"
Markii
ay Amxaaradii na yiraahdeen Yalam, oo Ruushkii na yiri
Nyet, oo Kuubaankii na yiro No, ayaan annaguna niri
Maya "
Hadalkaas
waxaa yiri madaxweyne Maxamad
Siyaad
markii uu ka soo laabtay fadhigii Cadan oo ay isku arkeen
hoggaamiyaha Itoobiya Mengistu Xayle Mariam. Madaxweynuhu wuxuu hadalkaas u jeediyay
aqoonyahanno iyo saraakiil Soomaaliyeed oo uu uga waramayay
xaaladda degaanka iyo siyaasadda dowladda. Mayadii Soomaalida
waxay dhabowday dabayaaqadii bishii julay, markaas oo
ay xuduudda ka talaabeen ciidamadii Soomaaliyeed iyo
qalabkoodii. Waxay toos u abbaareen aagaggii ay fadhiyeen
difaacyadii adkaa ee Itoobiya ay ku lahayd gobolka Ogaadeenya.
Ciidamada
weeraray degmooyinka Qabri-daharre iyo War-dheer, hal
sal-dhig ayaa looga taliyay oo waxay isku ahaayeen qeybta
21-aad. Sidaa darteed qorshe mid ah ayay ku baxeen.
Weerarka waxaa ku hor-maray ciidankii aaday Qabri-daharre.
Magaaladan oo xuduudda gobollada dhexe u jidha 120 km.
waxaa ka sokeysa degmada Wardheer. Waxay kaga beegan
tahay dhanka waqooyi-bari. 70 km. Saraakiishu waxay
guddoonsadeen in loo dib dhigto weerarka magaalada War-dheer,
oo marka hore la go'doonsho si khasaaraha loo yareeyo.
Waxaa u muuqatay haddii lagu guuleysto in Qabri-dahare
ay gacanta ku dhigaan, markaas ciidanka fadhiya War-dheer
in eeyan haysan fursad ay ku dagaalamaan oo ay is-dhiibayaan.
Sida aanu arki doono, qorshaha ay saraakiishu gaareen
sax buu ahaa.
 |
Qariiradda
Degaanka Dagaalku ku Dehxmarey Somalia iyo Ethiopia |
23/
7- 1977-kii, ciidankii ka yimid Balanballe waxay dul
fariisteen Qabri-dahare. Kuwii ka yimid Bandiiradlay
iyaguna waxay dul fariisteen Wardheer. Galabnimadii
ayaa ciidan waliba wuxuu guda-galay in uu tilmaansado
aaggii ay ka dagaal-geli lahaayeen. Saraakiisha Soomaaliyeed
ee markan socda waxay ku casharro qaateen raggoodii
dagaalka kaga horeeyay ee isugu jirey ciidamo jabhadeed
iyo ciidankii dowladda. Sidaa darteed waxay wax ka beddeleen
dagaalkii is-maqiiqa ahaa oo ay rag badan kaga hoobteen.
Magaalada Qabri-dahare waxaa xilligaas fadhiyay guutada
sagaalaad ee ciidanka Difaaca Itoobiya oo si wanaagsan
u qalabeysan. Waxaa weheliyay ururo maaleeshiya ah oo
lagu soo xoojiyay. (The
Ethiopia-Somalia War of 1977 Revested. The International
Journal of African Historical Study. Vol 33. No. 3-2000.
p. 644).
G/
S. Maxamad Cali Abokor,
oo ka war-bixinaya xaaladdii uu ciidanku galabtaas ku
sugnaa, wuxuu yiri sidan :
" Goor
ay tahay casar-gaab, annaga oo dey-deyanayna aagaggii
aanu weerarka ka qaadi lahayn, ayaa waxaa ii muuqatay
dayuurad yar oo na dul meereysanaysa. Waxay basaas u
ahayd ciidanka cadowga. Aad baan uga naxay, waayo waxaa
ii muuqatay in ciidankayagii uu kashifan yahay. Waxaan
u yeeray sarkaal hoggaaminayay koox difaaca cirka ah
oo inala socoday. Dayuuraddii baan u tilmaamay, markaasaan
ka codsaday in uu arintan xal u helo. Wuxuu iila yimid
nin Laba/ alifle ah oo ku dirira qoriga difaaca cirka.
Waxaan Laba/ aliflihii ku iri : Dayuuraddaas waa ay
ina sawiranaysaa, oo ciidanka aanu is-hor fadhinno ayay
u gudbinaysaa xaaladdayada iyo qaabka aanu u fadhinno.
Haddii aan wax ku ridno oo ay baxsatona waxaa dhacaya
sidii aanu ka baqaynay. Haddaba xal ayaan kaa rabaa. Wuxuu iigu jawaabay
: Taliye, hal gantaal baan ku ridayaa, haddii aan la
waayo, goobta aan taagnahay igu toogo ". (Waxaanu
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad
Cali Abokor. 29/8- 2004. Virginia. USA).
Guddoon Eebe ka sokow, dhiiranaantaas iyo
kalsoonidaas ayay Soomaalidu ku heleen libta taariikhda
u gashay. jabka ay u geystaan dowlad ku faanta in ay
1000 ka daweyn tahay wuxuu ahaa mid ay ka heleen
kalsoonida buuxda uu qofka Soomaaliga ahi ku qabo in
uu ka adag yahay askari Itoobiyaan ah. Waxaan shaki
ku jirin in dagaalkan laga heli lahaa sheekooyin qiimi
leh oo ay ku naaloodaan faca badan ee Soomaaliyeed.
Sheekooyin tilmaama in bulshada Soomaaliyeed eeyan lahayn
oo keliya wejigan foosha xun oo makastadu ay u yeeshay,
bal ay yihiin ummad hawadoodu sareyso, hankooduna weyn
yahay. Laab ay geesinimo iyo kalsooni ka buuxdo ayay
ciidamada Soomaaliyeed siteen.
G/
S. Maxamad Cali,
isaga oo la yaaban jawaabtii askariga, ayuu askarigii
gantaal ku riday dayuuraddii. Halkii bay ku soo dhacday.
Maxamad
Cali Abokor,
oo muddadii uu burburku jirey, boqday degaankii dagaalku
ka dhacay. Wuxuu sheegay in bannaanka dibadda ka ah
magaalada Qbri-dahare, ay weli taal burburkii dayuuraddii
ay galabtaas soo rideen.
Saraakiishii hoggaaminayay ciidankii dul-fariistay
Qabri-dahare, waxay guddoonsadeen saacadda bilowga weerarka
in ay ahaato afarta habeenimo. Weerarka waxay ku bilaabeen
dabka leh jugta argagaxa. Kaasi waa dabka meel dheer
laga gano ee ka dhaca dayuuradaha iyo madaafiicda goobta.
Magaaladu waxay markaas ahayd mid maran oo dadkii rayidka
ahaa horay ayay uga qaxeen. Iyagu waxay u kaceen baadiyaha.
Magaalada gudaheeda iyo dacalladeeda waxaa ku haray
ciidamadii Itoobiya oo iyagu fadhiyay aagag ay ka difaac
galaan. Waxaa ka sokeeyay miinooyin ay ku aaseen meelaha
ay is-lahaayeen ciidamada Soomaalida ayaa ka imanaya.
Habeenkaas ay taariikhdu ahayd 24/ 7- 1977-kii
ayaa mar qura waxaa is-qabsaday hiinraagga dabkii ay
ciidamada Soomaaliyeed ku weerarayeen fariisimaha cadowga.
Gaar ahaan ciidamadii madaafiicda goobta iyo ciidankii
cirka, waxay holciyeen godadkii hore ee dhufeeyada u
ahaa ciidamada Itoobiya. Waxaa kale oo dabkooda ay la
beeganayeen goobaha saadku yaal iyo baraha hoggaaminta.
Ciidanka madaafiicda goobta, waxay dagaalkan ka qaateen
kaalintii ugu hilan cuslayd. Guud ahaan, guulihii ay
Soomaalidu ka gaareen dagaalka, intiisa badan waxaa
lahaa ciidamadii madaafiicda ee Soomaaliya. Madaafiicdu
waxay ahaayeen hubka looga gacan sareeyay Itoobiya.
Gaashaanle
Daahir Aadan Indha-qarsho
oo isagu, sida aanu xusnay, hoggaaminayay urur madaafiicda
goobta ah oo habeenkaas la socday ciidanka, wuxuu yiri
:
"
Madaafiicdu
waxay kamid yihiin hubka kalsoonida ku abuura ciidamada
dagaalamaya. Ninka cadowga ahna niyad jab bay ku keenaan.
Ruushka oo ahaa kuwa wax ina baray ayaa dagaalkii II-aad
ee dunida waxaa guusha u keenay qalabka madaafiicda.
Aqoon iyo khibrad ururtay oo uu u leeyahay hubkan ayay
ina dhaxalsiiyeen. Waxaa iyana nasiib wanaag ahayd,
ragga loo xulay barashada madaafiicda ee kamid ahaa
saraakiisha XDS, waxay ahaayeen rag si wanaagsan u soo
bartay aqoontii la siiyay. Islamarkaa tababar wanaagsan
u gudbiyay askartii Soomaaliyeed oo ay madaxda u noqdeen
"
(Waxaanu
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir
Aadan (Indha-qarsho). 27/6- 2004. Minnesota - USA).
Weerarkii madaafiicda ayaa ku hormaray. Muddo
gaaban dabadeed, dayuuradihii ayaa cirka ka soo weeraray.
Ciidamada Itoobiya oo maara-waa ah ayaa waxay u caal-waayeen
hubkan casriga ah ee lagu weeraray. Iyagu marna kuma
eeyan tala-gelin dagaal noocan ah in uu qabsanayo. Saacadihii
lagu garaacayay madaafiicda ayaa ciidamadii farsamada
ay guteen waajibkoodii ahaa miino-baarka. Waxay sahmiyeen
waddooyinkii ammaanka ahaa oo ay ciidanku ka weerari
lahaayeen dhufeesyada cadowga. Islamarkaa, meelihii
uu cadowgu ku aasay miinada ayay fageen oo qaraxyadii
ka soo saareen. Muddada ay howshaas socotay, ciidamada
Itoobiya, fursad uma eeyan helin in ay madaxa kor u
qadaan.
"
Qabri-daharre
waxaa fadhiyay ciidan xooggan oo qalab wanaagsan haysta,
isla-markaana leh fariisimo wanaagsan oo difaac ah.
Dagaalka waxaanu ku bilownay dabkii madaafiicda. Ururka
aan hoggaaminayay wuxuu watay noocii ugu danbeeyay ee
madaafiic ah oo Ruushku uu ina siiyo. Waxay
ahaayeen D - 30. Iyaga ayaanu ku weerarnay magaalada.
Saacaddu markay ahayd 11:00-kii barqanimo, waxaa magaalada
galay ciidankii taangiyada oo uu hoggaaminayay Gaashaanle
Yaasiin Hurfe
". (Isla
marjicii hore).
Saacaddaas
uu sarkaalku sheegay ayaa waxaa bilowmay weerarkii taangiyada.
Sida ay tahay caadada dagaallada, ciidankan taangiyada
ku socday ayaa waxay weerar la beegteen goobaha uu ugu
liitay cadowga. Markaasaa waxaa u sahlanaatay in ay
jiiraan difaacii is-haystay ee cadowga. Falkaasi wuxuu
horseeday in dagaal culus uu ka dhaco gudaha magaalada
Qabri-dahare. Sida uu inoo sheegay Jeneraal
Maxamad Cali Abokor,
Soomaalidu waxay wateen tiro 26 taangiyo ah. Itoobiya
waxaa magaalada u yiil 45 taangi. Taangiyada Soomaalida
marka ay soo gelayeen magaalada, cadowgu weli ma debcin.
Sidaa darteed ciidamadii taangiyada ee Soomaalida, waxay
la kulmeen caabin adag. Iyaguna kama eeyan waaban oo
waxaa ka gonayd in ay magaalada gacan ku dhigaan.
Itoobiyaanka qudhoodu waxay ahaayeen kuwo ciddiyaha
ku dagaalamayay. G/
S. Indha-qarsho,
wuxuu xusay, askariga Itoobiyaanka ah in uusan ahayn
mid ka dagaal liitay Soomaaliga. Laakiin waa laga niyad sareeyay.
" Xogta aanu haysanay waxay ahayd in
Itoobiyaanku ay magaalada ku haysteen 20 taangi. Laakiin
waxay haysteen 45 taangi. 30 kamid ah waa ay ka carareen
oo waanu qabsanay. 15-ka kale waxay ku gubteen dagaalkii
aanu magaalada kaga qabsanay ciidamada cadowga ". (Waxaanu
ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad
Cali Abokor. 29/8- 2004. Virginia. USA).
Inkasta oo ay muuqatay gacan-sareynta ciidamada
Soomaaliyeed, misana ciidamadii Itoobiya dagaal mitid
ah ayay muujiyeen. Iyaga oo go4doon ku jira, ayay misana
intii karaankood, sidii ciidan u dirireen, Markii ay
magaalada dhexdeeda in muddo ah ku dagaalamayeen taangiyadii
Soomaalida iyo
ciidamadii cadowga, waxaa bilaabatay in ciidamadii
cagta ee Soomaalida ay soo dhaqaaqeen. Dagaalkii wuxuu
noqday mid askartii labada ciidan ay foodda isa saaraan.
Waxaa xusid mudan, Gaashaanle
Yaasiin Hurfe
oo ku jirey taangigii ugu horeeyay ee magaalada gala
ayaa bartamihii magaalada ku shaahiiday. Sida laga wariyay
qaar kamid ah askartii Soomaalida, sarkaalkan ayaa taangigii
uu ku jirey waxaa ka dhamaaday xabbadihii. Markaasaa
taangi kuwii cadowga ah oo isna ay xabbadihii ka dhamaadeen
oo cararaya ayuu raacdeystay. Isaga oo diiddan in uu
taangigu baxsado, ayuu markuu la sinnaa inta dibadda
u soo baxay, buu dusha kaga dhacay kii cadowga. Askari
Soomaaliyeed oo sitay qori lidka taangiyada ayaa gubay
taangigii baxsadka ahaa. Askarigu ma ogayn in taangigan
uu saaran yahay sarkaal Soomaali ah. Markuu taangigii
gubtay ayaa dushiisa waxaa loo tegay shan qof oo ku
gubtay qaraxii helay. Ninka shanaad wuxuu ahaa Gaashaanle
Yaasiin.
Waxaa kale oo halkaas ku shahiiday sarkaal darajadiisu
ahayd Dhamme oo ku xigeen u ahaa ururkii taangiyada
oo uu Yaasiin
hoggaaminayay.
Ciidamadii guutada sagaalaad ee Itoobiya
iyo maaleeshiyadii wehelisay, waxay u babac dhigi waayeen
dabkii xoogga lahaa iyo weeraradii ciidamada Soomaaliyeed
ee mitidka ahaa. Dagaalkaas oo gelin socday wuxuu degmada
Qabri-daharre ka yeelay in ay noqoto
magaaladii ugu horeysay ee cadowga si buuxda
loogala wareego. Magaaladu waxay soo gashay gacanta
Soomaalida galabnimadii ay taariikhdu ahayd 24/ 7- 1977-kii.
Ciidankii Itoobiya oo dib uga yaacaya magaalada, ayaa
madaxdoodii sare waxay diideen amar uga yimid hoggaankii
ciidamadooda oo ah in ay fariistaan difaac danbe oo
lagu soo xoojiyo. Madaxda guutada waxaa u muuqatay baaxadda
uu leeg yahay weerarka Soomaalida. Sidaa darted suuragal
uma ahayn in ay meel dhow isku urursadaan.
" Guutadii sagaalaad ee Qabri-daharre,
waxay muujisay dagaal is-difaac ah intii uu karaankeedu
ahaa. Dabadeed dib u-gurasho ayay sameeyeen oo Harar
ayay soo aadeen. Iyagu waxay diideen in ay aagag cusub
fariistaan (oo ay ka diriraan) ". (The
Ethiopia-Somalia War of 1977 Revested. The International
Journal of African Historical Study. Vol 33. No. 3-2000.
p. 644).
Isla-galabtaas
ayaa magaalada bartamaheeda waxaa laga taagay calankii
jabhadda Soomaali galbeed iyo calankii Jamhuuriyadda
Dimoqraadiga Soomaalida oo iska dul babanaya. Saraakiishii
ciidanka oo ay ugu weynaayeen G/
S. Maxamad Cali Abokor
iyo
G/ S. Cabdi
Cismaan
ayaa goob-joogayaal ka ahaa goobta calanka la suray.
Ciidamadii
Soomaaliyeed ee magaalada qabtay, waxay markiiba bilaabeen
in ay dibadda uaga baxaan. Islamarkaana ay samystaan
fariisimo ay iska difaacaan haddii uu ku yimaado weerar
rogaal-celis ah. Wejiga ay markaas magaaladu yeelatay
waxaa war-bixin naga siiyay
Axmad
Goday
oo xilligaas ahaa nin dayar, oo geel ku raacanayay
dhulka baadiyaha ah ee ku dhow magaalada.
" Anigu
waxaan ahaa 15 jir wakhtigii dagaalaka. Waxyaalaha aan
ka uxusuusto dagaalkaa ee aan iloobayn waxaa kamid ah,
magaalada Qabri-dahare ayaa dadkii ay ka soo baxeen.
Annaga reerkanagu waxay ahaayeen reer baadiye. Geel
ayaanu lahayn. Magaaladana waan ku dhawayn. Waxaa jirey wiil askari ah kana yimid magaalada
Marka oo u dhashay beesha Biyamaal. Magaciisa waxaa
la odhan jirey Allaha u naxariistee Xasan.
Aabahay ayaa ka soo qaaday magalada. Aad ayuu u xanuunsanaa. Daawo maanu haynin. Hal dhashay caanaheed ayaa
daawo looga dhigay oo ahayd waxii lahayay waxii ugu
nafac wanaagsanaa. Markii hore wuu ku ladnaaday. Maalintii
danbe ayuu si kadis ah u dhintay, asagoo markaa bilaabay
inuu nooga sheekeeyo reerkoodii ". (Waxaan
ka soo xiganay Axmad Goday Kh. 22/ 12. 2003. UK - London).
Siddeed
kaare oy wada dileen waan dul joogsaday dheh
Dabaqlaydii way madhatay oo duugahaa maray
dheh
Doofaarkii iyo way dhinteen dibigii weynaa
dheh
Maydkoodu wuxu daadasanaa dooxyadoo idil
dheh
Oo haadkii ku dacaroobay baa diiday hilibkii
dheh
Daafiday wateen iyo la qaad dahabkii saaraa
dheh
Dabkii aan ka furanana Kobuu dadab u yaalaa
dheh
Fidaa'iyiintu meeshaan u diro kama dakaamaan
dheh
Dakanada kuwii qabayna way dabacsanaayeen
dheh
Annagaan ku daynine runtii way damqanayeen
dheh (Makayte)
Saadiq
Enow