Isla-bishaas
juun, waxaa jirey fadhi ay ku kulmayeen madaxda
dowladaha ku bahoobay Ururka Midnimada Dowladaha
Khaliijka, kaas oo ka dhacay dalka Imaaraadka
Carabta. Muddadii uu fadhigaas socday, ayaa madaxweynaha
JDS Maxamad Siyaad Barre, uu booqasho kedis ah oo laba cisho
ah ku tegay dalkii ay boqorrada carbeed ku kulmayeen.
Magaalo-madaxda Abuu-Dabay, ayuu madaxweynaha
Soomaaliyeed uu gaaray galabnimadii ay taariikhdu
ahayd 23/ 6- 1977-kii. Isla galabnimadaas madaxweynuhu
wuxuu la kulmay boqorkii Imaaraadka Shiikh
Saa'id bin Suldaan Aal-Nahyaan. Sida ay
wargeysyadu sheegeen, arrimaha ay labadaas masuul
ka wada-haleen waxay ku koobnayd laba arimood
oo ahaa, guud ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin
waddamada Carabta iyo nabad-gelyada badda Cas.
Maantii xigtay, Maxamad Siyaad wuxuu la kulmay boqorradii halkaas isugu
yimid. Laba qodob oo madaxda carbeed ay kala hadleen
madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa waxay ahaayeen
nabad gelyada badda Cas iyo madax-bannaanida dalka
Jabuuti oo markaas ay ka dhinayd saddex maalmood
oo qura. (Wargeyska Al-ahraam. Tirsigiisii soo baxay 25/ 6- 1977. Masar.
Qaahira).
Inkasta
oo aanan la faafin sheekadii tooska ahayd oo ay
is-dhaafsadeen madaxweynaha Soomaaliyeed iyo madaxdaa
carbeed, misana ilo xog-ogaal ah waxaa laga helay
in Maxamad Siyaad uu
ballan-qaad buuxa ka soo helay fadhigii uu la
qaatay madaxdii dowladaha Khaliijka. Ballan-qaadkaas
wuxuu ku saabsanaa, in dowladaha Khaliijka ay
si buuxda u taageerayaan qadiyadda Ogaadeenya,
laakiin waxay shardi uga dhigeen in Soomaaliya
ay oggolaato madax-bannaanida Jabuuti. Madaxdii
Soomaaliyeed waa ay ku qanceen arrinkaas. Cabdi-Nuur
Cali Yuusuf oo ahaa dan-jirihii Soomaaliya
u fadhiyay xilligaas dalka Imaaraadka Carabta,
wuxuu inoo sheegay in Carabtu ay oran
jireen sidan :
"
Waanu idin garab joogsanaynaa, oo waanu ognahay
in Ogaadeenya ay tahay dhul Soomaaliyeed ".
(Wareysi aanu ka soo
xiganay Dan-jire Cabdi-Nuur Cali Yuusuf. Qaahira. 17/ 4- 2005).
Guddigii
siyaasadda oo iyagu ahaa shantii nin ee talada
dalka ay ka go'day, ayaa waxay ahaayeen kuwo aan
illaa xilligaas u baahan in ay dagaalka kala tashadaan
mu'asasaadkii kale ee dowladda oo ay ugu horeeyaan
golihii dhexe ee XHKS. Inkasta oo dabayaaqadii
bishii juun ay si muuqata kor ugu kacday howl-galladii
ciidameed oo ay jabhadiinta Soomaaliyeed ka wadeen
gobolka lagu muransanaa, misana weli markaas ma
dhicin in madaxweyne Maxamad Siyaad uu si cad u soo bandhigo mashruuca dagaalka.
Bishaas
aakhirkeedii, kaddib markii uu Gaashaanle
Cali-baadiye xuduudda kala gudbay guutadii
Liibaan, Itoobiya waxaa ku kordhay shiddadii uu
ku hayay dagaalka kaga furan xuduudda bari. Ururadii
guutadaas, markii ay gudaha galeen, markiiba waa
ay is-qeybiyeen. Qeyb waliba waxay u kacday aag
ay ka dagaal gasho. Ciidamada Itoobiya waxay markaas
ahaayeen kuwo kala firirsan. Gaashaanle
Cali-baadiye oo xaaladdii ciidanka Itobiya
ka waramaya wuxuu yiri :
"
Markaanu xuduudda gudubnay, waxaanu markiiba
u tallownay dhulka gudaha ah ee ka shisheeya degmada
Nageyle. Ciidamada Itoobiya ee aanu halkaa ugu
tagnay waxay ahaayeen kuwo tacbaan ah. Waxaanu
ka qaadnay dhamaan tuulooyinkii iyo degmooyinkii
yar-yaraa oo dhan. Waxaanu isugu soo ururinay
degmooyinka waaweyn, sida Nageyle oo kale
". (Wareysi aanu la yeelanay Cali-baadiye. 28/ 3- 2005-tii. Soomaaliya.
Gaalkacayo).
Dagaalladii
ugu horeeyay oo ay isku helaan labada ciidan waxaa
kamid ahaa, laba dagaal oo ka dhacay gobolka Baali.
Dagaalka hore wuxuu ka dhacay tuulada la yiraahdo
Barbaaro oo 7 km. dhanka koonfureed ka jirta degmada
Gindhir. Meesha labaad oo laysku helay waxaa la
yiraahdaa Diniq oo iyadana 5 km. dhanka bari ka
jirta Gindhir. Labadaas tuulo ayaa middeeda hore,
jabhadiintu ay ku dileen 60 askari oo Itoobiyaan
ah, tan danbena 64 askari. (Wargeyska
Xiddigta Oktoober. Tirsigiisii soo baxay 7/ 7-
1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).
26/
6- 1977-kii, kooxo kamid ah guutadii ka dagaal
gashay waqooyiga, ayaa waxay weerareen Magaalada
Harar iyo tuulada la yiraahdo Xamareysa oo dhowr
km. u jirta Harar. Sida ay wararku sheegeen, waxay
halkaas ku laayeen 117 askari. Ciidankaa la laayay
waxaa kamid ahaa siddeed nin oo saraakiishii ciidanka
ahaa. Waxaa kale oo isla maalmahaasi ay dagaallo
culus ka dhaceen tuulooyinka Kumbulshe, Ajeersa-goore
iyo Miita. Dhamaantood waxay ku yaaliin agagaarka
magaalada Harar. Dagaalladii halkaas ka dhacay
ayaa dhamaantood waxaa looga guuleystay ciidamadii
Itoobiya. Afartaas tuulo ayaa markaas gacanta
u galay ciidamada WSLF.
Waxaa
dagaalladaas lagu diley askar tiradoodu ka badan
tahay 300 oo nin. Waxaa lagu gubay siddeed gaari
oo kuwa xamuulka ah. (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 5/ 7- 1977-kii.
Soomaaliya. Muqdishow).
Isla-bishii
juun dabayaaqadeedii agagaarka magaalada Qabri-daharre,
ayaa waxaa ka dhacay dagaallo ay ku hoogeen ciidamadii
Itoobiya. Dagaalladaas waxay ka dhaceen magaalada
Qabri-daharre gudaheeda. Ciidamo ka tirsan guutadii
Duufaan ayaa halkaas ku weeraray xero weyn oo
ay fadhiyeen ciidamo Itoobiyaan ah. Xafiiskii
jabhadda WSLF, ayaa war ka soo saaray dagaalkaas,
markay taariikhdu ahayd 4/ 7- 1977-kii. Warku
wuxuu sheegay, in dagaalkaas uu dhacay 30-kii
bishii juun. Iyo in dagaalyahannadu ay halkaa
ku laayeen 240 askalri, islamarkaa ay gubeen dayuurad
fadhiday garoonka magaalada. Waxaa kale oo weerarkaa
lagu gubay 17 gaari oo mid yahay gawaarida gaashaaman.
(Isla marjicii hore).
Dhibaatooyinkaas
loo geystay ciidamada Itoobiya oo ay wararku sheegeen,
waxaan ka wareysanay guddoomiyihii WSLF, Cabdullaahi
Xasan Maxamuud. Wuxuu ku jawaabay in sidaas
la sheegay ay run ahayd oo dagaallada lagu baabi'in
jirey askarta Itoobiyaanka ah. Soomaalida ayaanan
askartan u arag dad la deris ah oo mudan in la
siiyo xuquuqdii derisnimo. Bal waxaa loo arkayay
askar u adeegaya maamul gumeysi, kaas oo waxa
uu bililiqeystay eeyan ahayn hanti keliya, bal
sharfkii ay beeluhu lahaayeen. Diilalyo iyo dal-tabyo
xooggan ayaa Soomaalida u haysay in ay mar qura
arkaan degaanka oo ka madax-bannaan maamulka Addis-ababa.
Taas ayaa sababaysay hoogga iyo ba'a ay la kulmayeen
askarta Itoobiya.
Xarbadda
u gardaadsada jihaad go'a u sii feyta
Gaadmiyo
wareentiyo bareer gaalada u laaya
Gudoodiga
habeenkii ku mira gala dharaartiina
Gabbal-dhiciyo
waaberi rasaas ugu garaar daaya
Goobtii
saad u yaaliyo hubkiyo guba shidaalkooda
Gaadiidkii
dhaqaaqaba waddada miino ugu gaara
Dayuuradaha
waa guux-bilaash galalabtoodiiye
Yool
ay naga garaacdiyo malihin guri alaab taalle
Gamuun
qura ku rida yeyan didin geela noo sabane
Gantaalka
leefida ah ee gubaya reyfal gumuciisa
Isaguba
ku gama oo cabaar dab-xir ugu gooba
Amase
gegida ay degahyaan dumiya gebigeedba
Is-gaarsiin
lugeed tii dhulkiyo tii cirkaba gooya
Geesna
yeeyan gees caawinine gurmadka u diida
Ku
go'doonsha way gaag-tirmiye, goosanba halkiisa
Sidii
Cawl la gaasiray kufrigu gebi ha u le'deene
Yuu
idin galiilyoon jirkuye gawrac ku idleeya
Jerdaad
galam ka siisaan ku wada gool-cad iyo toorey.
(Yuusuf Dheere).
Ciidamadii
Itoobiya waxay markaas la caga-gubteen weerarada
soo kordhaya oo ay dagaalyahannadu ka wadaan gobolka.
Waxaa arintaasi garab socday cararka ay askarta
Itoobiya kaga baxsanayeen geerida ay kaga xukuman
yihiin naftooda hurayaasha. Askartaasi ayaa waxay
ahaayeen kuwo aanan dagaalka u hayn niyad. Laba/ Xiddigle Hagos Ambay ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha
isu dhiibay ciidamada jabhadaha Soomaaliyeed.
Sarkaalkan wuxuu kamid ahaa biliiskii fadhiyay
magaalada Dhagax-buur. Isaga oo ka war-bixinaya
sababta uu isu dhiibay wuxuu yiri :
"
Waxaa u sabab ah laba arimood. Midka hore waa
iyada oo haatan taliska Addis-ababa, uu si cadowtooyo
aad u weyni ku jirto u cirib-tirayo ardeyda aan
wax denbi ah lahayn, macallimiinta shaqaalaha
iyo guud ahaan dadka hor u socodka ah. Tan kale
waxay tahay, anigu waxaan u dhashay dalka Eriteriya
oo boqortooyadii Xayle
Salaesse ay boobtay. Taas oo taliska maanta
ka jira Addis-ababa uu weli ku sii adkeysanayo
in uu gumeysi ku heysto ". (Wargeyska
Xiddigta Oktoober. Trsigiisii soo baxay 14/ 7-
1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).
Sarkaalkan,
wuxuu kaloo tilmaamay war-bixinta khaldan ee laga
siin jirey dadka Soomaalida ah. Isaga oo arintaa
ka waramaya, wuxuu yiri :
"
Markii aan u shaqeynayay ciidanka biliiska, dadka
Soomaaliyeed waxaa nala ka siin jirey fikrad aad
u qallafsan. Kuwaas oo ay kamid ahayd in la oran
jirey, Soomaalidu nacaybka ay idiin qabaan, haddii
ay idin helaan hilibkiina ayay cunayaan. Waa dad
leh dhaqanka dugaagga. Haseyeeshee maanta waxaa
noo caddaatay, fikradaha noocaas ah in ay yihiin
kuwo lagu doonayo in lagu kala fogeeyo labada
shacbi............................... . Waxay
arintaasi uga jeedeen in askartaasi ay Soomaalida
u qaadaan nacayb gaar ah oo ay dabar-gooyaan
". (Isla marjicii
hore).
Xasuuqa
uu sarkaalku sheegay ee maamulka Addis-ababa uu
xilligaas ku hayay ardeyda iyo macallimiinta waxaa
soo qoray wargeyska la yiraahdo Daily Telegraph
oo ka soo baxa magaalada London. 2/ 7- 1977-kii,
wargeyska wuxuu soo qoray, in Itoobiya lagu laayay
ardey iyo macallimiin badan tan iyo intii ay askartu
la wareegeen talada dalka, kuwaas oo tiradoodu
ay gaareyso 30.000. Warkaas ayaa waxaa laga soo
xigtay ninka la yiraahdo Kassahun
Bisrat oo isagu ahaa hoggaamiyaha ururka
macallimiinta Itoobiya. Warku wuxuu intaa ku daray,
lixdii bilood oo ugu horeysay sanadka, in waddooyinka
Addis-ababa lagu laayay 2.000 oo ardey iyo 500
oo macallin. Dadkaas ayaa badankooda guryahoodii
laga soo kaxaystay. (Wargeyska
Daily Telegraph. Trsigiisii soo baxay 2/ 7- 1977-kii.
UK. London).
Waxaa
iyaguna guulo waaweyn gaarey xilligaas, jabhadihii
ka dagaalamayay Eriteriya. Jabhadahaas oo ka dagaalamayay
waqooyiga Itoobiya, waxay gacanta ku dhigeen degaanka
beediyaha ah ee gobolka dhamaantiis. Markaas waxaa
gacanta dowladda Itoobiya waxaa ku haray oo keliya
magaalooyinka dekadaha ah ee ku yaal xeebta badda
Cas. Waxaa kale oo xilligaas jirey kacdoon ay
sameeyeen qowmiyadda Cafarta ah. Qomiyaddan ayaa
waxay jartay waddooyinkii dhulka ee dhex-marayay
degaamadeeda, kuwaas oo isku xira dekadaha badda
Cas iyo magaalo-madaxda Itoobiya. Waxaa kale oo
iyaduna jidhay jabhad ay lahaayeen qowmiyadda
Tigreyga, taas oo saldhig ku lahayd dalka Suudaan.
Jabhaddaasi oo diidanayd taliska Kacaanka ah ee
Itoobiya, waxaa magaceedu ahaa Ethiopian Democratic
Union. Waxay kamid ahayd jabhadihii goor danbe
bilaabay in ay dagaal hubeysan ku qaadaan dowladda
Addis-ababa.
Maamulkii
Addis-ababa ayaa wuxuu kaga jawaabay arintaas
in uu Eriteriya u diro ciidan dhan 10.000 oo nin.
Warkaas oo laga soo xigtay diblomaasiyiin shisheeye
ah oo fadhiya Addis-ababa ayaa tilmaamay in ciidamadaasi
ay kamid yihiin dad beeralay ah oo khasab lagu
soo ururiyay, dabadeedna tababar ciidameed oo
deg-deg ah loo furay. Markii uu u dhamaaday, waxaa
loo kaxeeyay labada gobol oo gubanaya ee Ogaadeenya
iyo Eriteriya, halkaas oo ay ka soo xoogoobeen
gadoodkii lagu diiddanaa maamulka Addis. Diblomaasiyiintaas,
waxaa kale oo ay sheegeen, in ay wal-wal ka qabaan
dowladda yar ee degaanka ku soo korortay (Jabuuti).
Dowladdan ayaanan markaas weli yeelan wax ciidan
ah. Sidaa darteed waxaa ku sugnaa 5.000 oo kamid
ah ciidamada Faransiiska, kuwaas oo la heegan
geliyay dabayaaqadii toddobaadkii tegay. (Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 5/ 7- 1977-kii.
Sweden. Stockholm).
Hoggaamiyihii
Itoobiya, Gaashaanle Mengistu
Xayle Mariam, wuxuu si wanaagsan ula socday
xiisadda ka taagan cirifyada dhulka uu ka taliyo.
Wuxuu ogaa dabka ku socda ciidamadiisa, midka
ugu kulul in uu yahay dabka ay Soomaalidu shidayeen.
Mengistu wuxuu xog u hayay dhaqdhaqaaqan cusub
ee guutada Liibaan ay bilowday iyo dagaalladii
ay ku jebiyeen ciidamada Keenya. Taas oo macnaheedu
yahay in koonfurta Itoobiya ay noqonayso foronto
hor leh oo difaac kaga baahan. Waa u muuqatay
in Soomaaliya ay tahay khatarta ugu weyn oo ku
soo food leh maamulkiisa. Sidaa darteed, saddex
maalmood kaddib, markii uu dhacay dagaalkii danbe
oo guutada Liibaan ay ku jebisay ciidamadii Keenya,
ayuu Mengistu wuxuu
xafiiskiisii ugu yeeray danjirihii Ruushka ee
fadhiyay Addis-ababa A.P. Ratanov. Xiisadda ka taagan geeska Afrika ayaa waxay
ahayd mowduuca qura oo ay ka wada hadleen. Hoggaamiyaha
Itoobiya wuxuu mahad-celin u jeediyay dowladda
Soofyeetiga, dadaalka ay ugu jidho in ay caadi
ku soo celiso xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Isaga oo ku hadlaya magaca Golihii Sare ee Ciidamada
Itoobiya, Mengistu wuxuu
yiri sidan :
"
Hoggaanka Sare ee Ciidamada Itoobiya, meesha
uu ka taagan yahay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya
waa mid aanan is-beddel lahayn. (Mowqifkeenu)Wuxuu
ahaa mid taageeraya, welina taageersan in xiriirka
Soomaaliya lagu hagaajiyo habka wada-hadalka ah
iyo in la badbaadiyo wada-shaqeynta ka dhexeysa
labada dal iyo halganka ay kula jiraan cadowga
ay ka mideysan yihiin. ee imbriyaaliyadda ah
". (Memorendum
of Conversation between Soviet Ambassador to Ethiopia
A.P. Ratanov and Mengistu, 29/ 6- 1977. Secret
Copy No. 2. From the Journal of Ratanov A.P. 18/
7- 1977. Original No. 255).
Mengistu
wuxuu tilmaamay in Itoobiya eeyan qabin
siyaasad ah in ay ku duusho dhulka Soomaaliya.
Iyo in ay horey u gaarsiiyeen dowladda Soofyeetiga
ah, in Itoobiya ay oggolaatay talada uu Siyaad Barre soo jeediyay ee ahayd habeynta kulan heer
khubaro ah. Wuxuuse caddeeyay in Itooboya eeyan
kulankaas imanayn iyada oo ah mid liidata. Balse
ay imanayso iyada oo la siman xubnaha fadhiga
isku arkaya.
"
Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay ka qeyb-qaadato
dadaalka uu Midowga Soofyeeti ku badbaadinayo
Soomaaliya si eeyan u janjeersan dhanka midig,
sida maantaba ka muuqata. Itoobiya waxay la socotaa
in Soomaaliya ay xiiso u hayso in ay ka shaqeyso
dhaqdhaqaaq colaadeed oo ka dhan ah Itoobiya.
Qaabka ay u wadaan waa Jabhadda Xoreynta Soomaali
Galbeed, taas oo xarunteeda ay ku taal Xamar.
Kooxo kamid ah ciidamada jabhaddaas ayaa waxay
qabsadeen tuulooyin ku yaal bariga Itoobiya. Kooxahaasi
waxay ku hubeysan yihiin gantaallada lidka dayuuradaha
oo sancadoodu Soofyeeti tahay. Waa arin la hubo
in ciidamada Itoobiya ay la dirireen kooxo kamid
ah ciidankaas ". (Isla marjicii hore).
Ugu
danbeyntii Mengistu wuxuu
dowladda Soofyeetigu u gudbiyay dalab ah in ay
kaalmo ka geystaan dadaalka loogu jiro in ciidamada
Soomaaliyeed lagaga saaro ciidda Itoobiya. Jabuuti
oo markaas saddex cisho xor ahayd ayaa danjiruhu
uu su'aal ka weydiiyay hoggaamiyaha. Isna wuxuu
ku jawaabay sidan :
"
Xiriirka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Jabuuti
maahan mid xun. Laakiin hoggaanka dowladda (Jabuuti)
waxay ka baqayaan in Itoobiya ama Soomaaliya ay
qabsato. Sidaa darteed baa waxay u oggolodeen
in ciidamada Faransiiska ah ay baaqi ku ahaadaan
halkaas. Haddaba haddii ay suurogal noqoto in
la badbaadiyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Itoobiya
iyo Soomaaliya, markaas labada dal waxay bixin
karaan ballan-qaad ah in ay dhowraan madax-bannaanida
iyo is-haysahsda dhulka dowladda Jabuuti. Taasina
waxay sahlaysaa in ciidamada Faransiiska ah ay
dib uga laabtaan Jabuuti, .................................
". (Isla marjicii
hore).
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore
Dr.
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com