Ciidamada
Soomaaliyeed libin weyn ayay ka soo hoyeen weerarkii
ay qaadeen. Howl-galladaasi waxay soo saareen arimo
badan oo ay kamid tahay baahida ay Soomaalidu u qabaan
in ay helaan saraakiil dheeri ah oo wax ka hoggaamiya
gulufyada dagaalka iyo taakuladeeda. Dhab ahaantii majirin
khuburo ama saraakiil shisheeye ah oo weheliyay Soomaalida.
Khuburada ciidameed ee shisheeyaha ah oo dalka ku sugnaa
waxay ahaayeen kuwii Ruushka. Iyaguna dowladdooda ayaa
dagaalka ka soo hor jeedday, sidaa darteed waa laga
qarsaday howlaha la xiriira weerarka. Bal waxaa laysugu
keenay magaalada Xamar. Arintaasi waxay dhacday intaanan
magaalooyinka waaweyn la qaban. Inkasta oo tallaabadaas
ay dhinac ka ahayd qatif siyaasadeed, misana dhan kale
waxay xambaarsanayd sharaf ciidameed. Waayo waxay markhaati
u tahay, guulaha ay Soomaalidu gaareen, mahaddeeda in
uu leeyahay askariga Soomaaliga ah ee aanan lala wadaagin.
Madaxweyne Maxamad Siyaad,
lama uusan daahin in uu qaato goaan uu dib ugu soo
celinayo maqaawiir kamid ah saraakiil sare oo horey
looga fariisiyay xilkii ay hayeen ciidamada XDS. Goaankaasi
oo ku adkaa dowladda, ayaa madaxweynuhu uu keli ahaan
qaatay, isaga oo aanan la tashan xataa ku-xigeennadiisii.
Dabayaaqadii bishii julay ayuu madaxweynuhu wuxuu u
yeertay saddex maareeye oo horey uga tirsanaa saraakiisha
XDS. Iyagu
waxay kala ahaayeen :
1)
G/ Dh. Cabdullaahi
Yuusuf Axmad (madaxweynaha dowladda federaalka ah) oo markaas ahaa
maareeyaha shirkadda FIAT.
2)
G/ Dh. Maxamad
Faarax Caydiid (hoggaamiyaha maamulkii sal-ballaar) oo isagu markaa ahaa
maareeyaha wakaaladdii daawada ASPIMA.
3)
G/ Dh. Jaamac
Cali Jaamac (madaxweynihii hore ee maamulka Puntland) oo isagu markaa
ahaa maareeyaha wakaaladda qalabka dhismaha.
Waraaq ka socotay
xafiiska madaxweynaha ayay isku mar heleen. Waxaa ku
xusnaa in laga doonayo xafiiska madaxweynaha. Galabtii
ay taariikhdu ahayd 24/ 7- 1977-kii ayuu kulankii ka
dhacay aqalkii uu madaxweynuhu degganaa ee Villa
Somala. Madaxweyne Maxamad
Siyaad ayaa markaas
u sheegay in ciidamadii Soomaaliyeed ay dagaal ku jiraan.
Iyagana looga baahan yahay in ay ku soo laabtaan ciidamada
si ay wax uga hoggaamiyaan howlaha dagaalka. Wuxuu kaloo
u sheegay waajibaadka mid kasta laga doonayay iyo meesha
uu ka howl-gelayo. Sida aanu ka warinay Cabdullaahi
Yuusuf, hadalkii
Maxamad Siyaad
waxaa kamid ahaa sidan :
" Jaallayaal dalkii dagaal buu ku
jiraa. Saraakiishii iyo askartii Soomaaliyeed maalin
walba waa ay dhimanayaan. Idinkuna xafiisyo qabow ayaad
ku raaxaysanaysaan.
. Cabdullaahi,
waxaad xilka kala wareegeysaa Abuukar
Maxamad Liibaan (Aftoje).
Waxaad ka dagaalgelaysaa meeshii aad ka dirirtay 64-kii.
Ciidamada halkaas fadhiya ayaa waxaad ku weeraraysaa
Fiilto. Dabadeedna magaalada Nageyle.
Addis-ababa dhankeeda bari ayaa waxaad ku kulmeysaan
ciidamada ka yimaadda Harar iyo Dirir-dhabe.
. " (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Cabdullaahi Yuusuf Axmad.
Al-Shaariqa
- Isu-tagga Imaaraadka Carabta. 9/ 4- 2004).
Maxamad Faarax
Caydiid, waxaa isna
la faray in uu ka odeyeeyo xero tababar oo laga asaasay
magaalada Dhuusa-mareeb. Waxaa halkaas lagu diyaarinayay
ciidamadii lagu taakulayn lahaa kuwa ku sugan aagagga
hore ee dagaalka. Waxaa xusid mudan in tallaabadaasi
ay ka danbaysay hannaan ay dowladdu dooratay in ay beelaha
reer miyiga ah kaga hesho raggii lagu gufeen lahaa meelaha
bannaanaada. Xilligaas Caydiid la fariisinayay degmada Dhuusamareeb oo ah xudduntii degaanka
beelaha Hawiye, waxaa Garoowe la fariisiyay G/
Dh. Faarax Xandulle,
isaga oo ka odey ahaa abaabulka beelaha Hartiga ah.
G/ Dh. Ismaaciil Cali
Abokor oo ahaa madaxweyne
ku-xigeen, ayaa isna fadhigiisu ahaa Hargeysa. Abaabul
kuwaas hore lamid ah, oo lagu doonayay hiillada beelaha
Isaaq, ayuu halkaas ka hayay. Reer miyigii Soomaaliyeed
waxay arintaa ka muujiyeen dhega nugayl iyo is garab-taag
buuxa. Cuqaashii iyo duqeydii dhaqanka ayaa hor boodayay
abaabulka lagu ururinayay dhallinyarada la tababarayo.
Shidaalka uu dagaalku ku socday bilihii danbe wuxuu
ahaa deeqdii hagar laaanta ahayd ee laga helay beelaha
reer miyiga ahi.
Jaamac Cali Jaamac,
isagu waxaa loo magacaabay guddoomiye gobol. Waxaa lafaray
in uu fariisto magaalada Qabri-dahare. Madaxweynuhu
si gaar ah ayuu Jaamac
uga codsaday in uu gacan adag wax ku maamulo. Taasina
waxay ka danbeysay khilaafkii aanu xusnay ee dhex yiil
beelaha degaanka iyo maamulkii Xamar. Jaamac baa wuxuu
xusay, haddii dadka uu u tegayo ay noqdaan dad wanaagsan
inaanan markaa loo baahnayn in lagu adkaado. Madaxweynaha
baa markaas ugu jawaabay :
"
. . Amarka lagu faray qaado. Niman kibir badan baa halkaa ku dhaqan. Waxaan kaa
doonayaa inaad edbisid " (Isla marjicii hore).
G/ Dh. Jaamac
Cali Jaamac, wuxuu horey u sii kaxaystay
nin ganacsade ah oo degmada u dhashay, kaas oo la yiraahdo
Xuseen Xasan Bidde.
Ninkan oo sumcad wanaagsan ku lahaa degaanka, ayaa walaalkiis
ka weyn uu ku shahiiday meel degmada dibaddeeda ah.
Waxaa xusid mudan in saddexda sarkaal ay
markaas ku how-galeen darajada ah Gaashaanle sare. Iyagu
waxay markiiba fuliyeen amarkii la faray. Maalintii
xigtay ayaa mid waliba wuxuu guda galay in uu xil- wareejin
sameeyo. Dabadeedna waxay iska xaadiriyeen xafiiska
hoggaanka howl-gallada ciidamada ee ku yiil xaruntii
taliska XDS. Waxaa xafiiskaas odey ka ahaa G/
S. Maxamuud Geelle Yuusuf, oo ka tirsanaa saraakiishii
GS ee K. Cabdullaahi Yuusuf,
oo ka waramayay arintaan, wuxuu xusay in uu saluugsanaa
qaabka loo maamulayay istraateejiyadii dagaalka. Sida
aanu arki doono, waxaa arintaas la qaba saraakiil badan
oo wax ka hoggaaminayay aagaggii dagaalka. Cabdullaahi
wuxuu tilmaamay sida ay ciidan ahaan khalad u tahay
waajibka la siiyay ee ah weerarka dhulka aadka uga fog
goobta laga taakulaynayo ciidankiisa oo ahayd degmada
Baydhabo. Isaga oo ka waramaya arintaan wuxuu yiri :
" Nagayle marka la dhaafo 60 km.
waxaad gelaysaa dhul la yiraahdo Seero. Halkaas
waa meesha kala barta dadka af-soomaaliga ku haldla
iyo qowmiyadaha aanu kala af duwanahay. Markii uu madaxweynuhu
amarkaa i siiyay, waxaan xasuustay tix gabay ah oo uu
mariyay Sayid Maxamad Cabdulle Xasan mar uu lahaa :
Geyi Seero gaaliyo islaan kala-gaddoonkooda.
Markasta oo gudaha la sii galo, waxaanu ka
fogaanaynaa meelihii saadku inoo yiil. Ciidan ahaan
duulaanka caynkaas ah waa khalad. Laakiin amarka waanu
ku khasbanayn in aanu fulino. Madaxweynaha waxaan ka
codsaday in aanan hoos iman sarkaalkii ku magacawnaa
qeybta ee la oran jirey Can-jeex
iyo in aan anigu magacawdo sarkaalkii ii qaban
lahaa saadka. Labadiiba waa uu iga oggolaaday oo wuxuu
i faray inaan si toos ah ula soo xiriiro hoggaanka ". (Isla marjicii hore).
Subaxnimadii
ay taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii, mid kasta oo saddexdii
sarkaal ahaa, wuxuu tegay xafiiskii G/
S. Maxamuud Geelle. Waxay ka qaateen waraaq ay
ku qoran tahay hadalkii uu madaxweynaha kula soo hadlay.
Waxaa xusid mudan sanadkii 1964-kii Cabdullaahi
Yuusuf iyo Maxamuud
Geelle, iyaga oo wada socda in ay ka dagaalameen
Doolow. Cabdullaahi
markii uu waraaqda ka qaadanayay Geelle,
wuu la kaftamay oo wuxuu ku yiri : War Geelle,
ma adigaa odaga kula taliyay taktikadan. Geelle
baa markaa u jawaabay oo yiri : Dadka halkaan jooga
waa dad amarka qaata. (Isla
marjicii hore).
Saddexdii
sarkaal mid waliba wuxuu guda-galay howlihii loo diray.
G/ S. Cabdullaahi Yuusuf,
Baydhabo ayuu wuxuu kula kulmay G/
S. Abuukar Maxamad Liibaan (Aftoje)
oo ahaa sarkaalkii uu xilka kala wareegi lahaa. Waxay
isu raaceen bartii looga talinayay ciidamada ku sugan
aagga hore, oo ahayd meel u dhexeysa Doolow iyo Luuq.
Dabadeed waxay u gudbeen fariisimo ay lahaayeen ciidamo
gudaha ku jirey. Halkii buu Aftoje ku xilkii ugu wareejiyay
sarkaalkii cusbaa. Waxaa jirey weerar xagga madaafiicda
ah oo labada ciidan ka dhex bilowday maalmo ka hor intaanan
xil-wareejintu dhicin. G/
S. Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu markiiba taliska
u raray meel xuduudda gudaheeda ah, si uu u dedejiyo
weerarka Fiilto.
27/
7- 1977-kii ayaa si rasmi ah waxaa u bilowday weerarkii
lagu qaaday xarumihii ciidamada Itoobiya ee fadhiyay
gobolka. Soomaalidu waxay ku weeratameen ciidan kulmis
ah oo ka kooban saddex guuto. Waxaa kala hoggaaminayay G/ Dh. Axmad Il-giir
iyo G/ Dh. Maxamad
Abshir. Guutada saddexaad oo uu hoggaaminayay
G/ Dh. Wadaad-yare,
waxay ka mid ahaayeen ciidankii Godey ka dagaalamay.
Markii magaalada la qabtay ayaa waxaa lagu soo xoojiyay
ciidankii ku wajahnaa Baali iyo Siidaamo. Wadaad-yare
oo ka sheekeynaya socdaalkiisii Godey Doolow ahaa,
wuxuu sheegay in ay dhexda ku heleen dayuurado Soomaaliyeed
oo ciidamadiisii duqeeyay. Duuliyayaasha Soomaalidu.
waxay moodeen in ciidanku yahay Itoobiyaan guuraya.
Inkasta oo laga gubay laba gaari oo keliya, misana sida
laga wariyay G/ Dh. Wadaad-yare,
aad buu ugu farxay. Waayo waxaan dareemay buu yiri,
duuliyayaasheenii oo yoolkoodii asiibaya in ay yihiin.
(Waxaan ka wainay G/ S.
Axmad Maxamad Faarax (Kabeek). 13/ 10- 2004. Stockholm
- Sweden).
Dabayaaqadii bishii julay iyo bilowgii bishii agosto,
ciidamadaas saddexda af ah ayaa waxay ku baxeen degmooyin
iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Baali. Waxay ku qaadeen
weeraro lamid ah kuwii lagu qaaday degmooyinkii gobolka
Harargi. Dagaalkii ugu cuslaa wuxuu qabsaday degmada
Fiilto oo uu fadhiyay taliskii ciidanka. Waxaa halkaa
ka diriray guutadii uu hoggaaminayay G/
Dh. Wadaad-yare. Urur kamid ah ururadii ay guutadu
ka koobnayd waxaa hor-kacayay Gaashaanle
Siciid Maxamad Ibraahim
oo ku magac-dheer (Siciid-Ayax). Isaga oo ka waramaya dagaalkaa wuxuu
yiri :
"
G/ Dh Wadaad-yare
ayaa taliye guuto inoo ahaa. Barta taliska ee ciidanka
cadowga waxay ahayd meel buur gadaalkeed ah. Ilaaladooda
waxay dul saarayd buurta dusheeda. Buurta dhinacyaheeda
waxaa ahaa keyn dhir badan. Waxaanu maleenaynay in keynta
ay ku jiraan ciidamo xooggan. Laakiin cidla ayay ahayd.
Waxaa yiil oo keliya qoryo fudud oo boobayaal ah, halkaas
oo marar ay xabado ka soo ridayeen. Waxaa kale oo jirey
dab-xir ay ka soo ridayeen bartoodii taliska, kaas oo
15 km. Ka shisheeyay buurta. Waxaa halkaa u yiil madfac hal ah, 100 mm. " (Waxaan
ka wainay G/ S. Siciid Maxamad Ibraahim (Ayax). 29/
4- 2005. Qaahira - Masar).
Dagaal maalin ah dabadeed, oo laysku galay
meel buurta ka sokeysa, ciidamadii Itoobiya rasaastii
ayaa ka dhamaatay. Dabadeed dib ayay u gurteen.
Iyagu ma eeyan haysan taakulada ay u baahnaayeen. Waxaa
markaa dagaalkii soo galay hubkii jiibka ahaa (Waaqle),
kaas oo hakiyay in Soomaalidu ay horay u socdaan.
"
Ururka aan hoggaaminayay wuxuu ka diriray dhanka
bidixda ee buurta. Waxaan dareemay in keyntu ay cidla
tahay oo uusan jirin ciidankii aan filaynay in ay halkaa
fadhiyaan. Habeenkaas baan farriin u direy ururadii
kale oo aan u sheegay in horteyda ay cidla tahay, beri
subaxna aan ku dhaqaaqayo. Markuu waaga baryay, dhankaygii
ayaan weerar ka bilaabay. Si fudud baan ku gaaray buurtii
dhankeedii bidix. Ciidan xoog badan oo aanan ku tala-gelin
baa halkaas fadhiyay. Aniga oo la socda kooxdii ugu
horeysay ee ururka, waxaanu soo gaarnay buurtii. Markaan
halkaas nimid, waxaa inoo muuqatay dayuurad ah kuwa
dagaalka oo Itoobiya leedahay. Mar qura baa meel inoo
dhow oo hoostayada ahayd, ayaa waxaa ka yeeray bulaan
iyo sabcis. Iyagu waxay waxay ahaayeen askartii Itoobiya
oo ku farxay dayuurad tooda ah oo dagaalka la soo gashay.
Xataa waxaanu maqalnay dumar mashxaradaya. Halkii baan
ku ogaaday meesha gabbaadka u ah ciidamadii ila dirirayay.
Nasiib wanaag, askari ururkayaga ahaa oo sitay qori
lidka dayuuradaha ah baa markiiba intuu gantaal ku ganay
soo riday dayuuraddii. Iyadu meel dhulka u dhow ayay
ku socotay. Duuliyihii dayuuradda oo aanu maxbuus ahaan
u soo qabanay, wuxuu ahaa Dhamme
Lagase Tafare. Halkii baanu ku weerarnay. Isla
xilligaas, ciidan uu la socday taliyihii guutada, Wadaad-yare,
ayaa ku guulaystay in ay buurtii fuulaan ".
(Isla marjicii hore).
Buurtaas ay Soomaalidu qabsadeen waxaa fadhiyay ciidankii
difaacayay degmada Fiilt. Iyadu waxay buurta u jidhay
5 km. oo qura. Haraagii ciidamadii Itoobiya ayaa markaas
u yeerta baabuurtii gaadiidka u ahaa oo ay meel ka shisheysa
ku ilaashadeen. Markaasay bilaabeen in ay ku guuraan. Ciidamadii
Soomaalida, markii ay arkeen dhaqdhaqaaqa cadowga, waxay
u maleeyeen in ciidan dheeri ah uu yimid. Sidaa
darteed difaac bay galeen. Hakadkaas galay weerarkii
ka socday dhanka Soomaalida, ayaa ciidamadii Itoobiya
u noqday fursad ay isku ururiyaan oo ay ku guuraan.
Maalintii xigtay, sahankii Soomaalida ayaa wuxuu soo sheegay
in ciidamadii Itoobiya dhamaantood ay ka baxeen aagaggii
ay fadhiyeen. Markaasaa
Soomaalidii ay magaaladii oo cidla ah soo galeen. Isla
ayaamahaas, guutooyinkii kale ee kulmiska ayaa waxay
weerareen fadhiyadii soke ee cadowgu uu ku lahaa gobolka.
Natiijadii weeraradaas waxay ku dhamaadeen in 11 tuulo
lagala wareego Itoobiya. Sidaasna waxaa sheegay wargeesyada
caalamka.
"
. 28-kii bisha, waa markii ugu horeysay
oo labada dhinac ay caddeeyaan in dagaallo
ka socdaan gobolka Baali. Idaacadda Addis-ababa waxay
sheegtay in afartii maalmood oo la soo dhaafay ay soo
rideen sagaal dayuuradood. Soomaalidu weli waxay beeninayaan
in ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan dagaalka. Soomaalidu
11 tuulo ayay ka qabsadeen gobolka Baali " (Wargeyska
Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 29/ 7- 1977-kii.
Stockholm - Sweden).
Ma wal-walay walaac iyo xumaan weynahow deyeye
Ma waantoobay
sow ina Maryama weli sidii maaha
Wejigiisa
foolxumadi sow weli sidii maaha
Sow ciidankiisaas
warracay oon u waray haadda
Sow kuwaa waraabuhu
habcaday weli sidii maaha
Sow maxaysataday
soo wadeen weli sidii maaha
Anna sow Wardheer
iyo Hawaash inaan walaaleeyo
Oo wixii ka haray
soo dhacsado weli sidii maaha
Sow waranki
Soomaaliyeed weli sidii maaha
Sow wiilashaan
kala baqayn weli sidii maaha
Sow waaxdiyo waxay
walam-sadeen weli xisaab maaha
Sow wankiyo waxarahay
cuneen weli xisaab maaha
Dahabki ay walwaasheenna
sow weli xisaab maaha
Sow gumeysigii
waayo badan weli xisaab maaha
Sow walaalahaygii
la dilay weli xisaab maaha (Firin
Qul-qulkii ciidamada Soomaaliyeed ay ku hantiyeen
degmooyinka Ogaadeenya, wuxuu walaac ku keenay dowlado
badan oo qaaradda Afrika iyo dibaddeedab ku yaal. Taasi
waxay dhalisay in mar kale ay soo xoogowdo dhaqaaqilyadii
diblomaasiyadda ay dowladaha xiisaynaya howshan la yeelanayeen
madaxda labada dal ee muransan. Kulamada uu dagaalku
sababay waxaa kamid ahaa booqasho uu Xamar ku yimid
wasiirkii dibadda ee Burundi Alberto
Muganga, markay taariikhdu ahayd 26/ 7- 1977-kii.
Maalintii xigtay oo ahayd 27/ 7- 1977-kii, waxaa isna
Xamar yimid madaxweynaha dalka Gueni Bisow Louis Kabral. Booqashada labadan masuul ayaa waxay
kamid ahayd dadaal ay madaxda Afrilaanka ah ku bixinayeen
sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan geeska
Afrika. (Waxaan ka soo
xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo
baxay 27 - 28/ 7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).
Kor
u-kicii heerka dagaalka, wuxuu kaloo danqiyay diblomaasiyaddii
dowladihii isku bahaystay siyaasadda bidixda ah oo Ruushku
uu kabiirka u ahaa. Dowladahaas oo qudhoodu daaglku
uu ku reebay walaac xoog badan, ayaa waxay diiddanaayeen
sikashada ay ciidamada Soomaalidu ku durkayeen gudaha
Itoobiya. Islamarkaas weli kama dhamaan damacooda ahaa
in eeyan lumin xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leeyihiin
labada dal ee muranku ka dhexeeyo. Kulamada uu dagaalku
sababay waxaa kamid ahaa mid Addis-ababa ku dhex maray
danjirihii dowladdii Soofyeetiga A.N.
Ratanov iyo sarkaalka Kuuba u qaabilsan
cududeynta Itoobiya Jeneraal
Arnaldo Ochoa. Labada nin waxay kulmeen 17-kii bishii julay.
Wada-hadalkii dhex-maray waxay kaga faalloodeen xaaladda
qallafsan oo Itoobiya ay ku sugan tahay. Iyaga oo arintaas
ku dheeraaday ayaa waxay isla qiimeeyeen arintan :
" Xagga tayada qalabka dagaalka, Itoobiya
waa ay ka liidataa marka loo eego Soomaaliya. Ciidabada
maaleeshiyada ee Itoobiya, ma ay laha tababar dagaal
oo ku filan. Arimahaasi waxay sababayaan, in dhaqdhaqaaqyada
goosashada raba ay awood u helaan in ay maamul ka xasiliyaan
in kabadan 75 80 dhulka Ereteriya oo ay kamid yihiin
degmooyinka Keren, Nacfa, Karora, Decamere iyo Tessenei.
Ciidamada jabhadahooda waa 18.000 oo qof. Dhanka Ogaadeenya,
gooni u goosadka WSLF (waxay gaaraan 5.000 oo qof),
kuwaas oo lagu cududeeyay xoog ka yimid Soomaaliya,
waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan intii
badnayd ee gobolka. Waxay xuduudda ka wadaan howlo dagaal
ah oo ku soo dhowaaday degmooyinka Harar, Jigjiga, Godey
iyo Dirir-dhabe ".
(TOP
SECRET Copy No. 2.
From the journal of
24 August 1977. A.P.
RATANOV Orig. No. 297. Memorandum of Conversation
between Soviet Ambassador to Ethiopia A.N.
Ratanov and Cuban military official Arnaldo Ochoa, 17
July 1977).
Waxaa
jirey wafdi si qarsoodi ah ku baxay oo dowladda Itoobiya
ay u dirtay Moosko. Socdaalka wafdiga waxay ku beegnayd
16/ 7- 1977-kii, waxaana hoggaaminayay xoghayntii golaha
sare ee ciidamada Itoobiya Fikre
Selassie Wogderes. Jeneraalka Kuubaanka ah (Arnaldo
Ochoa), wuxuu danjiraha Ruushka u sheegay codsiga
ay wafdigu hor-dhigayaan madaxda ay u martiyayaan ee
Soofyeetiga. Danjire A.N.
Ratanov oo arintaa wax ka sheegay wuxuu qorey
sidan :
" Wafdigaas oo u socdaalay Moosko ayaa wuxuu
sitay codsi ah in ay Soofyeetiga weydiistaan hub
taangiyo ah. Jeneraalka Kuuba waa uu ka xumaa arintaas
oo wuxuu xusay in eeyan xataa diyaarsanayn kaadiriintii
ku dagaalami lahaa hubkaas. Wuxuu tilmaamay in codsigaasi
yahay weydiin qiimaheedu liidato, islamarkaas ay hoos
u dhigeyso hanka laga doonayay golaha saare. Tusaale
kale oo tilmaamaysa masuuliyad-darri masaladaha la
xiriira xagga ciidamada waxay tahay, aragti uu qof u
soo jeediyay Mengistu. Waxay ku saabsan tahay baahida
loo qabo in la diyaariyo weerar ballaaran oo lagu qaado
Hargeysa. Taasi waxay Soomaaliya siinaysaa sabab ay
ku bilowdo in dagaalka Ogaadeenya sii ballaariso iyada
oo adeegsanaysa taangiyo iyo dayuurado. Taas waxaa ka
baxsan halaagga siyaasadeed ee ka dhalanaya haddii Itoobiya
ay qaaddo tallaabo caynkaas ah ".
(Isla
marjicii hore).
Sida
xogtan ka muuqata, hiillada Itoobiya maahayn oo keliya
mid ciidan. Xataa waxaa loogu hiilinayay in eeyan qatif
siyaasadeed ku dhicin. Hadalka Jeneraalka Kuuba, waxaa
kale oo ka muuqda kalsooni ah in Itoobiya aanan la qabsanayn.
Codsiga taangiyada ah oo ay dalbayaan wafdiga Moosko
aaday, wuxuu muujinayaa walaaca ay dowladda Itoobiya
qabtay. Laakiin Arnaldo Ochoa,
waa uu dhayalsaday codsigaas, isaga oo aanan u muuqan
nin walaac ka qaba duulaanka Soomaaliya. Sida isaga
la qurxoonayd baa waxay ahaud in wafdigu uu dowladda
Soofyeetiga u muujiyo kacaanyannimo iyo in ay yihiin
rag caqiidada shuuciyaddu ay dhab ka tahay. Wixii intii
ka haray, sida dhici doonta, iyaga ayaa u diyaar ah
in ay qabtaan.
Saadiq
Enow