|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXVIX-aad

Dr Enow

Hadalkii ka soo yeeray Feleke Gedle Ghiorges, waxaa ka jawaabay wasiirkii garsoorka iyo arrimaha diinta ee Soomaalaiya Dr. Cabdisalaam Shiikh Xuseen, oo islamarkaas ahaa sii-hayaha xilka wasiirka ee wasaaradda war-faafinta. Wasiirka Soomaaliyeed wuxuu si rasmi ah u beeniyay warkii uu sheegay wasiirka dibadda Itoobiya. Isaga oo ku hadlaya magaca JDS, Dr. Cabdisalaam Shiikh Xuseen, wuxuu idaacadda Raadiyo Muqdisha ka sii daayay war cad oo uu caalamka u gudbinayo, markay taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii. Hadalkii Dr. Cabdisalaam Sh. X. waxaa kamid ahaa: 

" Dowladda JDS waxay beeninaysaa warka aan salka lahayn oo ay faafisay dowladda Itoobiya, taas oo ay ku eedeysay JDS weerar aanay qaadin. Runtu waxay tahay in Itoobiya gudaheeda, ay muddo dheer ka socdeen, dagaallo badan oo xornimo-doon ah ama xukunka qallafsan ka soo horjeeda. Dagaalladaas waxaa kamid ah, kuwa ay wadaan jabhadaha gobanimodoonka Soomaali Galbeed iyo jabhadaha kale oo ay kamid yihiin ELF, EPLF, EPRP, EDL, ALF iyo OLF. Haddaba waxaa cad in dowladda Itoobiya si ay dad-weynaha u khiyaamayso oo kalsoonidii ka luntay u soo ceshato, in ay hindisto duulimaad aan dhicin iyo cadow aan jirin. Indhoweydba Itoobiya waxaa caado u noqotay in ay masabidaad been ah dowladaha jiiraankeeda ah si ay u beer-laxawsato dad-weynaha iyo dowladaha adduunka. " (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo baxay  25/ 7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya). 

Markale waxaa halkaas ka muuqda sida ay dowladda Soomaaliya isaga fogeynayso in ay qeyb ka tahay mashaqada ka aloosan gobolka. Taasina sida aanu xusnay waxay ahayd il-duufkii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa oo Soomaalidu ay ku dhaceen. Inkasta oo taasi ay ahayd qatif siyaayasadeed, misana bilowgii ma eeyan saameyn dagaaladii cuslaa oo Soomaalidu ay qaadeen. Weeraradaasi gobolka ka huray waxay kallifeen in miisaankii dagaalka uu u dheelliyo dhanka Soomaalida. Dagaalkii wuxuu noqday mid laga hoggaamiyo dhanka ay Soomaalidu jiraan. Ciidamadii Itoobiya waxaa laga yeeshay guddoonka weerarka, sidaa darteed waxay noqdeen kuwo ku xukman is-difaac. Soomaalidu waxay markaas noqdeen kuwa go'aaminaya meesha uu weerarku ku dhacayo, goorta uu dhacayo iyo siduu u dhacayo. Markaas waxaa u fududaatay in degmooyinkii yar-yaraa iyo tuulooyinkii  gobolka ay ka sifeeyaan haraadigii ciidamadii cadowga.  

Askartii iyo madaxdii ku sugnaa qaar kamid ah degmooyinkaa yar-yar waa ay isa soo dhiibeen iyada oo wax weerar ah uusan gaarin. Waxaa kamid ahaa tuulada Aw-barre. Guddoomiyihii tuulada Ashaagir Aoyu iyo taliyihii biliiska Xiddigle Ayalee Gebro Mikeel, ayaa isu soo dhiibay ciidamadii gobolka ka dagaalamayay. Labadan sarkaal oo u waramaya wariyayaal ka socday wakaaladda wararka ee Soomaaliya SONNA, waxay sheegeen sababta ay isla soo dhiibeen in ay tahay, iyada oo degmada ay go’doon noqotay. Waxay ka go’day degmooyinkii kale oo dhan. Islamarkaa waxaa laga jaray qalabkii is-gaarsiinta. Sidaa darteed naftoodii ayaa halis gashay. Ashaagir Aoyu oo muddo 11 bilood guddoomiye ka ahaa degmada, wuxuu yiri:   

" Dhowr jeer ayan Addis-ababa weydiistay gargaar ah raashin iyo shidaal. Hase yeeshee jawaabtii uu aan helay waxay noqotay sidan : Dhulkii iyo dhabbayaashii dhamaan waxaa fadhiya ciidamada gobanimo-doonka ah. Sidaa darteed suuragal maahan in gargaar lagu soo gaarsiiyo " (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo baxay  25/ 7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya). 

Isla ayaamahaas, ciidamada Soomaaliyeed waxaa kale oo ay weerareen degmooyinka Dhudub iyo Shiilaabo, halkaas oo ay ka kiciyeen maamulkii looga talinayay Addis-ababa. 

" Magaalooyinka Dhudub iyo Shiilaabo ayay gacanta ku dhigeen jabhadaha gobanimodoonka Soomaali Galbeed, kaddib markii ay dagaallo ba’ani ku dhexmareen magaalooyinkaasi iyaga iyo ciidanka taliska Addis-ababa. Dagaalladaas oo khasaarooyin fara badan lagu gaarsiiyay taliska Addis-ababa, waxaa magaalada Dhudub looga dilay 25 askari, waxaana looga furtay saddex baabuur, qoryo rasaas iyo hal raadiye. Wararkaa oo aanu ka helnay gobanimodoonka jabhadaha Soomaalida Galbeed, waxay sheegayaan in magaalada Shiilaabo taliska heehaabaya ee Addis-ababa looga dilay 60 askari, lagana qabsaday laba baabuur  ". (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo baxay  25/ 7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).  

Meelaha kale ee laga kiciyay ciidamada Itoobiya waxaa kamid ahaa tuulada Harawa oo 40 km. dhanka waqooyi ka xigta magaalada Dirir-dhabe. Tuuladan oo la qabtay 28/ 7- 1977-kii, Soomaalidu weerar bay ku qaadeen. Ciidamadii cadowga ee halkaas fadhiyay waxaa goobtaas looga gubay hal taangi iyo afar baabuur. Ciidankii halkaas fadhiyay waa ay kala yaaceen. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo baxay  30/ 7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya). 

Muddo saddex bilood ka yar ayaa dowladda Itoobiya waxaa lagala wareegay degmooyin, tuulooyin iyo fariisimo kale oo tiradoodu ay dhaafsiisan tahay 100. War-guud oo ka soo baxay xafiiska looga talinayay jabhadda WSLF ayaa arintaas lagu xusay. Warkaasi oo soo baxay bishii julay 30-keedii waxaa qormadiisii lagu soo daabacay wargeyskii Xiddigta Oktoober ee ku hadli jirey codka dowladda Soomaaliya.  

" Ciidamada dagaalyahaniinta ah ee ka tirsan Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed, labadii bilood ee ugu danbeeyay waxay ka xoreeyeen gumeysiga taliska Addis-ababa magaalooyin, tuulooyin iyo goobo ciidameed oo tiradoodu ay kor u dhaaftay 100. Sidaas waxaa sheegaya war guud oo koobaya guulihii waaweynaa oo ay gaareen gobanimo-doonka. Warkaas guud oo ay soo saareen JGSG, wuxuu kaloo sheegayaa in muddadaasi ay ciidamada sooma-jeestayaasha ah ay goobahaasi ku dileen 5.166 askari oo ka tirsanaa ciidamada taliska naf la caariga ah ee Addis-ababa. Iyagoo islamarkaa ka burburiyay 23 dayuuradood iyo 32 taangi, kana furtay hub milleteri oo waaweyn ee nooc kasta leh iyo saanad aad u fara badan ". . (Isla marjicii hore). 

Wargeesyada caalamka waxay markaa bilaabeen in ay kor-dhiyaan wararka ay soo qoraan ee la xiriira xiisadda ka aloosan geeska Afrika. Weerarkan ay Soomaalidu ku guuleysteen ayaa wargeesyadu waxay ku magacaabeen mid sidii hillaaca oo kale u dhacay. Taariikhda dagaallada caalamka, ma jiro weerar ay ciidan dowladeed ku qaadeen dowlad kale, oo muddo sidaas u gaaban ay ku qabsadeen dhul baaxaddaas le'eg. Soomaalidu waxay markaas jebiyeen xarig (record) u yiil dagaallada ay dowladuhu ku guuleystaan, marka laga eego baaxadda dhulka la kala qabsado iyo muddada lagu qabsan karo. Degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ee laga xoreeyay maamulka Itoobiya waxaa markiiba la wada suray oo ka dul bilig-leeyay calankii WSLF. Degmooyinkaas waxaa kamid ahaa kuwan: 

Godey, Qabri-dahare, War-dheer, Tog-wajaale, Dhudub, Bookh, Dameera-joog, Maaneed, Iimey, Dhanaan, Xamaro, Fiiq, Sagag, Dhagax-madow, Jiracle, Dhurwaale, Galaalshe, Bir-qod, Daawa-diid,  Balli-xaare, Faafan, Gunu-geda, Malayko, Geeri-go’an, Faarso, Baka, Ceel-karrey, Harag-geelle, Shaakisa, Hila-madow, God-cusbo, God-dheere, Bur-xoosh, Biilalley, Bangeel, Kayeris, Ceel-qurac, Gegti, Darroor, Allay-baday, Aw-barre, Gaashaamo, Xarshin, Ina-guuxa, Feer-feer, Shiilaabo, Jarrati, Jallanqo, Adigaalo, Biya-qaboobe, Sadey, Biya-curguure, Biya-caanood, Hara-mayo, Kunbulshe, Xamar-xiis, Biki, Afden, Erergoota, Huurso, Shinniile, Haraawe, Garaawe iyo Mayso. Dhamaan degmooyinkaas iyo tuulooyinkaas waxay ka kala tirsan yihiin gobollada Hararge, Baali iyo Siidaamo. Waxaa halkaas ku dhaqan beelo Soomaaliyeed iyo Oromada la dhaqan iyo isir wadaagga ah. Magaalooyinkii ay Soomaalidu qabsadeen waxay ka heleen raashin, qalab is-gaarsiin, hub u badan qoryo fudud, rasaas badan iyo shidaal. Dad-weynihii rayidka ahaa oo ka qaxay magaalooyinka laysku galay, ayaa dib ugu soo laabtay degmooyinkii. Taasina waxay ka danbeysay markii inta  la saaray misana la fogeeyay ciidamadii cadowga. Iyaga oo farxad weyn ku soo dhoweynaya guushaas iyo madax-bannaanidaas ay heleen ayay is-dhaafsanayeen hambalyo iyo bogaadin. (Isla marjicii hore). 

Jeneraal Axmad Suleymaan Dafle, oo kamid ahaa guddigii siyaasadda ee XHKS ayaa wuxuu ahaa ergeyga gaarka ah oo dowladdu u xil-saartay xiriirka dowladaha carabta, muddadii uu socday mashruuca dagaalka. Dabayaaqadii bishii julay ayuu Jeneraalku socdaal qarsoodi ah ku baxay oo uu ku soo war-gelinayo madaxda dowladaha Carbeed. Madaxdii uu la kulmay wuxuu uga waramay guusha fajicisada ah oo ay soo hoyeen ciidamadii Soomaaliyeed iyo raggii jabhadaha ahaa. Sida uu jananku sheegay, madaxdii carabta, dhamaantood, waa ay rumeysan waayeen natiijadii dagaalkan. Bil kaddib markii ay dagaalladu dhaceen, Soomaalidu waxay casumeen wariyayaal reer galbeed ah ee ka socda wakaaladaha wararka ee caalamiga ah. Waxay geeyeen meelo kamid ah goobihii laga kiciyay ciidamada Itoobiya. Markii wakaaladaha wararka adduunka ay soo qoreen khabarka guulaha Soomaalidu gaareen, ayay carabtii rumeysteen in waxa ay Soomaalidu sheegayaan ay run tahay.  

Waxaa xusid mudan in socdaalka wariyayaashu uu dhacay xilli ay degmada Dhagax-buur gacanta ugu jidhay Soomaalida. Wariyayaasha gobolka booqday waxaa kamid ahaa Gary Jones. Isaga oo ka war-bixinaya wixii uu halkaas ku soo arkay, G. Jones wuxuu qorey sidan:  

" Shan maalmood ayaa aniga iyo wariyayaal kale waxaanu ku socdaalnay dhul gaaraya 750 km. oo kamid ah gobolka gubanaya ee Ogaadeenya. Waxaanu gudubnay degmooyin iyo tuulooyin ay gacanta ku hayeen jabhadda WSLF.  Dagaallo hillaac oo kale u dhacay oo socday tan iyo bishii juun, ayay jabhadiintu dhulkaas ciidamadii Itoobiya ee halkaas fadhiyay kaga qabsadeen fariisimohoodii. Ciidankii Itoobiya ayaa markaas gadaal u gurtay. Waxay isku urursadeen Dirir-dhabe iyo Harar, halkaas oo ay ku sugan yihiin xoogga keliya oo Itoobiya ugu haray degaanka. Itoobiyaanka keliya oo aanu degaanka ku aragnay, waxay ahaayeen xoogaa maxaabiis ah iyo laba caruur ah oo looga carary Godey.

Magaalada Godey waa degmo istraateeji ah. Waxaa ku sugnaa ciidan dhan 5.000 oo nin. Waxaa ku yaal gegi dayuuraduhu soo caga dhigtaan oo ay Itoobiya leedahay midka ugu muhimsan. Waxay xuduudda Soomaaliya u jidhaa 200 oo km. oo keliya. Soomaaliya waxay sheegatay in ay Godey qabsadeen 24/ 7- 1977-kii. Taasi waxay ka danbeysay dagaal labada dhinac ay ku hoobteen. Nin u hadlay WSLF, wuxuu sheegay in 1.500 oo kamid ah askartii Itoobiya oo Godey fadhiday ay maxaabiis ahaan u hayaan. Intii kale ee 5.000 ka soo hartay waxay noqdeen wax dagaalka ku dhintay iyo wax cararay. ……………………  Godey waxaa fadhiyay taliska ciidamada Itoobiya ee Ogaadeenya ku sugnaa. Gegida dayuuradaha ee Godey waxaa ilaalinayay ciidamo jabhad ah. Waxaa halkaa yiil hub difaaca cirka ah oo sancadiisu tahay Mareekan, kaas oo ay ka carareen ciidamadii Itoobiya. Magaalada War-dheer waxay Godey u jidhaa 200 oo km. Jabhadiintu waxay na tusiyeen afar meelood oo hub ku qarsoon yahay oo ay qabsadeen. Waxay u dhexeeyaan labadan Degmo. Hubka halkaas yiil wuxuu ahaa Baasuukayaal, Granaadyo, qoryo gantaallo ah, bambooyin i.w.l.  ". (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 5/ 8- 1977-kii. Stockholm - Sweden). 

Wariyuhu wuxuu qoraalkiisaas ku xusay in ay la kulmeen laba nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo kamid ahaa maxaabiistii laga qabtay ciidamada Itoobiya ee Godey fadhiday. Mid kamid ah oo ay wareysteen ayaa waxaa la oran jirey Nerevo Berey. Da´diisu waxay ahayd 25 jir. Isagu wuxuu ka yimid gobolka waqooyi ee Tigrey. Iyada oo looga turjumayo ayuu wuxuu sheegay in degaankiisii dhowaan laga soo kaxeeyay. Kaddib markii uu soo qaatay saddex bilood oo tababar ah, Godey waxaa lagu keenay dayuurad, si ay u difaacaan gegida dayuuradaha ee degmada. Qoraalkii wariye Gary Jones waxaa kale oo kamid ahaa sidan:   

" Hubka ay Soomaalidu  ka heleen Godey waxaa kamid ah baabuur jiib ah iyo kuwa xamuulka oo sancaddoodu tahay Mareekan. Waxay kamid ahaayeen kaalmadii Mariikanku uu siiyay Itoobiya……………………..  . Sarkaal kamid ah WSLF ayaa wuxuu meel inagu tusiyay dayuurad la soo riday oo sncad Mareekan ah (Waxay ahayd F-5 dayuuradaha weerarka). Waxaa soo riday Soomaalida. Meel kasta oo Ogaadeenya kamid ah oo dagaal ka dhacay, saraakiisha Soomaaliyeed waxay inoo sheegayeen in ay laayeen boqollaal Itoobiyaan ah, boqollaal kalena ay xabiseen, boqollaal kalena ay dhaawaceen. Dhammaan degmooyinkii iyo tuulooyinkii aanu booqanay waxay ahaayeen kuwo xasilloon. Soomaalidu waxay magacaabayeen guddiyo jabhadeed si ay u socodsiiyaan howlaha la xiriira maamulka. Calankii jabhadda WSLF oo ah cagaar iyo caddaan ayaa degmo waliba ka lushay. Dhawaaqa madaafiicda iyo gantaallada laysku garaacayo ayaa waxaanu ka maqalaynay meel fog. Ruqsad uma aanan helin in aanu booqanno meelaha ay ka socdaan dagaallada culculus oo ay ciidamada ku xooggan yihiin, sida Dirir-dhabe iyo Jigjiga. Soomaalidu waxay sheegteen in ay gacanta ku hayaan 97 % dhulka Ogaadeenya oo ah dhul le'eg dalka Ingiriiska. Annaguna sidaas waanu la qabnaa ". (Isla marjicii hore). 

Xabashida markii weerarkiyo laysku waray xoogga

Madaafiicda layliga markuu gumucu wiifaayay

War yaa maali jirayay markuu ku hadlay waayeelka

Sidii warafka tuuryada markii laysku wagac siiyay

Weeraarki loo dhigay markay waabtu ololeysay

Sidii waxar mareega leh markaan kaaga wijic siiyay

Sow webiyadii kuma bakhtiyin waali orodkooda

Sow sida waraabaha qarqiga wiiqdu kama yeerin

Waddan aadan lahayn ciiddu way kaa welwelisaaye

Iyagoo wadnuhu joogsadoo wiririqdii gaarey

Sow intay walaalow dheheen oo wareen gacanta

Dabkii ay wateen meel cidla ah ugaga wada yaacay

I waraabi mooyee wax kale sow lagama waayin  (Firin)  

Dowladda Itoobiya waxaa markiiba u muuqatay in eeyan ku filleyn in ay difaacdo dhulkan ay boobka ku haysato. Waxaa u muuqatay cududda ay Soomaalidu ku soo weerartameen iyo niyadda ay dagaalka u hayaanin ay yihiin wax caadada ka baxsan. Waxaa ku fillaan waayay ciidamadii boqolka kun dhaafsiisnaa oo ay ka soo ururisay beeralayda. Waxaa ku fillaan waayay haybaddii beenta ahayd iyo fil-weynidii ay ugu faani jidhay qowmiyadaha la degaanka ah. Cabashada ay u dirsatay dowladaha caalamka waxaa u weheliyay codsi hiillo sharci-darro ah oo ay ku doonayso calooshooda u shaqeystayaal u dirira. Wargeesyada caalamku ayaa xilligaas waxay soo qoreen in Itoobiya ay caalamka ka codsatay duuliyayaal calooshooda u-shaqeystayaal ah, kuwaas oo ay u kireysato dagaalka ay kula jidho Soomaalida. Dalabkii ugu horeeyay waxaa ka soo jawaabay lix duuliye oo u dhashay dalka Giriigga. Raggaasi oo ahaa kuwo markaas shaqadii laga fadhiisiyay ayaa waxay kamid noqdeen ciidamadii ugu horeeyay ee shisheeyaha ahaa oo iyaga oo Itoobiya u diriraya, ka qeyb-qaatay dagaalkii Ogaadeenya. (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 28/ 7- 1977-kii. Stockholm - Sweden).  

Hiillada dowladaha cari-edeg ee lagu difaacayay Itoobiya waxay kaloo ka imanaysay dowlado uu ugu weyn yahay dalkii Midowga Soofyeeti. Dalkaas ayaa guulihii ay Soomaalidu gaareen, wuxuu la kordhiyay qalabka dagaal ee uu ku taakulaynayay maamulkii ka dhisnaa Addis-ababa.  

" Xilligaas waxaa muuqatay dhaqdhaqaaqa uu Ruushku ka bilaabay Itoobiya. Habeen iyo maalin waxaa la arkayay dayuuradaha gaadiidka ciidamada oo Ruushku leeyahay, kuwaas oo ka degaya gegida dayuuradaha ee la yiraahdo Deber Zeit. Dhanka waqooyi ayay 160 km. ka xigtaa magaalo-madaxda Addis-ababa. Waxaa kale oo jira Kuubaan isugu jira khuburo iyo ciidan, kuwaas oo ku sugan Itoobiya. Tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 5.000 oo nin ". (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 5/ 8- 1977-kii. Stockholm - Sweden).  

Dagaalkii furnaa, xilligaas uu bilowga ahaa, khubarada shisheeyaha ah ee xanta iyo aqoonta ciidamada u gudbiya Itoobiya, kuwooda ugu fir-fircoon maahayn Kuubaan. Bal waxay ahaayeen saraakiil ka yimid dowladda Israa’iil. Sida lagu bartay siyaasadda dibadda ee dowladda Israa’iil, dhagax kasta oo ay ganaan, waxay jecel yihiin in ay dhowr shimbirood ku dabaan. Hiillada istraateejiga ah oo ay u fidinayeen dowladda  Itoobiya, waxaa u weheliyay, iyaga oo daba socday dhaqaale badan oo uu bixiyay hoggaamiyaha is-cajabiyay ee Liibiya. G/ Dh. Mucammar Al-Qadaafi, hanti badan ayuu xilligaas Itoobiya siiyay si ay u joojiso socodka ciidamada Soomaaliya. Ma jirin wax dan ah oo dowladdiisa ama shacabkiisa u noqonaya oo ay ka helayaan deeqda xad-dhaafka ah ee Qasaafi uu bixiyay, aanan ka ahayn in uu ku qaboojiyo kulaylaka ay ku kicisay guulaha ay Soomaalidu gaareen. Israa’iiliyiintu waxay markaas ku guulaysteen in ay helaan nasiibkii ugu weynaa ee hantidaas.  

" Xoogga ciidamada Itoobiya waa hubka ay sancadiisu tahay Mareekan. Islamarkaa waxaa ka sii yaraanaya keydka qalabka dayac-tirka iyo rasaasta ay haystaan. Sidaa darteed, (Itoobiya) waxay hadda hub ka iibsataa cid kasta oo xiiso u haya in ay hub ka iibiyaan. Lacag ay ka heleen korneylka sida yaabka badan uga soo horjeeda dowladda Israa’iil. Waxaa kale oo Fiyetnaam ay ka soo iibsadeen hub ay sancadiisu tahay Mareekan, kaas oo Mareekanka lagaga qabsaday dagaalkii. Hubkaasi waxaa waday dayuurado xamuul ah oo ay ku daahnaayeen calaamado laga leeyahay dowladda sida ba’an u neceb shuuciyadda ee Koonfur-Kuuriya. Waxaa hubkaas adeegsanayay ciidamada 100-000 dhaafsiisan oo beeralayda ah. Dowladda Yugoslaafiya ayaa qudheedu ka qeyb-qaadatay ganacsigii ka dhashay xaaladdaas. Qaar kamid ah hubka ay Yugoslaafiya sameeyaan waxay la fal-geli karaan hubka Mareekanka. Waxaa kale oo jirey wufuud badan oo ka kala yimid dalalka DDR, Rumeeniya iyo Jekoslofaakiya. Iyagu waxay doonayeen in ay iibiyaan wixii suuragal ah oo ay iibin karaan ". (Wargeyska Aftonbladet. Tirsigiisa soo baxay 19/ 8- 1977-kii. Stockholm - Sweden).

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.