|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXVI-aad

Dr Enow

" Markii ay Amxaaradii na yiraahdeen Yalam, oo Ruushkii na yiri Nyet, oo Kuubaankii na yiro No, ayaan annaguna niri Maya "

Hadalkaas waxaa yiri madaxweyne Maxamad Siyaad markii uu ka soo laabtay fadhigii Cadan oo ay isku arkeen hoggaamiyaha Itoobiya Mengistu Xayle Mariam. Madaxweynuhu wuxuu hadalkaas u jeediyay aqoonyahanno iyo saraakiil Soomaaliyeed oo uu uga waramayay xaaladda degaanka iyo siyaasadda dowladda. Mayadii Soomaalida waxay dhabowday dabayaaqadii bishii julay, markaas oo ay xuduudda ka talaabeen ciidamadii Soomaaliyeed iyo qalabkoodii. Waxay toos u abbaareen aagaggii ay fadhiyeen difaacyadii adkaa ee Itoobiya ay ku lahayd gobolka Ogaadeenya.

Ciidamada weeraray degmooyinka Qabri-daharre iyo War-dheer, hal sal-dhig ayaa looga taliyay oo waxay isku ahaayeen qeybta 21-aad. Sidaa darteed qorshe mid ah ayay ku baxeen. Weerarka waxaa ku hor-maray ciidankii aaday Qabri-daharre. Magaaladan oo xuduudda gobollada dhexe u jidha 120 km. waxaa ka sokeysa degmada Wardheer. Waxay kaga beegan tahay dhanka waqooyi-bari. 70 km. Saraakiishu waxay guddoonsadeen in loo dib dhigto weerarka magaalada War-dheer, oo marka hore la go'doonsho si khasaaraha loo yareeyo. Waxaa u muuqatay haddii lagu guuleysto in Qabri-dahare ay gacanta ku dhigaan, markaas ciidanka fadhiya War-dheer in eeyan haysan fursad ay ku dagaalamaan oo ay is-dhiibayaan. Sida aanu arki doono, qorshaha ay saraakiishu gaareen sax buu ahaa.

Qariiradda Degaanka Dagaalku ku Dehxmarey Somalia iyo Ethiopia
23/ 7- 1977-kii, ciidankii ka yimid Balanballe waxay dul fariisteen Qabri-dahare. Kuwii ka yimid Bandiiradlay iyaguna waxay dul fariisteen Wardheer. Galabnimadii ayaa ciidan waliba wuxuu guda-galay in uu tilmaansado aaggii ay ka dagaal-geli lahaayeen. Saraakiisha Soomaaliyeed ee markan socda waxay ku casharro qaateen raggoodii dagaalka kaga horeeyay ee isugu jirey ciidamo jabhadeed iyo ciidankii dowladda. Sidaa darteed waxay wax ka beddeleen dagaalkii is-maqiiqa ahaa oo ay rag badan kaga hoobteen. Magaalada Qabri-dahare waxaa xilligaas fadhiyay guutada sagaalaad ee ciidanka Difaaca Itoobiya oo si wanaagsan u qalabeysan. Waxaa weheliyay ururo maaleeshiya ah oo lagu soo xoojiyay. (The Ethiopia-Somalia War of 1977 Revested. The International Journal of African Historical Study. Vol 33. No. 3-2000. p. 644).  

G/ S. Maxamad Cali Abokor, oo ka war-bixinaya xaaladdii uu ciidanku galabtaas ku sugnaa, wuxuu yiri sidan :

" Goor ay tahay casar-gaab, annaga oo dey-deyanayna aagaggii aanu weerarka ka qaadi lahayn, ayaa waxaa ii muuqatay dayuurad yar oo na dul meereysanaysa. Waxay basaas u ahayd ciidanka cadowga. Aad baan uga naxay, waayo waxaa ii muuqatay in ciidankayagii uu kashifan yahay. Waxaan u yeeray sarkaal hoggaaminayay koox difaaca cirka ah oo inala socoday. Dayuuraddii baan u tilmaamay, markaasaan ka codsaday in uu arintan xal u helo. Wuxuu iila yimid nin Laba/ alifle ah oo ku dirira qoriga difaaca cirka. Waxaan Laba/ aliflihii ku iri : Dayuuraddaas waa ay ina sawiranaysaa, oo ciidanka aanu is-hor fadhinno ayay u gudbinaysaa xaaladdayada iyo qaabka aanu u fadhinno. Haddii aan wax ku ridno oo ay baxsatona waxaa dhacaya sidii aanu ka baqaynay. Haddaba xal ayaan kaa rabaa. Wuxuu iigu jawaabay : Taliye, hal gantaal baan ku ridayaa, haddii aan la waayo, goobta aan taagnahay igu toogo ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Cali Abokor. 29/8- 2004. Virginia. USA).  

Guddoon Eebe ka sokow, dhiiranaantaas iyo kalsoonidaas ayay Soomaalidu ku heleen libta taariikhda u gashay. jabka ay u geystaan dowlad ku faanta in ay 1000 ka daweyn tahay wuxuu ahaa mid ay ka heleen kalsoonida buuxda uu qofka Soomaaliga ahi ku qabo in uu ka adag yahay askari Itoobiyaan ah. Waxaan shaki ku jirin in dagaalkan laga heli lahaa sheekooyin qiimi leh oo ay ku naaloodaan faca badan ee Soomaaliyeed. Sheekooyin tilmaama in bulshada Soomaaliyeed eeyan lahayn oo keliya wejigan foosha xun oo makastadu ay u yeeshay, bal ay yihiin ummad hawadoodu sareyso, hankooduna weyn yahay. Laab ay geesinimo iyo kalsooni ka buuxdo ayay ciidamada Soomaaliyeed siteen.          G/ S. Maxamad Cali, isaga oo la yaaban jawaabtii askariga, ayuu askarigii gantaal ku riday dayuuraddii. Halkii bay ku soo dhacday. Maxamad Cali Abokor, oo muddadii uu burburku jirey, boqday degaankii dagaalku ka dhacay. Wuxuu sheegay in bannaanka dibadda ka ah magaalada Qbri-dahare, ay weli taal burburkii dayuuraddii ay galabtaas soo rideen.

Saraakiishii hoggaaminayay ciidankii dul-fariistay Qabri-dahare, waxay guddoonsadeen saacadda bilowga weerarka in ay ahaato afarta habeenimo. Weerarka waxay ku bilaabeen dabka leh jugta argagaxa. Kaasi waa dabka meel dheer laga gano ee ka dhaca dayuuradaha iyo madaafiicda goobta. Magaaladu waxay markaas ahayd mid maran oo dadkii rayidka ahaa horay ayay uga qaxeen. Iyagu waxay u kaceen baadiyaha. Magaalada gudaheeda iyo dacalladeeda waxaa ku haray ciidamadii Itoobiya oo iyagu fadhiyay aagag ay ka difaac galaan. Waxaa ka sokeeyay miinooyin ay ku aaseen meelaha ay is-lahaayeen ciidamada Soomaalida ayaa ka imanaya.

Habeenkaas ay taariikhdu ahayd 24/ 7- 1977-kii ayaa mar qura waxaa is-qabsaday hiinraagga dabkii ay ciidamada Soomaaliyeed ku weerarayeen fariisimaha cadowga. Gaar ahaan ciidamadii madaafiicda goobta iyo ciidankii cirka, waxay holciyeen godadkii hore ee dhufeeyada u ahaa ciidamada Itoobiya. Waxaa kale oo dabkooda ay la beeganayeen goobaha saadku yaal iyo baraha hoggaaminta. Ciidanka madaafiicda goobta, waxay dagaalkan ka qaateen kaalintii ugu hilan cuslayd. Guud ahaan, guulihii ay Soomaalidu ka gaareen dagaalka, intiisa badan waxaa lahaa ciidamadii madaafiicda ee Soomaaliya. Madaafiicdu waxay ahaayeen hubka looga gacan sareeyay Itoobiya. Gaashaanle Daahir Aadan Indha-qarsho oo isagu, sida aanu xusnay, hoggaaminayay urur madaafiicda goobta ah oo habeenkaas la socday ciidanka, wuxuu yiri :

" Madaafiicdu waxay kamid yihiin hubka kalsoonida ku abuura ciidamada dagaalamaya. Ninka cadowga ahna niyad jab bay ku keenaan. Ruushka oo ahaa kuwa wax ina baray ayaa dagaalkii II-aad ee dunida waxaa guusha u keenay qalabka madaafiicda. Aqoon iyo khibrad ururtay oo uu u leeyahay hubkan ayay ina dhaxalsiiyeen. Waxaa iyana nasiib wanaag ahayd, ragga loo xulay barashada madaafiicda ee kamid ahaa saraakiisha XDS, waxay ahaayeen rag si wanaagsan u soo bartay aqoontii la siiyay. Islamarkaa tababar wanaagsan u gudbiyay askartii Soomaaliyeed oo ay madaxda u noqdeen " (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir Aadan (Indha-qarsho). 27/6- 2004. Minnesota - USA).

Weerarkii madaafiicda ayaa ku hormaray. Muddo gaaban dabadeed, dayuuradihii ayaa cirka ka soo weeraray. Ciidamada Itoobiya oo maara-waa ah ayaa waxay u caal-waayeen hubkan casriga ah ee lagu weeraray. Iyagu marna kuma eeyan tala-gelin dagaal noocan ah in uu qabsanayo. Saacadihii lagu garaacayay madaafiicda ayaa ciidamadii farsamada ay guteen waajibkoodii ahaa miino-baarka. Waxay sahmiyeen waddooyinkii ammaanka ahaa oo ay ciidanku ka weerari lahaayeen dhufeesyada cadowga. Islamarkaa, meelihii uu cadowgu ku aasay miinada ayay fageen oo qaraxyadii ka soo saareen. Muddada ay howshaas socotay, ciidamada Itoobiya, fursad uma eeyan helin in ay madaxa kor u qadaan.

" Qabri-daharre waxaa fadhiyay ciidan xooggan oo qalab wanaagsan haysta, isla-markaana leh fariisimo wanaagsan oo difaac ah. Dagaalka waxaanu ku bilownay dabkii madaafiicda. Ururka aan hoggaaminayay wuxuu watay noocii ugu danbeeyay ee madaafiic ah oo Ruushku uu ina siiyo. Waxay ahaayeen D - 30. Iyaga ayaanu ku weerarnay magaalada. Saacaddu markay ahayd 11:00-kii barqanimo, waxaa magaalada galay ciidankii taangiyada oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Yaasiin Hurfe ". (Isla marjicii hore).

Saacaddaas uu sarkaalku sheegay ayaa waxaa bilowmay weerarkii taangiyada. Sida ay tahay caadada dagaallada, ciidankan taangiyada ku socday ayaa waxay weerar la beegteen goobaha uu ugu liitay cadowga. Markaasaa waxaa u sahlanaatay in ay jiiraan difaacii is-haystay ee cadowga. Falkaasi wuxuu horseeday in dagaal culus uu ka dhaco gudaha magaalada Qabri-dahare. Sida uu inoo sheegay Jeneraal Maxamad Cali Abokor, Soomaalidu waxay wateen tiro 26 taangiyo ah. Itoobiya waxaa magaalada u yiil 45 taangi. Taangiyada Soomaalida marka ay soo gelayeen magaalada, cadowgu weli ma debcin. Sidaa darteed ciidamadii taangiyada ee Soomaalida, waxay la kulmeen caabin adag. Iyaguna kama eeyan waaban oo waxaa ka gonayd in ay magaalada gacan ku dhigaan. Itoobiyaanka qudhoodu waxay ahaayeen kuwo ciddiyaha ku dagaalamayay. G/ S. Indha-qarsho, wuxuu xusay, askariga Itoobiyaanka ah in uusan ahayn mid ka dagaal liitay Soomaaliga. Laakiin waa laga niyad sareeyay.

" Xogta aanu haysanay waxay ahayd in Itoobiyaanku ay magaalada ku haysteen 20 taangi. Laakiin waxay haysteen 45 taangi. 30 kamid ah waa ay ka carareen oo waanu qabsanay. 15-ka kale waxay ku gubteen dagaalkii aanu magaalada kaga qabsanay ciidamada cadowga  ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Cali Abokor. 29/8- 2004. Virginia. USA).

Inkasta oo ay muuqatay gacan-sareynta ciidamada Soomaaliyeed, misana ciidamadii Itoobiya dagaal mitid ah ayay muujiyeen. Iyaga oo go4doon ku jira, ayay misana intii karaankood, sidii ciidan u dirireen, Markii ay magaalada dhexdeeda in muddo ah ku dagaalamayeen taangiyadii Soomaalida iyo  ciidamadii cadowga, waxaa bilaabatay in ciidamadii cagta ee Soomaalida ay soo dhaqaaqeen. Dagaalkii wuxuu noqday mid askartii labada ciidan ay foodda isa saaraan. Waxaa xusid mudan, Gaashaanle Yaasiin Hurfe oo ku jirey taangigii ugu horeeyay ee magaalada gala ayaa bartamihii magaalada ku shaahiiday. Sida laga wariyay qaar kamid ah askartii Soomaalida, sarkaalkan ayaa taangigii uu ku jirey waxaa ka dhamaaday xabbadihii. Markaasaa taangi kuwii cadowga ah oo isna ay xabbadihii ka dhamaadeen oo cararaya ayuu raacdeystay. Isaga oo diiddan in uu taangigu baxsado, ayuu markuu la sinnaa inta dibadda u soo baxay, buu dusha kaga dhacay kii cadowga. Askari Soomaaliyeed oo sitay qori lidka taangiyada ayaa gubay taangigii baxsadka ahaa. Askarigu ma ogayn in taangigan uu saaran yahay sarkaal Soomaali ah. Markuu taangigii gubtay ayaa dushiisa waxaa loo tegay shan qof oo ku gubtay qaraxii helay. Ninka shanaad wuxuu ahaa Gaashaanle Yaasiin. Waxaa kale oo halkaas ku shahiiday sarkaal darajadiisu ahayd Dhamme oo ku xigeen u ahaa ururkii taangiyada oo uu Yaasiin hoggaaminayay.

Ciidamadii guutada sagaalaad ee Itoobiya iyo maaleeshiyadii wehelisay, waxay u babac dhigi waayeen dabkii xoogga lahaa iyo weeraradii ciidamada Soomaaliyeed ee mitidka ahaa. Dagaalkaas oo gelin socday wuxuu degmada Qabri-daharre ka yeelay in ay noqoto  magaaladii ugu horeysay ee cadowga si buuxda loogala wareego. Magaaladu waxay soo gashay gacanta Soomaalida galabnimadii ay taariikhdu ahayd 24/ 7- 1977-kii. Ciidankii Itoobiya oo dib uga yaacaya magaalada, ayaa madaxdoodii sare waxay diideen amar uga yimid hoggaankii ciidamadooda oo ah in ay fariistaan difaac danbe oo lagu soo xoojiyo. Madaxda guutada waxaa u muuqatay baaxadda uu leeg yahay weerarka Soomaalida. Sidaa darted suuragal uma ahayn in ay meel dhow isku urursadaan.

" Guutadii sagaalaad ee Qabri-daharre, waxay muujisay dagaal is-difaac ah intii uu karaankeedu ahaa. Dabadeed dib u-gurasho ayay sameeyeen oo Harar ayay soo aadeen. Iyagu waxay diideen in ay aagag cusub fariistaan (oo ay ka diriraan) ". (The Ethiopia-Somalia War of 1977 Revested. The International Journal of African Historical Study. Vol 33. No. 3-2000. p. 644).

Isla-galabtaas ayaa magaalada bartamaheeda waxaa laga taagay calankii jabhadda Soomaali galbeed iyo calankii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaalida oo iska dul babanaya. Saraakiishii ciidanka oo ay ugu weynaayeen G/ S. Maxamad Cali Abokor iyo   G/ S. Cabdi Cismaan ayaa goob-joogayaal ka ahaa goobta calanka la suray.

Ciidamadii Soomaaliyeed ee magaalada qabtay, waxay markiiba bilaabeen in ay dibadda uaga baxaan. Islamarkaana ay samystaan fariisimo ay iska difaacaan haddii uu ku yimaado weerar rogaal-celis ah. Wejiga ay markaas magaaladu yeelatay waxaa war-bixin naga siiyay

Axmad Goday oo xilligaas ahaa nin dayar, oo geel ku raacanayay dhulka baadiyaha ah ee ku dhow magaalada.

" Anigu waxaan ahaa 15 jir wakhtigii dagaalaka. Waxyaalaha aan ka uxusuusto dagaalkaa ee aan iloobayn waxaa kamid ah, magaalada  Qabri-dahare ayaa dadkii ay ka soo baxeen. Annaga reerkanagu waxay ahaayeen reer baadiye. Geel ayaanu lahayn. Magaaladana waan ku dhawayn.  Waxaa jirey wiil askari ah kana yimid magaalada Marka oo u dhashay beesha Biyamaal. Magaciisa waxaa la odhan jirey   Allaha u naxariistee  Xasan. Aabahay ayaa ka soo qaaday magalada. Aad ayuu u xanuunsanaa. Daawo maanu  haynin. Hal dhashay caanaheed ayaa daawo looga dhigay oo ahayd waxii lahayay waxii ugu nafac wanaagsanaa. Markii hore wuu ku ladnaaday. Maalintii danbe ayuu si kadis ah u dhintay, asagoo markaa bilaabay inuu nooga sheekeeyo reerkoodii ". (Waxaan ka soo xiganay Axmad Goday Kh. 22/ 12. 2003. UK - London).

Siddeed kaare oy wada dileen waan dul joogsaday dheh

Dabaqlaydii way madhatay oo duugahaa maray dheh

Doofaarkii iyo way dhinteen dibigii weynaa dheh

Maydkoodu wuxu daadasanaa dooxyadoo idil dheh

Oo haadkii ku dacaroobay baa diiday hilibkii dheh

Daafiday wateen iyo la qaad dahabkii saaraa dheh

Dabkii aan ka furanana Kobuu dadab u yaalaa dheh

Fidaa'iyiintu meeshaan u diro kama dakaamaan dheh

Dakanada kuwii qabayna way dabacsanaayeen dheh

Annagaan ku daynine runtii way damqanayeen dheh (Makayte)

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.