|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXV-aad

Dr Enow

 

Isla-bishaas juun, waxaa jirey fadhi ay ku kulmayeen madaxda dowladaha ku bahoobay Ururka Midnimada Dowladaha Khaliijka, kaas oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta. Muddadii uu fadhigaas socday, ayaa madaxweynaha JDS Maxamad Siyaad Barre, uu booqasho kedis ah oo laba cisho ah ku tegay dalkii ay boqorrada carbeed ku kulmayeen. Magaalo-madaxda Abuu-Dabay, ayuu madaxweynaha Soomaaliyeed uu gaaray galabnimadii ay taariikhdu ahayd 23/ 6- 1977-kii. Isla galabnimadaas madaxweynuhu wuxuu la kulmay boqorkii Imaaraadka Shiikh Saa'id bin Suldaan Aal-Nahyaan. Sida ay wargeysyadu sheegeen, arrimaha ay labadaas masuul ka wada-haleen waxay ku koobnayd laba arimood oo ahaa, guud ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin waddamada Carabta iyo nabad-gelyada badda Cas. Maantii xigtay, Maxamad Siyaad wuxuu la kulmay boqorradii halkaas isugu yimid. Laba qodob oo madaxda carbeed ay kala hadleen madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa waxay ahaayeen nabad gelyada badda Cas iyo madax-bannaanida dalka Jabuuti oo markaas ay ka dhinayd saddex maalmood oo qura. (Wargeyska Al-ahraam. Tirsigiisii soo baxay 25/ 6- 1977. Masar. Qaahira).

Inkasta oo aanan la faafin sheekadii tooska ahayd oo ay is-dhaafsadeen madaxweynaha Soomaaliyeed iyo madaxdaa carbeed, misana ilo xog-ogaal ah waxaa laga helay in Maxamad Siyaad uu ballan-qaad buuxa ka soo helay fadhigii uu la qaatay madaxdii dowladaha Khaliijka. Ballan-qaadkaas wuxuu ku saabsanaa, in dowladaha Khaliijka ay si buuxda u taageerayaan qadiyadda Ogaadeenya, laakiin waxay shardi uga dhigeen in Soomaaliya ay oggolaato madax-bannaanida Jabuuti. Madaxdii Soomaaliyeed waa ay ku qanceen arrinkaas. Cabdi-Nuur Cali Yuusuf oo ahaa dan-jirihii Soomaaliya u fadhiyay xilligaas dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu inoo sheegay in Carabtu ay oran jireen sidan :

" Waanu idin garab joogsanaynaa, oo waanu ognahay in Ogaadeenya ay tahay dhul Soomaaliyeed ". (Wareysi aanu ka soo xiganay Dan-jire Cabdi-Nuur Cali Yuusuf. Qaahira. 17/ 4- 2005).

Guddigii siyaasadda oo iyagu ahaa shantii nin ee talada dalka ay ka go'day, ayaa waxay ahaayeen kuwo aan illaa xilligaas u baahan in ay dagaalka kala tashadaan mu'asasaadkii kale ee dowladda oo ay ugu horeeyaan golihii dhexe ee XHKS. Inkasta oo dabayaaqadii bishii juun ay si muuqata kor ugu kacday howl-galladii ciidameed oo ay jabhadiinta Soomaaliyeed ka wadeen gobolka lagu muransanaa, misana weli markaas ma dhicin in madaxweyne Maxamad Siyaad uu si cad u soo bandhigo mashruuca dagaalka.

Bishaas aakhirkeedii, kaddib markii uu Gaashaanle Cali-baadiye xuduudda kala gudbay guutadii Liibaan, Itoobiya waxaa ku kordhay shiddadii uu ku hayay dagaalka kaga furan xuduudda bari. Ururadii guutadaas, markii ay gudaha galeen, markiiba waa ay is-qeybiyeen. Qeyb waliba waxay u kacday aag ay ka dagaal gasho. Ciidamada Itoobiya waxay markaas ahaayeen kuwo kala firirsan. Gaashaanle Cali-baadiye oo xaaladdii ciidanka Itobiya ka waramaya wuxuu yiri :

" Markaanu xuduudda gudubnay, waxaanu markiiba u tallownay dhulka gudaha ah ee ka shisheeya degmada Nageyle. Ciidamada Itoobiya ee aanu halkaa ugu tagnay waxay ahaayeen kuwo tacbaan ah. Waxaanu ka qaadnay dhamaan tuulooyinkii iyo degmooyinkii yar-yaraa oo dhan. Waxaanu isugu soo ururinay degmooyinka waaweyn, sida Nageyle oo kale ". (Wareysi aanu la yeelanay Cali-baadiye. 28/ 3- 2005-tii. Soomaaliya. Gaalkacayo).

Dagaalladii ugu horeeyay oo ay isku helaan labada ciidan waxaa kamid ahaa, laba dagaal oo ka dhacay gobolka Baali. Dagaalka hore wuxuu ka dhacay tuulada la yiraahdo Barbaaro oo 7 km. dhanka koonfureed ka jirta degmada Gindhir. Meesha labaad oo laysku helay waxaa la yiraahdaa Diniq oo iyadana 5 km. dhanka bari ka jirta Gindhir. Labadaas tuulo ayaa middeeda hore, jabhadiintu ay ku dileen 60 askari oo Itoobiyaan ah, tan danbena 64 askari. (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisii soo baxay 7/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

26/ 6- 1977-kii, kooxo kamid ah guutadii ka dagaal gashay waqooyiga, ayaa waxay weerareen Magaalada Harar iyo tuulada la yiraahdo Xamareysa oo dhowr km. u jirta Harar. Sida ay wararku sheegeen, waxay halkaas ku laayeen 117 askari. Ciidankaa la laayay waxaa kamid ahaa siddeed nin oo saraakiishii ciidanka ahaa. Waxaa kale oo isla maalmahaasi ay dagaallo culus ka dhaceen tuulooyinka Kumbulshe, Ajeersa-goore iyo Miita. Dhamaantood waxay ku yaaliin agagaarka magaalada Harar. Dagaalladii halkaas ka dhacay ayaa dhamaantood waxaa looga guuleystay ciidamadii Itoobiya. Afartaas tuulo ayaa markaas gacanta u galay ciidamada WSLF.

Waxaa dagaalladaas lagu diley askar tiradoodu ka badan tahay 300 oo nin. Waxaa lagu gubay siddeed gaari oo kuwa xamuulka ah. (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 5/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

Isla-bishii juun dabayaaqadeedii agagaarka magaalada Qabri-daharre, ayaa waxaa ka dhacay dagaallo ay ku hoogeen ciidamadii Itoobiya. Dagaalladaas waxay ka dhaceen magaalada Qabri-daharre gudaheeda. Ciidamo ka tirsan guutadii Duufaan ayaa halkaas ku weeraray xero weyn oo ay fadhiyeen ciidamo Itoobiyaan ah. Xafiiskii jabhadda WSLF, ayaa war ka soo saaray dagaalkaas, markay taariikhdu ahayd 4/ 7- 1977-kii. Warku wuxuu sheegay, in dagaalkaas uu dhacay 30-kii bishii juun. Iyo in dagaalyahannadu ay halkaa ku laayeen 240 askalri, islamarkaa ay gubeen dayuurad fadhiday garoonka magaalada. Waxaa kale oo weerarkaa lagu gubay 17 gaari oo mid yahay gawaarida gaashaaman. (Isla marjicii hore).

Dhibaatooyinkaas loo geystay ciidamada Itoobiya oo ay wararku sheegeen, waxaan ka wareysanay guddoomiyihii WSLF, Cabdullaahi Xasan Maxamuud. Wuxuu ku jawaabay in sidaas la sheegay ay run ahayd oo dagaallada lagu baabi'in jirey askarta Itoobiyaanka ah. Soomaalida ayaanan askartan u arag dad la deris ah oo mudan in la siiyo xuquuqdii derisnimo. Bal waxaa loo arkayay askar u adeegaya maamul gumeysi, kaas oo waxa uu bililiqeystay eeyan ahayn hanti keliya, bal sharfkii ay beeluhu lahaayeen. Diilalyo iyo dal-tabyo xooggan ayaa Soomaalida u haysay in ay mar qura arkaan degaanka oo ka madax-bannaan maamulka Addis-ababa. Taas ayaa sababaysay hoogga iyo ba'a ay la kulmayeen askarta Itoobiya.

Xarbadda u gardaadsada jihaad go'a u sii feyta

Gaadmiyo wareentiyo bareer gaalada u laaya

Gudoodiga habeenkii ku mira gala dharaartiina

Gabbal-dhiciyo waaberi rasaas ugu garaar daaya

Goobtii saad u yaaliyo hubkiyo guba shidaalkooda

Gaadiidkii dhaqaaqaba waddada miino ugu gaara

Dayuuradaha waa guux-bilaash galalabtoodiiye

Yool ay naga garaacdiyo malihin guri alaab taalle

Gamuun qura ku rida yeyan didin geela noo sabane

Gantaalka leefida ah ee gubaya reyfal gumuciisa

Isaguba ku gama oo cabaar dab-xir ugu gooba

Amase gegida ay degahyaan dumiya gebigeedba

Is-gaarsiin lugeed tii dhulkiyo tii cirkaba gooya

Geesna yeeyan gees caawinine gurmadka u diida

Ku go'doonsha way gaag-tirmiye, goosanba halkiisa

Sidii Cawl la gaasiray kufrigu gebi ha u le'deene

Yuu idin galiilyoon jirkuye gawrac ku idleeya

Jerdaad galam ka siisaan ku wada gool-cad iyo toorey. (Yuusuf Dheere).

Ciidamadii Itoobiya waxay markaas la caga-gubteen weerarada soo kordhaya oo ay dagaalyahannadu ka wadaan gobolka. Waxaa arintaasi garab socday cararka ay askarta Itoobiya kaga baxsanayeen geerida ay kaga xukuman yihiin naftooda hurayaasha. Askartaasi ayaa waxay ahaayeen kuwo aanan dagaalka u hayn niyad. Laba/ Xiddigle Hagos Ambay ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha isu dhiibay ciidamada jabhadaha Soomaaliyeed. Sarkaalkan wuxuu kamid ahaa biliiskii fadhiyay magaalada Dhagax-buur. Isaga oo ka war-bixinaya sababta uu isu dhiibay wuxuu yiri :

" Waxaa u sabab ah laba arimood. Midka hore waa iyada oo haatan taliska Addis-ababa, uu si cadowtooyo aad u weyni ku jirto u cirib-tirayo ardeyda aan wax denbi ah lahayn, macallimiinta shaqaalaha iyo guud ahaan dadka hor u socodka ah. Tan kale waxay tahay, anigu waxaan u dhashay dalka Eriteriya oo boqortooyadii Xayle Salaesse ay boobtay. Taas oo taliska maanta ka jira Addis-ababa uu weli ku sii adkeysanayo in uu gumeysi ku heysto ". (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Trsigiisii soo baxay 14/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

Sarkaalkan, wuxuu kaloo tilmaamay war-bixinta khaldan ee laga siin jirey dadka Soomaalida ah. Isaga oo arintaa ka waramaya, wuxuu yiri :

" Markii aan u shaqeynayay ciidanka biliiska, dadka Soomaaliyeed waxaa nala ka siin jirey fikrad aad u qallafsan. Kuwaas oo ay kamid ahayd in la oran jirey, Soomaalidu nacaybka ay idiin qabaan, haddii ay idin helaan hilibkiina ayay cunayaan. Waa dad leh dhaqanka dugaagga. Haseyeeshee maanta waxaa noo caddaatay, fikradaha noocaas ah in ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu kala fogeeyo labada shacbi............................... . Waxay arintaasi uga jeedeen in askartaasi ay Soomaalida u qaadaan nacayb gaar ah oo ay dabar-gooyaan ". (Isla marjicii hore).

Xasuuqa uu sarkaalku sheegay ee maamulka Addis-ababa uu xilligaas ku hayay ardeyda iyo macallimiinta waxaa soo qoray wargeyska la yiraahdo Daily Telegraph oo ka soo baxa magaalada London. 2/ 7- 1977-kii, wargeyska wuxuu soo qoray, in Itoobiya lagu laayay ardey iyo macallimiin badan tan iyo intii ay askartu la wareegeen talada dalka, kuwaas oo tiradoodu ay gaareyso 30.000. Warkaas ayaa waxaa laga soo xigtay ninka la yiraahdo Kassahun Bisrat oo isagu ahaa hoggaamiyaha ururka macallimiinta Itoobiya. Warku wuxuu intaa ku daray, lixdii bilood oo ugu horeysay sanadka, in waddooyinka Addis-ababa lagu laayay 2.000 oo ardey iyo 500 oo macallin. Dadkaas ayaa badankooda guryahoodii laga soo kaxaystay. (Wargeyska Daily Telegraph. Trsigiisii soo baxay 2/ 7- 1977-kii. UK. London).

Waxaa iyaguna guulo waaweyn gaarey xilligaas, jabhadihii ka dagaalamayay Eriteriya. Jabhadahaas oo ka dagaalamayay waqooyiga Itoobiya, waxay gacanta ku dhigeen degaanka beediyaha ah ee gobolka dhamaantiis. Markaas waxaa gacanta dowladda Itoobiya waxaa ku haray oo keliya magaalooyinka dekadaha ah ee ku yaal xeebta badda Cas. Waxaa kale oo xilligaas jirey kacdoon ay sameeyeen qowmiyadda Cafarta ah. Qomiyaddan ayaa waxay jartay waddooyinkii dhulka ee dhex-marayay degaamadeeda, kuwaas oo isku xira dekadaha badda Cas iyo magaalo-madaxda Itoobiya. Waxaa kale oo iyaduna jidhay jabhad ay lahaayeen qowmiyadda Tigreyga, taas oo saldhig ku lahayd dalka Suudaan. Jabhaddaasi oo diidanayd taliska Kacaanka ah ee Itoobiya, waxaa magaceedu ahaa Ethiopian Democratic Union. Waxay kamid ahayd jabhadihii goor danbe bilaabay in ay dagaal hubeysan ku qaadaan dowladda Addis-ababa.

Maamulkii Addis-ababa ayaa wuxuu kaga jawaabay arintaas in uu Eriteriya u diro ciidan dhan 10.000 oo nin. Warkaas oo laga soo xigtay diblomaasiyiin shisheeye ah oo fadhiya Addis-ababa ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay kamid yihiin dad beeralay ah oo khasab lagu soo ururiyay, dabadeedna tababar ciidameed oo deg-deg ah loo furay. Markii uu u dhamaaday, waxaa loo kaxeeyay labada gobol oo gubanaya ee Ogaadeenya iyo Eriteriya, halkaas oo ay ka soo xoogoobeen gadoodkii lagu diiddanaa maamulka Addis. Diblomaasiyiintaas, waxaa kale oo ay sheegeen, in ay wal-wal ka qabaan dowladda yar ee degaanka ku soo korortay (Jabuuti). Dowladdan ayaanan markaas weli yeelan wax ciidan ah. Sidaa darteed waxaa ku sugnaa 5.000 oo kamid ah ciidamada Faransiiska, kuwaas oo la heegan geliyay dabayaaqadii toddobaadkii tegay. (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 5/ 7- 1977-kii. Sweden. Stockholm).

Hoggaamiyihii Itoobiya, Gaashaanle Mengistu Xayle Mariam, wuxuu si wanaagsan ula socday xiisadda ka taagan cirifyada dhulka uu ka taliyo. Wuxuu ogaa dabka ku socda ciidamadiisa, midka ugu kulul in uu yahay dabka ay Soomaalidu shidayeen. Mengistu wuxuu xog u hayay dhaqdhaqaaqan cusub ee guutada Liibaan ay bilowday iyo dagaalladii ay ku jebiyeen ciidamada Keenya. Taas oo macnaheedu yahay in koonfurta Itoobiya ay noqonayso foronto hor leh oo difaac kaga baahan. Waa u muuqatay in Soomaaliya ay tahay khatarta ugu weyn oo ku soo food leh maamulkiisa. Sidaa darteed, saddex maalmood kaddib, markii uu dhacay dagaalkii danbe oo guutada Liibaan ay ku jebisay ciidamadii Keenya, ayuu Mengistu wuxuu xafiiskiisii ugu yeeray danjirihii Ruushka ee fadhiyay Addis-ababa A.P. Ratanov. Xiisadda ka taagan geeska Afrika ayaa waxay ahayd mowduuca qura oo ay ka wada hadleen. Hoggaamiyaha Itoobiya wuxuu mahad-celin u jeediyay dowladda Soofyeetiga, dadaalka ay ugu jidho in ay caadi ku soo celiso xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Isaga oo ku hadlaya magaca Golihii Sare ee Ciidamada Itoobiya, Mengistu wuxuu yiri sidan :

" Hoggaanka Sare ee Ciidamada Itoobiya, meesha uu ka taagan yahay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya waa mid aanan is-beddel lahayn. (Mowqifkeenu)Wuxuu ahaa mid taageeraya, welina taageersan in xiriirka Soomaaliya lagu hagaajiyo habka wada-hadalka ah iyo in la badbaadiyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dal iyo halganka ay kula jiraan cadowga ay ka mideysan yihiin. ee imbriyaaliyadda ah ". (Memorendum of Conversation between Soviet Ambassador to Ethiopia A.P. Ratanov and Mengistu, 29/ 6- 1977. Secret Copy No. 2. From the Journal of Ratanov A.P. 18/ 7- 1977. Original No. 255).

Mengistu wuxuu tilmaamay in Itoobiya eeyan qabin siyaasad ah in ay ku duusho dhulka Soomaaliya. Iyo in ay horey u gaarsiiyeen dowladda Soofyeetiga ah, in Itoobiya ay oggolaatay talada uu Siyaad Barre soo jeediyay ee ahayd habeynta kulan heer khubaro ah. Wuxuuse caddeeyay in Itooboya eeyan kulankaas imanayn iyada oo ah mid liidata. Balse ay imanayso iyada oo la siman xubnaha fadhiga isku arkaya.

" Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay ka qeyb-qaadato dadaalka uu Midowga Soofyeeti ku badbaadinayo Soomaaliya si eeyan u janjeersan dhanka midig, sida maantaba ka muuqata. Itoobiya waxay la socotaa in Soomaaliya ay xiiso u hayso in ay ka shaqeyso dhaqdhaqaaq colaadeed oo ka dhan ah Itoobiya. Qaabka ay u wadaan waa Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed, taas oo xarunteeda ay ku taal Xamar. Kooxo kamid ah ciidamada jabhaddaas ayaa waxay qabsadeen tuulooyin ku yaal bariga Itoobiya. Kooxahaasi waxay ku hubeysan yihiin gantaallada lidka dayuuradaha oo sancadoodu Soofyeeti tahay. Waa arin la hubo in ciidamada Itoobiya ay la dirireen kooxo kamid ah ciidankaas ". (Isla marjicii hore).

Ugu danbeyntii Mengistu wuxuu dowladda Soofyeetigu u gudbiyay dalab ah in ay kaalmo ka geystaan dadaalka loogu jiro in ciidamada Soomaaliyeed lagaga saaro ciidda Itoobiya. Jabuuti oo markaas saddex cisho xor ahayd ayaa danjiruhu uu su'aal ka weydiiyay hoggaamiyaha. Isna wuxuu ku jawaabay sidan :

" Xiriirka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Jabuuti maahan mid xun. Laakiin hoggaanka dowladda (Jabuuti) waxay ka baqayaan in Itoobiya ama Soomaaliya ay qabsato. Sidaa darteed baa waxay u oggolodeen in ciidamada Faransiiska ah ay baaqi ku ahaadaan halkaas. Haddaba haddii ay suurogal noqoto in la badbaadiyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, markaas labada dal waxay bixin karaan ballan-qaad ah in ay dhowraan madax-bannaanida iyo is-haysahsda dhulka dowladda Jabuuti. Taasina waxay sahlaysaa in ciidamada Faransiiska ah ay dib uga laabtaan Jabuuti, ................................. ". (Isla marjicii hore).

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.