|
Casharkii
IV-aad
 |
|
Dr
Enow
|
Xilligii
ay is-weydaaranayeen toban-sanadeedkii qarnigii tegay
ee 60-aadkii iyo 70-aadkii,
degaamada bariga fog iyo bariga dhexe ayaa waxay ahaayeen
goobo ay ka
shidnaayeen hurka D. Q. Waxaa
dib u guranayay cuntubyadii ciidamada dalalkii wax gumeysanayay
ee ku sugnaa dalalkii la gumeysanayay. Waxaa arintaa
weheliyay cadaawad kordheysay oo dadyowga dunida saddexaad
ay u qaadeen dalalkii gumeysatada ahaa, iyaga oo isla
markaas siyaasaddoodii ku sidkay dalalkii Shuuciyadda
ahaa. Taasi waxay abuurtay dareen xambaarsan cabsi xoog
leh oo dowladaha reer galbeedka kaga imanayay foofka
aragtida shuuciyadda.
Waxaa
xilligaas ololay dagaallo qaan-gaar ah, kuwaas oo
kulaalkii
dab-shidkooda laga
dareemay
dunida dacalladeeda. Dagaalka Fiyetnaam ayaa wuxuu kamid
yahay kuwa ugu hilan culus raaca taariikheed ee D. Q.
Curashadiisa waxaa u sabab ahaa aragtida dhaxal-wareega
iyo damaca gumeysiga wejiga cusub oo ay dowladaha emberiyaaliyadda
ahi isku weydaaranayeen dhulalkii ay boobka ku haysteen.
Faransiiska oo Fiyetnaam gumeysanayay qeybtii hore ee
qarnigaas, ayaa u adkeysan waayay dagaallo mitid ah
oo ay dadka reer Fiyetnaam ku doonayeen madax-bannaani
siyaasadeed. Dhaqdhaqaaqa gobanimo-doonka ahi, wuxuu
ka helayay xoogagga Soofiyeetiga & Shiinaha.
Dagaalladaii
Fiyetnaamku ay ku qaadeen maamulkii gumeysiga
ee Faransiiska, wuxuu soo gabagaboobay
20/ 7-1954-kii, markaas
oo ciidamadii dhaqdhaqaaqii Viet-congo ay qabsadeen
sal-dhiggii ugu weynaa oo ay ciidamada Faransiisku ka
dhiseen dalka Fiyetnaam. Degmada la yiraahdo Dien Bien Phu ee ku taal gobolka
waqooyi bari ayuu saldhiggu ku yiil, waxayna ugu tala
galeen in ay hor istaagaan taageerada ciidan oo dagaalyahannadu
ay kala soo tallaabayaan xuduudda ay Shiinaha
la leeyihiin. Sideedii sano ee ugu danbeeyay, gulufyadii colaadeed
oo ay dagaalyahannadu qaadeen waxay ciidamada Faransiiska
kaga dileen rag tiradoodu gaarayso 75.000. Markay taariikhdu
ahayd 7/ 5-1954-kii saldhigii Dien Bien Phu wuxuu gacanta u
galay dagaalyahannadii reer Fiyetnaam. (Fall,
Bernard B. Street Without Joy. 3-rd Harrisburg : The
Telegraph Press, 1963).
 |
|
Ho
Chi Minh
|
Arintaasi waxay dhalisay
in dalka Fiyetnaam uu u qeybsamo laba gobol. Gobolka
waqooyi oo ay magaalo madax u tahayd Haanooy, dagaalyahannadu
waxay ka dhiseen maamul shuuci ah, waxaa madaxweyne u noqday
hoggaamiyihii jabhadda Ho
Chi Minh. Gobolka
koonfureed oo ay magaalo madax u noqotay Saygoon waxay
ku hartay gacanta Faransiiska, waxaana laga dhisay maamul
daba-dhilif ah, waxaana madax ka noqday nin la yiraahdo
Bao Dai.
Maamulkii waqooyiga Fiyetnaam
kuma uusan qancin degaanka la qeybiyay. Wuxuu markiiba
bilaabay in uu taageero u fidiyo jabhad ka curatay koonfurta
Fiyetnaam oo u dagaalamaysa in ay soo ceshadaan midnimadii
dalka Fiyitnaam. Faransiiska, niyad-jabkii ka raacay
khasaarihii loogu geystay Dien Bien Phu
waxaa u weheliyay dhaqaale xumi haysatay dalkiisa. Waxaa
dhacday, dadkii ku noolaa magaalo-madaxda Baariis, in safaf dhaadheer ay u
galaan rootiga ay cunayee n. Dabadeed dowladdii Faransiiska
waxay guddoonsatay in ay faraha kala baxdo colaadda
qallafsan oo ay ka hurinaysay dalka Fiyetnaam.
Mareekanka oo isu arkay
curadkii xoogagga embriyaaliga ah, isla markaasna xaq
u leh in uu dhaxlo goobaha ay banneeyeen xoogagga gumeysiga
gaboobay, ayaa bilaabay olole ciidan oo uu ku taageerayo
dowladdii uu Faransiisku ka dhisay koonfurta Fiyetnaam.
Siyaasadda ay dowladda Mareekanku ka qaadatay degaanka
indoo-shiina waxaa halheys u ahayd ka hor-tagga foofka
shuuciyadda. aasi
Sanadkii 1961-kii, maamulkii
Mareekanka oo uu madaxweynaha ka ahaa John F. Kennedy, wuxuu gudoonsaday in taageero hagar la'aan
ah loo fidiyo dowladda koonfurta Fiyetnaam. Isla sanadkaas
Mareekanku wuxuu siiyay dowladda koonfurta Fiyetnaam
kaalmo dhaqaale oo dhan 136.000.000 oo doolar. Waxaa
kale oo dowladda Saygoon ay Mareekanka ka heshay qalab
ciidan oo qiimihiisu gaarayo 65.000.000 oo doolar. Dabayaaqadii
sanadkaas, ciidamada Mareekanka ee ku sugnaa koonfurta
Fiyetnaam waxay gaarayeen 3.200 oo nin. Bishii febraayo
1962, Mareekanku wuxuu dhisay gole uu ku magacaabay
MACV (U.S.
Militery Assistance Command Vietnam),
kaas oo madax looga dhigay General Paul D. Harkins.
22/
11-1963-kii, waxaa la toogtay madaxweynihii Mareekanka
John F. Kennedy.
Waxaa meeshiisii qabtay ku xigeenkiisii
Lyndon B. Johnson. Madaxweynahan
cusubi kama uusan harin siyaasaddii
baarqabnimada ahayd oo uu horseeday madaxweyne J.
F. Kennedy. Bilowgii sanadkii 1964-kii, L. B. Johnson wuxuuu ansixiyay
duulaamo ciidameed oo sir ah in Mareekanku ku qaado
dowladda waqooyiga Fiyetnaam. Dagaalkii halkaas ka dhashay
ayaa sanad kadib si bareer ah u bilowday. 8/
3-1965-kii, Mareekanku wuxuu bilaabay in uu ciidamo
ku soo dejiyo magaalada dekadda ah ee Da
Nang. Markaas ayuu dagaalkii
wuxuu isu beddelay mid dowli ah oo ka dhexeeya labada
dowladood ee kala ah Mareekan iyo Fiyetnaam.
Muddo
shan sanadood ah ee xigay bombooyinka uu Mareekanku
ku riday Fiyetnaam waxaa lagu qiyaasay 22 tan oo waxa
qarxa ah meyl kasta ee afar-geesood ah oo kamid ah dhulka
Fiyetnaam. Reer Fiyetnaam ayaa dagaalkaas waxay ku waayeen
dad tiradoodu ay gaarayaan 2.600.000 oo qof.Gardaroy wax
baad geysataa goor iyo ayaane
Inkasta
oo sanad walba uu duulaanka Mareekanku sii xoogoobayay
misana ciidamadiisa
ayaanan halkaas marna ka helin wax guul ah oo
ay ku nastaan.
Waxaa u weheliyay khasaaro joogto ah iyo sumcad xumi
ka heshay fagaarihii leysaga hor yimid dhamaan. Hubkii
cuslaa oo ay adeegsadeen iyo duqeyntii badneyd ee xagga
cirka ma noqon kuwo u hiiliya damacii dowladda xooga
weyn. Waxaa jiray arimo mudan in la xuso oo taageero
u noqday ciidamada Fiyetnaam. Waxaa ugu weynaa niyadda
birta ah iyo hanka gumeysi diidka ah oo ay dadka reer
Fiyetnaam ku higsanayeen madax-bannaanida dalkooda iyo
midnimada ciiddooda. Taas ayaa kaliftay in ay wax kasta
oo qaali ah u huraan sidii ay isaga eryi lahaayeen shisheeyaha
dibadda kaga yimid ee uu damucu caynaanka u hayo. Tageerada
dowladda Shiinaha iyo cimilada qallafsan oo uu dhulka
Fiyetnaam leeyahay ayaa iyana ahaa arimaha jallaafada
ku hayay qorshe badan oo ay ciidamadii Mareekanku ka
sameeyeen dagaalka Fiyetnaam.
Arimahaas aanu xusnay
ka sokow, culeys siyaasadeed ee maamulka Mareekanka
kaga yimid dibadda iyo gudaha ayaa waxay soo gaba-gabeeyeen
dagaalkii Fiyetnaam. Sanadkii 1973-kii, Mareekanku wuxuu
joojiyay wixii taageero ciidan
ahaa oo uu u
fidinayay dowladda koonfurta Fiyetnaam. 1975-kii, dhamaan dhulkii
koonfurta Fiyetnaam wuxuu gacanta u galay ciidamadii
waqooyiga. Waxaa halkaas ka curtay dowladda Fiyetnaam.
Khasaarihii
Mareekanka kaga dhacay Fiyetnaam kadib,
waxaa weheliyay is-beddel degaan siyaasadeed
ee ku yimid qaar kamid ah dowladaha bariga-dhexe. Dowladda USSR oo la dhan ahayd dowladaha carabta dagaalka
ay kula jireen dowladda Israa'iil, ayaa waxaa laga eryay
Masar (1973) iyo Suudaan (1974). Markaas dabadeed, Geeska
Afrika wuxuu noqday, fagaaro ay xoogagga waaweyni kaga
cabir qaataan loolankooda kala durugsiga ah ee qaaradda
Afrika. Taas ayay salka ku haysay mashaqooyinka qabsadey
Geeska Afrika. Gaar ahaan, loolankaas wuxuu ka muuqday
degaanka koonfurta Afrika ee uu ka socday halgan is-xoreyn
ah. Dalalka
Musambiig, Angoola,
Namiibiya iyo sambaabwi ayaa xilligaas shidmay. Howlahaasi
ayaa dhamaantood ahaa mirihii ka dhashay (guul iyo guuldaro)
(USSR iyo USA) ee dagaaladii Indoojayna, Korea, Bariga-dhexe,
Bartamaha Africa, Khatartii Kuba iyo meelihii kale oo
labada xoog ee Galbeedka iyo Barigu ku hardameen dagaalkooda istaraatajiyadeed.
Gardaroy
wax baad geysataa goor iyo ayaane
Gaf
ayaad sameysaa bas iyo godobahaagiiye
Gashi
aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudoŽe
Waxaad
goyso mooyee la waa nimaad gar-gaartaaye
Gurigii
barwaaqeysan baad gubi taqaanaaye
Ruuxaad
gar-qaadaa wallee guul ma xoogsadoŽe
Adiga
iyo geeridu dadkii waad gablamiseene
Adigoon
gadaal uga harayn mid iska kaa giijay
Qofkii
dabarti gees kaa marey wax u gaboobaane
Gaas
baa u soo hara ninkii adiga kaa gudoŽe
Adoo
gebi ka tuuruu arkaa kii garaad xumiye
Adaa
gaambiyaan howl yaraan soo galaangalaŽe
Adigaa
dhibaato u gadboo reer gadaafayaŽe
Adaa
garab ku taagnow yiraa geesi baad tahaye
Gaasaar
nin kale beertay baad guro tiraahdaaye
Markaasuu
gabrada kii lahaa gamaŽa diidaaye
Anaa
geyigan lee iiga guur golol markuu sheegto
Anaa
galabta jooguu yiraa gocondho sheydaane. Cabdullaahi
Macallin (Dhoodaan).
waa
socotaa ...........
Gadaal
ugu noqo casharada
Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
|