Bilowgii
bishii julay, dagaalladii jabhadda Soomaali Galbeed
waxay gaareen halkii ugu fogeyd tan iyo muddadii
uu bilowday dagaalka. 2/ 7- 1977-kii, ururkii
la oran jirey Ciil-tire ayaa wuxuu ku guuleystay
in uu qarxiyo waddada tariinku maro ee isku xidha
Addis-ababa iyo Dirir-dhabe. Sidaanu soo xusnay
ururku wuxuu ahaa ciidan loogu tala galay in ay
jabhad u noqdaan ururka gobanimo-doonka xoreynta
Jabuuti. Dagaalku wuxuu markaas ciriiri geliyay
dowladdii dhowaan ka curatay gobolka ee Jabuuti.
Iyadu markaas waxay ahayd dowladda ugu yareyd
uguna da'da yareyd qaaradda Afrika. Toddobaad
maahayn cimrigeedu marka uu dhaawacaas culus soo
gaaray.
Waddadaas
ay jabhaddu jebisay dhererkeedu wuxuu yahay 770
km. Waa meesha ugu milgaha culus oo ganacsiga
Itoobiya uu kala xiriiro dowladaha carri-edeg.
Waxaa halkaas mara xoolo badan oo dalka Itoobiya
uu dibadda u diro iyo hanti uu soo dhoofsado.
Hantidaasi waxaa lagu qiyaasay 60 %, ganacsiga
dibadda ee Itoobiya. Jabuuti ayaa waxaa halkaas
ka soo geli jirey 2.000.000 oo doollar bil walba.
Xilligaas waddadu waxay ahayd isha keliya ee uu
dhaqaalaha Jabuuti ku xirnaa. Taasi waxay sababtay
in Jabuuti ay noqoto dowlad aanan iskeed isu taagi
karin, haddeeyan kaalmo ka helin dibadda. Dagaalka
xoogga leh ee ka dhexeeya labada dowladood ee
deriska la ah Jabuuti, wuxuu kaloo khalal geliyay
xasilloonidii siyaasadeed ee dowladdan yar. Sidaa
darteed dhaawaca culus ee soo gaaray waxaa la
qeybsaday dowladihii ka danbeeyay gooni isu-taaggeeda.
Dowladda Faransiiska iyo boqortooyada Sacuudiga
ayaa markaas bilaabay in ay bil waliba siiyaan
dhaqaale gaaraya 5.000.000 oo doollar. (Wargeyska
Dagens Nyheter. 8/ 8- 1977-kii. Stockholm. Sweden).
Dagaalku
wuxuu lahaa afar marxaladood oo kala heer ah,
taas oo mid waliba ay ka turjumeysay qaab dagaal
iyo xaalad gaar ah. Qaraxa helay waddada tariinka
ee Dirir-dhabe, wuxuu soo af-jaray marxaladdii
koowaad ee dagaalka. Islamarkaa wuxuu fure u ahaa
marxaladdii labaad oo cuntubyo ka tirsan ciidamada
Soomaaliyeed ay si tood ah uga qeyb-qaateen dagaalka,
iyaga oo qaab jabhadeed u habaysan. Sidaas baa,
iyada oo xaaladda geeska Afrika ay cakiran tahay
ayaa guddigii siyaasadda ee XHKS, waxay gaareen
go'aankii adkaa. Kaasi wuxuu ahaa mid saamaxayay
in ciidamada Soomaaliyeed, si buuxda ay ugu tallaabsadaan
ka qeyb-qaadashada dab-shidka dagaalka Ogaadeenya.
Inkasta
oo sababta ugu weyn ee go'aan-qaadashada ay ahayd
dhamystirka dagaalka lagu xoreynayay gobolka maqan,
misana arintani waa mid muran badan ka dhex dhalisay
dadka wax ka tilmaama sababihii kallifay dagaalka.
Waxaa la tilmaamaa arimo hilan culus ee ka imanayay
gudo iyo dibad, kuwaas oo raad xoog leh ku lahaa
in Soomaaliya ay xilligaas duulaan baaxad leh
ku qaaddo Itoobiya.
Saraakiisha
sare ee aanu ka wareysanay taariikhda dagaalkan,
waa ay ku qeybsan yihiin aragtida ah sababihii
dhabta ahaa ee dagaalka loo qaaday.
Rag
saraakiishaas kamid ah baa waxay tilmaama in ay
jidhay culays dowladda ka haystay gudaha oo khasbayay
in ciidanka la dagaal geliyo. Raggaasi waxaa ugu
weyn Jeneraal Cabdullaahi
Axmad Cirro iyo Jeneraal
Cabdiraxmaan Caarre. Iyagu waxay dhaliilaan
qaabka loo maareynayay dagaalka. Kasoo horjeedkooda,
waxaa jira saraakiil timaamaya in ujeeddada dagaalku
ay ahayd xoreynta gobolka, laakiin ay dowlado
naga xoog weyn ina fashiliyeen. Waxaa ugu weyn
Jeneraal Axmad Suleymaan
Dafle iyo Jeneraal
Yuusuf Axmad Salxaan. Waxaa jira saraakiil
labada qolo u dhexeeya oo oranaya, annagu kama
aanu sheekeyn karno niyadda raggii maamulayay
siyaasadda dagaalka. Laakiin, inkasta oo dagaalku
uu ahaa mid xaq ah, misana waxaan indhaha laga
qarsan karin khaladaadka istraateejiga ah oo raggii
maamulka hayay ay gelayeen, iyada oo islamarkaa
aanan oggolayn in lagala taliyo howlaha socday.
Sikastaba
arini how dhacdee, waxaanan laga fursaneyn in
la xuso qaar kamid ah xaaladaha uu dalku ku sugnaa.
Marka wax laga tilmaamo saddexdii sano ee ugu
horeeyay ee maamulkii Kacaanka, dad-weynaha waxay
ahaayeen kuwo la dhacsanaa is-beddelka. Majirin
aragti siyaasadeed oo ka danbeysay arintaas. Xeerarkii
ay dowladihii rayidka ahaa ku dhaqayeen dalka,
waxaa baabi'iyay saraakiishii Kacaanka. Dad-weynuhu
maahayn kuwo garasho u lahaa xeerarka dowladeed,
sida ay maantaba tahay. Kacaanku wuxuu soo saaray
15 qodob oo uu ku magacaabay Axdigii Kacaanka.
Kaas oo ay si wanaagsan u fahmeen ayaa wuxuu ahaa
mid aanan wehelin wax xeer ah. Taas ayaa keentay
taageeradii uu Kacaanku helay saddexdii sano ee
ugu horeeyay maamulkii saraakiisha. Saddexdii
sano ee xigtay waxay ahayd xilli ay xoogowday
mu'asasaddii
war-doonka
gudaha. Xilligaas waxaa jirey cabsi badan iyo
aamin-darro ku badatay dad-weynaha dhexdiisii.
Waa xilli sheekooyinka laga xuso laga helayo xaasas
isku dacweeyay kacaan-diidnimo, waalid ay caruurtiisii
ku dacweeyeen in uu dowladda ka soo hor-jeedo.
Xilligaas wuxuu ahaa wakhtiga la geystay dulmigii
ugu badnaa ee dalka ka dhaca. Waa wakhtiga la
laayay 10-kii wadaad. Waa wakhtiga la ugaarsan
jirey aqoonyahannada iyo wax-garadka. Ooraah faaftay
ayaa markaas waxaa ka tegay odey la yiraahdo Faarax
Golalley oo yiri (Ama afkaaga hayso, ama
Afgooye aad, ama Af-weyne raac). Marxaladdaas
waxay ku ekeyd 1975-kii. Dabadeed waxaa bilaabatay
marxaladdii saddexaad in ay isla aamusto oo wararkii
layska sheegayay ay yaraadaan. Bulshadii baa si
wanaagsan isu baratay. Markaas baa gudaha dalka
waxaa ka bilowday guux sababay in ay curtaan dhaqaaqilyo
lagu diiddan yahay maamulka. Waxay isugu jireen
mid siyaasadeed, mid ciidan iyo mid ardeyeed.
Mucaaradad
siyaasadeed waxay ahayd raad ka dhashay dhaqdhaqaaqii
dibadda ka bilowmay ee lagu dhisay ururkii SODAF.
Aqoonyahannadii Soomaaliyeed ayaa waxay bilaabeen
in ay ka sheekeystaan ururkaas mucaaradka ah ee
laga unkay dalka Talyaaniga. Arintaasina waxay
ahayd mid ugub ku ahaa nolosha Soomaalida muddadii
ay saraakiishu la wareegeen talada dalka. Inkasta
oo eyan jirin mucaarado siyaasadeed oo ay dad
rayid ah gudaha ka bilaabeen, misan bulshada,
hadba intoodii isku-kalsoonayd gogosha qaadka
ayay iska wareysan jireen ururka. Ciidamada Nabad-sugidda
ayaa xilligaas waxay culeys saareen xaasaskii
iyo qaraabadii ay lahaayeen xubnaha ururka ee
dibadda jira. Ujeeddadu waxay ahayd in guryaha
dadkaasi eyan noqon meel laga faafiyo aragtida
kacaan-diidka ah oo ay raggaasi xambaarsanaayeen.
Mucarado
kale baa jidhay oo taas hore, uga khatarsanayd
maamulka. Waxay ahayd mid ka socotay ciidamada
qalabka sida dhexdiisa. Ciidamadu si xooggan ayay
u dhismayn. Waxay yeesheen dhallinyaro badan oo
aqoontoodu tahay heer jaamicadeed. Waxaa xusid
mudan in dhallinyaradaas markoodii hore lagu xuli
jirey aqoon iyo caafimaad. Ciidanka cirka oo keliya
ayaa wuxuu yeeshay tiro dhaafsiisan 200 oo isugu
jira duuliyayaal iyo injineero (mekaanik, is-gaarsiin
iyo koronto). Sidaas waxaa lamid ahaa ciidamada
badda. Ciidanka dhulka, ka sokow saraakiisha yar-yar
ee tirada ku soo buuxiyay, waxay yeesheen saraakiil
sare oo aqoontoodu ahayd tacliin sare ee ciidameed.
Tirada iyo tayada korortay ee saraakiisha, waxay
ahayd mid khasbaysay in ay wax iska beddelaan
hoggaanka maamulka. Taas ayaa sababtay dhowr af-gembi
oo ay saraakiishu abaabuleen, waxaase hor is-taagay
Ruushka oo iyagu markaas si buuxda ula socday
dhaqdhaqaaq kasta oo ay ciidamadu sameynayeen.
Waxaa xusid mudan, in xilligaas, urur kasta oo
ciidamada kamid ah uu la fdhiyay sarkaal Ruush
ah oo khabiir ahaan ula joogay. Sarkaal kasta
ee Soomaaliyeed ee doonayay in fal af-gembi ah
uu ku kaco, wuxuu ku khasbanaa in uu Ruushka kala
tashado. Ruushkuna sida ay goor danbe sheegeen,
ma eeyan doonayn ummad u muuqatay in ay u hinqatay
hor u-kaceeda in uu u muuqdo mid fashil ku keenay.
Markii
ay suurogal noqon weyday, in saraakiishu ay si
guud isu abaabulaan, waxaa bilaabatay dhaqaaqilyo
ku dhisan qaab beeleed oo ay bilaabeen qaar kamid
ah saraakiishii dhallinyarada ahayd ee XDS. Waxaa
kamid ahaa saraakiil u dhashay beelaha Isaaq oo
iyagu markay isku yimaadaan ka sheekeysan jirey
go'itaanka gobolka waqooyi. Gaashaanle
Axmad Cadami oo ahaa sarkaal ka tirsanaa
ciidamadii difaaca cirka, una dhashay beeshan,
wuxuu inoo sheegay in aragtidan sheekadeeda ay
ahayd mid ku xoogganayd fadhiyada ay saraakiishu
ku qayilaan. Xilligaas aragtidu maahayn mid taageero
ka haysatay dad-weynaha u dhashay beelahan. Sidaas
si lamid ah beeyan taageero uga heleyn saraakiisha
u dhashay beelaha kale ee Soomaaliyeed. Sidaa
darteed hadal-heynteeda ma dhaafsiisnayn sheekooyinka
lagu wakhti-dhameysto.
Dareen
kale baa jirey oo ay hor kacayeen saraakiil dhallinyaro
ahaa oo iyagu ka xumaa cadaadiska gaarka ah oo
maamulka Kacaanka uu ku hayay beelahooda. Raggaasi
oo u dhashay beelaha Majeerteen, waxay ahaayeen
kuwo dadaal badan ku bixiyay in ay marka hore
beel ahaan isu abaabulaan. Mashruuca saraakiishan
waxaa u hiilinayay dhibaatada beesha kaga imanayay
dhanka maamulka. Waxaa xilligaas jirey odeyaal
ganacsato ah iyo aqoonyahanno badan oo u dhashay
beeshaas aanu soo xusnay, kuwaas oo xabsiyada
dowladda buuxshay. Marka laga reebo denbiyada
ah dilka, dhaca iyo tuugada, xabsigii dhexe ee
Xamar, dadka ku xirnaa 75 % waxay ahaayeen beeshan.
Ragga ugu da'da weynaa waxaa kamid ahaa Yaasiin
Nuur Godane, Cabdi
Gaajo, Khaliif Lugey,
Cumar Maxamuud Cismaan (Alteesa),
Maxamad Jaamac Geyre.
Xilligaasi waa sanadkii 1975-kii. Sababta keliya
oo raggaasi loo haystay waxay ahayd kacaan-diidnimo.
Daba-galka ciidamada Nabad-sugidda ay ku hayeen
xubnaha muuqda ee beesha wuxuu ahaa mid aanan
caadi ahayn. Waxaa kale oo jirey saraakiil sare
oo iyaga qudhooda, denbi la'aan xabsiyada u jiifey.
Waxaa kamid ahaa Jeneraal
Maxamad Abshir Haamaan, Jeneraal
Cabdullaahi Maxamuud Hoolif, G/
S. Axmad Ismaaciil Boqor iyo G/ S. Cabdullaahi
Yuusuf Axmad.
Saraakiisha
dhaqdhaqaaqan bilaabay waxay ahaayeen kuwo da'doodu
yartahay. Markii ugu horeysay, dhallinyaradaasi
waxay bilaabeen in ay la xiriiraan saraakiisha
yar-yar ee la beesha ah. Iyaga oo ka duulaya in
ay helaan aragti ay ku rag urursadaan, ayaa dabayaaqadii
sanadkii 1974-kii, odey beesha u dhashay ayaa
waxay u dirsadeen gobolka bari. Ujeeddadu waxay
ahayd in uu u soo urursho waxa laga hayo gabay
taariikhi ah oo magaciisa la yiraahdo Darbadaalay.
Muddo xilligaas laga joogay 150 sano, ayaa beeshu
ay ku dagaal gashay gabaygaas, mar ay colaadi
ka dhex abuurantay iyaga iyo beesha Warsangeli.
Dhallinyaradu waxay doonayeen in ay helaan fikrad
ay isku urursadaan. Markii ay heleen qoraalkii
gabaygaas, waxay u geeyeen Cali Cilmi Af-yare
oo ay ka duubteen isaga oo ku gabyaya. Dabadeed
200 oo cajilad ayay ka sameeyaan oo ay qeybsadeen.
Suugaanta gabeygaas waxaa lahaa odey magaciisa
la yiraahdo Aw-Muuse Ismaaciil.
Gabeygaasi
wuxuu tamar u ahaa howsha abaabulka saraakiishu
ku doonayeen in ay maamulka ku beddelaan. In badan
oo kamid ah saraakiishaas waxay ehelo u ahaayeen
ragga xabsiyada ku jirey. Laakiin qorshahoodii
waxaa wax ka beddelay markii ay u bandhigeen laba
sarkaal ee sare. Kuwaasi waxay ahaayeen Maxamad
Shiikh Cismaan (Cirro)
iyo Cabdullaahi Yuusuf
oo isagu markaas xabsiga ka soo baxay. Labadan
sarkaal ayaa dhallinyaradii u soo jeediyay in
eyan suuragal ahayn beel keliya oo xukunka la
wareegta. Bal loo baahan yahay saraakiil u dhashay
beelaha kale oo abaabulka ka qeyb-qaata. Sida
uu Cali-Baadiye inoo
sheegay, dhaqdhaqaaqaasi wuxuu fashilmay maalintii
dagaalku bilowday, ee maahayn mid fashilmay 9-kii
abriil 1978-kii. Waayo saraakiishii laf-dhabarka
u ahaa ayaa dagaalka ku le'dey. Jeneraal
Cali Ismaaciil oo arintan aanu ka wareysanay
wuxuu isna yiri :
"
Af-gembigu wuxuu ahaa mid ay abaabuleen saraakiishii
XDS, ee maahayn mid ay beel qura wadatay. Waase
uu ka fashilmaya, xaladaha lagu sugnaa darted
". (Wareysi aanu la
yeelanay Jeneraal Cali Ismaaciil. 15/ 5- 2004.
Boosaaso. Soomaaliya).
Waxaa
kale oo jirey dhaqdhaqaaq ay wadeen qaar kamid
ahaa ardeydii wax
ku
baranayay dugsiyada Xamar. Kuwaasi waxay badankoodu
dhiganayeen dugsiyadii sare ee magaalo-madaxda.
Iyagu waxay ahaayeen kuwo aanan la tayo ahayn
xoogaggii saraakiisha. Laakiin aragtida ay xambaarsanaayeen
oo ahayd mid diini ah, ayaa waxay u yeeleysay
weji ka khatarsan kuwaas hore. Dhallinyaradan
waxay ahaayeen kuwo casharro ka qaata masaajid
Xamar ku yiil oo uu fariisan jirey Shiikh
Maxamad Macallin Xasan. Wadaadkan, wuxuu
ahaa ninka ka danbeeyay baraarugga diiniga ah
ee xilligaas ka bilowday magaalo-madaxdii Soomaaliya.
Isagu wuxuu Soomaalida u saxay fahamka diinta.
Wuxuu baray in quraanku yahay mid la hadlaya dadka.
Wuxuu quraanka u fasiray si taabanaya waaqica
nolosha ee dadka.
Shiikhu
wuxuu xambaarsanaa aragti ka duwan tii ay lahaayeen
wadaaddadii xilligaas dalka laga yiqiin. Wuxuu
sheegay in islaamku yahay diin iyo dowlad, kitaab
iyo seef. Waxaa kale oo shiikhu uu qeexay aayadihii
xukunka, aayadihii xijaabka, aayadihii walaaltinimada,
aayadihii u-iilashada diinta iyo dadkeeda.
Markaasaa
waxaa bilowday abaabul qarsoon oo ay isku urursadeen
dhallinyaradii ku xerowday shiikha agtiisa. Inkasta
oo da'doodu yarayd, misana iyagu waxay hal-abuureen
urur qarsoodi ah oo magaciisa la yiraahdo Ehel.
Casharrada diiniga ah ayay dhallinyarada kawaadirta
ah ku tarbiyeen jireen. Fikradaha siyaasadeed
oo ay heleen iyo waajibaadka ay isu xilsaareen
in ay fuliyaan, waxay ahaayeen kuwo aanan u dhigmin
da'dooda iyo tiradooda yar. Ardeyda xubnaha ka
ah ururka ee ka qalin jibiya dugsiyada sare, waxay
ahaayeen kuwo diyaar u ahaa in ay qaadaan waddadii
uu ururku u qorsheeyo.
Sidaa
darteed waxaa loo qeybin jirey qaab la xiriira
baahida istraateejiyada ah ee u muuqata ururka.
Qaar badan oo dhallinyaradaas kamid ahaa ayaa
sanad walba waxay ku biiri jireen koorasyadii
lagu tababarayay saraakiisha ciidamada qalabka
sida. Kooxdii ugu horeysay oo lix nin ahayd waxay
u baxeen dalka Soofyeetiga sanadkii 1974-kii.
Sanadkii 1977-kii tirada ardeydii saraakiisha
u noqotay uruka waxay ahaayeen 34 nin. Dhallinyaradu
waxay akhrisan jireen kutub ay leeyihiin raggii
odeyaasha ka ahaa fikraddii lagu hal-abuurey ururkii
ka hanaqaaday dalka Masar ee la oran jirey Walaalaha
Muslimka ah (Ikhwaan Al-Muslimiin).
Inkasta
oo ururkii Ehel, uu ahaa mid ka hoos sameysmay
tafsiirkii uu Shiikh Maxamad
Macallin akhriyi jirey, misana Shiikhu
lama uusan socon hal-abuurkii ururka. Goor danbe
ayay dhallinyaradii u soo jeediyeen in Shiikhu
uu xubin ka noqdo ururka. Fadhiyo badan dabadeed,
Shiikhu waa oggolaaday arinka. Maamulkii kacaanka
marna ma uusan helin xogta dhabta ah ee abaabulka
dhallinyaradaas. Laakiin wuxuu dareemay in qorshe
aanan caadi ahayn uu halkaas ka socdo. Dabadeed
waxaa bilaabatay in bartamihii sanadkii 1975-kii
xabsiga loo taxaabo shiikhii iyo qeybo kamid ah
dhallinyaradii hor-moodka ka ahayd ururka. Rag
uu kamid yahay guddmoomiyihii ururka oo magaciisa
la oran jirey Cabdulqaadir
Shiikh Maxamuud, waa ay baxsadeen. Waxaa
dhallinyarada la xirey kamid ahaa guddoomiye xigeenkii
Cismaan Cabdulle Rooble.
Isagu wuxuu markaas ahaa ardey dhiganayay dugsiga
sare ee Jamaal Cabdi Naasir.
Saadiq
Enow