|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXX-aad

Dr Enow

Naadiga Caalamiga ah ee Safaari (Safari Club International), wuxuu ahaa naadi qarsoodi lagu dhisay oo dowladaha ku bahoobay ay toos iyo dadab uga qeyb-qaateen Dagaalkii Ogaadeenya. Sheekada naadigan, wuxuu safxado ka qaatay taariikhda dagaalkan. Inkasta oo naadigaas la dhisay sanadkii 1976-kii, misana dowladaha xubnaha ka ahaa, goor xilligaas ka horeeyay ayay bilaabeen in ay Soomaalida ku dhiiri-geliyaan dagaalka. Naadigan waxaa ku bahoobay mu'asasaadka sir-doonka ee dalalka Mareekan, Faransiis, Masar, Iiraan, iyo Marooko. Waxaa goor danbe ku soo biiray labada dal ee Israa'iil iyo Keenya. Waxaa asaasay Henry Kissinger, xoghayihii arimaha dibadda ee Mareekanka xilliyadii madaxweynayaasha Richard Nixon iyo Girald Ford. Waxaa naadiga odey u ahaa Comte Claude Alexander de Marenches oo isagu ahaa odeyga ciidanka sir-doonka dalka Faransa.

Naadigu wuxuu ku bilowday qaab-ganacsiyeed ah suuq-madow, kaas oo la xiriira ganacsiga xubnaha ugaarta Afrika. Madaxda hal-abuuray naadigan iyo saraakiisha la shaqaynayay, iyaga oo dalxiis ah ayay si ku-raaxaysi leh u toogan jireen ugaarta ku dhaqan geeska Afrika. Gaar ahaan dalka Keenya oo ahaa meel ay ku kulmaan. Islamarkaa waxaa jirey dad howshaas kala shaqeynayay oo isugu jira Soomaali iyo Keenyaan. Dhaqaale badan ayay xilligaas ka sameeyeen xubnaha duur-joogta ay qaaraddu hodanka ku tahay. Dhaqaalahaas ayaa waxay u adeegsan jireen howlaha la xiriira danaha uu naadigu u adeegayay. Sheekadan oo ah mid xasaasi ah, waxaa soo bandhigay qoraaga caanka ah ee u dhashay dalka Masar Maxamad Xasaneyn Al-Haykal. Isagu wuxuu xogtaas helay, kaddib markii loo fasaxay arkiifkii boqorkii Iiraan Shaah Maxamad Ridaa Al-Bahlaawi. Taasina waxay ka danbeysay markii qaab kacdoon ah uu Aayatu-llaahi Khumeyni kula wareegay talada dalka.

Sanadkii 1976-kii, kaddib markii uu Mareekanku gadaal iska taagay, ayaa waddamada ah Sacuudiga, Masar, Marooko, Faransa iyo Iiraan, waxay si wadajir ah u dhiseen naadiga Safari Club. Magaca ay la baxeen wuxuu ahaa mid haboon oo Afrika ka yimid. Waxaa habeeyay wasiirada nabad-sugidda dalalkaa aanu xusnay, kuwaas oo sanadkii 1976-kii, magaalada Rayaad ku qaatay kulankoodii ugu horeeyay. Is-bahaysigaa qallafsan oo lagula dirirayay cimilada (anti-enviromental organisation), wuxuu ahaa mid u adeegayay in la hakiyo foofka Soofiyeetiga uu ku fidayay Afrika. Fulinta mashruucan oo ahaa mid ku adkayd Mareekanka, ayaa ururka naadigan uu sahlay.   

Magaalada Qaahira waxay ahayd meel ay xarun ka dhigteen madaxda howl-wadeennada ka ah naadiga. Isla magaaladaas ayaa waxay ahayd xarunta ay qorshaha ku dejiyaan, kana fuliyaan wixii howl ah. Mareekanka wuxuu halkaas ku helay saaxiibo culus oo uu kaga gudbay mixnado ka haystay loolanka Dagaalkii Qaboobaa. Naadigan ayaa sanadkii 1977-kii, saddex guul oo isdaba-joog ah ka soo hoyay howlo uu  Ruushka kaga saad-caleeyay, kuwaas oo ku biya-shubtay in USSR ay si tartiib ah uga dib-gurato qaaradda Afrika.

Bishii maarso 1977-kii, jabhad lagu magacaabo FLNC Front pour la Liberation Nattionale du Congo, ayaa waxay soo weerartay gobolka Shaaba ee dalka Koongo (Zair). Ciidamada weerarka soo qaday waxay ahaayeen kuwo ay saraakiil Kuubaan ah ku soo tababareen dalka Angoola. Jabhaddu waxay markaas qabsatay dhowr degmo iyo waddo muhim ah oo tariinku maro. Waxay 30 km u jirsadeen degmada la yiraahdo Kolwezi oo magaalo-madax u ah gobolka. Waxaa xusid mudan in gobolkaasi uu yahay mid hodan ku ah dhagxanta iyo macaadinta qaaliga ah. Waxaa jirey shirkado shisheeye ah (Faransa iyo Baljam), kuwaas oo si xooggan u guran jirey kheyraadka gobolku leeyahay. Madaxweyne Mabutu Sese Seko, ma yeelan awood uu ku caabiyo ciidankii soo weeraray gobolka. Sidaa darteed wuxuu u cawday dunida, isaga oo ka doonayay in uu dibadda ka helo ciidan u cududeeya.

Naadigii safaari ayaa markiiba wuxuu isu taagay in uu guto muhimaddii ugu horeysay ee uu waajaho. Wuxuu markiiba ka shaqeeyay, in dowladihii naadiga ay ka jawaabaan codsigii Mabutu Sese Seko. Waxaa si fudud laysugu keenay dayuurado dagaal oo uu Faransiisku leeyahay. Masar waxay ku deeqday 50 sarkaal oo isugu jira duuliyayaal iyo farsamo-yaqaano ku dagaalama dayuuradaha Faransiiska. Marooko waxay ku deeqday ciidan ka dagaalama dhulka oo tiradoodu dhan tahay 1.500 oo nin. Dhaqaalahana waxaa bixiyay Mareekan iyo Sacuudi. Dagaal la magac-baxay Dagaalkii 80 maalmood ayaa waxaa qaaday ciidamadii taageerayay dowladda oo ay weheliyaan askartii carabta ahayd. Waxaa cirka ka kaalmeynayay duuliyayaashii Masar. Muddadaas 80-ka maalmood ah ayaa gobolkii looga saaray ciidamadii jabhadda.

Tallaabada labaad oo naadiga uu ku guuleystay waxay ahayd, markii uu bartamihii sanadka is-qabadsiiyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliyeed ayaa markaas waxaa u muuqatay in ay mashruucan dowliga ah ay kaga faa'iideysato xoreynta gobolka ka maqan. Ninka sida xooggan raadka ugu yeeshay madaxdii Soomaaliyeed wuxuu ahaa Kamaal Adham, oo isagu markaa ahaa wasiirka nabad-sugidda ee Sacuudiga. Ninkan wuxuu xiriir adag la lahaa qoyska boqortooyada u talisa dalka. Gabar uu isagu dhalay ayaa waxay u dhaxday Boqor Feysal bin Cabdicasiis. Dowladaha ku bahoobay naadigan Safaari, ayaa markii ay Soomaalidu gaareen guulo waaweyn, dagaalka bilowgiisii, waxay Maxamad Siyaad ku yiraahdeen :

" Haddii aad Ruushka ceyriso, markaas waxaad naga heleysaa hubkii aad u baahnaydeen " (Good Muslim, Bad Muslim. Mohamed Mamdani. p. 84-87. Published by three leaves press. July 2005, in United States).

Si xooggan ayay Soomaalidu isugu haleeyeen naadigan, oo wuxuu kamid ahaa hubka istraateejiyada ah oo ay u keydsadeen dagaalka. Waxaa markaa u muuqatay oo ay tusaale u qaateen dalka Masar. Islamarkaa, Soomaalidu ma eeyan fileyn in Soofyeetigu uu u soo dhar-dhigan doono ka soo qeyb-galka dagaalka. Waxaa xusid mudan, in qorshaha naadigu uusan dhaafsiisnayn, qadiyadda ah in Soofyeetiga laga ceyriyo Soomaaliya.  

Mar saddexaad oo isla-sanadkaas ah, ayuu naadiga ku guulaystay tallaabo kale oo istraateeji u ahyad siyaasadda dowladaha reer galbeedka. Taasi waxay dhacday bishii nofember, markaas oo madax-weynihii dalka Masar uu ka degay magaalda Beyt Al-Maqdis. Anwar Al-Sadaat ayaa markaas wuxuu qaatay aragtidiisii ahayd in uu nabad ku doono xuquuqda dalalka Carabta kaga maqan Israa'iil. Wuxuu booqday barlamaanka dowladda Israa'iil, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay nabadda. Ra'iisul-wasaarihii Israa'iil, Menachim Begin, qudhiisu wuxuu ahaa nin doonayay nabad. Laakiin xisbigiisii Leykuud ayaa ahaa caqabadda ugu weyn ee hor-taagneyd. Xubnaha xisbigu waxay si xooggan u diidanaayeen in dib looga kaco dhulalkii laga qabsaday Carabta oo ay Yuhuuddu dhisteen. Caqabadihii badnaa ee hor yiil labadaas masuul, waxaa u sahlay taageero buuxda oo ay ka heleen dowladda Mareekanka. Howshaasi waxay ku dhamaatay in Masar ay si nabad ah ku soo ceshato 91 % dhulkii laga haystay.

Iyada oo xoogaggii waaweynaa ay ku loolamayaan hoggaankii Soomaalida, ayaa dowladda Soomaaliyeed ay ku dhaqaaqday in ay huriso dagaalka madax-bannaanida. Dowladdu, markaas uma eeyan u aaba-yeelin damaca dowladaha waaweyn, bal waxay dooratay in xaaladdaas guracan dhexdeeda ay ka raadiso maslaxaddii ummadeed oo Soomaalida u ahayd qadiyad soo jireen ah. Calool-xumo iyo wax maanku la murugoodo, waxaa qofka Soomaaliga ah ku hayay, welina ku haya joqraafiga loo sameeyay ciiddiisii. Sawirka xudduudaha ku weegaaran dhulkayaga ayaa waxay waxyoonayaan uur ku-taallo. Sabab yar maahayn in askartii Soomaaliyeed iyo saraakiishoodii ay ku hoobtaan dabkii lagu tir-tirayay jiritaanka xuduuddaas. Taasina waxay ahayd qadiyad ay niyadda ku hayeen oo facba uu fac u dhiibay.

Hadallada ay ka soo yeerayay madaxdii naadiga iyo madaxdii dowladahooda, waxay ahaayeen kuwo hunguriga u furayay mashruuca Soomaalida ee dagaalka. Xilligaa qallafsan ayaa Mareekanka iyo dowladaha la saaxiibka ah ay bilaabeen in ay si xooggan ugu soo sikadaan Soomaalida. Taasi waxay quusi gelisay iskudey walba oo Ruushku uu ku damacay in uu hayo xiriirka saaxiibtinimo ee uu la leeyahay Soomaaliya iyo Itoobiya. Meel kasta ayuu u maray in uu qanciyo Soomaalida. Laakiin waxaa la hor-dhigayay mar kasta dhulka naga maqan in uu soo celiyo, ama uu bixiyo ballan-qaad cad oo uu ku soo celinayo. Kadib markii uu ka quustay dhex-dhexaadintii dowladihii la saaxiibka ahaa, Ruushku wuxuu isku deyay in uu soo diro dowlad Afrikaan ah oo ay Soomaalidu isku wanaagsan yihiin. Dowladdaasi waxay ahayd Ugaandha. Danjirihii Soofyeetiga u fadhiyay Kambala ayaa wuxuu u gudbiyay madaxweyne Jeneraal Iidi Amiin Odada, codsi ka yimid dowladdiisa oo arintaa ku saabsan. Warkaas oo laga sii daayay idaacadda Kambala wuxuu intaa raaciyay, in danjiruhu uu u sheegay, Soofyeetigu waxay kalsooni buuxda ku qabaan, in madaxweyne Iidi Amiin uu dhex-dhexaadin karo labada dal ee ku dagaalsan Geeska Afrika. (Waxaanu ka soo xiganay wargeyska Al-Ahraam. Tirsigiisii soo baxay 22/ 8-1977-kii. Qaahira / Masar).

Liifadda dagaalka waxay ahayd mid marba kor ula kacaysay Soomaalida. Sidaa darteed ayaa bartamihii iyo dabayaaqadii bishii agosto, ciidamada Soomaaliyeed waxay qaadeen laba dagaal oo waaweyn. Midka hore waxay la beegteen Diri-dhabe, kan danbena Jig-jiga. Xilliga ay dagaaladaasi dhacayeen, madaxweyne Maxamade Siyaad, wuxuu ku maqnaa socdaal dheer oo uu ku marayay waddamo carbeed. Sida la tuhunsan yahay, socdaalkaas oo qaatay muddo laba toddobaad ka badan, ayaa waxaa wax ka diyaariyay naadiga Safaari. Wafdiga uu horkacayay madaxweynuhu waxaa kamid ahaa G/ S. Axmad Xasan Muuse, Axmad Xabiib Axmad iyo Ibraahim Maygaag Samantar. Muddadii uu madaxweyne Siyaad ku jirey socdaalka, wuxuu kaloo booqday magaalo-madaxda dalka Ruushka ee Moosko.  

Iyada oo madaxweyne Maxamad Siyaad uu dalka dibadda kaga maqan yahay, ayaa ciidamadii Soomaaliyeed ay guda-galeen in ay ku dhaqaaqaan weerarkii cuslaa oo ay la beeganayeen degmada Dirir-dhabe. Sida aanu horey u xusnay, magaaladan waxay ahayd degmada saddexaad ee Itoobiya. Waa degmo-wershadeed islamarkaa  leh dhul-beeraad wanaagsan. Waxay xukuntaa dhulka ugu shisheeya oo ay ku dhaqmaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo ah  ku-dulmanayaasha xudduuihii uu gumeysigu inooga tegay. Ciidamada ku baxay Dirir-dhabe waa ciidankii la magac-baxay Gaadda-weyne. Iyagu waxay ahaayeen hal kulmis oo si buuxa u qalabaysan. Waxaa la socday horin BM-13 ah oo ka kooban afar qori. Waxaa hor kacayay Dhamme Maxamad Faarax Dheere. Waxaa ciidankaas la socday guuto ah gawaari-gaashaaman iyo taangiyo. Waxaa kaloo la socday labo urur oo madaafiic ah. Waxaa kale oo qorshaha weerarka ka qeyb-qaatay, ciidanka cirka ee Soomaaliya. Iyagu xagga hawada ayay ka ilaaliyeen ciidanka baxay.

G/ S. Maxamad Nuur Galaal, oo kamid ahaa saraakiishii dejiyay qorshaha dagaalka, ayaa wuxuu codsaday in uu isaga hoggaamiyo ciidanka. Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed oo sida aadka ah ugu xamaasadeysnaa dagaalka. Ciidamadii Soomaaliyeed wax shiddo ah kalama eeyan kulmin socodkii ay kaga tallaabeen xuduud-beenaadkii u dhaxeeyay labada dal. Waayo xilligaas waxay ahayd mar ciidankii cadowga laga eryay dhamaan saldhigyadii uu ku lahaa dhulka soo xigay xadka. Ciidankii Soomaalida, iyaga oo wareento ah, ayay si isdaba-joog ah u dhaqaaqeen. Muddo dhowr maalmood ah ayaa waxay isku urursadeen meesha la yiraahdo Harewa, oo Dirir-dhabe ka xigtaa waqooyi-bari.

Dhanka cadowga waxaa ka soo jeeday ciidan xooggan oo ay ugu tala-galeen difaaca degmada. Iyagu waxay  ka kooban qeybta labaad ee ciidamada maaleeshiyada ah. Waxaa weheliyay guutada 201 ee ciidanka Nabalbaal, guutada 871 ee ciidanka mileteriga Itoobiya iyo ururka 87-aad ee ciidanka Itoobiya. Waxaa weheliyay qeybta 4-aad ee ciidamada teknikada iyo taangiyadii guutada 80-aad.

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 17/ 8- 1977-kii, ayaa Soomaalidii ay ku soo dhaqaaqeen fariisimihii cadowga uu ku lahaa agagaarka degmada Dirir-dhabe. Saddex taangi oo Soomaalidu lahayd ayaa habeenkaas waxaa gubay miinooyin dhulka ku aasnaa. Iyaga oo ka digtoonaa in la ogaado, ayay maalin-socod galeen. Ciidamada Itoobiya markaas kuma eeyan dhicin in ay si xor ah u dha-dhaqaaqaan oo ay ilaaliyaan socodka ciidanka Soomaalida. Soomaalidu, waxay markaan qorsheysteen, in weerarka uu ka bilowdo dhanka shishe oo degmada dhabarkeeda ku aaddan. Taasi waxay sababtay in bilowga dagaalku uu kedis ku noqdo ciidankii Itoobiya. Goobtii ugu horeysay oo uu weerarku ka dhacay wuxuu ahaa buuraha lagu magacaabo Shinniile ee dul-saaran gegida dayuuradaha ee magaalada. Waxaa halkaas fadhiyay guutada mileteriga ah ee 871-aad. Ciidankii Soomaalida, muddo gaaban ayay cadowgii kaga saareen dhul-koraadkii, iyaga oo markaas ku khasbay in ay dib u gurtaan. Gebru Tareke oo xaaladdaas ka sheekeynaya wuxuu yiri  :

" Guutada 871-aad, si aad ah ayay dhowr saacadood uga dagaalameen dusha buuraha Shinniile ee soo eegaya magaalada. Laakiin waxaa lagu khasbay in ay dib isugu soo gurtaan oo ay difaac ka xirtaan gegida dayuuradaha. Dagaalyahannadu (waa Soomaalida) waxay  weerarka wadeen illaa casarkii, markaas oo ay magaaladii ku soo dhowaadeen ". (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 646).

Ciidankii cirka ee Soomaalida, bilowgii qeyb wanaagsan ayay ka qaateen weerarka. Laakiin waxaa markasta hakad ku hayay, masaafada u dhaxeysay meesha ay ka soo duulayeen iyo fagaaraha dagaalku ka socday. Sidaa darteed, duuliyayaasha Soomaalida awood uma lahayn in ay muddo 20 mirir ka badan kor-joogaan goobaha dagaalka. Waayo shidaalka ay sitaan wuxuu ahaa mid aanan u saamaxayn in ay Berbera ka soo duulaan. Dabadeed ay muddo badan ku sugnaadaan samada Dirir-dhabe, markaasna ay dib ugu laabtaan Berbera.  Halkaas waxaa ka yimid hakad aanan markii hore lagu baraarugin.

Waxaase door wacan qaatay ciidankii taangiyada oo iyagu weeraray goobihii goobihii nolosha u ahaa degmada oo ay kamid ahayd gegida dayuuradaha. Waxay soo eryeen ciidamadii dhufeesyada ka sameystay hareeraha degmada. Markaas baa ciidankii Soomaalida waxay ku dhowaadeen magaaladii. Waxay bilaabeen in ay madaafiic iyo BM la dhacaan fariisimihii cadowga iyo meelaha halbowlaha ah. Khasaaro lixaad leh ayaa halkaas ka soo gaaray ciidankii Itoobiya. Gegida dayuuradaha ee degmada, ayaa waxay ahayd midda labaad ee Itoobiya. Waa ay xirantay oo waxaa ka istaagay dhaqdhaqaaqii. Halkaas Soomaalidii waxay ku gubeen sagaal dayuuradood oo gegidaas fadhiyay. Waxaa kaloo ay gubeen haamihii shidaalka oo dayuuraduhu ay ka adeeganayeen iyo xarun shidaal oo u dhoweyd. Waxaa dhaawac gaaray wershadihii shamiintada, hilibka iyo cudbiga. Maalintii xigtay, ciidankii Itoobiya oo jah-wareeray ayaa waxay isku deyayeen in ay magaalada difaacaan, iayag oo ku dagaalamayay xaalad aad u raja xun. (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).

Mala shacabki aad leysay baad laqamis moodaaye

Legdinkiyo luggooyadaad qabtaa lowgu bow yahaye

Waddankaad ku laab-laabataye lihida moodeysay

Leydhii War-dheer iyo dhulkaad adigu laahaadhay

Qabri-dahare labadiisa dhinac lulashadii xoorta

Laaleyska geel iyo wixii lo' iyo maal joogay

Dhagax-buur wixii subag ligligan lagugu siinaayay

Laaluush bilaash iyo waxaad gibilka luusheysay

Lebin kuuma harin naagahaad laab qaboolateene

Laab kugu warfeece wiilashaan laabasho aqoone

Laalaafi been iyo kibradii wey ku lumiyeene

Haddaad laacis dheer tahay Godey ma laba keenteene

Luflufkiyo askarahaad wadaa libin ma keenaane

Laba saac markii laysku riday gumuc aan kaa leexan

Inay kabaha laad-laadsadeen ma aha laakiine

 

Saadiq Enow



Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.