Hadalkii
ka soo yeeray Feleke Gedle
Ghiorges, waxaa ka jawaabay wasiirkii garsoorka
iyo arrimaha diinta ee Soomaalaiya Dr.
Cabdisalaam Shiikh Xuseen, oo islamarkaas ahaa
sii-hayaha xilka wasiirka ee wasaaradda war-faafinta.
Wasiirka Soomaaliyeed wuxuu si rasmi ah u beeniyay warkii
uu sheegay wasiirka dibadda Itoobiya. Isaga oo ku hadlaya
magaca JDS, Dr. Cabdisalaam
Shiikh Xuseen, wuxuu idaacadda Raadiyo Muqdisha
ka sii daayay war cad oo uu caalamka u gudbinayo, markay
taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii. Hadalkii Dr.
Cabdisalaam Sh. X. waxaa kamid ahaa:
"
Dowladda JDS
waxay beeninaysaa warka aan salka lahayn oo ay faafisay
dowladda Itoobiya, taas oo ay ku eedeysay JDS weerar
aanay qaadin. Runtu waxay tahay in Itoobiya gudaheeda,
ay muddo dheer ka socdeen, dagaallo badan oo xornimo-doon
ah ama xukunka qallafsan ka soo horjeeda. Dagaalladaas
waxaa kamid ah, kuwa ay wadaan jabhadaha gobanimodoonka
Soomaali Galbeed iyo jabhadaha kale oo ay kamid yihiin
ELF, EPLF, EPRP, EDL, ALF iyo OLF. Haddaba waxaa cad
in dowladda Itoobiya si ay dad-weynaha u khiyaamayso
oo kalsoonidii ka luntay u soo ceshato, in ay hindisto
duulimaad aan dhicin iyo cadow aan jirin. Indhoweydba
Itoobiya waxaa caado u noqotay in ay masabidaad been
ah dowladaha jiiraankeeda ah si ay u beer-laxawsato
dad-weynaha iyo dowladaha adduunka. "
(Waxaan
ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii
soo baxay 25/
7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).
Markale
waxaa halkaas ka muuqda sida ay dowladda Soomaaliya
isaga fogeynayso in ay qeyb ka tahay mashaqada ka aloosan
gobolka. Taasina sida aanu xusnay waxay ahayd il-duufkii
diblomaasiyadeed ee ugu weynaa oo Soomaalidu ay ku dhaceen.
Inkasta oo taasi ay ahayd qatif siyaayasadeed, misana
bilowgii ma eeyan saameyn dagaaladii cuslaa oo Soomaalidu
ay qaadeen. Weeraradaasi gobolka ka huray waxay kallifeen
in miisaankii dagaalka uu u dheelliyo dhanka Soomaalida.
Dagaalkii wuxuu noqday mid laga hoggaamiyo
dhanka ay Soomaalidu jiraan. Ciidamadii Itoobiya waxaa
laga yeeshay guddoonka weerarka, sidaa darteed waxay
noqdeen kuwo ku xukman is-difaac. Soomaalidu waxay markaas
noqdeen kuwa go'aaminaya meesha uu weerarku ku dhacayo,
goorta uu dhacayo iyo siduu u dhacayo. Markaas waxaa
u fududaatay in degmooyinkii yar-yaraa iyo tuulooyinkii
gobolka ay ka sifeeyaan haraadigii ciidamadii
cadowga.
Askartii iyo madaxdii ku sugnaa qaar kamid ah degmooyinkaa
yar-yar waa ay isa soo dhiibeen iyada oo wax weerar
ah uusan gaarin. Waxaa kamid ahaa tuulada Aw-barre.
Guddoomiyihii tuulada Ashaagir
Aoyu
iyo taliyihii biliiska Xiddigle Ayalee Gebro Mikeel, ayaa isu soo dhiibay ciidamadii gobolka
ka dagaalamayay. Labadan sarkaal oo u waramaya wariyayaal
ka socday wakaaladda wararka ee Soomaaliya SONNA, waxay
sheegeen sababta ay isla soo dhiibeen in ay tahay, iyada
oo degmada ay go’doon noqotay. Waxay ka go’day degmooyinkii
kale oo dhan. Islamarkaa waxaa laga jaray qalabkii is-gaarsiinta.
Sidaa darteed naftoodii ayaa halis gashay. Ashaagir
Aoyu
oo muddo 11 bilood guddoomiye ka ahaa degmada, wuxuu
yiri:
"
Dhowr jeer ayan Addis-ababa weydiistay gargaar ah
raashin iyo shidaal. Hase yeeshee jawaabtii uu aan helay
waxay noqotay sidan : Dhulkii iyo dhabbayaashii dhamaan
waxaa fadhiya ciidamada gobanimo-doonka ah. Sidaa darteed
suuragal maahan in gargaar lagu soo gaarsiiyo "
(Waxaan ka soo
xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo
baxay 25/
7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).
Isla ayaamahaas, ciidamada Soomaaliyeed waxaa
kale oo ay weerareen degmooyinka Dhudub iyo Shiilaabo,
halkaas oo ay ka kiciyeen maamulkii looga talinayay
Addis-ababa.
" Magaalooyinka
Dhudub iyo Shiilaabo ayay gacanta ku dhigeen jabhadaha
gobanimodoonka Soomaali Galbeed, kaddib markii ay dagaallo
ba’ani ku dhexmareen magaalooyinkaasi iyaga iyo ciidanka
taliska Addis-ababa. Dagaalladaas oo khasaarooyin fara
badan lagu gaarsiiyay taliska Addis-ababa, waxaa magaalada
Dhudub looga dilay 25 askari, waxaana looga furtay saddex
baabuur, qoryo rasaas iyo hal raadiye. Wararkaa oo aanu
ka helnay gobanimodoonka jabhadaha Soomaalida Galbeed,
waxay sheegayaan in magaalada Shiilaabo taliska heehaabaya
ee Addis-ababa looga dilay 60 askari, lagana qabsaday
laba baabuur
". (Waxaan
ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii
soo baxay 25/
7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).
Meelaha kale ee laga kiciyay ciidamada Itoobiya waxaa kamid
ahaa tuulada Harawa oo 40 km. dhanka waqooyi ka xigta
magaalada Dirir-dhabe. Tuuladan
oo la qabtay 28/ 7- 1977-kii, Soomaalidu weerar bay
ku qaadeen. Ciidamadii cadowga ee halkaas fadhiyay waxaa
goobtaas looga gubay hal taangi iyo afar baabuur. Ciidankii halkaas fadhiyay waa ay kala yaaceen. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii
soo baxay 30/
7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).
Muddo saddex bilood ka yar ayaa dowladda
Itoobiya waxaa lagala wareegay degmooyin, tuulooyin
iyo fariisimo kale oo tiradoodu ay dhaafsiisan tahay
100. War-guud oo ka soo baxay xafiiska looga talinayay
jabhadda WSLF ayaa arintaas lagu xusay. Warkaasi oo
soo baxay bishii julay 30-keedii waxaa qormadiisii lagu
soo daabacay wargeyskii Xiddigta Oktoober ee ku hadli
jirey codka dowladda Soomaaliya.
"
Ciidamada dagaalyahaniinta ah ee ka tirsan Jabhadda
Xoreynta Soomaali Galbeed, labadii bilood ee ugu danbeeyay
waxay ka xoreeyeen gumeysiga taliska Addis-ababa magaalooyin,
tuulooyin iyo goobo ciidameed oo tiradoodu ay kor u
dhaaftay 100. Sidaas waxaa sheegaya
war guud oo koobaya guulihii waaweynaa oo ay gaareen
gobanimo-doonka. Warkaas guud oo ay soo saareen JGSG,
wuxuu kaloo sheegayaa in muddadaasi ay ciidamada sooma-jeestayaasha
ah ay goobahaasi ku dileen 5.166 askari oo ka tirsanaa
ciidamada taliska naf la caariga ah ee Addis-ababa.
Iyagoo islamarkaa ka burburiyay 23 dayuuradood iyo 32
taangi, kana furtay hub milleteri oo waaweyn ee nooc
kasta leh iyo saanad aad u fara badan ". . (Isla marjicii
hore).
Wargeesyada
caalamka waxay markaa bilaabeen in ay kor-dhiyaan wararka
ay soo qoraan ee la xiriira xiisadda ka aloosan geeska
Afrika. Weerarkan ay Soomaalidu ku guuleysteen ayaa
wargeesyadu waxay ku magacaabeen mid sidii hillaaca
oo kale u dhacay. Taariikhda
dagaallada caalamka, ma jiro weerar ay ciidan dowladeed
ku qaadeen dowlad kale, oo muddo sidaas u gaaban ay
ku qabsadeen dhul baaxaddaas le'eg. Soomaalidu waxay
markaas jebiyeen xarig (record) u yiil dagaallada
ay dowladuhu ku guuleystaan, marka laga eego baaxadda
dhulka la kala qabsado iyo muddada lagu qabsan karo.
Degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ee laga xoreeyay
maamulka Itoobiya waxaa markiiba la wada suray oo ka
dul bilig-leeyay calankii WSLF. Degmooyinkaas waxaa kamid ahaa kuwan:
Godey,
Qabri-dahare, War-dheer, Tog-wajaale, Dhudub, Bookh,
Dameera-joog, Maaneed, Iimey, Dhanaan, Xamaro, Fiiq,
Sagag, Dhagax-madow, Jiracle, Dhurwaale, Galaalshe,
Bir-qod, Daawa-diid,
Balli-xaare, Faafan, Gunu-geda, Malayko, Geeri-go’an,
Faarso, Baka, Ceel-karrey, Harag-geelle, Shaakisa, Hila-madow,
God-cusbo, God-dheere, Bur-xoosh, Biilalley, Bangeel,
Kayeris, Ceel-qurac, Gegti, Darroor, Allay-baday, Aw-barre,
Gaashaamo, Xarshin, Ina-guuxa, Feer-feer, Shiilaabo,
Jarrati, Jallanqo, Adigaalo, Biya-qaboobe, Sadey, Biya-curguure,
Biya-caanood, Hara-mayo, Kunbulshe, Xamar-xiis, Biki,
Afden, Erergoota, Huurso, Shinniile, Haraawe, Garaawe
iyo Mayso. Dhamaan degmooyinkaas iyo tuulooyinkaas waxay
ka kala tirsan yihiin gobollada Hararge, Baali iyo Siidaamo.
Waxaa halkaas ku dhaqan beelo Soomaaliyeed iyo Oromada
la dhaqan iyo isir wadaagga ah. Magaalooyinkii ay Soomaalidu qabsadeen waxay ka heleen
raashin, qalab is-gaarsiin, hub u badan qoryo fudud,
rasaas badan iyo shidaal. Dad-weynihii rayidka ahaa
oo ka qaxay magaalooyinka laysku galay, ayaa dib ugu
soo laabtay degmooyinkii. Taasina waxay ka danbeysay
markii inta
la saaray misana la fogeeyay ciidamadii cadowga.
Iyaga oo farxad weyn ku soo dhoweynaya guushaas iyo
madax-bannaanidaas ay heleen ayay is-dhaafsanayeen hambalyo
iyo bogaadin. (Isla marjicii hore).
Jeneraal
Axmad Suleymaan Dafle,
oo kamid ahaa guddigii siyaasadda ee XHKS ayaa wuxuu
ahaa ergeyga gaarka ah oo dowladdu u xil-saartay xiriirka
dowladaha carabta, muddadii uu socday mashruuca dagaalka.
Dabayaaqadii bishii julay ayuu Jeneraalku socdaal qarsoodi
ah ku baxay oo uu ku soo war-gelinayo madaxda dowladaha
Carbeed. Madaxdii uu la kulmay wuxuu uga waramay guusha
fajicisada ah oo ay soo hoyeen ciidamadii Soomaaliyeed
iyo raggii jabhadaha ahaa. Sida uu jananku sheegay,
madaxdii carabta, dhamaantood, waa ay rumeysan waayeen
natiijadii dagaalkan. Bil kaddib markii ay dagaalladu
dhaceen, Soomaalidu waxay casumeen wariyayaal reer galbeed
ah ee ka socda wakaaladaha wararka ee caalamiga ah.
Waxay geeyeen meelo kamid ah goobihii laga kiciyay ciidamada
Itoobiya. Markii wakaaladaha wararka adduunka ay soo
qoreen khabarka guulaha Soomaalidu gaareen, ayay carabtii
rumeysteen in waxa ay Soomaalidu sheegayaan ay run tahay.
Waxaa xusid mudan in socdaalka wariyayaashu uu dhacay xilli
ay degmada Dhagax-buur gacanta ugu jidhay Soomaalida.
Wariyayaasha gobolka booqday waxaa kamid ahaa Gary
Jones. Isaga oo ka war-bixinaya wixii uu halkaas ku soo arkay,
G. Jones
wuxuu qorey sidan:
"
Shan maalmood ayaa aniga iyo wariyayaal kale waxaanu
ku socdaalnay dhul gaaraya 750 km. oo kamid ah gobolka
gubanaya ee Ogaadeenya. Waxaanu gudubnay degmooyin iyo
tuulooyin ay gacanta ku hayeen jabhadda WSLF.
Dagaallo hillaac oo kale u dhacay oo socday tan
iyo bishii juun, ayay jabhadiintu dhulkaas ciidamadii
Itoobiya ee halkaas fadhiyay kaga qabsadeen fariisimohoodii.
Ciidankii Itoobiya ayaa markaas gadaal u gurtay. Waxay
isku urursadeen Dirir-dhabe iyo Harar, halkaas oo ay
ku sugan yihiin xoogga keliya oo Itoobiya ugu haray
degaanka. Itoobiyaanka keliya oo aanu degaanka ku aragnay,
waxay ahaayeen xoogaa maxaabiis ah iyo laba caruur ah
oo looga carary Godey.
Magaalada
Godey waa degmo istraateeji ah. Waxaa ku sugnaa ciidan dhan 5.000 oo nin. Waxaa ku
yaal gegi dayuuraduhu soo caga dhigtaan oo ay Itoobiya
leedahay midka ugu muhimsan. Waxay xuduudda Soomaaliya
u jidhaa 200 oo km. oo keliya. Soomaaliya waxay sheegatay
in ay Godey qabsadeen 24/ 7- 1977-kii. Taasi waxay ka
danbeysay dagaal labada dhinac ay ku hoobteen. Nin u
hadlay WSLF, wuxuu sheegay in 1.500 oo kamid ah askartii
Itoobiya oo Godey fadhiday ay maxaabiis ahaan u hayaan.
Intii kale ee 5.000 ka soo hartay waxay noqdeen wax
dagaalka ku dhintay iyo wax cararay. ……………………
Godey waxaa fadhiyay taliska ciidamada Itoobiya
ee Ogaadeenya ku sugnaa. Gegida dayuuradaha ee Godey
waxaa ilaalinayay ciidamo jabhad ah. Waxaa halkaa yiil
hub difaaca cirka ah oo sancadiisu tahay Mareekan, kaas
oo ay ka carareen ciidamadii Itoobiya. Magaalada War-dheer
waxay Godey u jidhaa 200 oo km. Jabhadiintu waxay na
tusiyeen afar meelood oo hub ku qarsoon yahay oo ay
qabsadeen. Waxay u dhexeeyaan labadan Degmo. Hubka halkaas
yiil wuxuu ahaa Baasuukayaal, Granaadyo, qoryo gantaallo
ah, bambooyin i.w.l.
".
(Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 5/ 8- 1977-kii.
Stockholm - Sweden).
Wariyuhu
wuxuu qoraalkiisaas ku xusay in ay la kulmeen laba nin
oo dhallinyaro ah, kuwaas oo kamid ahaa maxaabiistii
laga qabtay ciidamada Itoobiya ee Godey fadhiday. Mid
kamid ah oo ay wareysteen ayaa waxaa la oran jirey Nerevo
Berey. Da´diisu waxay ahayd 25 jir. Isagu wuxuu ka yimid gobolka
waqooyi ee Tigrey. Iyada oo looga turjumayo ayuu wuxuu
sheegay in degaankiisii dhowaan laga soo kaxeeyay. Kaddib
markii uu soo qaatay saddex bilood oo tababar ah, Godey
waxaa lagu keenay dayuurad, si ay u difaacaan gegida
dayuuradaha ee degmada. Qoraalkii wariye Gary
Jones waxaa kale
oo kamid ahaa sidan:
"
Hubka ay Soomaalidu
ka heleen Godey waxaa kamid ah baabuur jiib ah
iyo kuwa xamuulka oo sancaddoodu tahay Mareekan. Waxay kamid ahaayeen kaalmadii Mariikanku
uu siiyay Itoobiya……………………..
. Sarkaal kamid ah WSLF ayaa wuxuu meel inagu
tusiyay dayuurad la soo riday oo sncad Mareekan ah (Waxay
ahayd F-5 dayuuradaha weerarka). Waxaa soo riday Soomaalida. Meel
kasta oo Ogaadeenya kamid ah oo dagaal ka dhacay, saraakiisha
Soomaaliyeed waxay inoo sheegayeen in ay laayeen boqollaal
Itoobiyaan ah, boqollaal kalena ay xabiseen, boqollaal
kalena ay dhaawaceen. Dhammaan degmooyinkii iyo tuulooyinkii
aanu booqanay waxay ahaayeen kuwo xasilloon. Soomaalidu
waxay magacaabayeen guddiyo jabhadeed si ay u socodsiiyaan
howlaha la xiriira maamulka. Calankii jabhadda WSLF
oo ah cagaar iyo caddaan ayaa degmo waliba ka lushay.
Dhawaaqa madaafiicda iyo gantaallada laysku garaacayo
ayaa waxaanu ka maqalaynay meel fog. Ruqsad uma aanan
helin in aanu booqanno meelaha ay ka socdaan dagaallada
culculus oo ay ciidamada ku xooggan yihiin, sida Dirir-dhabe
iyo Jigjiga. Soomaalidu waxay sheegteen in ay gacanta
ku hayaan 97 % dhulka Ogaadeenya oo ah dhul le'eg dalka
Ingiriiska. Annaguna sidaas waanu la qabnaa ".
(Isla
marjicii hore).
Xabashida
markii weerarkiyo laysku waray xoogga
Madaafiicda layliga markuu gumucu wiifaayay
War yaa maali jirayay markuu ku hadlay waayeelka
Sidii warafka tuuryada markii laysku wagac siiyay
Weeraarki loo dhigay markay waabtu ololeysay
Sidii waxar mareega leh markaan kaaga wijic siiyay
Sow webiyadii kuma bakhtiyin waali orodkooda
Sow sida waraabaha qarqiga wiiqdu kama yeerin
Waddan aadan lahayn ciiddu way kaa welwelisaaye
Iyagoo
wadnuhu joogsadoo wiririqdii gaarey
Sow intay walaalow dheheen oo wareen
gacanta
Dabkii ay wateen meel cidla ah
ugaga wada yaacay
I
waraabi mooyee wax kale sow lagama waayin (Firin)
Dowladda
Itoobiya waxaa markiiba u muuqatay in eeyan ku filleyn
in ay difaacdo dhulkan ay boobka ku haysato. Waxaa u
muuqatay cududda ay Soomaalidu ku soo weerartameen iyo
niyadda ay dagaalka u hayaanin ay yihiin wax caadada
ka baxsan. Waxaa ku fillaan waayay ciidamadii boqolka
kun dhaafsiisnaa oo ay ka soo ururisay beeralayda. Waxaa
ku fillaan waayay haybaddii beenta ahayd iyo fil-weynidii
ay ugu faani jidhay qowmiyadaha la degaanka ah. Cabashada
ay u dirsatay dowladaha caalamka waxaa u weheliyay codsi
hiillo sharci-darro ah oo ay ku doonayso calooshooda
u shaqeystayaal u dirira. Wargeesyada caalamku ayaa
xilligaas waxay soo qoreen in Itoobiya ay caalamka ka
codsatay duuliyayaal calooshooda u-shaqeystayaal ah,
kuwaas oo ay u kireysato dagaalka ay kula jidho Soomaalida.
Dalabkii ugu horeeyay waxaa ka soo jawaabay lix duuliye
oo u dhashay dalka Giriigga. Raggaasi oo ahaa kuwo markaas
shaqadii laga fadhiisiyay ayaa waxay kamid noqdeen ciidamadii
ugu horeeyay ee shisheeyaha ahaa oo iyaga oo Itoobiya
u diriraya, ka qeyb-qaatay dagaalkii Ogaadeenya.
(Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 28/ 7- 1977-kii.
Stockholm - Sweden).
Hiillada
dowladaha cari-edeg ee lagu difaacayay Itoobiya waxay
kaloo ka imanaysay dowlado uu ugu weyn yahay dalkii
Midowga Soofyeeti. Dalkaas ayaa guulihii ay Soomaalidu
gaareen, wuxuu la kordhiyay qalabka dagaal ee uu ku
taakulaynayay maamulkii ka dhisnaa Addis-ababa.
"
Xilligaas waxaa muuqatay dhaqdhaqaaqa uu Ruushku
ka bilaabay Itoobiya. Habeen iyo maalin waxaa la arkayay
dayuuradaha gaadiidka ciidamada oo Ruushku leeyahay,
kuwaas oo ka degaya gegida dayuuradaha ee la yiraahdo
Deber Zeit. Dhanka waqooyi ayay 160 km. ka xigtaa magaalo-madaxda
Addis-ababa. Waxaa kale oo jira Kuubaan isugu jira khuburo
iyo ciidan, kuwaas oo ku sugan Itoobiya. Tiradooda waxaa
lagu qiyaasaa 5.000 oo nin ". (Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 5/ 8- 1977-kii.
Stockholm - Sweden).
Dagaalkii
furnaa, xilligaas uu bilowga ahaa, khubarada shisheeyaha
ah ee xanta iyo aqoonta ciidamada u gudbiya Itoobiya,
kuwooda ugu fir-fircoon maahayn Kuubaan. Bal waxay ahaayeen
saraakiil ka yimid dowladda Israa’iil. Sida lagu bartay
siyaasadda dibadda ee dowladda Israa’iil, dhagax kasta
oo ay ganaan, waxay jecel yihiin in ay dhowr shimbirood
ku dabaan. Hiillada istraateejiga ah oo ay u fidinayeen
dowladda Itoobiya,
waxaa u weheliyay, iyaga oo daba socday dhaqaale badan
oo uu bixiyay hoggaamiyaha is-cajabiyay ee Liibiya.
G/
Dh. Mucammar Al-Qadaafi,
hanti badan ayuu xilligaas Itoobiya siiyay si ay u joojiso
socodka ciidamada Soomaaliya. Ma jirin wax dan ah oo
dowladdiisa ama shacabkiisa u noqonaya oo ay ka helayaan
deeqda xad-dhaafka ah ee Qasaafi uu bixiyay, aanan ka ahayn in uu ku qaboojiyo
kulaylaka ay ku kicisay guulaha ay Soomaalidu gaareen.
Israa’iiliyiintu waxay markaas ku guulaysteen in ay
helaan nasiibkii ugu weynaa ee hantidaas.
"
Xoogga ciidamada Itoobiya waa hubka ay sancadiisu
tahay Mareekan. Islamarkaa waxaa ka sii yaraanaya keydka
qalabka dayac-tirka iyo rasaasta ay haystaan. Sidaa
darteed, (Itoobiya) waxay hadda hub ka iibsataa cid
kasta oo xiiso u haya in ay hub ka iibiyaan. Lacag ay
ka heleen korneylka sida yaabka badan uga soo horjeeda
dowladda Israa’iil. Waxaa kale oo Fiyetnaam ay ka soo
iibsadeen hub ay sancadiisu tahay Mareekan, kaas oo
Mareekanka lagaga qabsaday dagaalkii. Hubkaasi waxaa
waday dayuurado xamuul ah oo ay ku daahnaayeen calaamado
laga leeyahay dowladda sida ba’an u neceb shuuciyadda
ee Koonfur-Kuuriya. Waxaa hubkaas adeegsanayay ciidamada
100-000 dhaafsiisan oo beeralayda ah. Dowladda Yugoslaafiya
ayaa qudheedu ka qeyb-qaadatay ganacsigii ka dhashay
xaaladdaas. Qaar kamid ah hubka ay Yugoslaafiya sameeyaan
waxay la fal-geli karaan hubka Mareekanka. Waxaa kale
oo jirey wufuud badan oo ka kala yimid dalalka DDR,
Rumeeniya iyo Jekoslofaakiya. Iyagu waxay doonayeen
in ay iibiyaan wixii suuragal ah oo ay iibin karaan
". (Wargeyska
Aftonbladet. Tirsigiisa soo baxay 19/ 8- 1977-kii. Stockholm
- Sweden).
Saadiq
Enow