|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXVIII-aad

Dr Enow

Sida ka muuqata khudbaddii uu G/ Dh. Cabdullaahi Cirro u jeediyay ciidankiisa, waxaa lagu dirirayay dhul ay beelaha Soomaaliyeed ku dhaqnaayeen qarniyo badan. Labada dhinac oo dagaalku u dhexeeyay, dhinac waxaa ahaa dad Soomaaliyeed oo gobolka ku dhashay iyo ciidan ilma-adeeradood ah oo uga soo hiiliyay gobollada kale ee Soomaaliya. Waxaa ka soo hor-jeeday oo dhinaca kale ka dirayay wiilal laga keenay gobollada Tigrey, Shawa iyo  Gujaamo, kuwaas oo degaanka qariib ku ahaa. Iyagu maahayn kuwo ka duwan xoogaggii gumeysiga ahaa oo qarni hortiis boob ku qaatay dhulka Soomaalidu degaan. Waxaa loo arkayay qanjir dheeri ku ah degaanka, iyaguna sidaas bay isu arkayeen. Xilliga ay dagaalladaasi socdeen, nin la yiraahdo Cabdullaahi Shiikh Xuseen, ayaa maqaal ku soo qoray wargeyskii Xiddigta Oktoober, uu kaga faalloonayo arintan. Isagu wuxuu soo qoray sidan :

" . Dhinac waxaa ka soo jeeda askar lagu soo qasbay dagaalka oo aanan garanayn ujeeddada ay u dagaalamayaan, ama og haddii ay dhintaan in ay ku goayaan gar-lii iyo mag-lii. Askartaas, iyaga oo naftooda la qisaasayo ayaa waxaa lagu soo dhex-tuuray dal qalaad oo aanay aqoon u lahayn dabiicaddiisa iyo cimiladiisa. Iyagu waxay la dirirayeen dad aanay ahayn isku diin, isku dhaqan, isku caado iyo isku taariikh. Askartaasi Itoobiyaanka ah, waxay dhex muquufayaan gaasas wada qamuunyaysan oo haartii addoonsigu ay ku taal. Dhinac kale waxaa ka soo jeeda gobanimo-doon caro iyo ciil ku gaamuray, maantana ay taariikhdii u soo meertay. Gobanimo-doon xaq ku diriraya oo rumeysan diinta. Islaamka, haddii uu dhinto inaanan dhiigga laga dhaqayn, uuna gelayo jannadii lagu waarayay ". (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 22/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

Weerarka geesinimada leh oo ay ciidamadii Soomaaliyeed ku qaadeen fariisimihii cadowga ee uu ku lahaa Godey, waxaa weheliyay weeraro gujis ah oo ay gadaal kaga hayeen ciidamadii jabhadda ee guutada Duufaan. Ciidamada jabhadda qudhoodu si wacan ayay u dagaalameen. Raggii jabhadiinta ahaa, waxay ahaayeen kuwo la weyraxay naca ku raagay oo ay fursadda u heleen in ay boogta isaga dhayaan. Sheekooyinka tilmaamaya geesinimadii ay ku dagaal galeen raggaas waxaa kamid ah sheekadan aanu ka warinay taliyihii guutada Duufaan Axmad Shiikh Cabdi. Isagu wuxuu yiri :

" Degaanka lagu dirirayay wuxuu ahaa meel howd ah oo dhir badan. Meel keyn ah baa waxaa isaga hor yimid saddex nin oo Itoobiyaan ah oo baxsad ah iyo saddex nin oo jabhaddii ah. Ragga jabhadda ahaa waxay ahaayeen laba nin oo magacyadooda la oran jirey Dhuxul iyo Sanweyne. Waxaa weheliyay nin kale. Meel ay ka wada hadli karaan ayay askartii Itoobiyaanka ahaa iska arkeen. Askari Itoobiyaan ah baa inta baakad sigaar ah soo tuuray wuxuu ku yiri Soomaalidii: War baahi baa idin eryeysee, ordaya sigaarkaas qaata oo naga hor leexda. Dhuxul baa markaas saaxiibadiis ku yiri : Wallaahi sigaarkaas waan qaadan, nimankaa i ihaanaystayna waan dili ee ii ilaasha. Markaasuu inta gadaal u booday, ayuu dushoodii ka soo laabtay. Intii uu soo wareeganayay, waxaa is xabbadeynayay saaxiibadiis iyo saddexdii askari ee Itoobiyaanka ahaa. Dhuxul ayaa gadaal kaga yimid saddexdii nin, markaasuu goobtii ku laayay. Dabadeedna baakadkii sigaarka ahaa ayuu soo qaatay. Baakadkaas, oo Xamar loo soo diray, ayaa  wuxuu oolli jirey wasaaraddii gaashaan-dhigga ee Soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa waxyaabaha loo daawasho tago ee lagu xasuusto geesinimadii askarta Soomaaliyeed ay kaga qeyb qaateen  dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya "(Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Digta iyo dinnaagadii ay madaafiicdu ku holcinayeen dhufeesyada cadowga, weerarkii bahalnimada ahaa oo ay ciidamada lugta qaadeen iyo gujadii ay jabhaduhu gadaal kaga hayeen, waxay kala daadisay is-haysadkii ciidamadii cadowga. Dabadeed Soomaalidii waxay cagta mariyeen guutadii 5-aad iyo maaleeshiyadii lagu soo xoojiyay. Markay maalinnimadii ahayd, magaaldii si buuxda ayay gacanta ugu gashay ciidankii Soomaalida. G/ Dh. Cabdullaahi Shiikh Axmad Cirro, wuxuu la socday ciidankii ugu horeeyay ee magaalada gala. Soomaalida waxaa markaa u gacan-galay bakhaaradii hubka ee Godey. Waxaa halkaas yiil hubka iyo rasaasta lagu taakulaynayay ciidamada ku sugnaa Baali, Siidaamo iyo inta Jigjiga ka sokeysa.

Arin uu ka sheekeeyay nin la yiraahdo Abuubakar Samantar Sii'arag ayaa iyana waxay tilmaamaysaa geesinimada ay ciidamada Soomaaliyeed ku weerartameen. Taas oo la'aanteed eeyan suuragasheen in ciidanka Itoobiya la jebiyo. Xataa cadowgii ayaa qiray geesinimada askariga Soomaaliyeed ee qadiyad u-dirirka ahaa. Sii'arag waa nin Soomaali ah oo marka uu dagaalku socday ka shaqeynayay idaacadda Addis-ababa. Nin Itoobiyaan ah oo idaacadda ka ahaa odey ayaa sarkaal walaalkiis ah waxaa lagu soo dhaawacay dagaal kamid ah dagaalladii hore ee Godey ka dhacay. Sarkaalkan wuxuu kamid ahaa ciidamada keydka ah ee Itoobiya. Wuxuu la socday ciidan lagu xoojiyay guutadii 5-aad ee magaalada fadhiday. Dhaawac soo gaaray darteed ayaa waxaa la keenay isbitaal ku yaal Addis-ababa.

Ninkii madaxa ka ahaa idaacadda ayaa isbitaalka ku soo booqday sarkaalkii ay walaalaha ahaayeen. Sii'arag iyo qaar kamid ah shaqaalihii idaacadda ayaa hore usii racay. Ninkii madaxa idaacadda ahaa, markuu arkay walaalkiis oo dhaawac ah waa uu ooyay. Markaasaa raggii la socday ay la baroorteen. Sii'arag ayaa isna is oohiyay, si uu u muujiyo in uu la qadiyad yahay. Dhaqan baa jira Itoobiya laga yaqaan oo ah, haddaadan xilligaas murugada leh aadan dadka la ooyin, cadow baa laguu arkayaa. Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud, guddoomiyihii WSLF, oo ahaa ninka sheekadan aanu ka warinay, wuxuu  yiri sidan :

" Sii'arag wuxuu nagu yiri : Annaga oo sarkaalkii dhaawaca ahaa kor taagan oo u barooranayna, ayaa waxaa booqasho ugu yimid saraakiil ka socota wasaaradda difaaca ee Itoobiya. Horteenii ayay ku wareysteen ninkii dhaawaca ahaa. Waxay weydiiyeen, haddii ay Soomaalidu Godey qabsadaan, ma suuragalbaa in ay Jigjiga qabsanayaan. Wuxuu ku jawaabay : Ciidanka aan arkay, Jigjiga iska daayee, Harar iyo Dirir-dhabe inta qabsadaan bay halkan aad taagan tihiin imanayaan, haddii Itoobiya eeyan xagga Eebe ka helin hiillo. Sarkaalkii ayaa hadalkiisii wuxuu ku daray : Caadada ciidanka waxaa ah, haddii col xoog leh la jebiyo, ugu yaraan toddobaad bay qaadataa in ay isa soo abaabulaan oo xataa ay niyaddii ciidanka soo noqoto. Waa arin lala yaabo ayuu yiri, Soomaalida iyaga oo xalay oo kale xoog u jabay ayay caawo weerar kii lamid ah ama kaba culus soo qaadayaan ". (Wareysi aanu la yeelaney Danjire Cabdullaahi Xasan, 6/ 10- 2004, Qaahira - Masar).

Sarkaalkan sheekeynayay ayaa hadalkiisii wuxuu duluc uga dhigay, Soomaalidu waa dad oggol in ay u dhintaan dhulkan, annaguse ma hayno askar sidaas ah. Wuxuu taas markhaati uga dhigay fal hortiisa ka dhacay oo uu ka sheekeeyay. Isagu wuxuu yiri :

" Markaan dhaawacmayay, sarkaal Soomaali ah baa ii muuqday. Isagu wuxuu ku hadlayay taar. Xabbad lagu shiishay baa taarkii kaga dhacday. Markaasaa taarkii ka caddilmay. Ninkan waa uu ii muuqday. Goobtuna waxay ahayd meel si ba'an laysu dhaafsanayay rasaas sidii dhibcaha roobka u dhacaya. Markii taarkii uu ka gubtay, inta istaagay buu xabbad sigaar ah oo afka ugu jidhay ayuu xoog u jiiday. Dabadeedna inta gacanta kor u taagay, ayuu ciidan agagaarkiisa dhabacnaa wuxuu ku amray in ay weear qaadaan. Aniga oo la yaabban falkaas ayay xabbado igu dhaceen. Markaasaa si deg-deg badan laii soo qaaday ".
(Isla marjicii hore).

Xilliga ay Soomaalidu ku dirirayeen niyaddaas sare, ciidamada Itoobiya waxay ahaayeen kuwo habqan ah. Gudahooda waxaa ka socotay amar diiddo badan iyo is gumaad badan. Gustama Dhiribsa, Mukriyow Takane iyo Walde Rafaiil oo kamid ahaa maxaabiistii Godey lagu qabtay ayaa arintaas wax ka tilmaamay. Iyagu waxay ahaayeen ciidamadii maaleeshiyada ahayd ee lagu xoojiyay ciidamada Godey. Raggaan oo sida ay sheegeen ka yimid gobolka Gujaamo iyo Tigrey, waxay ka warameen in ciidanka rigliga ah ee Itoobiya ay laayeen askar badan oo kamid ah maaleeshiyadii beeraleyda ahayd oo ay iyaga isla socdeen. Dilkaasi wuxuu ka danbeeyay markii ciidanka maaleeshiyada ay dib uga gurteen dhufeesyadii lagu khasbay in ay ka dagaal galaan. Raggaasi waxay war-bixintoodii raaciyeen in khasab looga soo kaxeeyay reerahoodii, iyada oo eheladoodii ay barooranayaan. Hadalkoodii waxaa kamid ahaa :

" Dhowr maalmood markii aanu moogeyn reeraheennii, ayaa waxaa laynagu soo ururiyay xero ku taal Addis-ababa agagaarkeeda. Halkaas waxay noogu sheegeen inaan ka baranayno waxyaabo la xiriira beero-falashada iyo aragtida Hanti-wadaagga. Balse runtu waxay ahayd inaanu ka qeyb-galno waxa uu Mengistu ku tilmaamay socodkii beeralayda. Kaddibna ay nagu daadiyaan goobaha ay ka dhacayaan tacshiiradda gobanimo-doonku ridayaan  . . Tallaabooyinka guul-darrada ah ee Mengistu uu dhaxalsiiyay beeralaydii saboolka ahayd ee Itoobiya, waa mid ka baxsan baniiaadminimada  ". (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 31/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

Abarre Xayle iyo Gosit Yetna ayaa iyana kamid ahaa askarta isa soo dhiibay. Raggani markii iyaguna la wareystay waxay yiraahdeen :

" Sababaha nagu kallifay inaan isu dhiibno JGSG, waxaa kamid ah iyada oo maamulka taliska Addis-ababa uusan hagaagsanayn islamarkaana uusan la socon waxay ku sugan yihiin ciidamada uu dagaalka ku khasbayo ". (Xiddigta Oktoober. 20/ 7- 1977-kii).

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii, calankii jabhadda Soomaali Galbeed iyo kii JDS waxaa la suray Godey. G/ Dh. Cabdullaahi Cirro iyo Dhamme Ciise Gelledi ayay ahaayeen kuwa magaalada bartankeedii saaray labada calan. Taasina waxay ka danbaysay markii la dilay sarkaalkii odayga u ahaa ciidamada Itoobiya ee Godey ka dagaalamayay. Isagu wuxuu ahaa G/ Dh. Fatanya Dalaash. Qaar kamid ah maxaabiistii cadowga oo laga wareystay in ciidanka Itoobiya ay awood u leeyihiin in ay soo celiyaan weerar ay magaalada Godey ku qabsanayaan, waxay sheegeen sidan :

" Waa arin aanan suuragal ahayn in ciidamada Itoobiya ay soo weeraraan Godey, kaddib markii laga qabsaday. Sababtuna waa ciidamada Soomaalida oo gacanta ku dhigay dhufeysyadii istraateejiga ahaa oo ciidamada Itoobiya ay ku tacab beeleen. Waxay taasi suuragelinaysaa in Soomaalidu ay ka lib keenaan weerar kasta oo lagu soo qaado magaalada ". (Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 27/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

Dabadeed waxaa bilaabatay in dagaalladii ay ku faafaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka. Islamaalintaas Godey la qabtay, ciidamadii Soomaaliyeed ee ku baahay gobolka, waxaa la faray in ay weeraraan meelaha soke oo ay ku hareen ciidamada Itoobiya. Ciidamadii Godey fadhiyay taar baa u yimid lagu amrayo in degmada Qallaafe ay ka kiciyaan koox Itoobiyaan ah oo halkaas ku haray. Tiradoodu waxay dhamayd 82 nin. Dhamme Ciise Gelledi oo ahaa ninka waajibkaas qaatay ayaa markaas wuxuu hor kacayay 36 askari oo ka soo haray koox ahayd ciidankii Daraawiishta ee Godey ka diriray. Kooxdan oo tiradooda horey u ahaa 124 askari, raggeedii waxay ku dhamaadeen dagaalladii Godey lagu qaaday. G/ Dh Cabdullaahi Cirro, wuxuu damcay in uu ciidan kale ku buuxiyo. Sida uu inoo sheegay Xasan Maxamad Saalax, oo kamid ahaa ciidamada Daraawiishta, Dhamme Ciise Gelledi ayaa arikaas diiday oo yiri :  

" Wallaahi inaanan askari siyaado ah u baahnayn si aan u kiciyo ciidanka aan tiradooda maqlay ee godoonka ah. Anoo horin Daraawiish ah ay ila socoto, ka adki koox iyo laba koox oo Itoobiyaan ah. Waan ku kalsoonahay inaan soo qaqabanayo ama aan ka eryayo degaanka ". (Waxaan ka soo xiganay Xasan Maxamad Saalax. 11/ 4- 2004. Stockholm - Sweden).

Nasiib wanaag waxaa ahaa, in ciidankii Qallaafe fadhiyay ay maalin ka hor baxeen. Markii ay maqleen in Godey ay gacan gashay ayay guureen oo waddada War-dheer aadda ayay qaadeen. Dabadeed inta magaaladii dusha ka mareen ayay Jigjiga galeen. Wixii ay qaadan kari waayeen, markay cararayeen ayay gubeen. Ciidankii Daraawiishta ahaa, waxay goobtii tageen xeryihii ay ku dhaqnaayeen ciidamada Itoobiya, iyada oo ololeysa. Daraawiishtii muddo toddoba cisho ah ayay goobtii ku sugnaayeen.

Sidoo kale, waxaa jirey ciidan Soomaaliyeed iyo qalab dagaal oo lagu ururinayay meel u dhow degmada Doolow. Taar baa iyagana u yimid la farayo in ay degmada Doowlo ka eryaan ciidamada ku sugan. Waxaa xusid mudan in Itoobiyaanku ay markaas degganaayeen buur dheer dusheed, taas oo magaalada ka xigta dhanka waqooyi-bari. Markii ay saraakiishii Soomaaliyeed u fariisteen in ay ka sheekeystaan sidii ay u weerari lahaayeen, waxay is tusiyeen in ay haboon tahay in madaafiic lagu weeraro, dabadeedna firdhadkooda dhulka lagu sugo. Gaashaanle Maxamad Siciid Moorgan, oo kamid ahaa saraakiishii madaafiicda ee halkaas ku sugnaa, ayaa wuxuu codsaday in isaga loo daayo weerarka madaafiicda. Sidii buu ku hoggaamiyay koox madaafiic ah. Weerarkii ay kooxdaasi qaadday ayaa ciidankii Itoobiya looga kiciyay magaalada Doolow.

War la hubiyay oon xalay ka helay hanaddadaa geyshka
Hareertaa galbeed iiga yimid haakah baan iriye
Hurwa iyo cayaar iyo inaan heello tuma weeya
Geesiyada halgamayee wax badan ciil la hoganaayay
Ee hagoogta iska qaaday waxaan hoga tusaaleeyay
Alleylehe halkaan idin la rabay weydin hanateene
Hohay malaha geeridu hadday guul ku hirataaye
Cadowgii dhulkiinii hirqaday la isku heeraarye
Hareeraha waxaad kala marteen holoca baaruude
Halbowlahaad jarteen iyo wadnaha hanaqyadiisiiye
Hubka kulul markii laysku riday haysan kari waaye
Mar haddii Godey laga hantiyay taliska heehaaban
Hareeraha Wardheer iyo hadduu Daharre hayn waayay
Inta harayna  wuu na hooya oran hubanti weeyaane
Hambalyaanu leenahay jabhaduhu libintay hooyeene
Ku hubsada hal-gaad iyo dil baa lagu hanqaacshaaye
Harar iyo Hawaash baa dhimane inaad heshaan weeye (Firin)

Markii Itoobiya laga qabsaday degmooyinkaas waaweyn, waxay bilowday in ay caalamka u cabato. Waxay bilowday in ay maxfallada dunida iyo miisadaha diblomaasiyadda ay ka sheegto in Soomaaliya ay ku soo duushay dhulkeedii. Dhawaaqaas kiisii ugu horeeyay wuxuu soo baxay 25/ 7- 1977-kii, markaas oo wasiirkii dibadda ee Itoobiya Feleke Gedle Ghiorges, uu u waramay wakaaladda wararka ee Itoobiya ENA. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda uga dirirayaan Gobolka Ogaadeenya. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay gobolka u soo tallaabisay ciidamo hubaysan, gawaari-gaashaaman iyo dayuuradaha dagaalka. Wasiirku wuxuu sii daayay farriin hadal ah oo uu u gudbinayay diblomaasiyiinta shisheeyaha ah ee ku sugan Addis-ababa iyo madaxda dowladaha ku bahoobay ururka midnimada Afrika OAU. Fariintaasi oo ahayd cabasho, ayuu wuxuu ku caddaynayay in Soomaaliya ay si muuqata Itoobiya u soo weerartay. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in shan dayuuradood oo Soomaali leedahay ay soo rideen muddadii uu dagaalkan socday. Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay burburiyeen 39 isugu jira taangiyo iyo gawaari-gaashaaman oo Soomaalidu leeyihiin. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Dagens Nyheter, tirsigiisii soo baxay 27/ 7- 1977-kii. Stockholm - Sweden).

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.