|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXXII-aad

Dr Enow

Fadhigii maalintii koowaad wuxuu dhamaaday iyada oo uusan muuqan arimo laga mideysan yahay oo labad dhinac laysugu keeni karo. Labada ergo oo la wada-hadalsiinayay baa waxay kala is-taageen laba daraf oo aanan aqbal u lahayn debecsanaanta diblomaasiyadeed. Soofyeetiga waxaa mar walba ka go'nayd in eeyan ka harin wada-hadalsiinta labada dal.  Sidaa darteed waxay hoosta ka xariiqdeen qodobo ula muuqday in labada dhinac ay raali ka noqon karaan in lagu socodsiiyo wada-hadalka bilowga ah. Qodobadaas waxay ahaayeen sidan :

1) Ictiraaf ah, xiisadda labada dhinac oo sii socotaa in eeyan dan ugu jirin labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

2) In labada dhinac ay ka fogaadaan in xoog ay ku xalliyaan muranka u  dhexeeya, ayna raadiyaanxal loo maro waddo nabadeed iyo wada-hadal.

3) Dhowrista waajibka labada dhinac ka saaran ilaalada nabadgelyada iyo xasilloonida xuduudda u dhexeysa.

4) Dadaal ay labada dal u galaan in ay si wada-jir ah uga shaqeeyaan hor u marinta xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo dhaqan, taas oo ay ka shaqeeyaan ururo iskood isu xil-qaamay. Iyo in lays dhaafsado khuboro u kuur-gala arimaha.

Maalintii ay bishu ahayd 26-kii julay, waxaa markale dib furmay wada-hadalladii bilowday. Ergadii Soomaalida waxba kama eeyan beddelin qodobkoodii ahaa in wada-hadalku uu ahaado mid ku kooban dhulka Itoobiya ay ka haysato Soomaaliya. Markaasaa Ruushku wuxuu sheegay, haddii sidaas dooddu ku socoto, wixii dadaal loo galay dhex-dhexaadinta labada dal, in ay noqonayso hal bacaad lagu lisay. Taasina ay sabab u noqonayso in khilaafka jira lagu xalliyo qori caaraddiis. Sidaasna looga fursan waayo dagaal furan in uu bilowdo oo labada dowladood dhex-maro. Wasiir xugeenkii Ruushka, F.L. Ilichev ayaa yiri sidan :

'' Mowqifka aanu khilaafkan ka taagannahay waxay tahay in xalka lagu raadiyo waddo nabad ah iyo qaab wada-hadal, iyada oo(labada dal) midba uu midka kale xushmeynayo. Midowga Soofyeeti wuxuu qabaa ra’yigii madaxweyne Maxamad Siyaad oo ahaa, si xal looga gaaro khilaafka jira, in  Soomaalidu eeyan sinaba u qaadin dagaal. Sidaasi waxay ku xusnayd farriin uu helay L. I. Brezhnev. Sidaas oo kale waxaa ku hadlay wafdi sare oo ka socday XHKS, kaas oo soo booqday USSR sanadkii hore  ''. (From the journal of Secret. Copy no. 10. Record of Negotiations between Somali and Soviet Officials in Moscow, 25-29 July 1977 (excerpts). L.F. Ilichev and Minister of Mineral and Water Resources of Somalia, Head of Delegation of Experts Hussein Abdulkadir Kasim (first level). 11 August 1977. No. 2148/GS).

Ergeygii Ruushka wuxuu sheegay in mar kabadan, meelo badan oo dhanka Soomaalida ah ay ka heleen farriimo noocaas ah. Rag xilal kala duwan hayana ay caynkaas ku hadleen. Sidaa darteed ay rumeysteen in Soomaalidu eeyan weerar ku qaadeyn Itoobiya.

'' Sikastaba xaaladdu ha ahaatee, ogaallada aanu helnay waxay ka marag kacayaan xaqiiqada ah in howl-gallo dagaal ciidameed ee furan uu bilowday. Kooxo ka tirsan ciidamada rigliga ah ee Soomaaliya, iyaga oo adeegsanaya taangiyo iyo dayuurado ayay ka tallaabeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan doonayay in dooddu ay noqoto mid waaqici ah oo eeyan noqon mid mala-awaal ku dhisan ''. (Isla marjicii hore).

Inkasta oo ay waaqici ahaayeen ereyadaas qurxoon ee uu ku hadlay diblomaasiga martida loo ahaa, misana maahayn kuwo ka turjumayay xanuunka uu Soomaalidu ku hayay dhulkooda ka maqan. Maahayn mid wax yar ku kordhinayay dhiigii badnaa oo faco kala duwan ay gobolka u qubeen muddada 100-ka sano ku dhow. Sidaa darteed, wafdigii Soomaalida inkiraad ayuu ka hor-geeyay hadalkii diblomaasiga. Xuseen Cabdulqaadir Qaasim oo u jawaabaya ergeyga Ruushka ah wuxuu yiri :

'' Haddii mas’aladda laga hadlayo ay tahay mid  ku saabsan howl-gallo dagaal oo Soomaalidu ay la beegteen Itoobiya, markaas ma jireyso arin ay ergada Soomaaliyeed u fadhiyaan dooddeeda. Dagaalka socdaa waa mid u dhexeeya Itoobiya iyo dhaqdhaqaaq gobanimo-doon ah oo ay wadaan dad-weynaha Soomaaliyeed ee ku nool dhulka la haysto. Halgankana, sida dhabta ah waxaa wada dhaqdhaqaaqaas, ee maahan mid ay ka danbeyso JDS ''. (Isla marjicii hore).

Sheekadii waxay dib ugu noqotay halkii ay ka bilaabatay oo ahayd gumeysi-doon iyo gobanimo-doon. Waana middaas tan runta ah ee Soofyeetigu ay doonayeen in ay hilankeeda ka leexiyaan, Soomaaliduna ay ka madax adeygeen. Ergeygii Ruushka ayaa markaas bilaabay in uu ka waramo hiillada uu dalkiisu la garab taagan yahay xoogagga gobanimo-doonka ah ee caalamka. Isaga oo arintaas ku beer-laxawsanaya ayuu wuxuu sheegay, kacaankii oktoober ee weynaa ee ka curtay dalka Midowga Soofyeeti, sida uu isu garab taagay dhaqdhaqaaqyada gobanimo-doonka ee ka jira dalalka dunida oo dhan. Wuxuu xusay in JQ ka Dh ay markhaati ka tahay arintaas. Isaga oo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri :

'' Waxaan jeclahay inaan mar kale kuu sheego inaan diyaarinayno meeshii aad wada fariisan lahaydeen si aad (Itoobiya) u wada hadashaan, taasi waa haddii dhanka Itoobiya laga oggolaado in saldhigga doodda ay noqoto dalka lagu muransan yahay. Laakiin haddii ergada Itoobiya ay soo hor-mariyaan eedeynta howl-gallada ciidameed oo ay Soomaalidu wadaan, waxaa markaas dhacaya in aanan wax hor u mar ah la gaarin, ama ha noqoto howlaha fadhigan ama ha noqoto xiriirka labada dhinac ''. (Isla marjicii hore).

Dooddii markii ay wejigaas yeelatay, madaxii ergada Soomaaliyeed X. C. Qaasim, wuxuu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyay sidan :

'' Ma garanayo in Midowga Soofyeeti ay wax ka qaban karaan iyada oo   xaaladaha lagu jiro ay sidan tahay. Nasiib-darro, tusaale lagu fashilmay buu ahaa dhex-dhexaadintii uu galay Fidel Castro, markii uu Mengistu Xayle Mariam diidmo ka muujiyay fursaddii ahayd in la soo qaado mas’aladda dhulka. Laakiin isagu wuxuu halkeedii geliyay in laga doodo mas’alad kasta ee kale, taas oo ahayd kuwo ka ahmiyad liitay  (taa hore). Rumeyso inaanu arintan daacad ka nahay, annagu  waanu ka xumaanaynaa haddii adeegga wanaagsan oo USSR ay wadaan uu nqodo mid lagu gaari waayo natiijo hagaagsan ''.  (Isla marjicii hore).

Kaddib markii ergadii Itoobiya ay diideen in lagala hadlo dhulka Ogaadeenya, ayaa wada-hadalkii xirmay. Laba maalmood baa laysku soo nastay. Dabadeed 29-kii bisha ayaa dib leysugu soo laabtay. Ergadii Soofyeetiga waxay guda-galeen in ay mar kale dhegeystaan aragtiyaalka labada dhinac. Qolo walba halkeedii bay ku adkaysatay. Xubnihii Soofyeetiga ayaa markaas waxay soo bandhigeen qodobadii ay horey u xuleen ee ahaa kuwo ula muuqday in lagu sii socodsiin karo wada-hadalka labada dhinac ee ciriiriga galay. Xuseen Cabulqaadir, baa markaas u sheegay in Soomaalidu eeyan waxba ku kordhinaynin aragtida ay qabeen, taas oo ay horey u sheegeen.  Wasiirka Soomaaliyeed, wuxuu kaloo sheegay, qodobadan uu Soofyeetigu keenay, in ay gaarsiin doonaan dowladdii Soomaaliyeed. Dabadeed ereyo wanaagsan ayuu kula hadlay raggii martida loo ahaa. Wuxuu xusay qoraal uu L.I. Brezhnev u soo diray madaxweyne Maxamad Siyaad uu ugu sheegayo in Soofyeetigu ay oggolaadeen inay fidiyaan gogosha wada-hadalka. Xuseen Cabdulqaadir wuxuu hadalkiisii raaciyay in arintaasi ay tahay adeeg wanaagsan oo xambaarsan daacad-nimo iyo xilkas-nimo.

" Waxay nala tahay in ay suuragal tahay in la bilaabo wada-hadal lagu gaaro yool saldhiggiisu yahay xasilinta xiriir  wanaagsan ee dhex-mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaanu aragnaa in arintaasi tahay furihii waddada u furi lahaa wada-shaqayn lagu gaaro xasillooni lagaga gudbo dhibaatooyinka adag ee hor-yaalla xiriirka deresnimo ee dalalka geeska Afrika ". (Isla marjicii hore).

Muddadii uu wada-hadalku socday, hoggaanka dowladda Soofyeetiga laba jeer ayuu la soo xiriiray Soomaaliya. Hoggaamiye Brezhnev, ayaa labada jeer dhambaal qofeed u direy madaxweyne Maxamad Siyaad. Nuxurka dhambaalku wuxuu ahaa dalab uu Soomaalida ka codsanayay in ay debciyaan liifadda colaadeed. Soomaaliduna waxaa u muuqatay qadiyadda qowmiyadeed oo ay raadkeeda ku joogeen. Caarranaantu waxay ahayd dareen ahaa in la gaaray xilligii ay mireheeda goosan lahaayeen. Waxaa xusid mudan in Soofyeetigu uu garab taagnaa Soomaalida iyo qadiyaddooda wixii ka horeeyay falkii lagu af-gembiyay maamulkii boqor Xayle Selaesse.

29/ 7- 1977-kii, waxaa dhamaaday wadahadalkii, iyada oo aanan wax natiijo ah laga gaarin qadiyaddii fadhiga loo qabtay. Waxaase lagu heshiiyay in qolo waliba ay wada-tashi ula noqoto dowladdeedii, dabadeedna dib laysugu soo laabto. Isla maalintaa oo fadhigu dhamaaday, Brezhnev wuxuu Moosko kula kulmay wafdi sare ee ka socda saraakiisha Dergo ee u taliya Itoobiya. Wafdiga waxaa hoggaaminayay xoghaynta golaha sare ee Dergo Gaashaanle Fikre Selaesse Wogderes.  Farriin uu ka waday Mengistu ayaa waxaa kamid ahaa sidan :

" Waanu fahmaynaa xaaladda qalafsan oo Soofyeetiga hor-taagan. Kaalmada ciidan oo Itoobiya aad u fidinaysaan, waa mid halis u keeneysa fursadda aad Soomaaliya ku haysataan (Berbera). Arintaasi fiiro ayaanu u leenahay, waana mid nagu tallaalan haddaanu nahay kacaanyahan, inaanu ilaalino maslaxadda Midowga Soofyeeti uu ku leeyahay dowladdaas. Waxaanu rajeeneynaa guusha uu gaaro kacaanka Itoobiya ee diiddan hannaanka Imberiyaaliyadda ah, in ay qeyb ka qaadato kacaamada caalamiga ah ". (Isla marjicii hore).

Ergooyinkii labada dal, mid waliba wuxuu u dhoofay dalkiisii. Ujeeddadu waxay ahayd in ay la soo tashadaan madaxdoodii oo dib laysugu soo laabto, si markaas dooddu ay ka gudubto heerka qori ku-taagga ah. Ayaamahaas oo ku beegan bilowgii bishii agosto 1977-kii, waxaa laba-kacleeyay dagaalkii ka socday Ogaadeenya. Soomaalidu waxay xoojiyeen weerarkii ay ku qaadeen degmada Dhagax-buur. Degmadaasi waa ay ka ciidan badnayd, kana qalab badnayd degmooyinkii ay Soomaalidu horey uga xoreeyeen ciidamada Itoobiya. Sidaa darteed Soomaalidu waxay ku weerareen degmada ciidan iyo qalab la kuf ah. Taasi waxay kallaiftay in uu halkaas ka dhaco dagaal ka culus kuwii ka dhacay degmooyinkii Godey War-dheer iyo Qabri-dahare. Markii magaalada laga kiciyay ciidamadii Itoobiya, Soomaalidii waxay bilaabeen in ay ku sikadaan degmooyinkii yar-yaraa ee ka sokeeyay Jigjiga iyo Dirir-dhabe, si ay ugu gogol-xaaraan weeraro waaweyn oo ay la beegsanayeen degmooyinkaas istraateejiga ah.

Arimahaasi waxay dhaceen muddadii u dhaxaysay labada fadhi. Sidaa darteed golihii ciidamada ee Dergo, xiiso uma qabin in ay Moosko u soo dhoofaan, si ay uga qeyb-qaataan wada-hadalka Soomaalida, iyada oo ay u muuqatay halaagga ciidamadooda ku haystay gobolka Ogaadeenya. G/ Dh. Dawit Waldo ayuu ahaa ninka iska-lahaa talada ay ku soo baxeen ergadii Itoobiya. Isagu wuxuu arkayay inaan marna la xayirin fursadda wada-hadalka. Dowladdiisiina waa ay ka yeeshay.

Markii ay Soomaalidu qabsadeen Dhagax-buur oo ahayd 6/ 8- 1977-kii, maalin kaddib (7/ 8- 1977-kii) ayaa labadii wafdi ay soo gaareen Moosko. Fadhigii labaad waxaa laysugu yimid 8-dii bisha agosto, kaas oo socday illaa  12-kii bisha. Ergada Soomaalida waxay ahaayeen saddexdii nin ee hore. Waxaa weheliyay danjirihii Soomaalida u fadhiyay Moosko Cali Ismaaciil Warsame iyo u-qeybsanaha safaaradda arimaha ciidanka Gaashaanle Saalax Xaaji. Dhanka Soofyeetiga, waxay ahaayeen F.L. Ilichev oo ahaa wasiir-xigeenka arimaha dibadda, V.A. Ustanov hoggaanka waaxda Afrika ee saddexaad wasaaradda dibadda iyo O.N. Khlestov oo isna odey ka ahaa waax ka tirsan wasaaradda dibadda.

Labadii ergo ee wada-hadalku u socday, waa ay isu soo laabteen iyada oo mid waliba mowqifkeedu uu ka adag yahay halkii ay markii hore taagnayd. Ergadii Soofyeetigu ay u xuleen socodsiinta wada-hadalka ayaa fadhigoodii ku bilaabay in ay la shiraan ergadii Soomaalida. Iyaga oo qaabkii kulanka aanan waxba ka beddelin ayay si kala gaar ah ula kulmeen labadii ergo. Ergadii Soomaalida oo ay ku hor-mareen baa mahad-celin u jeediyay dowladda Soofyeetiga dadaalka ay ugu adeegayaan in xal loo helo xasaradda ka taagan geeska Afrika. Islamarkaa waxay u sheegeen in ay Moosko joogayaan illaa iyo 12-ka bisha, ayna ku khasban yihiin in ay raacaan duulimaadka shirkadda Aeroflot ay ku tagto Xamar maalinta isniinta ah. Maalintaas ay ergadu tilmaameen bishu waxay ahayd 13/ 7- 1977-kii. Sidaas si lamaid ah ayaa Ergadii Itoobiya ay iyaguna muujiyeen. F.L. Ilichev oo arintaas ka war-bixinaya wuxuu yiri :

" Anigana hadalkii waxaan ku furtay mahad-celin ku saabsan sida ay u qiimeeyeen dadaalka USSR uu ku baadi-goobayo qodob ay labada dhinac aqbalaan, kaas oo si toos ah wax uga qabta sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Islamarkaa waxaan caddeeyay in kulankii kala gaarka ahaa ee aan la qaatay ergadii Soomaaliya iyo Itoobiya, qolo waliba in ay ku dheggan tahay meel aanan heshiis oggolayn, taas oo sida dhabta ah diiddan in wax lays-dhaafsado. Ergada Soofyeetiga waxaa u muuqatay, sidii ay horeyba u arkayeen, inaanan waxba laga qaban kor u-kaca dhacdooyinka. Taasi waxay ka yeeshay qoraalladii ay Soofiyeetigu doonayeen in ay ka mira-dhaliyaan, mid aanan suuragal ahayn. Qoraalladaasi waa kuwo weli shaqeynaya, oo sida dhabta ah weli la adeegsan karo. Waa kuwo, sida dhabta ah, lagu gaari karo yool qiima leh, gaar ahaan xilligaan uu weli socdo kor u-kaca howl-gallada ciidameed ". (Isla marjicii hore).

Kasokow ilaalada masaalixda dowladeed, diblomaasiyadda Soofyeetigu ceeb ayay ku ahayd in dagaal xooggan uu dhex-maro laba dal oo siyaasaddoodu ay ku sidkan tahay aqalka Cas ee Krimiliinka. Isaga ayaa waayeel ka ahaa gobolka lagu dirirayay, mana jirin dowlad kale oo weyn oo faraha kula jidhay xilligaas.  Sidaa darteed, wuxuu ku khasbanaa in uusan marna xirin iridaha wada-hadalka. Laakiin waxaa hor istaagay caqabad aan la dhaafi karin. Waa mowqifka aanan isu iman karin oo ay labada wafdi kala taagnaayeen. Madaxda Itoobiya oo gobolka Ogaadeenya u arkay hanti ay leeyihiin, ayaa waxay ahaayeen saraakiil anshax-aqooneedkoodu ay saldhig u tahay difaaca hantidaas. G/ Dh. Berhanu Bayeh oo hor-kacayay ergada Itoobiya, ayaa arintaas tilmaamay markuu hadalkiisii ku daray ereyadan :

" Itoobiya waxay diyaar u tahay in Soomaaliya ay kala hadasho in la xariiqo khadka xuduudda inoo dhaxaysa. Laakiin diyaar uma aha in ay Soomaaliya kala hadasho dhibaato dhul ay iyadu sheeganayso. Waayo dhibaato caynkaas ah oo na dhex-taal majidho ". (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 46).

Soomaalida waxay og-yihiin taariikhda laga qaatay gobolka iyo gumeysigii bixiyay. Waxaa arintaa u weheliyay, waxay ku jireen xilli ay ummad ahaan u baaluqeen oo ay awood u yeesheen in Itoobiya ay la xisaabtamaan. Xuseen Cabdiqaasim oo la hadlaya ergadii Ruushka ayaa isagana yiri sidan :

" Sida la ogsoon yahay, Soomaaliya waxay qiimeeneysaa xiriirka saaxiibtinimo oo Itoobiya ay la yeelatay Midowga Soofyeeti, iyada oo Itoobiya ay sheeganayso in ay ku socoto hannaanka hanti-wadaagga ah. Laakiin waxaa dhab ah in Soomaalidu ay diidan yihiin mabaadiida ay Itoobiya sheeganayso. Taasina waa sida ay Soomaalidu qabaan oo ah in Itoobiya eeyan weli helin waddo dhab ah ee cadow ku ah emberiyaaliyadda. Mid waa laga raja qabi karaa, waxay tahay tallaabooyinka ay Itoobiya qaadday xilligan lagu jiro oo horseed u noqon kara natiijooyin wax lagu dhiso ". (From the journal of  I.F. Ilichev. No. 2289/GS. Secret. Copy no. 8.  26 August 1977. Record of a Conversation with the Minister of Mineral and Water Resources of Somalia, Head of Delegation of Experts Hussein Abdulkadir Kasim. second level).

Natiijada wada-hadalkii dhacay maalintii koowaad, wuxuu ku dhamaaday fashilaad. Taasina waxay ahayd arin la filayay in ay sidaas u dhacdo. Ergadii Ruushka, iyaga oo qiimeynaya wada-hadalkii ay Soomaalida la yeesheen, waxay tilmaameen damaca Soomaalida kaga jirey in ay geeska Afrika ka dhisaan dowlad hanti-wadaag ah ee sal-ballaaran. Taas oo ay ku bahoobaan dhamaan qowmiyadaha Itoobiya iyo Soomaaliya, islamarkaa ay Soomaalidu hoggaanka u hayso. Inkasta oo Ruushku ay is tusiyeen isu dhowaansho badan oo ka dhexeysa Soomaalida iyo Itoobiya oo ay kaga duwan yihiin dadka kula nool qaaradda Afrika, misana waa ay ku adkaatay in ay horseedaan fikraddaas ay Soomaalidu gadaal ka riixayeen.

Maalintii labaad ayaa fadhigii mar-kale bilowday. Sidii caadadu ahayd ayuu ku socday oo ergadii Ruushka ayaa u kala dab-qaadayay labada wafdi. Ergadii Itoobiya, waxay maalintaas soo fariisteen iyaga oo huwan go'aan adag oo dowladdoodii ay gaadhay. Go'aankaasi waxaa soo qorey wargeesyada dalkooda, islamarkaana waxaa laga baahiyay idaacadda Addis-ababa. Go'aanku wuxuu ahaa  in Itoobiya ay ka go'an tahay in ay Soomaaliya siiso cashar lama illaawaan ah. Waxaa kale oo go'aanku uu xusay in dowladda Itoobiya ay ka go'an tahay in ay Soomaaliya ku qaaddo dagaal furan. Arintaasi waxay ogeysiisay dhamaan dowladaha hanti-wadaagga ah oo Soofyeetigu uu kamid yahay.

F.L. Ilichev wuxuu isku deyay in uu qanciyo Itoobiya, maadaama Soomaaliya ay tahay midda dulman oo dhul iyo dad laga haysto. Si qabow ayuu kula hadllay wafdigii Itoobiya isaga oo ka codsanaya in ay tanaasul sameeyaan oo ay oggoladaan in gobolka Ogaadeenya uu madax-bannaani qaato, iyada oo ujeeddadu tahay in la badbaadiyo labada maamul ee kacaanka ah ee ka dhisan Muqdishow iyo Addis-ababa. Wuxuu tusaale u soo qaatay kacaankii ka curtay USSR ee uu hoggaaminayay V.I. Lenin, kaas oo markii uu guuleystay madax-bannaani siiyay dalka Finland oo markaas ahaa gobol uu ka talinayay qeysarkii Ruushka. Berhanu Bayeh, markii uu hadalkaas maqlay aad buu uga diday, wuxuuna ku jawaabay sidan :

" Itoobiya waa ay u dhimanaysaa is-haysashada dhulkeeda. Annagu haddaanu nahay facaha cusub, diyaar uma nihin in aanu bixinno taako kamid ah dhulkayaga. .............................. Annaga xaggeena dhulka waa uu nagala horeeyaa wax-walba oo kale. Kacaan goor kasta ayaanu curin karnaa. Illaa ninka ugu danbeeya waa aanu dagaalamaynaa. Waxaase cabsi iga haysaa in aanu luminno saaxiibtinimada naga dhexeysa. Maxaa yeelay ma dhici kadho in aad sii waddaan hubeynta Soomaaliya, islamarkaana aad saaxiibo nala ahaataan. Goor hore ayaanu dooneynay in aanu arintan u bandhigno JQ ka Dh. Markaas waxaad ku khasbanaan doontaan in aad halkaas go'aan ku qaadataan ". (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 46).

Ergeygii Ruushka, oo mar kale la kulmay ergadii Soomaalida, wuxuu u sheegay in uu ka xun yahay bayaanka ka soo yeeray madaxda Itoobiya iyo hadalkaa jurxeynta ah ee sheegaya in ay Soomaaliya siinayaan cashar lama illaawaan ah.

" Waa suuragal in arintaasi ay tahay mid ku eg howlaha war-baahinta. Nasiib-darro war-baahinta labada dal waxay wadaan is-eedeyn ay is-dhaafsanayaan. Sidaa darteed, Midowga Soofyeeti wuxuu ku baaqayaa in la xakameeyo caadifadda. Taasina waxaa sababi kara, in lagu tallaabsado howlo aanan ku dhisnayn maslaxad qowmiyadeed, balse ku dhisan maslaxad caalami ah. Ku dhisan in la xoojiyo heerka xoogagga hor u socodka ah. Xaalad khatar ah ayaa geyiga ka abuurantay, taas oo haddii aanan loo helin sabab lagu xakameeyo, ay u gudbi kadha inuu dhaco dagaal adag. Iilashadaasi waxay sabab u noqon kartaa natiijo aanan la mahadin " (From the journal of  I.F. Ilichev. No. 2289/GS. Secret. Copy no. 8.  26 August 1977. Record of a Conversation with the Minister of Mineral and Water Resources of Somalia, Head of Delegation of Experts Hussein Abdulkadir Kasim. second level).

Intee baanu gaf diidnoo

Guddigii Afrikaan iyo

Golayaasha adduunkiyo

Lagu guulayay howsha

Gashi kaan ku lahaa iyo

Godobtaan daba joogiyo

U goob xaartay xaqeyga

Guddigii la sugaayay

Inay xaalka galaanoo

loo gadleeyay xaqiiqda

Iyagoo gudmadii iyo

Garanaaya runtii iyo

Go'yaal bay huwiyeenoo

Gunaadkii cudurkii iyo

Gabbaashii lama taaban

Waaba  sii  guriyeen (Cali Cilmi Af-yare).

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.