|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXVII-aad

Dr Enow

 

Laba bilood ka hor madax-bannaanidii Jabuuti, dowladda Itoobiya ayaa waxay ku soo gufeysay xuduudda dheer oo ay Jabuuti la lahayd laba guuto oo ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida. Soomaalida ayaa arrintaas waxay kaga jawaabeen, in ay iyaguna fariisiyaan xuduudda ay la leeyihiin Jabuuti guuto ciidanka XD ah. Waxaa odey ka ahaa Gaashaanle Maxamad Maxamuud (Geel-qaad). Halka Itoobiya ay ka cabsi qabtay in Jabuuti iyo Soomaaliay ay ku midoobaan dowlad qura, Soomaalidu waxay u baqayeen madax-bannaanida gobolka. Geel-qaad iyo ciidankiisii halkaas ayay fadhiyeen illaa uu ka bilowday dagaalkii weynaa ee Ogaadeenya, markaas oo guutadu ay ka dagaal gashay aagga degmada Dirir-dhabe. (Waraysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Maxamuud Geel-qaad. 12/ 6- 2004-tii. Rayaad. Boqortooyada Sacuudiga).

Bishii mey 1977-kii, waxaa Jabuuti laga qaaday afti loogu codeynayay madax-bannaanida gobolka. Dad-weynihii ka qeyb-qaatay aftidaas, ayaa intoodii badnayd waxay codkoodii u bixiyeen in gobolku helo madax-bannaani. Markii ay muuqatay diidmada caalamiga ah ee lagaga soo hor-jeedo in Jabuuti eeyan la midoobin Soomaaliya, JDS waxay go'aansatay in ay gaabiso codkeedii ahaa midnimadai Jabuuti. Laakiin marna kuma eeyan dhawaaqin wax tanaasul ah. Ereyga diblomaasiyadeed oo dowladdu ay amrkaas adeegsanaysay waxay ahayd, aaya ka-taliska Jabuuti. Waxaa xusid mudan in aftida horteed, dowladda Soomaaliyeed ay bixisay lacag dhowr boqol oo kun oo doollar ah. Lacagtaas oo loo dhiibay danjirihii Soomaaliyeed ee fadhiyay Baariis ayaa waxaa loo qeybiyay xubno kamid ahaa barlamaanka Faransiiska, kuwaas oo dadaal ku bixiyay madax-bannaanida Jabuuti. (Wareysi aanu la yeelaney Danjire Cabduaahi Xasan Maxamuud, Qaahira, 5/ 10- 2004).

Sidaas baa waxaa ku dhashay Jamhuuriyadda Jabuuti, markay taariikhdu ahayd 27/ 6- 1977-kii. Waxaa halkaas ka curtay gobol saddexaad oo kamid ah gobolladii shanta ahaa oo ay Soomaalidu ku han-weynaayeen in ay arkaan iyaga oo madax-bannaan, kaas oo yeeshay barlamaan iyo calan u gaar ah. Waxaa madaxweyne ka noqday mudane Xasan Guuleed Abtidoon. Soomaali meel kasta oo ay joogeen waa ay u riyaaqeen arintaas. Farxadda ay ku soo dhoweeyeen guushan ay dadkii gobolka gaareen, waa mid ka turjumeysa dareenkii hagaagsanaa oo ay bulshadu lahayd. Gobol farxaddiis, waxay farxad u ahayd dhamaan gobollada Soomaalidu degaan. Gobol guushiis, waxay guul u ahayd dhamaan gobollada kale. Ma jirin mua'sasad dowladeed iyo mid madax-bannaan ee Soomaaliyeed, illaa subaxdaas waxaa ka dhacay khudbado iyo hadallo bogaadin ah oo ay dadku is-dhaafsanayeen.

Gobolku, markii uu qaatay madax-bannaanida, wuxuu xubin ka noqoday golayaasha caalamiga ah iyo kuwa goboleed. Labadii qodob oo ay Soomaaliya qaadday ee ahaa aqoonyahannada lagu gufeeyay gobolka iyo dadaalkii lagu bixiyay in dalku xubin ka noqdo Jaamacadda Carabta, waxay ahayd siyaasad hagaagsan oo Jabuuti ka ilaalisay in ay baylah u noqoto maamulka Itoobiya.

Ayaamo ka hor inteeyan Jabuuti qaadan madax-bannaanida, waxaa jirey wufuud ay dowladda Soomaaliyeed u diraytay dibadda, kuwaas oo ay ku xoojinaysay dagaalka ka socday Ogaadeenya. 16/ 6- 1977-kii, waxaa Xamar ka baxay wafdi ka kooban lix xildhibaan oo saddex ay ka mid ahaayeen golaha dhexe ee XHKS, saddexda kalena ay ahaayeen saraakiil ka tirsan XDS. Wafdigan oo uu hoggaaminayay G/ S. Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, ayaa waxay soo mareen afar dal oo Carbeed. Masar, Tuunis, Jasaa'ir iyo Marooko. Wafdigu wuxuu ahaa ceelalyo laga hormariyay wafdi ah madaxdii jabhadda, kuwaas oo dowladahaas ka helay oggolaansho ah in ay soo booqdaan dhulkooda.

G/ S. Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, ayaa markuu soo laabtay war-bixin tifaf-tiran siiyay madaxii jabhadda WSLF. Ujeeddadu waxay ahayd in uusan is-khilaafin warka uu wafdigan gaarsiiyay madaxda dowladaha ay booqdeen, iyo warka ay sidaan wafdiga jabhadda. Waxaa jirey waraaq uu madax-weynaha qoray oo wafdiga Soomaaliyeed ay horey u sii qaadeen, taas oo ku socotay madaxweynayaashii Carabta. Waxaa weheliyay waraaq kale oo lagu dalbanayay hub. Waxaa xusid mudan, in waraaqda dalabka hubka ay ahayd mid laga sawiray tii ay jabhaddu diyaarsatay. Khaladkaasi wuxuu ahaa mid ka imanayay dhanka madaxweynaha, oo isagu ahaa nin aanan lagu hadal celin, xataa haddii uu falku u muuqdo mid khaldan. Sidaas baa G/ S. Cabdirisaaq, uu ugu yimid Guddoomiye Cabdullaahi Xasan. Labada nin ayaa markaas ku heshiiyay in ay mideeyaan waraaqihii ay kala siteen.

Cabdirisaaq Maxamad Abokor, markii uu la kulmay guddoomiyaha jabhadda, war-bixintii uu siiyay waxaa kamid ahaa sheeko uu kala kulmay Tuunis. Isaga oo arintaa ka waramaya wuxuu yiri :

" Markaanu Tuunis gaarnay, madaxdii dowladda waxay isku deyeen in ay naga hor is-taagaan inaan la kulano madaxweynihii dalka Xabiib Burqiiba. Annagu ma aanan garan sababta, sidaa waanu ku adkeysanay dalabkeena ahaa kulanka madaxweynaha. Waayo waxaanu wadnay waraaq isaga ku socotay oo uu GMaxamad Siyaad soo qorey. Laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in uu xanuunsanaa. Da'diisa oo weynaatay darteed ayuu wuxuu lumiyay xasuustii. Isagu maahayn mid wax kala ogaa .................................... ". (Wareysi aanu la yeelaney Danjire Cabduaahi Xasan Maxamuud, Qaahira, 5/ 10- 2004).

Waa ay kulmeen isaga oo garabka laga hayo. Wafdigii Soomaaliyeed, markii ay gudbiyeen dhambaalkii, waxay bilaabeen in ay ka sheekeeyaan taariikhda gobolka iyo ayaan-darridii gumeysigu baday. Dabadeed waxay u gudbiyeen codsigoodii ahaa in dalka Tuunis uu u fidiyo wixii taageero siyaasadeed iyo qalab ciidan ah oo ay awoodaan. Markaas baa halkii madaxweynaha laga sugayay in uu bixiyo jawaab quman, ayuu isaga oo su'aalaya Tuunisiyiintii ka ag-dhowaa, wuxuu yiri : " Horta kuwan sow Xabashi maahan ? ". Markaasaa rag kamid ah wafdigii Soomaalida, inta ay qosol is-celin waayeen, af-laba ka yeereen. Sawirkaasi wuxuu inoo waxyoonayaa muuqaalka ay leedahay mu'asasaadka buka ee looga taliyo, in badan oo kamid ah ummadaha adduunka saddexaad. Cabdirisaaq Maxamad Abokor, markuu arintaan ka sheekeynayay, wuxuu doonayay in uu Cabdullaahi Xasan u tilmaamo waxa ka horeeya, si uu barnaamijka ugu darsado. (Isla marjicii hore).

26/ 7- 1977-kii, waxaa Xamar ka baxay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii WSLF Cabdullaahi Xasan Maxamuud. Waxaa weheliyay rag ay kamid ahaayeen Cabdi Naasir Shiikh Aadan iyo Waaqow Guuto. Socdaalka wafdigan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo madaxda labada jabhad ay dibadda ugu soo baxaan, tan iyo intii la dhisay golayaashoodii dhexe. Wafdigu waxay soo booqdeen qaar kamid ah waddamadii ay soo mareen wafdigii ka horeeyay. Dowladahan ay booqdeen ayaa waxay gaarsiiyeen war-bixin ku saabsan dagaalladii jabhadadha, iyaga oo islamarkaa u gudbinayay codsi ku saabsan dalab ah taageero siyaasadeed iyo mid qalab. Dalkii ugu horeeyay oo ay booqdeen wuxuu ahaa Masar.

Cabdullaahi Xasan wuxuu ahaa nin wax ku bartay dalka Masar. Wuxuu ka baxay jaamacadda Qaahira. Waaguu ardayga ahaa, wuxuu ahaa nin fir-fircoon. Wuxuu guddoomiye ka noqday ururkii ay lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee Masar ka dhisnaa. Taasi waxay siisay fursad ay isku bartaan dhallinyaradii reer Masar ee xilligas ka shaqeynayay xafiisyadii dowladda u qaabilsanaa xiriirada bulshada. Xilliga uu wafdigan yimd Masar, waxaa dalka ka madax ahaa, dhallinyaradii ay ardaynimadii is-yiqiineen. Jamciyadda Masar ee xiriirka Afrika ayaa markaas waxay qorsheysay in ay abaabusho xaflad lagu maamuusayo madax-bannaanida Jabuuti. Xilmi Al-Shacraawi oo ahaa madaxii jamciyadda ayaa taleefan kula soo hadlay Cabdullaahi Xasan oo ay horey isu yiqiineen. Wuxuu ku yiri :

" Waan maqlay inaad timid adigoo hoggaaminaya wafdi jabhadeed. Waxaan doonayaa inaan kugu casumo xaflad lagu maamuusayo madaxbannaanida Jabuuti. Waan la socdaa in aad kamid ahayd ardeydii Soomaaliyeed oo Qaahira lagu xir-xirey 1966-kii, markii ay ku bannaan-baxeen danjirihii Faransiiska. Haddaba Jabuutidii waagaa laguu xirey, kaalay oo maanta ka hadal xafladdan lagu maamuusayo madax-bannaanideeda ". (Isla marjicii hore).

Xafladdii maamuuska oo lagu qabtay hodheelka Sharaton, ayaa waxaa ka soo qeyb-galey masuuliin ka socday dowladda Masar iyo danjirayaal isugu jira Carab iyo Afrikaan. Raggii habeenkaas khudbadaha ka jeediyay xafladda waxaa kamid ahaa Cabdullaahi Xasan. Ereyadii uu ku hadlay waxaa kamid ahaa :

" Waxaa jidha maah-maah carbeed oo oraneysa, ma habaabo xaq uu ninkii lahaa daba taagan yahay. ................................... . Jeneral Charles de Gaulle, waa ninkaas sankiisii dheeraa intuu kor u taagay, Jabuuti kaga khudbeeyay : Gobanimadu dhayal laguma helo ee dhiig bay u baahan tahay. Kibirkii sanka ka saarraa waa uu beenoobay, shacabkii Jabuutina waakaa xoriyad ku naaloonaya. Mahaddaas Eebaa leh. Dabadeed geesiyaashii u hurey wax kasta oo qaali ah baa leh. .................................... ". (Isla marjicii hore).

La sinaade qeyrkood haday seben u liiteene

Sidig bow dhashiyo dowladnimo suudi loo maraye

Samhariiradii iyo ka baxe salowgi naareede

Saamigii walaalkaa heliyo sadada uu haysto

Si loo deyoba sharaftiisu waa sararahaagiiye

Seeddiyo laftay kabantay iyo saabka feeraha’e

Sar-sarkii dalooliyo nuskii saaray laamaha’e

Hadba saanta meel inaad dhigtoo socoto weeyaane

Ma sal-gaarin saaxiibayaal seerahaan rabaye

Safarka iyo geeddigu dhul kale how socdaal tago’e

Sunniyo waajib ciiddaada waa inaadan sii deyne

War Soomaali waa maqan tahaye seexashada diida (Cali Cilmi Af-yare).

Madaxda ay Masar kula kulmeen waxaa ugu weynaa ra'iisul-wasaarihii dowladda Dr. Fu'aad Muxyadiin, kaas oo aad ula caadifooday war-bixintii ay wafdigu ka siiyeen xaaladda dagaalka. Markii loo dhameeyay khabarkii la siiyay, Ra'iisul-wasaaruhu waa uu ilmeeyay farxad darteed, marakaasuu madaxdii la joogtay ku yiri waa in aad gacan siisaan dadkaa walaalihiin ah ee dagaalku haysto. Kaalmada markaas ay jabhaddu ka heshay Masar waxay ahayd mid rayid ah. Waxaa kamid ahaa lebis jabhadeed, kabo, dhar hurdo, funaanado dhaxameed, maryo badan oo bafto cad ah, taas oo loo qeybiyay dadkii reer miyiga ahaa. Waxaa kaloo ay Masaaridu bixiyeen dawooyin badan.

Dalkii labaad oo ay u gudbaan wuxuu ahaa Tuunis. Waxay u martiyeen dowladdii dalkaas oo iyaduna si wanaagsan loogu soo dhoweeyay. Wafadigu waa ay ogaayeen xaaladda madaxweyne Xabiib Burqiiba, sidaa darteed ma eeyan codsan in ay la kulmaan. Waraaqdii ay u wadeen waxay ugu dhiibeen madaxdii ay is arkeen. Wafdigu waxay kulmeen ra'iisul-wasaarihii Tuunis Al-Haadi Nuweyrah iyo wasiirkii dibadda Xabiib Burqiiba (Wiilka). Madaxdii Tuunis waxay u sheegeen jabhadda in eeyan haysan wax tabar ah oo ay ku taageeraan. Laakiin waxay ballan-qaad ka bixiyeen in ay qadiyadda ka taageerayaan maxfallada caalamiga ah.

Xilligaas waxaa cakirraa xiriirka dowladaha Carbeed ee galbeedka Afrika. Sidaa darteed, wafdigii jabhadda oo markaa ku socday dalka Marooko, waxaa ku adkaaday in ay helaan dayuurad Carbeed oo si toos ah u aadaysa halkaas. Markay dhowr maalmood hakadeen, waxay u tageen safaaraddii Talyaaniga. Cabdullaahi Xasan, oo arintan ka waramay wuxuu yiri :

" Markii aanu isu sheegnay, waa ay noo joogsadeen. Inkasta oo uusan nala socon nin af-talyaaniga yaqaan, misana waxay inoo muujiyeen xushmad weyn iyo qaddarin. Qunsulkii safaaradda baa ina soo dhoweeyay oo markiiba u yeertay nin turjumaan ah. Inaan quraacano ayuu nagu khasbay. Markaan uga waranay xaaladdayada, wuxuu inoo sheegay in beri subax ay imanayso dayuurad ay leedahay shirkadda dayuuradaha ee Talyaaniga (Alla Italia), taas oo u socota Marooko. Wuxuu inoo ballan-qaday in uu fadhi naga siinayo ". (Isla marjicii hore).

Hakadkii ku yimid socdaalkii wafdiga, wuxuu khalal geliyay wakhtigii laga sugayay in ay Marooko yimaadaan. Iyaga oo aanan la ogeyn ayay galeen dalka Marooko oo waxay ka degeen magaalada Kaasa-blanka. Xilligaas waxaa jirey af-duubyo dayuuradeed oo Falastiiniyiintu ay ka wadeen dunida. Sidaa darteed, dowladda Marooko waxay guddoomisay in dayuuradaha ganacsiga ee dalkeeda ku socda ay ka degaan magaalada Kaasa-blanka, kuwa wufuudda sidana magaalada Rabaad. Sidaas buu wafdigii wuxuu uga degay Kaasa-blanka oo aanan laga sugayn.

Abuu Malxam Al-Calawi oo ahaa boqorka Marooko ina adeerkiis, isla-markaana lahaa wargeys kamid ah kuwa ugu codka dheer ee dalka, ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ogaada in wafdigii la sugayay uu ka soo degay magaalada Kaasa-blanka. Isagii ayaa halkaas ka soo wacay oo ahaa ninkii ugu horeeyay oo la kulma. Inkasta oo howshiisu ay ku ekeyd wareysi iyo sawir-qaadasho, misana wuxuu xiriirshay wafdigii iyo dowladdii. Dabadeed wafdigii waxay u gudbeen magaalada Rabaad. Waxay halkaas kula kulmeen wasiirkii dibadda Maxamad buu-Sittah iyo laba wasiir oo kala ahaa wasiirkii gudaha iyo kii war-faafinta. Wafdiga waxay dowladdan ka dalbadeen hub iyo dawooyin. Madaxdii dalka Marooko, wax hadal ah kama eeyan soo celin dalabkii jabhadda.

Bal waxay wareysteen goorta ay Xamar ku laabanayaan. Wafdigii baa u sheegay in muddo labaatan maalmood ah ay ku wareegayaan waddamo Carbeed. Markaasaa madaxdii Marooko ay yiraahdeen sidan :

" Annagu ma nihin dowlad hub soo saarta. Sidaa darteed ha naga sugina hub wanaagsan oo aan idin siino. Laakiin, waxa aanu hayno idin ka hagran mayno, ee keena cinwaan aanu idiin kugu hagaajinno. Waxaan rajeeneynaa inay Xamar idiin kaga horeeyaan waxa aanu idin siinayno ". (Isla marjicii hore).

Cinwaanka ay wafdigii jabhadda siiyeen madaxda ay la kulmeen, wuxuu ahaa cinwaan uu lahaa nin la yiraahdo Axamad Cabdi Shuuriye, oo isagu kamid ahaa golihii dhexe ee jabhadda. Madaxdii Marooko taddobaad ayay wafdigii dib u dhigeen si ay maamuusaan. Hubka ay soo direen waxay ahaayeen 6.000 oo qoryaha Rayfalka ah, kuwaas oo sancadoodu tahay Ingiriis, 600 oo baasuuke, sancadoodu tahay Baljiika, kuwaas oo lagu burburiyo taangiyada. Miinooyin balaastik dusha kaga huwan oo aan miino-baarku sheegi karin. Iyo dawooyin badan.

Qalabkaas ayaa dhamaantiis wuxuu Xamar gaaray intuusan wafdigii dhameysan socdaalkii ay ku jireen.Dabadeed wafdigii waxay u kaceen dalka Suuriya, iyaga oo sii raacay dayuurad ay la socdeen macallimiin fasax ku socda. Markay Dimashaq gaareen, waxaa lagu dejiyay hoteelka Saraakiisha. Si wanaagsan ayaa halkaas loogu maamuusay. Meelo taariikhi ah ayaa booqsaho ahaan loo geeyay oo ay kamid ahayd buuraha Goolan. Madaxdii dalka oo ay la kulmeen waxaa ugu weynaa Cabdi-raxmaan Al-Khaliifaawi oo isagu ahaa ra'iisul-wasaarihii dalka. Dowladdaasi waxaa laga helay hub isugu jira qoryo AK ah iyo miinooyin. Markab ayay soo saareen oo waxaa laga soo dejiyay dekadda Berbera.

Waxaa kale oo wafdigii ay mareen Ciraaq waxay la kulmeen Naciim Xaddaad oo ahaa ra'iisul-barlamaankii. Waxay ka heleen lacag dhan 500.000 oo doollar ah. Dalka Kuweyt waxay kula kulmeen Shiikh Sacad Saalim Al-Sabaax oo ah boqorka walaalkiis, islamarkaana ah dhaxal-sugaha nadaamka boqortooyada. Waxaa xusid mudan in amiirkan ay hooyadiis tahay Amxaaro. Mar amiirku uu madaxii wafdiga hor-dhigay su'aasha ah meesha uu ku eg-yahay dhulka ay jabhaddu sheeganayso, ayuu Cabdullaahi Xasan wuxuu ku jawaabay illaa webiga Hawaash. Amiirkii inta kor u booday buu isaga oo dhawaaqaya wuxuu yiri : Oo maxaa Itoobiya u haray oo aad u reebteen. Markaasaa Cabdullaahi Xasan oo u jawaabaya yiri : " Soomaaliya waa dal Islaam ah oo Carab ah, haddii ay dhulkeedii xoreysato, maxaa khasaaro ah oo adiga kaa soo gaaraya " . (Isla marjicii hore).

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.