|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXI-aad

Dr Enow

 

Tan iyo markii ay ciidamada jabhadda WSLF, weerarka ku bilaabeen xarumihii ay fadhiyeen ciidamadii Itoobiya iyo gaadiidkii u siday sahayda, abriil ayaa waxay ahayd bishii ugu mashaqada badnayd, marka la eego kuleylkii dagaalka. Dagaalladaas, waxaa laga dhaxlay in jabhaddu ay gacanta ku dhigto dhul baaxad weyn iyo degmooyin leh ahmiyad istraateejiyadeed. Dhacdadii ay ku gacan-wareegtay Sagag, bartamihii bishaas, waxay sahashay in lala wareego maamulkii, dhamaan degmooyinka la deriska ah magaalada. Isla-dhacdadaas, waxay bannaanka u soo saartay laba arimood oo ku-joogsi mudan, marka laga sheekeynayo taariikhda dagaalkan. Mid wuxuu ahaa wal-walka xooggan oo ku abuurmay hoggaankii Itoobiya, kaddib markii ay u caddaatay naf ku-reebka ay Soomaalidu ku doonayaan qadiyaddan ku soo maaxday. Midda kale waa dulaaleetiyada siyaasadeed ee ka muuqday maamulkii Soomaaliya, gaar ahaan dibin-daabyadii wehelisay tab-maamulkii lagu hagayay gulufka colaadeed ee lagu doonayay madax-bannaanida gobolka.

Haddii aanu midda hore ku hor-marno, maamulka Addis-baba xilligaas uma uusan taag hayn in uu caabiyo ciidamada naftooda-hurayaasha ah ee ku dirirayay magaca jabhadda Soomaali Galbeed. Sidaa darteed wuxuu qorsheystay in uu wax ka beddelo dhaqankiisii siyaasadeed. Tallaabooyinka la xusi karo oo maamulka Itoobiya uu xilligaas qaaday waxaa ugu hilan cuslaa xafiiskii danjiraha Mareekanka oo uu irridaha u ooday. Arintaasi oo ahayd fal uu ku xod-xodanayay dowladihii hanti-wadaagga ahaa, gaar ahaan Midowga Soofyeeti ayaa waxay dhacday markay taariikhdu ahayd 23-kii bishii abriil, sanadkii 1977-kii. Nadaamka Addis-ababa wuxuu markaas u ban-baxay in uu ama bur-buro ama dowladihii reer bariga ahaa uu ka helo kaalmo wax ku-ool ah. Dowladdii Mareekanka, iyaga oo ka jawaabaya tallaabada xiriir goosashada ah oo ay dowladdii Itoobiya qaaday, toddobaad kabacdi waxay hakisay kaalmooyinkii ciidameed oo ay Itoobiya siin jirtay. Waxay joojisay qalab diyaar ahaa oo ku socday Itoobiya, kaas oo lagu qiimeeyay 100 melyan oo doollar. Qalabkan oo u badnaa dayac-tir ayaa wuxuu diyaar u ahaa in bil gudaheed lagu soo raro. (United States Turned Down Ethiopian Request, "New York Times, May 2, 1977, p. 16).

Hoggaamiyaha Itoobiya, markaas wuxuu isu muujiyay nin bisleeyay miro macaan oo dowladdii Midowga Soofyeeti ay baahi badan u qabtay gurashadooda. G/ Dh. Mengistu kama uusan raagin in uu ka faaŽiideysto fursadan qiimiga leh. Markii uu jaray xiriirkii Mareekanka, laba toddobaad kadib ayuu u kicitimay Moosko. Booqashadaas oo afar cisho ahayad ayaa waxay ku beegnayd 4-tii illaa 8-dii bishii mey 1977-kii. Mengistu wuxuu halkaas kula kulmay madaxdii dalka hoggaaminayay. Waxaa kamid ahaa xoghayihii guud ee xisbigii shuuciga ee Midoowga Soofyeeti L. I. Brezhnev, wasiirkii dibadda A. A. Gromyko, iyo madaxweynihii dowladda N. V. Podgorny. (Marina Ottaway, Soviet and American Influence in the Horn of Africa New York : Praeger Publishers, 1982, p. 149).

G/ Dh. Mengistu X. Mariam, wuxuu Moosko la tegay dalab ah in Soofyeetiga uu ka helo xiriir saaxiibtinimo oo lamid ah midkii ay Soomaalida iyo Soofyeetigu dhigateen sanadkii 1974-kii. Inkasta oo Mengistu uu xilligaas hoggaaminayay Itoobiya muddo gaaban oo aanan dhaafsiisnayn saddex bilood iyo dhowr maalmood, misana madaxdii Soofyeetiga kalsooni iyo soo dhoweyn ayay ka muujiyeen dalabkii uu ula yimid. Socdaalkaas ayay labada maamul ku kala saxiixdeen heshiiskii saaxiibtinimada iyo is-kaashiga. Heshiisku wuxuu taabanayay dhinacyo badan oo nolosha dowladeed leedahay. Is-kaashiga noocyaha badan oo ay kala saxiixdeen wuxuu ku wajahnaa is-gaarsiinta, waxbarashada, beeraha, dhaqaalaha, dhaqanka, farsamada iyo wershadaha. Hubka iyo tababarka ciidameed ayaa wuxuu ahaa qodobka ugu milgaha cuslaa oo baahidiisa ay taagneyd. Inkasta oo uu jirey heshiis gaar ah oo dhigayay in Soofyeetigu bixiyo kaalmo xagga hubka ah, misana Mengistu ayaa soo laabtay isaga oo fara maran.

Dhan kale heshiisku wuxuu ku tusinayaa ballan-fur uu Soofyeetigu ku sameeyay Soomaalida. Heshiiskii dhex-maray labadan dal sanadkii 1977-kii, waxaa lagu qeexay in labada dowladood middoodna eeyan la safan dowlad u col ah midda kale. Haddaba haddii ay ballan oofin jirto, maahayn in madaxda Soofyeetiga ay xilligaas qallafsan, heshiis saaxiibtinimo la dhigtaan dowlad ku cadow ah Soomaaliya. Sida ay Soomaaliyaba isaga ururisay in ay la safato dowlad ku cadow ah Soofyeetiga. Haddiise Soofyeetiga uu tallaabadaas u qaaday ilaalada maslaxaddiisa istraateejiyadeed, Soomaalidu tallaabada ay qaaday waxay u ahayd maslaxad nololeed. Laakiin sida lagu bartay caadada xirfadaha diblomaasiyadeed ee siyaasadaha carri-edeg, ninka xoogga leh ayay ka timaaddaa shaxda lagu dhigto heshiisyada, isla isaga ayay ka timaaddaa tallaabada lagu bur-burinayo.

Markii la dhiganayay heshiiska hore ee Soomaaliya iyo Soofyeetiga dhexmaray, ayaa Ruushku wuxuu madaxdii Soomaalida u sheegay in Masar iyo Suudaan ay ku dheeleen isu-dheellitirkii xoogagga dunida. In eeyan jirin dowlad hanti-wadaag ah oo u soo gurman karta saaxiibadeed haddiiba uu dagaal qabsado. Madaxdii Soomaalida ayaa markaas u muujiyay saraakiishii Soofyeetiga in ay damacsan yihiin in ay dagaal ku soo ceshadaan dhulka ka maqan, haddii ay nabad wax ku waayaan. Madaxdii Soofyeetiguna, soo dhoweyn ayay u muujiyeen aragtida ka soo yeertay Soomaalida. (Wareysi idaacadda BBC-da ay la yeelatay Jeneraal Maxamad Nuur Galaal, 5/ 3- 2000).

Waxaa xusid mudan in xilligaas ay jirtay booqasho gaar ah oo ay Soomaaliya ku yimaadeen saraakiil sare oo Soofyeeti ah, kuwaas oo ka socday xafiiskii wasiirka hubka iyo ciidamada ee USSR. Ujeeddadu waxay ahayd in ay Soomaalida la habeeyaan qorshe ah sidii ay Itoobiya ugu duuli lahaayeen. Iyaga oo markaas u muujyay in Ruushku daneynayo dagaalka ay Soomaalida ku damacsan yihiin in ay ku soo ceshadaan Ogaadeenya. Marshal Sergey Grejko oo ahaa sarkaalka oggaaminayay wafdiga ayaa wuxuu la kulmay madaxweyne Maxamad Siyaad iyo ku xigeenkiisii Jeneraal Maxamad Cali Samatar. Maxamad Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiishii uu wafdigu la kulmay ayaa ku waramay sidan :

" Wafdiga waxaa hoggaaminayay nin Admiraal ah. Waxay la kulmeen masuuliin ka socday ciidamada XDS. Waxaa kamid ahaa Jeneraal Maxamad Cali Samatar, G/ S. Abuukar Xasan Suulalley iyo G/ Dh. Maxamad Nuur Galaal. Admiraalku wuxuu si tifaf-tiran uga war-bixiyay aragtida uu Soofyeetigu qabo oo ah in Ogaadeenya dagaal lagu soo ceshado. Markaas ayaa dowladdii Soomaaliyeed iyo saraakiishii madaxda ka ahaa ciidamada ay ku dhiirradeen in gobanimo-doonkii Ogaadeenya ay dib u soo nooleeyaan. Arrimaha Soomaalida dhiirri-geliyay waxaa kamid ahaa Soofyeetiga oo mowqif cad oo is-garab taag ah u muujiyay. Markaas baa Soomaalidii waxay bilaabeen in ay codsadaan hub casri ah oo ay ku dagaal galaan. Ruushkiina waa uu ka oggolaaday ". (Wareysi idaacadda BBC-da ay la yeelatay Jeneraal Maxamad Nuur Galaal, 5/ 3- 2000).

Booqashada Mengistu uu ku tegay Moosko, waxay turubkii u rogtay dhankii kale. Fadhigii uu la qaatay hoggaamiyihii xisbiga shuuciga ee Midowga Soofyeeti, L. I. Brezhnev, ayaa loogu sheegay in madaxda Soofyeetigu ay mabda' ahaan ku qanacsan yahiin is-beddelka hor u socodka ah ee Itoobiya ka dhacay. Brezhnev wuxuu tilmaamay in uu la hayo is-beddelkaas bilowga ah, islamarkaa uu u fidinayo, hoggaanka cusub ee Itoobiya, taageero siyaasadeed, mid diblomaasiyadeed iyo wixii kaloo ay u baahan yihiin. Wuxuu Mengistu kula taliyay in uu fursadda ka faa'iideysto oo dalka ka dhiso xisbi shuuci ah oo ay leeyihiin dabaqadda shaqaalaha, kaas oo dalka ku hoggaamiya mabaadiida hanti-wadaagga ah. Islamarkaa codka dowladda gaarsiiya bah-weynta caalamka, lana dagaallama damaca xoogagga imberiyaaliyadda iyo dib u socodka. Fadhigaas ayuu hoggaamiyaha Soofyeetiga kaga codsaday Mengistu in uu qaado tallaabo deg-deg ah oo lagu hagaajinayo xiriika Soomaaliya iyo Itoobiya. Mengistu ayaa fadhigii ku tilmaamay mid isaga raali geliyay oo ay ka muuqatay saaxiibtinimo. (Confidential, CPSU CC to SED CC, Information on Visit of Mengistu Haile Mariam to Moscow, 13 May 1977).

Wafdigii Itoobiya waxaa kale oo ay la kulmeen madaxweynihii Soofyeetiga N. V. Podgorny iyo wasiirkii dibadda A. A. Gromyko. Hoggaamiyaha Itoobiya wuxuu madaxdaas uga waramay kacaanka Itoobiya iyo marxaladda uu ku sugan yahay. Dhibaatooyinka ka haysta gudo iyo dibad. Wuxuu u caddeeyay in hoggaanka Itoobiya uu ku taagan yahay manhajka siyaasadeed ee Maarkisiyadda Leniniyadda. Wuxuu dalbaday, in maamulka Itoobiya loo aqoonsado in uu kamid yahay dowladaha kacaanka ah. Islamarkaa wuxuu uga waramay dhaqdhaqaaqyada kacaan-diidka gudaha oo ka soo horjeeda rijiimka Itoobiya. Wuxuu ku tilmaamay in ay labo qolo yihiin waxa ka danbeeya. Canaasir ah haraagii dowladdii hanti-goosiga ahayd iyo canaasir bidix xag-jir ah. Mengistu ayaa hadalkiisii raaciyay sidan :

" Howlaha ay wadaan kacaan-diidka gudaha, waa kuwo ku xiran dhaqdhaqaaqyada ka socda dibadda oo ay wadaan xoogagga imberiyaaliyadda iyo kuwa dib u socodka ah. Waxay damacsan yihiin in ay ku ridaan hannaanka cusub ee Itoobiya ka curtay. Si gaar ah waxaa howlahaas uga shaqeynaya rijiimka uu odeyga ka yahay Numeyri (Suudaan), oo dhabarka ku haya dib u socodka carbeed oo ay ugu horeeyaan Sacuudiga iyo Masar. ................................ Itoobiya, iyada oo keligeed ah kama ay adkaan karto kacaan-diidka dibadda iyo gudaha. Sidaa darteed waxaanu ku qanac-sannahay baahida aanu u qabno inaan kaalmo ka helno dhinaca Midowga Soofyeeti iyo dalalka kale ". (Isla marjicii hore).

Siyaasadda Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd mid weli si xooggan ugu sidkan Midowga Soofyeeti. Sidaa darteed Mengistu wuxuu carrabkiisa ka dhowray in Ruushku dareemo in uu colaad u qabo Soomaaliya. Wuxuu sheegay in uu xiiso u hayo in la hagaajiyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Iyo in la mideeyo dadaalka, labada dowladood ee hor u socodka ah, ay ugu jiraan hor u marinta bulshadooda. Sidoo kale in la mideeyo halganka ay labada maamul kula dirirayaan imberiyaaliyadda caalamiga ah iyo xoogagga dib u socodka ah. Soofyeetiga ayaa dhankiisa ka tilmaamay in uu fahmayo dhibaatada gudaha iyo dibadda ka haysata hoggaanka Itoobiya. Waxay ku war-geliyeen tallaabooyin ku wajahan siyaasadaha carri-edeg oo ay Soofyeetigu qaadeen, taas oo ay ugu hiilinayeen kacaanka Itoobiya. Waxaa kamid ah xiriir ay la sameeyeen maamulka Suudaan iyo dadlal kale oo Carab ah. Waxay gaarsiiyeen in Itoobiya loo turo. Madaxdii Soofyeetigu waxay fadhigaas ku caddeeyeen in ay taageero u fidinayaan nadaamka cusub ee Itoobiya.

Podgony wuxuu u sheegay Mengistu wada-hadalkii uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya markii uu Xamar booqday. Wuxuu gaarsiiyay in Maxamad Siyaad uu doonayo in uu Mengistu la kulmo. Soofyeetiguna ay abaabulaan hagaajinta fadhiga iyaga oo dhex-dhexaad ah. Hoggaamiyaha Itoobiya ayaa soo dhoweeyay aragtidaas. Wuxuuna xusay in uu malaynayo in taasi lagu gaari karo abuur xiriir derisnimo oo wanaagsan oo dhex marta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadii uu galay Mengistu wuxuu kala soo noqday risaalad aragti (ideology). Wax hub ah ma uusan soo

helin. Soofyeetigu waxay arkayeen in Itoobiya ay haysato hub ku filan oo ay isaga caabiyi karaan weerrarada ku socda. Tan kale waxaa u muuqatay in aysan jirin sabab uu ugu deg-dego hiillada Itoobiya, waayo cid Soofyeetiga ku haysatay dalkaas ma eeyan jirin. Dhan kale, wuxuu doonayay in dharbaaxada Soomaalida ay muddo ku socoto Itoobiya, si maamulka halkaas ka jira uu u diciifo. Dabadeed ay gacmaha soo hoorsadaan iyaga oo baari ah oo wixii loo yeersho markaa u dhega nugul. Shaxda caynkaas ahna waa tab ay dowladaha waaweyn u adeegsadaan ummadaha aanan qaan-gaarin, kuwaas oo ay danahooda si buuxda uga oofsadaan iyaga oo aanan kharaj ka bixin.

Siyaasaddii Soomaaliya, inkasta oo ay ku sidkanayd Soofyeetiga, misana waxay bilawday xilligaas in ay u iilato waddamada carabta ee deriska ah. Gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo sidaanu horey u soo xusnay deegsanaysay awooddeeda dhaqaale. Dowladdaas ayaa dadaal badan ku bixisay in ay kala fogeyso Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Tallaabadaas ugub ayay ku ahayd siyaasadda dibadda ee dowladda Sacuudiga. Xilligaas wixii ka horeeyay boqortooyadu waxay ahayd mid iska ururisa in ay danayso siyaasadaha dowladaha la deriska ah. Sida aanu soo xusnay, tijaabadii ugu hureysay waxay ku fulisay Soomaaliya. Iyaga oo huwan magac diin iyo mid walaaltinimo ayay ku soo dhowaadeen hoggaankii Soomaaliya. Waxay markaas adeegsanayeen dhaqaale badan oo ay deeq u bixiyaan iyo ballan-qaad ah in ay reer galbeedka ka soo dhameynayaan baahida qalab iyo midda farsamo oo ay Soomaalidu qabaan. (Fiiri Casharka XII-aad Dagaalkii Ogaadeenya).

Bartamihii bishii mey 1977-kii, waxaa booqasho ku yimid magaalada Xamar wasiirkii dibadda ee Sacuudiga

Sacuud bin Feysal. Booqashadaasi oo saddex cisho socotay ayaa waxay ahayd mid rasmi ah. Muddadii uu wasiirku joogay Xamar wuxuu la kulmay madaxweyne Maxamad Siyaad iyo wasiirkii dibadda Cumar Carte Qaalib. Inkasta oo weli eeyan soo bannaan-bixin qoraallada sirta ahaa ee la xiriira socdaalkaas iyo fadhiyadiisii, misana waxaa la rumeysan yahay in ay la xiriirtay xiisaddii ka taagneyd geeska Afrika. Wasiirka martida ah ayaa muuddadii uu Xamar joogay furey masaajidkii la oran jirey Is-bahaysiga ee ku yiil bartamaha Xamar, kaas oo dhismihiisii markaa gacanta laga qaaday. Lacagta ku baxday oo dhamayd hal melyan oo doollar, ayaa waxaa bixiyay dowladda Sacuudiga. Dowladda Soomaaliyeed waxaa u qorsheysnaa in furitaanka masaajidka lagu beego xafladaha loo dhigayo sanad-guurada siddeedaad ee kacaanka 21-ka oktoober. Dowladda Sacuudiga oo talada wax ku lahayd ayaa arintaas diiday. Dabadeed waxay ku guuleystay in furitaanka masaajidka lagu beego booqashada Sacuud bin Feysal. Taasina waxay ahayd ishaaro muujinaysa in ceynaankii Soomaaliya uu ka janjeersaday manhajkii Maarkisiyadda ee shuuciyadda ahaa. Waxaa xusid mudan in wasiirku uu dowladdiisii ka sidey deeq dhaqaale oo lacag ah, taas oo gaareysa 200 oo melyan oo doollar. Wasiirka martida ah ayaa dhaqaalahaas ku wareejiyay Soomaaliya. Sidaas baa Sacuudigii ay ku hanteen kalsoonida madaxdii hoggaanka u hayay Soomaaliya. (Marina Ottaway, Soviet and American Influence in the Horn of Africa, New York : Praeger Publishers, 1982, p.64).

Mid kamid ah il-duufyadii milgaha cuslaa ayaa markaas ka dhacay hoggaankii Soomaaliya. Dhaqanka ay boqortooyada reer Sucuud xilligaas ula yimaadeen Soomaalida wuxuu ahaa dhagar laba-wejiilenimo ah oo ay kaga dano-fushanayeen siyaasadda dalka. Taasina waxay goor danbe ka muuqatay meesha cidlada ah oo ay uga dhaqaaqeen shacabkii Soomaaliya iyo dowladdiisii. Maahan oo keliya xilliyadii adkaa ee Soomaalida soo maray sida dabayaaqadii Dagaalkii Ogaadeenya iyo xilligii dagaalkii sokeeye. Bal, boqortooyadan waxay gacan xooggan oo qarsoon ka geysatay hal-abuurkii qaar kamid ah jabhadihii hubeysnaa oo dowladdii Soomaaliyeed bur-burka ku keenay iyo weliba in eeyan jabhadahaas midoobin muddadii ay halgamayeen. Foojignaanta gurracan oo ay ku ilaashanayso waxa ay ku sheegaan danta qaranka waa midda keentay in ay joojiyaan xoolihii Soomaaliya looga soo dhoofinayay, islamarkaa ay xoolahaas ka soo qaataan Itoobiya. (Akhri buugga la yiraahdo Blood and Bone ee uu qoray I. M. Luwis, qeybta uu kaga waramayo SNM).

Booqashadaas dabadeed sida ka muuqatay falalkii siyaasadeed ee Soomaaliya, madaxweyne Maxamad Siyaad iyo dowladdiisii waxay ku dhowaadeen boqorradii carbeed. Ballan-qaadyadii sirta ahaa oo ay dowladahaasi bixiyeen ayaa kalsooni ku abuuray hoggaankii Soomaaliya. Wakhti badan kama soo wareegan booqashadii wasiirka Sacuudiga, markii uu madaxweyne Maxamad Siyaad u caddeeyay Soofyeetiga in uusan doonayn in uu la kulmo Mengistu X. Mariam. 17/ 5- 1977-kii, Maxamad Siyaad oo la kulmay danjirihii Xamar u fadhiyay dowladdii Midowga Soofyeeti ayaa gaarsiiyay in uusan diyaar u yahay in uu meelna kula kulmo hoggaamiyaha Itoobiya. (Confidential, CPSU CC to SED CC, Information on Visit of Mengistu Haile Mariam to Moscow, 13 May 1977).

Dabayaaqadii bishii mey, Soomaaliya wafdi qarsoodi ah ayay u dirtay magaalada Moosko. Ujeeddada socdaalku wuxuu ahaa in aanan la lumin kalsoonida Soofyeetiga. Islamarkaa loo meel deyo kulanka afka lagu hayo oo labada dowlad lagu heshiisiinayo. Booqashadaas oo dhacday 31/ 5- 1977-kii, ayaa xubnihii u baxay waxaa hor kacayay madaxweyne ku-xigeenkii koowaad Jeneraal Maxamad Cali Samatar. Fadhiyadii la qabtay labadii maalmood oo ay booqashadu socotay, koodii ugu horeeyay ayaa lagu guddoonsaday in booqashada laga dhigo mid rasmi ah oo idaacadaha laga sheego. Jeneraal Samatar iyo wafdigiisii waxay fadhi la qaateen madax ka mid ah xubnihii guddiga siyaasadda. Ragga ay la kulmeen waxaa kamid ahaa wasiirkii dibadda A. A. Gromyko iyo xoghayaha xisbga B. N. Ponoramev. Ninkan danbe oo si xooggan ugu xamaasadeysnaa siyaasadda lagu taageerayay Itoobiya ayaa saaxiib gaar ah wuxuu la ahaa danjiraha Ruushka u fadhiyay Addis-ababa A. P. Ratanov. Kaas oo qudhiisu dadaal badan ku bixiyay in Itoobiya laga badbaadiyo mashaqada dagaalka kaga imanaya Soomaaliya. Ibraahim Aadan Doolaal oo ahaa turjumaankii madaxweyne Siyaad ee afka Ruushka, wuxuu inoo sheegay, ninka la yiraahdo M. A. Suslov oo odey ka ahaa hoggaanka ideolojiyada ee xisbiga, in uu ku weheliyay xoghayaha iyo danjiraha, caadifadda ay u hayeen Itoobiya.

Jeneraal Samatar, fadhigii ugu horeeyay wuxuu la qaatay xogheyihii guud ee xisbiga L. I. Brezhnev. Waxay ka sheekeysteen jahada ay ku socoto xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Taas oo ay ku tilmaameen in lagu doonayo wax is-dhaafsi noocyo badan oo loo kaashanayo hor u marka labada dal. Waxay isku soo qaadeen dhibaatada ka taagan geeska Afrika. Brezhnev ayaa tilmaamay in dalkiisa iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo ku salaysan is af-garasho. Jeneraalka Soomaaliyeed ayaa ku fogaaday in uu ka hadlo khilaafka dhex yaal Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo salka ku haya dhulka ay Itoobiya ka haysato Soomaaliya. Islamarkaa wuxuu cudur-daar u yeelay mowqif kasta oo Soomaaliya ay ka is-taagto arintaas. Qoraalladii ay Soofyeetigu fadhigaa ka sameeyeen ayay ku xuseen in Samatar uusan marna xusin in rijiimka hoggaaminaya Itoobiya uu yahay mid kacaan ah. Qoraal uu Ruushku ka sameeyay hadalkii Jeneraal Samatar waxaa kamid ahaa sidan :

" Samatar, xataa ma soo qaadin wax yar oo tilmaamaya in xaaladda gudaha Itoobiya ay caadi tahay. Bal wuxuu sheegay xaqa ay dadka reer Ogaadeenya u leeyihiin in ay ka go'aan Itoobiya. Samatar wuxuu yiri, hoggaanka Itoobiya, intii ay u soo jeensan lahaayeen sidii ay ku hanan lahaayeen dad-weynaha Ogaadeenya, waxay wax ku xalliyaan hub ". (Strictly Confidential, Report from CPSU, CC to SED CC, Information about the Visit to the Soviet Union og Somalia Vice Presedent Samatar, late may-early June 1977).

Madaxdii Soofyeetiga oo ka waramaya aragtidii ay u gudbiyeen Maxamad Cali Samatar waxay sheegeen sidan :

" Dhankayaga, annaga oo ku cel-celinay ayaanu ku adkaynay, aragtida muhimka ah ee hadda taal. Taasi waa in laga fogaado isku-dhac ciidan ee dhex-mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Sawir digniin ah baanu ka bixinay dhibaatada ay leedahay xaaladda, markii laba dal - Soomaaliya iyo Itoobiya - oo kacaannimo u doortay waddadii ay ku hor mari lahaayeen, ay colloobaan. Sida dhabta ah, waanu ognahay khilaafka aragtiyeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo wax walba horteed ka unkamay qadiyadda dhulka. Laakiin haddii uu dagaal dhexdooda ka qarxo, cidda keliya oo ka faa'iideysa waa imberiyaaliyadda caalamiga. Dagaalka caynkaas ahna waxa laga dhaxlo ma noqonayo mid idin ku badiya qubuuraha oo keliya, bal xoogagga dib u socodka ah ayaa sanka dusha idin ka saaraya. L. I. Brezhnev, wuxuu codsaday in lagu dadaalo sidii khilaafka jira loogu dhamayn lahaa waddo nabad ah iyo wada-hadal miis dushiis. Xaaladda gudaha ee Itoobiya waa arin gudaheeda ah oo aanan khuseyn dad bannaanka ka ah. Itoobiyaanka, iyaga ayay tahay in ay xal u helaan ". (Isla marjicii hore).

Hadalkii Brezhnev, inkasta oo uu ahaa mid dhab ah oo loo adeegsanayay dan gurracan, misana wuxuu mudnaa in ictibaar la siiyo oo lagu hakado digniinta culus oo uu bixiyay. Ninkaasi wuxuu tilmaamay in natiijada dagaalka eeyan noqonayn mid degaanka ku badisa qubuuraha oo keliya, balse ay noqonayso mid daaqadaha u furta kooxo danaystayaal ah in ay u tartamaan sidii ay caynaanka ugu qaban lahaayeen shacabkan aanan weli hana-qaadka noqon. Ereyadan ayaa waxay kamid ahaayeen digniinaha aanan wax la huwin oo la hor dhigay madaxdii Soomaalida.

Fadhiyadaas ayaa madaxdii kulantay ay isku soo qaadeen in Ruushku uu kulansiiyo madax ka socota Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah. Maxamad Cali Samatar waa uu oggolaaday isaga oo tilmaamay in marka hore kulanku uu ahaado heer wasiirro. Wuxuu kaloo oggolaaday in marxaladda ugu danbeysa ay ahaato kulanka hoggaamiyayaasha labada dal. Mar si toos ah ay Ruushku u weydiiyeen goorta ay haboon tahay iyo meesha ay ku haboon tahay in shirka lagu qabto. Jeneraal Samatar wuxuu u sheegay in meel kasta iyo goor kasta ay haboon tahay. Keliya wuxuu codsaday in Ruushku ay goob-joogayaal ka ahaadaan. Jeneraalka Soomaaliyeed, wuxuu hadalkiisii raaciyay in Soomaaliya ay la imanayso fadhiga la qaban doono, qadiyadda dhulka maqan.

Ma qarsoona reer Yurub markay ina qorsheeyeene

Afrikaanka qeybtii ku jirey qoyska nagu raacye

Nasiib baa Amxaar nagu qafilay cunaya qeyriine

Qalin iyo siyaasad iyo dastuur kuma qancaayaane

Nabad kuma qadeeyaan xarguhu qubane weeyaane

Qow baa intaa lagu hayaa qowrac iyo leyne. (Dhoodaan).

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.