|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXV-aad

Dr Enow

 

MiG - 21 Dayuuraddii ugu cuslayd

Soomaaliya waxay u bareertay in ay xooggeedii oo idil ku wajahdo xuduudda, iyada oo aanan wax keyd ah reeban. Doonka ay madaxda Soomaaliyeed daba taagnaayeen, wuxuu ahaa mid xaq ah oo dhulkoodii ka maqnaa ayay baadi-goob ugu jireen. Taasna waxay kalsooni buuxda kaga haysteen dad-weynaha ay talada u hayeen. Laakiin nuqsaan baa jidhay ahayd in eeyan ku baraarugsanayn dabinka hor-daadsan ummaddooda iyo cadaawaha badan oo jecel in ay ku hoobtaan. Iyaga oo aanan dareen qabin bay markaas cagta saareen mashaqadii iyo meereysatadii Dagaalkii Qaboobaa. Waa muuqatay haddii si wanaagsan looga fekeri lahaa amaba talada la dhex dhigi lahaa waayeelkii umadda u hana-qaaday, inaanan lagu deg-degeen go'aankan qallafsan ee cawaaqibtiisii eeyan mahadin facii xilligaa noolaa iyo kuwii ka danbeeyay. Ku urursanaanta taladii dalka aqal hal nin fadhiyo iyo durbaankii  dhiirri-gelinta ahaa oo ay tumayeen dowladaha shisheeye ayaa waxay ahaayeen laba qodob oo dirqinayay in dalku uu ku hoobto godkaas taariikheed. Marka laga yimaado waayeelkii calamada u ahaa siyaasadda dalka, xilliga madaxweynaha Soomaaliyeed uu qaatay go'aanka dagaalka, saraakiishii waaweynaa ee isaga la da'da ahaa, waxay ahaayeen kuwo  laga fogeeyay fagaaraha laga hagayay xirfaddii lagu hoggaaminayay dagaalka. Inkasta oo madaxweyne Maxamad Siyaad iyo maqaawiirtaas la da'da ah ay aqoontoodu ahayd mid biliis ah, misana khibrad iyo waaya-aragnimo ay la wadaagaan ayay ku kordhin lahaayeen geeddi-socodka mashruucan halista ah, haddii talo la weydiin lahaa. Ragga saraakiisha sare ahaa oo iska-lahaa mudnaanta ummadeed, in xilligaas ay talada qeyb ku yeeshaan, kuwooda ugu darajada sareeyay waxaa kamid ahaa : 

Jeneraal Maxamad Abshir Haamaan, wuxuu ku xirnaa xabsiga Labaatan Jirow

Jeneraal Cabdullaahi Maxamuud Hoolif, wuxuu ku xirnaa xabsiga Labaatan Jirow 

Jeneraal Maxamad Cali Mire, wuxuu ahaa maareeyaha wershaddii caanaha.

Jeneraal Cismaan Sabriye Sokorow, wuxuu odey ka ahaa xafiiska xaq-siintaJeneraal Jaamac Aw-Muuse, wuxuu odey ka ahaa wakaaladda ENC

Jeneraal Cali-Xaashi Barre Cilmi, wuxuu ahaa maareeyaha dekadaha

F-5 Dayuurad kamid ah kuwii ay Itoobiya ku dagaalameen

Haddii aanu milicsano isu dheelli-tirka labada ciidan xilligaa uu dagaalku bilaabanayay, waxaa inoo muuqanaya in  itaalka labada dowladood uusan si cayilan u kala fogeen. Cududda ciidamada Soomaalidu waxay markaas tiradoodu ahayd 23.000 oo askari iyo saraakiishoodii. Iyagu waxay lahaayeen tababar iyo anshax ciidan ee sareeyay. Waxay ahaayeen ubax iyo miro ka dhashay tallaal ay Soomaalidu si wadajir ah u abuureen gobanimadii dabadeed, iyaga oo markaas niyadda ku hayay in xooggan uu maalin u istaago soo dhicinta gobolladii oo gumeysigu faqooqay. Ciidamada Soomaaliyeed waxay astaan u ahaayeen hooshaarka iyo isla-weynida ummadeed oo Soomaalida u dhaqanka ahaa. Waxay ahaayeen cudud uu sokeeye iyo shisheeyeba ka heybeesto. Tiradaas aanu xusnay waxaa weheliyay ciidan jabhad ah oo laga qoray gobolkii laysku haystay, kuwaas oo marka laysu geeyo tiradoodu ay ku dhowayd tirada guud ee ciidanka rigliga ahaa. Waxaa kale oo jirey 15.000 oo muddadii uu dagaalku socday laga soo ururiyay mu’asasaadkii dowladda iyo beelaha reer miyiga ah. Ciidankan ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu gufeeyo meelihii bannaanaaday.

Qoriga madfaca D – 30

Ciidamada Itoobiya waxay ahaayeen kuwo ka da' weynaa, kana tira badnaa ciidamada Soomaaliya. Iyagu kama eeyan anshax iyo kala-danbeyn liidan Soomaalida. Waxay ahaayeen kuwo leh taariikh fog oo ay isku dhisayeen. Dhismaha casriga ah ee ciidankan wuxuu la bilowday damacii ay qowmiyadaha la deriska ah kaga boobeen dhul iyo hanti badan.  Muddadaas oo qarni ku dhow ayaa waxay heleen hub iyo tababar ciidameed oo casri ah. Dowlado badan ayay ka helayeen kaalmo ay cududeystaan. Waxaa ugu weynaa kaalmada ay ka heleen dowladda Mareekanka. Tan iyo sanadkii 1952-kii, Mareekanku wuxuu u fidiyay dowladda Itoobiya kaalmo ciidan oo gaaraya in ka badan, wadajir, kaalmada ciidan oo ay muddadaas siiyeen dhammaan dowladaha Afrikada madow. Saraakiisha iyo askarta Itoobiya ee wax ku soo bartay dalka Mareekanka waxay xilligaas gaarayeen 25.000. Tirada ciidamada rigliga ah ee Itoobiya, intii ka horeysay dagaalkii ay jabhaduhu bilaabeen, waxay dhamaayeen 55.000 oo nin. Laakiin muddadii uu dagaalku socday, laba jeer ayaa waxaa tababar uga soo baxay ciidan maaleeshiyo ah, kuwaas oo markii laysku daro, tiradoodu ay ku dhowdahay 400.000 oo nin. Ciidankaas waxaa laga soo ururiyay qoysaska beeralayda ee saboolka ah. Inkasta oo dalka ay colaad kale  kaga furayd dhanka Eriteriya, misana ciidankan xooggiisii wuxuu ka dagaal galay fagaarihii ay kula legdamayeen Soomaalida. 

Ciidamada Soomaalida waxay ku qalabeysnaayeen aalado casri ah, kaas oo tayadooda kor u dhigay. Hubkaas iyo aqoontiisuba waxay ahaayeen kuwo ku cusub dalka iyo dadkiisa. Qalabka ay Soomaalidu haysteen waxaa kamid ahaa 250 taangi oo noocoodu uu isugu jirey   T-34, T- 54 iyo T- 55. Waxaa u weheliyay 300 oo gawaari gaashaaman (BB). Markii qalabkaas laysku daro, wuxuu ku laba-jibbaar mayaa taangiyadii iyo gawaaridii gaashaannaa ee Itoobiya ay haysatay dagaalka bilowgiisii. Soomaalidu waxaa kale oo ay lahaayeen laba urur oo difaaca cirka ah. Waxaa u weheliyay saddex guuto oo madaafiicda goobta ah. Madaafiicdu waxay u qeybsanaayeen 30 urur-dagaaleed. Tayada hubkaas oo ahaa mid milgo culus, ayaa waxaa kor u sii qaadayay tayada askariga Soomaaliga iyo hanka uu ku doonayay baadida ummadeed ee ka maqan. Madaafiicda ay Soomaalidu ku weerartameen waxaa ugu hilan cuslaa nooca Da- 30. Waa qori casri ah oo sancadiisu tahay sanadihii 60-aadkii. Gumuca qorigaasi waa 122 mm. Waxaa ka dhaca qarxe sare oo culeyskiisu yahay 21.76 kg. Xowliga xabaddiisa waa 690 meter/ il-biriqsi. 

Ciidamada Itoobiya, waxaa tayo u yeelayay qaabka difaaca oo ay u fadhiyeen. Iyagu maahayn ciidan weerar ah, sidaa darteed waxay lahaayeen hub difaac oo wanaagsan. Waxay haysteen hub u badan qoryaha jiibabka ka dhaca, kuwaas oo ciidanka cagta iyo taangiyada lagula diriro. Hubkaas oo Soomaalida eeyan la socon markay weerarka qaadayeen, waxay ula baxeen Waaqle. Madaafiicda ay haysteen iyo askarta ku diriraysay, waa ay ka tiro iyo tayo liiteen kuwa Soomaalida. Laakiin sida aanu arki doonno, muddadii uu dagaalku socday, waxaa si xooggan isu beddelay dheelli-tirkii tirada askarta iyo qalabka labada xoog ee dirirayay.  

Xagga ciidanka cirka, Soomaalidu waxay haysteen 52 dayuuradood oo ay ciidamadu lahaayeen. Ciidankan oo ahaa mid curdan ah ayaa waxaa si rasmi ah loo asaasay 1963-kii. Markaas dagaalku bilaabanayay noocyada dayuuradaha ay haysteen waxay ahaayeen 14 dayuuradood oo ah MiG 17, kuwa lagu dagaalamo. 24 dayuuradood oo ah MiG-21 BFs iyo MiG 21 UMs. Nooca dayuuradahan danbe waa kuwa codkooda ka dheereeya ee lagu weerartamo. Waxaa u weheliyay 10 dayuuradood oo kuwa xamuulka ah oo noocoodu yahay Il-28s iyo dhowr ah kuwa qumaatiga u kaca oo la yiraahdo Mi-8. Dayuuradaha bambooyinka xambaara ee sancada Ruushka ah, waxay haysteen 2 qura oo noocoodu yahay Il-29s. Sida caadadu tahay, dayuuradaha dagaalka, 10-kii sanoba mar baa lagu celiyaa wershadihii soo saaray oo la cusboonaysiiyaa. Dhamaan Mig 17-kii ay Soomaalidu lahayd waa toban jirsadeen. Markaasaa inta la furfuray baa waxaa lagu celiyay wershadohoodii. Iyaga oo la soo hagaajiyay oo markaas dalka ku soo laabtay ayuu dagaalku bilowday. Waxaa kale oo markaas cusbaa dayuuradaha MiG 21 oo Soomaalidu ay ka heleen dowladdii Soofyeetiga. Inkasta oo dayuuradahan ay ahaayeen kuwo dagaalka door ka qaatay, misana inta badan saraakiishii ku duulayay waxay ahaayeen rag dhallinyaro ah oo sanado kahor dalka ku soo laabtay. (Waxaan ka soo xiganay G/ S. Duuliye Yuusaf Maxamad Maxamuud. 27/ 7- 2005. Copenhagen - Denmark). 

Ciidanka cirka Itoobiya, waxaa la asaasay 1929-kii. Dayuurado casri ah waxay heleen sanadkii 1966-kii. Waxaa markaas soo gaaray qeybtii ugu horeysay dayuuradaha farsamada qallafsan ee lagu dagaalamo ee la yiraahdo F-5. Sanadkii 1970-kii waxay haysteen 10 dayuuradood oo noocoodu yahay F-5 As iyo F-5 Bs, kuwaas oo ay ka heleen dalka Mareekanka sanadkii 1966-kii. Waxaa kale oo soo gaaray intaanan dowladdii boqorka la afgembin 6 dayuuradood oo noocoodu yahay F-86s. Waxay ka heleen boqorkii Iiraan Shaah Maxamad Ridaa Bahlaawi, kaas oo boqor Xayle Selaesse u hadiyeeyay. Waxay kaloo haysteen saddex dayuuradaha wax bambeeya ee loo yaqaan Canbera B-52. Waxaa u diyaarsanaa in loo soo dhoofiyo 14 dayuuradood oo kale, kuwaas oo noocoodu yahay F-5 Es, 3 ah F-5Fs, 12 A-37 Bs iyo 15 Cessna 310 ah. Afgembigii dalka ka dhacay ayaa sababay in ay ka hakadaan dayuuradahaas. Dhaawaca uu afgembigan gaarsiiyay ciidankii cirka ee Itoobiya intaa kuma ekaan ee wuxuu laayay duuliyayaal qiimo u lahaa ciidankan. Waxaa kamid ahaa Jeneraal Amha Desta iyo Jeneraal Fanta Belai, oo labaduba ahaa duuliyayaal magac ku lahaa ciidankan.  

Markuu dagaalku ka dhex dillaacay Soomaaliya iyo Itoobiya, dhaawacaas waxaa buuxiyay hiillo hagar la’aan ah oo Itoobiya ay ka heshay dowladaha carri-edeg. Waxaa safka hore kaga jirey dowladda Israa’iil. Hoggaamiyaha Itoobiya Mengistu Xayle Mariam, bishii juun 1977-kii ayuu la dhigtay dowladda Israa’iil heshiis ah in dalkiisa ay ka taakuleeyaan dhismaha ciidanka cirka. Waxaa heshiiska ku jirey ballan-qaad ay Israa’iiliyiintu u fidiyeen Itoobiya oo ah in ay siinayaan dhowr dayuuradood oo noocoodu yahay F-5As. Heshiiskaas wuxuu mira dhalay bil dabadeed, markaas oo raggii la soo tababaray iyo dayuuradihiiba ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka socday gobolka (Air Combat Information Group. Ogaden War 1977. Tom Cooper. 2/ 9- 2003).  

Bartamihii bisha julay, wakaaladda REUTER ayaa kamid ahayd wakaaladaha shaaca ka qaaday khabarkan.  

" Wakaaladdu waxay caddaysay in dayuurado ay leedahay dowladda Israa’iil, ay si is daba-joog ah uga soo degayaan gegida dayuuradaha ee Addis-ababa. Sida ay wakaaladdu sheegtay, dayuuradahaas, waxaa si deg-deg badan loo gelinayay dayuurad-galeenada garoonka Addis-ababa. Halkaasi waxaa lagu qarinayay khuburada iyo hubka ay dowladda Irsraa’iil ku taakulaynayso Itoobiya ".  (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 24/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow). 

Duuliyayaasha ciidanka cirka ee Itoobiya waa ay ka da' weynaayeen kana khibrad badanaayeen duuliyayaasha Soomaalida. Duuliyayaasha Itoobiya waxay muujiyeen gacan sareyn muddadii uu dagaalku socday. Maahayn khibradda ay dheer yihiin oo keliya sababta gacan sareynta. Bal waxaa jirey khubaro shisheeye ah oo ku duulayay dayuuradaha Itoobiya, kuwaas oo dagaalka ka qeyb qaatay. Qoraallada ay shisheeyuhu ka sameeyeen dagaalkan, waxaad ku arkaysaa tilmaamo ay ku xusayaan duuliyayaal shisheeye ah oo ka dagaalamayay dhanka Soomaaliya. Waxaan halkaan ku caddeenaynaa in uusan jirin nin qura oo shisheeye ah oo dhanka Soomaalida ka socday, kaas oo ka qeyb-qaatay xurguftii dagaalka. Saraakiisha ciidanka cirka ee aanu waraysanaya waxay inoo sheegeen khuburo carab iyo Bakistaan ah ayaa Soomaaliya yimid markii uu dagaalku joogsaday. 

Saraakiisha ciidanka cirka ee Soomaalida intooda badan waxay ahaayeen dhallinyaro dugsiyada sare ka baxay bilowgii sanadihii 70-aadkii. Waxay u badnaayeen da’yar  darajadooda ciidan eeyan dhaafsiisnayn Laba Xiddigle iyo Dhamme. Waxaa kale oo duuliyayaasha Itoobiya gacan siiyay dhulka lagu dirirayay oo ahaa dhul ay si wanaagsan u yiqiineen qaab dhismeedkiisa. Laakiin kuwa Soomaalida, fursaddaas ma eeyan helin. Iyagu inteeyan weerarka u soo duulin ayay kaartada fiirsadaan. Aqoonta dhulka ay ka dagaalamayaan, xoogaagaas ay soo eegteen ayuu ahaa. Waxaa intaas ka cuslaa aqoonta ay kala yimaadeen dalka Ruushka oo ka muuqatay hagar-bax la’aan. Iyagu maahayn kuwo la baray duulista gaaban ee dhulka ku dhow, taas oo dayuuradda ka badbaadinaysa isha raadaarka iyo dabka ciidanka cadowga.

Sida aanu soo xusnay duulaankan culus, waxaa ka horeeyay weerarro googoos ah oo socday tan iyo bartamihii bisha julay. Waxaa howshaas garab socday in dayuuradaha dagaalka ee Soomaaliya ay xagga hawada ka ishaa-falataysanayeen fariisimaha cadowga uu ku lahaa goobahan weerarku ku wajahnaa. Godey waxaa u kacayay dayuuradaha fadhiyay gegida Balli-doogle. Dayuuradaha ka soo kacayay gegid Hargeysa, iyaguna duulimaadkooda wuxuu ku wajahnaa degmooyinka ku beegan xuduudda waqooyi. Waxaa jirey raadaar culus oo casri ah, kaas oo ciidamada Itoobiya u yiilay buur ku dhow Jigjiga. Wuxuu awood u lahaa in uu la socdo duulimaadka dayuuradaha Soomaalida, iyaga oo weli ku sugan xuduudda Soomaaliya. Dagaalka bilowgiisii, Soomaalida lama eeyan socon in uu raadaar yaalo degaankaas. Sidaa darteed ayuu caqabad ku noqday howlihii ay dayuuradaha Soomaalidu ka fulinayeen degaanka.

Marka la doonayo in howl-gallada ciidanka cirka wax laga xuso, waxaa ayaan-darro ah in eeyan jirin qoraallo loo noqdo oo ay reebeen qeybaha ciidamadii Soomaaliyeed. Aqoonyahannada Itoobiya iyo saraakiishooda oo wax badan ka qoray dagaalkan ayaa qoraalladooda waxay yihiin kuwo aanan looga maarmin wax ka dhihidda dagaalkii Ogaadeenya. Laakiin iyaguna been badan ayay ku xuseen. Tusaale, waxay sheegaan in markay taariikhdu ahayd  16/ 7- 1977-kii, goor aroornimadii ah, raadaarkii Jigjiga  uu sheegay afar dayuuradood oo Soomaalidu leeyihiin oo ku soo socda magaalada Harar. Dayuuradahaas noocoodu wuxuu ahaa MiG 21 BFs. Waxaa markaas hawada ku jiray laba dayuurad oo noocoodu ahaa F-5As. Waxaa waday laba duuliye oo u dhashay dalka Israa’iil. Iyagu waxay jitaabo ku hayeen dayuuradaha. Si lama filaan ah ayay isu arkeen. Dagaal hawada ku dhex-maray dabadeed, laba kamid ah dayuuradihii Soomaalida waxaa lala helay dabkii ka dhacayay dayuuradaha cadowga. Labadii kale iyaga oo baxsad ah ayay isku dheceen. Waxaa halkaas lagu soo riday afartii dayuuradood oo Soomaalisu lahaayeen.

 

Waxaanu arintaas ka wareysanay G/ S. Yuusuf Maxamad Maxamuud (Yuusuf-yare) oo kamid ahaa duuliyayaashii Soomaalida ee ku diriray MiG 21. Wuxuu yiri sidan:

 

" Inkasta oo aanan wax qoraal ah hayn, misana tirada dayuuradaha aanu lahayn waanu ognahay. Waxaa kale oo aanu ognahay tirada nalaka soo riday iyo kuwa ay duuliyayaashii waday ka boodeen. Haddaba ma jirin xilli ay Itoobiya afar dayuuradood goob qura nooga soo ridday " (Waxaan ka soo xiganay G/ S. Duuliye Yuusaf Maxamad Maxamuud. 27/ 7- 2005. Copenhagen - Denmark). 

Isla xilligaas oo ahayd bartamihii bisha, Soomaalida, waxay inta badan dayuuradeheedii ku ururisay gobolka waqooyi galbeed. Ka sokow saldhiggii ay ku lahaayeen gegida dayuuradaha ee Hargeysa, waxay adeegsadeen gegi sir u ahayd ciidanka oo 30 km. ka baxsan magaalada. Gegidaaas ayaa loogu magac daray sarkaal duuliye ahaa oo la yiraahdo Daahir Kulane. Wuxuu kamid ahaa uuliyayaashii ugu horeeyay ee Soomaaliya. Dayuurad ayaa Xamar kula dhacday sanadkii 1965-kii.

 Dayuuradaha Soomaalida, waxaa kale oo ay degeen garoonkii Berbera oo dhismihiisii uusan weli si buuxda u dhamaan. Taasina waxay kamid ahayd arimihii ay ka caroodeen khuburadii Ruushka ee dalka ku sugnaa. Iyaga waxaa markaas u muuqatay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in weerar xooggan ay ku qaaddo Itoobiya. Waxaa u muuqatay aragtida qowmiyadeed iyo dhiig-wadaaggu in ay tahay mid aanan la miisaan ahayn aragtida siyaasadeed oo ay dowladuhu sheegtaan in ay ku dhaqmayaan.

Iyada oo dheelli-tirkii labada ciidan uu sidaas yahay ayaa saraakiishii calamada u ahaa ciidamada Soomaaliya iyo askartoodii ay bilaabeen howl-gallo dagaal oo ka duwan kuwii horey loogu jirey. Tayada iyo tirada ay markaan  ku socdaan waxay ahayd mid wax ku ool ah. Ciidamadaas baxayay waxay ahaayeen kuwo say u kala taya wanaagsanaayeen loo kala hor-mariyay. Ujeeddadu waxay ahayd in dharbaaxada hore ay noqoto mid kulul oo cadowga uu la indha-gubto. Waxaa la doonayay arintaasi in ay wax-tar u yeelato socodsiinta mashruuca duulaanka. Xilliga dowladdii Soomaaliyeed ay qaadatay go'aanka caynkaas ah, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay xilliga uu dagaalku yeeshay muuqaalkii lagu yiqiin dagaallada dhex-mara dowladaha.  

Sidaan horey u xusnay, weerarka Soomaalida wuxuu markaan ku wajahnaa afartii degmo oo horey loogu fashilmay qabashadooda. Laba guuto oo uu hoggaaminayay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan waxay u baxeen Dhagax-buur. Waxaa uga kala hooseeyay G/ S. Cabdiraxmaan Caarre iyo G/ S. Cali Ismaaciil. Guuto u kacday Wardheer waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Xaashi Cali Jimcaale. Laba guuto oo u kacay Qabri-daharre waxaa kala hoggaaminayay G/ S. Maxamad Cali Abokor iyo G/ S. Cabdi Cismaan Shaalle. Qeybtii fadhiday Baydhabo oo uu odeyga ka ahaa G/ S. Abuukar Aftoje, waxaa ka baxay guuto hor leh oo lagu xoojiyay guutadii fadhiday Godey agagaarkeeda oo uu odeyga ka ahaa G/ Dh. Cabdullaahi Cirro.  

Galleyr baa adduunyada ka ciyay gebi ahaanteede

Gooyaha dabeyl baa ka timid gees la eegobae

Galowguba colaad buu arkaye gama' ma diideene

Gabbalkii dhacaa waa beryaa iman gadaashiiye

Waxaan uga golleeyahay dadkii lagu gabraaraayay

Ee gacanta lagu haysan jirey waa ka geylamaye

Soomaalida galbeedey waxaan idin ku guubaabshay

Cadow kaa gu weyn oo wax badan gogosha kuu jiifay

Waakaad guyaal iyo guyaal gubi lahaydeene

Gibilkiinu  waakay  sidii  geel  u  rarayeene

Waa kay gumaadeen raggii geydida ahaaye

Waa kay gurbeys iyo caruur gowrac mariyeene

Imminkaa xaqii gaaxsanaa soo gadaal baxaye

Guntiga isku xira maanta waad gacan sareysaane (M. M. Firin)

 

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.