad Cali Samatar. Maxamad Nuur Galaal
oo kamid ahaa saraakiishii uu wafdigu la kulmay
ayaa ku waramay sidan :
"
Wafdiga waxaa hoggaaminayay nin Admiraal ah.
Waxay la kulmeen masuuliin ka socday ciidamada
XDS. Waxaa kamid ahaa Jeneraal
Maxamad Cali Samatar, G/
S. Abuukar Xasan Suulalley iyo G/
Dh. Maxamad Nuur Galaal. Admiraalku wuxuu
si tifaf-tiran uga war-bixiyay aragtida uu Soofyeetigu
qabo oo ah in Ogaadeenya dagaal lagu soo ceshado.
Markaas ayaa dowladdii Soomaaliyeed iyo saraakiishii
madaxda ka ahaa ciidamada ay ku dhiirradeen in
gobanimo-doonkii Ogaadeenya ay dib u soo nooleeyaan.
Arrimaha Soomaalida dhiirri-geliyay waxaa kamid
ahaa Soofyeetiga oo mowqif cad oo is-garab taag
ah u muujiyay. Markaas baa Soomaalidii waxay bilaabeen
in ay codsadaan hub casri ah oo ay ku dagaal galaan.
Ruushkiina waa uu ka oggolaaday ". (Wareysi idaacadda BBC-da ay la yeelatay Jeneraal Maxamad Nuur
Galaal, 5/ 3- 2000).
Booqashada
Mengistu uu ku
tegay Moosko, waxay turubkii u rogtay dhankii
kale. Fadhigii uu la qaatay hoggaamiyihii xisbiga
shuuciga ee Midowga Soofyeeti, L.
I. Brezhnev, ayaa loogu sheegay in madaxda
Soofyeetigu ay mabda' ahaan ku qanacsan yahiin
is-beddelka hor u socodka ah ee Itoobiya ka dhacay.
Brezhnev wuxuu
tilmaamay in uu la hayo is-beddelkaas bilowga
ah, islamarkaa uu u fidinayo, hoggaanka cusub
ee Itoobiya, taageero siyaasadeed, mid diblomaasiyadeed
iyo wixii kaloo ay u baahan yihiin. Wuxuu Mengistu
kula taliyay in uu fursadda ka faa'iideysto
oo dalka ka dhiso xisbi shuuci ah oo ay leeyihiin
dabaqadda shaqaalaha, kaas oo dalka ku hoggaamiya
mabaadiida hanti-wadaagga ah. Islamarkaa codka
dowladda gaarsiiya bah-weynta caalamka, lana dagaallama
damaca xoogagga imberiyaaliyadda iyo dib u socodka.
Fadhigaas ayuu hoggaamiyaha Soofyeetiga kaga codsaday
Mengistu in uu
qaado tallaabo deg-deg ah oo lagu hagaajinayo
xiriika Soomaaliya iyo Itoobiya. Mengistu
ayaa fadhigii ku tilmaamay mid isaga raali
geliyay oo ay ka muuqatay saaxiibtinimo. (Confidential, CPSU CC to SED CC, Information on Visit of Mengistu
Haile Mariam to Moscow, 13 May 1977).
Wafdigii
Itoobiya waxaa kale oo ay la kulmeen madaxweynihii
Soofyeetiga N. V. Podgorny iyo wasiirkii dibadda A. A. Gromyko. Hoggaamiyaha Itoobiya wuxuu madaxdaas
uga waramay kacaanka Itoobiya iyo marxaladda uu
ku sugan yahay. Dhibaatooyinka ka haysta gudo
iyo dibad. Wuxuu u caddeeyay in hoggaanka Itoobiya
uu ku taagan yahay manhajka siyaasadeed ee Maarkisiyadda
Leniniyadda. Wuxuu dalbaday, in maamulka Itoobiya
loo aqoonsado in uu kamid yahay dowladaha kacaanka
ah. Islamarkaa wuxuu uga waramay dhaqdhaqaaqyada
kacaan-diidka gudaha oo ka soo horjeeda rijiimka
Itoobiya. Wuxuu ku tilmaamay in ay labo qolo yihiin
waxa ka danbeeya. Canaasir ah haraagii dowladdii
hanti-goosiga ahayd iyo canaasir bidix xag-jir
ah. Mengistu ayaa
hadalkiisii raaciyay sidan :
"
Howlaha ay wadaan kacaan-diidka gudaha, waa
kuwo ku xiran dhaqdhaqaaqyada ka socda dibadda
oo ay wadaan xoogagga imberiyaaliyadda iyo kuwa
dib u socodka ah. Waxay damacsan yihiin in ay
ku ridaan hannaanka cusub ee Itoobiya ka curtay.
Si gaar ah waxaa howlahaas uga shaqeynaya rijiimka
uu odeyga ka yahay Numeyri
(Suudaan), oo dhabarka ku haya dib u socodka
carbeed oo ay ugu horeeyaan Sacuudiga iyo Masar.
................................ Itoobiya, iyada
oo keligeed ah kama ay adkaan karto kacaan-diidka
dibadda iyo gudaha. Sidaa darteed waxaanu ku qanac-sannahay
baahida aanu u qabno inaan kaalmo ka helno dhinaca
Midowga Soofyeeti iyo dalalka kale ".
(Isla marjicii hore).
Siyaasadda
Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd mid weli si xooggan
ugu sidkan Midowga Soofyeeti. Sidaa darteed Mengistu
wuxuu carrabkiisa ka dhowray in Ruushku
dareemo in uu colaad u qabo Soomaaliya. Wuxuu
sheegay in uu xiiso u hayo in la hagaajiyo xiriirka
Soomaaliya iyo Itoobiya. Iyo in la mideeyo dadaalka,
labada dowladood ee hor u socodka ah, ay ugu jiraan
hor u marinta bulshadooda. Sidoo kale in la mideeyo
halganka ay labada maamul kula dirirayaan imberiyaaliyadda
caalamiga ah iyo xoogagga dib u socodka ah. Soofyeetiga
ayaa dhankiisa ka tilmaamay in uu fahmayo dhibaatada
gudaha iyo dibadda ka haysata hoggaanka Itoobiya.
Waxay ku war-geliyeen tallaabooyin ku wajahan
siyaasadaha carri-edeg oo ay Soofyeetigu qaadeen,
taas oo ay ugu hiilinayeen kacaanka Itoobiya.
Waxaa kamid ah xiriir ay la sameeyeen maamulka
Suudaan iyo dadlal kale oo Carab ah. Waxay gaarsiiyeen
in Itoobiya loo turo. Madaxdii Soofyeetigu waxay
fadhigaas ku caddeeyeen in ay taageero u fidinayaan
nadaamka cusub ee Itoobiya.
Podgony
wuxuu u sheegay Mengistu wada-hadalkii uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya
markii uu Xamar booqday. Wuxuu gaarsiiyay in Maxamad Siyaad uu doonayo in uu Mengistu la
kulmo. Soofyeetiguna ay abaabulaan hagaajinta
fadhiga iyaga oo dhex-dhexaad ah. Hoggaamiyaha
Itoobiya ayaa soo dhoweeyay aragtidaas. Wuxuuna
xusay in uu malaynayo in taasi lagu gaari karo
abuur xiriir derisnimo oo wanaagsan oo dhex marta
Soomaaliya iyo Itoobiya.
Booqashadii
uu galay Mengistu wuxuu
kala soo noqday risaalad aragti (ideology).
Wax hub ah ma uusan soo
helin.
Soofyeetigu waxay arkayeen in Itoobiya ay haysato
hub ku filan oo ay isaga caabiyi karaan weerrarada
ku socda. Tan kale waxaa u muuqatay in aysan jirin
sabab uu ugu deg-dego hiillada Itoobiya, waayo
cid Soofyeetiga ku haysatay dalkaas ma eeyan jirin.
Dhan kale, wuxuu doonayay in dharbaaxada Soomaalida
ay muddo ku socoto Itoobiya, si maamulka halkaas
ka jira uu u diciifo. Dabadeed ay gacmaha soo
hoorsadaan iyaga oo baari ah oo wixii loo yeersho
markaa u dhega nugul. Shaxda caynkaas ahna waa
tab ay dowladaha waaweyn u adeegsadaan ummadaha
aanan qaan-gaarin, kuwaas oo ay danahooda si buuxda
uga oofsadaan iyaga oo aanan kharaj ka bixin.
Siyaasaddii
Soomaaliya, inkasta oo ay ku sidkanayd Soofyeetiga,
misana waxay bilawday xilligaas in ay u iilato
waddamada carabta ee deriska ah. Gaar ahaan dowladda
Sacuudiga oo sidaanu horey u soo xusnay deegsanaysay
awooddeeda dhaqaale. Dowladdaas ayaa dadaal badan
ku bixisay in ay kala fogeyso Soomaaliya iyo Soofyeetiga.
Tallaabadaas ugub ayay ku ahayd siyaasadda dibadda
ee dowladda Sacuudiga. Xilligaas wixii ka horeeyay
boqortooyadu waxay ahayd mid iska ururisa in ay
danayso siyaasadaha dowladaha la deriska ah. Sida
aanu soo xusnay, tijaabadii ugu hureysay waxay
ku fulisay Soomaaliya. Iyaga oo huwan magac diin
iyo mid walaaltinimo ayay ku soo dhowaadeen hoggaankii
Soomaaliya. Waxay markaas adeegsanayeen dhaqaale
badan oo ay deeq u bixiyaan iyo ballan-qaad ah
in ay reer galbeedka ka soo dhameynayaan baahida
qalab iyo midda farsamo oo ay Soomaalidu qabaan.
(Fiiri Casharka XII-aad
Dagaalkii Ogaadeenya).
Bartamihii
bishii mey 1977-kii, waxaa booqasho ku yimid magaalada
Xamar wasiirkii dibadda ee Sacuudiga
Sacuud
bin Feysal. Booqashadaasi oo saddex cisho
socotay ayaa waxay ahayd mid rasmi ah. Muddadii
uu wasiirku joogay Xamar wuxuu la kulmay madaxweyne
Maxamad Siyaad
iyo wasiirkii dibadda Cumar
Carte Qaalib. Inkasta oo weli eeyan soo
bannaan-bixin qoraallada sirta ahaa ee la xiriira
socdaalkaas iyo fadhiyadiisii, misana waxaa la
rumeysan yahay in ay la xiriirtay xiisaddii ka
taagneyd geeska Afrika. Wasiirka martida ah ayaa
muuddadii uu Xamar joogay furey masaajidkii la
oran jirey Is-bahaysiga ee ku yiil bartamaha Xamar,
kaas oo dhismihiisii markaa gacanta laga qaaday.
Lacagta ku baxday oo dhamayd hal melyan oo doollar,
ayaa waxaa bixiyay dowladda Sacuudiga. Dowladda
Soomaaliyeed waxaa u qorsheysnaa in furitaanka
masaajidka lagu beego xafladaha loo dhigayo sanad-guurada
siddeedaad ee kacaanka 21-ka oktoober. Dowladda
Sacuudiga oo talada wax ku lahayd ayaa arintaas
diiday. Dabadeed waxay ku guuleystay in furitaanka
masaajidka lagu beego booqashada Sacuud
bin Feysal. Taasina waxay ahayd ishaaro
muujinaysa in ceynaankii Soomaaliya uu ka janjeersaday
manhajkii Maarkisiyadda ee shuuciyadda ahaa. Waxaa
xusid mudan in wasiirku uu dowladdiisii ka sidey
deeq dhaqaale oo lacag ah, taas oo gaareysa 200
oo melyan oo doollar. Wasiirka martida ah ayaa
dhaqaalahaas ku wareejiyay Soomaaliya. Sidaas
baa Sacuudigii ay ku hanteen kalsoonida madaxdii
hoggaanka u hayay Soomaaliya. (Marina
Ottaway, Soviet and American Influence in the
Horn of Africa, New York : Praeger Publishers,
1982, p.64).
Mid
kamid ah il-duufyadii milgaha cuslaa ayaa markaas
ka dhacay hoggaankii Soomaaliya. Dhaqanka ay boqortooyada
reer Sucuud xilligaas ula yimaadeen Soomaalida
wuxuu ahaa dhagar laba-wejiilenimo ah oo ay kaga
dano-fushanayeen siyaasadda dalka. Taasina waxay
goor danbe ka muuqatay meesha cidlada ah oo ay
uga dhaqaaqeen shacabkii Soomaaliya iyo dowladdiisii.
Maahan oo keliya xilliyadii adkaa ee Soomaalida
soo maray sida dabayaaqadii Dagaalkii Ogaadeenya
iyo xilligii dagaalkii sokeeye. Bal, boqortooyadan
waxay gacan xooggan oo qarsoon ka geysatay hal-abuurkii
qaar kamid ah jabhadihii hubeysnaa oo dowladdii
Soomaaliyeed bur-burka ku keenay iyo weliba in
eeyan jabhadahaas midoobin muddadii ay halgamayeen.
Foojignaanta gurracan oo ay ku ilaashanayso waxa
ay ku sheegaan danta qaranka waa midda keentay
in ay joojiyaan xoolihii Soomaaliya looga soo
dhoofinayay, islamarkaa ay xoolahaas ka soo qaataan
Itoobiya. (Akhri buugga
la yiraahdo Blood and Bone ee uu qoray I. M. Luwis,
qeybta uu kaga waramayo SNM).
Booqashadaas
dabadeed sida ka muuqatay falalkii siyaasadeed
ee Soomaaliya, madaxweyne Maxamad
Siyaad iyo dowladdiisii waxay ku dhowaadeen
boqorradii carbeed. Ballan-qaadyadii sirta ahaa
oo ay dowladahaasi bixiyeen ayaa kalsooni ku abuuray
hoggaankii Soomaaliya. Wakhti badan kama soo wareegan
booqashadii wasiirka Sacuudiga, markii uu madaxweyne
Maxamad Siyaad
u caddeeyay Soofyeetiga in uusan doonayn in uu
la kulmo Mengistu X. Mariam.
17/ 5- 1977-kii, Maxamad
Siyaad oo la kulmay danjirihii Xamar u
fadhiyay dowladdii Midowga Soofyeeti ayaa gaarsiiyay
in uusan diyaar
u yahay in uu meelna kula kulmo hoggaamiyaha Itoobiya.
(Confidential, CPSU
CC to SED CC, Information on Visit of Mengistu
Haile Mariam to Moscow, 13 May 1977).
Dabayaaqadii
bishii mey, Soomaaliya wafdi qarsoodi ah ayay
u dirtay magaalada Moosko. Ujeeddada socdaalku
wuxuu ahaa in aanan la lumin kalsoonida Soofyeetiga.
Islamarkaa loo meel deyo kulanka afka lagu hayo
oo labada dowlad lagu heshiisiinayo. Booqashadaas
oo dhacday 31/ 5- 1977-kii, ayaa xubnihii u baxay
waxaa hor kacayay madaxweyne ku-xigeenkii koowaad
Jeneraal Maxamad Cali Samatar. Fadhiyadii la qabtay labadii maalmood
oo ay booqashadu socotay, koodii ugu horeeyay
ayaa lagu guddoonsaday in booqashada laga dhigo
mid rasmi ah oo idaacadaha laga sheego. Jeneraal Samatar iyo wafdigiisii waxay fadhi la qaateen
madax ka mid ah xubnihii guddiga siyaasadda. Ragga
ay la kulmeen waxaa kamid ahaa wasiirkii dibadda
A. A. Gromyko iyo
xoghayaha xisbga B. N.
Ponoramev. Ninkan danbe oo si xooggan ugu
xamaasadeysnaa siyaasadda lagu taageerayay Itoobiya
ayaa saaxiib gaar ah wuxuu la ahaa danjiraha Ruushka
u fadhiyay Addis-ababa A. P. Ratanov. Kaas oo qudhiisu dadaal badan ku bixiyay
in Itoobiya laga badbaadiyo mashaqada dagaalka
kaga imanaya Soomaaliya. Ibraahim
Aadan Doolaal oo ahaa turjumaankii madaxweyne
Siyaad ee afka
Ruushka, wuxuu inoo sheegay, ninka la yiraahdo
M. A. Suslov oo odey ka ahaa hoggaanka ideolojiyada ee xisbiga,
in uu ku weheliyay xoghayaha iyo danjiraha, caadifadda
ay u hayeen Itoobiya.
Jeneraal
Samatar, fadhigii ugu horeeyay wuxuu la
qaatay xogheyihii guud ee xisbiga L.
I. Brezhnev. Waxay ka sheekeysteen jahada
ay ku socoto xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo
Soofyeetiga. Taas oo ay ku tilmaameen in lagu
doonayo wax is-dhaafsi noocyo badan oo loo kaashanayo
hor u marka labada dal. Waxay isku soo qaadeen
dhibaatada ka taagan geeska Afrika. Brezhnev
ayaa tilmaamay in dalkiisa iyo Itoobiya
uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo ku salaysan
is af-garasho. Jeneraalka Soomaaliyeed ayaa ku
fogaaday in uu ka hadlo khilaafka dhex yaal Soomaaliya
iyo Itoobiya, kaas oo salka ku haya dhulka ay
Itoobiya ka haysato Soomaaliya. Islamarkaa wuxuu
cudur-daar u yeelay mowqif kasta oo Soomaaliya
ay ka is-taagto arintaas. Qoraalladii ay Soofyeetigu
fadhigaa ka sameeyeen ayay ku xuseen in Samatar
uusan marna xusin in rijiimka hoggaaminaya
Itoobiya uu yahay mid kacaan ah. Qoraal uu Ruushku
ka sameeyay hadalkii Jeneraal
Samatar waxaa kamid ahaa sidan :
"
Samatar, xataa
ma soo qaadin wax yar oo tilmaamaya in xaaladda
gudaha Itoobiya ay caadi tahay. Bal wuxuu sheegay
xaqa ay dadka reer Ogaadeenya u leeyihiin in ay
ka go'aan Itoobiya. Samatar wuxuu yiri, hoggaanka Itoobiya, intii ay u soo
jeensan lahaayeen sidii ay ku hanan lahaayeen
dad-weynaha Ogaadeenya, waxay wax ku xalliyaan
hub ". (Strictly
Confidential, Report from CPSU, CC to SED CC,
Information about the Visit to the Soviet Union
og Somalia Vice Presedent Samatar, late may-early
June 1977).
Madaxdii
Soofyeetiga oo ka waramaya aragtidii ay u gudbiyeen
Maxamad Cali Samatar waxay sheegeen sidan :
"
Dhankayaga, annaga oo ku cel-celinay ayaanu
ku adkaynay, aragtida muhimka ah ee hadda taal.
Taasi waa in laga fogaado isku-dhac ciidan ee
dhex-mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Sawir digniin
ah baanu ka bixinay dhibaatada ay leedahay xaaladda,
markii laba dal - Soomaaliya iyo Itoobiya - oo
kacaannimo u doortay waddadii ay ku hor mari lahaayeen,
ay colloobaan. Sida dhabta ah, waanu ognahay khilaafka
aragtiyeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya,
kaas oo wax walba horteed ka unkamay qadiyadda
dhulka. Laakiin haddii uu dagaal dhexdooda ka
qarxo, cidda keliya oo ka faa'iideysa waa imberiyaaliyadda
caalamiga. Dagaalka caynkaas ahna waxa laga dhaxlo
ma noqonayo mid idin ku badiya qubuuraha oo keliya,
bal xoogagga dib u socodka ah ayaa sanka dusha
idin ka saaraya. L. I.
Brezhnev, wuxuu codsaday in lagu dadaalo
sidii khilaafka jira loogu dhamayn lahaa waddo
nabad ah iyo wada-hadal miis dushiis. Xaaladda
gudaha ee Itoobiya waa arin gudaheeda ah oo aanan
khuseyn dad bannaanka ka ah. Itoobiyaanka, iyaga
ayay tahay in ay xal u helaan ". (Isla
marjicii hore).
Hadalkii
Brezhnev, inkasta
oo uu ahaa mid dhab ah oo loo adeegsanayay dan
gurracan, misana wuxuu mudnaa in ictibaar la siiyo
oo lagu hakado digniinta culus oo uu bixiyay.
Ninkaasi wuxuu tilmaamay in natiijada dagaalka
eeyan noqonayn mid degaanka ku badisa qubuuraha
oo keliya, balse ay noqonayso mid daaqadaha u
furta kooxo danaystayaal ah in ay u tartamaan
sidii ay caynaanka ugu qaban lahaayeen shacabkan
aanan weli hana-qaadka noqon. Ereyadan ayaa waxay
kamid ahaayeen digniinaha aanan wax la huwin oo
la hor dhigay madaxdii Soomaalida.
Fadhiyadaas
ayaa madaxdii kulantay ay isku soo qaadeen in
Ruushku uu kulansiiyo madax ka socota Soomaaliya
iyo kuwo Itoobiyaan ah. Maxamad Cali Samatar waa uu oggolaaday isaga oo tilmaamay
in marka hore kulanku uu ahaado heer wasiirro.
Wuxuu kaloo oggolaaday in marxaladda ugu danbeysa
ay ahaato kulanka hoggaamiyayaasha labada dal.
Mar si toos ah ay Ruushku u weydiiyeen goorta
ay haboon tahay iyo meesha ay ku haboon tahay
in shirka lagu qabto. Jeneraal
Samatar wuxuu u sheegay in meel kasta iyo
goor kasta ay haboon tahay. Keliya wuxuu codsaday
in Ruushku ay goob-joogayaal ka ahaadaan. Jeneraalka
Soomaaliyeed, wuxuu hadalkiisii raaciyay in Soomaaliya
ay la imanayso fadhiga la qaban doono, qadiyadda
dhulka maqan.
Ma
qarsoona reer Yurub markay ina qorsheeyeene
Afrikaanka
qeybtii ku jirey qoyska nagu raacye
Nasiib
baa Amxaar nagu qafilay cunaya qeyriine
Qalin
iyo siyaasad iyo dastuur kuma qancaayaane
Nabad
kuma qadeeyaan xarguhu qubane weeyaane
Qow
baa intaa lagu hayaa qowrac iyo leyne.
(Dhoodaan).
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore