Naadiga
Caalamiga ah ee Safaari (Safari Club
International), wuxuu ahaa naadi qarsoodi
lagu dhisay oo dowladaha ku bahoobay ay toos iyo
dadab uga qeyb-qaateen Dagaalkii Ogaadeenya.
Sheekada naadigan, wuxuu safxado ka qaatay
taariikhda dagaalkan. Inkasta oo naadigaas la
dhisay sanadkii 1976-kii, misana dowladaha
xubnaha ka ahaa, goor xilligaas ka horeeyay ayay
bilaabeen in ay Soomaalida ku dhiiri-geliyaan
dagaalka. Naadigan waxaa ku bahoobay
mu'asasaadka sir-doonka ee dalalka Mareekan,
Faransiis, Masar, Iiraan, iyo Marooko. Waxaa
goor danbe ku soo biiray labada dal ee Israa'iil
iyo Keenya. Waxaa asaasay
Henry Kissinger,
xoghayihii arimaha dibadda ee Mareekanka
xilliyadii madaxweynayaasha
Richard Nixon
iyo Girald Ford.
Waxaa naadiga odey u ahaa
Comte Claude Alexander
de Marenches oo isagu ahaa odeyga
ciidanka sir-doonka dalka Faransa.
Naadigu
wuxuu ku bilowday qaab-ganacsiyeed ah
suuq-madow, kaas oo la xiriira ganacsiga xubnaha
ugaarta Afrika. Madaxda hal-abuuray naadigan iyo
saraakiisha la shaqaynayay, iyaga oo dalxiis ah
ayay si ku-raaxaysi leh u toogan jireen ugaarta
ku dhaqan geeska Afrika. Gaar ahaan dalka Keenya
oo ahaa meel ay ku kulmaan. Islamarkaa waxaa
jirey dad howshaas kala shaqeynayay oo isugu
jira Soomaali iyo Keenyaan. Dhaqaale badan ayay
xilligaas ka sameeyeen xubnaha duur-joogta ay
qaaraddu hodanka ku tahay. Dhaqaalahaas ayaa
waxay u adeegsan jireen howlaha la xiriira
danaha uu naadigu u adeegayay. Sheekadan oo ah
mid xasaasi ah, waxaa soo bandhigay qoraaga
caanka ah ee u dhashay dalka Masar
Maxamad Xasaneyn
Al-Haykal.
Isagu wuxuu xogtaas helay, kaddib markii loo
fasaxay arkiifkii boqorkii Iiraan
Shaah Maxamad Ridaa
Al-Bahlaawi.
Taasina waxay ka danbeysay markii qaab kacdoon
ah uu
Aayatu-llaahi Khumeyni
kula wareegay talada dalka.
Sanadkii
1976-kii, kaddib markii uu Mareekanku gadaal
iska taagay, ayaa waddamada ah Sacuudiga, Masar,
Marooko, Faransa iyo Iiraan, waxay si wadajir ah
u dhiseen naadiga
Safari Club.
Magaca ay la baxeen wuxuu ahaa mid haboon oo
Afrika ka yimid. Waxaa habeeyay wasiirada
nabad-sugidda dalalkaa aanu xusnay, kuwaas oo
sanadkii 1976-kii, magaalada Rayaad ku qaatay
kulankoodii ugu horeeyay. Is-bahaysigaa
qallafsan oo lagula dirirayay cimilada (anti-enviromental
organisation), wuxuu ahaa mid u adeegayay in
la hakiyo foofka Soofiyeetiga uu ku fidayay
Afrika. Fulinta mashruucan oo ahaa mid ku adkayd
Mareekanka, ayaa ururka naadigan uu sahlay.
Magaalada
Qaahira waxay ahayd meel ay xarun ka dhigteen
madaxda howl-wadeennada ka ah naadiga. Isla
magaaladaas ayaa waxay ahayd xarunta ay qorshaha
ku dejiyaan, kana fuliyaan wixii howl ah.
Mareekanka wuxuu halkaas ku helay saaxiibo culus
oo uu kaga gudbay mixnado ka haystay loolanka
Dagaalkii Qaboobaa. Naadigan ayaa sanadkii
1977-kii, saddex guul oo isdaba-joog ah ka soo
hoyay howlo uu Ruushka kaga saad-caleeyay,
kuwaas oo ku biya-shubtay in USSR ay si tartiib
ah uga dib-gurato qaaradda Afrika.
Bishii
maarso 1977-kii, jabhad lagu magacaabo FLNC
Front pour la Liberation Nattionale du Congo,
ayaa waxay soo weerartay gobolka Shaaba ee dalka
Koongo (Zair). Ciidamada weerarka soo
qaday waxay ahaayeen kuwo ay saraakiil Kuubaan
ah ku soo tababareen dalka Angoola. Jabhaddu
waxay markaas qabsatay dhowr degmo iyo waddo
muhim ah oo tariinku maro. Waxay 30 km u
jirsadeen degmada la yiraahdo Kolwezi oo
magaalo-madax u ah gobolka. Waxaa xusid mudan in
gobolkaasi uu yahay mid hodan ku ah dhagxanta
iyo macaadinta qaaliga ah. Waxaa jirey shirkado
shisheeye ah (Faransa iyo Baljam), kuwaas oo si
xooggan u guran jirey kheyraadka gobolku
leeyahay. Madaxweyne
Mabutu Sese
Seko,
ma yeelan awood uu ku caabiyo ciidankii soo
weeraray gobolka. Sidaa darteed wuxuu u cawday
dunida, isaga oo ka doonayay in uu dibadda ka
helo ciidan u cududeeya.
Naadigii
safaari ayaa markiiba wuxuu isu taagay in uu
guto muhimaddii ugu horeysay ee uu waajaho.
Wuxuu markiiba ka shaqeeyay, in dowladihii
naadiga ay ka jawaabaan codsigii
Mabutu Sese
Seko.
Waxaa si fudud laysugu keenay dayuurado dagaal
oo uu Faransiisku leeyahay. Masar waxay ku
deeqday 50 sarkaal oo isugu jira duuliyayaal iyo
farsamo-yaqaano ku dagaalama dayuuradaha
Faransiiska. Marooko waxay ku deeqday ciidan ka
dagaalama dhulka oo tiradoodu dhan tahay 1.500
oo nin. Dhaqaalahana waxaa bixiyay Mareekan iyo
Sacuudi. Dagaal la magac-baxay Dagaalkii 80
maalmood ayaa waxaa qaaday ciidamadii
taageerayay dowladda oo ay weheliyaan askartii
carabta ahayd. Waxaa cirka ka kaalmeynayay
duuliyayaashii Masar. Muddadaas 80-ka maalmood
ah ayaa gobolkii looga saaray ciidamadii
jabhadda.
Tallaabada
labaad oo naadiga uu ku guuleystay waxay ahayd,
markii uu bartamihii sanadka is-qabadsiiyay
Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliyeed
ayaa markaas waxaa u
muuqatay in ay mashruucan dowliga ah ay kaga
faa'iideysato xoreynta gobolka ka maqan. Ninka
sida xooggan raadka ugu yeeshay madaxdii
Soomaaliyeed wuxuu ahaa
Kamaal Adham,
oo isagu markaa ahaa wasiirka nabad-sugidda ee
Sacuudiga. Ninkan wuxuu xiriir adag la lahaa
qoyska boqortooyada u talisa dalka. Gabar uu
isagu dhalay ayaa waxay u dhaxday Boqor
Feysal bin Cabdicasiis.
Dowladaha ku bahoobay naadigan Safaari,
ayaa markii ay Soomaalidu gaareen guulo waaweyn,
dagaalka bilowgiisii, waxay
Maxamad Siyaad
ku yiraahdeen :
"
Haddii aad Ruushka ceyriso, markaas waxaad
naga heleysaa hubkii aad u baahnaydeen
" (Good
Muslim, Bad Muslim.
Mohamed Mamdani. p.
84-87. Published by three leaves press. July
2005, in
United States).
Si xooggan ayay
Soomaalidu isugu haleeyeen naadigan, oo wuxuu
kamid ahaa hubka istraateejiyada ah oo ay u
keydsadeen dagaalka. Waxaa markaa u muuqatay oo
ay tusaale u qaateen dalka Masar. Islamarkaa,
Soomaalidu ma eeyan fileyn in Soofyeetigu
uu u soo dhar-dhigan doono ka soo qeyb-galka
dagaalka. Waxaa xusid mudan, in qorshaha naadigu
uusan dhaafsiisnayn, qadiyadda ah in Soofyeetiga
laga ceyriyo Soomaaliya.
Mar
saddexaad oo isla-sanadkaas ah, ayuu naadiga ku
guulaystay tallaabo kale oo istraateeji u ahyad
siyaasadda dowladaha reer galbeedka. Taasi waxay
dhacday bishii nofember, markaas oo
madax-weynihii dalka Masar uu ka degay magaalda
Beyt Al-Maqdis. Anwar
Al-Sadaat ayaa markaas wuxuu qaatay
aragtidiisii ahayd in uu nabad ku doono xuquuqda
dalalka Carabta kaga maqan Israa'iil. Wuxuu
booqday barlamaanka dowladda Israa'iil, halkaas
oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay
nabadda. Ra'iisul-wasaarihii Israa'iil,
Menachim Begin,
qudhiisu wuxuu ahaa nin doonayay nabad. Laakiin
xisbigiisii Leykuud ayaa ahaa caqabadda ugu weyn
ee hor-taagneyd. Xubnaha xisbigu waxay si
xooggan u diidanaayeen in dib looga kaco
dhulalkii laga qabsaday Carabta oo ay Yuhuuddu
dhisteen. Caqabadihii badnaa ee hor yiil
labadaas masuul, waxaa u sahlay taageero buuxda
oo ay ka heleen dowladda Mareekanka. Howshaasi
waxay ku dhamaatay in Masar ay si nabad ah ku
soo ceshato 91 % dhulkii laga haystay.
Iyada oo xoogaggii
waaweynaa ay ku loolamayaan hoggaankii
Soomaalida, ayaa dowladda Soomaaliyeed ay ku
dhaqaaqday in ay huriso dagaalka
madax-bannaanida. Dowladdu, markaas uma eeyan u
aaba-yeelin damaca dowladaha waaweyn, bal waxay
dooratay in xaaladdaas guracan dhexdeeda ay ka
raadiso maslaxaddii ummadeed oo Soomaalida u
ahayd qadiyad soo jireen ah. Calool-xumo iyo wax
maanku la murugoodo, waxaa qofka Soomaaliga ah
ku hayay, welina ku haya joqraafiga loo sameeyay
ciiddiisii. Sawirka xudduudaha ku weegaaran
dhulkayaga ayaa waxay waxyoonayaan uur ku-taallo.
Sabab yar maahayn in askartii Soomaaliyeed iyo
saraakiishoodii ay ku hoobtaan dabkii lagu
tir-tirayay jiritaanka xuduuddaas. Taasina waxay
ahayd qadiyad ay niyadda ku hayeen oo facba uu
fac u dhiibay.
Hadallada ay ka soo
yeerayay madaxdii naadiga iyo madaxdii
dowladahooda, waxay ahaayeen kuwo hunguriga u
furayay mashruuca Soomaalida ee dagaalka.
Xilligaa qallafsan ayaa Mareekanka iyo dowladaha
la saaxiibka ah ay bilaabeen in ay si xooggan
ugu soo sikadaan Soomaalida. Taasi waxay quusi
gelisay iskudey walba oo Ruushku uu ku damacay
in uu hayo xiriirka saaxiibtinimo ee uu la
leeyahay Soomaaliya iyo Itoobiya. Meel kasta
ayuu u maray in uu qanciyo Soomaalida. Laakiin
waxaa la hor-dhigayay mar kasta dhulka naga
maqan in uu soo celiyo, ama uu bixiyo
ballan-qaad cad oo uu ku soo celinayo. Kadib
markii uu ka quustay dhex-dhexaadintii
dowladihii la saaxiibka ahaa, Ruushku wuxuu isku
deyay in uu soo diro dowlad Afrikaan ah oo ay
Soomaalidu isku wanaagsan yihiin. Dowladdaasi
waxay ahayd Ugaandha. Danjirihii Soofyeetiga u
fadhiyay Kambala ayaa wuxuu u gudbiyay
madaxweyne
Jeneraal Iidi Amiin Odada,
codsi ka yimid dowladdiisa oo arintaa ku saabsan.
Warkaas oo laga sii daayay idaacadda Kambala
wuxuu intaa raaciyay, in danjiruhu uu u sheegay,
Soofyeetigu waxay kalsooni buuxda ku qabaan, in
madaxweyne Iidi
Amiin uu
dhex-dhexaadin karo labada dal ee ku dagaalsan
Geeska Afrika. (Waxaanu
ka soo xiganay wargeyska Al-Ahraam. Tirsigiisii
soo baxay 22/ 8-1977-kii. Qaahira / Masar).
Liifadda dagaalka
waxay ahayd mid marba kor ula kacaysay
Soomaalida. Sidaa darteed ayaa bartamihii iyo
dabayaaqadii bishii agosto, ciidamada
Soomaaliyeed waxay qaadeen laba dagaal oo
waaweyn.
Midka hore
waxay la beegteen Diri-dhabe, kan danbena
Jig-jiga. Xilliga ay dagaaladaasi dhacayeen,
madaxweyne
Maxamade
Siyaad,
wuxuu ku maqnaa socdaal dheer oo uu ku marayay
waddamo carbeed. Sida la tuhunsan yahay,
socdaalkaas oo qaatay muddo laba toddobaad ka
badan, ayaa waxaa wax ka diyaariyay naadiga
Safaari. Wafdiga uu horkacayay madaxweynuhu
waxaa kamid ahaa
G/ S. Axmad
Xasan Muuse,
Axmad
Xabiib Axmad
iyo
Ibraahim Maygaag Samantar.
Muddadii uu madaxweyne
Siyaad
ku jirey socdaalka, wuxuu kaloo booqday
magaalo-madaxda dalka Ruushka ee Moosko.
Iyada oo
madaxweyne Maxamad Siyaad uu dalka dibadda kaga
maqan yahay, ayaa ciidamadii Soomaaliyeed ay
guda-galeen in ay ku dhaqaaqaan weerarkii cuslaa
oo ay la beeganayeen degmada Dirir-dhabe. Sida
aanu horey u xusnay, magaaladan waxay ahayd
degmada saddexaad ee Itoobiya. Waa
degmo-wershadeed islamarkaa leh dhul-beeraad
wanaagsan. Waxay xukuntaa dhulka ugu shisheeya
oo ay ku dhaqmaan qowmiyadaha Soomaalida iyo
Oromada, kuwaas oo ah ku-dulmanayaasha
xudduuihii uu gumeysigu inooga tegay. Ciidamada
ku baxay Dirir-dhabe waa ciidankii la
magac-baxay Gaadda-weyne. Iyagu waxay ahaayeen
hal kulmis oo si buuxa u qalabaysan. Waxaa la
socday horin BM-13 ah oo ka kooban afar qori.
Waxaa hor kacayay
Dhamme
Maxamad Faarax Dheere.
Waxaa ciidankaas la socday guuto ah
gawaari-gaashaaman iyo taangiyo. Waxaa kaloo la
socday labo urur oo madaafiic ah. Waxaa kale oo
qorshaha weerarka ka qeyb-qaatay, ciidanka cirka
ee Soomaaliya. Iyagu xagga hawada ayay ka
ilaaliyeen ciidanka baxay.
G/ S. Maxamad
Nuur Galaal,
oo kamid ahaa saraakiishii dejiyay qorshaha
dagaalka, ayaa wuxuu codsaday in uu isaga
hoggaamiyo ciidanka.
Galaal
wuxuu kamid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed oo
sida aadka ah ugu xamaasadeysnaa dagaalka.
Ciidamadii Soomaaliyeed wax shiddo ah kalama
eeyan kulmin socodkii ay kaga tallaabeen
xuduud-beenaadkii u dhaxeeyay labada dal. Waayo
xilligaas waxay ahayd mar ciidankii cadowga laga
eryay dhamaan saldhigyadii uu ku lahaa dhulka
soo xigay xadka. Ciidankii Soomaalida, iyaga oo
wareento ah, ayay si isdaba-joog ah u
dhaqaaqeen. Muddo dhowr maalmood ah ayaa waxay
isku urursadeen meesha la yiraahdo Harewa, oo
Dirir-dhabe ka xigtaa waqooyi-bari.
Dhanka
cadowga waxaa ka soo jeeday ciidan xooggan oo ay
ugu tala-galeen difaaca degmada. Iyagu waxay ka
kooban qeybta labaad ee ciidamada maaleeshiyada
ah. Waxaa weheliyay guutada 201 ee ciidanka
Nabalbaal, guutada 871 ee ciidanka mileteriga
Itoobiya iyo ururka 87-aad ee ciidanka Itoobiya.
Waxaa weheliyay qeybta 4-aad ee ciidamada
teknikada iyo taangiyadii guutada 80-aad.
Habeenkii
ay taariikhdu ahayd 17/
8- 1977-kii, ayaa Soomaalidii ay ku soo
dhaqaaqeen fariisimihii cadowga uu ku lahaa
agagaarka degmada Dirir-dhabe. Saddex taangi oo
Soomaalidu lahayd ayaa habeenkaas waxaa gubay
miinooyin dhulka ku aasnaa. Iyaga oo ka
digtoonaa in la ogaado, ayay maalin-socod
galeen. Ciidamada Itoobiya markaas kuma eeyan
dhicin in ay si xor ah u dha-dhaqaaqaan oo ay
ilaaliyaan socodka ciidanka Soomaalida.
Soomaalidu, waxay markaan qorsheysteen, in
weerarka uu ka bilowdo dhanka shishe oo degmada
dhabarkeeda ku aaddan. Taasi waxay sababtay in
bilowga dagaalku uu kedis ku noqdo ciidankii
Itoobiya. Goobtii ugu horeysay oo uu weerarku ka
dhacay wuxuu ahaa buuraha lagu magacaabo
Shinniile ee dul-saaran gegida dayuuradaha ee
magaalada. Waxaa halkaas fadhiyay guutada
mileteriga ah ee 871-aad. Ciidankii Soomaalida,
muddo gaaban ayay cadowgii kaga saareen
dhul-koraadkii, iyaga oo markaas ku khasbay in
ay dib u gurtaan.
Gebru Tareke
oo xaaladdaas ka sheekeynaya wuxuu yiri
:
"
Guutada 871-aad, si aad ah ayay dhowr
saacadood uga dagaalameen dusha buuraha
Shinniile ee soo eegaya magaalada. Laakiin waxaa
lagu khasbay in ay dib isugu soo gurtaan oo ay
difaac ka xirtaan gegida dayuuradaha.
Dagaalyahannadu
(waa
Soomaalida) waxay weerarka wadeen illaa
casarkii, markaas oo ay magaaladii ku soo
dhowaadeen ".
(The
Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The
International Journal of Afrcan Historical
Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p.
646).
Ciidankii cirka ee
Soomaalida, bilowgii qeyb wanaagsan ayay ka
qaateen weerarka. Laakiin waxaa markasta hakad
ku hayay, masaafada u dhaxeysay meesha ay ka soo
duulayeen iyo fagaaraha dagaalku ka socday.
Sidaa darteed, duuliyayaasha Soomaalida awood
uma lahayn in ay muddo 20 mirir ka badan
kor-joogaan goobaha dagaalka. Waayo shidaalka ay
sitaan wuxuu ahaa mid aanan u saamaxayn in ay
Berbera ka soo duulaan. Dabadeed ay muddo badan
ku sugnaadaan samada Dirir-dhabe, markaasna ay
dib ugu laabtaan Berbera.
Halkaas
waxaa ka yimid hakad aanan markii hore lagu
baraarugin.
Waxaase
door wacan qaatay ciidankii taangiyada oo iyagu
weeraray goobihii goobihii nolosha u ahaa
degmada oo ay kamid ahayd gegida dayuuradaha.
Waxay soo eryeen ciidamadii dhufeesyada ka
sameystay hareeraha degmada. Markaas baa
ciidankii Soomaalida waxay ku dhowaadeen
magaaladii. Waxay bilaabeen in ay madaafiic iyo
BM la dhacaan fariisimihii cadowga iyo meelaha
halbowlaha ah. Khasaaro lixaad leh ayaa halkaas
ka soo gaaray ciidankii Itoobiya. Gegida
dayuuradaha ee degmada, ayaa waxay ahayd midda
labaad ee Itoobiya. Waa ay xirantay oo waxaa ka
istaagay dhaqdhaqaaqii. Halkaas Soomaalidii
waxay ku gubeen sagaal dayuuradood oo gegidaas
fadhiyay. Waxaa kaloo ay gubeen haamihii
shidaalka oo dayuuraduhu ay ka adeeganayeen iyo
xarun shidaal oo u dhoweyd. Waxaa dhaawac gaaray
wershadihii shamiintada, hilibka iyo cudbiga.
Maalintii xigtay, ciidankii Itoobiya oo
jah-wareeray ayaa waxay isku deyayeen in ay
magaalada difaacaan, iayag oo ku dagaalamayay
xaalad aad u raja xun. (The
Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The
International Journal of Afrcan Historical
Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p.
645).
Mala
shacabki aad leysay baad laqamis moodaaye
Legdinkiyo
luggooyadaad qabtaa lowgu bow yahaye
Waddankaad
ku laab-laabataye lihida moodeysay
Leydhii
War-dheer iyo dhulkaad adigu laahaadhay
Qabri-dahare labadiisa dhinac lulashadii xoorta
Laaleyska
geel iyo wixii lo' iyo maal joogay
Dhagax-buur wixii subag ligligan lagugu
siinaayay
Laaluush
bilaash iyo waxaad gibilka luusheysay
Lebin
kuuma harin naagahaad laab qaboolateene
Laab kugu
warfeece wiilashaan laabasho aqoone
Laalaafi
been iyo kibradii wey ku lumiyeene
Haddaad
laacis dheer tahay Godey ma laba keenteene
Luflufkiyo
askarahaad wadaa libin ma keenaane
Laba saac
markii laysku riday gumuc aan kaa leexan
Inay
kabaha laad-laadsadeen ma aha laakiine
Saadiq Enow
Saadiq Enow