Dagaal
adag oo saddex cisho socday ayaa wuxuu
suurogeliyay in ciidamadii Soomaaliyeed, ay dhowr
jeer magaaladii galaan. Ugu danbeyntii dhinac ayay
ka qabsadeen, intii kalena waxay noqotay meelo u
furan oo wax ka hor-taagan aysan jirin. Taliska
ciidankii cadowga, waxaa ku adkaatay in uu
degmadii difaacdaan. Markaasuu dowladdiisii ka
dalbaday xoog u cududeeya oo ay isaga caabiyaan
weerarka Soomaalida. Madaxdii Addis-ababa baa
markaas waxay amreen ciidamo fadhiyay Harar oo
loogu talagalay taakulada degmada Jig-jiga in ay
soo dhaqaaqaan. Ciidankii Harar oo guuto ku dhowaa
ayaa soo baxay. Waxaa ciidanka weheliyay Taangiyo
iyo qoryo culus oo noocoodu yahay BRDM. Ciidankan
oo maalintii afaraad soo gaaray goobihii dagaalka,
waxay foodda is dareen Soomaalidii saddexda cisho
dagaalamayay. Waxaa xusid mudan in ciidankii
Soomaalida ee dagaalka bilaabay eeyan wax taakulo
ah ka soo gaarin talsikoodii.
Dagaal
culus oo rogaal celis ah ayaa qabsaday ciidamadii
Soomaaliyeed. Ciidankan cusub oo weerarka soo
qaaday wuxuu markaas ahaa mid aanan horey u
dagaalamin. Inkasta oo ciidamada Soomaaliyeed ay
ahaayeen kuwo daalan, dhaawacuna ku badan yahay,
misana waa ay u dhabar adeygeen weerarkii
ciidankii cusbaa. Dagaalkii wuxuu noqday mid ka
kulul kii markii hore laysku rifay. Askartii ka
timid Harar, waxay goobihii dagaalka ka muujiyeen
geesinimo la mid ah tii ay Soomaalidu ku
dirirayeen. Waxaa laga sheekeeyaa, sarkaal
Itoobiyaan ah oo la yiraahdo
L./
Xiddigle Mitiku,
kaas oo taangi ay Soomaalidu leedahay dusha ka
fuulay si uu u gubo. Laakiin xabad ayaa ku dhacday
intuusan taangigii gubin.
(The
Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The
International Journal of Afrcan Historical Studys.
Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).
Waxaa
kale oo ciidankii Itoobiya tabar u yeelay
weerarkii xagga hawada oo ay soo qaadeen
duuliyayaashii Itoobiya iyo kuwii la soo kireystay.
Dayuuradaha cadowga ayaa waxay ahaayeen kuwo ka
soo kacayay saldhigga Debre-Zeit. Masaafo 400 km
ah ayay u jirtay goobaha dagaalku ka socday. Waxaa
si buuxda ula shaqeynayay raadaarkii Jig-jiga yiil.
Maalintii afaraad ee dagaalka, Soomaalidii waxaa
laga qabsaday xaggii hawada. Arintaasi culeys ayay
ku keentay ciidamadii dhulka ka dirirayay ee
Soomaaliyeed. Waxay ahayd xilli ay dayuuradihii
Soomaaliyeed soo dhaqaaqi waayeen. Waxaa arintaas
ka darayd, markii ciidankii Soomaalida amar lagu
siiyay in ay dib u soo baxaan, iyada oo dagaalkii
uusan joogsan. Markaasaa ciidankii cadowga iyo
dayuuradahoodii waxay dhul iyo cir ka ugaarteen
ciidamadii Soomaaliyeed oo dib u soo noqnayay iyo
qalabkoodii. Waxaa halkaas Soomaalidii ka soo
gaaray khasaaro aanan yarayn oo uu cadowgu qiray.
Dhimashada badan ee heshay askartii iyo
saraakiishii Soomaaliyeed waxaa u weheliyay in
laga gubay 16 taangi oo ah nooca T-55, hal BM-13,
dhowr baabuur oo kuwa gaadiidka ah iyo dhowr
madaafiic.
(The
Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The
International Journal of Afrcan Historical Studys.
Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).
Ciidamadii Soomaaliyeed
waxaa halkaas ka soo gaaray khasaaro aanan la
dhayalsan karin. Ciidamo badan ayaa ku ruux-baxay
dagaalkaas. Saraakiisha goobtaas ku shahiiday
waxaa kamid ahaa
Gaashaanle Wardheere
(Murursade). Isagu wuxuu ahaa sarkaalkii
hoggaaminayay ciidanka taangiyada. Waxaa kale oo
kamid ahaa
Gaashaanle
Siciid
Cabdulqaadir (Majeerteen)
iyo Gaashaanle
Siciid Cabdullaahi
(Ciidagale), iyagu waxay kamid ahaayeen
saraakiishii ciidanka cagta. Waa goob kale oo
kamid ah goobaha badan oo taariikhda dagaalkan uu
xambaarsan yahay. Waa goob mudan in Soomaalidu ay
ka cashar qaataan oo ay ku fahmaan qadiyadda
sharafta badan oo ay wiilahssasi ku baxeen. Iyaga
oo hor kacaya ciidamo garabka isku haya, ka
caafimaad qaba xumaanta iyo fitnada shaacday goor
danbe, ayay ku shahiideen doonka taariikhiga ah,
xoreynta dalka iyo dadka maqan.
Haddaan dib
ugu laabano guul-darrada ka timid weerarkan, waa
arin mudan in loo kuurgalo si loo hubsado
khasaaraha baaxadda weyn ee xilligaas ciidanka soo
gaaray iyo meesha uu salka ku leeyahay. Sababo
aanan haboonayn ayaa jirey oo kallifay khasaaraha
maantaas dhacay. Sababahaasi waxay ahaayeen kuwo
laga gaashaaman karay, laakiin lama yeelin. Waxaa
jirey saraakiil dhallinyaro ah oo ciidanka la
socday, kuwaas oo isku deyay in ay ka hadlaan
khaladka dhacay. Laakiin iyaga oo aanan soo gaarin
xuduuddii dalka ayaa la tooktay. Magacyadooda iyo
tiradooda midna weli maanan helin. Saraakiisha
xog-ogaalka u ah arintan, iyaga oo ka cabsanaya
xasaasiyadda ay leedahay darteed, ayay diideen in
ay ka war-bixiyaan dhacdadan.
Inkasta oo ay rag badan
ka nool yihiin saraakiishii qorshaha dagaalkan
dejiyay iyo kuwii wax ka hoggaaminayay, misana waa
ay adkaatay in si daacad looga sheekeeyo dagaalkan
taariikhiga ah. Nasiib wanaag waxaa ah in
saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii cadowga,
qoraalladii ay ka diyaariyeen dagaalkaas ayay ku
xuseen sababihii ay Soomaalidu ku jabeen. Intaa ay
sheegeen ayaa nooga filan tab-maamulka lagu
hoggaaminayay ciidamadii weeraray Dirir-dhabe.
Saraakiishii Itoobiya oo weerarkaas ka qeyb-qaatay
waxay sheegeen in kahasaaraha soo gaaray ciidamada
Soomaalida ay ahayd mid la xiriirtay, taaktikada
lagu maareynayay dagaalka, taas oo ay ku
tilmaameen in ay ahayd mid liidatay.
Gebru Tareke,
oo soo wareystay qaar kamid ah saraakiishii iyo
saraakiil-xigeenadii Itoobiya oo goobataas ka
dagaalamay, wuxuu qorey sidan :
" Soomaalidu waxay
ku jabeen iyaga oo khalad ka galay taaktikadii
dagaalka. Teknikadoodii, dagaalka
kama eeyan qeyb-gelin illaa ay
ciidamadii Itoobiya ay si wanaagsan isu soo
ururiyeen, markaas oociidankii Itoobiya ay soo
qaadeen dagaal rogaal-celis ah. Waxaa iyadana
liidatay xiriirka ka dhexeeyay ciidanka dhulka,
taangiyada iyo dayuuradaha Soomaalida. Maahayn oo
keliya ciidan cag oo tira yar, laakiin waxaa kale
oo jirtay, in ciidankii lagu soo xoojin lahaa uu
soo gaaray xilligii ay jabeen. Waa ay iska
caddahay in dhayalka intaa le'eg uu sababay
jabkooda ". (The
Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The
International Journal of Afrcan Historical Studys.
Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).
Sarkaal sare
ee Soomaaliyeed oo diiday in magaciisa la shaaciyo
ayaa inoo sheegay laba qodob oo kale, kuwaas oo
kamid ahaa sababta guul-darada keentay. Isagu
wuxuu xusay in ciidanka ay hoggaaminayeen
saraakiil aqoontoodu eeyan ahayn dagaal-barad (field
officer), bal darajo sare ee ciidan ku qaatay
aqoon la xiriirta maamul xafiiseed (staff
officer). Qodob kale waa iyada oo barta
taliska ay wax badan ka danbeysay aagagga ay
ciidamadu ka dagaalamayeen.
Nin kale oo Itoobiyaan
ah oo la yiraahdo
Gilkes, ayaa
isna arintan wax ka tilmaamay. Isagu wuxuu sheegay
in Dirir-dhabe eeyan bad-baadin oo keliya difaaca
ciidankii dhulka iyo kuwii cirka ee Itoobiya.
Laakiin ay jirtay sabab kale oo degmada ka
difaacday in eeyan ku dhicin gacanta Soomaalida.
Waxay ahayd go'aanka dib u gurashada ah oo
hoggaanka Soomaalida uu amray ciidankiisii, iyada
oo degmadii ay hortooda tahay una furantahay
ciidankooda. (Fiiri
: Revolution and Milletery Strategy. Addis-ababa.
By Gilkes. 1986. p. 724).
Ciidamadii Soomaaliyeed
ee ka dagaalamayay aagagga kala duwan ee gobolka,
kuma eeyan niyad jabin khasaaraha ka soo gaaray
ciidankoodii, weerarkii Dirir-dhabe. Sababtu waxay
ahayd guulaha ay ciidamada Soomaaliyeed ka
gaarayeen aagagga kale ayaa u dheeli-tiray.
Kulmiskii ka dagaalamayay gobollada Baali iyo
Siidaamo, wuxuu xilligaas ku faafay tuulooyinkii
iyo degmooyinkii labadaa gobol. War ay jabhadda
WSLF ka sii daysay Xamar ayaa sheegayay in labadii
toddobaad ee danbe ee bishii agosto, khasaaraha la
gaarsiiyay ciidamadii cadowga ay le'deen askar
tiradoodu ka badan tahay 2.000 oo nin. (Waxaan
ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoobet.
Tirsigiisii soo baxay 4/ 9- 1977-kii. Muqdishow -
Soomaaliya).
Waxaa kale oo niyadda
ciidamada Soomaaliyeed kor u qaadayay, howl-gal
ciidameed oo ay ku guda jireen kulmiskii ahaa
Gaadda-weyne oo loo diyaarinayay weerarka Jig-jiga.
Sida aanu soo xusnay, agagaarka Tog-wajaale ayaa
waxaa laysugu keenay qeybo kamid ah ciidamadii ka
soo dagaalamay Godey, Qabrri-dahare, War-dheer iyo
Dhagax-buur. Xataa kulmiskii Dirir-dhabe ee soo
jabay ciidan baa laga soo qaaday. Waxaa lagu
xoojinayay ciidamo halkaas horey u joogay.
Taliskii ciidamada Itoobiya, dhankooda waxay ku
tala-gashay inaanan Jig-jiga laga qabsan, kharaj
kasta ha baxee. Sidaa darteed aad bay u soo
xoojiyeen saldhigyadii ciidamadooda ay ku
lahaayeen agagaarka Jig-jiga. Soomaaliduna arintaa
si wanaagsan ayay ula socdeen. Waxaa intaa dheeraa
tobograafiyada uu dhulku u sameysan yahay oo ahayd
mid u hiilineysay ciidamada Itoobiya. Jeneraal
Maxamad
Cali Samantar
oo arintaa ka hadlaya wuxuu yiri :
" Jig-jiga waxay
ahayd dhul leh dhufeys dabiici ah.
Ciidan adagna
waa uu joogay. Waxaa degmada fadhiyay ciidamada
Itoobiya kuwii ugu tayada wanaagsanaa. Qalab
dagaal oo culusna waa uu yiilay. Markuu dagaalku
bilaabanayay, Ogaadeenya waxaa ku sugnaa saddex
urur oo taangiyo ah, kuwaas oo ay lahaayeen
ciidamadii Itoobiya. Halkii urur wuxuu ahaa 35
taangi. Laba urur oo kamid ahaa waxay fadhiyeen
Jig-jiga. Hal urur oo keliya ayaa gobolka intiisa
kale ku firirsanaa. Dagaalkii Jig-jiga wuxuu ahaa
mid aanan sahlanayn, hase-yeeshee waa lagu
guuleystay
"
(Waxaan
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal
Maxamad Cali Samantar. 9/ 5- 2004. Filadelfia -
USA).
Iyaga oo
wegen ah ayay bartamihii bishii agosto 1977-kii,
waxay ku dhaqaaqeen dhankii Jig-jiga. Sida u caado
ahayd, ciidamada Itoobiya, waxay lahaayeen
dhufeesyo dhowr ah oo ay difaac kaga jireen,
kuwaas oo ka sokeeyay magaalada. Buuraha lagu
magacaabo Kaaraa-mardha oo degmada ka shisheeya
ayaa ciidanka xooggiisii fadhiyay. Wixii sahay ah
oo ay u baahnaan lahaayeen, halkaas ayay ugu
dhamayd.
Ciidanka
dalka Masar waxay ku faanaan in ay ka tallaabeen
dhufeyskii Parlief Line, oo ciidamada
Ruushka waxay ku faanaan in ay jebiyeen khadkii ay
Jarmalku ka dhisteen degmada Volgo-garad,
oo ciidamadii xulufada waxay iyaguna ku faanaan in
ay jebiyeen dhufeyskii Normandie. Haddii
qaranimadii Soomaaliyeed ay ka hartay wax hambo
le'eg, waxaa dagaaladaas aanu xusnay dhiggooda ah
oo mudan in Soomaalidu ay ku faanaan, sida ay
ciidankoodu uga gudbeen Jig-jiga iyo
Kaaraa-mardha. Iyada oo sheekooyinka Dagaalkii
Ogaadeenya ay tahay hanti dhaxl-gal ah oo ay
umaddu leedahay, ayaa si gaar ah, dagaalkii
Jig-jiga wuxuu yahay mid loo qiimayay heer
caalami. Waa ay haboonaan lahayd in si buuxda
looga sheekeeyo si ay u dhaxlaan facaha
ayaan-darradu heshay ee ku garaadsaday Soomaalidan
lumisay qadarintii ummadeed iyo tii aadaminimo ee
la il-daran dac-darrada, saboolnimada iyo colaadda
sokeeye.
Dagaalka ka
dhacay magaaladan iyo buuraha ka dambeeya, wuxuu
ahaa dagaalkii ugu cuslaa oo ay labada ciidan isku
arkaan. Bal waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay
dagaalka ugu qallafsan ee soo maray taariikhda
qaaradda Afrika. Wuxuu ahaa dagaal ay isku
tijaabiyeen askariga Soomaaliyeed iyo askariga
Itoobiya. Maamulkii Itoobiya wuxuu ku soo ururshay
degmadan ciidankii uu ugu tala-galay in ay
difaacaan gebi ahaan gobolka Ogaadeenya. Laakiin
waxaa qorshahoodii beeniyay ciidamo u hinqaday
xilkii ummadeed, kana run sheegay.
Jeneraal Yuusuf
Axmad Salxaan,
oo ahaa hoggaamiyihii ciidamada Soomaaliyeed,
wuxuu ka sheekeeyay, in uu u doortay barta
hoggaanka weerarka, meel la yiraahdo Haadow, oo
Jig-jiga u jirta 7 km. Taasina waxay ka danbeysay
markii uu sahan ku kormeeray dhulka ku hareeraysan
fariisimaha cadowga. Ciidanka Itoobiya, saldhigga
ugu weyn oo ay degmada ku lahaayeen wuxuu ku yiil
meel magaalada 2 km. ka baxsan oo dhanka buurta
Garab-case ka xigtay. Godad dhufeesyo ah ayay
ciidamadu ku jireen. Dhibaatada Soomaalida
markasta haysatay waxay ahayd ciidankooda iyo
qalabka ay wateen oo ahaa mid meel bannaan ka soo
weerartamaya. Saraakiisha hor kacayay ciidamada
Soomaaliyeed, waxay ogaayeen in ay wax badan
hurayaan haddii ay doonayaan in ay ka guuleystaan
cadowgan ku weegaaran magaalada iyo buuraheeda.
Waayo hanka ay ku socdeen wuxuu ahaa mid ka
sareeyay Jig-jiga oo la xoreeyo. Bal waxay
doonayeen in ay gobolka gebi ahaan ka kiciyaan
cadowga ku haysta xaq-darada.
"
Qorshaha aanu Jig-jiga ku weerarnay wuxuu ahaa mid
la xiriiray weerarka buuraha Kaaraa-mardha iyo
degmada Harar. Sidaa darteed ayaa weerarka
Jig-jiga iyo kuwii ka danbeeyay waxay ahaayeen
qorshe mar qura la dejiyay, laakiin
howl-galladooda ayaa kala horeeyay "
(Waxaanu
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay
Jeneraal
Yuusuf Axmad Salxaan. 20/
4- 2004.
Filadelfia -
USA).
Ciidamada
Soomaalidu waxay ka koobnaayeen shan guuto. Waxaa
kala hoggaaminayay
G/
Dh. Cabdiraxmaan Caare,
G/ Dh. Cali Ismaaciil,
G/ Dh. Xaashi Cal,
G/ Dh. Jaamac Green,
G/ Dh. Naaji Qaasim.
Waxaa weheliyay guuto isugu jidhay taangiyo iyo
gawaari gaashaaman.
Kaddib
markii ciidamadii Soomaaliyeed ay fariisteen
goobihii ay weerarka ka bilaabi lahaayeen, ayaa
dagaalkii wuxuu bilowday aroornimadii ay
taariikhdu ahayd 24/
8- 1977-kii. Wuxuu ku bilowday hubka jugta weyn ee
ah madaafiic iyo dayuurado. Weerarkaasi wuxuu
bilowday, iyada oo ururadii ciidamada
Soomaaliyeed, marka laga reebo intoodii kaydka
ahayd, ay hor fadhiyeen dhufeesyadii degmada laga
difaacayay. Dabadeed isla-maalintaas waxaa soo
dhaqaaqay ciidan hal guuto ah oo uu hoggaaminayay
Cali
Ismaaciil.
Ciidanka guutadan ayay ahaayeen kuwii bilaabay
weerarka.
"
Weerarkii hore ee Jig-jiga, waxaa ka qeyb-qaatay
saddex guutooo dirarta iyo laba guuto oo kayd
ah.Waxaa weheliyay guuto qalabaysan. Guutada
weerarka bilowday waxaa hoggaaminayay
Cali
Ismaaciil
oo isagu ka soo weeraray magaalada dhanka
Qabri-dahare. Waxaa dagaalka bilaabay labo urur oo
kamid ahayd saddexda urur oo uu hoggaaminayay.
Ururka saddexaad, gadaal ayuu ka socday. Dhanka
buurta Garab-case ayay weerarka ka soo bilaabeen.
Waxayna la soo beegteen saldhiggii ugu weynaa oo
cadowga uu ka difaacayay magaalada "
(Waxaanu
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay
Jeneraal
Yuusuf Axmad Salxaan. 20/
4- 2004.
Filadelfia -
USA).
Qaab-dhismeedka dhulka ku hareereysan magaalada,
wuxuu ahaa mid u hiilinayay ciidamada cadowga.
Magaalada waxaa ka sokeeya dhul deexo ah oo
bannaan oo aanan lahayn gabbaad.
G/
S. Daahir Aadan
(Indha-qarsho)
oo
arintaa ka waramaya wuxuu yiri :
" Meel 10 km inoo jidha ayuu cadowgu naga
arkayay. Waayo dhulka ka sokeeya Jig-jiga waa dhul
bannaan oo xilli-roobaadka lagu abuurto galley iyo
masaggo. Dhir aanan ahayn geedahaas la beertay
kuma yaaliin. Meel ku qarisa oo gabbaad ah
malahan. Waxaa intaa dheer, maalintiina waa kuleyl
daran, habeenkiina waa qabow siyaado ah. Cimilada
caynkaas ah, ciidanka badidood uma diyaarsanayn
". (Waxaanu
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/
S. Daahir Aadan Indha-qarsho.9/ 5- 2004.
Minneapolis - USA.).
Dagaalkaas
bilowmay waxaa xigay dagaallo goo-goos ah oo ka
bilowday aagaggii kale oo ay ciidamadu isku hor
fadhiyeen. Saddex cisho ayay qaadatay in
ciidamadii Itoobiya lagaga kiciyo dhufeesyadii
hore oo ay difaaca kaga jireen. Markaasaa waxay
difaac ka galeen dhufeesyo ka sokeeya magaalada.
Guutadii qalabaysnayd ayaa markaas waxay bilaabeen
in ay qaadaan weerar hujuum ah. Sidoo kale
ciidankii cadowga ayaa iyaguna aagga difaaca hore
waxay soo dhigeen taangiyo iyo qalab kale oo
culus. Waxaa halkaas ka dhacay dagaal lagu diriro
taangiyo kii ugu weynaa ee soo mara taariikhda
dagaallada qaaradda Afrika. Ciidanmadii
Soomaaliyeed is-maqiiq iyo is-miidaamin geesinimo
weheliso ayay ku galeen dagaalka, taas oo
la'aanteed eeyan u suuro-gasheen in ay gaaraan
guusha taariikhiga ah oo ay ka soo hoyeen
dagaalkaas.
Is-miidaansha
saaka aad gubteen mariya deerkiise
Magowdaye
haddaan Eebaheen naga madoobeynin
Libta iyo
inaanu maadsannaa waa inoo madale
Inaga maaha
fulay meersada oo dib u majiirtaaye
Makhribkii
inoo weerar iyo mowjad kicis weeye
Saqda maax
gudoodiga dhulkaan mee is-niri weeye
Intaan
milicdu soo bixin durbaba gaar maddada weeye
Ku madkeeya
shiin iyo madane oo mar-mari weeye
Maaleeye
dhiig kaga quba oo goo majaha weeye
Miciyaha
inaan kaga ridnaa qoom mindi leh weeye
Midka fiiga
daayoo inaan murugsanaa weeye
Mas liq yiri
biciid weyn sidii how mergado weeye
Gorayadu
muriyaddey cuntoo sow matagi weeye
Musuqa iyo
waxay maasuqeen oo mag-dhabi weeye
Maatadana
gushii la helo uga madiix weeye
Ha midowdo
Soomaalidii kala maqnayd weeye
Saadiq Enow