Uxiisado
badan iyo xaalado murugsan ayuu dhinacyo badan
ka dhaliyay, dhiigga badan ee xilligaas ku daadanayay
Ogaadeenya. Qallafsanaanta uu ku keenay cimiladii
nolosha degaanka iyo xiriiradii diblomaasiyadeed
ee kula tollanaa dowladaha carri-edeg, xiisadahaas
dhexdeeda ayaa gobolka Jabuuti uu ku qaatay madax-bannaani.
Soomaaliya
waxaa la soo gudboonaatay siyaasad qallafsan oo
degaanka oo idil ku keentay saameyn xoog badan.
Xilligaas qallafsan, Soomaalidu, cidda keliya
oo ay isku haleynaysay waxay ahayd dowladaha Carabta
ah. Sida aanu soo xusnay, kasokow xiriirka wada-dhalasho
iyo midka diineed, waxaa jirey ballan-qaadyo ka
soo yeeri jirey dowlado badan oo Carbeed, kaas
oo muujinayay in hiillo laysku halleyn karo ay
la garab-taagan yihiin Soomaalida iyo qadiyaddooda.
Laakiin beeggii ugu horeeyay ee hiillada Carbeed
wuxuu soo if-baxay markii ay is-garab taageen
aragtidii ahayd in Jabuuti aanan la raacin JDS.
Siyaasadda Soomaaliya maahayn mid ay ka muuqatay
tab-raac ay ruug-caddaa ka taliyeen, taas oo lagaga
tallaabsado xilliga kala-guurka taariikheed ee
la soo gudboonaaday umadda iyo qadiyaddeeda.
Dowladaha
reer galbeedka ah, dhankooda waa ay diiddanaayeen
in Jabuuti ay raacdo Soomaaliya. Taasina, sababta
ugu weyn waxay ahayd siyaasadda Soomaaliya oo
ku sidkanayd dowladda Midowga Soofyeeti. Siyaasaddaasi
maahayn mid awood u lahayd in ay kasbato kalsoonida
dowladaha reer galbeedka. Dadka siyaasadaha indha-indheeya
waxay tilmaameen in ay suuragal ahayd in Jabuuti
lagu daro Soomaaliya, haddii ay jiri lahayd siyaasad
qun-yar socod ah oo horey looga shaqeeyay. Taasna
waxay u markhaati-gashtaan sida loogu oggolaaday
Yamanta Waqooyi in ay caloosha ku ridato dowladdii
la oran
jirey Yamanta Koonfureed.
Sikastaba
arini how dhacdee, waxaan shaki ku jirin in madax-bannaanida
Jabuuti ay ahayd miro ka dhashay halgan dheer
oo dadka Soomaaliyeed ee reer Jabuuti ay la soo
galeen maamulkii gumeysiga. Dowladdii Kacaanka
ahayd ee markaa Soomaaliya ka jidhay, sida kuwii
ka horeeyay ee rayidka ahaa, waxay ahayd mid baadi-goob
dheer u soo gashay ururinta bulsha-weynta Soomaaliyeed
iyo dhulkooda. Arintaasi, maahayn mid ay dowladdu
qarsan jidhay, bal waxay ahayd mid ay la taagnayd
golayaasha dowliga ah. Sidaa darteed, maamulladii
Soomaaliya ka jirey, waxay ahaayeen meesha laga
quudinayay halganka reer Jabuuti, si lamid ah
kan
reer Ogaadeenya.
Qadiyadda
gobolkan waxay ahayd mid ka cimila duwan tan Ogaadeenya.
Inkasta oo Jabuuti ay ku fadhido dhul baaxad yar
(23.200 km2), misana meesha ay ku taal ayaa waxay
u yeelaysaa qiimayn istraateeji ah oo ka culus
gebi ahaan dhulka ay Soomaalidu ku noolyihiin
intiisa kale. Gobolkan wuxuu toos u xukumaa albaabka
ciriiriga ah ee lagu magacaabo Baab Al-mandab,
kaas oo loogu tallaabo gudaha badda Cas. Waxaa
halkaas si xooggan oo isku mid ah u danaynayay
dowladaha reer galbeedka iyo dowladaha Khaliijka
Carabta. Iyagu waxay marinkan u arkaan mid ku
xiran noloshooda.
Markaanu
dib ugu laabano dhacdooyinka dhow ee taariikhda
u galay halganka madax-bannaanida Jabuuti, waxaanu
heleynaa in qowmiyadda Cafarta ah ay ku guuleysteen
afti laga qaaday gobolka sanadkii 1974-kii. Natiijadii
aftidu waxay ahayd in 60 % ay codkoodii siiyeen
in maamulka gumeysigu uu ku sii sugnaado gobolka.
Xisbigii matalayay Cafarta ee la oran jirey Union
et Progres dans LŽEnsemle Francais, ayaa markaas
wuxuu helay dhamaan fadhiyadii golaha barlamaanka.
Waxaa xisbiga hoggaamiye ka ahaa Cali Caarif Burhaan. Xilligaas, dadka Soomaalida ah ee Jabuuti
ku noolaa, waxaa matalayay xisbigii lagu magacaabi
jirey L.P.A.I. (Ligue Populaire Africane pour
LŽ Independence),
kaas oo uu hoggaamiye ka ahaa Xasan
Guuleed Abtidoon.
Doorashooyinka
xilligaas Jabuuti ka dhici jirey, waxaa u caado
ahayd in laysaga shubto, iyada oo aanan la eegin
halka ay rabaan inta badan dad-weynaha. Soomaalida
gobolka ku dhaqan, xilliga ay doorashadu socoto,
waxaa la saari jirey cadaadis. Waxaa loo diidi
jirey isu socodka, iyada oo magaalooyinka laga
soo eryi jirey si tiradooda loo dhimo.
Natiijadii
aftidii la qaaday, waxaa aad uga xumaaday Jabhadda
Gobanimo-doonka Xeebta Soomaaliyeed F.L.C.S. (Front
de la Cote
des Somalis), oo iyadu ahayd jabhad Xamar
ka dhisnayd. Ururkan wuxuu ahaa mid howl-gallo
ciidameed ka fulin jirey Jabuuti gudaheeda iyo
dibaddeeduba. Abaabulkii lagu dhisay waxaa ka
danbeeyay dowladdii Soomaaliyeed. Jabhaddu waxay
soo shaac baxday markii xubno kamid ahaa ay Xamar
ku af-duubeen dan-jirihii Faransiiska u fadhiyay
halkaa. Danjirahaasi waxaa magaciisa la oran
jirey M. Jean Gueury.
Goor ay fiidkii ahyd, isaga oo ka soo baxaya kaniisaddii
weyneed ee Xamar ku tiil, ayaa dhallinyaro ku
sugayay dibadda ay tacshiirad kor u rideen. Dad-weynihii
marayay waddada, markii ay kala yaaceen, ayay
si tartiib ah u kaxaysteen danjirihii. Afadiisii
oo la socotay ayay goobtii uga dhaqaaqeen. Waxay
la aadeen aqal Villo ah oo ku yiil xaafadda
Taleex, koonfurta Xamar. Markiiba waxaa aqalkii
la hareer dhigay ciidamo isugu jira biliis iyo
milleteri la socda gawaari gaashaaman.
Dowladdii
Soomaaliyeed ayaa bilowday in ay u kala dab-qaaddo
af-duubayaasha iyo dowladdii Faransiiska. Dhallinyarada
af-duubay dan-jiraha waxay codsadeen in loo fuliyo
laba qodob. Kan hore wuxuu ahaa, Faransiisku in
uu soo daayo laba nin oo saaxiibadood ah, kuwaas
oo ku jirey xabsiga lagu magacaabo Muret ee
ku yaal meel u dhow degmada Toulouse
ee dalka Faransiiska. Labadaas nin oo ku xukunnaa
xabsi daa'in, magacyadoodu waxay ahaayeen Maxamad
Cumar Cismaan iyo Cumar
Cilmi Kheyre. Qodobka labaad wuxuu ahaa,
in la siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa
100.000 oo doolar.
Waxaa
kale oo ay codsadeen in magaalada Cadan ay noqoto
halka leysku weydaaranayo ragga la kala haysto
iyo lacagta. Dowladdii Yamanta-Koonfureed markii
hore waa ay diiday in dhulkeeda uu ka dhoco wax
is-weydaarka. Waxaa dalab uga yimid Soomaaliya
iyo Faransa. Markaas bay oggolaatay. Is-dhaafsigii
ragga la kala haystay iyo lacagtii madax-furashada
ahayd, waxay dhacday markay taariikhdu ahayd 27/
5- 1975-kii.
Dhacdadaas
waxaa ay degaankii ku soo kordhisay xiisad siyaasadeed.
Faransiiska waxaa u soo baxday in uusan si sahlan
u sii fadhiyi doonin Jabuuti. Waxaa u muuqatay
car-carta dowladda Soomaaliyeed, in ay raad xoog
leh ku yeelanayso nolosha Soomaalida ku dhaqan
Jabuuti, si lamid ah sida ay ugu yeelatay Ogaadeenya.
Sidaa darteed, Faransiisku wuxuu qaatay go'aan
la mid ah kii uu ka qaatay dalka Al-jeeriya bilowgii
sannadihii 1960-aadkii. Go'aankaasi wuxuu ahaa
kii Jeneral Charles de
Gaulle uu ku siiyay Al-jeeriya madaxbannaanida iyada oo
islamarkaas Faransiiska uusan lumin maslaxaddii
uu degaanka ka lahaa. Dhacdadii af-duubka kaddib,
Faransiisku wuxuu Soomaaliya u ballan-qaaday in
uu siinayo kaalmo dhaqaale, iyo in uu hagaajinayo
xiriirka u dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya
iyo Faransa. Ujeeddadu waxay ahayd in Soomaaliya
eeyan shiddo kaga iman inta uu Jabuuti siinayo
madax-bannaanida. Islamarkaa, Faransiisku wuxuu
ballan-qaaday oo kale in uu wax ka baddelayo habka
uu ula dhaqmo Soomaalida ku nool Jabuuti, oo meeshii
uu markii hore Cafarta soo dhoweysan jirey uu
Soomaalida gelinayo.
Bishii
disember, sanadkii 1975-kii, Cali
Caarif Burhaan waxaa looga yeeray magaalada
Baariis. Wuxuu halkaas kula kulmay madaxweynihii
Faransa Valeri Giscard
dŽ Estaing. Hoggaamiyaha Cafareed waxaa
markaas si buuxda loogu sheegay in Faransiiska
ay ka goŽan tahay fikradda ah in uu Jabuuti siiyo
madax-bannaani siyaasadeed. Waxaa kale oo loo
sheegay in Faransiisku uu doonayo in ciidamadiisu
ay ku baaqi ahaadaan saldhigga ay degaanka ku
leeyihiin. Laakiin warka xanuunka lahaa oo Cali Caarif iyo wafdigiisii ay halkaas kala kulmeen wuxuu
ahaa, war-bixintii laga siiyay qorshaha ay dowladda
Faransiiska ka damacsan tahay maamulka cusub oo
ay yeelan doonto Jabuutida xorta ah. Waxaa si
buuxda loogu sheegay in maamulka Jabuuti loo dhiibayo
xisbiga gobanimo-doonka ah oo ay Soomaalidu leeyihiin,
kaas oo uu madax ka yahay Xasan Guuleed Abti-doon.
Faransiisku
wuxuu ogaa, haddii xoriyadda dabadeed, Soomaalida
la dhaafiyo maamulka, markaas in dalku uusan noqonayn
mid xasilloon. Halkaas baa waxaa ku shiiqay damacii
ay hoggaanka ka lahaayeen Cafartii sanooyinka
badan daba-dhilifka u ahaaa maamulkii gumeysiga
ee ka dhisnaa Jabuuti.
Beesha
Ciise waa xoogga matalayay umadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan Jabuuti. Sidaa darteed ayuu gumeysigii
Faransiiska ahaa uu ku dadaalay in uu tiradooda
ku yareeyo gobolkaas. Sanadihii 1960-aadkii, wuxuu
gobolka ka soo saaray qoysas tira badan, kuwaas
oo uu u soo qixiyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliyeed, markasta waa ay diidi jidhay
in xuduuddeeda la soo dhaafiyo dad reer Jabuuti
ah. Sababtuna waxay ka diriraysay in gobolka uu
noqdo meel Soomaalida looga badan yahay. Sanadkii
1966-kii ayay ahayd, markii ay ugu badnaayeen
dad Soomaaliyeed oo gobolka laga soo saaray. Gaashaanle
Axmad Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo markaas taliye ka ahaa urur joogay degmada
Seylac, ayuu ahaa ninka celiyay qoysas boqollaal
gaaraya oo xuduudda la soo dhoobay. Laakiin Itoobiya
oo markasta la barnaamij ahayd maamulka gumeysiga
ayaa dhulkeeda u saamixi jidhay qoys-kasta oo
Soomaali ah oo Jabuuti laga soo eryo. Maamulkii
ka jirey Jabuuti, ayaa mashruucan wuxuu ka lahaa
ujeeddo ah in tirada Cafarta ee ku nool degaanka
ay u muuqato kuwa ka badan Soomaalida.
Dowladdii
Kacaanka ahayd, si ay arintaas uga hor-tagto,
waxay dhankeeda ka bilowday mashruuc qarsoodi
ah, kaas oo dib loogu dejinayo dadkii reer miyiga
ahaa ee gobolka laga soo saaray. Mashruucaasi
wuxuu bilowday saddex sano ka hor, intaanay Jabuuti
qaadan madax-bannaanida. Waxaa odey ka ahaa sarkaal
sare oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliyeed. Isagu
wuxuu ahaa G/ S. Maxamad Jibriil Muuse oo markaas ahaa ku xigeenka ciidamadii
nabad-sugidda. Iyada oo Itoobiya laga soo qaadi
jirey, ayaa magaalada Hargeysa ay ahayd meesha
ay qoysaskaasi ku hakan jireen. Iyaga oo qoys
ahaan isu-wata ayaa waxaa loo iibin jirey xoolo-baadiye,
dabadeed waxaa laga tallaabin jirey xuduudda.
Muddadaas saddexda sano ahayd, Soomaalidu waxay
ku guuleysteen in ay soo ceshadaan tiradii ay
ku joogeen gobolka.
Arintaasi
waxay sababtay, bilowgii sanadkii 1976-kii, in
ay jireen dagaallo dhex-maray reer miyigii Soomaalida
ee ku baahay baadiyaha Jabuuti iyo qowmiyadda
Cafarta ah ee halkaa ku dhaqnayd. Dad badan oo
Cafar ah ayaa dagaalladaas lagu laayay. Cali
Caarif waxba waa u qaban waayay Cafartii.
Sababtu waxay ahayd siyaasadda Faransiiska oo
xilligaas ku khasbanayd soo dhoweynta bulshada
Soomaalida ah. Halkaas buu Cali Caarif ku lumiyay kalsoonidii uu ka haysaty dadka
Cafarta ah ee ku dhaqnaa Jabuuti.
Qoysas
badan oo reer miyi ah, oo u dhashay qowmiyadda
Cafarta ah ayaa dagaalladii darteed ka qaxay Jabuuti.
Iyaga oo ka xun siyaasadda Faransiiska iyo mowqifka
is-dhiibka ah ee Cali
Caarif. Waxay u tallaabeen Itoobiya. Halkaas
waxay kala kulmeen colaad ka culus tii ay ka soo
qaxeen. Waxaa xilligaas soo xoogoobay khilaaf
ka dhex abuurmay maamulkii Itoobiya iyo suldaankii
Cafarta Suldaan Mire.
Suldaanka oo fadhigiisu ahaa degmada Caashaca,
wuxuu horay xiriir wanaagsan ula lahaa Boqorkii
la riday Xayle Selaesse.
Suldaankii, jabhad hubeysan ayuu ku kiciyay xukuumaddii
Mengistu. Dabadeed, dowladdii Itoobiya, ciidan xoog badan ayay ku
kicisay Cafartii ku noolayd degaanka Caashaca.
Ciidankaasi si dugaagnimo ah ayay ula dhaqmeen
dadkii degaankaas.
Dagaalka
sokeeye ee xilligaas ka socday Jabuuti, iyo guulaha
ay jabhadiinta Soomaaliyeed ka gaarayeen weerarka
ay la galeen ciidamada Itoobiya, waxaa garab socday
dhaqaaqilyo siyaasadeed oo loogu gogol-xaarayay
madax-bannaanida Jabuuti. Faransiisku wuxuu doonayay
in uu Jabuuti u abuuro cimilo ay kaga badbaaddo,
dhibaato kaga timaadda labada dowladood oo deriska
la ah, islamarkaana uu dagaalku ka dhexeeyo. Labadan
dowladood ee ah Soomaaliya iyo Itoobiya, baan
gobolka isku aragti ka qabin. Itoobiya waxay Jabuuti
u aragtay dhuunta uu hunguriga u soo maro. Waa
waddada ugu hilan culus oo uu maro ganacsiga Itoobiya
ay la leedahay dunida. Soomaaliya, ayaa dhankeeda
Jabuuti u aragtay gobol kamid ah gobolladii shanta
ahaa ee gumeysigu uu ka boobay umadda Soomaaliyeed.
Islamarkaa, madax-bannaanida Jabuuti waxay ahayd
natiijo laga dhaxlay halgan dheer oo guud ahaan
Soomaalida ay ku doonayeen in ay maalin arkaan
gobolkan oo isaga oo xor ah la midoobay gobolladii
kale ee Soomaaliya. Ujeeddada ka danbeysay waxay
ahayd dhisid dowlad Soomaali-weyn ee buuxisa geeska
Afrika.
Sanadkii
1975-kii, kal-fadhigii XXX-aad ee golaha loo dhan
yahay ee JQ ka Dh, oo ka dhacay xarunta jamciyadda,
ayaa waxaa lagu ansixiyay goŽaan tilmaamaya in
dadka reer Jabuuti, si shuruud laŽaan ah, loo
siiyo madax-bannaani buuxda. Islamarkaas goŽaanku
wuxuu fogeeyay in cid kale ay sheegato dalka Jabuuti,
meel kasta codkooda haka yimaadee. Waxaa kale
oo goŽaanka lagu xusay in ay sharci darro tahay
tallaabo kasta oo arrintan gacan siineysa. Inkasta
oo Soomaaliya ay ku dulmanayd go'aankan, misana
iyada iyo Itoobiya, labadooduba waxay u codeeyeen
goŽaakaas. Dowladda
Soomaaliyeed marna ma eeyan qarin rajada xoogga
weyn oo ay ka qabtay in ay aragto Jabuuti oo xor
ah, islamarkaa gacanta haysata gobollada kale
ee JDS. Aragtidaasi waa mid ay Soomaalidu ka muujinayeen
fadhiyada caalamiga ah oo ay dowladuhu isugu imanayeen.
Wixii
fadhigaas ka danbeeyay, Itoobiya waxay bilowday
olole ay ku xoojinayso in Jabuuti eeyan la midoobin
Soomaaliya. Bishii janaweri, 1976-kii, fadhigii
XIII-aad oo ay qaateen madaxdii dowladaha Afrika,
Itoobiya waxay golihii keentay qodob ay damacday
in laga saxiixo Soomaaliya iyo Itoobiya si uusan
midkoodna u sheegan gobolka Jabuuti, sidaasna
uu gobolka ku noqdo mid ka badbaada muranka u
dhexeeya labada dal oo deriska la ah.
Soomaaliya
gacanta ayay ku dhufatay oo waa ay diidday qodobkaas.
Waxaa xusid mudan, marka ay Itoobiya soo gudbinaysay
qodobka caynkaas ah, in eyan ahayn mid wax ku
darsatay hayaankii dadka reer Jabuuti ay ku dalbayeen
madax-bannaanida. Bal waxaa taariikhda ku xusan
marar badan oo ay is-hor taagtay in Jabuuti ay
ka xorowdo gumeysiga.Faransiiska wuxuu bilaabay
markaas in uu si gaar ah ula soo xiriiro Soomaalida
si uu ugu qanciyo in ay ka haraan sheegashada
Jabuuti. Haddii taas la helo, markaas uu gobolka
siinayo madax-bannaani. Danjirihii Soomaaliya
u fadhiyay Baariis Maxamad Siciid Samatar (Gacaliye),
ayuu ahaa ninka xiriirinayay labada dowladood.
Soomaaliya,
markeedii hore waa ay ku madax adaygtay in ay
ku raali noqoto in gobolku noqdo mid iskiis isu
maamula. Bishii desember isla-sanadkaas, wareysi
lala yeeshay madaxweyne Maxamad
Siyaad, isaga oo ka waramaya arintan ayuu
yiri :
"
(Ballan-qaadka madax-bannaanida Jabuuti) Hadday
ujeeddadiisu tahay mid Soomaalida lagu khasbayo
in ay dib uga laabato xiriirka dhiiga, midka taariikheed
iyo midka dhaqan oo isku kaaya xiraya annaga iyo
dadka reer Jabuuti, markaas waxaanu caddeeneynaa
in arintaasi ay tahay mid aanan suurogal ahayn
". (Wargeyska
Al-ahraam. Tirsigiisii soo baxay 1/ 1- 1977-kii.
Masar. Qaahira).
Markaas
baa Faransiisku bilaabay in uu dunida ka raadiyo
dowlado la qaada aragtidan oo Soomaaliya ku qanciya
in ay ka harto Jabuuti. Dowladaha Khaliijka oo
ay Sacuudigu ugu weyn yahay iyo dalka Masar ayaa
meeshuu doonayay u buuxiyay. Iyaga ayay ahaayeen
kuwa ku qanciyay Soomaalida in ay oggolaadaan
in Jabuuti ay gooni isu taagto. Xilliga ay socdeen
xiriirada diblomaasiyadeed oo looga wada-hadlayay
arintan, waxaa fagaaraha degaanka ka socday howl-galladii
jabhaduhu ka wadeen gobolka Ogaadeenya. Soomaaliya
ayaanan xilligaas tabar u hayan in ay isku furto
aag kale oo ay colaadi kaga shidan tahay. Bal
waxaa loo ballan-qaaday in Ogaadeenya loo deynayo
in ay Soomaliya hoos timaaddo.
23/
11 -1976-kii, waxaa la qabtay kal-fadhigii XXXI-aad
oo ay lahaayeen golaha loo dhan yahay ah ee JQ
ka Dh. Mar laga wada-hadlayay madax-bannaanida
Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya si wada jir ah
ayay u saxiixeen in dadkaasi ay helaan madax-bannaani
buuxda. Xubnihii labada dowladood oo ka qeyb galay
fadhiga ayaa waxay sheegeen in ay si buuxda u
xushmeynayaan gobanimada, madax-bannaanida iyo
is-heysashada dhulka Jabuuti kadib markii ay xorowdo.
GoŽaankaas waxaa labada dowladood la wadaagay
dhamaan dowladihii xbnaha ka ahaa golaha.
Inkasta
oo goŽaankii loo gudbiyay golihii amniga si ay
u ansixiyaan, misana waxaa muqday khilaafka aragtiyeed
ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhexeeyay ee ku
saabsan qadiyaddan. Soomaalidu waxay ku andacoonayeen
in la oggolaado in qaxootiga reer Jabuuti ee dibadda
jira ay ku laabtaan dalkooda iyada oo aanan wax
shuruud ah lagu xirin. Halka Itoobiya arintaas
u aragtay in Soomaaliya ay doonayso in dad Soomaali
ah oo badan ay ku tallaasho Jabuuti, si ay mustaqbalka
u hanato dalka iyo syaasaddiisa. Waxaa xusid mudan
in xilligaas ay ku beegnayd markii ay guutadii
Duufaan ay u tallowday gudaha Itoobiya oo uu bilowday
mashruucii dagaalka.
Dowladdii
Soomaaliyeed kama eeyan hakan, intii karaankeed
in ay ka gal-galato in Jabuuti ay si gaar ah isu
taagto. Laakiin laba arimood ayaa dabar ku noqday.
Dagaalka weyn oo ay Itoobiya kula jidhay, kaas
oo u muuqday fursad eeyan dayici karin. Midda
kale waa dalalkii Carbeed oo la mowqif noqday
Faransiiskii doonayay in Jabuuti ay iskeed isu
taagto. Soomaalidu waxay markaas sameeyeen, dad
aqoonyahanno ah oo isugu jira rayid iyo ciidan,
una dhashay beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
degaanka Jabuuti, ayay u tallaabiyeen gobolka.
Xataa waxaa jirey ardey deeq waxbarasho ugu maqnaa
dowladihii hanti-wadaagga ahaa, kuwaas oo qudhoodu
ka soo jeeday beelaha Ciise iyo Gadubiirse. Dadkaas
ayaa waxay buuxiyeen mu'asaadkii dowladdii cusbayd
ee Jabuuti.
Intuusan
gobolku xoroobin, waxaa kale oo jirey daan-daansi
ay ciidamada Soomaaliyeed ku hayeen ciidamada
gumeysiga ee fadhiyay Jabuuti. Arintaas oo ahayd
falal ciidameed, ayaa Soomaalidu waxay ku muujinayeen
sida ay uga xun yihiin in gobolku ka go'o Soomaaliya.
Falkii ugu hilan cuslaa wuxuu dhacay dabayaaqadii
bishii maarso, sanadkii 1977-kii, markaas oo dayuurad
kuwa dagaalka ah oo ay Soomaalidu leeyihiin ay
duqeysay dayuurad Faransiis ah. Wasaaradda ciidamada
ee Faransa ayaa Baariis ka sheegtay dhacdadan
markay taariikhdu ahayd 24/ 4- 1977-kii. Dayuuradda
la weerary oo ahayd kuwa dagaalka ee lagu tababarto
ayaa wasaaraddu waxay tilmaantay in ay dul-maraysay
hawada Jabuuti. Dayuuradda wax soo weerartay waxay
ku sheegeen in ay ahayd nooca MiG. 17 oo ah kuwa
dagaalka. Weerarkaas oo aanan wax dhaawac ah geysan,
Faransiisku waxay diideen in ay ka bixiyaan faah-faahin
intaa dhaafsiisan. Keliya waxay sheegeen in dayuuradda
Faransiiska ay dul socotay meel u dhow marinka
Baab Al-mandab ee ka baxsan biyaha Soomaaliya.
Halkaas ayaa dayuuradda Soomaaliyeed ay ku weerartay,
iyada oo dhowr jeer xabado ku ridday. Wax digniin
ah oo weerarkaa ka horeeyay ma jirin. Waxaase
nasiib wanaag ahaa in weerarkii uusan wax dhaawac
ah geysan. (Wargeyska
Al-ahraam. Tirsigiisii soo baxay 28 abriil. 1977.
Masar. Qaahira).
Markii
ay caddaatay in bahda caalamku ay ka go'an tahay
in gobolka laga dhigo dowlad madax-bannaan, JDS
waxay dadaal ku bixisay in Jabuuti, madax-bannaanida
dabadeed, ay toos uga mid noqoto Ururka Jaamacadda
Carabta. Ujeeddadu waxay ahayd in ay ka soo fogeyso
Itoobiya, oo haddii bah-weyntii Soomaaliyeed laga
kexeeyay, Carabnimada iyo Islaannimada in ay ahaadaan
kuwo ka ilaaliya in dalku uu ku dhaco caloosha
Itoobiya. Carabtuna waxay markaas xiiso u hayeen,
dalkaas yar oo badda Cas kaga yaal degaanka istraateejiga
ah. Waxay arkayeen in arintani ay gacan siinayso
aragtida ah in biyaha badda Cas loo aqoonsado
biyo Carbeed. Sidaas baa Jabuuti markii ay xoriyadda
heshay ay xubin buuxda kaga mid noqotay Uruka
Jaamicadda Carabta.
Nin
saburay Ilaahay marbuu sara u qaadaaye
Subuca
iyo Yaasiinka iyo suuradaha diinka
Seef
iyo warmey kaga dideen seylarkii Yurube
Sinta
xeebta iyo buurihii quruxda loo saantay
Siraad
iyo if baa nooga baxay Obokh salkeediiye
Sallaankiyo
dhismaha toosay waa sugayay Nuurowe
Singaha
nimanka fuuliyo sarmaan aad u salabeysan
Siyaasadda
rag lagu aaminoo saafiyaa wada'e
Sabuulkiyo
mirahaa u baxay wow sitiriyeene (Cali Cilmi
Af-yare)
Saadiq
Enow