Fadhigii
maalintii koowaad wuxuu dhamaaday iyada oo uusan muuqan
arimo laga mideysan yahay oo labad dhinac laysugu keeni
karo. Labada ergo oo la wada-hadalsiinayay baa waxay
kala is-taageen laba daraf oo aanan aqbal u lahayn debecsanaanta
diblomaasiyadeed. Soofyeetiga waxaa mar walba ka go'nayd
in eeyan ka harin wada-hadalsiinta labada dal.
Sidaa darteed waxay hoosta ka xariiqdeen qodobo
ula muuqday in labada dhinac ay raali ka noqon karaan
in lagu socodsiiyo wada-hadalka bilowga ah. Qodobadaas
waxay ahaayeen sidan :
1) Ictiraaf ah, xiisadda labada dhinac oo
sii socotaa in eeyan dan ugu jirin labada dal ee Soomaaliya
iyo Itoobiya.
2) In labada dhinac ay ka fogaadaan
in xoog ay ku xalliyaan muranka u
dhexeeya, ayna raadiyaanxal loo maro waddo nabadeed
iyo wada-hadal.
3) Dhowrista waajibka labada dhinac ka saaran
ilaalada nabadgelyada iyo xasilloonida xuduudda u dhexeysa.
4) Dadaal ay labada dal u galaan in ay si
wada-jir ah uga shaqeeyaan hor u marinta xiriirka dhaqaale,
ganacsi, iyo dhaqan, taas oo ay ka shaqeeyaan ururo
iskood isu xil-qaamay. Iyo in lays dhaafsado khuboro
u kuur-gala arimaha.
Maalintii ay bishu ahayd 26-kii julay, waxaa
markale dib furmay wada-hadalladii bilowday. Ergadii
Soomaalida waxba kama eeyan beddelin qodobkoodii ahaa
in wada-hadalku uu ahaado mid ku kooban dhulka Itoobiya
ay ka haysato Soomaaliya. Markaasaa Ruushku wuxuu sheegay,
haddii sidaas dooddu ku socoto, wixii dadaal loo galay
dhex-dhexaadinta labada dal, in ay noqonayso hal bacaad
lagu lisay. Taasina ay sabab u noqonayso in khilaafka
jira lagu xalliyo qori caaraddiis. Sidaasna looga fursan
waayo dagaal furan in uu bilowdo oo labada dowladood
dhex-maro. Wasiir xugeenkii Ruushka, F.L.
Ilichev
ayaa yiri sidan :
'' Mowqifka aanu khilaafkan ka taagannahay
waxay tahay in xalka lagu raadiyo waddo nabad ah iyo
qaab wada-hadal, iyada oo(labada dal) midba uu midka
kale xushmeynayo. Midowga Soofyeeti wuxuu qabaa ra’yigii
madaxweyne Maxamad Siyaad
oo ahaa, si xal looga gaaro khilaafka jira, in
Soomaalidu eeyan sinaba u qaadin dagaal. Sidaasi waxay
ku xusnayd farriin uu helay L.
I. Brezhnev.
Sidaas oo kale waxaa ku hadlay wafdi sare oo ka socday
XHKS, kaas oo soo booqday USSR sanadkii hore
''.
(From
the journal of Secret. Copy no. 10. Record of Negotiations
between Somali and Soviet Officials in Moscow, 25-29 July 1977 (excerpts). L.F. Ilichev and Minister
of Mineral and Water Resources of Somalia, Head of Delegation of Experts
Hussein Abdulkadir Kasim (first level). 11
August 1977. No. 2148/GS).
Ergeygii Ruushka wuxuu sheegay in mar kabadan,
meelo badan oo dhanka Soomaalida ah ay ka heleen farriimo
noocaas ah. Rag xilal kala duwan hayana ay caynkaas
ku hadleen. Sidaa darteed ay rumeysteen in Soomaalidu
eeyan weerar ku qaadeyn Itoobiya.
'' Sikastaba xaaladdu ha ahaatee, ogaallada
aanu helnay waxay ka marag kacayaan xaqiiqada ah in
howl-gallo dagaal ciidameed ee furan uu bilowday. Kooxo
ka tirsan ciidamada rigliga ah ee Soomaaliya, iyaga
oo adeegsanaya taangiyo iyo dayuurado ayay ka tallaabeen
xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan
doonayay in dooddu ay noqoto mid waaqici ah oo eeyan
noqon mid mala-awaal ku dhisan ''. (Isla
marjicii hore).
Inkasta oo ay waaqici ahaayeen ereyadaas
qurxoon ee uu ku hadlay diblomaasiga martida loo ahaa,
misana maahayn kuwo ka turjumayay xanuunka uu Soomaalidu
ku hayay dhulkooda ka maqan. Maahayn mid wax yar ku
kordhinayay dhiigii badnaa oo faco kala duwan ay gobolka
u qubeen muddada 100-ka sano ku dhow. Sidaa darteed,
wafdigii Soomaalida inkiraad ayuu ka hor-geeyay hadalkii
diblomaasiga. Xuseen Cabdulqaadir Qaasim oo u jawaabaya ergeyga Ruushka
ah wuxuu yiri :
'' Haddii mas’aladda laga hadlayo ay tahay
mid ku
saabsan howl-gallo dagaal oo Soomaalidu ay la beegteen
Itoobiya, markaas ma jireyso arin ay ergada Soomaaliyeed
u fadhiyaan dooddeeda. Dagaalka socdaa waa mid u dhexeeya
Itoobiya iyo dhaqdhaqaaq gobanimo-doon ah oo ay wadaan
dad-weynaha Soomaaliyeed ee ku nool dhulka la haysto.
Halgankana, sida dhabta ah waxaa wada dhaqdhaqaaqaas,
ee maahan mid ay ka danbeyso JDS ''. (Isla marjicii hore).
Sheekadii waxay dib ugu noqotay halkii ay
ka bilaabatay oo ahayd gumeysi-doon iyo gobanimo-doon.
Waana middaas tan runta ah ee Soofyeetigu ay doonayeen
in ay hilankeeda ka leexiyaan, Soomaaliduna ay ka madax
adeygeen. Ergeygii Ruushka ayaa markaas bilaabay in
uu ka waramo hiillada uu dalkiisu la garab taagan yahay
xoogagga gobanimo-doonka ah ee caalamka. Isaga oo arintaas
ku beer-laxawsanaya ayuu wuxuu sheegay, kacaankii oktoober
ee weynaa ee ka curtay dalka Midowga Soofyeeti, sida
uu isu garab taagay dhaqdhaqaaqyada gobanimo-doonka
ee ka jira dalalka dunida oo dhan. Wuxuu xusay in JQ
ka Dh ay markhaati ka tahay arintaas. Isaga oo
hadalkiisii sii wata wuxuu yiri :
'' Waxaan jeclahay inaan mar kale kuu
sheego inaan diyaarinayno meeshii aad wada fariisan
lahaydeen si aad (Itoobiya) u wada hadashaan, taasi
waa haddii dhanka Itoobiya laga oggolaado in saldhigga
doodda ay noqoto dalka lagu muransan yahay. Laakiin
haddii ergada Itoobiya ay soo hor-mariyaan eedeynta
howl-gallada ciidameed oo ay Soomaalidu wadaan, waxaa
markaas dhacaya in aanan wax hor u mar ah la gaarin,
ama ha noqoto howlaha fadhigan ama ha noqoto xiriirka
labada dhinac ''. (Isla
marjicii hore).
Dooddii markii ay wejigaas yeelatay, madaxii
ergada Soomaaliyeed X.
C. Qaasim,
wuxuu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyay sidan :
'' Ma garanayo in Midowga Soofyeeti ay
wax ka qaban karaan iyada oo
xaaladaha lagu jiro ay sidan tahay. Nasiib-darro,
tusaale lagu fashilmay buu ahaa dhex-dhexaadintii uu
galay Fidel
Castro,
markii uu Mengistu Xayle Mariam diidmo ka muujiyay fursaddii ahayd
in la soo qaado mas’aladda dhulka. Laakiin isagu wuxuu
halkeedii geliyay in laga doodo mas’alad kasta ee kale,
taas oo ahayd kuwo ka ahmiyad liitay (taa hore). Rumeyso inaanu arintan daacad
ka nahay, annagu waanu ka xumaanaynaa haddii adeegga
wanaagsan oo USSR ay wadaan uu nqodo mid lagu gaari
waayo natiijo hagaagsan ''. (Isla marjicii hore).
Kaddib markii ergadii Itoobiya ay diideen
in lagala hadlo dhulka Ogaadeenya, ayaa wada-hadalkii
xirmay. Laba maalmood baa laysku soo nastay. Dabadeed
29-kii bisha ayaa dib leysugu soo laabtay. Ergadii Soofyeetiga
waxay guda-galeen in ay mar kale dhegeystaan aragtiyaalka
labada dhinac. Qolo walba halkeedii bay ku adkaysatay.
Xubnihii Soofyeetiga ayaa markaas waxay soo bandhigeen
qodobadii ay horey u xuleen ee ahaa kuwo ula muuqday
in lagu sii socodsiin karo wada-hadalka labada dhinac
ee ciriiriga galay. Xuseen
Cabulqaadir,
baa markaas u sheegay in Soomaalidu eeyan waxba ku kordhinaynin
aragtida ay qabeen, taas oo ay horey u sheegeen.
Wasiirka Soomaaliyeed, wuxuu kaloo sheegay, qodobadan
uu Soofyeetigu keenay, in ay gaarsiin doonaan dowladdii
Soomaaliyeed. Dabadeed ereyo wanaagsan ayuu kula hadlay
raggii martida loo ahaa. Wuxuu xusay qoraal uu L.I.
Brezhnev
u soo diray madaxweyne Maxamad
Siyaad
uu ugu sheegayo in Soofyeetigu ay oggolaadeen inay fidiyaan
gogosha wada-hadalka. Xuseen Cabdulqaadir wuxuu hadalkiisii raaciyay in arintaasi
ay tahay adeeg wanaagsan oo xambaarsan daacad-nimo iyo
xilkas-nimo.
" Waxay nala tahay in ay suuragal
tahay in la bilaabo wada-hadal lagu gaaro yool saldhiggiisu
yahay xasilinta xiriir
wanaagsan ee dhex-mara Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaanu aragnaa in arintaasi tahay furihii waddada u
furi lahaa wada-shaqayn lagu gaaro xasillooni lagaga
gudbo dhibaatooyinka adag ee hor-yaalla xiriirka deresnimo
ee dalalka geeska Afrika ". (Isla
marjicii hore).
Muddadii uu wada-hadalku socday, hoggaanka
dowladda Soofyeetiga laba jeer ayuu la soo xiriiray
Soomaaliya. Hoggaamiye Brezhnev, ayaa labada jeer dhambaal qofeed
u direy madaxweyne Maxamad
Siyaad.
Nuxurka dhambaalku wuxuu ahaa dalab uu Soomaalida ka
codsanayay in ay debciyaan liifadda colaadeed. Soomaaliduna
waxaa u muuqatay qadiyadda qowmiyadeed oo ay raadkeeda
ku joogeen. Caarranaantu waxay ahayd dareen ahaa in
la gaaray xilligii ay mireheeda goosan lahaayeen. Waxaa
xusid mudan in Soofyeetigu uu garab taagnaa Soomaalida
iyo qadiyaddooda wixii ka horeeyay falkii lagu af-gembiyay
maamulkii boqor Xayle
Selaesse.
29/ 7- 1977-kii, waxaa dhamaaday wadahadalkii,
iyada oo aanan wax natiijo ah laga gaarin qadiyaddii
fadhiga loo qabtay. Waxaase lagu heshiiyay in qolo waliba
ay wada-tashi ula noqoto dowladdeedii, dabadeedna dib
laysugu soo laabto. Isla maalintaa oo fadhigu dhamaaday,
Brezhnev wuxuu Moosko kula kulmay wafdi
sare ee ka socda saraakiisha Dergo ee u taliya Itoobiya.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay xoghaynta golaha sare ee
Dergo Gaashaanle
Fikre Selaesse Wogderes. Farriin uu ka waday Mengistu
ayaa waxaa kamid ahaa sidan :
" Waanu fahmaynaa xaaladda qalafsan
oo Soofyeetiga hor-taagan. Kaalmada ciidan oo Itoobiya
aad u fidinaysaan, waa mid halis u keeneysa fursadda
aad Soomaaliya ku haysataan (Berbera). Arintaasi fiiro
ayaanu u leenahay, waana mid nagu tallaalan haddaanu
nahay kacaanyahan, inaanu ilaalino maslaxadda Midowga
Soofyeeti uu ku leeyahay dowladdaas. Waxaanu rajeeneynaa
guusha uu gaaro kacaanka Itoobiya ee diiddan hannaanka
Imberiyaaliyadda ah, in ay qeyb ka qaadato kacaamada
caalamiga ah ". (Isla
marjicii hore).
Ergooyinkii labada dal, mid waliba wuxuu
u dhoofay dalkiisii. Ujeeddadu waxay ahayd in ay la
soo tashadaan madaxdoodii oo dib laysugu soo laabto,
si markaas dooddu ay ka gudubto heerka qori ku-taagga
ah. Ayaamahaas oo ku beegan bilowgii bishii agosto 1977-kii,
waxaa laba-kacleeyay dagaalkii ka socday Ogaadeenya.
Soomaalidu waxay xoojiyeen weerarkii ay ku qaadeen degmada
Dhagax-buur. Degmadaasi waa ay ka ciidan badnayd, kana
qalab badnayd degmooyinkii ay Soomaalidu horey uga xoreeyeen
ciidamada Itoobiya. Sidaa darteed Soomaalidu waxay ku
weerareen degmada ciidan iyo qalab la kuf ah. Taasi
waxay kallaiftay in uu halkaas ka dhaco dagaal ka culus
kuwii ka dhacay degmooyinkii Godey War-dheer iyo Qabri-dahare.
Markii magaalada laga kiciyay ciidamadii Itoobiya, Soomaalidii
waxay bilaabeen in ay ku sikadaan degmooyinkii yar-yaraa
ee ka sokeeyay Jigjiga iyo Dirir-dhabe, si ay ugu gogol-xaaraan
weeraro waaweyn oo ay la beegsanayeen degmooyinkaas
istraateejiga ah.
Arimahaasi waxay dhaceen muddadii u dhaxaysay
labada fadhi. Sidaa darteed golihii ciidamada ee Dergo,
xiiso uma qabin in ay Moosko u soo dhoofaan, si ay uga
qeyb-qaataan wada-hadalka Soomaalida, iyada oo ay u
muuqatay halaagga ciidamadooda ku haystay gobolka Ogaadeenya.
G/
Dh. Dawit Waldo
ayuu ahaa ninka iska-lahaa talada ay ku soo baxeen ergadii
Itoobiya. Isagu wuxuu arkayay inaan marna la xayirin
fursadda wada-hadalka. Dowladdiisiina waa ay ka yeeshay.
Markii ay Soomaalidu qabsadeen Dhagax-buur
oo ahayd 6/ 8- 1977-kii, maalin kaddib (7/ 8- 1977-kii)
ayaa labadii wafdi ay soo gaareen Moosko. Fadhigii labaad
waxaa laysugu yimid 8-dii bisha agosto, kaas oo socday
illaa 12-kii
bisha. Ergada Soomaalida waxay ahaayeen saddexdii nin
ee hore. Waxaa weheliyay danjirihii Soomaalida u fadhiyay
Moosko Cali
Ismaaciil Warsame
iyo u-qeybsanaha safaaradda arimaha ciidanka Gaashaanle
Saalax Xaaji.
Dhanka Soofyeetiga, waxay ahaayeen F.L.
Ilichev
oo ahaa wasiir-xigeenka arimaha dibadda, V.A.
Ustanov
hoggaanka waaxda Afrika ee saddexaad wasaaradda dibadda
iyo O.N.
Khlestov
oo isna odey ka ahaa waax ka tirsan wasaaradda dibadda.
Labadii ergo ee wada-hadalku u socday, waa
ay isu soo laabteen iyada oo mid waliba mowqifkeedu
uu ka adag yahay halkii ay markii hore taagnayd. Ergadii
Soofyeetigu ay u xuleen socodsiinta wada-hadalka ayaa
fadhigoodii ku bilaabay in ay la shiraan ergadii Soomaalida.
Iyaga oo qaabkii kulanka aanan waxba ka beddelin ayay
si kala gaar ah ula kulmeen labadii ergo. Ergadii Soomaalida
oo ay ku hor-mareen baa mahad-celin u jeediyay dowladda
Soofyeetiga dadaalka ay ugu adeegayaan in xal loo helo
xasaradda ka taagan geeska Afrika. Islamarkaa waxay
u sheegeen in ay Moosko joogayaan illaa iyo 12-ka bisha,
ayna ku khasban yihiin in ay raacaan duulimaadka shirkadda
Aeroflot ay ku tagto Xamar maalinta isniinta
ah. Maalintaas ay ergadu tilmaameen bishu waxay ahayd
13/ 7- 1977-kii. Sidaas si lamaid ah ayaa Ergadii Itoobiya
ay iyaguna muujiyeen. F.L. Ilichev
oo arintaas ka war-bixinaya wuxuu yiri :
" Anigana hadalkii waxaan ku furtay
mahad-celin ku saabsan sida ay u qiimeeyeen dadaalka
USSR uu ku baadi-goobayo qodob ay labada dhinac aqbalaan,
kaas oo si toos ah wax uga qabta sidii loo hagaajin
lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Islamarkaa waxaan
caddeeyay in kulankii kala gaarka ahaa ee aan la qaatay
ergadii Soomaaliya iyo Itoobiya, qolo waliba in ay ku
dheggan tahay meel aanan heshiis oggolayn, taas oo sida
dhabta ah diiddan in wax lays-dhaafsado. Ergada Soofyeetiga
waxaa u muuqatay, sidii ay horeyba u arkayeen, inaanan
waxba laga qaban kor u-kaca dhacdooyinka. Taasi waxay
ka yeeshay qoraalladii ay Soofiyeetigu doonayeen in
ay ka mira-dhaliyaan, mid aanan suuragal ahayn. Qoraalladaasi
waa kuwo weli shaqeynaya, oo sida dhabta ah weli la
adeegsan karo. Waa kuwo, sida dhabta ah, lagu gaari
karo yool qiima leh, gaar ahaan xilligaan uu weli socdo
kor u-kaca howl-gallada ciidameed ". (Isla
marjicii hore).
Kasokow ilaalada masaalixda dowladeed, diblomaasiyadda
Soofyeetigu ceeb ayay ku ahayd in dagaal xooggan uu
dhex-maro laba dal oo siyaasaddoodu ay ku sidkan tahay
aqalka Cas ee Krimiliinka. Isaga ayaa waayeel ka ahaa
gobolka lagu dirirayay, mana jirin dowlad kale oo weyn
oo faraha kula jidhay xilligaas.
Sidaa darteed, wuxuu ku khasbanaa in uusan marna
xirin iridaha wada-hadalka. Laakiin waxaa hor istaagay
caqabad aan la dhaafi karin. Waa mowqifka aanan isu
iman karin oo ay labada wafdi kala taagnaayeen. Madaxda
Itoobiya oo gobolka Ogaadeenya u arkay hanti ay leeyihiin,
ayaa waxay ahaayeen saraakiil anshax-aqooneedkoodu ay
saldhig u tahay difaaca hantidaas. G/
Dh. Berhanu Bayeh
oo hor-kacayay ergada Itoobiya, ayaa arintaas tilmaamay
markuu hadalkiisii ku daray ereyadan :
" Itoobiya waxay diyaar u tahay in
Soomaaliya ay kala hadasho in la xariiqo khadka xuduudda
inoo dhaxaysa. Laakiin diyaar uma aha in ay Soomaaliya
kala hadasho dhibaato dhul ay iyadu sheeganayso. Waayo
dhibaato caynkaas ah oo na dhex-taal majidho ".
(Red Tears. Dawit
Wolde Giorgis, 1982, p. 46).
Soomaalida
waxay og-yihiin taariikhda laga qaatay gobolka iyo gumeysigii
bixiyay. Waxaa arintaa u weheliyay, waxay ku jireen
xilli ay ummad ahaan u baaluqeen oo ay awood u yeesheen
in Itoobiya ay la xisaabtamaan. Xuseen Cabdiqaasim oo
la hadlaya ergadii Ruushka ayaa isagana yiri sidan :
" Sida la ogsoon yahay, Soomaaliya
waxay qiimeeneysaa xiriirka saaxiibtinimo oo Itoobiya
ay la yeelatay Midowga Soofyeeti, iyada oo Itoobiya
ay sheeganayso in ay ku socoto hannaanka hanti-wadaagga
ah. Laakiin waxaa dhab ah in Soomaalidu ay diidan yihiin
mabaadiida ay Itoobiya sheeganayso. Taasina waa sida
ay Soomaalidu qabaan oo ah in Itoobiya eeyan weli helin
waddo dhab ah ee cadow ku ah emberiyaaliyadda. Mid waa
laga raja qabi karaa, waxay tahay tallaabooyinka ay
Itoobiya qaadday xilligan lagu jiro oo horseed u noqon
kara natiijooyin wax lagu dhiso ". (From
the journal of I.F. Ilichev. No. 2289/GS. Secret. Copy
no. 8. 26
August 1977. Record of a Conversation
with the Minister of Mineral and Water Resources of
Somalia, Head of Delegation of Experts Hussein
Abdulkadir Kasim. second level).
Natiijada wada-hadalkii dhacay maalintii
koowaad, wuxuu ku dhamaaday fashilaad. Taasina waxay
ahayd arin la filayay in ay sidaas u dhacdo. Ergadii
Ruushka, iyaga oo qiimeynaya wada-hadalkii ay Soomaalida
la yeesheen, waxay tilmaameen damaca Soomaalida kaga
jirey in ay geeska Afrika ka dhisaan dowlad hanti-wadaag
ah ee sal-ballaaran. Taas oo ay ku bahoobaan dhamaan
qowmiyadaha Itoobiya iyo Soomaaliya, islamarkaa ay Soomaalidu
hoggaanka u hayso. Inkasta oo Ruushku ay is tusiyeen
isu dhowaansho badan oo ka dhexeysa Soomaalida iyo Itoobiya
oo ay kaga duwan yihiin dadka kula nool qaaradda Afrika,
misana waa ay ku adkaatay in ay horseedaan fikraddaas
ay Soomaalidu gadaal ka riixayeen.
Maalintii labaad ayaa fadhigii mar-kale bilowday.
Sidii caadadu ahayd ayuu ku socday oo ergadii Ruushka
ayaa u kala dab-qaadayay labada wafdi. Ergadii Itoobiya,
waxay maalintaas soo fariisteen iyaga oo huwan go'aan
adag oo dowladdoodii ay gaadhay. Go'aankaasi waxaa soo
qorey wargeesyada dalkooda, islamarkaana waxaa laga
baahiyay idaacadda Addis-ababa. Go'aanku wuxuu ahaa
in Itoobiya ay ka go'an tahay in ay Soomaaliya
siiso cashar lama illaawaan ah. Waxaa kale oo go'aanku
uu xusay in dowladda Itoobiya ay ka go'an tahay in ay
Soomaaliya ku qaaddo dagaal furan. Arintaasi waxay ogeysiisay
dhamaan dowladaha hanti-wadaagga ah oo Soofyeetigu uu
kamid yahay.
F.L. Ilichev wuxuu
isku deyay in uu qanciyo Itoobiya, maadaama Soomaaliya
ay tahay midda dulman oo dhul iyo dad laga haysto. Si
qabow ayuu kula hadllay wafdigii Itoobiya isaga oo ka
codsanaya in ay tanaasul sameeyaan oo ay oggoladaan
in gobolka Ogaadeenya uu madax-bannaani qaato, iyada
oo ujeeddadu tahay in la badbaadiyo labada maamul ee
kacaanka ah ee ka dhisan Muqdishow iyo Addis-ababa.
Wuxuu tusaale u soo qaatay kacaankii ka curtay USSR
ee uu hoggaaminayay V.I.
Lenin,
kaas oo markii uu guuleystay madax-bannaani siiyay dalka
Finland oo markaas ahaa gobol uu ka talinayay qeysarkii
Ruushka. Berhanu
Bayeh,
markii uu hadalkaas maqlay aad buu uga diday, wuxuuna
ku jawaabay sidan :
" Itoobiya waa ay u dhimanaysaa is-haysashada
dhulkeeda. Annagu haddaanu nahay facaha cusub, diyaar
uma nihin in aanu bixinno taako kamid ah dhulkayaga.
.............................. Annaga xaggeena dhulka
waa uu nagala horeeyaa wax-walba oo kale. Kacaan goor
kasta ayaanu curin karnaa. Illaa ninka ugu danbeeya
waa aanu dagaalamaynaa. Waxaase cabsi iga haysaa in
aanu luminno saaxiibtinimada naga dhexeysa. Maxaa yeelay
ma dhici kadho in aad sii waddaan hubeynta Soomaaliya,
islamarkaana aad saaxiibo nala ahaataan. Goor hore ayaanu
dooneynay in aanu arintan u bandhigno JQ ka Dh. Markaas
waxaad ku khasbanaan doontaan in aad halkaas go'aan
ku qaadataan ". (Red
Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 46).
Ergeygii Ruushka, oo mar kale la kulmay ergadii
Soomaalida, wuxuu u sheegay in uu ka xun yahay bayaanka
ka soo yeeray madaxda Itoobiya iyo hadalkaa jurxeynta
ah ee sheegaya in ay Soomaaliya siinayaan cashar lama
illaawaan ah.
" Waa suuragal in arintaasi ay tahay
mid ku eg howlaha war-baahinta. Nasiib-darro war-baahinta
labada dal waxay wadaan is-eedeyn ay is-dhaafsanayaan.
Sidaa darteed, Midowga Soofyeeti wuxuu ku baaqayaa in
la xakameeyo caadifadda. Taasina waxaa sababi kara,
in lagu tallaabsado howlo aanan ku dhisnayn maslaxad
qowmiyadeed, balse ku dhisan maslaxad caalami ah. Ku
dhisan in la xoojiyo heerka xoogagga hor u socodka ah.
Xaalad khatar ah ayaa geyiga ka abuurantay, taas oo
haddii aanan loo helin sabab lagu xakameeyo, ay u gudbi
kadha inuu dhaco dagaal adag. Iilashadaasi waxay sabab
u noqon kartaa natiijo aanan la mahadin " (From
the journal of I.F. Ilichev. No. 2289/GS. Secret. Copy
no. 8. 26
August 1977. Record of a Conversation
with the Minister of Mineral and Water Resources of
Somalia, Head of Delegation of Experts Hussein
Abdulkadir Kasim. second level).
Intee
baanu gaf diidnoo
Guddigii Afrikaan iyo
Golayaasha
adduunkiyo
Lagu
guulayay howsha
Gashi kaan ku lahaa iyo
Godobtaan
daba joogiyo
U
goob xaartay xaqeyga
Guddigii la sugaayay
Inay
xaalka galaanoo
loo
gadleeyay xaqiiqda
Iyagoo gudmadii iyo
Garanaaya
runtii iyo
Go'yaal
bay huwiyeenoo
Gunaadkii
cudurkii iyo
Gabbaashii
lama taaban
Waaba
sii guriyeen (Cali Cilmi Af-yare).
Saadiq
Enow