Dhaqaaqilyada
diblomaasiyadeed ee looga hortegayay in dagaalku uusan
baahin, middseedii ugu hilan cusleyd waxaa ku tallaabsaday
dowladdii Midowga Soofyeeti. Iyadu waxay ahayd mid xilligaas
xiriir adag la lahayd xukuumadaha labada dal ee dagaalamaya.
Ruushka oo ku guuleystay in uu mar qura dhabta saaro
maamulkii Xamar iyo kii Addis-ababa ayaa waxaa u muuqatay
in dagaalka Ogaadeenya ka bilowday uu dulaaleetiyo u
yeelayo siyaasaddiisa dibadda. Sidaa darteed, iyaga
oo aanan doonayn in ay lumiyaan xiriirka ay la .leeyihiin
labada dowladood ee colka ah, ayaa waxay bilaabeen in
ay dedejiyaan mashruuc ay ku wada-hadalsiiyaan labada
maamul.
Waxaa
jirey codsi uu Maxamad
Siyaad
u gudbiyay madaxda Ruushka sanadka bilowgiisii. Codsigaasi
oo ka horeeyay fadhigii Cadan, ayaa wuxuu mar kale soo
laabtay markii lagu guul-dareystay fadhigaas. Waxaa
kale oo Soomaalidu .ay horey u codsadeen in dowladda
Ruushka ay noqoto midda fidinaysa gogosha lagu wada
hadlayo. Madaxda Soofyeetiga, bishii may ayay u gudbiyeen
codsigaas hoggaamiyaha Itoobiya, isaga oo markaa booqasho
ku jooga Moosko. Mengistu
Xayle Maryam
waa uu oggolaaday codsigii Soomaalida, islamarkaa wuxuu
codsaday in si dhakhso ah loo fuliyo arinka. Wuxuu garanayay
culeyska kaga soo socday dhanka Soomaaliya. Soofyeetiga
kuma eeyan degdegin in ay culeyska ka yareeyaan maamulka
Itoobiya. Waa ay daahiyeen in ay wada-hadal isugu keenaan
labada maamul. Dadka indha-indheeya taariikhda dagaalkaas,
waxay tilmaamaan, ujeeddada gaabisku in ay ahayd in
maamulka Itoobiya uu si wanaagsan isugu dhiibo Moosko
oo iyaga oo baari ah ay ku biiraan dowladaha la meereysta
siyaasadda aqalka Cas.
Bartamihii
bishii julay 1977-kii, markii fagaaraha Ogaadeenya ay
ka bilaabatay in cuntubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliyeed
ay ku biiraan howl-galladii dagaalka, ayaa Soofyeetigu
uu bilaabay xiriirka uu ku wada-hadalsiinayo Soomaaliya
iyo Itoobiya. Dabataaqadii bishii julay ayaa laysugu
yimid fadhigii ugu horeeyay oo xubno ka socda labada
dal ay isku arkeen magaalada Moosko. Saddex bilood ku
dhowaad ayaa markaas laga joogay codsigii Mengistu uu ku dalbaday in la dedejiyo
is aragga Soomaalida iyo Itoobiya.
Wafdigii
Soomaalida, uga qeyb-qaatay wada-hadalka Moosko waxaa
hoggaaminayay Xuseen Cabdulqaadir Qaasim. Isagu wuxuu
markaas ahaa wasiirka biyaha iyo macdanta. Xilligaas
ma jirin wasiir ku magacawnaa wasaaradda arimaha dibadda
ee Soomaaliya. Muddo sanad ka badan ayaa howlaha wasaaraddu
waxay hoos imaneysay xafiiska madaxweyne Maxamad Siyaad.
Sidaa darteed, ninkuu doono ayuu madaxweynuhu u dirayay
adeegyada dibadda looga baahdo. Xuseen Cabdulqaadir
Qaasim, wuxuu ahaa aqoonyahan wax ku soo bartay dalka
Mareekanka. Afka Ingiriiska si wanaagsan u yaqiin. Islamarkaa
hadal-yaqaan ah, qancin kara dadka uu hor fariisto.
Kaddib markii Cumar Carte laga wareejiyay xilkii wasaaradda
dibadda, Xuseen Cabdulqaadir Qaasim ayuu ahaa ninka
la filayay in uu mudan yahay in xilkaas loo dhiibo.
Ergadii ay Soomaalidu u direen Moosko,
waxay ahaayeen saddex nin oo xubno ka ahaa golihii dhexe
ee XHKS. Waxay kala ahaayeen Xuseen
Cabdulqaadir Qaasim,
Maxamuud
Jaamac Axmad
(odaga bangiga dhexe) iyo Axmad
Maxamad Ducaale
oo odey ka ahaa hoggaamadii xisbiga. Dhanka Itoobiya
waxaa iyana ka yimid saddex nin, Berhanu
Bayeh
(ku-xigeenkii Mengistu), Dawit
Waldo
(wasiir-xigeenkii dibadda) iyo Ketachew
Kibret.
Dhamaantood waxay xubno ka ahaayeen golihii Dergo.
Labada
wafdi, waxay Moosko gaareen iyada oo go'aanka Soomaaliduna
uu yahay in eeyan sii deyn magliga ay ku raadinayaan
qadiyaddoodan magoolaysay ee maggowdada ah. Itoobiyaankuna
uu go'aankoodu yahay in eeyan sii deyn magmakaynta gobollada
dhulkeeda. Inkasta oo labadii wafdi la dejiyay hoteel
qura, misana .si .toos .ah .iskuma eeyan arag. Taasina
waxay ahayd xeelad ay garatay dowladda martida loo ahaa.
Labada ergo waxaa u kala dab-qaadayay xubno ka socday
wasaaradda dibadda ee Soofyeetiga. Iyagu waxay u xuleen
in uu howsha ka odeyeeyo diblomaasi culus. Kaasi wuxuu
ahaa wasiir-xigeenkii wasaaradda dibadda L.F. Ilichev.
Markay taariikhdu ahayd 25/ 7- 1977-kii, oo ahayd maalintii
ay si buuxda Soomaalidu u qabsadeen degmooyinkii waaweynaa
ee gobolka, ayay ahayd maalinta uu wada hadalku ka bilowday
Moosko. Nimankii gogosha fidiyay, ayaa markaas ergadii
Soomaalida kula kulmay mid kamid ah qolkii ay degganaayeen.
Waxaa hadalka furay madaxii wafdiga Soomaaliyeed
Xuseen
Cabdulqaadir Qaasim.
Wasiirku wuxuu hadalkiisii ku bilaabay, wafdiga Soomaaliyeed
in ay Moosko yimaadeen iyaga oo raja wanaagsan qaba,
islamarkaana rumeysan dadaalka madaxda Soofyeetiga ay
ugu jiraan howshan, in ay tahay adeeg wanaagsan oo xal
lagaga gaari karo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo
Itoobiya. Madaxa wafdiga Soomaaliyeed wuxuu eedeyn u
soo jeediyay dowladda Itoobiya. Soomaalidu waxay tilmaameen
aragtida ah in khilaafka lagu xalliyo iyada oo labada
dal ay wadajir u dhisaan maamul federaal ah. Waxay Itoobiya
ku eedeeyeen in ay arainkaas kaga jawaabtay in ay faafisay
brotokoolkii qarsoodiga ahaa ee wada-hadalka labada
dal. Islamarkaana ay weerar warbaahin ah ku qaaday Soomaaliya.
Wafdiga Soomaalida wuxuu xoogga saaray
in doodda kulanka ay marka hore ku dhacdo heer khubaro.
Taasina waa si looga fogaado in qodobadu iska hor yimaadaan.
Iyagu waxay fadileen in dooddu ay ku ekaato laba qodob
midkood. Ama in ay ahaato mid la xiriirta xiisadda ka
dhex-taagan labada dal. Ama ay ahaato su'aasha la xiriirta
khadda marta xuduudda labada dal ee gumeysigu sameeyay.
Sida uu wafdigu sheegay, qeyb kamid ah dhulkaas oo ay
ku nool yihiin dad-weyne Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka
taliya dowladda Itoobiya oo iyadu ku haysa maamul gumeysa.
Hadalkii wafdiga Soomaalida waxaa kamid ahaa sidan :
''
Majiro dal isku magacaabi kara in uu yahay hanti-wadaag,
ama dal ku taagan waddada hanti-wadaagga ah, haddiiba
uu dalkaasi weli, cadaadiskii gumeysiga uu ku hayo bulsho
ama gobol kamid ah dal kale. Xaaladdaas gumeysi waa
mid laga dhaxlay xilligii ay jidhay Embraadooriyaddii
Itoobiya. Waxay soo socotay illaa ay Soomaalidu qaateen
madax-bannaani. beddelka ku yimid magacii ahaa Embraadooriyadda
Itoobiya ee hadda la baxay Itoobiyada Hanti-wadaagga
ah, wuxuu lamid yahay beddelkii ku dhacay magacii ahaa
Abasiinya oo goor danbe la baxay Embraadooriyadda Itoobiya.
Beddelka magacyadaasi maahan kuwo beddel ku keeni-kara
darajada ugu yar oo ay leedahayhowl-dowladeedka. Waa
taas sababta uu wafdiga Soomaaliyeed u doortay in mas'aladda
dhex-taalka ah ee doodda imanaysa in ay ahaato heer
khubaro ka kala socda labada dal. Ayna ka wada-hadlaan
ballan-qaad ku aaddan aaya ka-taliska iyo madax-bannaanida
Soomaalida tirada yar ee lagu cadaadiyo xuduudda Itoobiya
gudaheeda ''. (From the journal of Secret. Copy
no. 10. Record of Negotiations between Somali and Soviet
Officials in Moscow,
25-29 July 1977 (excerpts). L.F. Ilichev and Minister
of Mineral and Water Resources of Somalia,
Head of Delegation of Experts Hussein Abdulkadir Kasim
(first level). 11
August 1977. No. 2148/GS).
Xuseen Cabdulqaadir, marna kama
uusan hadlin dagaallada culus eek u soo kordhay cimiladii
gobolka. Ergadii Soofyeetiga, iyaga oo jeclaa in ay
ereyo ku aaddan howshaas ay ka dhegeystaan Soomaalida,
ayaanan gafin in ay ka wareystaan wafdiga Soomaaliyeed.
Madaxa wafdiga Soomaalida oo arintaa ka jawaabaya wuxuu
xusay in uu jiro dha-dhaqaaq ciidameed oo kooxo waddaniyiin
ah ay ka wadaan gobolka ay Itoobiya gumeysato. Wuxuu
tilmaamay in falalkaasi ay yihiin halgan ay dadkaasi
ku doonayaan madax-bannaanida ay xaqa u leeyihiin. Sidaa
darteed bay yiraahdeen golalyada laga wada hadlayo,
middeeda ugu horeysa waa in ay noqotaa rag khubaro ah
oo ka wada hadla khadka ka jira xuduudda. Taasina waa
midda keliya oo suuragelinaysa in loo tallaabo doodda
qeybteeda labaad oo ah in la gaabiyo liifadda xiisadda
ku soo korortay xiriirkii ka dhexeeyay labada dal. Isaga
oo hadalkiisii sii wata, Xuseen Cabdulqaadir wuxuu yiri
:
''
Xaaladda hadda taagan, waa natiijo ka dhalatay xaqiiqada
ah, in Itoobiya sanooyin badan ay diiddanayd is-haysadka
dhulka Soomaalida. Islamarkaa waxay cadaadisaa oo baabi'saa
bulshada Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan "
(Isla marjicii hore).
Ku-xigeenka
wasiirkii dibadda ee Soofyeetiga L.F. Ilichev, isaga
oo goor danbe ka sheekeynaya fadhigaas, wuxuu yiri :
''
Dhankayga waxaanu caddeynay xiisadda ka dhex taagan
xiriirka labada dal ee aanu saaxiibka la nahay, in ay
nagu abuureyso wel-wel daran. Waxaan tilmaamay sida
eeyan suuragal u ahayn in xal xoog ah laga gaaro su'aalaha
laysku hayo, gaar ahaan xaaladda carri-edeg ee lagu
sugan yahay. Waxaan soo qaatay khatarta runta ah, ee
ah xiisad tan oo kale ah in ay suuragal tahay in ay
adeegsadaan cadowga Afrika, iyo kuwa cadowga ku ah isbeddelka
hor u socodka ah ee ka jira Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaan tilmaamay in eeyan jirin mas'alad ku saabsan
xiriirka u dhexeeya waddamada hanti-wadaagga ah ama
kuwa ku socda waddada hanti-wadaagga ah, taas oo lagu
xalliyi karo waddo aanan ahayn dagaal. Balse lagu xalliyi
karo hab nabadeed ''. (Isla marjicii hore).
Wasiir-xigeenka
dibadda ee martida loo yahay, ayaa dood taas lamid ah
ay is weydaarteen ergadii ka socotay dalka Itoobiya
ee ergada ahaa. Judhii horeba wuxuu saraakiisha Dergo
ka codsaday in ay tanaasul la yimaadaan, si loo badbaadiyo
maamullada kacaanka ah ee ka dhisnan labada dal. Ruushka
waxaa u muuqatay Soomaalidu in eeyan marna ka harayn
gobolka ay sheeganayaan, taasina ay tahay mid ay xaq
u leeyihiin. Waxaa jirey waraaqo rasmi ah oo la qorey
madax-bannaanidii dabadeed (dastuurkii dalka), kuwaas
oo ay ku xusnayd baadi-goobka dhulka ka maqan Soomaaliya.
Xurgufta ka jidhay xilligaas gobolka Ogaadeenya, ayaa
waxay ahayd dhagax hor taagan siyaasadda dibadda ee
USSR. Gaar ahaan istraateejiyada uu ka lahaa geeska
Afrika ee uu kula hardamayay dowladaha reer galbeedka
ee uu ugu weyn yahay Mareekanka.
Madaxa
ergadii Itoobiya, Berhanu Bayeh, isaga oo ka jawaabaya
tanaasulka uu Soofyeetigu codsaday, wuxuu yiri :
"
Dhibaatada xalka loo la'yahay ee dhex taal Itoobiya
iyo Soomaaliya, waa khadka xuduudda ee maahan mid dhul
ah. Khadka xuduudda marta ee u dhexeysa Itoobiya iyo
gobolka lagu magacaabo British Somaliland, inta la xadeeyay
ayaa la calaamadiyay. Laakiin xuduudda u dhexeysa Itoobiya
iyo Italian Somaliland, si ku meel-gaar ah ayaa loogu
xariiqay heshiis dhacay sanadkii 1908. Si dhameystiran
looma calaamadin.
Dabadeed
ergadii Soofyeetiga waxay bilaabeen in ay labadii dhinac
u soo jeediyaan talooyin. Waxaa kamid ahaa sidan :
1)
In la abuuro cimilo wanaagsan oo ka dhexeysa labada
dal
2)
In la caymiyo fahamka tilmaamaya xaqiiqada ah in eeyan
suuragal ahayn in mas'aladda khilaafka lagu xalliyo
xoog iyo xurguf.
3)
In lagu dadaalo sidii loo caymin lahaa in natiijada
wada-hadalka khubarada laga yeelo mid talo loogu gudbiyo
labada dowladood, kaas oo hadafkiisu yahay in la abuuro
xaalad saaxiibtinimo iyo xiriir wanaagsan oo saldhig
u noqda xalka khilaafka jira ee ka dhexeeya labada dowladood.
'' Waxaan sheegay, dhanka Soofyeetiga
in eeyan jirin qorshe ah inaan yeerino xal khasab ah
oo ku wajahan mas'aladaha ay labada dal ku muransan
yihiin ''. (Isla marjicii hore).
Kaddib
markii ay dooddii ay soo gaba-gabowday doodihii lays
dhaafsanayay, xubnihii Soofyeetiga waxay ahaayeen kuwo
ku qanacsan go'aanka labada dhinac ee ah in sii wadaan
wada-hadalka magaalada Moosko. Taas oo ay ku hagaajinayaan
xirirka xumaaday ee labada dal. Xubnaha Soofyeetiga
ayaa waxay sheegeen in ay la dhacsan yihiin dalabka
madaxweyne Maxamad Siyaad ee ahaa in Soofyeetigu gogol
fidiyo uu ku habeynayo kulanka, isla-markaana ku daadihinayo
habsamida lagu socodsiinayo wada-hadalka. Isla-markaas
waxay u rajeeyeen kulamada danbe ee iman doona in ay
ahaadaan kuwo lagu gaaro guul.
'' Daacadnimo maahan in aanan sheegin in xaaladda
gobolka ka taagan ay qallafsanaan kororsatay, sidaa
darteed waa muhim in la qaado tallaabo haboon oo deg-deg
ah. Waxaanu rajeeneynaa, ergada labada kooxood in marka
horeba ay ku dadaalaan in ay abuuraan cimilo aragtiyeed
oo ay ku muujinayaan in ay wanaag u doonayaan ku tallaabsiga
koowaad ee wax lagu dhisayo. Yaanan lagu soo boodin
meelaha laysku khilaafsan yahay ee ah qodobada gadaal
ka imanaya, kuwaas oo hor is-taagaya in la suurageliyo
socodsiinta wada-hadalka. ................. '' (Isla
marjicii hore).
Ergeyga
Ruushka ah wuxuu jeclaa in wafdiga Soomaalida ay ka
dhegeystaan barnaamijka lagu socodsiinayo fadhiga, muddada
uu fadhigu soconayo iyo weliba qodobo laysugu iman karo.
Ruushku ma uusan doonayn in uu u muuqdo mid faraha la
gelaya habsamida socodsiinta wada-hadalka iyo muddada
uu soconayo. Wuxuu doonayay in ay arintaasi ka timaaddo
ergada martida ah ee ka socda labada dowladood. Ergada
Soomaalida qudhoodu fursad ma eeyan bixin aanan ahayn
in si toos ah ay iyaga iyo Itoobiyaanka uga wada hadlaan
madax-bannaanida qowmiyadaha ku hoos jira maamulka Itoobiya.
Arintaas ergaygii Ruushka waxay ugu muuqatay in eeyan
ahayn mid uu ula tegi karo Itoobiyaanka. Isaga oo ka
hadlaya wuxuu yiri :
''
Waxaanu ognahay, sida aad idinkuba ogtihiin, hoggaanka
Itoobiya wuxuu diyaariyay barnaamij qoraal ah oo si
dimoqraadi ah uu xal ugu raadinayo arrimaha la xiriira
xal u helidda mas’aladda qowmiyadaha ''. (Isla
marjicii hore).
Ruushku
wuxuu kaloo diiddanaa, fadhiga ugu horeeya oo ay yeelanayaan
xubnaha labada ergo in uusan noqon mid shuruud ku xiran.
Taasina wuxuu ku doonayay in la sahlo hor u-socodsiinta
wada-hadalka. Inkasta oo Ruushku ay marar badan soo
hadal-qaadeen arintaas, misana sida ay sheegeen dhanka
Soomaalida kama eeyan helin jawaab.
Saadiq
Enow