|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXVII-aad

Dr Enow

Dagaalladaas culusi waxay ku beegmeen xilli ay abwaanadii Soomaaliyeed ay kor u qaadeen hal-abuurkooda la xiriiray suugaanta waddaniyadda ah. Xilligaas waa markii  hobolladii Soomaaliya ay soo bandhigeen heesihii qiimaha iyo qiirada lahaa ee muddadii uu dagaalku socday ka bixi jirey idaacadaha Muqdisha iyo Hargeysa. Hobolladii kooxaha Waaberi, Heegan iyo Halgan ayay ahaayeen kuwa mahadda ku lahaa hal-abuuradaas. Heesahaasi waxay cirka ku shareereen dareenkii waddaniyadda ee ummadeed. Waxay shiiqiyeen khilaaf kasta oo ka dhex muuqday bulsha weynta ku bahoobay dhiigga Soomaalinimada. Waxaa kale oo ay shiiqiyeen in il-guracan lagu eego raggii caynaanka u hayay umadda. Taasi waxay kalliftay in dadku hal dhinac u jeestaan. Dibad iyo gudo, miyi iyo magaalo ayaa laga yimid, iyada oo la soo beeganayo meelaha lagu xereynayo dhallinyarada loo tababarayo dagaalka. Heesahaas soo jiidashada lahaa oo ay abwaanadu xilligaas curiyeen waxaa kamid ahaa kuwan hoos ku xusan :

1) Gobanimo-doonka Soomaalida galbeed, gafka uma dul-qaataan, gardarrada ma yeelaan geerida ma diidaan.
2) Taliska nugulee niyad jabka ahee naf la caarigee naxashka saaran.
3) Qabri-dahare anays ka leh, Qorraxay anayska leh, Qallaafana anays kaleh.
4) Ceesaantii mas iyo good, madax Shabeel leeftaa, malaggeedi baa galay.
5) Waraabaha ciyaayow adaan kuu waramayaaye.
6) Weiba Harar iyo Hawaash, habeen dambe waan hayaa.
7) Wallee dheehay, dhaaxa oloshaye, waa lagaa dhalin oo laguu dhigin
8) Gobanimadii jannatee u jilib dhiga, jebisee gumeysiga u jilib dhiga, jihaad galoo u jilib dhiga.
9) Talisyohow wareersani war liidaa, wallee war liidaa, Mingistow war liidaa.
10) Soomaalida galbeedey.

Xataa waxaa dhacday in saraakiil iyo askar Soomaali ah ay ka yimaadaan waddamo shisheeye ah, iyaga oo soo banneeyay xilalkii ay hayeen. Iyagu waxay doonayeen in ay ka qeyb-qaataan dagaalka ka aloosmay gobolka. Waxaa raggaas laga xusi karaa Gaashaanle Nuur Sawaaxili oo isagu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dalka Keenya. Isagu markuu soo baxsaday, darajadiisii ayaa lagu qaatay. Dabadeed wuxuu kamid noqday ciidamadii ka diriray Jigjiga. Waxaa kale oo jirey saraakiil Soomaaliyeed oo dalka dibadda uga baxsaday, kuwaas oo dowladda cafis weydiistay si ay dalka ugu soo laabtaan oo ay ugu biiraan ciidamada u dagaalamaya xoreynta gobolka.

Xaaladda guud caynkaas ayay ahayd marka ay guutooyinka Soomaaliyeed u hub-qaateen in Itoobiya iyo ciidamadeeda ay siiyaan cashar taariikhi ah.
Guutadii uu hoggaaminayay G/ Dh. Xaashi Cali, isla-glabnimadii ay taariikhdu ahayd 23/ 7- 1977-kii, ayay dul fariisteen magaalada War-dheer. Guutadu waxay ku biirtay guuto uu hoggaaminayay G/ Dh. Faarax Sugulle oo ku horeeyay weerarka magaalada. Guutadan danbe oo sida aanu xusnay ku socotay qaab jabhadeed, uma suurogelin in ay magaalada qabato. Khaliif Shire Cali Xagar, wuxuu kamid ahaa askartii la socotay guutadii Faarax Sugulle. Isagu wuxuu ka qeyb qaatay dagaalladii hore ee jabhad ahaanta lagu galay iyo kuwii danbe ee xoogga lagu weeraray. Mar aan ka awreysanay dagaalkii War-dheer, wuxuu yiri:
 

" Waxaan ahaa askari dhallinyar oo ka tirsanaa XDS. Ciidankayagu wuxuu fadhiyay Gaalkacayo. Markaas hore oo aanu baxayno, askarta ayaa la doorisiinayay in ay dagaalka doonayaan iyo in kale.Waxaa nalagu yiri : Yaa nafti hure ah oo doonaya in uu dagaalka galo. Rag badan oo anigu aan ka mid ahaa baa gacanta u taagay dagaalka. Ciidankii Gaalkacayo ka yimid ee guutadii hore la socday, gacan-taaggaa ayay ku soo baxeen oo ku dagaal-galeen ". (Wareysi aanu la yeelanay Khaliif  Shire Cali Xagar. 19/ 8- 2005. Melbourne  Australia).

Sida uu Khaliif sheegay, ciidanka waxaa soo gaari jirey khabarka guulaha ay jabhaduhu ku naaloonayeen. Waxaa soo gari jirey sheekooyinka geesinimada leh oo ay hantida iyo hubka badan kaga furteen cadowga. Raggaas jabhadda ahaa waxaa kamid ahaa qaar ay askar isla ahaayeen oo musharkoodii u ururayay. Taasi waay kamid ahayd waxyaabihii danqinayay in ciidanku ay u fara-baxsadaan dagaalka. Waxaa intaas ka xoog weynaa niyadda ay askartu u hayeen doonka aanada taariikhiga ah oo Itoobiya kaga maqan. Taasaa kalliftay, Khaliif iyo saaxiibadiis, iyaga oo naftooda hurayaal ah, in ay u hayaamaan dagaalkii ka shidmay Ogaadeenya.  
 

Qariiradda Goobta Dagaalku ku Dhex marey Somaliya iyo Dalka Eithopia

Labadii sarkaal, Faarax Sugulle iyo Xaashi Cali, markay isu tageen, waxay dhigteen qorshahoodii weerarka. Waxaa xusid mudan, guutada uu hoggaaminayay Faarax Sugulle in ay saddex jeer jabhad ahaan ku weerartay magaalada. Intuba waxay la kulmeen caabi adag oo waa ay geli waateen. Gawaari gaashaaman iyo jiib qoryo ka dhacayaan ayay Itoobiyaanku ku dirirayeen. Soomaaliduna qoryo AK-47 ah ayay siteen. Laakiin marakan, waxaa is-beddelay cimiladii weerarka. Ciidan xooggan iyo qalab dagaal oo casri ah ayay Soomaalidii ku soo afuufeen degaanka. Sida uu qorshuhu ahaa, ciidnkan cusub, markii ay xirteen aagaggii ay ka weerartami lahaayeen, waxay bilaabeen in ay ka dhur sugaan weerarkii Qabri-dahare lagu qaaday. Markii magaaladan lagaga guuleystay cadowga, waxaa xigay in War-dheer lagu dhufto.

Xooggii Itoobiya u fadhiyay War-dheer, iyaga oo horeyba ay jabhadihii u debciyeen itaalkoodii, ayaa marakan waxaa u muuqatay in la geliyay go'doon buuxa. Waxaa taas kaga darnaa dabka madaafiicda culus oo ciidamada Soomaalidu ay la beegteen fariisihii ay fadhiyeen. Saddex jaho ayaa weerarku ka qabsaday oo madaafiicdu ay ka soo dhacayeen. Markii xooggoodii uu debec galay ayaa ciidankii cagta ay ku soo dhaqaaqeen. Waxaa jira bannaan magaalada kaga aaddan dhanka bari. Itoobiyaanku waxay halkaas ka jareen wixii dhir ahaa ee ku tallaalaa. Ciidankii Soomaalida ee docdaas ka weerartamay ayuu soo gaaray khasaarihii ugu badnaa. Goobtaas waxaa Soomaalidii kaga baxay 61 nin oo xulkii askarta kamid ahaa. Itoobiyaanku waxaa jahadaas u yiil gawaari-gaashaaman. Qaar kamid ah ragga goobtaas ku shahiiday, waxaa lagu laayay shaagaggii gawaarida gaashaaman.  

" Waxaa jirey shan nin oo dhallin yaro ahaa, kuwaas oo lagu toogtay ciidanka hortiisa. Denbigoodu wuxuu ahaa in ay baxsadeen oo ay ka dhuunteen ciidamadii. Iyagu waxay ahaayeen ardaydii BB-da ahaa oo sharciyada ciidanka si wanaagsan uma eeyan aqoon. Laakiin askarta 16-ka ahaa oo ku dhamaaday bannaanka ka horeeya magaalada, waxay u badnaayeen ciidankii sanooyinka badan u khidmeynayay XDS. Iyagu waxaa agtooda ceeb ka ahayd in dagaal laga cararo. Sidaa darteed waxay u adkeysteen culeyska ku yimid. Waana goobtaas meesha ay ka dhacday shilkii ugu xumaa ee hela ciidamadii weeraray War-dheer. Kooxdii aan ka tirsanaa oo ahayd 100 nin, waxaanu isku dhaarsanay in aynaan cidla uga tegin nin naga mid ah oo haddii uu dhaawac ku yimaado ". (Isla marjicii hore).

Gumeysiga markii laysu tago gacan ku tuur yeesha
Guuraha haeenkii waddada gaar dab leh u yeela
Godka iyo dhufeyskuu ku jiro howgu soo gelina
Intii aad daldalataan bambada guudka kaga tuura
Nin gardarani gool inuu dhashaa waa wax soo gurae
Gaba-gabada goortaad dhigtaan horey u sii guura
Geesigii wanaag kuu galaa mahadi gaadhaaye
Giiryaale leexdiyo midkii gaabis ah ogaada
Oo garaaddo ceebeed u xira oo gamba u saara
Geddigeed adduunyada haddii loo gar-dhiganaayo
Geyigeenu leenahay tilmaan lagu gartow taale
Gabar guudka loo dabay intay guri ka soo toosto
Wiil laba go' qaataa intuu gole ka heesaayo
Gooni bay inoo tahay haddaan la is gardaaxayne
Jeer ay gacanta soo galaan geeddiga ha joojin
Guga awrka jeer aad furtaan xariggu yuu gaabin  (Firin)
 

Ciidan Soomaaliyeed oo ku socday gawaari-gaashaaman ayaa markaas magaalada soo galay. Iyagu waxay ka yimaadeen dhanka degmada gallaaddi. Ciidamkaas oo ahaa kuwii ugu horeeyay oo u dhaadhaca magaalada gudaheeda, ayaa waxay ku guuleysteen in ay is-raaciyeen wixii ka haray ciidankii Itoobiya ee magaalada ku sugnaa. Dabadeed cadowgii wuxuu bilaabay in ay is-maqli waayaan oo ay baxsadaan. War-dheer waxay noqotay magaaladii labaad oo Soomaalidu ay si buuxda ugala wareegaan Itoobiya. Askartii halkaas ku sugnaa oo tiradoodu ay ahayd 1.800 oo askari, ayaa noqday wax la laayo, wax is-dhiibay iyo wax cararay.

" Inbadan oo kamid ah cidamadii Itoobiya ee fadhiyay magaalada War-dheer, waxay noqdeen maxaabiis oo waa ay is-dhiibeen. Taasina waxay ka dambeysay markii ay si buuxda uga go'een gurmadkii iyo taakuladii. Guushii lagu helay in ciidamadoodii lagaga kiciyo Qabri-dahare, ayay la dareemeen in ay go'doon yihiin. Shidaal iyo rasaas u iman karay ma jirin. Dabadeed si aanan habaysnanyn ayay u dagaalameen. Intoodii badnayd, goobihii dagaalka dib ayay uga yaaceen ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir Aadan Indha-qarsho. 27/6- 2004. Minnesota - USA).

Waxaa halkaas ku guuleystay howl-galkii mataanaha ahaa oo ay u kaceen ciidamada qeybtii 21-aad ee Soomaaliya. Waxaa dhaboobay ballantii ay saraakiishu ka qaadeen madaxweynaha ee ahayd in ay qaban karaan labada magaalo ee ah Qabri-dahare iyo War-dheer. Wadajir, waxaa halkaas cadowgii lagaga laayay ciidan tiradoodu uu dhan yahay 142 askari. Waxaa maxaabiis ahaan isu dhiibay 256 askari. Waxaa lagu gubay 13 taangi. 300 oo baabuur ayaa barna la gubay barna la qabsaday. Isla degmooyinkaas waxaa Itoobiya lagaga soo riday lix dayuuradood oo kuwa dagaalka ah. (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 30/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).
Khaliif Cali Shire, oo ka waramay markii ay magaalada galeen wuxuu yiri sidan :

" Waxaanu galnay magaaladii oo cidl ah. Dadkii rayidka ahaa horey ayay uga qaxeen. Waxaa inoo muuqday gabbaadyadii dhufeyska u ahaa ciidamadii degmada lagala wareegay iyo meyd badan oo askartoodii ah. Bakhaaradii baanu ka helnay hub fudud iyo rasaas badan. Sidoo kale dhar iyo kabo ciidameed ayaa halkaa ceegaagay. Kabihii waa aan qaadan kari weynay oo waa ay naga yaraadeen " (Wareysi aanu la yeelanay Khaliif  Shire Cali Xagar. 19/ 8- 2005. Melbourne  Australia).

Wariye la yiraahdo Gary Jones ayaa  wuxuu kamid ahaa dad shisheeye ah oo Soomaalidu ay u oggolaadeen in ay soo booqdaan goobihii Soomaalidu ay ka kiciyeen ciidamadii Itoobiya. Gary wuxuu ahaa wariye ka socday wakaaladda wararka ee UPI. Faallo uu ka qorey magaalada War-dheer wuxuu ku sheegay sidan:

" Dhaawacii ugu xumaa wuxuu soo gaaray magaalada War-dheer. Waxaa halkaa ku yiil xarun looga talin jirey ciidan dhan 1.800 oo askari oo Itoobiyaan ah. Magaaladaas waxay gacanta Soomaalida gashay 24/ 7- 1977-kii, kaddib markii 12 maalmood lagu dagaalamayay. Bartamihii magaalada ayaa gebi ahaan bur-buray. Ciidamada Soomaalida oo magaalada hareereeyay ayaa madaafiic cul-culus la dhacay. Maxamad Salaad oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminayay jabhadda ayaa wuxuu ina tusiyay siddeed maxbuus oo Itoobiyaan ah iyo gawaari-gaashaaman oo sancadoodu tahay Mareekan. Maxaabiista laga qabtay Itoobiya, waxay tiradoodu dhamaayeen 250 askari. Maxamad Salaad wuxuu sheegay in tiro boqol ku dhow ay ka dhinteen Soomaalida. Meel kasta oo dagaal ka dhacay oo Ogaadeenya kamid ah, saraakiisha Soomaalida waxay inoo sheegayeen, in ay laayeen boqollaal Itoobiyaan ah, boqollaal kalena ay ka dhaawaceen ". (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 24/ 7- 1977-kii. Stockholm - Sweden). 
 
Habeenka ciidamada Soomaaliyeed, madaafiiscda ku weerarayaan magaalooyinka Qabri-daharre iyo War-dheer, waxaa sidaas oo kale loo weeraray laba degmo oo kale. Waxay ahaayeen Godey iyo Dhagax-buur. Ciidamadii uu hoggaaminayay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan, waa ay ku adkaatay in habeenkaas ay qabtaan Dhagax-buur. Sababtu waxay ahayd ciidamada fadhiyay iyo hubka ay haysteen ayaa ka cimilo duwanaa kuwa kale. Weerar laba toddobaad socday ayaa magaaladan lagu qabtay. Faalladeeda, gadaal ayay inooga iman doontaa. Ciidan kale oo uu hoggaaminayay G/ S. Abuukar Aftoje, iyaguna waxay weerareen Godey, isla-habeenkaas.

23/ 7- 1977-kii, galabnimadii, ciidankii Godey weerari lahaa ayaa meel laysugu keenay. G/ Dh. Cabdullaahi Cirro, oo madax ka ahaa guutada magaalada weerartay ayaa u jeediyay khudbad uu ku dhiiri-gelinayo ciidanka. Geed qurac ah dushiis ayuu ciidanka kala hadlay isaga oo sita cod baahiye. Ereyadii uu galabtaas kula hadlay ciidanka, waxaa kamid ahaa :

" Waa dalkeenii waxa aanu ku dirireynaa. Waa dadkeenii waxa aanu u dirireynaa. Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go'an in la xoreeyo bulshada Soomaalida ah ee gobolkan ku nool. Waa in laga dul-qaado heeryada uu cadowgu saaray. Ciidankeenan, wuxuu nasiib u yeeshay in uu xoreeyo magaaladan Godey oo kamid ah dhufeesyada ugu adag oo cadowgu uu ka dhistay gobolkan. Sidaa darteed, in askartu ay ku dhintaan dagaalka la gelayo, waa arin la fahmi karo. Laakiin arin aan la fahmi karin waxaa ah in askarigu uu dagaalka ka soo cararo. Dowladdu askar waa haysataa oo meeshii bannaanaata iyada ayaa soo buuxsanaysa. ........................... . Beri waxaa inoo ballan ah ama Godey ama geeri ". (Waxaan ka soo xiganay Xasan Maxamad Saalax. 11/ 4- 2004.
Stockholm - Sweden)

Farxad iyo bulaan ayaa ciidankii ay ku soo dhoweeyeen khudbaddii hoggaamiyaha. Subaxnimadii 24/ 7- 1977, markay saacaddu ahayd
04:30 aroornimo ayaa weerarkii bilowday. Sidii ciidankii Qabri-daharre iyo War-dheer, Soomaalidu waxay adeegsadeen dabka jugta weyn ee ka dhaca madaafiicda iyo gantaallada. Jugta xoogga badan iyo dabkii ka dhacayay ayaa waxay kallifeen in ciidankii cadowga ay isku ururaan. Aarintaasina waxay ka dambaysay markii dhufeesyadii ay ku jireen loogu geystay dhaawacayo xoog badan. Isla-markaa waxaa horey uga go'ay taakuladii uga imanaysay Addis-ababa. Bilowgii, ciidamada Itoobiya waxay muujiyeen dagaal bahalnimo ah. Laakiin xoog iyo niyad adag baa lagu muquuniyay. Askarta Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo nafta qeybsada. Ninkasta wuxuu doonayay in uu ka hor maro saaxiibkiis. Kaabaddii magaalada looga tallaabayay oo ay askar badani fadhiday iyo kuwii dhufeesyada hore fadhiyay, dhamaan waxaa hafiyay dabkii madaafiicda. Dib ayay ku urureen. Aroornimadii ayaa waxaa loogu dhacay dhufeesyadii shubka ahaa oo ay magaalada ka dhisteen. Ciidamada hor-socodka ahaa waxay ahaayeen Daraawiish iyo Komaandoos. Inkasta oo dhaawac xooggan uu soo gaaray, misana ciidamadan waa ay ka saad-caleeyeen cadowgii. Askarihii Itoobiya oo dhaawacii uu ku batay, taakuladiina ka goday, ayaa markaas bilaabay in ay dib u gurtaan.

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.