|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXX-aad

Dr Enow

Ciidamada Soomaaliyeed libin weyn ayay ka soo hoyeen weerarkii ay qaadeen. Howl-galladaasi waxay soo saareen arimo badan oo ay kamid tahay baahida ay Soomaalidu u qabaan in ay helaan saraakiil dheeri ah oo wax ka hoggaamiya gulufyada dagaalka iyo taakuladeeda. Dhab ahaantii majirin khuburo ama saraakiil shisheeye ah oo weheliyay Soomaalida. Khuburada ciidameed ee shisheeyaha ah oo dalka ku sugnaa waxay ahaayeen kuwii Ruushka. Iyaguna dowladdooda ayaa dagaalka ka soo hor jeedday, sidaa darteed waa laga qarsaday howlaha la xiriira weerarka. Bal waxaa laysugu keenay magaalada Xamar. Arintaasi waxay dhacday intaanan magaalooyinka waaweyn la qaban. Inkasta oo tallaabadaas ay dhinac ka ahayd qatif siyaasadeed, misana dhan kale waxay xambaarsanayd sharaf ciidameed. Waayo waxay markhaati u tahay, guulaha ay Soomaalidu gaareen, mahaddeeda in uu leeyahay askariga Soomaaliga ah ee aanan lala wadaagin.

Madaxweyne Maxamad Siyaad, lama uusan daahin in uu qaato go’aan uu dib ugu soo celinayo maqaawiir kamid ah saraakiil sare oo horey looga fariisiyay xilkii ay hayeen ciidamada XDS. Go’aankaasi oo ku adkaa dowladda, ayaa madaxweynuhu uu keli ahaan qaatay, isaga oo aanan la tashan xataa ku-xigeennadiisii. Dabayaaqadii bishii julay ayuu madaxweynuhu wuxuu u yeertay saddex maareeye oo horey uga tirsanaa saraakiisha XDS. Iyagu waxay kala ahaayeen :

1)      G/ Dh. Cabdullaahi Yuusuf Axmad (madaxweynaha dowladda federaalka ah) oo markaas ahaa maareeyaha shirkadda FIAT.

2)      G/ Dh. Maxamad Faarax Caydiid (hoggaamiyaha maamulkii sal-ballaar) oo isagu markaa ahaa maareeyaha wakaaladdii daawada ASPIMA.

3)      G/ Dh. Jaamac Cali Jaamac (madaxweynihii hore ee maamulka Puntland) oo isagu markaa ahaa maareeyaha wakaaladda qalabka dhismaha.

Waraaq ka socotay xafiiska madaxweynaha ayay isku mar heleen. Waxaa ku xusnaa in laga doonayo xafiiska madaxweynaha. Galabtii ay taariikhdu ahayd 24/ 7- 1977-kii ayuu kulankii ka dhacay aqalkii uu madaxweynuhu degganaa ee Villa Somala. Madaxweyne Maxamad Siyaad ayaa markaas u sheegay in ciidamadii Soomaaliyeed ay dagaal ku jiraan. Iyagana looga baahan yahay in ay ku soo laabtaan ciidamada si ay wax uga hoggaamiyaan howlaha dagaalka. Wuxuu kaloo u sheegay waajibaadka mid kasta laga doonayay iyo meesha uu ka howl-gelayo. Sida aanu ka warinay Cabdullaahi Yuusuf, hadalkii Maxamad Siyaad waxaa kamid ahaa sidan :

" Jaallayaal dalkii dagaal buu ku jiraa. Saraakiishii iyo askartii Soomaaliyeed maalin walba waa ay dhimanayaan. Idinkuna xafiisyo qabow ayaad ku raaxaysanaysaan. ……………………… . Cabdullaahi, waxaad xilka kala wareegeysaa Abuukar Maxamad Liibaan (Aftoje). Waxaad ka dagaalgelaysaa meeshii aad ka dirirtay 64-kii. Ciidamada halkaas fadhiya ayaa waxaad ku weeraraysaa Fiilto. Dabadeedna magaalada Nageyle. Addis-ababa dhankeeda bari ayaa waxaad ku kulmeysaan ciidamada ka yimaadda Harar iyo Dirir-dhabe. …………………… . " (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Cabdullaahi Yuusuf Axmad. Al-Shaariqa - Isu-tagga Imaaraadka Carabta.  9/ 4- 2004).

Maxamad Faarax Caydiid, waxaa isna la faray in uu ka odeyeeyo xero tababar oo laga asaasay magaalada Dhuusa-mareeb. Waxaa halkaas lagu diyaarinayay ciidamadii lagu taakulayn lahaa kuwa ku sugan aagagga hore ee dagaalka. Waxaa xusid mudan in tallaabadaasi ay ka danbaysay hannaan ay dowladdu dooratay in ay beelaha reer miyiga ah kaga hesho raggii lagu gufeen lahaa meelaha bannaanaada. Xilligaas Caydiid la fariisinayay degmada Dhuusamareeb oo ah xudduntii degaanka beelaha Hawiye, waxaa Garoowe la fariisiyay G/ Dh. Faarax Xandulle, isaga oo ka odey ahaa abaabulka beelaha Hartiga ah. G/ Dh. Ismaaciil Cali Abokor oo ahaa madaxweyne ku-xigeen, ayaa isna fadhigiisu ahaa Hargeysa. Abaabul kuwaas hore lamid ah, oo lagu doonayay hiillada beelaha Isaaq, ayuu halkaas ka hayay. Reer miyigii Soomaaliyeed waxay arintaa ka muujiyeen dhega nugayl iyo is garab-taag buuxa. Cuqaashii iyo duqeydii dhaqanka ayaa hor boodayay abaabulka lagu ururinayay dhallinyarada la tababarayo. Shidaalka uu dagaalku ku socday bilihii danbe wuxuu ahaa deeqdii hagar la’aanta ahayd ee laga helay beelaha reer miyiga ahi.

Jaamac Cali Jaamac, isagu waxaa loo magacaabay guddoomiye gobol. Waxaa lafaray in uu fariisto magaalada Qabri-dahare. Madaxweynuhu si gaar ah ayuu Jaamac uga codsaday in uu gacan adag wax ku maamulo. Taasina waxay ka danbeysay khilaafkii aanu xusnay ee dhex yiil beelaha degaanka iyo maamulkii Xamar. Jaamac baa wuxuu xusay, haddii dadka uu u tegayo ay noqdaan dad wanaagsan inaanan markaa loo baahnayn in lagu adkaado. Madaxweynaha baa markaas ugu jawaabay :

" ……………………. . Amarka lagu faray qaado. Niman kibir badan baa halkaa ku dhaqan. Waxaan kaa doonayaa inaad edbisid " (Isla marjicii hore).

G/ Dh. Jaamac Cali Jaamac, wuxuu  horey u sii kaxaystay nin ganacsade ah oo degmada u dhashay, kaas oo la yiraahdo Xuseen Xasan Bidde. Ninkan oo sumcad wanaagsan ku lahaa degaanka, ayaa walaalkiis ka weyn uu ku shahiiday meel degmada dibaddeeda ah.  

Waxaa xusid mudan in saddexda sarkaal ay markaas ku how-galeen darajada ah Gaashaanle sare. Iyagu waxay markiiba fuliyeen amarkii la faray. Maalintii xigtay ayaa mid waliba wuxuu guda galay in uu xil- wareejin sameeyo. Dabadeedna waxay iska xaadiriyeen xafiiska hoggaanka howl-gallada ciidamada ee ku yiil xaruntii taliska XDS. Waxaa xafiiskaas odey ka ahaa G/ S. Maxamuud Geelle Yuusuf, oo ka tirsanaa saraakiishii GS ee K. Cabdullaahi Yuusuf, oo ka waramayay arintaan, wuxuu xusay in uu saluugsanaa qaabka loo maamulayay istraateejiyadii dagaalka. Sida aanu arki doono, waxaa arintaas la qaba saraakiil badan oo wax ka hoggaaminayay aagaggii dagaalka. Cabdullaahi wuxuu tilmaamay sida ay ciidan ahaan khalad u tahay waajibka la siiyay ee ah weerarka dhulka aadka uga fog goobta laga taakulaynayo ciidankiisa oo ahayd degmada Baydhabo. Isaga oo ka waramaya arintaan wuxuu yiri :

" Nagayle marka la dhaafo 60 km. waxaad gelaysaa dhul  la yiraahdo Seero. Halkaas waa meesha kala barta dadka af-soomaaliga ku haldla iyo qowmiyadaha aanu kala af duwanahay. Markii uu madaxweynuhu amarkaa i siiyay, waxaan xasuustay tix gabay ah oo uu mariyay Sayid Maxamad Cabdulle Xasan mar uu lahaa :

Geyi Seero gaaliyo islaan kala-gaddoonkooda.

Markasta oo gudaha la sii galo, waxaanu ka fogaanaynaa meelihii saadku inoo yiil. Ciidan ahaan duulaanka caynkaas ah waa khalad. Laakiin amarka waanu ku khasbanayn in aanu fulino. Madaxweynaha waxaan ka codsaday in aanan hoos iman sarkaalkii ku magacawnaa qeybta ee la oran jirey Can-jeex iyo in aan anigu magacawdo sarkaalkii  ii qaban lahaa saadka. Labadiiba waa uu iga oggolaaday oo wuxuu i faray inaan si toos ah ula soo xiriiro hoggaanka  ". (Isla marjicii hore).

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii, mid kasta oo saddexdii sarkaal ahaa, wuxuu tegay xafiiskii G/ S. Maxamuud Geelle. Waxay ka qaateen waraaq ay ku qoran tahay hadalkii uu madaxweynaha kula soo hadlay. Waxaa xusid mudan sanadkii 1964-kii Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamuud Geelle, iyaga oo wada socda in ay ka dagaalameen Doolow. Cabdullaahi markii uu waraaqda ka qaadanayay Geelle, wuu la kaftamay oo wuxuu ku yiri : War Geelle, ma adigaa odaga kula taliyay taktikadan. Geelle baa markaa u jawaabay oo yiri : Dadka halkaan jooga waa dad amarka qaata. (Isla marjicii hore).

Saddexdii sarkaal mid waliba wuxuu guda-galay howlihii loo diray. G/ S. Cabdullaahi Yuusuf, Baydhabo ayuu wuxuu kula kulmay G/ S. Abuukar Maxamad Liibaan (Aftoje) oo ahaa sarkaalkii uu xilka kala wareegi lahaa. Waxay isu raaceen bartii looga talinayay ciidamada ku sugan aagga hore, oo ahayd meel u dhexeysa Doolow iyo Luuq. Dabadeed waxay u gudbeen fariisimo ay lahaayeen ciidamo gudaha ku jirey. Halkii buu Aftoje ku xilkii ugu wareejiyay sarkaalkii cusbaa. Waxaa jirey weerar xagga madaafiicda ah oo labada ciidan ka dhex bilowday maalmo ka hor intaanan xil-wareejintu dhicin. G/ S. Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu markiiba taliska u raray meel xuduudda gudaheeda ah, si uu u dedejiyo weerarka Fiilto.

27/ 7- 1977-kii ayaa si rasmi ah waxaa u bilowday weerarkii lagu qaaday xarumihii ciidamada Itoobiya ee fadhiyay gobolka. Soomaalidu waxay ku weeratameen ciidan kulmis ah oo ka kooban saddex guuto. Waxaa kala hoggaaminayay G/ Dh. Axmad Il-giir iyo G/ Dh. Maxamad Abshir. Guutada saddexaad oo uu hoggaaminayay G/ Dh. Wadaad-yare, waxay ka mid ahaayeen ciidankii Godey ka dagaalamay. Markii magaalada la qabtay ayaa waxaa lagu soo xoojiyay ciidankii ku wajahnaa Baali iyo Siidaamo. Wadaad-yare oo ka sheekeynaya socdaalkiisii Godey – Doolow ahaa, wuxuu sheegay in ay dhexda ku heleen dayuurado Soomaaliyeed oo ciidamadiisii duqeeyay. Duuliyayaasha Soomaalidu. waxay moodeen in ciidanku yahay Itoobiyaan guuraya. Inkasta oo laga gubay laba gaari oo keliya, misana sida laga wariyay G/ Dh. Wadaad-yare, aad buu ugu farxay. Waayo waxaan dareemay buu yiri, duuliyayaasheenii oo yoolkoodii asiibaya in ay yihiin. (Waxaan ka wainay G/ S. Axmad Maxamad Faarax (Kabeek). 13/ 10- 2004. Stockholm - Sweden).

Dabayaaqadii bishii julay iyo bilowgii bishii agosto, ciidamadaas saddexda af ah ayaa waxay ku baxeen degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Baali. Waxay ku qaadeen weeraro lamid ah kuwii lagu qaaday degmooyinkii gobolka Harargi. Dagaalkii ugu cuslaa wuxuu qabsaday degmada Fiilto oo uu fadhiyay taliskii ciidanka. Waxaa halkaa ka diriray guutadii uu hoggaaminayay G/ Dh. Wadaad-yare. Urur kamid ah ururadii ay guutadu ka koobnayd waxaa hor-kacayay Gaashaanle Siciid Maxamad Ibraahim oo ku magac-dheer (Siciid-Ayax). Isaga oo ka waramaya dagaalkaa wuxuu yiri :

" G/ Dh Wadaad-yare ayaa taliye guuto inoo ahaa. Barta taliska ee ciidanka cadowga waxay ahayd meel buur gadaalkeed ah. Ilaaladooda waxay dul saarayd buurta dusheeda. Buurta dhinacyaheeda waxaa ahaa keyn dhir badan. Waxaanu maleenaynay in keynta ay ku jiraan ciidamo xooggan. Laakiin cidla ayay ahayd. Waxaa yiil oo keliya qoryo fudud oo boobayaal ah, halkaas oo marar ay xabado ka soo ridayeen. Waxaa kale oo jirey dab-xir ay ka soo ridayeen bartoodii taliska, kaas oo 15 km. Ka shisheeyay buurta. Waxaa halkaa u yiil madfac hal ah, 100 mm. " (Waxaan ka wainay G/ S. Siciid Maxamad Ibraahim (Ayax). 29/ 4- 2005. Qaahira - Masar).

Dagaal maalin ah dabadeed, oo laysku galay meel buurta ka sokeysa, ciidamadii Itoobiya rasaastii ayaa ka dhamaatay. Dabadeed dib ayay u gurteen. Iyagu ma eeyan haysan taakulada ay u baahnaayeen. Waxaa markaa dagaalkii soo galay hubkii jiibka ahaa (Waaqle), kaas oo hakiyay in Soomaalidu ay horay u socdaan.

" Ururka aan hoggaaminayay wuxuu ka diriray dhanka bidixda ee buurta. Waxaan dareemay in keyntu ay cidla tahay oo uusan jirin ciidankii aan filaynay in ay halkaa fadhiyaan. Habeenkaas baan farriin u direy ururadii kale oo aan u sheegay in horteyda ay cidla tahay, beri subaxna aan ku dhaqaaqayo. Markuu waaga baryay, dhankaygii ayaan weerar ka bilaabay. Si fudud baan ku gaaray buurtii dhankeedii bidix. Ciidan xoog badan oo aanan ku tala-gelin baa halkaas fadhiyay. Aniga oo la socda kooxdii ugu horeysay ee ururka, waxaanu soo gaarnay buurtii. Markaan halkaas nimid, waxaa inoo muuqatay dayuurad ah kuwa dagaalka oo Itoobiya leedahay. Mar qura baa meel inoo dhow oo hoostayada ahayd, ayaa waxaa ka yeeray bulaan iyo sabcis. Iyagu waxay waxay ahaayeen askartii Itoobiya oo ku farxay dayuurad tooda ah oo dagaalka la soo gashay. Xataa waxaanu maqalnay dumar mashxaradaya. Halkii baan ku ogaaday meesha gabbaadka u ah ciidamadii ila dirirayay. Nasiib wanaag, askari ururkayaga ahaa oo sitay qori lidka dayuuradaha ah baa markiiba intuu gantaal ku ganay soo riday dayuuraddii. Iyadu meel dhulka u dhow ayay ku socotay. Duuliyihii dayuuradda oo aanu maxbuus ahaan u soo qabanay, wuxuu ahaa Dhamme Lagase Tafare. Halkii baanu ku weerarnay. Isla xilligaas, ciidan uu la socday taliyihii guutada, Wadaad-yare, ayaa ku guulaystay in ay buurtii fuulaan ". (Isla marjicii hore).

Buurtaas ay Soomaalidu qabsadeen waxaa fadhiyay ciidankii difaacayay degmada Fiilt. Iyadu waxay buurta u jidhay 5 km. oo qura. Haraagii ciidamadii Itoobiya ayaa markaas u yeerta baabuurtii gaadiidka u ahaa oo ay meel ka shisheysa ku ilaashadeen. Markaasay bilaabeen in ay ku guuraan. Ciidamadii Soomaalida, markii ay arkeen dhaqdhaqaaqa cadowga, waxay u maleeyeen in ciidan dheeri ah uu yimid. Sidaa darteed difaac bay galeen. Hakadkaas galay weerarkii ka socday dhanka Soomaalida, ayaa ciidamadii Itoobiya u noqday fursad ay isku ururiyaan oo ay ku guuraan.

Maalintii xigtay, sahankii Soomaalida ayaa wuxuu soo sheegay in ciidamadii Itoobiya dhamaantood ay ka baxeen aagaggii ay fadhiyeen. Markaasaa Soomaalidii ay magaaladii oo cidla ah soo galeen. Isla ayaamahaas, guutooyinkii kale ee kulmiska ayaa waxay weerareen fadhiyadii soke ee cadowgu uu ku lahaa gobolka. Natiijadii weeraradaas waxay ku dhamaadeen in 11 tuulo lagala wareego Itoobiya. Sidaasna waxaa sheegay wargeesyada caalamka.

" …………………… .  28-kii bisha, waa markii ugu horeysay oo labada dhinac ay caddeeyaan in dagaallo ka socdaan gobolka Baali. Idaacadda Addis-ababa waxay sheegtay in afartii maalmood oo la soo dhaafay ay soo rideen sagaal dayuuradood. Soomaalidu weli waxay beeninayaan in ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan dagaalka. Soomaalidu 11 tuulo ayay ka qabsadeen gobolka Baali "  (Wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisa soo baxay 29/ 7- 1977-kii. Stockholm - Sweden).

Ma wal-walay walaac iyo xumaan weynahow deyeye

Ma waantoobay sow ina Maryama weli sidii maaha

Wejigiisa  foolxumadi  sow  weli  sidii  maaha

Sow ciidankiisaas warracay oon u waray haadda

Sow kuwaa waraabuhu habcaday weli sidii maaha

Sow maxaysataday soo wadeen weli sidii maaha

Anna sow Wardheer iyo Hawaash inaan walaaleeyo

Oo wixii ka haray soo dhacsado  weli sidii maaha

Sow  waranki  Soomaaliyeed  weli  sidii  maaha

Sow  wiilashaan kala  baqayn weli sidii maaha

Sow waaxdiyo waxay walam-sadeen weli xisaab maaha

Sow wankiyo waxarahay cuneen weli xisaab maaha

Dahabki ay walwaasheenna sow weli xisaab maaha

Sow gumeysigii waayo badan weli xisaab maaha

Sow walaalahaygii la dilay weli xisaab maaha (Firin

Qul-qulkii ciidamada Soomaaliyeed ay ku hantiyeen degmooyinka Ogaadeenya, wuxuu walaac ku keenay dowlado badan oo qaaradda Afrika iyo dibaddeedab ku yaal. Taasi waxay dhalisay in mar kale ay soo xoogowdo dhaqaaqilyadii diblomaasiyadda ay dowladaha xiisaynaya howshan la yeelanayeen madaxda labada dal ee muransan. Kulamada uu dagaalku sababay waxaa kamid ahaa booqasho uu Xamar ku yimid wasiirkii dibadda ee Burundi Alberto Muganga, markay taariikhdu ahayd 26/ 7- 1977-kii. Maalintii xigtay oo ahayd 27/ 7- 1977-kii, waxaa isna Xamar yimid madaxweynaha dalka Gueni Bisow Louis Kabral. Booqashada labadan masuul ayaa waxay kamid ahayd dadaal ay madaxda Afrilaanka ah ku bixinayeen sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan geeska Afrika. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoober, tirsigiisii soo baxay  27 - 28/ 7- 1977-kii. Muqdisho - Soomaaliya).

Kor u-kicii heerka dagaalka, wuxuu kaloo danqiyay diblomaasiyaddii dowladihii isku bahaystay siyaasadda bidixda ah oo Ruushku uu kabiirka u ahaa. Dowladahaas oo qudhoodu daaglku uu ku reebay walaac xoog badan, ayaa waxay diiddanaayeen sikashada ay ciidamada Soomaalidu ku durkayeen gudaha Itoobiya. Islamarkaas weli kama dhamaan damacooda ahaa in eeyan lumin xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leeyihiin labada dal ee muranku ka dhexeeyo. Kulamada uu dagaalku sababay waxaa kamid ahaa mid Addis-ababa ku dhex maray danjirihii dowladdii Soofyeetiga A.N. Ratanov iyo sarkaalka Kuuba u qaabilsan cududeynta Itoobiya Jeneraal Arnaldo Ochoa. Labada nin waxay kulmeen 17-kii bishii julay. Wada-hadalkii dhex-maray waxay kaga faalloodeen xaaladda qallafsan oo Itoobiya ay ku sugan tahay. Iyaga oo arintaas ku dheeraaday ayaa waxay isla qiimeeyeen arintan :

" Xagga tayada qalabka dagaalka, Itoobiya waa ay ka liidataa marka loo eego Soomaaliya. Ciidabada maaleeshiyada ee Itoobiya, ma ay laha tababar dagaal oo ku filan. Arimahaasi waxay sababayaan, in dhaqdhaqaaqyada goosashada raba ay awood u helaan in ay maamul ka xasiliyaan in kabadan 75 – 80 dhulka Ereteriya oo ay kamid yihiin degmooyinka Keren, Nacfa, Karora, Decamere iyo Tessenei. Ciidamada jabhadahooda waa 18.000 oo qof. Dhanka Ogaadeenya, gooni u goosadka WSLF (waxay gaaraan 5.000 oo qof), kuwaas oo lagu cududeeyay xoog ka yimid Soomaaliya, waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan intii badnayd ee gobolka. Waxay xuduudda ka wadaan howlo dagaal ah oo ku soo dhowaaday degmooyinka Harar, Jigjiga, Godey  iyo Dirir-dhabe ". (TOP SECRET Copy No. 2. From the journal of  24 August 1977. A.P. RATANOV  Orig. No. 297. Memorandum of Conversation between Soviet Ambassador to Ethiopia A.N. Ratanov and Cuban military official Arnaldo Ochoa, 17 July 1977).

Waxaa jirey wafdi si qarsoodi ah ku baxay oo dowladda Itoobiya ay u dirtay Moosko. Socdaalka wafdiga waxay ku beegnayd 16/ 7- 1977-kii, waxaana hoggaaminayay xoghayntii golaha sare ee ciidamada Itoobiya Fikre Selassie Wogderes. Jeneraalka Kuubaanka ah (Arnaldo Ochoa), wuxuu danjiraha Ruushka u sheegay codsiga ay wafdigu hor-dhigayaan madaxda ay u martiyayaan ee Soofyeetiga. Danjire A.N. Ratanov oo arintaa wax ka sheegay wuxuu qorey sidan :

" Wafdigaas oo u socdaalay Moosko ayaa wuxuu sitay codsi ah in ay Soofyeetiga  weydiistaan hub taangiyo ah. Jeneraalka Kuuba waa uu ka xumaa arintaas oo wuxuu xusay in eeyan xataa diyaarsanayn kaadiriintii ku dagaalami lahaa hubkaas. Wuxuu tilmaamay in codsigaasi yahay weydiin qiimaheedu liidato, islamarkaas ay hoos u dhigeyso hanka laga doonayay golaha saare. Tusaale kale oo tilmaamaysa masuuliyad-darri mas’aladaha la xiriira xagga ciidamada waxay tahay, aragti uu qof u soo jeediyay Mengistu. Waxay ku saabsan tahay baahida loo qabo in la diyaariyo weerar ballaaran oo lagu qaado Hargeysa. Taasi waxay Soomaaliya siinaysaa sabab ay ku bilowdo in dagaalka Ogaadeenya sii ballaariso iyada oo adeegsanaysa taangiyo iyo dayuurado. Taas waxaa ka baxsan halaagga siyaasadeed ee ka dhalanaya haddii Itoobiya ay qaaddo tallaabo caynkaas ah ". (Isla marjicii hore).

Sida xogtan ka muuqata, hiillada Itoobiya maahayn oo keliya mid ciidan. Xataa waxaa loogu hiilinayay in eeyan qatif siyaasadeed ku dhicin. Hadalka Jeneraalka Kuuba, waxaa kale oo ka muuqda kalsooni ah in Itoobiya aanan la qabsanayn. Codsiga taangiyada ah oo ay dalbayaan wafdiga Moosko aaday, wuxuu muujinayaa walaaca ay dowladda Itoobiya qabtay. Laakiin Arnaldo Ochoa, waa uu dhayalsaday codsigaas, isaga oo aanan u muuqan nin walaac ka qaba duulaanka Soomaaliya. Sida isaga la qurxoonayd baa waxay ahaud in wafdigu uu dowladda Soofyeetiga u muujiyo kacaanyannimo iyo in ay yihiin rag caqiidada shuuciyaddu ay dhab ka tahay. Wixii intii ka haray, sida dhici doonta, iyaga ayaa u diyaar ah in ay qabtaan.

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.