Sida
ka muuqata khudbaddii uu G/
Dh. Cabdullaahi Cirro
u jeediyay ciidankiisa,
waxaa lagu dirirayay dhul ay beelaha Soomaaliyeed ku
dhaqnaayeen qarniyo badan. Labada dhinac oo dagaalku
u dhexeeyay, dhinac waxaa ahaa dad Soomaaliyeed oo gobolka
ku dhashay iyo ciidan ilma-adeeradood ah oo uga soo
hiiliyay gobollada kale ee Soomaaliya. Waxaa ka soo
hor-jeeday oo dhinaca kale ka dirayay wiilal laga keenay
gobollada Tigrey, Shawa iyo
Gujaamo, kuwaas oo degaanka qariib ku ahaa. Iyagu
maahayn kuwo ka duwan xoogaggii gumeysiga ahaa oo qarni
hortiis boob ku qaatay dhulka Soomaalidu degaan. Waxaa
loo arkayay qanjir dheeri ku ah degaanka, iyaguna sidaas
bay isu arkayeen. Xilliga ay dagaalladaasi socdeen,
nin la yiraahdo Cabdullaahi
Shiikh Xuseen,
ayaa maqaal ku soo qoray wargeyskii Xiddigta Oktoober,
uu kaga faalloonayo arintan. Isagu wuxuu soo qoray sidan
:
" .
Dhinac
waxaa ka soo jeeda askar lagu soo qasbay dagaalka oo
aanan garanayn ujeeddada ay u dagaalamayaan, ama og
haddii ay dhintaan in ay ku goayaan gar-lii
iyo mag-lii. Askartaas, iyaga oo naftooda la qisaasayo
ayaa waxaa lagu soo dhex-tuuray dal qalaad oo aanay
aqoon u lahayn dabiicaddiisa iyo cimiladiisa. Iyagu
waxay la dirirayeen dad aanay ahayn isku diin, isku
dhaqan, isku caado iyo isku taariikh. Askartaasi Itoobiyaanka
ah, waxay dhex muquufayaan gaasas wada qamuunyaysan
oo haartii addoonsigu ay ku taal. Dhinac kale waxaa
ka soo jeeda gobanimo-doon caro iyo ciil ku gaamuray,
maantana ay taariikhdii u soo meertay. Gobanimo-doon
xaq ku diriraya oo rumeysan diinta. Islaamka, haddii
uu dhinto inaanan dhiigga laga dhaqayn, uuna gelayo
jannadii lagu waarayay
". (Wargeyska
Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 22/ 7- 1977-kii. Soomaaliya.
Muqdishow).
Weerarka geesinimada leh oo ay ciidamadii
Soomaaliyeed ku qaadeen fariisimihii cadowga ee uu ku
lahaa Godey, waxaa weheliyay weeraro gujis ah oo ay
gadaal kaga hayeen ciidamadii jabhadda ee guutada Duufaan.
Ciidamada jabhadda qudhoodu si wacan ayay u dagaalameen.
Raggii jabhadiinta ahaa, waxay ahaayeen kuwo la weyraxay
naca ku raagay oo ay fursadda u heleen in ay boogta
isaga dhayaan. Sheekooyinka tilmaamaya geesinimadii
ay ku dagaal galeen raggaas waxaa kamid ah sheekadan
aanu ka warinay taliyihii guutada Duufaan Axmad
Shiikh Cabdi.
Isagu wuxuu yiri :
" Degaanka
lagu dirirayay wuxuu ahaa meel howd ah oo dhir badan.
Meel keyn ah baa waxaa isaga hor yimid saddex nin oo
Itoobiyaan ah oo baxsad ah iyo saddex nin oo jabhaddii
ah. Ragga jabhadda ahaa waxay ahaayeen laba nin oo magacyadooda
la oran jirey Dhuxul iyo
Sanweyne. Waxaa weheliyay nin kale. Meel ay ka wada hadli karaan
ayay askartii Itoobiyaanka ahaa iska arkeen. Askari
Itoobiyaan ah baa inta baakad sigaar ah soo tuuray wuxuu
ku yiri Soomaalidii: War baahi baa idin eryeysee, ordaya
sigaarkaas qaata oo naga hor leexda. Dhuxul baa markaas saaxiibadiis ku
yiri : Wallaahi sigaarkaas waan qaadan, nimankaa i ihaanaystayna
waan dili ee ii ilaasha. Markaasuu inta gadaal u booday,
ayuu dushoodii ka soo laabtay. Intii uu soo wareeganayay,
waxaa is xabbadeynayay saaxiibadiis iyo saddexdii askari
ee Itoobiyaanka ahaa. Dhuxul ayaa gadaal kaga yimid saddexdii
nin, markaasuu goobtii ku laayay. Dabadeedna baakadkii
sigaarka ahaa ayuu soo qaatay. Baakadkaas, oo Xamar
loo soo diray, ayaa wuxuu oolli jirey wasaaraddii
gaashaan-dhigga ee Soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa waxyaabaha
loo daawasho tago ee lagu xasuusto geesinimadii askarta
Soomaaliyeed ay kaga qeyb qaateen dagaalkii dhex
maray Soomaaliya iyo Itoobiya "(Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).
Digta
iyo dinnaagadii ay madaafiicdu ku holcinayeen dhufeesyada
cadowga, weerarkii bahalnimada ahaa oo ay ciidamada
lugta qaadeen iyo gujadii ay jabhaduhu gadaal kaga hayeen,
waxay kala daadisay is-haysadkii ciidamadii cadowga.
Dabadeed Soomaalidii waxay cagta mariyeen guutadii 5-aad
iyo maaleeshiyadii lagu soo xoojiyay. Markay maalinnimadii
ahayd, magaaldii si buuxda ayay gacanta ugu gashay ciidankii
Soomaalida. G/
Dh. Cabdullaahi Shiikh Axmad Cirro,
wuxuu la socday ciidankii ugu horeeyay ee magaalada
gala. Soomaalida waxaa markaa u gacan-galay bakhaaradii
hubka ee Godey. Waxaa halkaas yiil hubka iyo rasaasta
lagu taakulaynayay ciidamada ku sugnaa Baali, Siidaamo
iyo inta Jigjiga ka sokeysa.
Arin
uu ka sheekeeyay nin la yiraahdo Abuubakar
Samantar Sii'arag
ayaa iyana waxay tilmaamaysaa geesinimada ay ciidamada
Soomaaliyeed ku weerartameen. Taas oo la'aanteed eeyan
suuragasheen in ciidanka Itoobiya la jebiyo. Xataa cadowgii
ayaa qiray geesinimada askariga Soomaaliyeed ee qadiyad
u-dirirka ahaa. Sii'arag waa nin Soomaali ah oo marka
uu dagaalku socday ka shaqeynayay idaacadda Addis-ababa.
Nin Itoobiyaan ah oo idaacadda ka ahaa odey ayaa sarkaal
walaalkiis ah waxaa lagu soo dhaawacay dagaal kamid
ah dagaalladii hore ee Godey ka dhacay. Sarkaalkan wuxuu
kamid ahaa ciidamada keydka ah ee Itoobiya. Wuxuu la
socday ciidan lagu xoojiyay guutadii 5-aad ee magaalada
fadhiday. Dhaawac soo gaaray darteed ayaa waxaa la keenay
isbitaal ku yaal Addis-ababa.
Ninkii
madaxa ka ahaa idaacadda ayaa isbitaalka ku soo booqday
sarkaalkii ay walaalaha ahaayeen. Sii'arag iyo qaar kamid ah shaqaalihii
idaacadda ayaa hore usii racay. Ninkii madaxa idaacadda
ahaa, markuu arkay walaalkiis oo dhaawac ah waa uu ooyay.
Markaasaa raggii la socday ay la baroorteen. Sii'arag ayaa isna is oohiyay, si uu
u muujiyo in uu la qadiyad yahay. Dhaqan baa jira Itoobiya
laga yaqaan oo ah, haddaadan xilligaas murugada leh
aadan dadka la ooyin, cadow baa laguu arkayaa. Danjire
Cabdullaahi Xasan Maxamuud,
guddoomiyihii WSLF, oo ahaa ninka sheekadan aanu ka
warinay, wuxuu yiri sidan :
"
Sii'arag wuxuu nagu yiri : Annaga oo
sarkaalkii dhaawaca ahaa kor taagan oo u barooranayna,
ayaa waxaa booqasho ugu yimid saraakiil ka socota wasaaradda
difaaca ee Itoobiya. Horteenii ayay ku wareysteen ninkii
dhaawaca ahaa. Waxay weydiiyeen, haddii ay Soomaalidu
Godey qabsadaan, ma suuragalbaa in ay Jigjiga qabsanayaan.
Wuxuu ku jawaabay : Ciidanka aan arkay, Jigjiga iska
daayee, Harar iyo Dirir-dhabe inta qabsadaan bay halkan
aad taagan tihiin imanayaan, haddii Itoobiya eeyan xagga
Eebe ka helin hiillo. Sarkaalkii ayaa hadalkiisii wuxuu
ku daray : Caadada ciidanka waxaa ah, haddii col xoog
leh la jebiyo, ugu yaraan toddobaad bay qaadataa in
ay isa soo abaabulaan oo xataa ay niyaddii ciidanka
soo noqoto. Waa arin lala yaabo ayuu yiri, Soomaalida
iyaga oo xalay oo kale xoog u jabay ayay caawo weerar
kii lamid ah ama kaba culus soo qaadayaan
". (Wareysi
aanu la yeelaney Danjire Cabdullaahi Xasan, 6/ 10- 2004,
Qaahira - Masar).
Sarkaalkan
sheekeynayay ayaa hadalkiisii wuxuu duluc uga dhigay,
Soomaalidu waa dad oggol in ay u dhintaan dhulkan, annaguse
ma hayno askar sidaas ah. Wuxuu taas markhaati uga dhigay
fal hortiisa ka dhacay oo uu ka sheekeeyay. Isagu wuxuu
yiri :
"
Markaan dhaawacmayay, sarkaal Soomaali ah baa ii
muuqday. Isagu wuxuu ku hadlayay taar. Xabbad lagu shiishay
baa taarkii kaga dhacday. Markaasaa taarkii ka caddilmay.
Ninkan waa uu ii muuqday. Goobtuna waxay ahayd meel
si ba'an laysu dhaafsanayay rasaas sidii dhibcaha roobka
u dhacaya. Markii taarkii uu ka gubtay, inta istaagay
buu xabbad sigaar ah oo afka ugu jidhay ayuu xoog u
jiiday. Dabadeedna inta gacanta kor u taagay, ayuu ciidan
agagaarkiisa dhabacnaa wuxuu ku amray in ay weear qaadaan.
Aniga oo la yaabban falkaas ayay xabbado igu dhaceen.
Markaasaa si deg-deg badan laii soo qaaday
". (Isla marjicii
hore).
Xilliga ay
Soomaalidu ku dirirayeen niyaddaas sare, ciidamada Itoobiya
waxay ahaayeen kuwo habqan ah. Gudahooda waxaa ka socotay
amar diiddo badan iyo is gumaad badan. Gustama Dhiribsa,
Mukriyow Takane
iyo Walde Rafaiil oo kamid ahaa maxaabiistii Godey lagu qabtay ayaa
arintaas wax ka tilmaamay. Iyagu waxay ahaayeen ciidamadii
maaleeshiyada ahayd ee lagu xoojiyay ciidamada Godey.
Raggaan oo sida ay sheegeen ka yimid gobolka Gujaamo
iyo Tigrey, waxay ka warameen in ciidanka rigliga ah
ee Itoobiya ay laayeen askar badan oo kamid ah maaleeshiyadii
beeraleyda ahayd oo ay iyaga isla socdeen. Dilkaasi
wuxuu ka danbeeyay markii ciidanka maaleeshiyada ay
dib uga gurteen dhufeesyadii lagu khasbay in ay ka dagaal
galaan. Raggaasi waxay war-bixintoodii raaciyeen in
khasab looga soo kaxeeyay reerahoodii, iyada oo eheladoodii
ay barooranayaan. Hadalkoodii waxaa kamid ahaa :
" Dhowr
maalmood markii aanu moogeyn reeraheennii, ayaa waxaa
laynagu soo ururiyay xero ku taal Addis-ababa agagaarkeeda.
Halkaas waxay noogu sheegeen inaan ka baranayno waxyaabo
la xiriira beero-falashada iyo aragtida Hanti-wadaagga.
Balse runtu waxay ahayd inaanu ka qeyb-galno waxa uu
Mengistu ku tilmaamay socodkii beeralayda. Kaddibna ay nagu
daadiyaan goobaha ay ka dhacayaan tacshiiradda gobanimo-doonku
ridayaan . . Tallaabooyinka guul-darrada
ah ee Mengistu
uu dhaxalsiiyay beeralaydii saboolka ahayd ee Itoobiya,
waa mid ka baxsan baniiaadminimada
". (Wargeyska
Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 31/ 7- 1977-kii. Soomaaliya.
Muqdishow).
Abarre
Xayle iyo Gosit Yetna ayaa iyana kamid ahaa askarta
isa soo dhiibay. Raggani markii iyaguna la wareystay
waxay yiraahdeen :
"
Sababaha nagu kallifay inaan isu dhiibno JGSG, waxaa
kamid ah iyada oo maamulka taliska Addis-ababa uusan
hagaagsanayn islamarkaana uusan la socon waxay ku sugan
yihiin ciidamada uu dagaalka ku khasbayo ".
(Xiddigta Oktoober. 20/ 7- 1977-kii).
Subaxnimadii
ay taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii, calankii jabhadda
Soomaali Galbeed iyo kii JDS waxaa la suray Godey. G/
Dh. Cabdullaahi Cirro
iyo Dhamme
Ciise Gelledi
ayay ahaayeen kuwa magaalada bartankeedii saaray labada
calan. Taasina waxay ka danbaysay markii la dilay sarkaalkii
odayga u ahaa ciidamada Itoobiya ee Godey ka dagaalamayay.
Isagu wuxuu ahaa G/
Dh. Fatanya Dalaash.
Qaar kamid ah maxaabiistii cadowga oo laga wareystay
in ciidanka Itoobiya ay awood u leeyihiin in ay soo
celiyaan weerar ay magaalada Godey ku qabsanayaan, waxay
sheegeen sidan :
"
Waa arin aanan suuragal ahayn in ciidamada Itoobiya
ay soo weeraraan Godey, kaddib markii laga qabsaday.
Sababtuna waa ciidamada Soomaalida oo gacanta ku dhigay
dhufeysyadii istraateejiga ahaa oo ciidamada Itoobiya
ay ku tacab beeleen. Waxay taasi suuragelinaysaa in
Soomaalidu ay ka lib keenaan weerar kasta oo lagu soo
qaado magaalada ". (Wargeyska
Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 27/ 7- 1977-kii.
Soomaaliya. Muqdishow).
Dabadeed waxaa bilaabatay in dagaalladii
ay ku faafaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka. Islamaalintaas
Godey la qabtay, ciidamadii Soomaaliyeed ee ku baahay
gobolka, waxaa la faray in ay weeraraan meelaha soke
oo ay ku hareen ciidamada Itoobiya. Ciidamadii Godey
fadhiyay taar baa u yimid lagu amrayo in degmada Qallaafe
ay ka kiciyaan koox Itoobiyaan ah oo halkaas ku haray.
Tiradoodu
waxay dhamayd 82 nin. Dhamme
Ciise Gelledi
oo ahaa ninka waajibkaas qaatay ayaa markaas wuxuu hor
kacayay 36 askari oo ka soo haray koox ahayd ciidankii
Daraawiishta ee Godey ka diriray. Kooxdan oo tiradooda
horey u ahaa 124 askari, raggeedii waxay ku dhamaadeen
dagaalladii Godey lagu qaaday. G/
Dh Cabdullaahi Cirro,
wuxuu damcay in uu ciidan kale ku buuxiyo. Sida uu inoo
sheegay Xasan Maxamad Saalax, oo kamid ahaa ciidamada
Daraawiishta, Dhamme
Ciise Gelledi
ayaa arikaas diiday oo yiri :
"
Wallaahi inaanan askari siyaado ah u baahnayn si
aan u kiciyo ciidanka aan tiradooda maqlay ee godoonka
ah. Anoo horin Daraawiish ah ay ila socoto, ka adki
koox iyo laba koox oo Itoobiyaan ah. Waan ku kalsoonahay
inaan soo qaqabanayo ama aan ka eryayo degaanka
". (Waxaan
ka soo xiganay Xasan Maxamad Saalax. 11/
4- 2004. Stockholm - Sweden).
Nasiib wanaag waxaa ahaa, in ciidankii Qallaafe fadhiyay
ay maalin ka hor baxeen. Markii ay maqleen in Godey
ay gacan gashay ayay guureen oo waddada War-dheer aadda
ayay qaadeen. Dabadeed inta magaaladii dusha ka mareen
ayay Jigjiga galeen. Wixii ay qaadan kari waayeen, markay
cararayeen ayay gubeen. Ciidankii Daraawiishta ahaa,
waxay goobtii tageen xeryihii ay ku dhaqnaayeen ciidamada
Itoobiya, iyada oo ololeysa. Daraawiishtii muddo toddoba
cisho ah ayay goobtii ku sugnaayeen.
Sidoo kale, waxaa jirey ciidan Soomaaliyeed
iyo qalab dagaal oo lagu ururinayay meel u dhow degmada
Doolow. Taar baa iyagana u yimid la farayo in ay degmada
Doowlo ka eryaan ciidamada ku sugan. Waxaa xusid mudan
in Itoobiyaanku ay markaas degganaayeen buur dheer dusheed,
taas oo magaalada ka xigta dhanka waqooyi-bari. Markii
ay saraakiishii Soomaaliyeed u fariisteen in ay ka sheekeystaan
sidii ay u weerari lahaayeen, waxay is tusiyeen in ay
haboon tahay in madaafiic lagu weeraro, dabadeedna firdhadkooda
dhulka lagu sugo. Gaashaanle
Maxamad Siciid Moorgan,
oo kamid ahaa saraakiishii madaafiicda ee halkaas ku
sugnaa, ayaa wuxuu codsaday in isaga loo daayo weerarka
madaafiicda. Sidii buu ku hoggaamiyay koox madaafiic
ah. Weerarkii ay kooxdaasi qaadday ayaa ciidankii Itoobiya
looga kiciyay magaalada Doolow.
War
la hubiyay oon xalay ka helay hanaddadaa geyshka
Hareertaa galbeed iiga yimid haakah baan iriye
Hurwa iyo cayaar iyo inaan heello tuma weeya
Geesiyada halgamayee wax badan ciil la hoganaayay
Ee hagoogta iska qaaday waxaan hoga tusaaleeyay
Alleylehe halkaan idin la rabay weydin hanateene
Hohay malaha geeridu hadday guul ku hirataaye
Cadowgii dhulkiinii hirqaday la isku heeraarye
Hareeraha waxaad kala marteen holoca baaruude
Halbowlahaad jarteen iyo wadnaha hanaqyadiisiiye
Hubka kulul markii laysku riday haysan kari
waaye
Mar haddii Godey laga hantiyay taliska heehaaban
Hareeraha Wardheer iyo hadduu Daharre hayn waayay
Inta harayna wuu na hooya oran hubanti
weeyaane
Hambalyaanu leenahay jabhaduhu libintay hooyeene
Ku hubsada hal-gaad iyo dil baa lagu hanqaacshaaye
Harar iyo Hawaash baa dhimane inaad heshaan
weeye (Firin)
Markii Itoobiya laga qabsaday degmooyinkaas
waaweyn, waxay bilowday in ay caalamka u cabato. Waxay
bilowday in ay maxfallada dunida iyo miisadaha diblomaasiyadda
ay ka sheegto in Soomaaliya ay ku soo duushay dhulkeedii.
Dhawaaqaas kiisii ugu horeeyay wuxuu soo baxay 25/ 7-
1977-kii, markaas oo wasiirkii dibadda ee Itoobiya Feleke Gedle Ghiorges, uu u waramay wakaaladda
wararka ee Itoobiya ENA.
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay si
buuxda uga dirirayaan Gobolka Ogaadeenya. Wuxuu tilmaamay
in Soomaaliya ay gobolka u soo tallaabisay ciidamo hubaysan,
gawaari-gaashaaman iyo dayuuradaha dagaalka. Wasiirku
wuxuu sii daayay farriin hadal ah oo uu u gudbinayay
diblomaasiyiinta shisheeyaha ah ee ku sugan Addis-ababa
iyo madaxda dowladaha ku bahoobay ururka midnimada Afrika
OAU. Fariintaasi oo ahayd cabasho, ayuu wuxuu ku caddaynayay
in Soomaaliya ay si muuqata Itoobiya u soo weerartay.
Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in shan dayuuradood oo
Soomaali leedahay ay soo rideen muddadii uu dagaalkan
socday. Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Itoobiya
ay burburiyeen 39 isugu jira taangiyo iyo gawaari-gaashaaman
oo Soomaalidu leeyihiin. (Waxaan
ka soo xiganay wargeyska Dagens Nyheter, tirsigiisii
soo baxay 27/ 7- 1977-kii. Stockholm - Sweden).
Saadiq
Enow