 |
| MiG
- 21 Dayuuraddii ugu cuslayd |
Soomaaliya waxay u bareertay in ay xooggeedii oo idil
ku wajahdo
xuduudda, iyada oo aanan wax keyd
ah reeban. Doonka
ay madaxda Soomaaliyeed daba taagnaayeen, wuxuu ahaa mid xaq ah oo dhulkoodii
ka maqnaa ayay
baadi-goob ugu jireen. Taasna waxay kalsooni buuxda kaga haysteen
dad-weynaha ay talada
u hayeen. Laakiin nuqsaan baa jidhay ahayd in eeyan ku baraarugsanayn dabinka hor-daadsan ummaddooda iyo cadaawaha badan oo jecel in ay ku hoobtaan. Iyaga
oo aanan
dareen qabin bay markaas cagta saareen
mashaqadii iyo
meereysatadii Dagaalkii Qaboobaa. Waa muuqatay
haddii si
wanaagsan looga fekeri lahaa amaba
talada la dhex
dhigi lahaa waayeelkii
umadda u hana-qaaday,
inaanan lagu deg-degeen go'aankan qallafsan ee cawaaqibtiisii eeyan mahadin facii
xilligaa noolaa
iyo kuwii ka danbeeyay.
Ku urursanaanta taladii
dalka aqal hal
nin fadhiyo
iyo durbaankii dhiirri-gelinta ahaa oo ay tumayeen
dowladaha shisheeye
ayaa waxay ahaayeen
laba qodob
oo dirqinayay in dalku uu ku
hoobto godkaas
taariikheed. Marka laga yimaado waayeelkii
calamada u ahaa
siyaasadda dalka, xilliga madaxweynaha Soomaaliyeed uu qaatay go'aanka
dagaalka, saraakiishii
waaweynaa ee isaga
la da'da
ahaa, waxay ahaayeen
kuwo
laga fogeeyay fagaaraha
laga hagayay
xirfaddii lagu hoggaaminayay dagaalka. Inkasta oo madaxweyne
Maxamad Siyaad iyo
maqaawiirtaas la da'da ah ay aqoontoodu
ahayd mid biliis
ah, misana khibrad iyo waaya-aragnimo ay la wadaagaan ayay ku kordhin lahaayeen
geeddi-socodka mashruucan
halista ah, haddii talo la weydiin lahaa. Ragga saraakiisha
sare ahaa
oo iska-lahaa mudnaanta
ummadeed, in xilligaas
ay talada qeyb ku
yeeshaan, kuwooda
ugu darajada sareeyay
waxaa kamid
ahaa :
Jeneraal Maxamad Abshir Haamaan, wuxuu ku
xirnaa xabsiga
Labaatan Jirow
Jeneraal Cabdullaahi Maxamuud Hoolif, wuxuu ku
xirnaa xabsiga
Labaatan Jirow
Jeneraal Maxamad Cali Mire, wuxuu ahaa maareeyaha wershaddii caanaha.
Jeneraal Cismaan Sabriye
Sokorow, wuxuu
odey ka ahaa
xafiiska xaq-siintaJeneraal Jaamac Aw-Muuse,
wuxuu odey ka ahaa
wakaaladda ENC
Jeneraal Cali-Xaashi Barre Cilmi, wuxuu ahaa
maareeyaha dekadaha
 |
| F-5
Dayuurad kamid ah kuwii ay Itoobiya ku dagaalameen |
Haddii aanu
milicsano isu
dheelli-tirka labada ciidan xilligaa uu dagaalku bilaabanayay,
waxaa inoo
muuqanaya in itaalka labada dowladood uusan si cayilan u kala
fogeen. Cududda
ciidamada Soomaalidu waxay markaas tiradoodu
ahayd 23.000 oo
askari iyo saraakiishoodii.
Iyagu waxay
lahaayeen tababar iyo anshax ciidan
ee sareeyay.
Waxay ahaayeen ubax iyo miro
ka dhashay tallaal
ay Soomaalidu si wadajir
ah u abuureen gobanimadii
dabadeed, iyaga oo markaas niyadda
ku hayay
in xooggan uu maalin
u istaago soo
dhicinta gobolladii oo gumeysigu faqooqay.
Ciidamada Soomaaliyeed
waxay astaan u ahaayeen hooshaarka iyo isla-weynida ummadeed oo Soomaalida
u dhaqanka ahaa.
Waxay ahaayeen cudud uu sokeeye
iyo shisheeyeba
ka heybeesto. Tiradaas aanu xusnay waxaa
weheliyay ciidan
jabhad ah oo laga
qoray gobolkii
laysku haystay, kuwaas oo marka
laysu geeyo
tiradoodu ay ku dhowayd tirada guud ee ciidanka
rigliga ahaa.
Waxaa kale oo jirey
15.000 oo muddadii
uu dagaalku socday
laga soo
ururiyay mu’asasaadkii dowladda iyo beelaha
reer miyiga
ah. Ciidankan ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu gufeeyo
meelihii bannaanaaday.
 |
|
Qoriga
madfaca D – 30 |
Ciidamada Itoobiya waxay ahaayeen kuwo ka da' weynaa, kana tira badnaa ciidamada
Soomaaliya. Iyagu
kama eeyan anshax iyo kala-danbeyn liidan Soomaalida.
Waxay ahaayeen kuwo leh taariikh fog oo ay isku
dhisayeen. Dhismaha casriga ah ee ciidankan wuxuu
la bilowday damacii ay qowmiyadaha la deriska
ah kaga boobeen dhul iyo hanti badan.
Muddadaas oo qarni ku dhow ayaa waxay heleen
hub iyo tababar ciidameed oo casri ah. Dowlado
badan ayay ka helayeen kaalmo ay cududeystaan.
Waxaa ugu weynaa kaalmada ay ka heleen dowladda
Mareekanka. Tan iyo sanadkii 1952-kii, Mareekanku
wuxuu u fidiyay dowladda Itoobiya kaalmo ciidan
oo gaaraya in ka badan, wadajir, kaalmada ciidan
oo ay muddadaas siiyeen dhammaan dowladaha Afrikada
madow. Saraakiisha iyo askarta Itoobiya ee wax
ku soo bartay dalka Mareekanka waxay xilligaas
gaarayeen 25.000. Tirada ciidamada rigliga ah
ee Itoobiya, intii ka horeysay dagaalkii ay jabhaduhu
bilaabeen, waxay dhamaayeen 55.000 oo nin. Laakiin
muddadii uu dagaalku socday, laba jeer ayaa waxaa
tababar uga soo baxay ciidan maaleeshiyo ah, kuwaas
oo markii laysku daro, tiradoodu ay ku dhowdahay
400.000 oo nin. Ciidankaas waxaa laga soo ururiyay
qoysaska beeralayda ee saboolka ah. Inkasta oo
dalka ay colaad kale
kaga furayd dhanka Eriteriya, misana ciidankan
xooggiisii wuxuu ka dagaal galay fagaarihii ay
kula legdamayeen Soomaalida.
Ciidamada Soomaalida waxay
ku qalabeysnaayeen aalado casri ah, kaas oo tayadooda
kor u dhigay. Hubkaas iyo aqoontiisuba waxay ahaayeen
kuwo ku cusub dalka iyo dadkiisa. Qalabka ay Soomaalidu
haysteen waxaa kamid ahaa 250 taangi oo noocoodu
uu isugu jirey
T-34, T- 54 iyo T- 55. Waxaa u weheliyay
300 oo gawaari gaashaaman (BB). Markii qalabkaas
laysku daro, wuxuu ku laba-jibbaar mayaa taangiyadii
iyo gawaaridii gaashaannaa ee Itoobiya ay haysatay
dagaalka bilowgiisii. Soomaalidu waxaa kale oo
ay lahaayeen laba urur oo difaaca cirka ah. Waxaa
u weheliyay saddex guuto oo madaafiicda goobta
ah. Madaafiicdu waxay u qeybsanaayeen 30 urur-dagaaleed.
Tayada hubkaas oo ahaa mid milgo culus, ayaa waxaa
kor u sii qaadayay tayada askariga Soomaaliga
iyo hanka uu ku doonayay baadida ummadeed ee ka
maqan. Madaafiicda ay
Soomaalidu ku weerartameen waxaa ugu hilan cuslaa
nooca Da- 30. Waa qori casri ah oo sancadiisu
tahay sanadihii 60-aadkii. Gumuca qorigaasi waa
122 mm. Waxaa ka dhaca qarxe sare oo culeyskiisu
yahay 21.76 kg. Xowliga xabaddiisa waa 690 meter/
il-biriqsi.
Ciidamada Itoobiya, waxaa
tayo u yeelayay qaabka difaaca oo ay u fadhiyeen.
Iyagu maahayn ciidan weerar ah, sidaa darteed
waxay lahaayeen hub difaac oo wanaagsan. Waxay
haysteen hub u badan qoryaha jiibabka ka dhaca,
kuwaas oo ciidanka cagta iyo taangiyada lagula
diriro. Hubkaas oo Soomaalida eeyan la socon markay
weerarka qaadayeen, waxay ula baxeen Waaqle. Madaafiicda
ay haysteen iyo askarta ku diriraysay, waa ay
ka tiro iyo tayo liiteen kuwa Soomaalida. Laakiin
sida aanu arki doonno, muddadii uu dagaalku socday,
waxaa si xooggan isu beddelay dheelli-tirkii tirada
askarta iyo qalabka labada xoog ee dirirayay.
Xagga ciidanka
cirka, Soomaalidu waxay haysteen 52 dayuuradood
oo ay ciidamadu lahaayeen. Ciidankan oo ahaa mid
curdan ah ayaa waxaa si rasmi ah loo asaasay 1963-kii.
Markaas dagaalku bilaabanayay noocyada dayuuradaha
ay haysteen waxay ahaayeen 14 dayuuradood oo ah
MiG 17, kuwa lagu dagaalamo. 24 dayuuradood oo
ah MiG-21 BFs iyo MiG 21 UMs. Nooca dayuuradahan
danbe waa kuwa codkooda ka dheereeya ee lagu weerartamo.
Waxaa u weheliyay 10 dayuuradood oo kuwa xamuulka
ah oo noocoodu yahay Il-28s iyo dhowr ah kuwa
qumaatiga u kaca oo la yiraahdo Mi-8. Dayuuradaha
bambooyinka xambaara ee sancada Ruushka ah, waxay
haysteen 2 qura oo noocoodu yahay Il-29s. Sida
caadadu tahay, dayuuradaha dagaalka, 10-kii sanoba
mar baa lagu celiyaa wershadihii soo saaray oo
la cusboonaysiiyaa. Dhamaan Mig 17-kii ay Soomaalidu
lahayd waa toban jirsadeen. Markaasaa inta la
furfuray baa waxaa lagu celiyay wershadohoodii.
Iyaga oo la soo hagaajiyay oo markaas dalka ku
soo laabtay ayuu dagaalku bilowday. Waxaa kale
oo markaas cusbaa dayuuradaha MiG 21 oo Soomaalidu
ay ka heleen dowladdii Soofyeetiga. Inkasta oo
dayuuradahan ay ahaayeen kuwo dagaalka door ka
qaatay, misana inta badan saraakiishii ku duulayay
waxay ahaayeen rag dhallinyaro ah oo sanado kahor
dalka ku soo laabtay. (Waxaan ka soo xiganay G/ S. Duuliye Yuusaf
Maxamad Maxamuud. 27/ 7- 2005. Copenhagen - Denmark).
Ciidanka cirka Itoobiya,
waxaa la asaasay 1929-kii. Dayuurado casri ah
waxay heleen sanadkii 1966-kii. Waxaa markaas
soo gaaray qeybtii ugu horeysay dayuuradaha farsamada
qallafsan ee lagu dagaalamo ee la yiraahdo F-5.
Sanadkii 1970-kii waxay haysteen 10 dayuuradood
oo noocoodu yahay F-5 As iyo F-5 Bs, kuwaas oo
ay ka heleen dalka Mareekanka sanadkii 1966-kii.
Waxaa kale oo soo gaaray intaanan dowladdii boqorka
la afgembin 6 dayuuradood oo noocoodu yahay F-86s.
Waxay ka heleen boqorkii Iiraan Shaah
Maxamad Ridaa Bahlaawi, kaas oo boqor Xayle
Selaesse u hadiyeeyay. Waxay kaloo haysteen
saddex dayuuradaha wax bambeeya ee loo yaqaan
Canbera B-52. Waxaa u diyaarsanaa in loo soo dhoofiyo 14 dayuuradood
oo kale, kuwaas oo noocoodu yahay F-5 Es, 3 ah
F-5Fs, 12 A-37 Bs iyo 15 Cessna
310 ah. Afgembigii dalka ka dhacay ayaa sababay in ay ka hakadaan
dayuuradahaas. Dhaawaca uu afgembigan gaarsiiyay
ciidankii cirka ee Itoobiya intaa kuma ekaan ee
wuxuu laayay duuliyayaal qiimo u lahaa ciidankan.
Waxaa kamid ahaa Jeneraal
Amha Desta iyo Jeneraal Fanta Belai, oo labaduba ahaa duuliyayaal magac
ku lahaa ciidankan.
Markuu dagaalku ka dhex
dillaacay Soomaaliya iyo Itoobiya, dhaawacaas
waxaa buuxiyay hiillo hagar la’aan ah oo Itoobiya
ay ka heshay dowladaha carri-edeg. Waxaa
safka hore kaga jirey dowladda Israa’iil. Hoggaamiyaha
Itoobiya Mengistu Xayle
Mariam, bishii juun 1977-kii ayuu la dhigtay
dowladda Israa’iil heshiis ah in dalkiisa ay ka
taakuleeyaan dhismaha ciidanka cirka. Waxaa heshiiska
ku jirey ballan-qaad ay Israa’iiliyiintu u fidiyeen
Itoobiya oo ah in ay siinayaan dhowr dayuuradood
oo noocoodu yahay F-5As. Heshiiskaas wuxuu mira
dhalay bil dabadeed, markaas oo raggii la soo
tababaray iyo dayuuradihiiba ay ka qeyb qaateen
dagaalkii ka socday gobolka (Air
Combat Information Group. Ogaden War 1977. Tom Cooper. 2/ 9- 2003).
Bartamihii bisha
julay, wakaaladda
REUTER ayaa kamid ahayd
wakaaladaha shaaca
ka qaaday khabarkan.
"
Wakaaladdu waxay caddaysay in dayuurado ay leedahay dowladda Israa’iil, ay si is daba-joog ah uga soo degayaan gegida
dayuuradaha ee
Addis-ababa. Sida ay wakaaladdu sheegtay, dayuuradahaas, waxaa si deg-deg badan loo gelinayay dayuurad-galeenada
garoonka Addis-ababa.
Halkaasi waxaa lagu qarinayay khuburada iyo hubka
ay dowladda Irsraa’iil
ku taakulaynayso Itoobiya ". (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa
soo baxay 24/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).
Duuliyayaasha ciidanka cirka ee Itoobiya waa
ay ka da' weynaayeen
kana khibrad badanaayeen duuliyayaasha Soomaalida. Duuliyayaasha Itoobiya waxay muujiyeen gacan sareyn muddadii
uu dagaalku
socday. Maahayn khibradda ay dheer yihiin oo keliya
sababta gacan
sareynta. Bal waxaa jirey khubaro shisheeye
ah oo ku
duulayay dayuuradaha Itoobiya, kuwaas oo dagaalka ka qeyb qaatay. Qoraallada
ay shisheeyuhu ka sameeyeen
dagaalkan, waxaad
ku arkaysaa tilmaamo
ay ku xusayaan
duuliyayaal shisheeye ah oo ka dagaalamayay dhanka Soomaaliya. Waxaan halkaan ku caddeenaynaa in uusan jirin nin
qura oo
shisheeye ah oo
dhanka Soomaalida ka socday, kaas oo ka qeyb-qaatay
xurguftii dagaalka.
Saraakiisha ciidanka cirka ee aanu
waraysanaya waxay
inoo sheegeen khuburo
carab iyo
Bakistaan ah ayaa Soomaaliya yimid markii uu dagaalku
joogsaday.
Saraakiisha ciidanka cirka ee Soomaalida intooda
badan waxay
ahaayeen dhallinyaro dugsiyada sare ka baxay bilowgii sanadihii 70-aadkii. Waxay u badnaayeen da’yar darajadooda ciidan eeyan dhaafsiisnayn
Laba Xiddigle
iyo Dhamme. Waxaa
kale oo duuliyayaasha
Itoobiya gacan siiyay dhulka lagu
dirirayay oo
ahaa dhul ay si
wanaagsan u yiqiineen
qaab dhismeedkiisa. Laakiin kuwa Soomaalida, fursaddaas ma eeyan helin.
Iyagu inteeyan weerarka u soo duulin ayay kaartada
fiirsadaan. Aqoonta dhulka ay ka dagaalamayaan,
xoogaagaas ay soo eegteen ayuu ahaa. Waxaa intaas
ka cuslaa aqoonta ay kala yimaadeen dalka Ruushka
oo ka muuqatay hagar-bax la’aan. Iyagu maahayn
kuwo la baray duulista gaaban ee dhulka ku dhow,
taas oo dayuuradda ka badbaadinaysa isha raadaarka
iyo dabka ciidanka cadowga.
Sida aanu soo xusnay duulaankan culus, waxaa
ka horeeyay weerarro googoos ah oo socday tan
iyo bartamihii bisha julay. Waxaa howshaas garab
socday in dayuuradaha dagaalka ee Soomaaliya ay
xagga hawada ka ishaa-falataysanayeen fariisimaha
cadowga uu ku lahaa goobahan weerarku ku wajahnaa.
Godey waxaa u kacayay dayuuradaha fadhiyay gegida
Balli-doogle. Dayuuradaha ka soo kacayay gegid
Hargeysa, iyaguna duulimaadkooda wuxuu ku wajahnaa
degmooyinka ku beegan xuduudda waqooyi. Waxaa
jirey raadaar culus oo casri ah, kaas oo ciidamada
Itoobiya u yiilay buur ku dhow Jigjiga. Wuxuu
awood u lahaa in uu la socdo duulimaadka dayuuradaha
Soomaalida, iyaga oo weli ku sugan xuduudda Soomaaliya.
Dagaalka bilowgiisii, Soomaalida lama eeyan socon
in uu raadaar yaalo degaankaas. Sidaa darteed
ayuu caqabad ku noqday howlihii ay dayuuradaha
Soomaalidu ka fulinayeen degaanka.
Marka la doonayo in howl-gallada ciidanka
cirka wax laga xuso, waxaa ayaan-darro ah in eeyan
jirin qoraallo loo noqdo oo ay reebeen qeybaha
ciidamadii Soomaaliyeed. Aqoonyahannada Itoobiya
iyo saraakiishooda oo wax badan ka qoray dagaalkan
ayaa qoraalladooda waxay yihiin kuwo aanan looga
maarmin wax ka dhihidda dagaalkii Ogaadeenya.
Laakiin iyaguna been badan ayay ku xuseen. Tusaale,
waxay sheegaan in markay taariikhdu ahayd
16/ 7- 1977-kii, goor aroornimadii ah,
raadaarkii Jigjiga
uu sheegay afar dayuuradood oo Soomaalidu
leeyihiin oo ku soo socda magaalada Harar. Dayuuradahaas
noocoodu wuxuu ahaa MiG 21 BFs. Waxaa markaas
hawada ku jiray laba dayuurad oo noocoodu ahaa
F-5As. Waxaa waday laba duuliye oo u dhashay dalka
Israa’iil. Iyagu waxay jitaabo ku hayeen dayuuradaha.
Si lama filaan ah ayay isu arkeen. Dagaal hawada
ku dhex-maray dabadeed, laba kamid ah dayuuradihii
Soomaalida waxaa lala helay dabkii ka dhacayay
dayuuradaha cadowga. Labadii kale iyaga oo baxsad
ah ayay isku dheceen. Waxaa halkaas lagu soo riday
afartii dayuuradood oo Soomaalisu lahaayeen.
Waxaanu arintaas ka wareysanay G/ S. Yuusuf Maxamad Maxamuud (Yuusuf-yare) oo kamid ahaa duuliyayaashii Soomaalida ee ku diriray
MiG 21. Wuxuu
yiri sidan:
" Inkasta
oo aanan wax qoraal ah hayn, misana tirada dayuuradaha
aanu lahayn waanu ognahay. Waxaa kale oo aanu
ognahay tirada nalaka soo riday iyo kuwa ay duuliyayaashii
waday ka boodeen. Haddaba ma jirin xilli ay Itoobiya
afar dayuuradood goob qura nooga soo ridday
" (Waxaan ka soo xiganay G/ S. Duuliye Yuusaf Maxamad
Maxamuud. 27/ 7- 2005. Copenhagen - Denmark).
Isla xilligaas oo ahayd bartamihii bisha,
Soomaalida, waxay inta badan dayuuradeheedii ku
ururisay gobolka waqooyi galbeed. Ka sokow saldhiggii
ay ku lahaayeen gegida dayuuradaha ee Hargeysa,
waxay adeegsadeen gegi sir u ahayd ciidanka oo
30 km. ka baxsan magaalada. Gegidaaas ayaa loogu
magac daray sarkaal duuliye ahaa oo la yiraahdo
Daahir Kulane. Wuxuu kamid ahaa uuliyayaashii ugu horeeyay
ee Soomaaliya. Dayuurad ayaa Xamar kula dhacday
sanadkii 1965-kii.
Dayuuradaha Soomaalida, waxaa kale oo ay
degeen garoonkii Berbera oo dhismihiisii uusan
weli si buuxda u dhamaan. Taasina waxay kamid ahayd arimihii ay ka
caroodeen khuburadii Ruushka ee dalka ku sugnaa.
Iyaga waxaa markaas u muuqatay in Soomaaliya ay
ka go’an tahay in weerar xooggan ay ku qaaddo
Itoobiya. Waxaa u muuqatay aragtida qowmiyadeed
iyo dhiig-wadaaggu in ay tahay mid aanan la miisaan
ahayn aragtida siyaasadeed oo ay dowladuhu sheegtaan
in ay ku dhaqmayaan.
Iyada oo dheelli-tirkii labada ciidan uu
sidaas yahay ayaa saraakiishii calamada u ahaa
ciidamada Soomaaliya iyo askartoodii ay bilaabeen
howl-gallo dagaal oo ka duwan kuwii horey loogu
jirey. Tayada iyo tirada ay markaan
ku socdaan waxay ahayd mid wax ku ool ah.
Ciidamadaas baxayay waxay ahaayeen kuwo say u
kala taya wanaagsanaayeen loo kala hor-mariyay.
Ujeeddadu waxay ahayd in dharbaaxada hore ay noqoto
mid kulul oo cadowga uu la indha-gubto. Waxaa
la doonayay arintaasi in ay wax-tar u yeelato
socodsiinta mashruuca duulaanka. Xilliga dowladdii
Soomaaliyeed ay qaadatay go'aanka caynkaas ah,
waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay xilliga uu dagaalku
yeeshay muuqaalkii lagu yiqiin dagaallada dhex-mara
dowladaha.
Sidaan horey u xusnay, weerarka Soomaalida
wuxuu markaan ku wajahnaa afartii degmo oo horey
loogu fashilmay qabashadooda. Laba guuto oo uu
hoggaaminayay Jeneraal
Yuusuf Axmad Salxaan waxay u baxeen Dhagax-buur.
Waxaa uga kala hooseeyay G/ S. Cabdiraxmaan Caarre iyo G/
S. Cali Ismaaciil. Guuto u kacday Wardheer
waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Xaashi Cali Jimcaale. Laba guuto oo u kacay
Qabri-daharre waxaa kala hoggaaminayay G/
S. Maxamad Cali Abokor iyo G/
S. Cabdi Cismaan Shaalle. Qeybtii fadhiday
Baydhabo oo uu odeyga ka ahaa G/
S. Abuukar Aftoje, waxaa ka baxay guuto
hor leh oo lagu xoojiyay guutadii fadhiday Godey
agagaarkeeda oo uu odeyga ka ahaa G/
Dh. Cabdullaahi Cirro.
Galleyr baa adduunyada ka ciyay gebi ahaanteede
Gooyaha dabeyl
baa ka timid gees la eegobae
Galowguba colaad
buu arkaye gama' ma diideene
Gabbalkii dhacaa
waa beryaa iman gadaashiiye
Waxaan uga golleeyahay
dadkii lagu gabraaraayay
Ee gacanta lagu haysan jirey waa
ka geylamaye
Soomaalida galbeedey
waxaan idin ku guubaabshay
Cadow kaa gu
weyn oo wax badan gogosha kuu jiifay
Waakaad guyaal
iyo guyaal gubi lahaydeene
Gibilkiinu waakay sidii
geel u rarayeene
Waa kay gumaadeen
raggii geydida ahaaye
Waa kay gurbeys
iyo caruur gowrac mariyeene
Imminkaa xaqii
gaaxsanaa soo gadaal baxaye
Guntiga isku xira maanta waad gacan
sareysaane (M. M. Firin)