Xilliga uu fashilmayo wada-hadalka Moosko,
ciidda gobolka Ogaadeenya waxaa ka socday dagaalladii
weerarka ahaa oo ciidamada Soomaaliya iyo jabhadiintu
ay ku hayeen saldhigyada ciidamada Itoobiya.
Weerarada xilligaas socday waxaa ugu hilan cuslaa dagaalkii
lagu xoreeyay degmada Dhagax-buur iyo weerar xooggan
oo lagu qaaday Dirir-dhabe, kaas oo ay ka qeyb-qaateen
1/ 3 ciidamada Soomaaliyeed. Inteynaan u gudbin sheekada
dagaalladan, waxaa xusid mudan, oo iyaduna ku beegan
xilligaas, soo ban-baxa khilaafkii dhex yiil hoggaankii
dalka iyo odeyadii jabhadda, gaar ahaan qaar kamid ah
xubnihii beelaha Ogaadeen. Dhacdadan waxaa laga helayaa
cashar taariikhi ah oo qiimo ugu fadhiya wax-garadka
umadda. Dhacdadu waxay tilmaamaysaa, inkasta oo umadda
Soomaaliyeed ay hibo u heleen wax kasta oo xoojin
lahaa midnimadooda, misana sababta uu xarig ugu xirman
la'yahay, in ay tahay markii hoggaamadeedii ay ku fashilmeen
qaabkii ay ula dhaqmi lahaayeen urur-beeleedka bulshada.
Taas oo ah unugga rasmiga ah ee saldhigga u ah bulshadeena.
Tan iyo bartamihii bishii julay, waxaa jirey khilaaf
siyaasadeed oo soo kordhayay, kaas oo ka dhexeeyay madaxweyne
Maxamad Siyaad iyo
qeybo kamid ah odeyaal dhaqameedkii beelaha Ogaadeen.
Xuska khilaafkaasi wuxuu qeyb ka yahay hakadyada ku
lammaanan taariikhda dagaalkaas. Waana mid ku lammaanan
geedi-socodka nolosha ummadeed ee Soomaalida. Iyada
oo hadba heer laysla marayay, ayaa khilaafka waxaa danqayay
doonista madaxweyne Maxamad
Siyaad uu ku raadinayay in uu si toos ah u maamulo
howlaha ciidameed ee dagaalka iyo maamullada rayidka
ee loogu adeegayay degmooyinka la xoreeyay. Dhaawaca
arintaasi waxay culeys ku keentay habsamidii ay saraakiisha
aagagga hore u maamulayeen geeddi-socodkii mashruucan.
" Inkasta oo ciidamada Soomaaliyeed ay guul
ka soo hoyeen weeraradii ay qaadeen kuleylihii 1977-kii,
misana waxaa jirey eedeymo badan oo ka imanayay saraakiisha
sare ee hoggaaminayay ciidamada Soomaalida. Iyagu waxay
ka cabanayeen habka uu madaxweyne Maxamad
Siyaad u hoggaaminayay ciidanka. Dhaliisha ugu
culus waxay ahayd in madaxweynuhu, si urursan oo adag
uu gacanta ugu dhigay howlihii socday, isaga oo aanan
lahayn tabar uu kula socdo in uu si deg-deg
badan ula fal-galo isbeddellada ka imanaya goobaha dagaalka.
Taasi waxay keentay in khabarkii soo gaarayay madaxweynaha
iyo amarkuu bixinayay ay dhacaan wakhti daah badan ku
jiro dabadiis ". (Dr.
Axmad Ibraahim Maxamuud. 2005. 153-154).
Sida ku xusan aqoonta dagaal-baradka, degmooyinka
xoogga loogaga qabsaday ciidan cadow ah, maamulkooda
waa mid la socda qorshaha hore ee dagaalka ee maahan
mid gadaal laga guddoonsho. Islamarkaa, talada maamulka
degmooyinkaas, waxay u dhexeysaa oo in ay ka tashadaan
ay tahay saddex raar:
1) Raarta
danbe oo ah ragga hagaya istraateejiyada dagaalka
2) Raarta hore oo ah saraakiisha aagagga hore ee
dagaalka
3) Wax-garadka duqeyda degmooyinka la qabsaday.
Haddii taas la waayo, waxaanan la huraynin fashilaad
ka dhalanaysa qawaaniinta nolosha ee la feer-maray.
Go'aan gaar ah ayaa lagu magacaabay guddoomiyayaashii
degmooyinkii la xoreeyay, Tusaale, G/
S. Jaamac Cali Jaamac (Majeerteen), waxaa loo
magacaabay guddoomiyaha Qabri-dahare. G/ S. Abshir Kaahiye
(Habar-gidir), waxaa loo magacaabay guddoomiyaha Dhagax-buur.
G/ S. Cabdalle Xaaji Mubaarak
(Carab), waxaa loo magacaabay guddoomiyaha Godey. Degmada
Jigjiga qudheeda, markii ay xorowday waxaa guddoomiye
ka noqday G/ S. Abuukar Shiikh Yuusuf (Abgaal). Marka uu degmooyinkii
gobolka u magacaabayay saraakiishan, madaxweyne Maxamad
Siyaad maahayn nin moogganaa shiddada ay leedahay
isu dheelli-tirka qabiilka ee howshan. Falkaas wuxuu
miisaan uga dhigay in uu horey u magacaabay saraakiil
badan oo u dhashay beesha Ogaadeen, kuwaas oo xilligaas
wax ka hayay masuuliyadda mu'asasaadkii dowladda. Raggaas
waxaa kamid ahaa Jeneraal
Aadan Gabyow, wuxuu odey ka ahaa xaruntii tababarka
ee Xalane. Jeneraal Aadan Kuukay, wuxuu taliye u ahaa ciidamada
biliiska Soomaaliya. G/ S.
Bile Rafle, wuxuu ahaa guddoomiyaha gobolka waqooyi
galbeed. G/ S. Cabdiraxmaan
Khaliif, wuxuu ahaa odaga kuliyaddii tababarka
saraakiisha.
Sidaas oo kale ayaa dowladdu waxay doontay in ay
gacan buuxda ku dhigto howlgallada ay wadaan ciidamada
jabhadda. Si taas loo sugo, saraakiishii maamulayay
dagaalka waxaa la faray in ay soo xiraan qaar kamid
ah hoggaamadii jabhadda. Ragga la beegtay waxaa kamid
ahaa Axmad Shiikh Cabdi
iyo Cumar Nuur. Tallaabadii
ugu horeeyay ee arinkaas ku aaddan, dowladdu waxay qaaday
bilowgii bishii agosto, markii uu taar ku soo dhacay
saldhig ay guutadii Axmad Gurey ka sameysteen gudaha.
Waxaa soo diray G/ S. Maxamad
Nuur Galaal. Taarku wuxuu ku
soo dhacay nin la yiraahdo Cabdullaahi
Barkhadle, oo markaas ku sugnaa Garba-korre.
Waxaa halkaas fadhiyay ciidan uu hoggaaminayay Yuusuf
Dheere. Sarkaalka halkaas fadhiyay, waxaa laga
codsaday in uu soo qabto Cumar Nuur. Isagu wuxuu ku war-celiyay Galaal,
wuxuu u sheegay in Cumar
Nuur uu la jiro Axmad Shiikh. Dabadeed Galaal
ayaa toos ula soo xiriirey Axmad
Shiikh Cabdi. Wuxuu weydiiyay in uu Cumar
Nuur la joogo. Markuu u sheegay buu wuxuu codsaday
in uu Hargeysa yimaado. Axmad
Shiikh baa ugu jawaabay, inaan Cumar
Nuur looga maarmin howlaha qallafsan ee degaanka
ka jira. Isaga oo ka waramaya sababta uu u hor istaagay
amarkaas, Axmad Shiikh
wuxuu yiri:
" Xilligaas waxaa jirey ciidan xoog leh oo
raacsanaa Cumar Nuur.
Bulsha-weynta ku dhaqan degaanka, qudhoodu waxay u arkayeen
in uu yahay hoggaamiye soo halgamay. Isagu wuxuu ahaa
abaabulihii ugu horeeyay, islamarkaana wuxuu horseede
ka ahaa dagaallo badan oo lagu qaaday ciidamada Itoobiya.
Wuxuu wax ka asaasay mu'asasaadkii siyaasadeed ee gobolka
ka abuurmay. Dhaawac bay inoola muuqatay in uu xilligaas
ka dhex baxo howlaha socda ". (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabd. 30/ 7- 2003-dii).
Si aanan garsoorka loo garab marin, waa ay
haboonaan lahayd in dhacdadan laga wareysto raggii uu
madaxweynaha ku kalsoonaa oo hayay xogta ku saabsan
waxa uu madaxweynuhu quursaday. Nasiib-darro, nooma
eeyan suuragelin wareysiga arintaas. Sikastaba arini
how dhacdee, waxaa muuqata in odeyaasha jabhadda qudhoodu
ay khaladka wax ku lahaayeen. Baarista arintan waa mid
u furan qof kasta oo xiiseynaya taariikhda dagaalkan
ee ah midda ugu hilan culus taariikhda casriga ee Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan, muddadii ay jabhaddu waday dagaalka
bilowga ah, dhowr jeer in uu codsi ka yimid dowladda.
Madaxda jabhadda waxaa laga codsanayay in la qarameeyo
ciidamada jabhadda oo mushahar iyo lambarro la siiyo.
Hoggaankii jabhadda iyo odeyadii degaanka, midkoodna
uma arag in arintan ay tahay mid macquul ah. Iyagu waxay
sabab ka dhigteen in dadka goobta isugu yimid eeyan
ahayn ciidan, balse ay ahaayeen reer miyi xoolo-dhaqato
ah oo lagu soo kiciyay qiiro waddaniyadeed. Saraakiishu
waxay mar walba ku talinayeen in dowladdu ay dadkaas
u qabato wixii ay u qaban kadho. Waxayna ka digi jireen
in mar qura kaaki dowladeed loo lebiso 10.000 oo reer
miyi ah. Arintaasi oo u muuqata mid ay ku saxsanaayeen
raggii gudaha ka hoggaaminayay jabhadda, ayaa waxay
kamid ahayd waxyaabaha ka careysiiyay dowladda.
Markii ay diidmadaas dhacday, madaxweyne
Maxamad
Siyaad
wuxuu gudaha u soo direy G/
S. Maxamad Cumar Jees.
Madaxweynaha iyo madaxda jabhadda waxaa ku dhex jirey
dallaalay ka macayshayay khilaafka. Magaalada Dhagax-buur
oo markaas ay Soomaalidu qabsadeen ayuu Jees
fariistay. Halkaas ayuu kala xiriiray Axmad
Shiikh
oo uu ka codsaday in uu ugu yimaado. Markay taariikhdu
ahayd 8/ 8- 1977-kii, ayay labada sarkaal ku kulmeen
degmada Dhagax-buur oo markaas laba cisho xor ahayd.
Axmad Shiikh Cabdi waxaa markaas la socday 24 nin
oo Jees uu codsaday in ay soo raacaan.
Iyagu waxay ahaayeen maqaawiirtii howsha ka waday gudaha,
gaar ahaan dhulka xuddubta u ah gobolka. Raggaas waxaa
kamid ahaa Shiikh
Maxamad Xakam,
Cumar Nuur,
Asad
Beddel iyo Cali
Shucaac.
Goor fiid ah ayay kulmeen. Axmad
Shiikh
baa goobtii war-bixin ku siiyay G/
S. Maxamad Cumar Jees.
Dabadeed Jees baa codsi u soo jeediyay Axmad Shiikh
oo yiri:
" Axmadow waxaa la rabaa 24 nin oo kamid
ahaa raggii muddada sanadka ah ku jirey dagaalka ee
guulahakan keenay. Madaxweynaha ayaa doonaya in uu abaal
mariyo. Idinkana waxaa leydin ka doonayaa qoraallo ka
waramaya war-bixin la xiriira howlihii aad qabateen,
raggii idin ka dhintay, kuwii dhaawacmay iyo ragga mudan
in la abaal-mariyo. ............................. ".
(Isla marjicii hore).
Xilligaas dowladdu waxay reebtay, odeyaasha
iyo saraakiisha beelaha ku dhaqan gobolka ee jamhuuriyadda
ku sugnaa, in ay gobolka aadaan. Xataa guddigii dhexe
ee jabhadda WLSF, ruqsad uma eeyan haysan in ay gudaha
u kacaan. G/
S. Jees,
wuxuu kamid ahaa labo sarkaal oo dowladdu ay u adeegsanaysay
xiriirka beelaha ku dhaqan gudaha gobolka. Ninka kale
wuxuu ahaa G/
S. Cabdirisaaq Maxamad Abokor.
Labaduba waxay kamid ahaayeen saraakiishii GS ee K.
Jees, markii uu la hadlay Axmad Shiikh,
wuxuu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyay in uu doonayo
in 24-ka nin ay Hargeysa u raacaan. Halkaasna uu dayuurad
ka saarayo, dabadeedna ay Xamar isu raaci doonaan. Axmad iyo raggiisii waxay garteen in
ujeeddada socdaalku yahay in la xirayo.
" Waxaa inoo caddaatay in meesha
laynoo wado ay tahay xabsi. Waanu tashanay oo waxaanu
isku soo qaadnay in aanu gadoodno oo aanu xabbad ku
bilowno ciidamada Soomaaliyeed. Misana waxaanu is tusinay,
umaddii Soomaaliyeed oo u dhiigeysa madax-bannaanida
gobolka, in eeyan arin mudan ahayn in laga soo hor-jeesto.
Tan kale askarta ka soo tallaabay xuduudda oo hadafkoodu
yahay xoreyn ummad Soomaaliyeed, in eeyan lahayn wax
dembi ah oo lagu laayo. Haddiise ay sidaasi dhici lahayd,
waxaa run u muuqan lahaa hadalkii ay dullaaleydu faafiyeen
ee ahaa in ay jiraan rag doonayay in ay gobolka ka gooyaan
dalka intiisa kale. Sidaa darteed baa waxaanu isku raacnay
in aanu Xamar u raacno Jees,
waxkasta ha nagu dhacaane
". (Isla
marjicii hore).
Raggii jabhadda hoggaaminayay waxay soo raaceen
Jees. Magaalada Hargeysa ayay ku soo
hor-mareen. Dabadeed halkaas ayuu dayuurad ka saaray
oo Xamar u soo dhoofiyay, kaddib markii uu ku yiri:
" Dagaal baa socda oo Xamar idiinma
raaci karo. Waxaanse idiin diyaariyay dayuurad. Haddaba
Xamar aada. Waxaad la kulmeysaan madaxweynihii iyo madaxdii
wasaaradda gaashaan-dhigga. Siiya war-bixin ku saabsan
marxaladihii hore ee dagaalka. Ku xusa wixii aad billad
iyo dallacaad u doonaysaan ". (Isla marjicii hore).
Xamar waxay yimaadeen markay taariikhdu ahayd
13/ 8 1977-kii. Waxaa markiiba lagu dejiyay xaruntii
saraakiisha. Laba maalmood dabadeed (15/ 8-1977-kii)
waxay la kulmeen madaxwynihii, isaga uu dhex fadhiya
beertii ku tiil aqalkii uu ku lahaa xaruntii ciidanka
cirka. Ninka wafdiga hor-kacayay wuxuu ahaa sarkaal
lla yiraahdo Cilmi-Nuur.
" Madaxweynaha oo wejigiisa ay caro
ka muuqato ayayhor fariisteen. Dabadeed su'aal buu hadalkiisii
ku bilowday uu Shiikh
Maxamad Xakam
werydiinayo magaciisa. Markuu u sheegay buu ku yiri
: Ma waxad ahayd ninka madaxweynaha loo doortay ?. Shiikhii
baa markaas ku jawaabay sidan :
Waan xanuunsanahay oo kaneeco ayaa i haysa.
Waxaanse ku weydiinayaa, nin ila mid ah oo weligiis
aanan arag magaalo Dhagax-buur ka weyn, dhafoor madaxweyne
lagu dalbo maku yaalaa !.
Waxaa xusid mudan, Shiikha oo qandhada haysay
darteed la gariirayay, ayaa wuxuu ahaa nin aanan horey
u iman dhulka jamhuuriyadda xorta ah.
Dabadeed madaxweynuhu Cumar
Nuur ayuu su'aalay, oo wuxuu yiri :
Adigu waagii hore maxaad ka shaqeyn jirta ?. Dabadeed
indhaha ayuu igu godey. Wax intaa dhaafsiisan nama dhex-marin.
Wuxuu yiri : meeshoodii geeya ". (Isla
marjicii hore).
Xaruntii saraakiisha ayaa lagu celiyay. Habeen
kasta waa ay isu iman jireen oo waxay ka shaqeyn jireen
howlihii loo direy oo ahaa diyaarinta qoraalkii ay wasaaradda
gaashaan-dhigga ka sugaysay ee ahaa magacyadii la dalacsiin
lahaa. Markay taariikhdu ahayd 17/ 8- 1977-kii, waxaa
xaruntii ugu yimid sarkaal la yiraahdo Ciise Keyse.
Wuxuu u sheegay in berri galabnimadii, 24-kii nin ay
ku diyaar ahaadaan xarunta, islamarkaana ay diyaariyaan
waraaqihii laga sugayay.
" Shiikh
Maxamad oo xanuunsanaa mooyee, 23-kii nin,
saacaddii lala ballamay ayaa
waxay ku soo diyaar-garoobeen xaruntii. Waxaa
jirtay in habeenkii ka horeeyay galabta nala ballamiyay,
in qaar kamid ah raggii si gaar ah oo gooni-gooni ah
loola hadlay. Waraysi ayaa lala yeeshay kaddib markii
ballan-qaadyo been ah loo sheegay. Waxaa la siiyay xoogaa
lacago ah. 24-kayagii wada socday waxaa nagu bilowday
inaan kala fur-furano. Su'aalaha raggaas la weydiiyay
waxaa kamid ahaa, Sheega wixii dhacay ?, ma goosaneyseen
?, yaa weeye ragga fikraddan qabay ?, haddaad warantaan
waa lagu dallicin, Ugaas baa lagaa dhigin iwl. ". (Isla
marjicii hore).
Ciise Keyse
ayaa galabtii ii yimid oo igu yiri : Wallaahi Axmadow arimaha socdaa inaanan waxba ka
garanayn. Jeneraal
Cumar Xaaji Masalle
ayaa igu yiri ragga iigu yeer. Saddex gaari ayaa yimid
xaruntii oo loogu tala-galay in lagu qaado 24-ka nin.
Baabuurtii oo raggii sidda ayaa markii ay soo dhaafeen
albaabkii weynaa ee xaruntii taliska ciidanka, waxaa
dhinacyada lagala istaagay qoryo ay beynaadda u furan
tahay. Xayn kamid ah askartii koofiya-casta ahayd oo
halkaa lagu diyaariyay ayaa joojiyay gawaaridii. Raggii
waxaa laga codsaday in ay soo degaan. Markii ay degeen,
nin askartii kamid ah baa afar magac
yeershay. Wuxuu codsaday in ay soo degaan, dabadeed
gacmaha ayaa laga xiray. Afarta nin waxay ahaayeen Axmad
Shiikh Cabdi,
Shiikh Maxamad Xakam, Cumar
Nuur
iyo Cali Shucaac.
Iyagoo gacma xiran ayaa la hor-geeyay Jeneraal
Cumar Xaaji Masalle.
Amar buu markiiba bixiyay isaga oo leh : Fuleyaasha
soo cabsaday, xabsiga ha lagu tuuro. Cumar
Xaaji,
wuxuu xilligaas ahaa abaanduulaha ciidamada XDS. Dabaqii
kore ee wasaaradda ayaa qol la baneeyay oo xabsi looga
dhigay.
" Halkii baanu ku xireyn illaa fiidkii
laga gaaray. Ramadaan bay ahayd oo waanu soomanayn.
Nala kama wareysan, islamarkaana wax afur ah nalooma
keenin. Goor ay tahay 7:00 fiidnimo ayaa nala soo saaray
gaari weyn oo ah kuwii ciidamada ay qoryaha ku guran
jireen. Gaarigii ayaa nala raacshay iyada oo ay nala
socdaan ciidan ilaalo ah. Goor ay saqdii dhexe tahay
ayaa waxaan gartay magaalo aanu dhex soconay. Meesha
aanu maraynay oo ahayd degmada Baydhabo, ayaa waxaan
ku gartay xaruntii shidaalka oo aargada u dhoweyd, halkaas
oo uu gaarigaan saarayn ka shidaal qaatay. Qiyaastii
markaanu magaalada ka baxnay masaafo dhan 7 km. Ayuu
gaarigii bidix inoola leexday. Waxaanu gaarnay xabsigii
Labaatan Jirow oo Beydhabo u jiray 72 km. ".
(Isla
marjicii hore).
Xabsigaas oo ay dhistay dowladdii Jarmalka
Bari, wuxuu ahaa xabsi ay ku jireen siyaasiyiin ruug-caddaa
ah iyo saraakiil sare. Degaanka uu xabsigu ku yaal wuxuu
ka tirsanaa degmada Xuddur. Waxaa loogu talagalay in
lagu xiro 2000 oo qof. 3:00 habeennimo ayay gaareen
xabsiga iridihiisii. Shiikh
Maxamad Xakam
ayaa markii uu arkay iridihii waaweynaa ee xabsiga,
wuxuu yiri : War meeshu ma Alam-bakhaa.
" Habeenkaas qolal kaneeco badan
ayaa nin iyo qol naloo seexshay. Maalintii oo dhan bay
ku jireen. Fiidkii danbe ayaa dibadda naloo soo saaray,
si naloo wareysto oo feylal naloogu sameeyo. G/
Dh. Daahir Qaaddi
oo xabsiga odey ka ahaa ayaa na wareysanayay. Sarkaalku
wuxuu ogaa in aynaan wax denbi ah lahayn, sidaa darteed,
dhidid badan baa ka da'ayay muddadii uu na wareysanayay.
Waxaa dhinac joogay Xiddigle
Diiriye Xuseen
oo loo yiqiin Diiriye
Jaahil.
Goor-danbena, markii lagu wareejiyay xilkii xabsiga,
labaxay Diiriye Labaatan-jirow ". (Isla
marjicii hore).
Dabadeed nin waliba waxaa lagu celiyay qolkiisii.
Qolalku, qiyaastii waa 3 X 6 m quadrate. Waxaa dhex-yiil
sariir dhagax ah oo la shamiinteeyay oo joodari la dul
saaray. Laba iridood ayaa qolka laga soo galaa. Iridda
soke, subaxdii waa la furaa. Iridda shishe, waxaa ku
yaal daaqad yar oo raashinka laga siiyo ninka maxbuuska
ah. Wuxuu kaloo ka fiirsadaa fagaaraha xabsiga iyo maxaabiista
dhex socota, hadba intii loo oggolaado. Axmad
Shiikh Cabdi
wuxuu ka waramay in maxaabiista uu daaqaddaas ka daawan
jirey uu kamid ahaa Gaashaanle Waldo Johannes, oo ah duuliyihii uu ku soo qabtay
Dirrida
Shiikh Xuseen Baali,
markaas oo ay ciidamadiisii ay gaareen gobolka Baali.
War Soomaali tala-xumo taag looga waayayoo
Dhaaxaan la taliyayoo teedii uun weeyoo
Tadbiir kale ma hayso'e iyadaa isku taaganoo
Iyadaysu tumanaysa tiir iyo billaawoo
Is-taageerid laga waa isu turina maysoo
Is-toleysi gacaltooyo tusi waa Ilaahoo
Tabaalaha adduunkiyo taariikha moogoo
Waxay tacaddi soo aragtay waa ku toosi weydoo
Cadaawaha u tashanaya tiisa eegi meysoo
(Cismaan Yuusuf Keenadiid)
Waxaa kale oo jirey laba nin oo ah odeyaal-dhaqameed
beelaha Ogaadeen ee gudaha ku dhaqan. Intuusan dagaalku
dhicin, iyagu waxay ahaayeen odeyaal matala beelahooda,
kuwaas oo dowladda Itoobiya ay kala mucaamalooto howlaha
la xiriira beelahooda. Doorashada uu boqorkii Itoobiya
ku xushay labadan odey waxay ka danbeysay markii Ugaas
Duulane Rafle uu ku abaaday xabsiga, dabadeedna uu u
soo baxsaday Soomaaliya. Labadan odey oo magacyadooda
la yiraahdo Maxamuud Heybe,
oo laga soo qabtay Qabri-dahare iyo Ugaas
Maxamuud Cabdi Bile,
oo isna laga soo qabtay Dhanaan, ayaa qabashadoodii
waxay dareen ku keentay dadkii degaanka.
Saadiq
Enow