Abaabul-bulshadeedkii
ay gudaha ka bilaabeen guutadii Duufaan, qudheedu
waxay kamid ahayd culeysyada ku yimid dowladdii
Soomaaliyeed, ee lagu tilmaamo in ay kamid ahaayeen
qodobadii sababay dagaalkii weynaa. Been-abuurkii
laga sheegayay hoggaanka ciidanka jabhadda ayaa
wuxuu ahaa mid ku weynaaday dareenka madaxdii
Soomaalida. Madax-bannaanidii Jabuuti waxay hur
ku kordhisay khilaafkii jirey. Taasina sidaanu
soo xusnay waxay salka ku haysay, markii uu dhashay
tuhun ah in jabhadiintu ay la midoobayaan Jabuuti.
Axmad Shiikh Cabdi iyo saraakiil dhowr ah ee wax ka hoggaaminayay
dagaalka, waxay xuseen shakhsiyadda madaxweyne
Maxamad Siyaad in ay ahayd mid u nugul wararka been-abuurka
ah. Maadaama uu madaxweynuhu ahaa nin jecel in
uu la keliyoobo talada dalka, waxaa shaki ku abuuri
jirey wararka soo gaara ee lidka ku ah tab-maamulkiisa.
Khabarkii ahaa in Jabhaddu ay qorsheeneyso in
ay gobolka goosato, ayaa wuxuu dhaliyay in Axmad
Shiikh loo diro farriin lagu amrayo in
uu Xamar yimaado, taas oo uu ka madax-adeygay.
Isaga oo arintaa inooga waramaya wuxuu yiri :
"
Muddadii aan ciidanka ahaa, marna kama
aanan madax-adeygin amar la i siiyay. Gacan-seyrka
markaan, waxaa u sabab ahaa xaaladda adag oo aanu
ku sugnayn iyo dhaawaca badan oo inoo yiiley.
Arimahaas waxay ahaayeen kuwo u baahnaa maareyn
aanan la iiga maarmin. Sidaa darteed baa aniyo
saraakiishii ila joogtay, waxaanu is tusinay in
aan ku gacan-seyro amarka ku saabsan inaan Xamar
galo. Waxaa kale oo go'aankaas ila qabay cuqaashii
beelaha degaanka aanu xoreynay ". (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/
7- 2003).
Axmad
Shiikh waxaa u hiiliyay rag Xamar ku sugnaa
oo kamid ahaa madaxdii jabhadda. Iyagu waxay dowladda
u sheegeen in sarkaalkan aanan looga maarmin howlaha
uu ka hayo aagga uu joogo. Waxaa adkaa in la helo
sarkaal munaasib ah oo lagu beddelo. Isagu wuxuu
ahaa nin u dhashay beesha ku dhaqan degaanka ay
guutadu ka howl-gashay, islamarkaa wuxuu ahaa
hoggaamiye ay dadku jecle yihiin. Odeyaal badan
baa waxay ka cabsi qabeen, haddii Axmad laga kexeeyo
degaanka, in dhaawac ku yimaado guulaha laga gaaray
dagaalka iyo abaabulka lagu hantay bulshadii halkaa
ku dhaqnayd.
Inkasta
oo dowladdu ay ahayd mid qanaacad ka muujisay
dalabkii madaxdii jabhadda, misana kalsoonidii
waxay luntay markii uu baxsaday Gaashaale Maxamad Maqtal Daahir. Isagu wuxuu markaa ahaa
sarkaal ka tirsan XDS. Wuxuu odey u ahaa urur
fadhiyay degmada Xuddur. Sarkaalkan ayaa wuxuu
baxsaday dhowr cisho ka hor, inteeyan ciidamada
Soomaaliyeed ka tallaabin xuduudda. Waxaa la sheegaa
in sarkaalkan uu baxsaday kaddib markii lagu amray
in ururkiisa uu ka dagaal-galo degmada Godey.
Isagu wuxuu ka xumaa in ciidamada Soomaaliyeed
ay toos uga qeyb-qaataan dagaalka. Wuxuu u tegay
Axmad Shiikh Cabdi
oo markaas ku sugnaa meel Godey u dhow.
Qodobadaas
gudaha ee loo aaneeyo in ay raad ku lahaayeen
go'aan qaadashadii dagaalka, waxaa weheliyay ishaarooyin
dibadda ka imanayay oo la dhig ahaa kuwaas gudaha.
Waxaa ugu hilan cuslaa hoobadka ay ku sugnayd
Itoobiya. Madaxweyne Maxamad
Siyaad iyo guddigiisii siyaasaadda waxaa
u muuqatay xaaladda qallafsan ee dalka Itoobiya
uu marayo, in ay tahay mid iyaga u hiilinaysa
haddii ay ku duulaan. Jabhadda EPLF ee Ereteriya,
ayaa xilligaas dagaalo culus ka wadday xuduudda
galbeed ee Itoobiya. Ayaamaha ay XDS bilaabayaan
weerarka, jabhadda EPLF waxay qabsatay degmada
Keren oo ah midda saddexaad ee gobolka. Asmara
iyo Musawac oo keliya ayaa ka weyn. Colette
Braeckman oo ah wariye ka socda wargeyska
la yiraahdo Le Soir oo ka soo baxa dalka
Beljim, ayaa wuxuu ku sugnaa goobta ay dagaaladu
ka dhacayeen. Isagu wuxuu caddeeyay in magaaladu
ay si buuxda gacanta ugu gashay ciidamada jabhadiinta,
markay taariikhdu ahayd 8/ 7- 1977-kii. Guushaas
ay jabhadiintu gaareen kuma iman sahal. Bal waxay
ka danbeysay dagaal socday 77 saacadood oo ay
ku dhinteen dad gaaraya 4.000 oo askari. Markaas
baa 2.000 oo iyaguna ka mid ahaa ciidamadii dowladda,
ay isaga baxeen magaaladii. Maxaabiista markaas
laga qabsaday ciidamadii Itoobiya waxay dhamaayeen
1.500 oo nin. Wariyuhu wuxuu sheegay in jabhadiintu
ay saddex sano qorsheynayeen dagaalkan. (Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 15/ 7- 1977-kii.
Stockholm. Sweden).
Waxaa
arintaas weheliyay xasuuqa ba'an oo Mengistu
Xayle Mariam uu ku hayay aqoonyahanka Itoobiya.
Dhiig ayaa maalin walba ku daadanayay Addis-ababa.
Mengistu wuxuu
ahaa nin arxan daran oo ka maran jixinjix iyo
yax-yax. Inkasta oo uu ahaa nin waddani ah, misana
si arxan-darro ah ayuu dadka u leynayay. Xukunkiisa
ayuu doonayay in uu salka u dhigo. Hoogga uu xilligaas
baday dadkiisa waxaa ka dhawaaqay hay'ado badan
oo caalami ah. Waxaa ugu weynaa JQ ka Dh. 7/ 7-
1977-kii, Xoghayaha guud ee jamciyaddaas Kurt
Waldheim, ayaa dhambaal u gudbiyay hoggaamiyaha
Itoobiya Mengistu X. Mariam.
Dhambaalku wuxuu xambaarsanaa dalab uu kaga codsanayo
in uu joojiyo xad-gudubka xad-dhaafka ah ee maamulkiisa
uu ka gelayo xuquuqda aadamiga. Kurt
Waldheim oo arintaas shir jaraa'id ka sheegay
wuxuu yiri :
"
Waxaan ka codsaday Mengistu
in uu joojiyo siyaasadda caynkaas ah
". (Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 7/ 7- 1977-kii.
Stockholm. Sweden).
Diidmadii
Ruushka uu ka muujiyay weerarka ay Soomaaliya
damacsanayd, qudhiisu wuxuu kamid yahay qodob
hilan culus oo kallifay in Soomaalidu xilligaas
ay ku deg-degto dagaalka. Madaxdii Soomaalida,
waxay markaas is tusiyeen in ay dagaal xooggan
oo wakhti gaaban qaata ay la beegsadaan saldhigyada
ciidamada Itoobiya ee degaanka. Legdan-boobkaas
waxay ku doonayeen in ay is beddesho qaabka uu
u dhacayo wada-hadallada diblomaasiyadeed oo ay
gobolka kala yeelanayaan Itoobiya. Waxaa u muuqatay
in ay Itoobiya la fariistaan iyaga oo gacanta
ku haya gobolka Ogaadeenya. Diblomaasiyadda Ruushkuna
ay markaas noqoto mid ku qanacda la fal-galka
xaaladda dhabta ah. Laakiin sida aanu arki doonno,
hoggaankii Soomaalida, laba arimoodba si dhab
ah ayay ugu il-duufeen.
Mid
waa xoogga fadhiya khadadka hore ee difaaca Itoobiya,
kaas oo noqday mid wax-badan ka miisaan culus
sidii la malaynayay. Kaalmada ciidameed oo Itoobiya
ay dibadda ka heshay tan iyo dhamaadkii dagaalkii
labaad, xooggeeda wuxuu galay dhismaha aagagga
difaaca ee gobolka. Madaxda dowladda Itoobiya
qudhoodu, markii ay u muuqatay weerarka ay Soomaaliya
damacsan tahay, waxay sii adkeeyeen difaacii gobolka.
Waxaa jirey ciidan gaaraya 120.000 oo askari,
kuwaas oo la xereeyay markii uu Mengistu
qabsaday xukunka. Xero la yiraahdo Be-girdad
oo ku taal Addis-ababa dibaddeeda, ayaa bishii
juun 1977-kii, waxaa ugu dhamaaday tababarkii
loo xereeyay. Khubarada halkaas ka bixinayay tababarka
ciidameed, dhsamaantood waxay ahaayeen Kuubaan.
Qaar badan oo kamid ah ciidanka halkaas ka soo
baxay, intuusan weerarku bilaaban, waxaa lagu
soo xoojiyay aagaggii difaaca ee Ogaadeenya. Raggaas
iyo saraakiishii hoggaaminayay, ayaa waxay ku
dhuxuloobeen dagaalkii gobolka ka shidmay. (The
Ethiopia-Somalia War of 1977 Revisited. The International
Journal of African Historical Study. Vol. 33.
No. 3 -2000- 635-667).
Il-duufka
kale waa qadiyadda ay u dirirayaan sida ay go'doon
kaga jidho siyaasadaha cari-edeg. Itoobiya waa
dowlad guun ah, islamarkaa xiriir taariikheed
iyo mid diineed la leh dowladaha hanaqaadka ah
ee caalamka. Waxaa halkaa ku nool dad ka tira
badan qowmiyadda Soomaalida, islamarkaa waxaa
Itoobiya laga helaa qowmiyado aaminsan caqiidada
masiixiyadda iyo yahuudiyadda. Waa dal ka baaxad
weyn, kana hodansan Soomaaliya. Waxaa taariikhda
ku xusan kaalmo ciidan oo ay bixiyeen Burtuqiis
iyo Asbaaniya, in Itoobiya ay kaga badbaaday kacdoonkii
uu abaabulay Axmad Gurey.
Sidoo kale kaalmo ay bixiyeen dowlado ay kamid
yihiin Ruush, Faransiis, Talyaani iyo Ingiriis
ayaa Itoobiya u saamaxay in ay mahoobido dhulka
baaxadda weyn oo maanta xuduudda u ah. Hoggaanka
dowladda Soomaaliyeed, wuxuu ka il-duufay casharradaa
taariikhiga ah oo ay waxyoonayaan dhacdooyinkaas.
Maamulkii
dalka Mareekanka, xilligaas wuxuu ahaa mid ka
dhex-dhexaad ah xiisadda siyaasadeed ee ka bilaabatay
Geeska Afrika. Taasi waxay dhalisay in uu ka aamuso
xurgufta ka dhex curatay labada dowladood. Inkasta
oo laga eryay Itoobiya, misana Mareekanka, irridaha
kama uusan xiran maamulka Addis-ababa. Bal iyaga
ayuu u daayay doorashada xiriirka, goortii ay
doonaan iyo sidii ay u doonaan. Isaguna mar walba
diyaar buu u ahaa hiilkooda. Aamusnaantaasi oo
aanan noqon mid raagtay, ayuu wuxuu jebiyay bishii
juun 1977-kii. Markaas maamulkii madaxweyne Jimmy
Carter wuxuu bilaabay in uu ka faaŽiideysto
kala fogaanshaha ku bilowday xiriirkii wacnaa
ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Soofyeetiga. Bilowgii
bishaas ayuu xafiiskiisa ayuu wuxuu ugu yeeray
danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Washington Cabdullaahi
Axmad Caddow. Wuxuu u sheegay in maamulka
Mareekanka uusan waxba ka qabin qaabkii ay Soomaaliya
ku soo ceshanayso Ogaadeenya, haddii ay ka hadho
sheegashada Jabuuti iyo NFD. Wuxuu kaloo u sheegay
in markaas dalkiisu uu eegayo in dowladaha uu
saaxiibka la yahay uu hub difaac u weydiiyo Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliyeed ayaa hadalkaas wuxuu u
fasirtay in Mareekanka uu diyaar la yahay wixii
hiillo ah oo Soomaaliya ay u baahan tahay. Sidaas
ayuuna ugu soo gudbiyay madaxweynihii Soomaaliya.
Isaga oo cayaaraya shax siyaasadeed ee laba wejiile
ah ayuu Carter wuxuu
bilaabay in uu bixiyo ishaaro ah sidii Soomaaliya
looga yeeli lahaa dal la meereysta syaasadda Mareekanka.
Mdaxweyne Carter ayaa
markaas si deg-deg ah ku qaatay guddoon ku saabsan
arinkaas, isaga oo yiri :
"
Soomaaliya waa in lagu soo celiyaa in ay ahaato
asxaabtaya ". (Marina
Ottaway, Soviet and American Influence in the
Horn of Africa (New York: Praeger Publishers,
1982) p.119).
 |
Dr.
Kevin Cahil |
Soomaaliya
waxay xilligaas u muuqatay miro bisil oo diyaar
u ah in Mareekanku goosto. Laakiin, sida ay goor
danbe sheegeen, waxaa ku culuslyd, shakhsiyadda
madaxweynaha Soomaaliyeed oo ugu muuqatay mid
aanan la aamini karin. Sidaa darteed ayuu madaxweyne
Carter, wuxuu xilkaas
qalafsan u doortay in uu maareeyo la taliyihiisii
xagga nabadgelyada qowmiyqdeed Zbigniew
Kazimierz Brzezinski. Ninkan ayaa isna
markuu arkay culeyska uu leeyahay xilka loo doortay,
wuxuu bilaabay in uu xusho qofka ugu horeeya ee
bilaabaya xiriirka uu dalkiisa la yeelanayo Soomaaliya.
Isagu wuxuu xilkaas u doortay ninkii ugu mudnaa
ee Mareekan ahaa. Kaasi waa Dr.
Kevin Cahill, oo horey uga shaqeyn jiray
Soomaaliya. Kevin Cahill
ayaa markaas ahaa takhtarka gaarka ah ee
madaxweyne Maxamad Siyaad
uu lahaa dabayaaqadii sanadihii 1960-aadkii. Sidaa
darteed, takhtarkani wuxuu ahaa saaxiib ku dhow
madaxweynaha Soomaaliya. Dr. K. Cahill, wuxuu Maxamad
Siyaad soo gaarsiiyay in Mareekanku uusan
wax dan ah ka lahayn, haddii ay Soomaalidu xoog
ku raadsanayaan Ogaadeenya. Arintaas, madaxweynihii
Soomaaliyeed waxay ku reebtay raad gaar ahaaneed
ee la xiriira go'aan-qaadashada dagaalka. (Robert
F. Gorman, Political Conflict on the Horn of Africa
(New York: Praeger Publishers 1981) p. 70).
Kulanka
madaxweynaha iyo takhtarka wuxuu ku dhamaaday
si qarsoodi ah. Waxaa la malaynayaa in Maxamad
Siyaad uu ka qariyay kulankaas raggii la
waldaaminayay jaangooyada siyaasadeed ee dalka.
Laakiin waxaa muuqatay in uu arintaa u fasirtay
nal cagaaran oo uga ifay dhanka Mareekanka, kaas
oo saamaxaya in Soomaalidu ay ku duulaan Itoobiya.
Inkasta oo ay jiraan madax badan oo Mareekan ah
oo inkiray raja-gelinta ay u bidhaamiyeen madaxweynaha
Soomaaliyeed, misana waxaanan shaki ku jirin in
tallaabadan diblomaasiyadeed oo uu Mareekanku
xilligaas qaaday ay ahayd go' uu Soomaalida u
lulay. Hillaac xambaarsan yididiilo siyaasadeed
oo xooggan ayaa madaxweyne Maxamad Siyaad uga ifay siyaasaddii dowladihii reer galbeedka.
Soomaalida waxaa u muuqday fagaaro siyaasadeed
oo ay ku tallaali karayaan xiriir adag oo ay la
yeeshaan dowladaha reer galbeedka oo uu u weyn
yahay Mareekanka. Markaas ayay bilaabatay saadaal
khaldan oo ah in ay dalalkaas ka heli doonaan
taageerada jaad walba leh oo ay u baahn yihiin.
Warbaahinta
dalka Mareekanka ayaa iyadana bilowday in ay si
rasmi ah kor u kiciso dareenka uu Mareekanka ka
qabo xiisadda ka oogan Geeska Afrika. Waxay bilaabeen
in ay eedeyn dusha ka saaraan khuburada ciidameed
oo dowladda Kuuba ay u dirayaan Itoobiya. Isla
markaas waxay muujiyeen in ay xiriir wanaagsan
la yeelanayaan Soomaaliya. Waxaa kale oo jirey
dalka Sacuudiga oo Soomaaliya u ballan qaaday
in uu si dhakhso ah u soo gaarsiin doono hub.
Sidaas oo kale ayaa qaar kamid ah dowladaha carbeed
ay Soomaaliya uga ballan qaadeen in ay hub siinayaan.
Sidaas baa siyaasiyiintii Soomaaliyeed ay isu
tusiyeen in ay dagaal qaadi karaan bisha julay
1977-kii, xataa haddii ay maqan tahay kaalmada
Soofyeetiga. Madaxda Soomaaliyeed, waxaa u muuqday
in dagaalkan uu noqonayo mid ay ku yartahay fara-gelinta
shisheeye.
1/
7- 1977-kii, madaxweyne Maxamad
Siyaad oo islamarkaa ah xoghayaha guud
ee XHKS, wuxuu isugu yeeray xubnihii golaha dhexe
ee xisbiga. Fadhi kedis ah ayaa lagu qabtay xaruntii
xisbiga, kaas oo madaxweynuhu uu si kedis ah u
soo dhex-dhigay golalyo ay xubnuhu ka doodaan.
Golalyadu waxay ahayd in Soomaaliya ay xoog ku
doonato dhulka kaga maqan Itoobiya. Xubnihii xisbiga
ayaa habeenkaas is-dhaafsaday khudbado qiiro badan
oo ay ku taageerayaan qodobkan laga doodayay.
Dadka hadlay wxaa kamid ahaa rag dhowr ah oo iyagu
ka soo hor jeeday in Soomaaliya ay weerar ku qaaddo
Itoobiya, iyada oo adeegsanaysa ciidamadeeda qalabka
sida. Raggaas waxaa kamid ahaa Cabdiraxmaan Ceydiid oo isagu odey ka ahaa hoggaanka
ediyolojiyada ee xisbiga. Hadalkii Cabdiraxmaan
waxaa kamid ahaa :
''
Xoreynta gobollada maqan waa arin aanu weligeen
ka hadli jirney. Waana arin ay waajib tahay in
laga hadlo. Waxayse aniga ila tahay in howsha
loo daayo ragga jabhadda ah. Muddo iyagu ha wadeen
oo haku barteen macnaha halgan xambaarsan yahay.
Haddiise aanu si toos ah uga qeyb-qaadanno dagaalko,
waxaa markaas na qabanaya qodob caalami ah, kaas
oo ilaalinaya in aanan xoog lagu beddelin khadadkii
xudduudaha ee jaangooyadu ku dhacday dagaalkii
labaad dabadeed ''. (Waxaan
ka soo xiganay Cumar Salaad, London, 28/ 6- 2004).
Hadalladii
qiirada lahaa ee habeenkaas goobtii laga jeediyay
ayaa waxay shiiqiyeen khudadihii diiddanaa dagaalka.
Cabdiraxmaan Caydiid ayaa
markaas wuxuu tilmaamay in ciidamadeena ay guul
deg-deg ah ka keenayaan dagaalka. Laakiin guul-darrida
ay ku danbeenayso Soomaaliya. Sababtuna waa xoogagga
waaweyn oo si toos ah uga soo qeyb-geli doona
dagaalka. Ugudanbeyntii, Cabdiraxmaan
wuxuu codsaday in hadala uu habeenkaas
ku hadlau loo diiwaan geliyo si goor danbe loo
xusuusto.
Sida
uu sheegay Jeneraal Maxamad
Kediye Jimcaale oo xilligaas ahaa taliyihii
saldhiggii ciidanka cirka ee Hargeysa, subaxdii
ay bishu ahayd 2/ 7- 1977-kii, waxaa la heegan
geliyay dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Guddigii Siyaasadda ee XHKS, waxay guddoomiyeen
saacaddii eberka ahayd ee uu dagaalku bilaaban
lahaa. Marka ay u doorteen in ciidamada Soomaalida
ay weerarka bilaabaan waxay ahayd 7/ 7- 1977-kii,
saddexdii habeennimo. Saraakiishii ay arintu khuseysay
ayay markiiba u gudbiyeen go'aanka weerarka. Ragga
amarka loo gudbiyay waxaa kamid ahaa Jeneraal
Cumar Xaaji oo ahaa amaan-duulihii XDS,
G/ S. Maxamuud Geelle
oo ahaa taliyaha hoggaanka howl-galka XDS,
G/ S. Maxamad Cumar Jees oo ahaa la taliyaha madaxweynaha
xagga arimaha difaaca. Waxaa kale oo la war-geliyay
saraakiishii hor-joogayaasha ka ahaa qeybaha XDS
ee xuduudda ku wajahnaa. Iyagu waxay ahaayeen
Jeneraal Yuusuf Slaxaan
oo odey ka ahaa qeybta waqooyiga (26-aad), G/
S. Cabdi Cismaan Caaluuq oo isagu odey
ka ahaa qeybta dhexe (21-aad) iyo G/
S. Abuukar Aftoje oo isna odey ka ahaa
qeybta koonfureed (60-aad).
Afar
degmo ayuu ku wajahnaa weerarka hore, kuwaas oo
ahaa Godey, War-dheer, Qabri-daharey iyo Dhagax-buur.
Habeenka ay taariikhdu ahayd 5/ 7- 1977-kii, Axmad
Shiikh wuxuu soo gaaray Garba isaga oo
ka yimid Godey. Wakhti yar dabadeed, ilaaladii
xarunta ayaa waxay u sheegtay in ay jiraan laba
nin oo isaga doonaya. Iyagu waxay ka socdeen G/ S. Maxamad Cumar Jees oo ay waraaq ka sideen. Waxay
ahaayeen Yuusuf Shiikh
Cabdi iyo Cismaan-weli. Markii ay Axmad
Shiikh isu sheegeen, waxay u dhiibeen waraaqdii
ay u wadeen. Dabadeed Axmad guducurkii ayuu waraaqda ku akhristay isaga oo
ku ifinaya diirrad uu sitay. Waxaa ku qornaa sida
:
"
Axmad, waxaan
labadan nin kuugu soo direy, waxaan doonayaa in
aan kula socodsiiyo, saddex cisho dabadeed oo
ku beegan 7/ 7-1977-kii, ciidamada Soomaaliyeed
waxay soo gelayaan gobolka. Waxay doonayaan in
ay qabtaan afarta degmo ee ah Godey, War-dheer,
Qabri-daharre iyo Dhagax-buur. Qorshuhu wuxuu
yahay in degmooyinkaas mar qura la qabto. Sidaa
darteed waxaan ku farayaa inaad ciidamada jabhadda
aad ku diyaariso meelaha ay ciidamada Soomaalida
soo gelayaan. Adiguna waa inaad Godey tagto
". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).
Xilligaas
waxaa Axmad Shiikh la
joogay saraakiil badan oo kamid ah raggii hoggaaminayay
ciidamada jabhadda. Waxaa kamid ahaa Asad Beddel iyo Cumar Nuur.
Arintii ayuu isla hebeenkii u sheegay saaxiibadiis.
Dhamaan waa ay ka xumaadeen go'aanka, umana muuqan
sabab ay ciidamada Soomaaliyeed u soo galaan dagaalka.
Bal waxaa halkaas uga muuqday il-duuf siyaasadeed,
waayo jabhaddu waxay markaas ka talinaysay inta
badan dhulka baadiyaha ah ee gobolka. Guushoodii
waxaa hakad geliyay difaacyadii adkaa ee fadhiyay
degmooyinka waaweyn. Sidaa darteed waxay codsadeen
hub culus oo ay cadowga kaga saaraan dhufeesyada
ay ku jiraan. Axmad Shiikh oo arinkaa ka waramaya wuxuu yiri :
"
Soomaalidu uma eeyan baahnayn in ay si qaawan
dagaalka u soo galaan. Qofka wax-garadka ahi waa
arkayay in quwado shisheeye ay imanayaan haddii
ciidamada Soomaaliyeed ay soo fara gashadaan halganka.
Dhibaataduna ay ku danbeeneyso shacabka ku nool
gobolka iyo Soomaalidii taageereysay ".
(Wareysi aanu la yeelanay
G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).
Axmad
Shiikh uma bannaanaan wax aanan ka ahayn
in uu fuliyo amarkii u yimid. Dhulka oo kala fog
darteed iyo ciidanka jabhadda oo kala baahsan,
ayaa waxaa adkaa in saddex cisho lagu fuliyo amarka
yimid, Laakiin jabahddu dadaal bay bixisay si
ay u buuxiso dalabkii uga yimid Soomaaliya. Axamad
Shiikh waraaq ayuu ku celiyay Maxamad
Cumar Jees uu u sheegayo in uu gacan buuxda
ka geysanayo dagaalka. Saddex meel oo taar u yiil
guutada, ayaa markiiba ay gaarsiiyeen khabarkii
iyo waajibaadkii laga doonayay in ay fuliyaan.
Xilliga
ay madaxda Soomaalidu guddoomiyeen in weerarka
la qaado, wuxuu ahaa xilli ummad ahaan lugaha
laysugu duwaday. Wuxuu ahaa xilli ay Soomaali
shacnigeedii dibadda soo dhigtay. Markaasaa ummad
ahaan loo muhooday qadiyadda dhulalka maqan oo
gobolka Ogaadeenya uu u yahay calaamad. Sida bir-qabatada
ayaa waxaa isu soo jiidanayay dhulkaas iyo shacabkii
Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Sheekooyinka geesinimada
leh iyo naf-huridda laga dhaxlay taariikhda dagaalkan
ayay inoo tilmaamaya halka uu dareenku marayay.
Sumaddii
Afmeer iyo Juq iyo lagu ogaa Faafin
Haddaan
sii iftiinshona Garbaa adina qaarkiiye
Dhanka
Iimey Eyl iyo abeel Ari Caruushaadka
Aadiyo
Burqiyo Fiiq wixii Adari loo gaaro
Afaafkii
Madhaaliyo Jigjiga xal isticmaaleedka
Sugumadaha
Awaariyo rastada Uumo kala aadda
Oo
Shamiidaha agamaha biladda la ajo miireyso
Aagga
Xodayo oogada bannaan Doho ugbaadkeeda
Ilig
iyo Shiilaabiyo Wardheer ologga Doollaaba
Aw-danbey
Qallaafiyo Godey karinka Eegey ah
Arladaan
wareeg u cayimay geeli ololaayay
Sumaddii
u goonida ahayd lagu aqoon raacay
Sumaddii
ilaashiyo qanjaha loogaga asteeyay
Sumaddii
amaarada ahayd lagu eryoo dheelmay
Sumaddii amaanka u ahayd lagu ikraam dhaafay
Sumaddii
an tuugiyo badheedh aashato loo qaadin
Ayadoonan
baylihin kuwii aradd loo dhoofshay
Ayadoon
aluubayn raggii lagu ugaadhoobay
Ooy
ina wacdood u dhiman ama unuun goynin
Ayay
uufanaysiyo damceen inay af-duubaane (Yuusuf
Dheere).
Saadiq
Enow