|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXIX-aad

Dr Enow

 

Abaabul-bulshadeedkii ay gudaha ka bilaabeen guutadii Duufaan, qudheedu waxay kamid ahayd culeysyada ku yimid dowladdii Soomaaliyeed, ee lagu tilmaamo in ay kamid ahaayeen qodobadii sababay dagaalkii weynaa. Been-abuurkii laga sheegayay hoggaanka ciidanka jabhadda ayaa wuxuu ahaa mid ku weynaaday dareenka madaxdii Soomaalida. Madax-bannaanidii Jabuuti waxay hur ku kordhisay khilaafkii jirey. Taasina sidaanu soo xusnay waxay salka ku haysay, markii uu dhashay tuhun ah in jabhadiintu ay la midoobayaan Jabuuti. Axmad Shiikh Cabdi iyo saraakiil dhowr ah ee wax ka hoggaaminayay dagaalka, waxay xuseen shakhsiyadda madaxweyne Maxamad Siyaad in ay ahayd mid u nugul wararka been-abuurka ah. Maadaama uu madaxweynuhu ahaa nin jecel in uu la keliyoobo talada dalka, waxaa shaki ku abuuri jirey wararka soo gaara ee lidka ku ah tab-maamulkiisa. Khabarkii ahaa in Jabhaddu ay qorsheeneyso in ay gobolka goosato, ayaa wuxuu dhaliyay in Axmad Shiikh loo diro farriin lagu amrayo in uu Xamar yimaado, taas oo uu ka madax-adeygay. Isaga oo arintaa inooga waramaya wuxuu yiri :

" Muddadii aan ciidanka ahaa, marna kama aanan madax-adeygin amar la i siiyay. Gacan-seyrka markaan, waxaa u sabab ahaa xaaladda adag oo aanu ku sugnayn iyo dhaawaca badan oo inoo yiiley. Arimahaas waxay ahaayeen kuwo u baahnaa maareyn aanan la iiga maarmin. Sidaa darteed baa aniyo saraakiishii ila joogtay, waxaanu is tusinay in aan ku gacan-seyro amarka ku saabsan inaan Xamar galo. Waxaa kale oo go'aankaas ila qabay cuqaashii beelaha degaanka aanu xoreynay ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Axmad Shiikh waxaa u hiiliyay rag Xamar ku sugnaa oo kamid ahaa madaxdii jabhadda. Iyagu waxay dowladda u sheegeen in sarkaalkan aanan looga maarmin howlaha uu ka hayo aagga uu joogo. Waxaa adkaa in la helo sarkaal munaasib ah oo lagu beddelo. Isagu wuxuu ahaa nin u dhashay beesha ku dhaqan degaanka ay guutadu ka howl-gashay, islamarkaa wuxuu ahaa hoggaamiye ay dadku jecle yihiin. Odeyaal badan baa waxay ka cabsi qabeen, haddii Axmad laga kexeeyo degaanka, in dhaawac ku yimaado guulaha laga gaaray dagaalka iyo abaabulka lagu hantay bulshadii halkaa ku dhaqnayd.

Inkasta oo dowladdu ay ahayd mid qanaacad ka muujisay dalabkii madaxdii jabhadda, misana kalsoonidii waxay luntay markii uu baxsaday Gaashaale Maxamad Maqtal Daahir. Isagu wuxuu markaa ahaa sarkaal ka tirsan XDS. Wuxuu odey u ahaa urur fadhiyay degmada Xuddur. Sarkaalkan ayaa wuxuu baxsaday dhowr cisho ka hor, inteeyan ciidamada Soomaaliyeed ka tallaabin xuduudda. Waxaa la sheegaa in sarkaalkan uu baxsaday kaddib markii lagu amray in ururkiisa uu ka dagaal-galo degmada Godey. Isagu wuxuu ka xumaa in ciidamada Soomaaliyeed ay toos uga qeyb-qaataan dagaalka. Wuxuu u tegay Axmad Shiikh Cabdi oo markaas ku sugnaa meel Godey u dhow.

Qodobadaas gudaha ee loo aaneeyo in ay raad ku lahaayeen go'aan qaadashadii dagaalka, waxaa weheliyay ishaarooyin dibadda ka imanayay oo la dhig ahaa kuwaas gudaha. Waxaa ugu hilan cuslaa hoobadka ay ku sugnayd Itoobiya. Madaxweyne Maxamad Siyaad iyo guddigiisii siyaasaadda waxaa u muuqatay xaaladda qallafsan ee dalka Itoobiya uu marayo, in ay tahay mid iyaga u hiilinaysa haddii ay ku duulaan. Jabhadda EPLF ee Ereteriya, ayaa xilligaas dagaalo culus ka wadday xuduudda galbeed ee Itoobiya. Ayaamaha ay XDS bilaabayaan weerarka, jabhadda EPLF waxay qabsatay degmada Keren oo ah midda saddexaad ee gobolka. Asmara iyo Musawac oo keliya ayaa ka weyn. Colette Braeckman oo ah wariye ka socda wargeyska la yiraahdo Le Soir oo ka soo baxa dalka Beljim, ayaa wuxuu ku sugnaa goobta ay dagaaladu ka dhacayeen. Isagu wuxuu caddeeyay in magaaladu ay si buuxda gacanta ugu gashay ciidamada jabhadiinta, markay taariikhdu ahayd 8/ 7- 1977-kii. Guushaas ay jabhadiintu gaareen kuma iman sahal. Bal waxay ka danbeysay dagaal socday 77 saacadood oo ay ku dhinteen dad gaaraya 4.000 oo askari. Markaas baa 2.000 oo iyaguna ka mid ahaa ciidamadii dowladda, ay isaga baxeen magaaladii. Maxaabiista markaas laga qabsaday ciidamadii Itoobiya waxay dhamaayeen 1.500 oo nin. Wariyuhu wuxuu sheegay in jabhadiintu ay saddex sano qorsheynayeen dagaalkan. (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 15/ 7- 1977-kii. Stockholm. Sweden).

Waxaa arintaas weheliyay xasuuqa ba'an oo Mengistu Xayle Mariam uu ku hayay aqoonyahanka Itoobiya. Dhiig ayaa maalin walba ku daadanayay Addis-ababa. Mengistu wuxuu ahaa nin arxan daran oo ka maran jixinjix iyo yax-yax. Inkasta oo uu ahaa nin waddani ah, misana si arxan-darro ah ayuu dadka u leynayay. Xukunkiisa ayuu doonayay in uu salka u dhigo. Hoogga uu xilligaas baday dadkiisa waxaa ka dhawaaqay hay'ado badan oo caalami ah. Waxaa ugu weynaa JQ ka Dh. 7/ 7- 1977-kii, Xoghayaha guud ee jamciyaddaas Kurt Waldheim, ayaa dhambaal u gudbiyay hoggaamiyaha Itoobiya Mengistu X. Mariam. Dhambaalku wuxuu xambaarsanaa dalab uu kaga codsanayo in uu joojiyo xad-gudubka xad-dhaafka ah ee maamulkiisa uu ka gelayo xuquuqda aadamiga. Kurt Waldheim oo arintaas shir jaraa'id ka sheegay wuxuu yiri :

" Waxaan ka codsaday Mengistu in uu joojiyo siyaasadda caynkaas ah ". (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 7/ 7- 1977-kii. Stockholm. Sweden).

Diidmadii Ruushka uu ka muujiyay weerarka ay Soomaaliya damacsanayd, qudhiisu wuxuu kamid yahay qodob hilan culus oo kallifay in Soomaalidu xilligaas ay ku deg-degto dagaalka. Madaxdii Soomaalida, waxay markaas is tusiyeen in ay dagaal xooggan oo wakhti gaaban qaata ay la beegsadaan saldhigyada ciidamada Itoobiya ee degaanka. Legdan-boobkaas waxay ku doonayeen in ay is beddesho qaabka uu u dhacayo wada-hadallada diblomaasiyadeed oo ay gobolka kala yeelanayaan Itoobiya. Waxaa u muuqatay in ay Itoobiya la fariistaan iyaga oo gacanta ku haya gobolka Ogaadeenya. Diblomaasiyadda Ruushkuna ay markaas noqoto mid ku qanacda la fal-galka xaaladda dhabta ah. Laakiin sida aanu arki doonno, hoggaankii Soomaalida, laba arimoodba si dhab ah ayay ugu il-duufeen.

Mid waa xoogga fadhiya khadadka hore ee difaaca Itoobiya, kaas oo noqday mid wax-badan ka miisaan culus sidii la malaynayay. Kaalmada ciidameed oo Itoobiya ay dibadda ka heshay tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad, xooggeeda wuxuu galay dhismaha aagagga difaaca ee gobolka. Madaxda dowladda Itoobiya qudhoodu, markii ay u muuqatay weerarka ay Soomaaliya damacsan tahay, waxay sii adkeeyeen difaacii gobolka. Waxaa jirey ciidan gaaraya 120.000 oo askari, kuwaas oo la xereeyay markii uu Mengistu qabsaday xukunka. Xero la yiraahdo Be-girdad oo ku taal Addis-ababa dibaddeeda, ayaa bishii juun 1977-kii, waxaa ugu dhamaaday tababarkii loo xereeyay. Khubarada halkaas ka bixinayay tababarka ciidameed, dhsamaantood waxay ahaayeen Kuubaan. Qaar badan oo kamid ah ciidanka halkaas ka soo baxay, intuusan weerarku bilaaban, waxaa lagu soo xoojiyay aagaggii difaaca ee Ogaadeenya. Raggaas iyo saraakiishii hoggaaminayay, ayaa waxay ku dhuxuloobeen dagaalkii gobolka ka shidmay. (The Ethiopia-Somalia War of 1977 Revisited. The International Journal of African Historical Study. Vol. 33. No. 3 -2000- 635-667).

Il-duufka kale waa qadiyadda ay u dirirayaan sida ay go'doon kaga jidho siyaasadaha cari-edeg. Itoobiya waa dowlad guun ah, islamarkaa xiriir taariikheed iyo mid diineed la leh dowladaha hanaqaadka ah ee caalamka. Waxaa halkaa ku nool dad ka tira badan qowmiyadda Soomaalida, islamarkaa waxaa Itoobiya laga helaa qowmiyado aaminsan caqiidada masiixiyadda iyo yahuudiyadda. Waa dal ka baaxad weyn, kana hodansan Soomaaliya. Waxaa taariikhda ku xusan kaalmo ciidan oo ay bixiyeen Burtuqiis iyo Asbaaniya, in Itoobiya ay kaga badbaaday kacdoonkii uu abaabulay Axmad Gurey. Sidoo kale kaalmo ay bixiyeen dowlado ay kamid yihiin Ruush, Faransiis, Talyaani iyo Ingiriis ayaa Itoobiya u saamaxay in ay mahoobido dhulka baaxadda weyn oo maanta xuduudda u ah. Hoggaanka dowladda Soomaaliyeed, wuxuu ka il-duufay casharradaa taariikhiga ah oo ay waxyoonayaan dhacdooyinkaas.

Maamulkii dalka Mareekanka, xilligaas wuxuu ahaa mid ka dhex-dhexaad ah xiisadda siyaasadeed ee ka bilaabatay Geeska Afrika. Taasi waxay dhalisay in uu ka aamuso xurgufta ka dhex curatay labada dowladood. Inkasta oo laga eryay Itoobiya, misana Mareekanka, irridaha kama uusan xiran maamulka Addis-ababa. Bal iyaga ayuu u daayay doorashada xiriirka, goortii ay doonaan iyo sidii ay u doonaan. Isaguna mar walba diyaar buu u ahaa hiilkooda. Aamusnaantaasi oo aanan noqon mid raagtay, ayuu wuxuu jebiyay bishii juun 1977-kii. Markaas maamulkii madaxweyne Jimmy Carter wuxuu bilaabay in uu ka faaŽiideysto kala fogaanshaha ku bilowday xiriirkii wacnaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Bilowgii bishaas ayuu xafiiskiisa ayuu wuxuu ugu yeeray danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Washington Cabdullaahi Axmad Caddow. Wuxuu u sheegay in maamulka Mareekanka uusan waxba ka qabin qaabkii ay Soomaaliya ku soo ceshanayso Ogaadeenya, haddii ay ka hadho sheegashada Jabuuti iyo NFD. Wuxuu kaloo u sheegay in markaas dalkiisu uu eegayo in dowladaha uu saaxiibka la yahay uu hub difaac u weydiiyo Soomaaliya. Danjiraha Soomaaliyeed ayaa hadalkaas wuxuu u fasirtay in Mareekanka uu diyaar la yahay wixii hiillo ah oo Soomaaliya ay u baahan tahay. Sidaas ayuuna ugu soo gudbiyay madaxweynihii Soomaaliya. Isaga oo cayaaraya shax siyaasadeed ee laba wejiile ah ayuu Carter wuxuu bilaabay in uu bixiyo ishaaro ah sidii Soomaaliya looga yeeli lahaa dal la meereysta syaasadda Mareekanka. Mdaxweyne Carter ayaa markaas si deg-deg ah ku qaatay guddoon ku saabsan arinkaas, isaga oo yiri :

" Soomaaliya waa in lagu soo celiyaa in ay ahaato asxaabtaya ". (Marina Ottaway, Soviet and American Influence in the Horn of Africa (New York: Praeger Publishers, 1982) p.119).

Dr. Kevin Cahil

Soomaaliya waxay xilligaas u muuqatay miro bisil oo diyaar u ah in Mareekanku goosto. Laakiin, sida ay goor danbe sheegeen, waxaa ku culuslyd, shakhsiyadda madaxweynaha Soomaaliyeed oo ugu muuqatay mid aanan la aamini karin. Sidaa darteed ayuu madaxweyne Carter, wuxuu xilkaas qalafsan u doortay in uu maareeyo la taliyihiisii xagga nabadgelyada qowmiyqdeed Zbigniew Kazimierz Brzezinski. Ninkan ayaa isna markuu arkay culeyska uu leeyahay xilka loo doortay, wuxuu bilaabay in uu xusho qofka ugu horeeya ee bilaabaya xiriirka uu dalkiisa la yeelanayo Soomaaliya. Isagu wuxuu xilkaas u doortay ninkii ugu mudnaa ee Mareekan ahaa. Kaasi waa Dr. Kevin Cahill, oo horey uga shaqeyn jiray Soomaaliya. Kevin Cahill ayaa markaas ahaa takhtarka gaarka ah ee madaxweyne Maxamad Siyaad uu lahaa dabayaaqadii sanadihii 1960-aadkii. Sidaa darteed, takhtarkani wuxuu ahaa saaxiib ku dhow madaxweynaha Soomaaliya. Dr. K. Cahill, wuxuu Maxamad Siyaad soo gaarsiiyay in Mareekanku uusan wax dan ah ka lahayn, haddii ay Soomaalidu xoog ku raadsanayaan Ogaadeenya. Arintaas, madaxweynihii Soomaaliyeed waxay ku reebtay raad gaar ahaaneed ee la xiriira go'aan-qaadashada dagaalka. (Robert F. Gorman, Political Conflict on the Horn of Africa (New York: Praeger Publishers 1981) p. 70).

Kulanka madaxweynaha iyo takhtarka wuxuu ku dhamaaday si qarsoodi ah. Waxaa la malaynayaa in Maxamad Siyaad uu ka qariyay kulankaas raggii la waldaaminayay jaangooyada siyaasadeed ee dalka. Laakiin waxaa muuqatay in uu arintaa u fasirtay nal cagaaran oo uga ifay dhanka Mareekanka, kaas oo saamaxaya in Soomaalidu ay ku duulaan Itoobiya. Inkasta oo ay jiraan madax badan oo Mareekan ah oo inkiray raja-gelinta ay u bidhaamiyeen madaxweynaha Soomaaliyeed, misana waxaanan shaki ku jirin in tallaabadan diblomaasiyadeed oo uu Mareekanku xilligaas qaaday ay ahayd go' uu Soomaalida u lulay. Hillaac xambaarsan yididiilo siyaasadeed oo xooggan ayaa madaxweyne Maxamad Siyaad uga ifay siyaasaddii dowladihii reer galbeedka. Soomaalida waxaa u muuqday fagaaro siyaasadeed oo ay ku tallaali karayaan xiriir adag oo ay la yeeshaan dowladaha reer galbeedka oo uu u weyn yahay Mareekanka. Markaas ayay bilaabatay saadaal khaldan oo ah in ay dalalkaas ka heli doonaan taageerada jaad walba leh oo ay u baahn yihiin.

Warbaahinta dalka Mareekanka ayaa iyadana bilowday in ay si rasmi ah kor u kiciso dareenka uu Mareekanka ka qabo xiisadda ka oogan Geeska Afrika. Waxay bilaabeen in ay eedeyn dusha ka saaraan khuburada ciidameed oo dowladda Kuuba ay u dirayaan Itoobiya. Isla markaas waxay muujiyeen in ay xiriir wanaagsan la yeelanayaan Soomaaliya. Waxaa kale oo jirey dalka Sacuudiga oo Soomaaliya u ballan qaaday in uu si dhakhso ah u soo gaarsiin doono hub. Sidaas oo kale ayaa qaar kamid ah dowladaha carbeed ay Soomaaliya uga ballan qaadeen in ay hub siinayaan. Sidaas baa siyaasiyiintii Soomaaliyeed ay isu tusiyeen in ay dagaal qaadi karaan bisha julay 1977-kii, xataa haddii ay maqan tahay kaalmada Soofyeetiga. Madaxda Soomaaliyeed, waxaa u muuqday in dagaalkan uu noqonayo mid ay ku yartahay fara-gelinta shisheeye.

1/ 7- 1977-kii, madaxweyne Maxamad Siyaad oo islamarkaa ah xoghayaha guud ee XHKS, wuxuu isugu yeeray xubnihii golaha dhexe ee xisbiga. Fadhi kedis ah ayaa lagu qabtay xaruntii xisbiga, kaas oo madaxweynuhu uu si kedis ah u soo dhex-dhigay golalyo ay xubnuhu ka doodaan. Golalyadu waxay ahayd in Soomaaliya ay xoog ku doonato dhulka kaga maqan Itoobiya. Xubnihii xisbiga ayaa habeenkaas is-dhaafsaday khudbado qiiro badan oo ay ku taageerayaan qodobkan laga doodayay. Dadka hadlay wxaa kamid ahaa rag dhowr ah oo iyagu ka soo hor jeeday in Soomaaliya ay weerar ku qaaddo Itoobiya, iyada oo adeegsanaysa ciidamadeeda qalabka sida. Raggaas waxaa kamid ahaa Cabdiraxmaan Ceydiid oo isagu odey ka ahaa hoggaanka ediyolojiyada ee xisbiga. Hadalkii Cabdiraxmaan waxaa kamid ahaa :

'' Xoreynta gobollada maqan waa arin aanu weligeen ka hadli jirney. Waana arin ay waajib tahay in laga hadlo. Waxayse aniga ila tahay in howsha loo daayo ragga jabhadda ah. Muddo iyagu ha wadeen oo haku barteen macnaha halgan xambaarsan yahay. Haddiise aanu si toos ah uga qeyb-qaadanno dagaalko, waxaa markaas na qabanaya qodob caalami ah, kaas oo ilaalinaya in aanan xoog lagu beddelin khadadkii xudduudaha ee jaangooyadu ku dhacday dagaalkii labaad dabadeed ''. (Waxaan ka soo xiganay Cumar Salaad, London, 28/ 6- 2004).

Hadalladii qiirada lahaa ee habeenkaas goobtii laga jeediyay ayaa waxay shiiqiyeen khudadihii diiddanaa dagaalka. Cabdiraxmaan Caydiid ayaa markaas wuxuu tilmaamay in ciidamadeena ay guul deg-deg ah ka keenayaan dagaalka. Laakiin guul-darrida ay ku danbeenayso Soomaaliya. Sababtuna waa xoogagga waaweyn oo si toos ah uga soo qeyb-geli doona dagaalka. Ugudanbeyntii, Cabdiraxmaan wuxuu codsaday in hadala uu habeenkaas ku hadlau loo diiwaan geliyo si goor danbe loo xusuusto.

Sida uu sheegay Jeneraal Maxamad Kediye Jimcaale oo xilligaas ahaa taliyihii saldhiggii ciidanka cirka ee Hargeysa, subaxdii ay bishu ahayd 2/ 7- 1977-kii, waxaa la heegan geliyay dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Guddigii Siyaasadda ee XHKS, waxay guddoomiyeen saacaddii eberka ahayd ee uu dagaalku bilaaban lahaa. Marka ay u doorteen in ciidamada Soomaalida ay weerarka bilaabaan waxay ahayd 7/ 7- 1977-kii, saddexdii habeennimo. Saraakiishii ay arintu khuseysay ayay markiiba u gudbiyeen go'aanka weerarka. Ragga amarka loo gudbiyay waxaa kamid ahaa Jeneraal Cumar Xaaji oo ahaa amaan-duulihii XDS, G/ S. Maxamuud Geelle oo ahaa taliyaha hoggaanka howl-galka XDS, G/ S. Maxamad Cumar Jees oo ahaa la taliyaha madaxweynaha xagga arimaha difaaca. Waxaa kale oo la war-geliyay saraakiishii hor-joogayaasha ka ahaa qeybaha XDS ee xuduudda ku wajahnaa. Iyagu waxay ahaayeen Jeneraal Yuusuf Slaxaan oo odey ka ahaa qeybta waqooyiga (26-aad), G/ S. Cabdi Cismaan Caaluuq oo isagu odey ka ahaa qeybta dhexe (21-aad) iyo G/ S. Abuukar Aftoje oo isna odey ka ahaa qeybta koonfureed (60-aad).

Afar degmo ayuu ku wajahnaa weerarka hore, kuwaas oo ahaa Godey, War-dheer, Qabri-daharey iyo Dhagax-buur. Habeenka ay taariikhdu ahayd 5/ 7- 1977-kii, Axmad Shiikh wuxuu soo gaaray Garba isaga oo ka yimid Godey. Wakhti yar dabadeed, ilaaladii xarunta ayaa waxay u sheegtay in ay jiraan laba nin oo isaga doonaya. Iyagu waxay ka socdeen G/ S. Maxamad Cumar Jees oo ay waraaq ka sideen. Waxay ahaayeen Yuusuf Shiikh Cabdi iyo Cismaan-weli. Markii ay Axmad Shiikh isu sheegeen, waxay u dhiibeen waraaqdii ay u wadeen. Dabadeed Axmad guducurkii ayuu waraaqda ku akhristay isaga oo ku ifinaya diirrad uu sitay. Waxaa ku qornaa sida :

" Axmad, waxaan labadan nin kuugu soo direy, waxaan doonayaa in aan kula socodsiiyo, saddex cisho dabadeed oo ku beegan 7/ 7-1977-kii, ciidamada Soomaaliyeed waxay soo gelayaan gobolka. Waxay doonayaan in ay qabtaan afarta degmo ee ah Godey, War-dheer, Qabri-daharre iyo Dhagax-buur. Qorshuhu wuxuu yahay in degmooyinkaas mar qura la qabto. Sidaa darteed waxaan ku farayaa inaad ciidamada jabhadda aad ku diyaariso meelaha ay ciidamada Soomaalida soo gelayaan. Adiguna waa inaad Godey tagto ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Xilligaas waxaa Axmad Shiikh la joogay saraakiil badan oo kamid ah raggii hoggaaminayay ciidamada jabhadda. Waxaa kamid ahaa Asad Beddel iyo Cumar Nuur. Arintii ayuu isla hebeenkii u sheegay saaxiibadiis. Dhamaan waa ay ka xumaadeen go'aanka, umana muuqan sabab ay ciidamada Soomaaliyeed u soo galaan dagaalka. Bal waxaa halkaas uga muuqday il-duuf siyaasadeed, waayo jabhaddu waxay markaas ka talinaysay inta badan dhulka baadiyaha ah ee gobolka. Guushoodii waxaa hakad geliyay difaacyadii adkaa ee fadhiyay degmooyinka waaweyn. Sidaa darteed waxay codsadeen hub culus oo ay cadowga kaga saaraan dhufeesyada ay ku jiraan. Axmad Shiikh oo arinkaa ka waramaya wuxuu yiri :

" Soomaalidu uma eeyan baahnayn in ay si qaawan dagaalka u soo galaan. Qofka wax-garadka ahi waa arkayay in quwado shisheeye ay imanayaan haddii ciidamada Soomaaliyeed ay soo fara gashadaan halganka. Dhibaataduna ay ku danbeeneyso shacabka ku nool gobolka iyo Soomaalidii taageereysay ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Axmad Shiikh uma bannaanaan wax aanan ka ahayn in uu fuliyo amarkii u yimid. Dhulka oo kala fog darteed iyo ciidanka jabhadda oo kala baahsan, ayaa waxaa adkaa in saddex cisho lagu fuliyo amarka yimid, Laakiin jabahddu dadaal bay bixisay si ay u buuxiso dalabkii uga yimid Soomaaliya. Axamad Shiikh waraaq ayuu ku celiyay Maxamad Cumar Jees uu u sheegayo in uu gacan buuxda ka geysanayo dagaalka. Saddex meel oo taar u yiil guutada, ayaa markiiba ay gaarsiiyeen khabarkii iyo waajibaadkii laga doonayay in ay fuliyaan.

Xilliga ay madaxda Soomaalidu guddoomiyeen in weerarka la qaado, wuxuu ahaa xilli ummad ahaan lugaha laysugu duwaday. Wuxuu ahaa xilli ay Soomaali shacnigeedii dibadda soo dhigtay. Markaasaa ummad ahaan loo muhooday qadiyadda dhulalka maqan oo gobolka Ogaadeenya uu u yahay calaamad. Sida bir-qabatada ayaa waxaa isu soo jiidanayay dhulkaas iyo shacabkii Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Sheekooyinka geesinimada leh iyo naf-huridda laga dhaxlay taariikhda dagaalkan ayay inoo tilmaamaya halka uu dareenku marayay.

Sumaddii Afmeer iyo Juq iyo lagu ogaa Faafin

Haddaan sii iftiinshona Garbaa adina qaarkiiye

Dhanka Iimey Eyl iyo abeel Ari Caruushaadka

Aadiyo Burqiyo Fiiq wixii Adari loo gaaro

Afaafkii Madhaaliyo Jigjiga xal isticmaaleedka

Sugumadaha Awaariyo rastada Uumo kala aadda

Oo Shamiidaha agamaha biladda la ajo miireyso

Aagga Xodayo oogada bannaan Doho ugbaadkeeda

Ilig iyo Shiilaabiyo Wardheer ologga Doollaaba

Aw-danbey Qallaafiyo Godey karinka Eegey ah

Arladaan wareeg u cayimay geeli ololaayay

Sumaddii u goonida ahayd lagu aqoon raacay

Sumaddii ilaashiyo qanjaha loogaga asteeyay

Sumaddii amaarada ahayd lagu eryoo dheelmay

Sumaddii amaanka u ahayd lagu ikraam dhaafay

Sumaddii an tuugiyo badheedh aashato loo qaadin

Ayadoonan baylihin kuwii aradd loo dhoofshay

Ayadoon aluubayn raggii lagu ugaadhoobay

Ooy ina wacdood u dhiman ama unuun goynin

Ayay uufanaysiyo damceen inay af-duubaane (Yuusuf Dheere).

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.