Dagaalladaas
culusi waxay ku beegmeen xilli ay abwaanadii Soomaaliyeed
ay kor u qaadeen hal-abuurkooda la xiriiray suugaanta
waddaniyadda ah. Xilligaas waa markii hobolladii Soomaaliya ay soo bandhigeen
heesihii qiimaha iyo qiirada lahaa ee muddadii uu dagaalku
socday ka bixi jirey idaacadaha Muqdisha iyo Hargeysa.
Hobolladii kooxaha Waaberi, Heegan iyo Halgan ayay ahaayeen
kuwa mahadda ku lahaa hal-abuuradaas. Heesahaasi waxay
cirka ku shareereen dareenkii waddaniyadda ee ummadeed.
Waxay shiiqiyeen khilaaf kasta oo ka dhex muuqday bulsha
weynta ku bahoobay dhiigga Soomaalinimada. Waxaa kale
oo ay shiiqiyeen in il-guracan lagu eego raggii caynaanka
u hayay umadda. Taasi waxay kalliftay in dadku hal dhinac
u jeestaan. Dibad iyo gudo, miyi iyo magaalo ayaa laga
yimid, iyada oo la soo beeganayo meelaha lagu xereynayo
dhallinyarada loo tababarayo dagaalka. Heesahaas soo
jiidashada lahaa oo ay abwaanadu xilligaas curiyeen
waxaa kamid ahaa kuwan hoos ku xusan :
1)
Gobanimo-doonka Soomaalida galbeed, gafka uma dul-qaataan,
gardarrada ma yeelaan geerida ma diidaan.
2)
Taliska nugulee niyad jabka ahee naf la caarigee naxashka
saaran.
3)
Qabri-dahare anays ka leh, Qorraxay anayska leh, Qallaafana
anays kaleh.
4)
Ceesaantii mas iyo good, madax Shabeel leeftaa, malaggeedi
baa galay.
5)
Waraabaha ciyaayow adaan kuu waramayaaye.
6)
Weiba Harar iyo Hawaash, habeen dambe waan hayaa.
7)
Wallee dheehay, dhaaxa oloshaye, waa lagaa dhalin oo
laguu dhigin
8)
Gobanimadii jannatee u jilib dhiga, jebisee gumeysiga
u jilib dhiga, jihaad galoo u jilib dhiga.
9)
Talisyohow wareersani war liidaa, wallee war liidaa,
Mingistow war liidaa.
10)
Soomaalida galbeedey.
Xataa
waxaa dhacday in saraakiil iyo askar Soomaali ah ay
ka yimaadaan waddamo shisheeye ah, iyaga oo soo banneeyay
xilalkii ay hayeen. Iyagu waxay doonayeen in ay ka qeyb-qaataan
dagaalka ka aloosmay gobolka. Waxaa raggaas laga xusi
karaa Gaashaanle Nuur Sawaaxili oo isagu ahaa sarkaal ka tirsanaa
ciidamada dalka Keenya. Isagu markuu soo baxsaday, darajadiisii
ayaa lagu qaatay. Dabadeed wuxuu kamid noqday ciidamadii
ka diriray Jigjiga. Waxaa kale oo jirey saraakiil Soomaaliyeed
oo dalka dibadda uga baxsaday, kuwaas oo dowladda cafis
weydiistay si ay dalka ugu soo laabtaan oo ay ugu biiraan
ciidamada u dagaalamaya xoreynta gobolka.
Xaaladda guud caynkaas ayay ahayd marka ay guutooyinka
Soomaaliyeed u hub-qaateen in Itoobiya iyo ciidamadeeda
ay siiyaan cashar taariikhi ah. Guutadii uu hoggaaminayay G/ Dh. Xaashi Cali, isla-glabnimadii ay taariikhdu
ahayd 23/ 7- 1977-kii, ayay dul fariisteen magaalada
War-dheer. Guutadu waxay ku biirtay guuto uu hoggaaminayay
G/
Dh. Faarax Sugulle oo
ku horeeyay weerarka magaalada. Guutadan danbe oo sida
aanu xusnay ku socotay qaab jabhadeed, uma suurogelin
in ay magaalada qabato. Khaliif
Shire Cali Xagar,
wuxuu kamid ahaa askartii la socotay guutadii Faarax
Sugulle.
Isagu wuxuu ka qeyb qaatay dagaalladii hore ee jabhad
ahaanta lagu galay iyo kuwii danbe ee xoogga lagu weeraray.
Mar aan ka awreysanay dagaalkii War-dheer, wuxuu yiri:
"
Waxaan ahaa askari dhallinyar oo ka tirsanaa XDS.
Ciidankayagu wuxuu fadhiyay Gaalkacayo. Markaas hore
oo aanu baxayno, askarta ayaa la doorisiinayay in ay
dagaalka doonayaan iyo in kale.Waxaa nalagu yiri : Yaa
nafti hure ah oo doonaya in uu dagaalka galo. Rag badan
oo anigu aan ka mid ahaa baa gacanta u taagay dagaalka.
Ciidankii Gaalkacayo ka yimid ee guutadii hore la socday,
gacan-taaggaa ayay ku soo baxeen oo ku dagaal-galeen
". (Wareysi aanu la yeelanay Khaliif Shire
Cali Xagar. 19/ 8- 2005. Melbourne Australia).
Sida uu Khaliif sheegay, ciidanka waxaa soo gaari jirey
khabarka guulaha ay jabhaduhu ku naaloonayeen. Waxaa
soo gari jirey sheekooyinka geesinimada leh oo ay hantida
iyo hubka badan kaga furteen cadowga. Raggaas jabhadda
ahaa waxaa kamid ahaa qaar ay askar isla ahaayeen oo
musharkoodii u ururayay. Taasi waay kamid ahayd waxyaabihii
danqinayay in ciidanku ay u fara-baxsadaan dagaalka.
Waxaa intaas ka xoog weynaa niyadda ay askartu u hayeen
doonka aanada taariikhiga ah oo Itoobiya kaga maqan.
Taasaa kalliftay, Khaliif iyo saaxiibadiis, iyaga oo
naftooda hurayaal ah, in ay u hayaamaan dagaalkii ka
shidmay Ogaadeenya.
 |
|
Qariiradda
Goobta Dagaalku ku Dhex marey Somaliya iyo Dalka
Eithopia |
Labadii
sarkaal, Faarax Sugulle iyo Xaashi Cali, markay isu
tageen, waxay dhigteen qorshahoodii weerarka. Waxaa
xusid mudan, guutada uu hoggaaminayay Faarax Sugulle
in ay saddex jeer jabhad ahaan ku weerartay magaalada.
Intuba waxay la kulmeen caabi adag oo waa ay geli waateen.
Gawaari gaashaaman iyo jiib qoryo ka dhacayaan ayay
Itoobiyaanku ku dirirayeen. Soomaaliduna qoryo AK-47
ah ayay siteen. Laakiin marakan, waxaa is-beddelay cimiladii
weerarka. Ciidan xooggan iyo qalab dagaal oo casri ah
ayay Soomaalidii ku soo afuufeen degaanka. Sida uu qorshuhu
ahaa, ciidnkan cusub, markii ay xirteen aagaggii ay
ka weerartami lahaayeen, waxay bilaabeen in ay ka dhur
sugaan weerarkii Qabri-dahare lagu qaaday. Markii magaaladan
lagaga guuleystay cadowga, waxaa xigay in War-dheer
lagu dhufto.
Xooggii
Itoobiya u fadhiyay War-dheer, iyaga oo horeyba ay jabhadihii
u debciyeen itaalkoodii, ayaa marakan waxaa u muuqatay
in la geliyay go'doon buuxa. Waxaa taas kaga darnaa
dabka madaafiicda culus oo ciidamada Soomaalidu ay la
beegteen fariisihii ay fadhiyeen. Saddex jaho ayaa weerarku
ka qabsaday oo madaafiicdu ay ka soo dhacayeen. Markii
xooggoodii uu debec galay ayaa ciidankii cagta ay ku
soo dhaqaaqeen. Waxaa jira bannaan magaalada kaga aaddan
dhanka bari. Itoobiyaanku waxay halkaas ka jareen wixii
dhir ahaa ee ku tallaalaa. Ciidankii Soomaalida ee docdaas
ka weerartamay ayuu soo gaaray khasaarihii ugu badnaa.
Goobtaas waxaa Soomaalidii kaga baxay 61 nin oo xulkii
askarta kamid ahaa. Itoobiyaanku waxaa jahadaas u yiil
gawaari-gaashaaman. Qaar kamid ah ragga goobtaas ku
shahiiday, waxaa lagu laayay shaagaggii gawaarida gaashaaman.
"
Waxaa jirey shan nin oo dhallin yaro ahaa, kuwaas
oo lagu toogtay ciidanka hortiisa. Denbigoodu wuxuu
ahaa in ay baxsadeen oo ay ka dhuunteen ciidamadii.
Iyagu waxay ahaayeen ardaydii BB-da ahaa oo sharciyada
ciidanka si wanaagsan uma eeyan aqoon. Laakiin askarta
16-ka ahaa oo ku dhamaaday bannaanka ka horeeya magaalada,
waxay u badnaayeen ciidankii sanooyinka badan u khidmeynayay
XDS. Iyagu waxaa agtooda ceeb ka ahayd in dagaal laga
cararo. Sidaa darteed waxay u adkeysteen culeyska ku
yimid. Waana goobtaas meesha ay ka dhacday shilkii ugu
xumaa ee hela ciidamadii weeraray War-dheer. Kooxdii
aan ka tirsanaa oo ahayd 100 nin, waxaanu isku dhaarsanay
in aynaan cidla uga tegin nin naga mid ah oo haddii
uu dhaawac ku yimaado ". (Isla marjicii
hore).
Gumeysiga
markii laysu tago gacan ku tuur yeesha
Guuraha haeenkii waddada gaar dab leh u yeela
Godka iyo dhufeyskuu ku jiro howgu soo gelina
Intii aad daldalataan bambada guudka kaga tuura
Nin gardarani gool inuu dhashaa waa wax soo gurae
Gaba-gabada goortaad dhigtaan horey u sii guura
Geesigii wanaag kuu galaa mahadi gaadhaaye
Giiryaale leexdiyo midkii gaabis ah ogaada
Oo garaaddo ceebeed u xira oo gamba u saara
Geddigeed adduunyada haddii loo gar-dhiganaayo
Geyigeenu leenahay tilmaan lagu gartow taale
Gabar guudka loo dabay intay guri ka soo toosto
Wiil laba go' qaataa intuu gole ka heesaayo
Gooni bay inoo tahay haddaan la is gardaaxayne
Jeer ay gacanta soo galaan geeddiga ha joojin
Guga awrka jeer aad furtaan xariggu yuu gaabin
(Firin)
Ciidan
Soomaaliyeed oo ku socday gawaari-gaashaaman ayaa markaas
magaalada soo galay. Iyagu waxay ka yimaadeen dhanka
degmada gallaaddi. Ciidamkaas oo ahaa kuwii ugu horeeyay
oo u dhaadhaca magaalada gudaheeda, ayaa waxay ku guuleysteen
in ay is-raaciyeen wixii ka haray ciidankii Itoobiya
ee magaalada ku sugnaa. Dabadeed cadowgii wuxuu bilaabay
in ay is-maqli waayaan oo ay baxsadaan. War-dheer waxay
noqotay magaaladii labaad oo Soomaalidu ay si buuxda
ugala wareegaan Itoobiya. Askartii halkaas ku sugnaa
oo tiradoodu ay ahayd 1.800 oo askari, ayaa noqday wax
la laayo, wax is-dhiibay iyo wax cararay.
"
Inbadan oo kamid ah cidamadii Itoobiya ee fadhiyay
magaalada War-dheer, waxay noqdeen maxaabiis oo waa
ay is-dhiibeen. Taasina waxay ka dambeysay markii ay
si buuxda uga go'een gurmadkii iyo taakuladii. Guushii
lagu helay in ciidamadoodii lagaga kiciyo Qabri-dahare,
ayay la dareemeen in ay go'doon yihiin. Shidaal iyo
rasaas u iman karay ma jirin. Dabadeed si aanan habaysnanyn
ayay u dagaalameen. Intoodii badnayd, goobihii dagaalka
dib ayay uga yaaceen ". (Waxaanu ka soo
xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir Aadan
Indha-qarsho. 27/6- 2004. Minnesota - USA).
Waxaa halkaas ku guuleystay howl-galkii mataanaha ahaa
oo ay u kaceen ciidamada qeybtii 21-aad ee Soomaaliya.
Waxaa dhaboobay ballantii ay saraakiishu ka qaadeen
madaxweynaha ee ahayd in ay qaban karaan labada magaalo
ee ah Qabri-dahare iyo War-dheer. Wadajir, waxaa halkaas
cadowgii lagaga laayay ciidan tiradoodu uu dhan yahay
142 askari. Waxaa maxaabiis ahaan isu dhiibay 256 askari.
Waxaa lagu gubay 13 taangi. 300 oo baabuur ayaa barna
la gubay barna la qabsaday. Isla degmooyinkaas waxaa
Itoobiya lagaga soo riday lix dayuuradood oo kuwa dagaalka
ah. (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo
baxay 30/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).
Khaliif
Cali Shire, oo ka waramay markii ay magaalada galeen
wuxuu yiri sidan :
" Waxaanu galnay magaaladii oo
cidl ah. Dadkii rayidka ahaa horey ayay uga qaxeen.
Waxaa inoo muuqday gabbaadyadii dhufeyska u ahaa ciidamadii
degmada lagala wareegay iyo meyd badan oo askartoodii
ah. Bakhaaradii baanu ka helnay hub fudud iyo rasaas
badan. Sidoo kale dhar iyo kabo ciidameed ayaa halkaa
ceegaagay. Kabihii waa aan qaadan kari weynay oo waa
ay naga yaraadeen " (Wareysi aanu la yeelanay
Khaliif Shire Cali Xagar. 19/ 8- 2005. Melbourne
Australia).
Wariye la yiraahdo Gary Jones ayaa
wuxuu kamid ahaa dad shisheeye ah oo Soomaalidu ay u
oggolaadeen in ay soo booqdaan goobihii Soomaalidu ay
ka kiciyeen ciidamadii Itoobiya. Gary wuxuu ahaa wariye
ka socday wakaaladda wararka ee UPI. Faallo uu ka qorey
magaalada War-dheer wuxuu ku sheegay sidan:
" Dhaawacii ugu xumaa wuxuu soo gaaray magaalada
War-dheer. Waxaa halkaa ku yiil xarun looga talin jirey
ciidan dhan 1.800 oo askari oo Itoobiyaan ah. Magaaladaas
waxay gacanta Soomaalida gashay 24/ 7- 1977-kii, kaddib
markii 12 maalmood lagu dagaalamayay. Bartamihii magaalada
ayaa gebi ahaan bur-buray. Ciidamada Soomaalida oo magaalada
hareereeyay ayaa madaafiic cul-culus la dhacay. Maxamad
Salaad oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminayay jabhadda
ayaa wuxuu ina tusiyay siddeed maxbuus oo Itoobiyaan
ah iyo gawaari-gaashaaman oo sancadoodu tahay Mareekan.
Maxaabiista laga qabtay Itoobiya, waxay tiradoodu dhamaayeen
250 askari. Maxamad Salaad wuxuu sheegay in tiro boqol
ku dhow ay ka dhinteen Soomaalida. Meel kasta oo dagaal
ka dhacay oo Ogaadeenya kamid ah, saraakiisha Soomaalida
waxay inoo sheegayeen, in ay laayeen boqollaal Itoobiyaan
ah, boqollaal kalena ay ka dhaawaceen ". (Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 24/ 7- 1977-kii.
Stockholm - Sweden).
Habeenka ciidamada Soomaaliyeed, madaafiiscda ku weerarayaan
magaalooyinka Qabri-daharre iyo War-dheer, waxaa sidaas
oo kale loo weeraray laba degmo oo kale. Waxay ahaayeen
Godey iyo Dhagax-buur. Ciidamadii uu hoggaaminayay Jeneraal
Yuusuf Axmad Salxaan, waa ay ku adkaatay in habeenkaas
ay qabtaan Dhagax-buur. Sababtu waxay ahayd ciidamada
fadhiyay iyo hubka ay haysteen ayaa ka cimilo duwanaa
kuwa kale. Weerar laba toddobaad socday ayaa magaaladan
lagu qabtay. Faalladeeda, gadaal ayay inooga iman doontaa.
Ciidan kale oo uu hoggaaminayay G/ S. Abuukar Aftoje,
iyaguna waxay weerareen Godey, isla-habeenkaas.
23/ 7- 1977-kii, galabnimadii, ciidankii Godey weerari
lahaa ayaa meel laysugu keenay. G/ Dh. Cabdullaahi Cirro,
oo madax ka ahaa guutada magaalada weerartay ayaa u
jeediyay khudbad uu ku dhiiri-gelinayo ciidanka. Geed
qurac ah dushiis ayuu ciidanka kala hadlay isaga oo
sita cod baahiye. Ereyadii uu galabtaas kula hadlay
ciidanka, waxaa kamid ahaa :
" Waa dalkeenii waxa aanu ku dirireynaa. Waa
dadkeenii waxa aanu u dirireynaa. Dowladda Soomaaliyeed
waxaa ka go'an in la xoreeyo bulshada Soomaalida ah
ee gobolkan ku nool. Waa in laga dul-qaado heeryada
uu cadowgu saaray. Ciidankeenan, wuxuu nasiib u yeeshay
in uu xoreeyo magaaladan Godey oo kamid ah dhufeesyada
ugu adag oo cadowgu uu ka dhistay gobolkan. Sidaa darteed,
in askartu ay ku dhintaan dagaalka la gelayo, waa arin
la fahmi karo. Laakiin arin aan la fahmi karin waxaa
ah in askarigu uu dagaalka ka soo cararo. Dowladdu askar
waa haysataa oo meeshii bannaanaata iyada ayaa soo buuxsanaysa.
........................... . Beri waxaa inoo ballan
ah ama Godey ama geeri ". (Waxaan ka soo
xiganay Xasan Maxamad Saalax. 11/ 4- 2004. Stockholm
- Sweden)
Farxad iyo bulaan ayaa ciidankii ay ku soo dhoweeyeen
khudbaddii hoggaamiyaha. Subaxnimadii 24/ 7- 1977, markay
saacaddu ahayd 04:30
aroornimo ayaa weerarkii bilowday. Sidii ciidankii Qabri-daharre
iyo War-dheer, Soomaalidu waxay adeegsadeen dabka jugta
weyn ee ka dhaca madaafiicda iyo gantaallada. Jugta
xoogga badan iyo dabkii ka dhacayay ayaa waxay kallifeen
in ciidankii cadowga ay isku ururaan. Aarintaasina waxay
ka dambaysay markii dhufeesyadii ay ku jireen loogu
geystay dhaawacayo xoog badan. Isla-markaa waxaa horey
uga go'ay taakuladii uga imanaysay Addis-ababa. Bilowgii,
ciidamada Itoobiya waxay muujiyeen dagaal bahalnimo
ah. Laakiin xoog iyo niyad adag baa lagu muquuniyay.
Askarta Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo nafta qeybsada.
Ninkasta wuxuu doonayay in uu ka hor maro saaxiibkiis.
Kaabaddii magaalada looga tallaabayay oo ay askar badani
fadhiday iyo kuwii dhufeesyada hore fadhiyay, dhamaan
waxaa hafiyay dabkii madaafiicda. Dib ayay ku urureen.
Aroornimadii ayaa waxaa loogu dhacay dhufeesyadii shubka
ahaa oo ay magaalada ka dhisteen. Ciidamada hor-socodka
ahaa waxay ahaayeen Daraawiish iyo Komaandoos. Inkasta
oo dhaawac xooggan uu soo gaaray, misana ciidamadan
waa ay ka saad-caleeyeen cadowgii. Askarihii Itoobiya
oo dhaawacii uu ku batay, taakuladiina ka goday, ayaa
markaas bilaabay in ay dib u gurtaan.
Saadiq
Enow