Casharkii V-aad.
Mashaqooyinkii
uu xambaarsanaa is-diidkii bariga iyo galbeedka ee
kallifay hurkii dagaalkii Qaboobaa, Geeska Afrika
wuxuu ka dhigey fagaaro laga daawado mid kamid ah
dhimbilihii ugu cuslaa ee ka dhashay khilaafkii siyaasadeed
ee xoogagga waaweyn. Xurguftii la magac baxday Dagaalkii
Ogaadeenya ayaa waxay kamid tahay colaadaha qaan-gaarka
noqdey ee baalal badan ka qaatey qormada taariikheed
ee dagaalkii Qaboobaa.
 |
|
Kissinger
|
Sida uu Henry Kissinger ku xusay buugiisa
ah The Diplomacy, dagaalkii Ogaadeenya
wuxuu ahaa colaad hardankeeda lagu tilmaamo saddex-xaglood.
Xagal waxaa ahaa USA
oo degaanka ka waday barnaamijyo ay ku ilaashaneysay
danaheeda istraateejiga ah. Mareekanka waxaa arintan
ku weheliyay dowlado ay siyaasadohoodu isku sidkanaayeen.
Waxaa safka hore kaga jiray Masar, Iiraan iyo Sacuudiga.
Xagasha labaad waxaa ahaa USSR
oo iyaduna degaanka ka waday barnaamijyo ay kula loolantamaysay
Mareekanka iyo xulufadiisa. Soofyeetiga waxaa arintan
ku weheliyay dowlado la aragti siyaasadeed ahaa oo
ay kamid ahaayeen Kuuba, Liibiya iyo dowladihii la
oran
jiray Jarmalka Bari
iyo Yamanta Koonfureed.
Soomaaliya
iyo Itoobiya ayaa iyagu ahaa labada xoog oo sida tooska
ah ugu hardamayay fagaarihii ay ka socotay riwaayadii
colaadan. Markii fiiro caalami ah lagu eego dagaalkan,
waxaa muuqanaya in labadaasi dowladood ay si wada-jir
ah u matalayeen xagasha saddexaad ee dagaalku lahaa.
Sidaa darteed ayaa waxaa jiray dowlado badan oo si
toos ah uga qeyb-qaatay xurguftii Dagaalkii Ogaadeenya.
Magaca
Ogaadeenya oo uu dagaalku watey ayaa waxay ka taagan
tahay gobolkii sababta u ahaa is maan-dhaafkii dab-shidkaas.
Waxaa in la xuso mudan in ay jiraan Soomaali badan
oo magacan u diidan beesha uu ku sidkan yahay darteed.
Isla markaas waxaa jira kuwo kale oo iyaguna magaca
u sita beel ahaan. Labada qeyboodba waa ay khaldan
yihiin. Soomaalidu intuusan gumeysigu u iman, waxay
lahaayeen magacyo ay iyagu ula baxeen dhulka ay ku noolaayeen
gobolladiisa. Waxaase dhacdey in maamulladii uu gumeysigu
sameeyey ay reebeen magacyo iyo soohdimo uu isagu
ku daneysanayay, kuwaas oo shiiqiyay magacyadeenii
hore. Waxaa halkaas ku caan-baxay magacyadii gumeysigu
reebay oo ujeeddada uu ka lahaa ay ahayd kala qo-qob
ummadeed. Hadaba, danta aanu ka leenahay adeegsiga
magacan ayaa wuxuu yahay mid aanan dhaafsiisneyn caalaminimada
uu sito.
Inkasta
oo xurgufta colaadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya lagu
tilmaami karo mid salka ku haysa soo jireen taariikheed
iyo sooyaal dhaqameed ee labada qowmiyadood, misana
Dagaalka Ogaadeenya, waxaa gogol-dhig u ahaa madax-bannaanidii
laba gobol oo Soomaali ahi ay kaga xoroobeen labo
gumeysi oo dalkooda ka talinayay muddo nus qarni ka
badan, iyada oo gobol saddexaad lagu reebay gacanta
maamulkii boqorkii faasidka ahaa ee ka talinayay Itoobiya.
Bartamihii
sanadkii 1960-kii, laba kamid ah gobolladii ay ku
dhaqnaayeen beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay qaateen
madax-bannaani siyaasadeed. Waxay ku midoobeen dowlad
barlamaani ah oo hal aqal looga taliyo. Markaas ayay
dowladdii Soomaaliyeed ee curatay u is-taagtay fulinta
siyaasad-qarameedkeedii ku wajahnaa saddexda gobol
oo ay Soomaalidu degaan ee ku haray gacanta dadyowga shisheeyaha
ah.
Siyaasiyiintii
Soomaaliyeed, iyaga
oo ka turjumaya qab-weynida dhaqameed ee aanu hiddaha u leenahay
ayay is-tusiyeen
in gobollada ka
maqan eeyan ku soo
ceshan karin miis lawada fariisto iyo wada-hadal lala
yeesho dowladaha ka taliya halkaas. Sidaa darteed, iyaga oo isu diyaarinaya in baadidooda
maqan ay ku soo ceshadaan xoog, ayay markiiba
guddoonsadeen in ay dhisaan ciidan tiradiisu dhanyahay
20.000 oo nin, isla markaasna ku qalabeysan hub casri
ah.
Dowladda
Soomaaliyeed, xilligaas ma eeyan lahayn dhaqaale cayilan
oo ay ku gufeeyaan barnaamijkooda ciidameed. Waxay
ahayd dowlad sabool ah oo aanan dunida ku lahayn saaxiibo
daacad ah oo u hiiliya. In ay qadiyaddooda
keli ku xambaaraan waxaa khasbay geedi-socodka
taariikheed oo ay umadda Soomaaliyeed ku doonayeen
in ay ku mideeyaan bulshadooda xoolo-dhaqatada ah
oo gumeysigu ku qeybsaday golayaal caalami ah.
Axmad
Ismaaciil Diiriye
(Qaasim) oo kamid ahaa abwaanadii dhaqanka, ee
ku samiyay gobanimadii
Soomaaliyeed hal geel ee inoo curatay, ayaa gabeygiisii
Maandeeq si wanaagsan ugu qeexay aragtida hanka weyn
ee aanan dabarka lahayn oo ay dadweynaha Soomaaliyeed
ka qabeen qadiyadooda, iyo siday u arkeen madax-bannaanida
dhantaalan oo ay xoogaggii gumeysatada ahayd dhaxalsiiyeen.
Qaasim, tixihii gabeygaas wuxuu yiri
:
Afarteeda
naas baan lahaa ubadka deeqsiiye
Ma afurin
agoonkii wadiyo kii usha u sidaye
Illaa
ururka deyrtaan lahaa awrka how tu'ine
Iimey
ha daaqdaan lahaa araxda jiilaale
Iilkii
Darwiishkaan lahaa ugubka gaarsiiye
Arxan
Shiikh Bashiir baan lahaa aar la'aan dhimaye
Oomaar
dul gee baan lahaa iilka loo qodaye
Ood dheer
ka saar baan lahaa aarka soo dhiciye
Adis-ababa
gee baan lahaa eyda dooga lehe
Iliilaha
Jabuutaan lahaa aayar soo mariye
Amuuraha
i dhaafaan lahaa aakhiro u tebiye
Axmad Gurey u sheeg baan
lahaa iilka wuu qabane
Idankeed
Maxamuud Xarbaan ka ag-dhaqaaqeene
Nimaan aabihii maali jirin looma aamino'e.
Dowladaha reer
galbeedka ayaa xilligaas waxay xiiso u hayeen in ay
taageero dhaqaale u fidiyaan dowladihii dhowaan madax-bannaanida
qaatay. Laakiin mashruucii dowladda Soomaaliyeed ay ku doonaysay dhismo
ciidan xoogan oo qalab casri ah sita, waa uu ka gadmi waayay
barlamaanadii dowladaha reer galbeedka. Mareekanku
wuxuu Soomaalida u sheegay in uu ka kaalmeynayo dhismo
ciidan biliis ah oo tiradoodu dhantahay 6.000 oo nin,
taas oo weliba ay shuruud adag ku xireen.
Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya Dr.
Cabdirashiid Cali
Sharmaarke, wuxuu
booqasho ku tegay magaalada
Moosko sanadkii
1962-kii. Wuxuu ku guuleystay in uu madaxdii Soofyeetiga ku qanciyo in
ay Soomaaliya u fidiyaan taageero uu ku cusbooneysiinayo
dhismaha ciidamada Soomaaliyeed. USSR waxay oggolaadeen
in ay Soomaaliya siiyaan deyn 32.000.000 oo doolar
ah, taas oo lagu dhisayo ciidan 20.000 dhan iyo qalabkoodii.
Waxaa weheliya tababarro aqooneed oo la siinayo saraakiisha
ciidamadaas. Deynkaas oo aanan wax shuruud ah lagu
xirin ayaa waxaa lagu heshiiyay in ay Soomaalidu ku
bixiyaan muddo 20 sano ah. Goor danbe, dowladdii
Soofyeetiga waxay ogolaatay in ay kordhiso lacagihii
deynka ahaa oo ay gaarsiiso 55.000.000 oo doolar.
Ujeeddada
ay USSR u bixisay taageerada intaa le'eg waxay ahayd
baahi ay u qabtay in ay cagaha la hesho degaanka istraateejiga
ah ee Geeska Afrika, iyada oo isla markaas uu damac
ka hayay in ay Soomaaliya ka dhigato albaabkii ay
ka geli lahayd qaaradda Afrika.
Mashruuca
dowladda Soomaaliyeed waxaa garab socday dhaqdhaqaaq
siyaasadeed oo ay wadeen qaar kamid ah cuqaal iyo
aqoonyahanno u dhashay beelaha ku dhaqan gobolka Ogaadeenya.
Dadkaasi waxay doonayeen in ay bilaabaan halgan ay
kaga xoroobaan maamulka Itoobiya. Dhaqdhaqaaqaasi
ayaa ku dhamaadey fadhi lagu qabtay degmada Xodayo
bartamihii sanadkii 1963-kii. Ragga halkaas isugu
yimid waxaa kamid ahaa Ugaas Biixi Fooley oo ka tegay magaalada Hargeysa, Ibraahim
Xaashi Maxamuud oo
ka tegay Xamar. Waxaa halkaas lagu gudoonsaday in
la qaado halgan hubeysan oo lagula dirirayo maamulka
ka dhisan Ogaadeenya iyo ciidamadooda oo looga taliyo
Addis-ababa.
16/
6- 1963-kii, dadkii isu yimid waxay soo saareen baaq
xambaarsan dhismo jabhad dagaalanta, taas oo magaceeda
ay u bixiyeen Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Soomaalida Galbeed
ee Xabashidu Gumeysato. Waxaa odey ka noqday halgaamaagii
caanka ahaa Garaad
Maqtal Daahir Axmad,
oo intuusan soo baxsan ahaa guddoomiyaha degmada Awaare.
Jabhaddii waxay markiiba
bilowday howlo ciidameed oo isugu jira weerararo gaadmo
ah iyo jid-gooyo, kuwaas oo ay la beegsanayeen fariisimaha
ciidamada Itoobiya iyo dhaqdhaqaaqooda. Xilligaas
ciidamada Itoobiyaanka ka joogay gobolka Ogaadeenya
waxaa odey u ahaa Jeneraal
Ammaan Maichal Andom
oo dhalashadiisu ahayd Eriteriyaan masiixi ah. Markii
ay ku adkaatay la dagaalanka jabhadda ayaa janankii
uu Boqor Xeyle Seleasse u diray qoraal uu kaga codsanayo in uu
weerar ku qaado soohdinta dowladdii curdanka ahayd
ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay tahay
meesha laga soo hubeynayo jabhadda. Waraaqdaas oo
raggii jabhadda ahaa ay nuqulkeedii ka soo heleen
xafiis kamid ah meelihii ay weerareen ayaa waxay ku
qoreyd af-amxaaro. Nin la yiraahdo Badri
Baashaa oo dhalashadiisu tahay Harari iyo nin
kale oo la yiraahdo Xaamud
Axmad Faarax oo
u dhashay beesha Ciise ayaa waxay waraaqdii u rogeen
af-carabi iyo af-soomaali. Waxaa qoraalkeedii kamid
ahaa sidan :
''
………… Boqorkeygiyow, jabhaddan hubeysan ee howdka ku
jirta waxay dhibaato u geysatey ciidamadeenii iyo
dadkeenii rayidka ahaa. Waxaan kaa codsanayaa, aniga
oo qoorta kuu dhiganaya, inaad igu fasaxdo oo aan
ku duulo meelaha laga soo hubeynayo. Waxaan kuu ballan
qaadayaa in ciidamadeyda ay muddo laba casho ah ku
qabtaan degmooyinka Hargeysa iyo Berbera. Halkaas
oo ah meelaha laga soo hubeynayo ragga jabhadda ah. …………. .
Waxaan
ka xumahay inaan waraaq kuu soo qoro.
Waa
adeegahaagii kuu daacadda ahaa.
Jeneraal
Ammaan Maichal Andom
''.
Waxaa
xusid mudan, boqorka Itoobiya Xeyle
Selaesse in uu ahaa
nin la gaarsiiyay
darajo ka sareysa aadamiga. Dicaayad ay gumeystayaasho
abuureen ayaa faaftay oo ah in dhiiga boqorku yahay
mid dahiran oo si gaar ah loo uumey. Hadduu dibadda
usoo baxo dabeyluhu waa istaagayaan, shimbiruhu waa
soo hoobanayaan, biyaha webiguna socodka waa ay joojinayaan.
Sidaa darteed ma uusan jirin janan si toos ah waraaq
ugu qori karay. Nin darajadiisu hooseeysana iskaba
daa. Waraaqda Jeneraal
Ammaan waxay ahayd
tii ugu horeysay oo nin janan ah uu si toos ah boqorka
ugu qoro. Xeyle Selaesse ayaa arintan kaga soo
jawaabey in uu fasaxay in Soomaaliya lagu duulo.
Hubka
casriga ah ee ciidamada Soomaaliyeed ay ka sugayeen
Soofyeetiga ayaa wuxuu ahaa qodob ka cuslaa dhaqdhaqaaqa
jabhadda oo Itoobiya ku kallifayay in ay ku soo duulaan
Soomaaliya. Waayo, Itoobiyaanku waxay rumeysnaayeen
in Soomaalidu ay hubkaas si toos ah ula soo beegsan
doonaan dagaal ay gobolka kaga kicinayaan maamulka
Xabashida. Sidaa darted bay u arkeen fursad haboon
in ay weerar qaadaan intuusan hubka soo gaarin gacanta
ciidamo Soomaaliyeed.
Saadiq Enow