Waxaa
xusid mudan in guutada Duufaan ay ahayd ciidanka
markaa ka dagaal galay dhulkii ay ku dhaqnaayeen
beelaha Absame. Dhallinyarada iyo wax-garadka
beelahan ayaa xilligaas waxay ahaayeen kuwo ku
baraarugsan siyaasadda. Naacawdii laga helay degaamadii
la xoreeyay, waxaa markiiba si gaar ah ula danqaday
dad badan oo u dhashay beelahan. Jaceyl iyo jimiimic
ay u qabeen darteed, ayaa dhallinyaro badan oo
rag iyo dumar isugu jira ay markiiba u yaaceen
dhulkaas. Waxaa kamid ahaa Maxamad
Xaaji Siraaji oo isagu inooga waramay sida
ay xaaladdu ahayd.
"
Waxaa ina soo gaaray waraka tilmaamayay guulaha
ay jabhadiintu gaareen iyo degmooyinka ay ka kiciyeen
ciidamada Itoobiya. Arintaasi waxay nagu abuurtay
hiyi-kac. Aniga iyo laba inan oo kale oo markaas
arday ahaa, waxaan ku tashanay inaan dhulkii aadno.
Gaari u socday Beled-weyne ayaan Xamar ka raacnay.
Dabadeed mid kale baan Feer-feer u raacnay. Halkaas
waxaanu kula kulanay askari Soomaaliyeed oo ka
soo fasax qaatay ciidankiisii oo fadhiyay Baardheere.
Isaga ayaanu goor galab ah la lugeynay. Wuxuu
ahaa nin dhulka aanu mareynay naga badiya. Wuxuu
inoo sheegay in uu inaga horeeyo dhul ban ah,
oo ay tahay inaanu habeenimada ka gudubno. Isaga
oo na hor-kacaya ayaanu habeenkaas oo idil cagta
dedejineynay. Nasiib darro, waa uu nala hatfay,
oo goortuu waagii baryay, waxaanu aragnay annaga
oo taagan halkii aanu xalay ka baxnay ".
(Wareysi aanu la yeelanay Maxamad Xaaji Siraaji, 12/ 5- 2004,
Stockholm - Sweden).
Waxaa
dhacday in ay bankii ku beegmeen goor ay duhurkii
tahay. Waxay ku khasbanaadeen in eeyan socodka
joojin. Daal iyo kuleylkii ay ku lugeeyeen ayaa
wuxuu sababay in casar-gaabkii, ninkii ugu horeeyay
uu ka fariisto. Dabadeed waxaa dhacday in ay dhamaantood
socodka daayaan. Ninkii ugu da'da yaraa baa markaas
u kacay in uu tacaal ku gaaro tuulo u dhoweyd
oo la yiraahdo Higlaale. Nasiib wanaag, tuuladii
buu gaaray oo ka war-geeyay raggii la socday.
Halkii baa looga soo gurmaday, oo caaniyo biyo
loogu keenay. Kaddib markii ay gaari ka raaceen
ayay gaareen Qabri-daharre, waxay u gudbeen baadiyihii
ay reeruhu degganaayeen. Waxay halkaas ugu tageen
reer miyigii oo wada jabhadoobay. Xlligaas ciidamadii
Duufaan waxaa laysugu keenay ceelasha Malayka.
Maxamad Xaaji Siraaji oo xaaladdaa ka waramaya wuxuu
yiri :
"
Ciidanku wuxuu ku firirsanaa dhul aan ku qiyaasay
illaa 10 km. Reer myiga ayaa ugu tabarucayay xoolo.
Maalin walba geel bay qalanayeen. Habeen kasta
dhaanto ayay cayaarayeen. Markaad aragto niyadda
ay hayeen, waxaa kugu abuurmaya himmad sare. Dadkii
ku noolaa magaalooyinka, waxay ku soo jabeen baadiyaha
iyo halkii ay ciidamadu fadhiyeen. Dadkaasi cabsi
ayaa ku abuurantay ah in ciidamada Itoobiya ay
u laayaan aargoosi. Mrkii jabhaddii ay laysay
askartii Itoobiya, ayay ka baqeen in ciidamo cusub
inta la keeno, dabadeed ay wax yeeleeyaan naftooda
iyo hantidooda. Sidaasna waa caado uu yiqiin maamulka
Itoobiya ". (Wareysi
aanu la yeelanay Maxamad Xaaji Siraaji, 12/ 5-
2004, Stockholm - Sweden).
Degmooyinka
laga soo qaxay waxaa kamid ahaa Fiiq, Xamaro iyo
Sagag. Raggii hoggaaminayay jabhadda ayaa iyaguna
ku sugnaa goobtaas. Waxaa kamid ahaa Axmad Shiikh, Asad Beddel
iyo Cali-Shucaac.
Raggaasi ayaa ka codsaday dhallinyaradii ka timid
Soomaaliya in ay dadka la hadlaan oo ay wacyi
geliyaan. Muddadii dhallinyaradu ay la joogeen
jabhadda, waxay qeyb xooggan ka qaateen in ay
reer miyiga kala hadlaan is-abaabulka iyo kala-danbeynta.
Ragga ku yimid baxsadka waxaa kamid ahaa Cabdullaahi
Macallin Dhoodaan.
Waxaa
goobtaa isugu tegay dad badan oo u dhashay degaamadaas.
Dowladdii Soomaaliyeed, waxay markaa xayiraad
siyaado ah saartay guddigii siyaasadda iyo madaxdii
kale ee WSLF. Waxaa laga ilaalinayay in ay xiriir-hoosaad
la yeeshaan ciidanka halkaas fadhiya. Iyada oo
ay cakiran tahay xiriirka dowladda iyo hoggaankii
ciidanka jabhadda, ayaa degaanka Malayka waxaa
ka dhacay shir-weyne looga arinsanayo xaaladda.
Dadkaa isu yimid ayaa waxay isla meel-deyayeen
xaaladda dagaal iyo midda abaabul oo loo baahan
yahay in si wada-jir ah looga tashado. Sirkaasi
wuxuu kamid ahaa waxyaabaha kordhiyay dareenka
dowladdii Soomaaliyeed. Saraakiisha hoggaaminayay
ciidanka jabhadda, falkan waxay u arkayeen abaabul
aanan looga maarmin socodsiinta dagaalka. Halka
madaxdii Soomaalida uu ku abuuray shaki weyn.
Shiikh Ibraahim Cabdullaahi
oo ah aqoonyahan u dhashay gobolkaas, islamarkaa
baaritaan badan iyo qoraallo ka dhigay taariikhda
qadiyaddan, ayaanu ka wareysanay aragtidii ahayd
go'itaanka gobolka oo xilligaas shakiga ku abuurtay
dowladdii Soomaaliya. Shiikh Ibraahim wuxuu ku
jawaabay sidan :
"
Aragtida goosashada Ogaadeenya, waa ay jirtay.
Mase ahayn mid taageero ka heshay dad-weynihii
saldhigga u ahaa socodsiinta halgankan. Rag baa
ra'yiga la yimid. Waxaase jirey xoog ka badan
oo ka soo hor jeeday, kaas oo diiddanaa aragtidan.
Dad-weynuhu wuxuu qabay mideynta shanta Soomaaliyeed.
In badan oo kamid ah wax-garadka beelaha Absame
ayaa xlligaas qabay in eeyan suuragal ahayn in
qaar kamid ah dadka ku abtirsada gobolka ay masuuliyad
sare ka hayaan jamhuuriyadda xorta ah, islamarkaa
uu halganka noqdo mid aanu ku dooneyno gobol aanu
si gaar ah uga talino. Qadiyaddan, tan iyo maantay
abuurantay, illaa iyo hadda wuxuu codkeedu ahaa
isu ururinta bulsha-weynta Soomaaliyeed ".
(Wareysi aanu la yeelanay
Shiikh Ibraahim Cabdullaahi, London, 20/ 6- 1977-kii).
Dowladdii
Itoobiya waxaa u muuqatay culeyska ku soo kordhaya
nolosheedii siyaasadeed iyo middii ciidan. Waxay
dareensanayd in dad-weynaha reer Ogaadeenya ay
yihiin culeys khatar gelanaya jiritaankooda dowladnimo,
iyaga oo gacan ka haysta dowladda Soomaaliya.
Markaas waxay bilowday fal aanan ugub ku ahayn
maamullada gumeysiga. Kaasi wuxuu ahaa in laga
aarsado maatada iyo dadka rayidka ah. Falkan ayaa
wuxuu bilow u ahaa weeraro taxane ah oo ay la
beeganayaan meelaha ay bulshadu ka jilicsan tahay.
Iyada oo adeegsanaysa dayuuradeheeda dagaalka,
maamulkii Itoobiya wuxuu guddoonsaday in uu hub
la dhaco ceelashii ay reer miyigu ka cabayeen.
Weliba hubka ay markaas adeegsadeen wuxuu ahaa
hubka naabaalka, kaas oo kamid ah noocyada hubka
ah oo ay ka yaaliin heshiisyada caalamiga ah,
inaanan laysu adeegsan. Weerarkii ugu horeeyay
waxay la beegsadeen ceelasha Malayka. Goor ay
barqa tahay ayay soo weerareen. Sida caadadu tahay,
waxaa markaas ceelasha jooga xoolaha ugu badan
ee la waraabinayo. Dhacdadaas oo ku beegnayd 4/
6- 1977-kii, waxay geeri ku sababtay tobaneeyo
kamid ah dhallinyaradii reer miyiga ahaa ee xoolaha
waraabinayay. Dhaawacuna intaa waa uu ka badnaa.
Waxaa kale oo hubkaas uu galaaftay dhowr boqol
oo geel ah. Yuusuf Maxamad
Sugaal oo xlligaas ku sugnaa dhulka u dhexeeya
Dirir-dhabe iyo Harar ayaa markuu warkan maqlay
ka tiriyay gabay uu leeyahay :
Warka
xero Malaykiyo ka yimid Xamara jiiddeeda
Ey
xigaalka ii soo warsheen xalay i soo booqday
Xummad
iyo alleylehe i geli urug xanuunkeede
Xabashigan
dadkeygii ku gubay xoradka naabaalka
Ogow
inay xoriya tahuu hubsaday xarakadeeniiye
Xaasaska
iyo maatada cayaar kuuma xasuuqeene
Xuquuq
waxaan aqoon iyo kufriga xaaqay shacabkeyga
Ee
xisdiga caruurtiyo ku jaray xoolo iyo moodba
Haddii
aanay xajiini qaban ma xasli waayeene
Talaabo
kale ayaa jirtay oo dowladda Itoobiya ay qaaday
xilligaas. Tallaabadaasi waxay ahayd bowdyo-qaawis
ay iyo muruq-tuujis, ay uga dan lahayd in ay Soomaalida
u muujinayso in eeyan ahayn mid itaal daran. Itoobiyaanku,
risaaladaas waxay muujiyeen carbis ay ka qeyb-galeen
ciidan ku dhow 15.000 oo nin. Dabridkaas oo lagu
dhigay meel magaalada Jigjiga waqooyiga kaga aaddan,
ayaa waxaa ka qeyb-galay taangiyo, gawaari gaashaaman,
madaafiicda-goobta iyo dayuurado. Ninkii ugu horeeyay
ee Soomaaliya soo gaarsiiyay qorshaha dab-ridkaasi
wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed, kaas oo horey u
ahaa saddex-alifle ciidamada Itoobiya, markaase
ka fariistay shaqadii. Isagu wuxuu ku noolaa magaalada
Jigjiga, islamarkaa wuxuu si wanaagsan ula socday
dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya, oo saaxiibo badan
ayuu ku lahaa. Booqasho uu Xamar ku yimid ayaa
waxay isku arkeen guddoomiyihii WSLF Cabdullaahi
Xasan. Wuxuu uga waramay xogta uu ka hayay
dab-ridkaas. Guddoomiyuhu warkii buu u gudbiyay
madaxweynaha. Maxamad
Siyaad oo si wanaagsan u fahmayay ujeeddada
ay Itoobiyaanku uga golleeyihiin falkan, ayaa
markii loo sheegay warkaa, wuxuu yiri :
"
Ba'aa, oo waa dagaale. Nimanku waxay doonayaan
in ay dagaal ku baaqaan ". (Wareysi
aanu la yeelaney Cabdullaahi Xasan, 6/ 10- 2004,
Qaahira).
Guddigii
siyaasadda ee XHKS, bartamihii bishaas waxay guddoonsheen
in ay oodda ka rogaan guutadii saddexaad in ay
ku dhaqaaqdo Itoobiya. Guutadan waxaa hoggaaminayay
Gaashaanle Cabdirisaaq
Shiikh Cismaan oo ku magac dheer Cali-baadiye.
Eynu u deyno Cali-baadiye, ha inooga war-bixiyee
sheekada loogu dhiibay xilkan :
"
23/1- 1977-kii, goor ay subaxnimo tahay, aniga
oo isu diyaarinaya in aan aado kuliyaddii Jaalle
Siyaad ee aan macallinka ka ahaa, waxaa ii yimid
odagii Cabdi-madoobe
ahaa. Wuxuu ii sheegay in madaxtooyada layga rabo.
Kaddib waanu is raacnay, markay saacaddu ahayd
lixdii iyo barkii subaxnimo. Meeshii waxaanu ugu
tagnay xubnihii guddiga siyaasadda oo xafiiskii
madaxweynaha ku jira. Cabdi-madoobe
wuxuu ii sheegay in raggaasi, fadhigii ay shalay
galab galeen ay weli ku jiraan. Cid u gashayna
ma jirin aan ka ahayn Cabdi-madoobe
iyo laba nin oo kale mooyee. Kuwaasina
wixii ay u baahdaan ayay u dirsanayeen ".
(Wareysi aanu la yeelaney
Cali-baadiye, 5/ 3- 2004, Gaalkacayo).
Sida
muuqata, habeenka ay madaxdaasi fadhiyeen wuxuu
kamid ahaa habeenadii ay xubnaha guddiga siyaasadda
ku dheeraadeen doodaha ay ku falan qeynayeen dagaalka.
"
Muddo saacad iyo bar ah markaan dibadda ku
sugayay, ayay soo baxeen. Waan is-taagay oo salaamay.
Sida caadada ahayd, iyaguna waa ay iga qaadeen.
Maxamad Cali Samatar
oo wasiirkii gaashaan-dhigga ahaa, si gaar ah
ayuu iila ballamay oo wuxuu i yiri, markaad odaga
soo dhameysataan, xfiiska iigu kaalay. Madaxweynihii
baan u galay. Muddo baan xafiiskiisii wada fadhinay.
Run ahaantii wixii la iigu yeeray, odeygu toos
uma abbaarin, bal sidii caadadiisu ahayd waa uu
kor maray. Taasna wuxuu uga dan lahaa in marka
hore uu mowqifkeyga ogaado. Goor aanu cabbaar
wada fadhinay ayuu guda galay in uu igala hadlo
dalka Soomaaliyeed oo ay Itoobiya haysato iyo
sida XDS uu u diyaarsan yahay. In dowladda Soomaaliyeed,
iyada oo u martay OAU-da, ay isku deyday in gobolkaas
maqan laga qaado afti ay u codeynayaan madax´bannaanidooda.
Mowqifka siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan gobolkaas
". (Isla marjicii
hore).
Maxamad
Siyaad ayaa hadalkiisii ku gunaanaday in
ay waajib tahay inaan xaqeena doonanno. Markaas
buu wuxuu Gaashaanlaha weydiiyay sida uu u arko in uu hor kaco
ciidan kamid ah ciidamada jabhadaha Soomaali Galbeed
iyo Soomaali Abboo. Madaxweynaha wuxuu markaas
yiri sidan :
"
Maadaama xaaladdu sidaas tahay, maxaad adigu
ka qabtaa inaad riddo xabbadda shan ka-roortada
ah oo dalka lagu xoreynayo ". (Isla marjicii hore).
Gaashaanle
Cabdirisaaq Shiikh Cismaan ayaa madaxweynaha
ugu jawaabay sidan :
"
Anigu waxaan ahay sarkaal ka tirsan ciidamada
XDS. Waxaan u lebisnahay inaan qaato wixii amar
ah oo lay siiyo. Laakiin aniga iyo adiga manihin
raggii ka wada-hadli lahaa arinkan. Saraakiisha
XD oo madaxda ii ah iyo wasaaradda gaashaan-dhigga
ayay tahay in uu amarka ka soo baxo ".
Arinta
jabhadaha oo uu madaxweynuhu ka dhawaajiyay, Cali-baadiye
wuxuu kaga jawaabay in ay tahay mid uusan shuqul
ku lahayn. Wuxuu xusay in ay ula muuqato in isaga
dagaalka loo diro markii la guddoonsado in ay
galaan ciidanka XDS. Ciidamada jabhadahana loo
dhiibo rag saraakiisha ah ee u dhashay gobolka.
Madaxweynaha ayaa markuu arkay aragtida Gaashaanle
Cabdirisaaq, wuxuu soo gabagabeeyay hadalkii
oo sarkaalka ku yiri : waayahay, orod oo marka
shaqa-tag. Gaashaanle
Cabdirisaaq Shiikh Cismaan, markuu madaxweynihii
ka yimid, sida balantu ahayd, wuxuu soo maray
xafiiskii wasiirkii gaashaa-dhigga. Jeneraal
Samatar, ayaa markay kulmeen wuxuu wax
ka su'aalay arinka uu madaxweynaha u diray. Cabdirisaaq
baa markaas ku jawaabay in aanan waxba
loo dirin. Samatar baa
yiri :
"
War odeygu ma wuusan kuu dirin xil ku aaddan
dagaalka ay jabhaduhu ka wadaan gobolka ? ".
Jeneraal Samatar, markii ay u caddaatay in aysan
jirin wax waajib ah oo la siiyay sarkaalkan, ayuu
ka gaabsaday wixii tifaf-tir ahaa oo uu doonayay
in uu la socodsiiyo. Halkii bay ku kala tageen
Cali-baadiye iyo wasiirkii.
Guddigii
siyaasadda ayaa dib isugu noqday. Waxay is tusiyeen
in Gaashaanle Cabdirisaaq uu yahay sarkaal ku haboon hoggaaminta
guutada saddexaad oo loo diyaarinayo dab-shidka
dagaalka. Madaxwenaha ayaa markaa u yeeray taliyihii
guutada difaaca cirka G/ Dh. Maxamad Shiikh Cismaan (Cirro). Isagu wuxuu ahaa Cali-baadiye walaalkiis.
Madaxweynaha iyo wasiirkii gaashaan-dhigga oo
la fariistay Cirro, ayaa waxay ku yiraahdeen sida :
"
Waxaanu dooneynaa in ciidamadii Soomaaliyeed
ay ku duulaan Itoobiya, si loo xoreeyo gobolka
ay naga haystaan. Qorshaha aan rabno waa in marka
hore gudaha la geliyo ciidamo jabhado ah oo curyaamiya
ciidamada Itoobiya. Dabadeed ciidankii Soomaalida
uu ka tallaabo xuduudda. Waxaa jira guuto lagu
bixinayo dhulka koonfureed oo ay Oromadu degaan
ee Baali iyo Siidaamo. Ciidamadan oo u badan Caruusha
iyo Booran, ayaa saraakiisha la socota eeyan ahayn
kuwo laysku halleyn karo. Waxaa jira cabsi laga
qabo in waajibka la siiyo ay siduu ahaa u gudan
waayaan. Haddaba markaanu eegnay saraakiisha Soomaaliyeed,
waxaa nagula haboonaaday inaan ciidankan u dhiibno
Cabdirisaaq Shiikh. Isagiina si buu uga biya diidan yahy
howsha. Adiguu walaalkaa yahaye, bal la soo hadal
oo soo qanci ". (Isla
marjicii hore).
Waxaa
xusid mudan, in ciidamada dhexdooda uu xilligaas
ka socday abaabulka af-gembigii fashilmay oo lagu
laayay Maxamad Shiikh
Cismaan iyo saaxiibadiis. Gaashaanle
Cali-baadiye, wuxuu ahaa ninka qaabilsanaa
xiriirinta saraakiishii ka qeyb-qaatay af-gembiga.
Sida uu sheegay waxay tashi isugu laabteen saraakiishii
u waaweynaa ee qorshaha af-gembiga wax ka waday.
Waxay ku taliyeen in uu hor-kaco ciidamada jabhadda,
si uu uga badbaado xabsi oo uusan hakad u gelin
howsha afgembiga. Sidaas buu Cali-baadiye
ku baxay, kaddib markii uu wareejiyay howshii
qarsoodiga ahayd oo uu u hayay saraakiishii af-gembiga
qorsheynayay. Xilkii kaga aaddanaa qorshaha afgembiga,
wuxuu ku wareejiyay Gaashaanle
Yaasiin Hurfe oo isna ahaa taangiiste.
Allaha u naxariistee wuxuu ku dhintay dagaalkii
lagu xoreeyay magaalada Qabri-daharre.
Cabdirisaaq
Shiikh Cismaan, sanadkii 1970-kii ayuu
yimid Soomaaliya, isaga oo soo dhameystay wax-barasho
ciidameed oo uu dalka Soofyeetiga ugu maqnaa muddo
afar sano ah. Wuxuu soo dhameystay takhasuska
ah taangiyada. Degmada Buulo-berde ayay ahayd
goobtii ugu horeysay ee uu ka howl-galo. Wuxuu
halkaas fadhiyay Sanad iyo bar, dabadeed wuxuu
galay kooras sanad iyo laba bilood ah oo saraakiil
uu kamid yahay ay ku qaadanayeen aqoon abaanduulenimo.
Inkasta oo Xamar ay ahayd meesha ay kooraska ku
qaateen, misana saraakiil Ruush ah ayaa bixinayay.
Dabadeed wuxuu ku laabtay gobolka Hiiraan, magaalada
Beled-weyne. Waxaa halkaas fadhiyay taliska ciidanka
gobollada dhexe. Waxaa taliye ka ahaa Maxamad
Nuur Galaal. Inkasta oo lagu magacabay
sarkaalka tababarka iyo howl-gelinta, misana Cali-baadiye
muddaduu halkaa joogay, isaga ayaa ahaa abaanduule.
Muddo
kadib waxaa lagu magacaabay in uu odey ka noqdo
urur taangiiste ah oo cusub, kaas oo haystay taangiyadii
ugu danbeeyay oo uu Ruushku siiyo Soomaalida.
Kuwaasi waxaa la oran jirey T-55. Taangiyadaas
oo ka soo degay Berbera ayaa waxaa la dejiyay
meel Hargeysa u dhow oo la yiraahdo Darar-weyne.
Xilligii ololaha hor u marinta reer miyiga iyo
abaartii Daba-dheer, Cali-baadiye wuxuu guddoomiye degmada Ceel Af-weyne oo
ka tirsan gobolka Sanaag. Kadib wuxuu kamid noqday
saraakiishii lagu asaasay kuliyaddii ciidamada
ee Jaalle Siyaad. Halkaas ayuu macallin ka ahaa
illaa uu dagaalka ka galay.
Saadiq
Enow
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore